Cudurrada tiro badanta
ah ee reerkeenna ku dhacay waxa ka mid ah, cudur halis badan, oo lagu
magacaabo, “daraja-doon”! Yar iyo weyn, sida loo badan yahay, waxa lagu jiraa
geyllan aan bilow iyo dhammaad lahayn; sida oo kale na aan miisaan iyo
minqiyaas lahayn, oo darajo uun lagu doonayo! La isma weyddiinayo waddooyinka
loo marayo halgankaas xalaal iyo xaaraan ka ay yihiin! Keliya hadafku waa uun
darajo hel! “Dadku ba, badankood, mid wal ba darajo ayaa uu isku tolay, ama
lagu tolay e, maxaa adiga doqon kaa dhigay, oo asaagaa kaa reebay?!” ayaa lagu
wada fekerayaa! Waxa aan maqli jiray, “Bisadda iyo jiirka aragti ayaa ka
dhexaysa”, ama “Nin iyo hantidii aragti baa ka dhexaysa”; waaqiceenna maanta ee
arrinta aynnu ka hadlaynnaa waxa weeye, “Badi bulshadeen na iyo darajo aragti
baa ka dhexaysa”! Magacyo-darajeedyada caanka ah, isla markaa na qiimaha badan
leh ayaa sidii neef qalan oo Habar Dugaag oo dhami ay kala jiidjiidanayaan loo
kala boobayaa!!! Madaxweyne, Ra’iisul Wasaare, Wasiir, Xildhibaan, Guddoomiye,
Barafisoor, Diktoor, Mufakkir, Qoraa, Aqoon yahan, Aqoon baadhe, Ogaal yahan,
Filasoof, Abwaan, Maanso yahan, Murti dhaadhi, Xeel dheere, indheergarad,
Gorfeeye, Siyaasi, Garaad, Ugaas, Suldaan, Wadaad, Weriye … intaas iyo in kale
oo aan sheegin ba maanta waa kuwo qiimihii ay lahaayeen gef weyn laga galay!
Mid ka mid ah magacyadaa qiimiga badan, ee dadka aadka ugu gaajaysan in ay wax
noqdaan meelahaa ku macne dilaan, ayaa aynnu faallo habboon ka bixinaynaa. Waa
erayga macnaha ballaadhan leh ee “Abwaan”. Maxaa darajo aan dheel dheel
lagu hanan karin si dhib yar loo sheegtay?!
Siyaabaha eray loo
tirtiro waxa ka mid ah: macnihiisa in la beddelo! Eray leh macne dhab ah oo
afku iyo dadku u yaqaan ayaa beri dambe, si ku talo gal ah mid macmal ah oo qof
ama cido gaar ahi bixiyeen lagu dhejiyaa, dabadeed na la la kaashadaa awood warbaahineed
iyo afmiishaarro maalin wal ba shaqadoodu tahay, garashada bulshada ee eraygaa
in ay tashwiish kaga furaan, oo macnahooda suuqgeeyaan! Badanaa haddii ay iska
caabbin bulsho la kulmin damacoodaa waa uu hirgalaa; dadku na fasirkooda ayaa
ay xaqiiq biyo kama dhibcaan ah moodaan, kuna dhaqmaan. Tusaale ahaan, erayga
‘Maanso’ oo macnihiisa runta ahi yahay wax wal oo la tiriyo, la taxo, la
qaafiyadeeyo, habdhac iyo dheellitirnaan leh ayaa beryo dhawayd macne kaas ka
duwan loo adeegsaday! Waxa lagu macneeyay, bad ka mid ah badaha maansada, oo
‘Jiifto’ loo yaqaan (Badaha kale giddigood waa laga saaray Diiwaanka Maansada)!
Sida oo kale erayga ‘Suugaan’ oo macne ballaadhan leh ayaa ay dad ku sharxeen
ku na soo koobeen keliya, ‘Maanso’! Ma oga Maansadu in ay tahay laan ka mid ah
laamaha Suugaanta! Hal-abuurka sheekada, teeda gaaban iyo teeda dheer ba, in ay
ka mid ah tahay Diiwaanka Suugaanta ma ay oga! …!!! Ilaa heer ayaa ay
bulshadeennu—badankoodu—marayaan in qof wal oo wax tiriyaa tixdiisa ‘Gabay’
lagu sheego, iyada oo laga yaabo in ay Geeraar tahay, ama Buraanbur, ama Saar,
ama Masafo, …! Aqoon darro badan oo Afka iyo Suugaanta ku saabsan ayaa jirta!
Shalay, dadkeennii hore,
iyo maanta, dadkeenna haatan, labo macne oo aad u kala duwan ayaa ay u kala
yaqaanniin isla eraygan, ‘Abwaan’! Waxa aan shakki ku jirin dadkeennii hore
sidii ay u yaqaanneen in ay sax tahay. “Asalku mar wal ba isaga ayaa sugan.”
Hadda ba, waa sababahee, kuwa mas’uulka ka ah, macnahan dambe iyo faafiddiisa?
Sida aan baadhis ku helay, macnahan cusubi, waxa uu, si qumman, ugu
dherersamayaa intii ay Soomaalidu reer magaalooday, iyo ka dib markii ay
dawladoobeen, ee ay yeesheen warbaahin afkooda ku hadasha iyo jiritaan qowmiyad
dunidu aqoonsan tahay. Ilaa iyo maalintii miyiga laga soo hayaamay, iyo ilaa
iyo maalintii la dawladoobay, iyo ilaa iyo maantadan qoyan; warbaahinta
Soomaalidu inta ay waxtartay afkeenna in le’eg ama ka badan ayaa ay
waxyeelaysay! Waxyeelooyinka ugu waaweyn ee ay u gaysatay Af Soomaaliga waxa ka
mid ah: macne doorinta erayga iyo ku gefidda naxwaha erayga. Sida qiyaastu
sheegayso, xilligaas ayaa ay dad baahi weyn u qaba in ay abwaanno noqdaan, oo
magac-darajeedkaas cindiga ka caashaqay; ama dad kaleeto oo aan si dhab ah u
garanayn macnihiisa runta ahi, ay macnahaas leexsan adeegsigiisa mariyeen
warbaahinta, dabadeed sidaas bulshadu ku heshay ogaanshahan ugubka ah, dhaqan
na gelisay! Si kasta ba xaal ha noqdo e, maanta qofkii labo tuduc miisaan ahaan
isku toostoosiya, murti badan ha ku xareedeeyo e, abwaan in loogu yeedho, haddii
uu labo tuduc oo kale na ku daro abwaan weyn loo caleemasaaro, waxa ka mas’uul
ah, dadkii eraygaa nuxurkiisa nijaaseeyay iyo warbaahintii tabnaantoodaa ku
taageertay! Ilaa iyo maanta khaladkaasi waa uu jiraa!
Abwaan, maxaa ay
Qaamuusyada Soomaaliyeed ku qeexeen? Marka dhammaantood akhris guud lagu
sameeyo, gaar ahaan na qaamuuska ay wada qoreen Cabdalla Cumar Maansuur iyo
Annarita Puglielli, waxa ay siiyeen saddex ujeeddo, dhafdhaf ahaan. Ta kowaad,
waa sida haatan bulshadeennu yar iyo weyn u yaqaanniin, ee ah: “Waa qof
hal-abuur suugaaneed leh oo wax curiya, ha ba kala duwanaadaan noocyada curinta
e’.” Ta labaad, “Waa buug ama buugaag taxane ah, oo laamaha aqoonta oo dhammi
ku jiraan.” Ta saddexaad, u na dambaysa, “Waa qof garasho, aqoon iyo waaya’aragnimo
dheeraad ah leh.” Ta hore waa ta aynnu ka dayrinayno, ee aynnu lee nahay waa tu
la abuuray, oo danaysan! Ta labaad iyo ta saddexaad se waxa ay mid wal ba wax
gaar ah ka sheegaysaa macnaha ballaadhan ee eraygan la wada jantay, ‘Abwaan’.
Abwaan, dadkeennii hore,
waxa ay u yaqaanneen: “Qof si ahaantiisu garasho badan iyo maskax furan Eebbe
ugu deeqay, isla markaa na aqoon iyo faham wanaagsan u leh saddexda aqoomood ee
muhiimka ah (Aqoonta diinta; aqoonta Soomaalida; iyo aqoonta dunida), kaas oo
xaajooyinka adag xal u heliddooda loo ga maarmi waayo, had iyo jeer na laga
barto weedho murtiyaysan, oo gadaashii bulshadu ku maahmaahdo ama ku
halqabsato.” Qofkaasi, lab iyo dheddig ka uu ahaado ba, waxa uu ahaa qof weyn.
Waayo; barashada iyo fahamka saddexdaas cilmi iyo ku xeel dheeraanshahoodu,
waxa ay u baahan tahay, wakhti badan oo badan. Kama uu duwanayn, hubaashii,
maktabad dhan oo khaanadaheedii iyo malaayiinkii dhiganayaal ee ku kaydsanaa ba
la qofeeyay, isla jeerkaa na la la hadlayo, iyadu na hadlaysa, oo xikmado nool
nool eray eray iyo weedh weedh ba dadka ku jalbeebinaysa! Waxa uu, si aan ka
weecweecad lahayn, u ahaa Qaamuus. Waa sababta Qaamuusyada Af Soomaaligu erayga
‘Abwaan’ macnahaa u siiyeen. Sida oo kale, waa sababta erayada ‘Dictionary’ iyo
‘قاموس’ lagu Af
Soomaaliyeeyay ‘Abwaan’. Maadaama uu yahay qof jaalle u ah garasho iyo aqoon
badan, iyo waaya’aragnimo dheeraad ah, isla sida oo kale waa sababta
Qaamuusyada Af Soomaaligu erayga ‘Abwaan’ macnahaas u siiyeen.
Waxa aan, mala’awaali
karaa, maanta, haddii Soomaalida afti ku saabsan qeexidda erayga ‘Abwaan’ laga
qaadi lahaa, sagaashan iyo sagaal boqolkii ba waxa ay ku qeexi lahaayeen,
“Abwaan, waa qofka wax curiya, ee maanso tiriya; sida oo kale na riwaayad
curiya.”Layaabka weynidiisa layaab ka weynayn waxa ah, in xattaa maanso
yahannaddii waaweynaa ee Soomaaliyeed ee qarnigii tegay iyo kuwa qarnigan ba,
badidoodu, sidaas u yaqaanniin! Bal se, had iyo jeer bulshadu qallooca isku ma
wada raacdo; waxa horay iyo haatan jira, maanso yahanno iyagu qeexidda runta ah
ee erayga ‘Abwaan’ yaqaannay/yaqaanna, ummadda na ka codsaday/codsada in aan
magacaas loogu yeedhin! Tusaale waxa aynnu u soo qaadan karnaa, boqorkii
gabayga iyo murtida ee Soomaalida, ee qaybtii dambe ee qarnigii tegay, ilaa iyo
eegga, ustaad Cabdullaahi Macallin Axmed Cismaan “Dhoodaan” (IHUN), oo isagu ku
baraarugsanaa eraygan ulajeeddada dhaladka ah ee loo adeegsaday, in badan na
Soomaalida ka codsaday “Abwaan’ in aan loogu yeedhin. Muuqaalbaahiyaha caanka
ah ee Hoonkaybal ayaa warraysi ay ka qaadeen uu sidaas ku sheegay. Mar uu
qeexayay na (Abwaan) waxa uu yidhi:
“… Abwaan ninkii la dhihi jiray, nin sheekeeya ma ahayn! Nin hal-abuur sameeya na ma ahayn—ayaamahan ay dadku 'Suugaan' yidhaahdaan; Suugaan ma aha e 'Hal-abuur' ayaa la dhihi jiray! Hal-abuurradaas kala geddisan nin sameeya na ma ahayn! Laakiin, wixii adkaada, ee la garan waayo, ayaa meel fog isaga oo jooga loo raadsan jiray furaheeda [Furdaaminteeda]. Kolkaas ayaa inta loo warramo, ayaa arrintii loogu socday, ee looga maarmi waayay baa loo sheegi jiray. Haddii su’aalo meelahaa ay kaga dhuumato [meelo uu doonayay in uu wax ka ogaado], waa uu su’aali waa na loo jawaabi. Kolkaa ayaa uu hadal yar oo gaaban, ayaa uu macne ballaadhan ku koobi jiray! Taas ayaa had iyo goor waxa ay noqon jirtay inta badan: maahmaah iyo halkudhegyo. Abwaan kaas ayaa la dhihi jiray! Ninkii noocaa ahaa! ...” (Halkan ka daawo muuqaalkaas)
Hadda ba, magac-darajeed
uu isla jeclaan waayay, in badan na in lagu sheego diiday, kuwo ka dayn waayay
na markii dambe uu yidhi ‘Qaryaan’ igu yeedha, gabyaagii iyo filasoofkii
weynaa, iyo boqorkii gabayga iyo murtida, iyo ustaadkii ‘Maansaynta Maahmaahda’
iyo ‘Gabay-ku-maahmaaha’, garaad sare Dhoodaan (IHUN); waa fool xumo weyn iyo
wax dhabtii laga faano in uu wiil yari ama gabadh yari oo maansadiisu/deedu
weli curdin tahay, iyada oo aan sharraxaddaa ba loo isticmaalin, raalli ku
noqdo/oto abwaan/ad in loogu yeedho! Bulshadu, iyada ayaa aqoonsata, isla
jeerkaa na maamuusta, halyeygeeda iyo haldoorkeeda. Darajadaas aadka u sarraysa,
shakhsiyaadkii gaadhay, ogaalkayga haddii aan qaar ka magacaabo, waxa ka mid
ah: Sayyid Maxamed Cabdalle Xasan (IHUN), Cabdullaahi Suldaan ‘Timacadde’
(IHUN), Cabdullaahi Macallin Axmed Cismaan “Dhoodaan" (IHUN), Cismaan
Yuusuf Cali "Keenadiid" (IHUN), Axmed Ismaaciil Diiriye
"Qaasim" (IHUN), Axmed Sh. Jaamac (IHUN), Dr. Cumar Cismaan Raabi
(IHUN), Maxamed Ibraahin Warsame “Hadraawi”(IHI), Maxamed Cabdullaahi Ciise
"Singub” (IHI), IQKB.
Ugu dambayntii,
Soomaalidu waxa ay lahayd (Haatanna lee dahay) labo mufti oo labadu ba bulshadu
si gaar ah u sharfi jirtay. Waxa ay kala ahaayeen muftiga diinta oo ‘Wadaad’
loo yaqaannay, iyo muftiga dhaqanka oo ‘Abwaan’ loo yaqaannay. Abwaanku, waxa
uu ahaa qof kulansaday shan maaddooyin oo muhiim ah: aqoon iyo faham badan oo
uu u lahaa diinta islaamka, iyo ummadda uu ku abtirsado hiddaheeda,
dhaqankeeda, sooyaalkeeda, juqraafigeeda, aqoomaheeda, afkeeda iyo
suugaanteeda; waaya’aragnimo badan oo uu u lahaa gu’yaal badan oo uu soo noolaa
dhacdooyinkii dhacay, is beddelladii waayaha bulsheed iyo hab nololeedka, iyo
mahadhooyinkii waaweynaa ee qormay; garasho buuxda oo uu u lahaa sooyaallo
badan oo bulsheed iyo deegaameed, iyo ogaallo badan oo khuseeya wixii isaga ka
horreeyay; Awood saadaalineed oo uu u lahaa si heer sare ah in uu kaga
faalloodo timaaddada iyo wixii ku saabsan; Iyo hal-abuurnimo murtiyeed oo u
badnaa maahmaahyo, halkudhegyo iyo halqabsiyo uu curiyay, gadaashii na
caanbaxay, oo bulshadu adeegsatay. Qofkaa sidaas ah, ee cilmiyadaa badan laabta
uga wada qoran yihiin, ayaa ‘Abwaan’, dhab ahaantii, loo yaqaannay! Waxa
suuragal ah, abwaankaasi beryo dambe hibo maanso curineed oo ku duugnayd in ay
soo if baxdo, oo dabadeed noqdo ‘Abwaan maansooda’; ama maanso yahan uu gadaal
u xuub siibto ‘Abwaan’, ka dib markii uu aqoomahaa hantiyay. Hadal iyo
nuxurkii, waxa aan maanso yahannada sebankan ummaddeennan aqoon darradu ku
badan tahay u maansooda mid mid uga codsanayaa, bal waajib ah, in ay ka
fogaadaan, in ay isku magacaabaan ama madaxa u ruxaan kolka bulshadu ku magacawdo,
magac-darajeedkaas qaaliga ah. Wixii aad jeclaato naftaa loo jirrabaa!
FG: Erayadan gaagaaban
sidan ayaa aan ka wadaa. IHUN (Ilaahay Ha U Naxriisto). IHI (Ilaahay Ha
Ilaaliyo). IQKB (Iyo Qaar Kaloo Badan).
W/Q: Maxamed
Cabdirisaaq Saciid “Samiik”
Qoraa iyo aqoon
baadhe Soomaaliyeed
Boosaaso, Buntilaan,
Soomaaliya
Sade, Feebarweri 23, 2016
Sade, Feebarweri 23, 2016
Haddii aad akhriday mudane/marwo, waa aan jeclaan lahaa aragtidaada in aad i la wadaagto oo faalladaada halkan ku hoos qortid. Mahadsanid.
ReplyDelete