Tirada Soo Booqatay

Thursday, April 28, 2016

Sidee U Arkay Aflagaaddadii Hawd Iyo Naqdigii Wadaaddada?


Muddo ba waa aan ka maqnaa adeegsiga Warbaahinta Bulshada. Sababta taa keentay, sida ay dad badani og yihiin, waa cillad ku timid xaruntaydii hore, ee dadku ay wada yaqaanneen. Arrimo badan oo waxkadhihis u baahnaa ayaa muddadaa i dhaafay. Ta ugu horraysay waxa ay ahayd dhallinyaradii Soomaaliyeed ee masiibadu ku timid. Taa haddii uu Eebbe idmo, aniga oo dareensan in aan laga run sheegin dhacdadaa sababaheedii iyo xalkeedii, curis ayaa aan ka qori doonaa. Ta ugu dambaysay na waxa ay ahayd Ibraahin oo mar kale, sidii lagu yaqaannay, dedaalladii uu sannadihii dambe ugu jiray duminta Islaamka iyo darajaynta Ilxaadnimada, mar kale tallaabo dhiirran qaaday, si uu xaaladda lidka ku ah uga faham qaato awooddeeda, isla markaa na raadiyo dariiqa ugu habboon ee yoolkiisa weyn geyn kara. Qoraalkan saddex amuurood ayaa uu daaran yahay: (1) in aan ku soo bandhigo aragtidayda ku aaddan shakhsigaas waxa uu yahay—aniga oo ka duulaya xogaha aan ka hayo; (2) in aan ugu mahadnaqo walaaladii sida wanaagsan ee qiimaha badan u naqdiyay; iyo (3) in aan talooyin u soo jeediyo dhallinyarada Soomaaliyeed ee odaygaas lunsan la safan.

Jiritaanka iyo joogista arladan ee cunsurka Soomaaliga ahi waa mid aan raalli laga ahayn sababo jira daraaddood. Sidaa awgeed ayaa ay, waa hore, sida sooyaalka ku cadi ay bilaabantay, dagaalka daalaca ah iyo ka dadban ee tan iyo waagaas lagu la jiro. Labo habood ayaa ummadaha sideenna oo kale ahi khariiradda looga saaraa. Midda kowaad waa xanuuno farabadan oo lagu beero nafsiyaddooda, garashadooda, fekerkooda, iyo si araggooda. Midda labaad oo taa ka natiijaqaadanaysa waa in lagu fuliyo qorshayaashii qarsoonaa ee dhaqan gelinta u baahnaa. Gumaysiga Soomaaliya oo galay wejigiisii labaad, sida aqoon yahanno badan oo sokeeye iyo shisheeye ahi ba wada qirsan yihiin, waxa uu diiradda saarayaa sidii Soomaalida loogu soo dhoofin lahaa aragtiyo iyo danooyin gaaleed, ka dib markii la hubsaday in hankoodii, garaadkoodii, iyo wadartoodii aad loo daciifiyay. Halgankaa dambe, oo hubaashii dunida aan ku cusbayn, waxa uu u baahday saddex arrimood oo muhiim ah: (1) helitaanka wadaaddo Soomaaliyeed oo weerarkaa ruuxiga ah loo adeegsado—waa na falsafadda ah “diinta kula dagaalan dadkeeda; (2) helitaanka aqoon yahanno Soomaaliyeed oo dedaal geliya minguurinta aragtiyada iyo ku qoridda erayo fudud oo la fahmi karo; iyo (3) helitaanka awood siyaasadeed oo labadaas si dhow oo aan muuqan u la shaqaysa.

Si aad u dhow ayaa aan u la socdaa, dhaqdhaqaaqyada uu Ibraahin Hawd samaynayay sannadihii u dambeeyay, ee ku wajahan doorka uu mashruucaa weyn ku lee yahay. Xogta aan helay intii aan ku guda jiray fahamka aqoontiisa, xiskiisa, fekerkiisa, sooyaalkiisa, iyo hab dhaqan-dabeecaddiiisa, waxa ii soo baxay labo maaddo oo sida qorraxda maanta ii gu cad. Maaddada hore waxa ay ka faalloonaysaa dhammaan gefafka waaweyn ee diineed ee uu galay (haatanna uu gelayo) in ay san ka ahayn aqoon darro, ee ay ka tahay caqiido faafin. Kolka aad loo miisaamo aqoonta wanaagsan ee uu af Carabiga iyo daraasadda Islaamka u lee yahay, isla markaanna si gooni ah loo qiimeeyo muddada dheer ee uu hawlahan ku jiray, lagu na daro xisaabta hab bandhigista aragtiyadiisa iyo luqadda uu u xusho, waa mid si weyn oo xaqiiqeed u caddaynaysa in aannu xaq iyo xal doon ahayn, ee uu xumaan iyo xasarad doon yahay. Maaddada labaad waxa ay faaqidaad ka dib sugaysaa labo cudur oo nafsaani ah oo uu la wareersan yahay qoraagu, tan iyo bar bilowgii geyllankiisa. Cudurka kowaad waa isaga oo Soomaali ah oo isirkiisa oo Muslimiin u badani raba in uu fahamsiiyo caqiiddadiisa Calmaaniyadda ee toobiyaha Mulxidnimada haysa, taas oo ay ku adkaatay habka uu u soo gudbin lahaa, iyo dabcan, sida uu uga falcelin lahaa doodda tiisa ka soo horjeedda. Cudurka labaad waa isaga oo mar mar ay ka xoog badiso caaddifaddiisa, isla markaanna go’aan degdeg ah ku gaadha in uu faafiyo rumayntiisa, isaga oo aan manhajaynin oo gudbinteeda wakhti iyo feker gelinin. Ugu dambayntii, waxa aan si buuxda horay iyo haatan u aaminsan ahay, Ibraahin in uu yahay: Calmaani buuxa, aad u cuqdadaysan,  xagjir ah,  oo darajada uu u socdaa na ay tahay Calmaani Mulxid ah.

Weerarka uu ku hayo diinta iyo ehelkeeda ma ahan mid sannnadkan, sannadkii tegay, iyo sannado ka horreeyay oo dhow bilowday; waa weerar uu soo waday tan iyo muddo dheer, bal se aad ugu hawl galay wixii ka dambeeyay labadii kun. Habka dumintiisu waa habka ay adeegsadeen Calmaaniyiintii hore—kuwa haatanna ay adeegsanayaan. Waa habka ka duula saddexda qaacido ee iyaga muhiimka u ah. “Culimada ceebee, si Caamada u duufsanno,” “Farriinsidaha dur, si Farriintu u dux beesho,”  iyo “Farriinta farriin ku beddel, si Aaminuhu u riddoobo,” waa falsafado dunida laga yaqaanno oo cid wal baa oo aaminaad jirta in ay ka takhallusto rabtaa, ay ku dhaqmaan, guul iyo guul darro ba kala kulmaan. Sida ay kow u ahayn Ibraahin in uu shareecada weeeraro ayaa ay san kow u ahayn dad badan oo wanaag la jecel in ay waaniyaan. Bal se dhammaantood, sida aan isla wada og nahay, waa aannu ku guul darraysannay in aannu qancinno, oo ugu yaraan aqbalsiinno in uu na la doodo. Dhaqammada uu lee yahay ayaa taas aad u diidaysa. Dhaqammadaa oo ay ka mid yihiin in uu san ahayn nin marka hore xisaabta ugu jirto in uu wanaagsanaan karo iyo in uu xumaan karo; in laga aragti duwanaan karo oo la naqdin karo; iyo in la la doodi karo oo si fiican loo burburin karo dooddiisa. Sidii aan horay u sheegay waa daaci keligii hanuunsan oo raba in uu hanuunkaa faafiyo—isaga oo dadka ka aragti duwan ka rumaysan in ay wada habowsan yihiin, hammi yar yihiin, oo hanuun u baahan yihiin!

Aflagaaddada uu u geystay Nabi Maxamed (N.I.N.K.H.A.) saddex ammuurood ayaa aynnu ka fahmi karnaa. Ammuurta kowaad waa in uu san soo bandhigin dood, ee uu soo dagaal tegay. Si dhab ah kolka la qiimeeyo qoraalka uu arrintaa ku sameeyay, waxa judhdhiiba gorfeeye wal oo fekerrada sida loo shiilo yaqaannaa fahmi karaa, in uu san ku qorin caqli degan oo miisaaman, ee uu ku qoray cadaadis qalbiyeed oo uu maamuli kari waayay. Sida uu u degdegay ee aannu qormada uga dhigin qormo-doodeed; sida uu isla markii ba u abbaaray ujeeddadiisa; sida uu xukunkiisa ugu fadhiisiin dhammaan daliillada badan(!) ee uu qaar hordhac ahaan u soo tebiyay; iyo luqadda xanafta iyo dirirtu ka buuxdo ee uu ku qoray ayaa ammuurta kowaad caddayn u ah. Ammuurta labaad waa in uu hubsiimo doon ahaa. Si loo ogaado ummad duulaan ruuxi ahi ku socdo in ay nooshahay weli iyo in kale, waxa lagu tijaabiyaa in la gano waran aad u sumaysan oo si dhakhso ah loo rido, si loo ogaado xaqiiqada “dareenka bulshada.” Amuurta saddexaad na waa in ay macne gaar ah u samaynaysay toogashadaas halista ah—taas oo haddii sida uu doonayay ahaato dhiirri gelin weyn siin lahayd (oo aragtiyooyinka kale ee gaaleed ee xerada ugu jira la soo ordi lahaa), haddii kale na ku khasbi lahayd ‘dib u gurasho xeelad feker’ wax lagu mesaali karo. Sida dambe haddii ay noqoto, badanaa Calmaaniyiintu, waxa ay la soo degdegaan qoraal xiisad-qaboojin ah, bal se loo ekaysiiyo soo laabasho buuxda—waa na sida uu Ibraahin sameeyay haatan, marar hore na uu sameeyay.  Isugee oo, aflagaaddadaa uu sameeyay waxa aan u arkaa mid uu san ku qaldamin, ee uu ku qanacsan yahay; iyo kaabad uu cagta la helay oo uga sii kori doono kaabadda ku xigta oo ah xukunno laga dhaliyo Nabinnimadii Nabi Maxamed (N.I.N.K.H.A.) ka hor. Waxa ay na walaalo badan oo doodahaygii hore aan ku baraarugin haatan ku baraarugeen, in meesha loo socdaa ay tahay Ilaahay oo Ilaahnimadiisa loo diidan yahay (Ilxaad), bal se Masjid, Wadaad, Af Carabi, Carab, Sunni, Shiico, Saxaabbo, Xadiis, Qur’aan, Nabiyo iyo Malaa’ig (oo soo socota) waxa laga dhiganayaa dhammaantood jaranjaro. (Qoraalkan ayaa aan hordhac fiican kaga bixiyay kooxaha lunsan ee innagu soo badanaya maanta.) 

Hambalyo aad u weyn waxa aan u dirayaa guud ahaan wadaaddadii iyo dadkii kale ee sida geesinnimada iyo gobannimada leh xumaantaa uga falceliyay. Gaar ahaan Sh. Cabdiqani Beder, Sh. Ibraahin Xirsi Galow, Sh. Mustafe Kaydsane, iyo Sh. Cabdirisaaq Cabdiraxmaan Xasan “Rakuub.” U hiilinta xaqqa waa waajib saaran qofka Muslimka ah. Waa hawl waajib ah oo heerar kala duwan, fiqhi ahaan, kala leh. Waa na mid ka mid ah shaqooyinka lagu mutaysto gelitaanka iyo ku waaritaanka Jannatul Firdowsa. Wanaag iyo darajo badan ayaa aan Eebbe dedaalkaa iyo dadnimadaa aad samayseen idiin kaga rejaynayaa. Doodaha Sh. Cabdiqani oo aan la dhacay, labo waxyaalood oo aan jeclaysan ayaa aan jeclaan lahaa in aan ku baraarujiyo. Ta kowaad waa adeegsiga erayga “mudane” oo aan ahayn magac-darajeed, ee magac-sharafeed ah. Qof hadh iyo habeen u taagan dullaynta Muslimiinta, duminta Islaamka, iyo darajaynta Ilxaadnimada, isla markaanna weerar cad isaga oo aqoon u leh diinta tiirarkeeda iyo sharciyadeeda ku soo qaadaya, oo qoraalladiisu qorshaysan yihiin, sinna ba u ma istaahilo in loo adeegsado wax sharaf ku xidhmaya—sharafta qofka Muslimka ahi waa diintiisa. Ta labaad waa adeegsiga luqadda daciifnimadu ka muuqato. Diin ahaan, qof wal oo la yimaadda dood adag oo xattaa Ilaahnimada Qaadirka weyddiin gelinaysa, bal se edabsan, daliilaysan, oo macnaysan, waxa loo adeegsadaa af jilicsan oo dhowrsoonaan aad u badani ka muuqato. Bal se xaaladdaa caksigeeda waa in la adeegsado luqad adag oo daliil iyo xujjo uun ka duulaysa iyo cabbir qumman.  Xaaladdan oo kale, dhacdadan oo kale, iyo ninkan oo kale ma aha kii ay waajibaysay hadalka in la debciyo oo awoodda sare laga kaaftoomo. Xaqiiqada biyakamadhibcaanka ahi waxa ay tahay, Ilaahay oo soo hanuuniya mooyaan e, ma aha Ibraahin nin aqbalaya dood wal oo qumman oo aayatiinkiisa badbaadinaysa—waayo u ma ba diyaarsana. Sidaa awgeed waajibka culimada saarani waa in ay dhallinyarada u digaan oo afkaartaas si aqoonaysan u naqdiyaan, isaga na sidii raggii la yaqaannay loo la hadli jiray loo la hadlo. Guud ahaan naqdigaasi waxa uu ahaa mid wanaagsan, munaasabaddiisii ku soo aaday, oo gobannimo weyn ka muuqatay. Sidaa awgeed ayaa aan uga kaaftoomay in aan mas'aladaa si cilmi ah u naqdiyo. 

Ugu dambayntii, markii aan aad u dhuuxay faallooyinka walaalada Ibraahin afhayeenka u ahi, waxa aan fahmay aqoon aan u lee yahay badankood saddex nooc in ay isugu jiraan. Nooca kowaad waa koox ku difaacaysa magac qabiil ama degaan. Dooddoodu kama baxsana “waar qoraagayaga noo daaya.” Nooca labaad waa dad aan aqoon badan u lahayn diinta, bal se ku khaldamay afkaartaas oo saxeex mooday.  Nooca saddexaad, u na dambeeya, waa qolo aqoon darro iyo qallafsanaan fekereed ay isku raaceen. Waa qolo la aragti ah—haddii aan ay qaarkood isaga ka geesisanayn! Si guud ahaaneed saddex talooyin ayaa aan siinayaa. Talada kowaad waa in ay Allaah (S.W.T.) ka baqaan oo masiirkooda dambe ilaashadaan. Talada labaad waa in ay diinta bartaan oo ehelkeeda ka bartaan. Talada saddexaad waa in ay aaminsanaantooda dood geliyaan haddii ay ku kalsoon yihiin, haddii kale na baadhis dib ugu noqdaan si ay kalsooni u soo samaystaan. Qoladaa dambe diyaar ayaa loo yahay goor wal ba oo ay doonaan, in aragtiyadooda la la gorfeeyo, si cilmiyaysan oo akhlaaqiyaysan.

















W/Q: Maxamed Cabdirisaaq Saciid “Samiik”
Qoraa iyo aqoon baadhe Soomaaliyeed
Boosaaso, Buntilaan, Soomaaliya
Uguux, Abriil 28, 2016

3 comments:

  1. Haddii aad akhriday mudane/marwo, waa aan jeclaan lahaa aragtidaada in aad i la wadaagto oo faalladaada halkan ku hoos qortid. Mahadsanid.

    ReplyDelete
  2. Qormadan oo aan is-taahilin in waqti badan la geliyo ama wax un laga yidhaahdo, hadana waxaa un intaba in aan ka boodno sabab u ahaa nin oday ah oo ay barbaartu xilliyo hore wada oolli jireen aagag un aan sidaa uga fogayn Geeska oo in badan oo ay barbaartu isku wada lin-gaxan yihiin qormadan u duway; Sidaasaa hor iyo horraanba barbaarta ku qaaday in ay wax un ka yidhaahdaan!!

    Billowgaba; Qofkii qoraalkan akhriya waxaa meel fog daf odhanaya siifadda halka aad ku sal-xidhan tahay; ama hadii si kale loo dhigo BUUQ - SAMAACADO waaweyn oo un wixii xilli loo aqoon jiray ictisaamkii gummoobay ay ku akhdaaman jireen!! Lagana yaabee in aad tusaale u tahay qaarkii ay ku hafiyeen wixii ay xilliyo hore diin ku sheegi jireen asiise ku af-xidhmay habro-baarsho loo dhan!!

    Ninkan aad imika ku raran tahay oo aan filayno in uu Wuqooyi galbeed, Togdheer, awdal-land, sool-sanaag-cayn iyo harti bari ama majeerteeniyaba iska dheh mid uu ka soo jeedo, weli nooma aadan sheegin qadiyad keliya oo aad ku dhaliishay oo misana aad weliba falki-furtay; Waxa aad un sheekadaba noogu soo gaabisay; [waxa aan si buuxda horay iyo haatan u aaminsan ahay,..]; Iyadii oo ay halkan in la udkuraa ay tahay in uusan isagu Arkaanul-imaanka ku jirin!! Oo sabab aad wax uga aamintaa ama aad qudhiisaba u aamintaa aysan meeshaba oollin!!

    Waxaa barbaarta aad u soo jiiday qaabka aad u adeegsatay erayada; CALMAANI; MULXID; CULIMO; ISNIINO,...Oo intaba u baahan kolka lagaba soo tago tan ay dunidu u taqaan, aan jeclaan lahayn in aan ogaanno sida aad adigu isu tustay!!

    Ugu dambayn; Waxa aan filaynaa in aad tahay nin dhaliinyara ah; Waxa aan jeclaan lahayn iyadii oo aan waxba laguu meerin in aad u baxdo garadkaa-dhaqaaq oo kolkaa aad taa iyada ah aad asaagaa wax kula qaybsato!! itaal-dhaqaaqa iyo sida aad imika wax u dhigtay rag baa hortaa ku hoogay oo imika meel ay galaan aduuun iyo aakhiraba la'!! Maskaxda fiyoobi dareen qumman ayeey saas-xidhaaa!!

    ReplyDelete
  3. hal qalad ah oo sameyay ninka Ibrahim ku sheegtay sooma ban dhigin waxad adiga ka aamintay oo kaliya ayaa nala wadaagtay nabiga N.N.K. ayuu af lagadeyay baa tiri waxa uu ku af lagadeyay maxad u sheegi weyday al-muhiim ninka waxad ku sheegtay in caadifad hogaamisay lkn qoraalkada bin bilow ilaa dhamaad uu caadifad yahay miiran yahay aniga oo ixtiramaya qoraalkada wax laga faa'idaya oo muuqda malaha qoraalkada

    ReplyDelete