Subax wal ba isaga oo cadho awgeed hadli karin ayaa uu shaqada tagaa!
Muddo ba sidaas ayaa uu ahaa! Waxa uu ka mid ahaa shaqaalayaasha shirkadda u
shaqeeya kuwooda ugu karti iyo dedaal badan; bal se eegga waa caksigeeda! Sida
oo kale dhaqankii wanaagsanaa ee marka uu guriga joogo afadisa iyo carruurtiisa
ku qaabbili jiray is beddel weyn ayaa ku yimid! Xaaladdiisu waa mid khatar ah
oo Allow sahal ah! Laftir ahaantiisu isma mooggana; hase ahaatee, dhibaatada
haysata xal ayaa uu u la’ yahay! Dabka ba’an ee naftiisa ka shidan waxa uu dareen
ahaan saamaynteeda isaga daweeyaa labadan murtiyood ee cajiibka ah: “Allaah
aamine ma iisho” iyo “Daacadi ma hungoodo”.
“Hadal na la kala odhan og, Alle na la kala baryi og”, ayaa ay Soomaalidu ku
maahmaahdaa. Salaad wal ba oo uu tukado Ilaahay SWT waxa uu ka baryayaa waddo
khayr leh in uu u furo, oo mushkiladdan uu la nool yahay, ee jiif iyo joog ba u
diidday ka bixitaankeeda ku kaalmeeyo. Tolow ma baryadaadii ayaa uu Eebbe
aqbalin? Mise sida aad u bariday ayaa aan toosnayn, oo gefaf baa ku jira? Sidee
wax u jiraan? Weyddiimahaas ayaa ku soo noqnoqda; kuma soo noqnoqdaan e’, mar
wal ba waa uu la nool yahay! Waxa uu
orod dheer ugu jiraa, mar uun, farsamadii uu caqabaddan kaga bixi lahaa in uu
helo, oo sidiisii hore ku soo noqdo.
Waa wiil dhallinyaro ah oo da’dii soddonaad ku jira. Waa arday
jaamacadeed oo sannadkii saddexaad ah. Waa aabbe hooyo iyo afar carruur oo ay
dhashay ka mas’uul ah. Waa halgame is beddellada duruufaha nolosha ee maalin ba
cayn ah la tacaalaya. Si wal oo uu guul iyo farxad u helo, guul darro iyo
murugo ayaa garabka ka dhirbaaxda! Maanta ayaa aad mushkilad xalisay oo waa aad
nafisaysaa haddii uu isku qanciyo, mid meel dhow ku dhuumanaysay ayaa is tusta
oo gacanta u haadisa! Wax wal waxa uga daran tan iminka haysata ee jamaalkiisii
iyo jarmaadadiisii aafo weyn ku noqotay! Ugu yaraan waxa uu rumaysan yahay
haddii uu furdaaminteedii helo in uu farxayo ama furfurnaanshihiisii aadka loo
jeclaa tartiib tartiib u soo laabanayso.
Waxa uu jecel yahay oo uu had iyo jeer ku hammiyaa aabbe wanaagsan in
uu noqdo. Salaadda subax kolka uu tukado waxa uu isku diyaariyaa shaqadiisa in
uu tago. Waxa uu ka mid yahay shaqaalayaasha shirkadda Golis, xarunteeda weyn
ee Boosaaso. Isaga oo daalan marka uu soo rawaxo, salaadda duhur tukado,
qadeeyo, waxa isaga iyo tiro saddex arday oo ay isku xaafad yihiin goob aan
gurigiisa ka fogayn ka raacaan, mid ka mid ah basaska qaada ardayda Jaamacadda
Muqdisho. Makhribadii ayaa uu ka yimaaddaa. Dabadeed, wiilkiisa curad si uu Qur’aanka
ugu mariyo u na qaybsiiyo ayaa uu, wararka fiidnimo daawashadooda ka dib,
imaatinka guriga u soo degdegaa. Waa nin ka adag shaqadiisa iyo aabbannimadiisa.
Waa nindoor dangarad ah.
Ma jecla, oo dambi weyn in uu galay ayaa uu is dareensiiyaa, haddii
reerkiisu wax uga baahdaan, oo uu awoodi waayo. Kolka la qiimeeyo shaqooyinka
Boosaaso laga helo iyo mushahaarka laga ga shaqeeyo, dadka ugu lacag fiican
ayaa uu ku jiraa. Afar boqol oo doollar ayaa uu bil wal ba u xaadiraa. Laakiin
guriga uu deggan yahay waa kiro; bil wal boqol doollar ayaa laga qaadaa. Waxa uu
ka kooban yahay saddex qol, labo suuli, daarad waasac ah iyo jiko. Adeegga iyo
raashinka celcelis ahaan boqol iyo toban doollar ayaa uu u qoondeeyay. GUMCO oo
ah shirkadda biyaha ee magaalada bishii toban ilaa kow iyo toban doollar ayaa
uu siiyaa. Waxbarashada ubadkiisu na waa labaatan doollar. Inahaas oo dhan waa
xisaabo maangal ah, oo walaac badan aan ku haynin. Dhibaatadu se waxa ay ka
haysataa shirkadda Eeneeye (Sida oo kale na loo yaqaan WXKU – Wakaaladda Xoogga
Korontada Ummadda) oo ah shirkadda korontada ee magaalada!
Kuma faraxsana guriga kirada ah ee uu deggan yahay! Habeen wal ba oo
uu seexdo iyo arooryo wal ba oo uu kaco niyaddiisa kama baxdo guri uu lee yahay
in uu dhisto. Si ay taasi suuragal u noqoto ayaa uu qorshaystay bil wal ba boqol
doollar akoonkiisa in uu ku rido, si sanadkii kun doollar u noqoto, oo uu
ganacsi ugu sameeyo. Qorshihiisaa waxa cadow weyn ku noqday oo in uu hirgalo
diidmo aad u xooggan kala hor timid Eeneeye!!! Mar wal oo warqaddii ay ku
qornayd isticmaalkiisa bisha u timaaddo xanaaqa uu ka qaado waxa uu ku
dhawaadaa korontada guriga ba in uu ka saaro oo uu faynuus shito, ama in uu ku
naar galo oo rasaas nool nool xarunta iyo shaqaalaheeda ba sidii roob mayay ah oo
bulsho harraad muddo la deris ahayd markii uu u da’ay ay ugu diirsadeen afarta
bayni jiho baaruudda kaga keeno!
Guriga waxa ku jira afar laambadood oo habeenkii uun la shido inta la
soo jeedo. Sida oo kale dhalada waxa la daawadaa saacado aan badnayn. Ma na
jirto wax kaawiyad ah ama qasaalad ah ama mashiin kale oo koronto ku shaqeeya
oo ay adeegsadaan. Hadda na bil wal ba waxa lagu soo qoraa lacag uu san
adeegsan bixinna karin! 90, 100 ama 110 doollar ayaa laga qaadaa! Sidaa marka
uu u dhugto waxa lagu soo qoray ayaa uu ku sigtaa in uu ooyo qarracan awgeed! Ilaahay
baa aan idin ku dhaariyay e’ yaa waxan isticmaalay? Ma aniga mise reero qalaad?
Saddexdan tiro kor iyo hoos uga ma dhacdo miyaa? Ma Eeneeye ayaa aan u
shaqeeyaa oo shaqaale dadbadan u ahay? Ma kirada guriga, biilka reerka iyo
lacagta waxbarashada ayaa aan bixiyaa mise lacagtan baadda ah ee la iska soo qorqoranayo?
Xattaa haddii aan feeradii joojiyay oo dharkayga sariirta hoosteeda geliyo oo
is rogrogayga iyo jiifkayga ku feeraysmaan weli ma intii baa ay soo qorayaan? Miyaa
aysan wuxu bani’aadam ahayn oo Qaadirka ka baqayn? Ma dawlado shisheeye in aan
u shaqeeyo ayaa ay ii malaynayaan? Waa maxay sidan? Sidan waallida ah ee bilaa
caddaaladda ah? Yaa aannu uga dacwoonnaa Eeneeye oo naga qabta? Bal ka warran
haddii aan jaamacadda lacag ku dhigan lahaa, sidee arrin noqon lahayd? Boosaaso
darteed ma uga haajiraa? Anfarir iyo quus isaga oo la nool, aad u cadhaysan, oo
wax uu sameeyo garan la’ ayaa uu weyddiimahaas ku calaacalaa oo ku cataabaa! Xaal
sida uu yahay waa uu u ujeedaa, in aan lagu sii jiri karin waa u cad dahay, bal
se feker iyo dhaqaaq kuma yara!
Tobannaan jeer ayaa uu u tegay isaga oo ashkato ah oo udullubaynaya! Wax
uu ku qanco loo ma sheego! Saacaddiisa haddii lagu yidhi xarunta keen si loo
eego, si sax ah in ay u shaqaynayso iyo in kale, cillad kuma jirto, oo si
qumman ayaa ay u shaqaynaysaa! Dhowr mar ayaa lagu sameeyay tijaabadaas! Hadda
ee sidee wax u jiraan? ayaa uu mar wal ba hor dhigaa, isaga oo uga warramaya
isticmaalkiisa, oo walaacsan! Xanaaqa uu
mar wal ba u la tago mid ka badan ayaa uu ka soo qaadaa! Isaga oo madaxu cirkaa marayo oo dhiig-kar in
uu ku dhaco ama wajaqid ka baqaya ayaa uu gidaar dhabar dhabar isugu tiiriyaa
oo dareenku iyo fekerku la fogaadaa! Sidee wax yeeshaa? ayaa uu nafta xoog xoog
ugu sheegaa oo xal in ay keento si degdeg ah uga dalbadaa. Magaceeda marka uu
maqlo sidii qof dulmiyay oo uu cadaawad badan u hayo ayaa uu hoosta ka habaaraa
oo in uu naclado ku dhawaadaa! Keligii ma aha, ee in badan oo reer Boosaaso ah
ayaa la qaba dareenkaas. Qiimaha waallida ah ee maskaxda caafimaadka qabta
cudurrada bilaa magaca ah ku abuuraysa iyo adeeg xumadeeda ee shaqaalayaasheedu
maalin wal ba in loo yeedho doonayaan si dakhligoodu u sare kaco, waa sababta magacooda
“WXKU - Wakaaladda Xoogga Korontada Ummadda” ciil iyo caloolyow raagay oo loo
hayo daraaddeed bulshadu beddeleen oo sidan ka dhigeen, “WXKU – Wasakhda Xaafadaha
Korontada Ugelisa)! Waa masiibo cunaha haysata cid wal ba oo nolol iyo horumar doon
ah! Waa nooc ka mid ah gumaysiyada qarsoon!
Faaqidaad iyo xisaabo badan ka dib, waxa uu helay xal uu kaga
kaaftoomi karo dhibta aan dhibi ka weynayn ee tallaabbo wal oo guuleed oo uu
qaadi lahaa isbaaro weyn u dhigatay! Waxa uu dayn lacageed oo dhan labo kun iyo
shan boqol oo doollar ka daynsaday qaar ka mid ah adeerradii, abtiyaalladii iyo
shirkadda uu u shaqeeyo, ka dib markii uu u cawday oo xaqiiqada jirta uga
faallooday. Lacagtii waxa uu ku soo iibsaday Soolar heer sare ah. Dabadeed
isaga iyo injineerradii u xidhayay ayaa guriga yimid oo shaqadii si wanaagsan
ugu qabtay. Hal mar ayaa qalbigiisa farxad weyn buuxisay! Waxa uu si hubaal ah
u aaminay noloshii cidhiidhiga iyo gumaysiga ahayd in uu ka baxay! Awel afar
laambadood ayaa u bixi jiray iyo dhalada oo saacado tirsan la daawan jiray e’;
hadda se wax wal ba waa ay adeegsadaan: kaawiyad, qasaalad, qaboojiye,
makiinadaha cuntada iyo biyaha lagu karsado, iwm! Karti iyo dedaal badnaantii
lagu yaqaannay asaagii na uu dheeraa ayaa tartiib tartiib u soo noolaatay! Waa
kan wax wal ba ay hagaageen oo Ilaahay SWT uga mahadceliyay sida uu ugu
fudaydiyay xalkii uu kaga baxay dunidii cadaabnayd ee qiiqaysay! Laydh qabow
iyo neecow macaan ayaa dhan wal ba ka maraysa oo uu rumaysan la’ yahay! Dabadeed
markii uu nafisay, si dhab ah isaga dhaadhiciyay nolol xasilloon in uu galay
iyo marka uu daynta iska bixiyo fekraddiisii in uu hirgelin doono, oo nolosha xubeernimada
u qalmin, ayaa uu si niyad ah oo qalbiga guntiisa hoose ka soo go’day u yidhi: “Eeneeyeey Aakhiro Xaggaad Geli!”
W/Q: Maxamed
Cabdirisaaq Saciid “Samiik”
Qoraa iyo aqoon
baadhe Soomaaliyeed
Boosaaso, Buntilaan,
Soomaaliya
Agaax, Feebarweri 5, 2016
Haddii aad akhriday mudane/marwo, waa aan jeclaan lahaa aragtidaada in aad i la wadaagto oo faaladaada halkan ku hoos qortid. Mahadsanid.
ReplyDelete