Labo iyo
labaatan sanno ka dib, badhtamihii qarnigii labaatanaad, ayaa la hirgeliyey
qoraalka Af Soomaaliga. Sannadihii goortaas ka horreeyey ma jirin, qoraal
qoran oo afkeennu lee yahay, oo ummaddu wada adeegsato! Hindisahaas lagu
guulaystay, waxa uu noqday guushii ugu weynayd ee abid, ee isirka Soomaaliyeed
u soo hoyatay hubaashii. Ma jirin guul ka weyn nooceeda oo ku abtirsanaysa guud
ahaan ilbaxnimada qowmiyadda Soomaaliyeed, gaar ahaan aqoonta Soomaalida. Ammaanteeda
shalay iyo maanta ba waxa iska leh kacaankii Barako-waa, ee uu hoggaaminayey, jaalle
Maxamed Siyaad Barre IHUN. Isbeddelkaa weyn ee dhacay dheefooyin iyo
dhibaatooyin ayaa uu la yimid.
Dheefo aad u
badan oo loo wada bogay ayaa jira. (B) Waa markii ugu horraysay Soomaali oo ay
yeelato far u gaar ah oo ay wax ku qorto. (T) Waxa dhigaalkii la falkiyey
saamaxay qoridda gadaaleed ee sooyaal-bulsheedkii, hidde-dhaqankii iyo
funuuntii aqoonta ee Soomaalida. (J) Waxa si aqoonaysan loo qoray, loo qaabeeyay,
oo la qurxiyey manhajkii waxbarashada ee dalka, laga bilaabo dugsi hoose ilaa
dugsi sare. (X) Af Soomaaliga waxa laga dhigay afka keliya ee hay’adaha
dawladeed ku shaqeeyaan. (KH) Aqoon baadhisyadii, istiraatiijiyadihii iyo
siyaasad-qorshayaashii ayaa dhammaantood afkeenna lagu qoray. (D) Waxa markii
ugu horraysay ifka loo soo saaray dhiganayayaal iyo daraasado aqoon iyo
madadaalo xambaarsan oo afkeenna lagu qoray. (R) ugu dambayn, tallaabadaas labo
guulood oo aan lagu baraarugsanayn ayaa ay degdeg u dhalisay. (1) Naanays muddo
badan Soomaalida loo yaqaannay oo ahayd: “bulsho hadasha”, bal se, aan wax ba
qorin; ayaa ay beddeshay. Iyo (2) go’doon Soomaalidu ku jirtay muddo dheer, oo
dunidu hal-abuurkeeda aqoon, iyadu na kuwooda aqoon; ayaa isbeddel ku yimid, oo
isdhaafsi aqooneed, sooyaaleed, hidde-dhaqammmeed, suugaaneed, murtiyeed, iyo
farshaxanneed ayaa ay isu gudbiyeen bulshadeenna iyo bulshooyinka caalamka.
Dhaliilo aan
badnayn bal se xoog badan ayaa jira. (B) Iyada oo dedaal badan la sameeyay oo
la isku dayey Soomaali far ay lee dahay in loo hindiso, hadda na, nasiib darro,
qabyo dhowra oo aad u qaab darran ayaa dhigaalkeenna weli ku jirta. (T) 18-kii
sanno ee dawladdu iyo fartu wada noolaayeen, aad ayaa looga gaabiyey kaalimo
badan, sida: turjumaadda afafka; furidda xarun cilmiyeed shaqadeedu tahay
tayaynta dhigaalka Soomaaliga; dhisidda hay’ad samaysa aflaamta oo qoraallada
qaarkood filim u beddesha; iyo hindisidda maktabad gaar ah oo lagu kaydiyo
xogta. (J) Ugu dambayn, burburkii Soomaaliyeed ka dib, maxaa dhacay?
Labo arrimood
waa xaqiiq jirta. Tirada qoraallada ee tan iyo xilligaa la soo saaray in ay aad
uga badan yihiin intii la soo saaray muddadiii hore. Iyo tayada qoraallada ee
wakhtigaasi in uu aad uga wanaagsan yahay kuwa muddadan. Dhaliilaha ugu waaweyn
ee wakhtigakan iyo xaaladda qoraaleed waa ay badan yihin. (B) Waxa suuqa
qalinka iyo qoraaga soo galay dad badan oo sheeganaya qorayaal in ay yihiin;
bal se, aqoonteedii iyo xirfaddeedii aan mid na ba lahayn. (T) Waxa maktabadda
Soomaaliyeed gudaha u soo galay dhiganayaal siddeed cudur la ciirciiraya. (1)
Dhiganayaal bilic wanaagsan aan lahayn. (2) Dhiganayaal daabacaadda iyo
farsamadu ba ka halaysan tahay. (3) Dhiganayaal hab qoraalka toolmoon ka
madhan. (4) Dhiganayaal tifaftiridda, turxaanbixinta iyo faafreebka ka arradan.
(5) Dhiganayaal xeerarka qoraalka iyo xeerarka xigashada ku tuntay. (6)
Dhiganayaal tiirarka nolosha ee Soomaalida (diinta iyo dhaqanka) ku xadgudbay.
(7) Dhiganayaal murtida iyo farshaxannimada cuddoon ka qaawan. Iyo (8)
Dhiganayaal xooggoodu isku mawduuc ah. (J) Ugu dambayn, qorayaashii Soomaaliyeed
sidee u kala baxeen?
Ilaa iyo
saddex nooc ayaa qorayaashii Soomaaliyeed u kala baxeen--kama hadlayo dad badan
oo aan qorayaal anigu u aqoonin--marka laga duulo tiir waajib ah oo ah: ummad
burburtay oo qarankeedu jabay, kaalinta qorayaashu ku lee yihiin soo celinta
qarannimadii iyo aas’aaskii aqooneed ee bulshada. (B) Qorayaal ummadda u soo
bandhigay dhiganayaal aqooneed oo laamaha aqoonta iyo garashada qaarkood ku
saabsan. (T) Qorayaal bulshada ku jalbeebay dhiganayaal suugaaneed, afeed,
sheekeed iyo murtiyeed oo laamaha afka ku saabsan. Iyo (J) Qorayaal labada ba
soo bandhigay. Taasi waa nooca kowaad. (B) Qorayaal tiirarka nolosha xoogeeyay
oo aad u dhowray. (T) Qorayaal aad ugu xadgudbay. Iyo (J) Qorayaal meel meel na
xoogeeyay meel meel kale na ku xadgudbay. Taasi waa marka laga hadlayo tiirka
dhaqan ee mabaadiida aaminaadda ruuxiga ah. Weli waxa ay ceeb ka jirtaa
kaalintii turjumaadda; soo bandhigista aqoon baadhisyo iyo daraasado cilmiyeed
oo afkeenna ku qoran; iyo kaalin kale oo aad muhiim u ah: kaalinta gorfaynta.
Hadda ba, qorayaasha Soomaaliyeed maxaa haatan la gudboon?
Saddex qodob
ayaa aan arkaa oo eegga laga maarmaan ka dib, dedejin u baahan. (B) In la iska
kaalmaysto sidii loo dejin lahaa “hab qoraal” mideeya Soomaalida, kaas oo
qorayaasha waaweyn iyo kuwa cusub ba dhaqan geliyaan. (T) Kaalintii turjumaadda
in la bilaabo, oo dhiganayaasha aqooneed ee afafka kale ku qoran la turjumo.
Iyo (J) kaalintii gorfaynta in la guda galo, oo maktabaddeenna qaawanaantu iyo
qaab darradu isu raaceen dib loogu laabto, la hufo, oo la hagaajiyo. Waxa aan
arkaa in la joogo, wakhtigii qalinkadhigis lagu samayn lahaa qorayaal badan oo
mutaystay. Waxa aan arkaa in la joogo wakhtigii aynnu si fiican u garan lahayn
mas’uuliyaddeenna garasho iyo waajibkeenna akhlaaqiga ah. Waxa aan arkaa in la
joogo wakhtigii aynnu qiimayn lahayn sooyaal-qoraaleedkeenna. Waxa aan arkaa in
aynnu ka soo gudubnay wakhtii aynnu ku dhawaaqaynay: wax ha la qoro. Waxa aan
arkaa in aynnu joogo wakhtigii aynnu ku dhawaaqi lahayn: wax tayo leh ha la
qoro. Gunaanadkii, waxa aan aaminsan ahay: burburkii ka hor, dheefooyinku in ay
ka badnaayeen dhibaatooyinka, bal se, burburkii ka dib, dhibaatooyinka ayaa ka
badan dheefaha!
Gebagebo. Waxa
aan kaga hadlay curiskan faa’iidooyinkii iyo faa’iido darrooyinkii ka dib, labo
iyo labaatan sanno hirgelintii dhigaalka Soomaaliga la hantiyey. Waxa aan ka
eegay dhowr dhinacyo oo kala geddisan. Burburkii ka hor iyo burburkii ka dib;
iyo xaaladda qoraaleed ee sebankan iyo noocyada qorayaasha. Ugu horrayn, waxa
aan tilmaamay hirgelintii loo bogay ee far Soomaaliga, guul weyn oo u soo
hoyatay isirka Soomaaliyeed in ay tahay. Ka dib, waxa aan tilmaamay dheefihii
iyo dhibaatooyinkii ugu weynaa ee guushaasi la timidday. Waxa aan ku xigsiiyey
ka warranka xaqiiqeed ee muuqaalka waaqiciyeed ee burburkii ka dib, ee qalinka
iyo qorayaasha. Dabadeed, ugu dambayntii, waxa aan ku soo gebagebeeyey dhowr
qodob oo muhiim ah oo aan u arkahayey qorayaasha Soomaaliyeed eegga mas’uuliyad
garasho iyo waajib akhlaaqiya oo isku lammaan oo saaran ka dambow, dedejinteeda
in ay u hawl galaan. Gunaanadkii, waxa aan aaminsan ahay: dheefaha ayaa ka
badnaa dhibaatooyinka muddadii hore, halka wakhtigakanna dheefuhu ka yar yihiin
dhibaatooyinka.
Mahadsanid akhriste.
Ilaahay wanaag iyo darajo badan ayaa aan kaaga rejaynahayaa.
Haddii aad akhriday mudane/marwo, waa aan jeclaan lahaa aragtidaada in aad i la wadaagto oo faaladaada halkan ku hoos qortid. Mahadsanid.
ReplyDelete