Annagu si madax bannaan
isu ma aannu baran. Goor fiidnimo ah, xilligii guga lagu jiro, cirku na
daruuraysan yahay, oo saansaan roobaad ay muuqato, ayaa hooyaday qolkayga igu
soo gashay, ka dib markii aan u idmay. Is warraysi guud iyo kaftan aan sidaas u
sii badnayn ka dib, ayaa ay hooyaday waxoogaa aamustay! Shakki ayaa uu
aamuskaasi i geliyay! Si mugdi aan ku jirin, waxa aan maleeyay ama is tusay,
hooyo caawa in ay ii gu timid, ii sheegidda arrin weyn, oo malaha noqon karta,
arrin guur! Waayo, maalmahan waxa ay ammaanaysay qofnimadayda; waxa ay ii ga
sheekaynaysay hablo aan isku da’ nahay oo la guursaday; sida oo kale, waxa ay
ii hogatusaalaynaysay wanaagga guurka iyo sida ay ugu farxi lahayd, haddii aan
sideeda oo kale hooyo noqon lahaa! “Hooyo, caawa maxaa innagu cusub?”, ayaa aan
kaga nixiyay, iyada oo sidii u aamusan, oo feker ku maqan! Waxa aan doonayay,
maya e’ aad u doonayay, waxa ay maamaday iga qarinayso, in aan si cad u ogaado.
“Hooyo … Inantaydii
quruxda badnaydeey, wax ba ma jiraan! Ilaahay ayaa aynnu ka magan galnay
shaydaan iyo sharkiisa. Hooyo, waa sidaa aad dareentay e‘, caawa arrin ayaa aan
kuu la socdaa. Arrin wanaagsan, soojireen ah, oo waalidkaagu raalli kaaga yahay
weeye. ‘Gabadhi ama god ha kaaga jirto, ama gunti rageed’ ayaa ay bulshadeennu
ku maahmaahdaa….” Intaa markii ay i tidhi ayaa culays i fuulay, oo naxdin aan
garan la’aa meel ay ii ga ga timid, hagoog la ii ga ga dhigay! Gebigaygu ba si
kale ayaa aan noqay! Inta ay i dhugatay, kor iyo hoos iga ilbuuxsatay, ayaa ay
kursigii iga soo hor jeeday ka soo kacday, kii aan ku fadhiyay ee weynaa ayaa
ay dhankayga midig kaga fadhiisatay, oo gacanteeda bidix garabkayga inta ay ku
soo qabatay, hadalkeedii sii wadatay:
“Alla inantaydu
hagaagsanaa! Xishoodka aniga ayaa kugu dhalay hooyo. Gabadh aan xishoon ma
gabadh baa? Deriskeenna iyo macallimiinta dugsiga ba waa ay kugu ammaanaan
xishoodkaaga. Hooyo, sow ma ogid gabdhihii kula gu’a ahaa haatan rag in ay
xaasas u yihiin?! Ina Cali Maxamed iyo ina Warfaa Guuleed sow asaagaa ma aha?
Sow hooyooyin maanta ma aha? Ma in aad guumays noqoto, oo gurigan ku habroodo,
ayaa aad doonaysaa? Bal quruxdaadan eeg! Bal wanaagga badan ee lagu gu sheego
ama lagu gu tuhmo day! Hooyo, waxa aan kula jecel ahay mustaqbal wanaagsan.
Bishaaaro weyn ayaa aan kuu hayaa hooyo macaan. Aabbahaa shalay waxa u yimid
nin wadaad ah, ganacsade ah, akhyaar ah, oo in aad xaaskiisa noqoto aabbahaa
weyddiistay. Bal in uun ma qiyaasi kartaa ninkaasi ninka uu yahay? Bal isku
day?!”
Cabbaar ayaa aan
maskaxdayda ka shaqaysiiyay. Durba waa aan gartay ka uu yahay! Waa aan fahmay
in uu yahay macallinkaygii Carabiga iyo Tarbiyada ee dugsiga! In dhawaale ba
waxa ii ga muuqday dareen ah: in uu i doonayo. Xattaa maalin ayaa uu igu la
kaftamay, “Xafsa, de gabadh weyn baa aad tahay iminka e’, maxaa aad u guursan
weyday?!” Bal se, isma aan dareensiin in aan garanayo; waxa aan ugu jawaabay
hooyaday, “May. Ma qiyaasi karo! Hooyo, waa ayo na?” Inta ay qososhay, ayaa ay
i tidhi, “Allow qof aan wax ba ogayn ha cadaabin! Innaga ma dheera hooyo. Waa
macallinkaaga Carabiga iyo Tarbiyada, ee deriska na la ah; masjidka xaafadda na
soojeediye ka ah. Waa macallin Faarax.”
Tan iyo bilooyin hore ba
waa aan jeclaa in aan guursado. Waayo, waxa igu batay, oo sidii daad oodda
jabsaday igu noqday, weyddiin aalaa ba jaallayaashayda dugsiga iyo deriska
meeshii aan ku kalanno ba, mar wal ba igu weyddiinayeen, oo ahayd: “Xafso,
arooskaaga aan ka soo qayb galno e’, goorma ayaa aad guursan doontaa?” Anigu na
jawaab u ma haynin weyddiintaa; hadda na, mar wal ba mid la i weyddiiyo ayaa ay
ahayd! Sida oo kale, marka aan arko hablihii ila da’da ahaa oo la qabo, waxa
aan is weyddiin jiray, marar badanna ka fekeri jiray, “Tolow adigu na goorma
ayaa aad hooyo noqon doontaa, oo guri kuu gaar ah boqorad ka noqon doontaa?”
Talo ayaa reer ku dhismaa e’, codsigii waalidkay waa aan aqbalay, feker iyo
faaqidaad badan ka dib. Saddex maalmood markii aan macallinkayga gurigayaga ku
wada kulannay, si tifaftiran na uga wada hadalnay guurkayaga, ugu dambayntii,
waa aannu is fahamnay. Maalin afraaddii meherka ayaa dhacay. Shan maalmood ka
dib na waa aannu aqal galnay. Kow iyo labaatan jir baa aan ku guursaday.
Waa nin dhallinyaro ah,
oo labaatan iyo afar sanno jir ah. Dheer, oo qaarka sare u weyn. Wejigiisu
shuban yahay, oo san qoran, bishimo iyo dhego dhexdhexaada leh. Gadh aan badnayn
bal se yuuban leh. Oo dhumuc weyn, jidh wanaagsan, socod heer sare ah, iyo cod
macaan leh. Weligii naag aan aniga ahayn ma uu guursan! Dhawaan ayaa uu
waxbarasho uga yimid dalka Sacuudi Careebiya. Waxa uu haatanna ka shaqeeyaa,
mid ka mid ah, dugsiyada ugu waaweyn ee magaaladan, Garoowe. Waxa uu igu soo
dhaweeyay farxad iyo wanaag badan. Waxa uu ii la dhaqmaa sida ugu wanaagsan ee
qof bani’aadan ah loo la dhaqmo. In kasta oo uu san ahayn nin Roomaansiya,
hadda na, si furfuran oo ilaa xad xushmad iyo kalgacal ka muuqato, ayaa uu igu
soo dhaweeyaa. Ul iyo diirkeed ayaa aannu noqonnay!
Saddex nin weligaa ma
gaadhid ayaa ay Soomaalidu ku maahmaahdaa. Waxa ka mid ahaa, “Nin kaa naag
fiican weligaa ma gaadhid!” Si ninkaygu uga duwanaado nimanka kale, waxa aan dedaal
dheer u galay, had iyo jeer, in aan ka farxiyo, wanaaggiisa ka shaqeeyo, oo
raalliya u noqdo. Haatan oo guurkayagu toban sanno ka soo wareegay, oo aan shan
carruur ah, saddex wiil iyo labo gabadhood u dhalay, weli labo iskujoog oo uu
lee yahay, oo wasakh ahi, katabaanka kuma wada kulmin! Weli gurigiisa cid aannu
isagu raalli ka ahayn ma keenin! Dhegtiisu ‘haye’ mooyaan e’, ‘maya’ ma maqal!
Indhihiisu wax quruxsan oo ay ka jeesanayn mooyaan e’, weli wax fool xun ma ay
arkin! Wixii dhaliil aan lee yahay ee uu ii sheego, isla markii ba waa aan sixi
jiray! Hadalkaygu weligay hadalkiisa kama uu sare maarin! Isaga oo aan wax ba
ii dirsan ayaa aan wejigiisa iyo indhihiisa akhristaa, dabadeed, wixii uu
qalbiga ka doonayay soo hor dhigaa! Isagu na intaas iyo ka badan ayaa uu ii
qaban jiray, ama i tari jiray. Laakiin, in muddo ah ba, is beddel ayaa
xaajigayga ku yimid! Mid weyn oo sii weynaanaya!
Biilku waa sidiisii oo
wax ba kama dhimin. Wax wal ba oo aan weyddiisto na haddii uu hayo waa uu i
siiyaa, haddii kale ‘ma hayo’ ayaa uu dhahaa. I ma caayo; i ma na dilo. Anigu
na adeeggii aan u qaban jiray, itaalkayga in aan sii kordhiyo mooyaan e’, weli ma
uu yaraan. Bal se waxa aan ka waayay daryeelkii iyo xanaanadii aan ka bartay!
Waxa uu guriga iman jiray fiidnimadii, si uu carruurtiisa u cayaarsiiyo, annagu
na u wada cayaarno. Hadda tobannada ama kow iyo tobannada ayaa uu yimaaddaa!
Maalin wal ba oo jimce ah, waxa aan isku raaci jirnay aalaa ba xaafadda
qoykayaga, si aan u soo wada salaanno aabbahay (Soddogiisa), hooyaday
(Soddohdiisa) iyo walaalahay (Seediyaashiisa). In dhawayd ba booqashadaasi ma
ay dhicin; keligay uun ayaa taga! Furfurnaantii, bashaashnimadii,
dhoolacaddayntii, qalbi samiddii, sheekadii badnayd iyo deganaanshiyihii ba
waxa aad mooddaa, maalin ba maalinta ku xigta, in ay sii yaraanayaan, ama
yaraadeen ba! Isaga oo aan xiise badan, nafsiyad wanaagsan iyo kalgacal
ballaadhan ii haynnin, ayaa aannu isu galmoonnaa! Gurigii uu ku raaxaysan
jiray, iminka araggiisa ayaa ba dhiba, oo cudur ku noqday! Maskaxdiisu meel
kale ayaa ay la haysataa, oo ay ku maqan tahay! Waa muuq jooge, maan maqane!
Dhaqdhaqaaqiisa si
fiican ayaa aan u la socdaa! In ay wax ku soo kordheen oo arrini ay jirto waa
aan dareensan ahay. Intaa waxa aan hoosta ka dhahaa: Odaygaaga maxaa daaray?
Maxaa ku soo kordhay? Maxaa sidan u beddelay? Sidee wax u jiraan? Yaab!!! Kol
wal oo ay naftaydu igu cadaadiso xaajigaaga warso, jawaab aan is beddelin,
macne na ii samaynin, ayaa uu igu jalbeebaa, “Wax ba ma jiraan xaajiyo. Adaa
wax is tusay oo si aan jirin wax jira ka dhigay! Anigu anigii aad taqaannay baa
aan ahay! Is deji!”
Aniga oo yaabban,
walbahaar iyo la nool walaac aan kala go’ lahayn, ayaa ay inan aan saaxiibbo
nahay, goor galab ahi guriga ii gu timid. Cabbaar haddii aan reeraha iyo iska
warraysannay xaaladdooda, arrin qaadanwaa iyo filanwaa igu noqotay, ayaa ay ii
sheegtay, oo caddaymo na u keentay! Ma anaa garan in ay wax jiraan! Ma anaa
fahmin in uu wax iga qarinayo! Ma anaa qiyaasin heerka is beddelkiisu gaadhay!
Tan iyo sannadkii hore, oo ahayd xilligii is beddelku ku dhacay, waxa uu
safarro is xigxigay ugu bixi jiray magaalada Gaalkacyo. Waxa uu i dhihi jiray,
“Afar bilood oo khuruuj ah ayaa aan baxayaa, ee Xafsay walaalo, sidaas u la
soco.” Labo jeer oo min afar bilood ah iyo hal mar oo afartan casho ah ayaa uu
baxay! Ma anaa ba is lahaa danta uu Gaalkacyo u gaadhay, waa in uu reer labaad
halkaa ku sameeyo, oo mar ba booqasho la huwinayo ‘shaadhka Khuruujka’ ku
ambabaxo?! Waxa aan islahaa arrin diineed oo wanaag badan ku jiro ayaa uu u
baxay e’! Tanna ma ii laabnayd! “Aadmi la aragyaa ba, dhib la arag!”
“Beeni raad ma leh”,
ayaa ay Soomaalidu ku maahmaahdaa. Isma lahayn wadaadkaaga ayaa been kuu
sheegaya; been intaas le’eg! Isma lahayn wadaadkaaga ayaa la dhuuman doona,
reer labaad, oo adduunka ku soo biiri doona! Isma lahayn xaajigaaga ayaa kaa
qarinaya arrin sidaas u weyn, oo talo iyo gorfayn badan u baahnayd! Isma lahayn
caalimkii had iyo jeer masjidka ka hadli jiray, ee dadka beenta iyo
been-abuurka uga digi jiray, aniga na marar badan i dhihi jiray ‘beenta waa
lagu naar galaa’, ayaa Tabliiqa iyo Diinta Islaamka ku been-abuuranaya! Tolow
maxaa sidaas ugu wacan? Ma waxa uu is lahaa, waa ay masayri doontaa, oo kuu
oggolaan mayso in aad minyaro guursato? Taasi haddii ay dhacdo, ma waa aan
weligeed naag masayri jirin, oo la masayrtiri jirin?! Maxaa xaajiga beentaa
sidaa u miisaanka culus ku kellifay? Maxaa uu ii khayaameeyay oo wanaagga soo
kordhay ii gu sheegi waayay? Ma arrinkii uu ku kacay ayaa xumaa, oo sidaas ayaa
uu ii gu sheegi waayay? Mise aniga ayaa qof xun ahaa, oo sidaas ayaa la ii ga
ga qariyay? Ma waa aannu ogayn Soomaalidu in ay ku maahmaahdo, “Khayr wax kaa ma
dhimee, shar u toog hay”? Markii uu i lahaa ‘Wax ba ma jiraan xaajiyo’ miyaa uu
Rabbigii abuurtay ka baqayn? Bal inta uu haatan i maslaxayo, khaladaadkiisii
qiranayo, raalli gelin i weyddiisanayo, i xaalmarinayo, oo madaxa iga
dhunkanayo; bal muu runta ii sheego! Bal muu runta ii sheego!
W/Q: Maxamed
Cabdirisaaq Saciid “Samiik”
Qoraa iyo aqoon
baadhe Soomaaliyeed
Boosaaso, Buntilaan,
Soomaaliya
Case, Feebarweri 21, 2016
Haddii aad akhriday mudane/marwo, waa aan jeclaan lahaa aragtidaada in aad i la wadaagto oo faalladaada halkan ku hoos qortid. Mahadsanid.
ReplyDelete