Cabdullaahi waa bare maaddada af
Soomaaliga ka dhiga Dugsiga Qorraxey. Waa mid ka mid ah dugsiyada ugu tayada
darran ee magaalada. Aalaa ardada dugsigan waa kuwo aan lahayn aqoon iyo ogaal
badan. Sidaa daraaddeed ayaa tirada dhigataa aad uga yar tahay tirada dugsiyada
kale dhigata. Macallinku muddo ku siman lix bilood ayaa uu magaaladan joogaa, Qorraxey
na ka hawlgalaa. Baadhis badan ka dib, waxa uu ogaaday dibudhaca ugu weyn ee
Qorraxey ka socon la’ dahay in ay tahay, ardada oo aan lagu dhiirri gelin
akhriska. Ogaanshaha arrintaas dabadeed, waxa uu isku diyaariyay cilladdaa in
uu dilo; bal se waxa uu dedaalkiisa la sugayay munaasabad weyn oo uu ku
ibafuro. Maanta ayaa uu u arkaa fursaddaasi in ay hor timid. Waayo, sannad-dugsiyeed
cusub oo carcartiisa qaba ayaa dugsiga u bilaabanaya. Waxa uu maammulaha ka
codsaday soojeedimaha maammulka iyo macallimiinta lagu qoray tiisa in loogu
horraysiiyo. Waa laga aqbalay. Isagu na aad ayaa uu u hambalyeeyay mudanaha.
Hoolka dugsiga waa la isugu yimid:
arday, macallimiin, iyo waalidiin ba. Geelle, oo ka mid ah ardada Dugsiga Sare
Fasalkiisa Labaad, ayaa lagu soo dhaweeyay mekrafoonka, si uu xafladda aayado
Qur’aanka Kariimka ah ugu furo. Dabadeed waxaa xigay maammulaha oo
soojeedintiisa dib u dhigtay, keliya ardada ku soo dhaweeyay dugsiga iyo
sannad-dugsiyeedka cusub, xafladda na si rasmi ah u furay. Bare Cabdullaahi
ayaa kursigii uu ku fadhiyay sare uga kacay, ka dib markii xidhiidhiyuhu uu
magaciisa ku dhawaaqay, sheegay na soojeedinta kowaad in uu lee yahay. Si
xarrago leh ayaa uu u soo socday, isaga oo suudh buluug ah iyo tay cagaaran
gashan, gacanta midig na ku sita waraaqo waxa ku qoran aan la arki karin. Tan
iyo intii uu soo socday ilaa iyo markii uu goob-ka-hadalka tegay, ardada na si
toos ah u soo abbaaray, sacab xoog leh ayaa ay ardadu isla helayeen, kuna soo
dhawaynayeen. Markii
uu codlaliyaha haleelay, cabbaar ayaa uu aamusay oo
dhegihiisu jeclaysteen, maqalka dhawaqaas xooggan ee aan kala dhacaynin!
“Waa aad mahadsan tihiin,” ayaa uu
yidhi isaga oo dhoolacaddaynaya oo labada gacmood kor u taagaya, isla jeerkaa
na is dhaafdhaafinaya, ugu dambaynna gacanta midig soo reebay, oo shanta farood
iyo calaacasha hareeraha u dhaqdhaqaajinaya! “Aad iyo aad baa aad u mahadsan
tihiin. Run ahaantii ma qiyaasi kartaan sida aan u faraxsan ahay! Waxa aan idin
lee yahay: idaylkiin waa aan idin jecel ahay. Ku soo dhawaada sannad cusub,
casharro cusub, iyo jawi cusub!”
Soo dhawayntaas ka dib, waxa uu
doonay ardada in uu ka qosliyo, si uu dareenkooda iyo maankooda u soo jeediyo,
u na hantiyo. “Idinku na waa aad cusub tihiin sow ma aha?! Loo ma baahna
ardadii sannadkii hore, ee waxa loo baahan yahay ardada sannadkan! Laftirkaygu
macallinkii shalay ma ahi, ee sidii hore waa aan ka duwan ahay—sidaas u la
socda!” Ardadu aad baa ay u qoslayeen markii uu barahooda la kaftamayay! Xattaa
macallimiinta iyo waalidka qudhooda ayaa qosolkaas wax ku darsaday! Laftirkiisu
waa uu ilkacaddaynayay markii uu kaftamayay!
Waa sidii uu doonayay e, kol haddii
uu si ruuxi ah madashii u maammulay, waxa uu degdeg u bilaabay soojeedintiisii:
“Mar kale mahadsanidiin. Soojeedintaydu waxa ay ku saabsan tahay qodob aad muhiim u ah. Waa dheefaha akhriska. Maxaa aad ka og tihiin faa’iidooyinka tirabeelka ah ee ku jira akhriska? Yaa weligii wax akhriyay? Waa hubaal faa’iidooyinkaa waa uu hantiyay qofkii akhriska dhaqan ka dhigtay ee manhaj nololeedkiisa ku darsaday.
“Ugu horrayntii, ardayeey, amarkii kowaad ee Suubbanaheenna la faray waxa uu ahaa in uu wax akhriyo—taas waxa ay inoo caddaynaysaa sida shareecadeennu u dhiirri gelisay akhriska, maadaama wixii kowaad ee la is amray ay ahayd “Iqra—Akhri,” sida ku cad Suuradda Al-Calaq. Diinteennu waa mid qofka Muslimka u diyaarinaysa in uu noqdo hoggaamiye dunida saamayn iyo xusuus kaga taga. Si taasi hirgal u noqoto qodobbada ugu waaweyn ee hoggaamiyaha laga doonayo waxaa ka mid ah: aqoon. Sidaa daraaddeed, haddii barashada afka (ama afafka) ay tahay furaha cilmiga, waxa darajadaa la wadaaga akhriska—oo labadoodu ba waa waddooyin loo maro kasbashada aqoonta. Sida ka Soomaali ahaan la innagu naanayso “Ummaddii Maansada” ayaa, sida oo kale, Mulimiinta na lagu naanaysaa “Ummaddii Akhriska.” Siyaalaha shay qiimihiisa loo barto waxaa ka mid ah, ugu na cuddoon, shaqooyinkiisa iyo waxtarkiisa in aad barato. Hadda ba, maanta, waxa aynnu wax aad u kooban ka dhihi doonnaa dheefaha akhriska, innaga oo ujeeddadeennu tahay akhrisku waxa uu yahay iyo waxa uu qofka taro in aynnu baranno oo garwaaqsanno. Maadaama wakhtiga aan haysto yar yahay, toban qodob ayaa aan ku koobsanayaa. Waxa aan idin ka codsanayaa in aad dhegihii na, dareemmadii na, iyo maankii na i amaahisaan, oo qodobbada aan soo wado aad u faham iyo garasho dhuuxdaan. Taasi waa iga codsi; waayo waxa aan doonayaa in aan wada soconno oo wakhtiga ka faa’iidaysanno.
“Ka hor qodobbada—akhrisku waa akhrinta erayada qoran, ee macnayaasha iyo ujeeddooyinka leh, isla jeerkaa na codaysan. Hadda ba qeexiddaa aan uga gudbo qodobbadii aynnu u soconnay.
“Qodobka kowaad, akhrisku waxa uu ka mid yahay, hormuud na u yahay, ilaha kala duwan ee aqoonta laga helo. Waa isha ugu habboon wakhti ahaan, nafsiyad ahaan, iyo marxalad ahaan, ee aad aqoon ku heli karto, kuna xasillin karto. Aqoontaasi waxa ay noqon kartaa mid aad u yeelato Ilaahay (S.W.T.) iyo farriintiisa xaqqa ah; mid aad u yeelato Nabiyaashii uu soo diray, gaar ahaan Nabigeennii Sayyidka ahaa ee Maxamed (N.I.N.K.H.A.); mid aad u yeelato ardadii uu Suubbanaheennu gacantiisa ku tarbiyeeyay (I.R.H.K.W.N.); iyo mid aad u yeelato dedaalladii ay tan iyo qarniyaal badan Culimadii Islaamku samaynayeen (haatanna samaynayaan). Sida oo kale waxa ay noqon kartaa mid aad u yeelato meeraha aad ku dhex nooshahay guudkiisa, gaar ahaan goobta aad kaga sugan tahay. Haddii aad akhriste noqoto waxa aad ahaanaysaa qof wax badan ka yaqaanna laamaha cilmiga—cilmigaas oo ahaan kara mid xagga Eebbe ka yimid, ama mid xagga Aadamaha ka yimid—oo badownnimadu u jirto inta ay samadu iyo dhulku isu jiraan! Barte, waxa aan ku lee yahay: wax akhri si aad aqoon yahan u noqotid.
“Qodobka labaad, akhrisku waxa uu ka mid yahay, hormuud na u yahay, ilaha kala duwan ee waaya’aragnimada laga helo. Adiga oo da’ yar ayaa waxa aad, si fudud, u akhriyaysaa, dhigane uu qoraagii qoray ku soo gudbiyay, waaya’aragnimo uu hantiyay soddon sannadood (ama ka badan) oo uu noolaa. Ma aha wax fudud muddadaas oo dhan waaya’araganimadii uu kasbaday mudanahaas in aad dhowr saacadood oo keliya ku akhrido! Waxaa dhici karta mushkilado aad la noolayd jawaabahoodii in aad si dhib yar u hesho! Waxaa dhici karta, sida oo kale, kuwo waalidkaa ama jaallayaashaa la nool yihiin in aad ka kaalmayso ka bixitaankooda! Waaya’aragnimada, labo siyaalood oo qudha ayaa lagu kasbadaa: in aad gu’yaal badan ifka ku noolaato oo wax badan u soo joogto; iyo in aad jaalle la noqoto dad xog’ogaal ah ama xog’ogaalnimadoodii qoray. Sidaa daraaddeed adiga oo toban jir ah ayaa aad ahaanaysaa ruux kun sanno ama dhowr kun oo sanno jira! Da’daadii ma ay weynaanin; waxaa se weynaaday ogaalkaagii iyo adduun-araggaagii! Barte, waxa aan ku lee yahay: wax akhri si aad waaya’arag u noqotid.
“Qodobka saddexaad, akhrisku waxa uu ku barayaa sida loo fekero, ee garaadka looga shaqaysiiyo. Waxaa maankaaga soo booqonaya malaayiin aragtiyadood iyo falsafadood; muggii wacaaleed ee ku kaydsanayd mug ka badan ayaa ku kordhaya. Taas ayaa keenaysa in aad wax is weyddiiso. Is weyddiinta ayaa na hooyo u ah fekerka. Mar wal ba oo aad fekerto waa mar wal ba oo maskaxdaadu awood ahaan xoogganaato, caafimaad ahaan wanaagsanaato, dedaal ahaan firfircoonaato, oo shaqo ahaan guulaysato. Fekerka oo bata waxa uu soo dedejiyaa guusha. Waa na halkaa halka ay ku saaxiibeen akhriska iyo guushu. Garaadkaagu waxa uu le’eg yahay inta uu fekerkaagu le’eg yahay. Had ba inta uu fekerkaagu weyn yahay ama yar yahay ayaa uu garaadkaagu weyn yahay ama yar yahay. Barte, waxa aan ku lee yahay: wax akhri si aad mufakkir u noqotid.
“Qodobka afraad, akhrisku waxa uu ku barayaa erayo, hawraarro, halqabsiyo, maansooyin, iyo odhaahyo kugu cusub, kuwaas oo qaamuuskaaga ku soo biiraya, kaa na dhigaya qof hadalkiisu/qoraalkiisu yahay mid naxwi ah, hodan ah, oo balaaqi ah. Eray wal ba waxa uu cuskan yahay feker. Sidaa aawadeed barashada waxyaalahaas waxa ay kaalin weyn ka qaadanayaan kobcinta aqoonta aad afkaaga hooyo (ama afafka kale ba) u lee dahay, iyo sida oo kale, tayaynta falsafadaysan ee hab fekerkaaga. Eray wal oo aad aan haynin marka aad is barataan, hubaashii, feker kaa maqnaa ayaa aad wada sheekaysanaysaan. Ruux afkiisa (ama afafka kale ee uu barto) heer wanaagsan barashadiisa ka gaadhay ayaa aad noqonaysaa. Barte, waxa aan ku lee yahay: wax akhri si aad af-yaqaan u noqotid.
“Qodobka shanaad, akhrisku waxa uu kaa caawinayaa barashada sida wax loo qoro, iyo sida qoraalka loo qurxiyo. Marka aad akhriska muddo fiican jaalle la noqotid, aad akhrido dhiganayaal iyo qoraallo kala qormooyin iyo qorayaal ah, maankaaga waxa uu noqonayaa mid xogo badan haya; sidaa darteed waxa uu raadinayaa si xogahaas ay u noqdaan kuwa amni ah oo kuwa kale ee soo socdaa khadka ka saarin, siyaalo uu ku sugo oo jiritaankooda ku xaqiijiyo. Hadda ba wax qoriddu waa awoodda ugu cajiibsan ugu na horumarsan ee maanta macluumaadka dhimasho degdeg ah laga ga badbaadiyo! Malaha, xikmaddaasi, waa ba tii uu ka maansoonayay murtidhaadhigeennii weynaa ee Cabdi Sinimoo (I.H.U.N.), markii uu lahaa: “Wixii la qoraa quruumo hadhee / Muxuu hadal qiimo lee yahay?!” Waxa aad qortay sida ay san u noqonayn wax lumaya, ayaa isla sida oo kale, ay san u noqonayn wax maankaaga ka baxaya! Akhriskaaga badan ayaa sabab u noqonaya in uu qoraalkaagu ahaado mid qaabaysan oo quruxsan; in uu noqdo mid xiisaysan oo xikmadaysan; iyo in uu ahaado mid dhisan oo dhumucsan. Barte, waxa aan ku lee yahay: wax akhri si aad qoraa u noqotid.
“Qodobka lixaad, akhrisku waxa uu kaa caawinayaa garwaaqsiga hibooyinkaaga. Qof wal ba oo abuuran waxa uu lee yahay awoodo uu Guulle ugu deeqay. Helitaanka hibooyinkaas ma fududa! Waxaa dhacda in la arko qof hibooyin leh oo hadda na tan iyo intii uu noolaa aan soo bandhigin—iyada oo ay sababtu tahay in uu san ogaanin ba in uu hibooyin lahaa! Sow deeqihiisii kuma ay dhex bakhtiyin?! Hadda ba, akhriska, sida la ogaaday, waxa uu ka mid yahay shaybaarrada ugu casrisan ee uu, qof kastaa ba, naftiisa marin karo. Sida mashiinka amniga lagu sugo marka uu bir shaybaarayo u dhawaaqo ayaa, si la mid ah, marka uu hibooyinka qarsoon shaybaarayo u dhawaaqayaa. Sidaa daraaddeed akhrisku waa dhaqdhaqaajiye weyn oo awoodaheenna aadameed ee aynnu hakrannay bannaanka soo dhigaya; sida oo kale na inna la garabjooga farshaxan ku tayayntooda, sumcad ku helkooda, iyo meel ku gaadhiddooda. Barte, waxa aan ku lee yahay: wax akhri si aad hal-abuure u noqotid.
“Qodobka toddobaad, akhrisku waxa uu sabab u noqdaa ilbaxnimadeenna. Qof na uurka hooyadii ilbax kuma ahayn! Innaga oo taa ka duulayna, waxa aynnu lee nahay: ilbaxnimadu waa dhaqan la yeesho oo la horumariyo. Akhriska badan ee joogtada ah waxa uu kuu shidaa cajallado badan oo mid wal baa wax gaar ah ka faalloonayso. Mid ayaa ku saabsan sooyaalkii aadamaha ee tan iyo abuurkiisii ilaa iyo ilbaxnimadiisii. Mid kale ayaa ku saabsan diimaha iyo dhaqammada badan ee uu kala caqiidaysan yahay ee kala duduwan. Mid kale ayaa ku saabsan goobaha kala geddisan ee uu ku nool yahay. Mid kale ayaa ku saabsan falsafadaha nololeed ee uu ku fooggan yahay . . . Sidaa awgeed adiga oo aan ka bixin bu’da aad adduunyada kaga nooshahay ayaa aad tahay ilbax wax badan ka og, kana fahamsan, xuddumahaas aan ka soo hadlay. Xikmadda tidhaahda, “Qof aan beddelan bar nololeedkiisa waa jiir haan ku weynaaday,” haddii la heli karo wax burinaya ama beenin kara, akhriska mooyaan e, wax kale loo ma hayo! Ilbax yahanka wanaagsan waa ka u warhaya ummadihii dunida soo maray xaaladahoodii, kuwa nool xaaladahooda, isla jeerkaanna labadooda ba isla falgelin kara, oo dunida faa’iidooyin uga soo saari kara! Barte, waxa aan ku lee yahay: wax akhri si aad ilbax u noqotid.
“Qodobka siddeedaad, akhrisku waxa uu sabab u noqdaa dhowrsoonaanteenna iyo codkarnimadeenna. Akhriska sooyaalka dadka wanaagsan waxa aan ka baran karnaa wanaag aad iyo aad u badan. Taasi waxa ay sabab u noqon kartaa ahaanshaha dad dhowrsan, leh qiyam akhlaaqeed oo sare, ku tilmaansan sifooyinka la mahadiyo ee la majeerto, noqda horseed lagu daydo. Sida oo kale akhriska sheekooyinka iyo guud ahaan qoraallada haasaawuhu ku jiraan, waxa aan ka baran karnaa sida loo sheekeeyo, sheekada na loo maammulo. Haddii horay loo yidhi, “Noqo dhegayste wacan, si aad sheekeeye wacan u noqoto,” waxa ka daba timid murti odhanaysa, “Noqo akhriste wacan, si aad sheekeeye wacan u noqoto.” Barte, waxa aan ku lee yahay: wax akhri si aad wanaagsane u noqotid.
“Qodobka sagaalaad, akhrisku waxa uu innaga dhigayaa gorfeeyayaal. Akhris badnidu waxa ay ina siinaysaa awood, xujaj, iyo kalsooni aan isaga daafacno aragtiyada, mabaadiida, iyo falsafadaha lunsan, kuwaas oo toobiyaha san innaga weecinaya, innaga na dhigaya dad habowsan. Sidaa daraaddeed waxa aynnu yeelanaynaa awoodda hufidda iyo kala shaandhaynta xogaha, kuwaas oo aynnu u kala saaraynno kuwo bisil iyo kuwo qaydhiin ah. Keliya maankeenna waxa aynnu u oggolaanaynaa oo ku casuumaynaa wixii nool ee badbaado ah—wixii dhintay ee burbur ah raalli ayaa ay innaga ahaanayaan! Waayo, horumarkeenna iyo socodsiiinta horumarkeenna caqabad weyn ayaa ay ku noqonayaan! Halkaa waa halka akhriska iyo fariidnimadu isku salaamaan, kuna saaxiibaan. Barte, waxa aan ku lee yahay: wax akhri si aad gorfeeye u noqotid.
“Qodobka tobnaad, ugu na dambeeya qodobbadeenna, akhrisku waxa uu innaga dhigayaa filasoofyo. Filasoofnimada runta ahi waxa ay ka bilaabataa in aad ogaato qaddarka aqoontaada, garashadaada, adduun-araggaaga, mala’awaalkaaga, hindisahaaga, iyo ilbaxnimadaada, dabadeed aad gasho baadhitaan dheer oo xaqiiqo raadin ah, kaas oo wejiyo iyo marxalado badan leh. Sidaa daraaddeed, mar wal oo aad akhrido wax aad aqoon darro kaga sugan tahay, waa mar wal oo aad ogaato heerka ogaalkaaga nafeed. Hoggaamiyihii weynaa ee Cumar Binu Cabdulcasiis (I.R.H.K.N.) xikmadihiisii waxaa ka mid ahaa, “Ilaahay (S.W.T.) ha u naxriisto shakhsi gartay qaddarka naftiisa.” Sokraat, oo bani’aadmigu u qiray in uu ahaa Garaadkii Falaasifadii Hore ee Dunida, xikmadihiisii isna waxaa ka mid ahaa, “Murtida qudha ee dhabta ahi waxa ay tahay qirashada in aad aan wax ba garanaynin!”Barte, waxa aan ku lee yahay: wax akhri si aad filasoof u noqotid.
“Gebagebadii, waa idinkaa dhegaysanayay dheefihii layaabka lahaa ee uu akhrisku lahaa. Waa idinkaa xaqiiqsaday in ay yihiin faa’iidooyin waaweyn oo qofka aadamiga ahi aannu ka maarmi karin. Iyada oo, wakhtiga aan haystay oo kooban fursaddu ii oggolaan wayday wixii aan ka sheegi lahaa dheefaha akhriska ee farahabadan in aan idin ku jalbeebiyo, hadda na, waxa ay i la tahay in aan idiin kaga sheegay wax door ah oo dareenkii na dhaqaajin kara. Hadalkayga waxa aan ku soo xidhayaa labo xigasho oo xusuusteenna in ay ku soo noqnoqdaan loo baahan yahay. Noloshu waa labo: mid xaqiiq ah iyo mid khayaal ah. Nin Toomas Jeferson la dhaho, isaga oo cabbiraya jacaylka uu u qabo akhriska iyo gaar ahaan akhriska buugaagta waxa uu yidhi, “Ma kari karo in aan noolaado dhiganayaal la’aan!” Naag iya na la dhaho Maargeret Fulla, iyada oo qeexaysay xidhiidhka akhriska iyo xukunka ka dhexeeya waxa ay tidhi, “Akhristaha maanta waa hoggaamiyaha berrito!” Wakhtiga ayaa i haya e, waar sow ma doonaysaan dugsigeennu magaalada caan in uu ka noqdo oo aad hoggaamiyayaal noqotaan? Waar sow ma doonaysaan waxsoosaar aqoonaysan oo hirgal ah in aad yeelataan? Waar sow ma doonaysaan liibaanta adduunyo iyo liibaanta aakhiro in aad heshaan? Waar sow ma doonaysaan noloshiinna in aad macaanaysaan oo rabitaankii na ku noolaataan? Waar sow ma doonaysaan Jannatul Firdowsa in aad gashaan? Waa aan ku faraxsan ahay codka buuxda ee aad “HAA” ku wada tidhaahdeen. Hadda ba, ardayeey, ballanteennu waxa ay tahay in aad wax akhridaan; in aad akhriska dhaqan gelisaan; iyo in aad akhriska joogtaysaan. Sow sidaas ma aha?! Sow sidaas ma aha?! Sow sidaas ma aha?! Kor u qaada “Haa”-da de! Saaka wax ba la ma soo cunin miyaa?! Hadda ba ha la idin ka arko is beddel run ah. Is beddel dhab ah!“
Inta uu waraaqihiisii isku
laalaabay ayaa uu surwaalkiisa jeebkiisa midig geliyay, dabadeed kursigii uu ka
soo kacay ku noqday, iyada oo intaas oo dhan ay sacabbinayeen ardadu, jawiga
goobtu na noqday mid xamaasaddiisu cirka isku shareertay oo, qofkii joogay
mooyaan e, qofkii kale aan looga warrami karin!
Maalinkaasi maalin sooyaali
ah ayaa uu ahaa! Maxaa yeelay, waxa uu ahaa maalin si run ah oo qurux badan loo
iftiimiyay waxtarka badan ee akhrisku lee yahay. Maalintaa ka hor, maaddadaa si
caaqibo leh looga ma hadlin, marka laga tago macallimiin aan laftirkoodu
wax ba ka fahamsanayn qiimaha iyo qaayaha akhriska, oo ardada wax aan cilmiyaysnayn
la hor iman jiray, kuna caajisin jiray! Bal se soojeedintaasi, waxa ay
noqotay mid wax-ku-ool ah, oo si weyn wax uga beddeshay dhaqankii dugsiga iyo
ardadiisa laga bartay. Ardadii waxa ay noqdeen kuwo jacayl weyn u qaaday
akhriska! Waxa ay na bilaabeen in ay wax akhriyaan. Waxa uu, bare Cabdullaahi,
ka codsaday maamulka dugsiga maktabad ardada in loo sameeyo, maaddooyinka loo
dhigo qaab dhigistooda in wax laga beddelo oo ardada laga qayb geliyo fahamka
casharrada iyo faallo ka celintooda, oo toddobaad wal ba imtixaan laga ga qaado
wixii la baray. Si hagaagsan ayaa looga aqbalay codsiyadaas. Hal sanno ka dib, Dugiga
Qorraxey waxa uu noqday dugsiga kaalinta kowaad kaga jira magaalada dhanka
tayada waxbarashada iyo dhanka tayada ardada. Labo sanno ka dib na waxa uu ka
mid noqday dugsiyada ugu waxbarasho iyo arday wanaagsan ee guud ahaan dalka. Waxa
uu faracyo badan ka samaystay magaalooyinka waaweyn ee waddanka. Goob wal ba
waa mid cammiran oo hadda na la sii cammirayo! Haatanna waxa uu u
geyllamayaa guud ahaan Geeska Afrika in uu ka tilmaannaado! Macallin
Cabdullaahi guulahaas waaweyn oo dhan waxa uu ku helay abaalmarinno badan oo
qaali ah oo uu aad iyo aad ugu farxay! Waxaa na uu noqday shakhsiyad saamayn
badan leh—iyo shakhsiyad goobaha tacliinta aad looga qaddariyo, oo bulshadu
wadartooda iyo waaxidkooda ba samaan iyo sarrayn badan u hayaan!
W.Q.:
Maxamed Cabdirisaaq Saciid “Samiik”
Qoraa
iyo aqoon baadhe Soomaaliyeed
Boosaaso,
Buntilaan, Soomaaliya
Carte,
Mey 11, 2016
Haddii aad akhriday mudane/marwo, waa aan jeclaan lahaa aragtidaada in aad i la wadaagto oo faalladaada halkan ku hoos qortid. Mahadsanid.
ReplyDeleteMaanshaa allaah walaal, saaka subaxii hore ayaan ku quraacday maqaalkaas qiimaha iyoqaayaha leh ee aad sida farshaxanimada leh ugu soo bandhigtay qiimaha akhriska. Aqoonta aan ka faa'iday waa mid aan ku tamarin doono inta aan dunida guudkeda joogo waanan kugu hambalyaynayaa walaal hibada mawlaheen kuu siiyay hab iyo hanaan qoraalka aad markasta noogu hiiliso ee aad heeganka noogu tahay sidii aanu u noqon lahayn barbaar hiigsata hankooda oo gaadha halka qayrkood cagaha dhigay. Waan hubaa qofkastaa waa gaadhayaa guusha uu ku taamayo oo waa ka cabayaa koobka farxada iyo guusha haddii uu u huro wakhti oo uu u dhabar adaygo dan iyo duruufkasta oo ku soo waajahda, qofkuna waa guulayste inta aanu isku dhiibin waayaha adduun ee ku ah caqabada. walaal malyan jeer in ka badan mahadsanid baan ku leeyay. Maxamed Samiik.
ReplyDelete