Waxa aan ku
han weyn ahay mooganaan in aadan kaga sugnayn warka maalmihii ugu dambeeyay
bulshadeennu ka hadlaysay: falceliska ku saabsan dawladda federaalka ee Soomaaliya
oo sheegtay gabdho Soomaaliyeed oo shaqaale ah dalka Sacuudiga in ay u dirayso!
Qaddiyadan ka hadalkeeda Soomaalidu kuma kala aragti duwanaan; bal se waxa ay
ku kala aragti duwanaadeen faaqidaada sida dhibaatooyinka dalka ka jira loo
xalin karo, si muwaaddiniinta Soomaaliyeed looga ilaaliyo wax wal ba oo sharaftooda
iyo qiimahooda dhaawac u gaysanaya. Hubaal ahaantii, tani waxa ay calaamad weyn
iyo iftiin hor leh u noqonaysaa, Soomaalidu waxyaalo badan in ay ka midaysan
yihiin, iyo in ay ku baraarugsan yihiin waxyaalahaas; tani waa mid ka mid ah,
isku si ayaa ay u taabatay; isku si ayaa ay na uga aragti dhiibteen. Qormadan
kooban waxa aan ku soo bandhigi doonaa aragtidayda ku saabsan damaca Sacuudiga
iyo talooyin aan u soo jeedinayo dawladdeenna.
Ugu
horrayntii, si wal ba marka loo qiimeeyo loo na dhugto waaqiceenna, fool xumo
badan ayaa ka muuqata! Dadkeennu dhibaatooyin badan ayaa ay la nool yihiin. Tan
iyo inta dhibaatooyinkaa la suulinayo na waa ay jiri doonaan. Gaajada iyo amni
darrada ayaa ugu weyn! Waa na sababaha ugu waaweyn ee keena dad farabadan in ay
waddanka ka baxaan. Siyaalaha dalka looga baxo waa dhowr; jidka ugu badan ee
dadkeennu dalalka ay bartilmaameedsanayaan ku gaadhaan waa tahriibka! Waxa
aynnu og nahay hablo badan oo Soomaaliyeed in ay tahriibaan, u na tahriibaan
dhankaa iyo waddanka Sacuudiga. Socdaalkaa inta ay ku jiraan mushkilado badan
ayaa soo waajaha: dhimasho, kufsi, jirdil iyo addoonsi. Marka ay tagaan ugu
dambayn Sacuudiga na, isla arrimahaas ayaa ay la noolaadaan. Ma jirto safaarad
Soomaaliyeed oo ay u ashkato tagaan, xaaladdooda na uga warramaan—safaaradda Soomaaliya
ee Sacuudiga waa mid magac ahaan uun u jirta. Qiyaas ma laha sannad wal ba xeebaha Waqooyi
Bari inta ka baxda, ee dalkaas ku jihaysan!
Kolka la
warraysto Soomaalida xog’ogaalka u ah nolosha gabdhaheenna dalkaas ka
shaqaysta, run ahaantii, niyad jab, rejo beel iyo murugo aan dhammaad lahayn
ayaa aad la noolaanaysaa! Waxa shakki aan habboonayn kaa galayaa: Islaamnimada
dadka sidaas ku dhaqmaya. Dumarkeenna sharfoon in la addoonsado, la jirdilo, si
xun oo xun loo garaaco, guryaha ay ka shaqeeyaan ragga leh iyo ragga ku nool
sida ay doonaan ka yeelaan, mushahaar aan u qalmin la siiyo, oo nolol gumaysi
dhan wal ba ka ah ay ku nool yihiin; waa xaqiiqo sugan oo markhaatiyadeedu nool yihiin. Waa
xaalad adag oo qalbigaaga walaac iyo welwel badan ku abuuraysa. Soomaalida oo
keliya ma aha! Waa guud ahaan gabdhaha ajaaniibta ah ee jaariyadaha ah! Falcelis
badan ayaa Sacuudiga kaga yimid arrintan, oo canaan iyo la xisaabtan ku
ujeeddaysanaa. Dalal dhowr ah waa ay ka kaxaysteen shaqaalayaashoodii, halka
kuwo kale na shaqaalayaal in ay u diraan ay diideen! Hadda ba, codsiga boqortooyada Sacuudigu
kuma iman sharaf uu sharfay dawladdeenna iyo dadkeenna; xaqiiq ahaantii, waxa uu ku
yimid cabasho muwaaddiniintiisa ka timid oo ku calaamadsan in ay la’ yihiin dad u shaqeeya—maya, dad
ay addoonsadaan—iyo isaga oo ka faa’iidaysanaya dhibaatooyinka tiro beelka ah
ee shacabkeennu la tacaalayo!
Dhowr xaqiiqo
waa aynnu hubnaa: hablaheennu kama joogsanayaan in ay tahriibaan, weli ba
Sacuudiga u tahriibaan; dawladda Sacuudiga na waa aynnu og nahay in ay tahay
dawlad aan ilaalin xuquuqda aadamaha, isla markaanna shaqaalayaasha ajnabiga ah
xadgudub badan dalkeeda iyo dadkeeda kala kulmaan; iyo dawladda Xasan Sheekh in
aysan ka laaban doonin go’aanka ay qaateen, oo weli ba hawshaa hirgelinteeda
wakhti iyo dedaal badan u gelayaan, dedejiyaanna. Hadda ba, maskaxda
shaqaynaysa waxa laga doonayaa xal waaqici ah, macnaysan, oo habboon in ay
miiska soo saarto; iyada oo ka duulaysa xaqiiqooyin waaqici ah, kaashanaysa na
fursado muuqda iyo kuwo la dhalin karo.
Habluhu waa dharkeenna.
In la ilaaliyo, sharaftooda iyo meeqaamkooda laga fekero, oo wixii
dhibaateenaya haddii ay jiraanna la xaliyo, haddii kale na laga hor tago, waa
waajib diineed oo muslimiinta, sii ba mas’uuliyiinta saaran. Maamullada dalka
ka jira—dawladda federaalka iyo maamullada kale—dhammaantood ma aha kuwo u
taagan, isla jeerkaa na ka fekeraya, xuquuqda muwaaddinka Soomaaliyeed
ilaalintiisa, iyo sidoo kale ka talinta danta ummadda! Haddii aynnu il diineed
ku fiirinno arrintan, waa mid aan bannaanayn labo sababood awgood: Ta kowaad, sharcigeennu
waa uu xaaraantinnimeeyay gabadh bilaa maxram ahi safar in ay gasho; gabdhahan
la dirayo na maxram la’aan ayaa ay ku tegi doonaan dalka loo wado. Ta labaad, qofka
Muslimka ahi waxa uu lee yahay sharaf iyo karaamo in la dhowro waajib tahay,
haddii lagu xadgudba na dambi weyn lagu dhacayo. Heshiiska la galay, waxa lagu
heshiiyay iyo sida arrintu tahay kolka la qiimeeyo, waa sharaf dilid aan mugdi
ku jirin, oo gabdhaheenna sharfoon tegistooda laga samaynayo lacago badan, isla
jeerkaa na dhaqankii addoonnimada lagu dhoofinayo, hadhow na addoommo loo la
macaamilayo!!! Haddii aynnu ku eegno il waddaniyadeed, Soomaalidu weligeed waa ay
ka han weynayd u shaqaynta qof aan Soomaali ahayn si wal ba oo ay u duruufaysan
yihiin. Sidoo kale Sacuudiga oo ka dawlad ahaan Soomaalida aan wax ba tarin
sanooyinkii mugdiga ay ku jirtay (iminka na ku jirto), bal si dadban uga qayb
qaatay duminteedii iyo baabba’eedii (iminka na ka qayb qaadata), maanta in
aynnu u dirno muwaaddiniin ka qayb qaata horumarka dalkooda iyo dadkooda, waxa
ay ceebaynaysaa caqligeenna iyo garashadeenna.
Hadda ba, si
adag ayaa aan uga soo horjeedaa dumarkeenna qaaliga ah in qiimahooda iyo qaayahooda
meel looga dhaco, addoonnimo lagu dhoofiyo hadhow na lagu dhaqo, oo ganacsi
doorasho lagu galo laga sameeyo!!! Diin ahaan, waddaniyad ahaan iyo dadnimo
ahaan ba ma aha wax la oggolaan karo, la soo dhawayn karo, oo ilbidhiqsi badhkii
lagu farxi karo!!! Hase ahaatee, kol haddii gabdhaheennu joojinayn Sacuudiga in
ay u tahriibaan, duruufo jira awgood; kol haddii dhoofintoodu hirgal tahay, oo
aynnaan wax ba ka qaban karin; waa in aynnu ugu yaraan xal keenno oo kolay waxa
soo gaadhi lahaa dhibaatooyin e’, sidii dhibaatooyinkaas laga ga hor tegi lahaa
fekerkeeda soo bandhigno.
Anigu waxa aan
qabaa, dawladda federaalka ee Soomaaliya labo maaddo ayaa waajib ku ah, haddii
aysan qorshahaa ka laabanayn—kama laaban doontee: in ay magacawdo guddi
Soomaaliyeed oo wada shaqayn wanaagsan la leh safaaradda Soomaaliya ee
Sacuudiga, jaalliyadda Soomaaliyeed ee Sacuudiga iyo qoyayska ku dhaqan
Sacuudiga, oo si gaar ah arrintan u qaabbilsan, xaaladaha gabdhahaas la socda
kana warhaya; iyo arrintan in la sharciyeeyo oo dawladdeennu keliya lacag uun
eegin e’, ay boqortooyada xeerar adag ku xidho oo ku saabsan xurmaynta iyo
xushmaynta shaqaalaha ay iyagu dalbadeen, oo ilaalinta xeerarkaas loo wakiisho
cidda ugu habboon ee dhexdhexaad noqon karta.
Gebagebadii,
aragtidaydu waa diidis; xalkaygu na waa samaynta guddi madaxbannaan oo hawshan
mas’uul ka noqda iyo arrinta in la sharciyeeyo oo Sacuudiga xeerar la hor
dhigo, siyaasaddii xeerarkaas lagu maammuli lahaa iyo ciddii ilaalin ka noqon
lahayd na lagu heshiiyo.
W/Q: Maxamed
Cabdirisaaq Saciid “Samiik”
Qoraa iyo aqoon
baadhe Soomaaliyeed
Boosaaso, Buntilaan,
Soomaaliya
Sade, Feebarweri 2, 2016
No comments:
Post a Comment