Subax khamiis
ahayd, Feebarweri 11, 2016, ayaa aan siddeeddii subaxnimo tegay Jaamacadda
Bariga Afrika. Kal dhaqameedkii labaad ee jaamacaddu soo qabanqaabisay ayaa
maalinnimadaas, si toos ah, loo bilaabay. Halkudheggiisu waxa uu ahaa, “Waa hubaal,
in aad hal-abuure tahay.” Waxa ay ahayd subax wanaagsan. Dad aad u badan ayaa,
hoolka Sh. Cabdiqaadir Maxamed Cabdulle, oo bandhig dhaqameedku ka dhacayay,
isugu yimidday. Waxa, si xoog badan, loo xiiseenayay abwaan iyo qoraa Axmed
Faarax Cali “Idaajaa”, oo ka mid ahaa shakhsiyaadkii sida gaarka ah loo soo
casuumay. Waxa, sida oo kale, martida ka mid ahaa rag badan oo u badnaa maanso
yahanno iyo qorayaal, oo ay ka mid ahaayeen: maanso yahan Cabdiqaadir Cabdi
Shube, maanso yahan Suufi Aw Cali Axmed, maanso yahan Maxamuud Saciid, maanso
yahan Cabdullaahi Cawad “Cawdgale”, qoraa Raage Bile Maxamuud iyo qoraa
Cabdirisaaq Ismaaciil Xaashi “Cirro”. Hadda ba, sidee u arkay bandhig
dhaqameedka iyo barnaamijyadii la soo bandhigay?
Sida qorshuhu
ahaa, waxa ay ahayd barnaamijku in uu bilowdo siddeedda subaxnimo, bal se, sida
waayadan dambe caadada noqotay—in aan la ilaalin wakhtiga ballanta, ee goobta
la yimaaddo saacado ka dib—waxa la bilaabay tobankii subaxnimo! Ka dib Qur’aan
ku furfuriddii munaasabadda, iyo erayadii kala geddisnaa ee la siiyay qaybaha
bulshada, waxa guddigii soo qaban qaabiyay guda galeen sheegista maalmaha uu
kal dhaqameedku soconayo, iyo jadwalka barnaamijyada lagu soo bandhigi doono.
Run ahaantii, shacabka wejiyadooda waxa ka muuqatay, farxad iyo khushuuc badan.
Waxa ay ahaayeen, kuwo u soo diyaar garoobay maalmahaas in ay goobjoog ka noqdaan,
waxa bandhigga lagu soo bandhigi doono. Ka faa’iidaystaan hal-abuurrada
aqoomaha kala duduwan ee ay bulshada la wadaagi doonaan. Iyo, in ay wax badan
ka fahmaan nolosha dadkoodii hore. Qaybaha kala duwan ee bulshada—culimo,
nabaddoonno, macallimiin, arday, waalid, haween, warbaahin, suugaan yahanno,
qorayaal iyo ururro bulsheed—ayaa ka soo qayb galay. Reer Boosaaso u ma ay kala
hadhin ka qaybgalka maalmaha hiddaha iyo dhaqanka!
Si guud marka
loo qiimeeyo barnaamijka, waxa uu lee yahay dhowr dhaliilood, oo ahayd
walaaluhu in ay ka digtoonaadaan, ka hor bilaabiddii xafladda. Ta hore, qaab
agaasinka bandhigga, fulinta qorshayaasha degsan iyo ka faa’iidaysiga wakhtiga
si ku talo gal la’aan ah u soo baxa, waxa ka muuqatay karti darro iyo maamul
xumo. Ta xigta, barnaamijku waxa uu yeeshay xidhiidhiyayaal badan oo aan loo
baahnayn. Ta u dambaysa, waaya’aragnimo la’aan iyo farshaxan yari ayaa ka
muuqatay hawl-fududeeyayaashii ka qayb qaadanayay hirgelinta iyo habaynta
xafladda. Dhanka bulshada, iyagu na waxa ay lahaayeen labo dhaliilood oo
waaweyn: buuq iyo sawaxan ay sameenayeen mar marka qaar iyo u hoggaansan la’aanta
nidaamka xafladda. Dhaliilahaas ka dambow; waxa ay ka mid ahayd, intii aan
arkayay munaasabad sidan oo kale ah, kuwii ugu wanaagsanaa, ugu na waxtar iyo
saamayn badnaa. Sida aan qiyaasayo, dhaliilahaas waxa keenay, wakhti wanaagsan
oo qabanqaabayaashu helin, maadaama wakhtiga la go’aansaday kal dhaqameedkan in
la sameeyo, sidaa u sii fogayn; iyo awoodihii loo baahnaa oo aan si wanaagsan u
dhammaystirnayn. Celcelis ahaan, wax wal ba sidii loo qorsheeyay ayaa ay u
qabsoomeen.
Xiisaha loo
hayay hiddaha iyo dhaqanka waxa aad ka garan kartaa labo arrimood. Ta kowaad,
ku talo galku waxa uu ahaa saddex maalmood in ay socoto; bal se maalmo kale oo
dheeri ah ayaa lagu daray! Ta labaad, ka soo qayb galayaashu aad iyo aad ayaa
ay u badnaayeen, maalin wal ba na tiradoodu kor in ay aaddo mooyaan e’ hoos u
ma ay dhacayn! Waxa lagu soo bandhigay agabyo farabadan oo isugu jiray:
agabyadii ay Soomaalidu wax ku cuni jirtay, ku cabbi jirtay, ku seexan jirtay;
iyo farshaxanno kala duduwan oo macnayaal badan xambaarsanaa. Taasi waxa ay
daawadayaasha siisay kalsooni buuxda oo sheegaysa: Soomaalidu in ay gaadhay
isku fillaansho dhan wal ba ah! Maadaama Soomaalidu lahayd hal-abuur ballaadhan, oo u saamaxay wax wal ba oo xidhiidh la leh nolosha in ay jaadgooni ka
samaystaan, waxa ay gaadhay, xaqiiq ahaan, isku fillaansho buuxda; muddadii
burburka iyo qaranjabka haddii, mala’awaal ahaan, Soomaalidu ilaa iyo maanta
nabad iyo dawlad haysan lahayd, waxa ay noqon lahayd ummad ka soocan ummadaha
dunida, oo tusaale iyo toosiye u noqda dunida oo idil!
Maskaxmaalladu
waxa ay dadka ku jalbeebiyeen soojeedimo badan oo ku saabsanaa hiddaha iyo
dhaqanka Soomaalida, hodantinnimada Af Soomaaliga iyo ahmiyadda uu qoraalku lee
yahay. Axmed Faarax Cali “Idaajaa” oo ka hadlayay ahmiyadda qoraalka, ayaa waxa
aan ka qoray weedh murtiyeed farriin iyo macne weyn sidday, oo sidan u
dhignayd: “In qoraalku ahmiyad lee yahay, waxa aad ku ogaanaysaa, wixii aan ku waynay qoraal la'aanta!” In wax badan oo aynnu lahayn maanta la haynin, ama dadyow iyo dawlado
kale isa siiyeen oo sheegtaan, ama dadyow iyo dawlado kale marti uga nahay,
inta ba, waxa ay ina dareensiinayaan, oo si falsafadaysan inoo barayaan, faa’iidada uu lee yahay qoraalku! Waxyaalihii barnaamijka lagu soo
bandhigay waxa ka mid ahaa, riwaayad gaaban oo farriinta ay sidday ahayd:
dhulka iyo dhaqanka in lagu dhaarto oo la dhaqdo; iyo cayaar dhaqameedyo kala cayn
cayn ah. Sida oo kale, waxa lagu soo bandhigay tartan suugaaneed heer sare ah,
oo loo qabtay dhallinyaro; hubaashii, waxa ay soo bandhigeen suugaan miisaan
iyo murti ahaan ba cuddoon. Qoraa Idaajaa, isaga oo ka falcelinaya
dhallinyartaa iyo maansooyinkii ay ku tartameen, waxa uu sheegay, in uu
maansada Soomaaliyeed u tacsiyeeyay waa hore, ka dib markii uu arkay
xaaladdeeda dhabta ah iyo in ay jirin cid soo noolaynaysa oo xaqqeedii siinaysa;
bal se dhallinyaradani ay ku abuureen rejo iyo niyadsami weyn, oo uu haatan
rumaysan yahay: Maansada Soomaaliyeed mustaqbal wanaagsan in ay lee dahay!
Taasi aniga waxa ay i soo xusuusisay qoraaga Soomaaliyeed, Maanmaal Buureed Gurxan, oo isagu arrintaa sannado hore ku baraarugay, soo na saara qoraallo
taxane ah, oo uu magac uga dhigay: “Hal-abuurkii Soomaaliyeed Weli Ma Dhiman”,
oo ku soo baxa mareegta weyn ee Maskaxmaal.com.
Waxa ay dhallinyarada
ku booriyeen in ay wax bartaan. In ay aqoonta ay lee yihiin u gudbiyaan
bulshada. Hiddahooda, dhaqankooda iyo sooyaalkooda barasho iyo faham wanaagsan
u yeeshaan. Qabyaaladda iyo tahriibka ka fogaadaan, dadka na uga digaan. Oo ay
wax qoraan. Mar kale Idaajaa, isaga oo u tilmaamaya jaamiciyiinta qoraalka iyo
muhiimaddisa ayaa uu sheegay, wakhtigan in ay waajib tahay in wax la qoro, oo
qof wali ba wixii uu yaqaanno ummadda qoraal uga ga tago. “Wixii aad qortaa
muhiim ah”, ayaa uu talasoojeedintiisii ku soo gebagebeeyay. Waa na halkii uu
filasoof iyo maanso yahan Cabdi Sinimoo IHUN ka lahaa: “Wixii la qoraa quruumo hadhee / Muxuu
hadal qiime lee yahay!” Dhanka suugaanta, waxa uu dhallinyarada kula
dardaarmay, maansooyinkii raggii hore na daliil uga keenay, in ay maansadooda
ka dhigaan mid aan dheerayn, si loo xifdiyo; isla markaan na halmuceed leh, si
loo halqabsado. Waxa uu jaamacadda iyo dhallinyartii ka soo qayb galay ka
codsaday, in ay baadhis ku sameeyaan, sababta ay Soomaalidu u tahay ummad murti
badan hal-abuurtay, se aan ku dhaqmin!
Waxa xusid
mudan, in maalin labaaddii bandhigga, salaaddii makhrib markii la soo tukaday,
arrin aan habboonayn madasha ka dhacday! Ardaydu, iyaga oo aad u tiro badan,
waxa ay dooneen si degdeg ah in ay ku galaan hoolka; askartu na waxa waajib ku
ahayd qof wal in la baadho, si amniga meesha loo sugo. Halkaas waxa ka yimidday
isku dhac sababay askartu rasaas nool nool in ay adeegsato! Dhacdadaasi waa mid
soo noqnoqota—ma aha Boosaaso oo keliya; waa guud ahaan magaalooyinka
Soomaalida! Waa muhiim arrintaas oo kale in si feejigan looga digtoonaado, oo
adeegsiga qoriga ay ka dhacayaan xabbadaha wax dilaa, askarta laga qaado. Waxa,
in badan oo badan, si gaar ahaaneed isku weyddiiyaa: goorta Soomaalidu ay baran
doonto sharciga iyo sharciga dhowristiisa?!
Waxyaalihii
igu la yaabka badnaa waxa ka mid ahaa: Jaamacadda Bariga Afrika sida ay u soo
qaban qaabisay kal dhaqameedkan oo kii hore ka casrisan—iyada oo aynnu og nahay
dawlad mooyaan e’ urur madax bannaan hawshan oo kale in uu san ka bixi karin;
hadda na, Jaamacaddu waxa ay muujisay dedaal iyo karti dheeraad ah, taas oo
goobjoogayaashii iyo martidii ba ay wada qireen; gabdho aftahanno ah, dadka
hortooda iyaga oo geesinnimo iyo kalsooni badan ka muuqato ka soo hor jeediyay
maansooyin dhisan, oo qaarkood jawaab u ahaa maqaawiirta maansooyinkii ay dadka
la hor yimaaddeen; dad faraxsan, aad u la dhacsan sida ay wax u socdaan, oo qiiro
waddaniyadeed awgeed qaarkood ooyay, qaarkood na ku sigtay in ay ilmeeyaan; iyo
agabyadii kala duwanaa iyo farshaxammadii hooyooyinku soo sameeyeen! Intaas oo
dhan oo la isku daray, waxa ay qalbigayga kaga tegeen raad iyo saamayn weyn! In
kasta oo aan ooyin, se aad iyo aad ayaa aan u qiirooday!
Ugu dambayntii,
dadka wejiyadooda waxa laga akhrisan karayay farxad iyo qanacsanaan badan! Waxa
ay uga dhignayd sidii oo ay mar labaad dhasheen! Qof wali ba waxa uu ku
baraarugay—kii horay u ogaa iyo kii maalmihii dhaqanka ogaaday ba—Soomaalidu
ilbaxnimo iyo sooyaal weyn in ay lee dahay! In loo tashaday, oo sidan ay tahay eegga,
qorshe waayo badan laga fekeray in ay ahayd! Waxa uu qof wal ba, maalmihii maamuuska
badnaa (Feebarweri 11 -16) ka dib, irridda ka baxay isaga oo ay maankiisa ka
guuxayaan: Ma dhab baa, kal dhaqameedkii labaad ee Jaamacadda Bariga Afrika,
waa uu dhammaaday?! Alla! Goorma ayaa ay Soomaalidu heshiin doontaa, oo dawlad
ay heshiis ku yihiin dhisan doonaan?! Goorma ayaa ay halyeeyadeedii iyo
hal-abuurkeedii ba xushmadayn doontaa?! Tolow ma waxa aan dhimanayaa iyada oo
ay tiihan weli ku jirto ummaddaydu?! Aniga na, intaas waxa ii dheeraa:
Soomaalidu goorma ayaa ay baran doonaan nidaamka iyo u hoggaansamiddiisa?!
Hambalyo weyn ayaa aan u dirayaa Jaamacadda Bariga Afrika, martidii dalalka fog fog iyo gobollada dalka nooga timid, iyo gaar ahaan, guddigii bandhig dhaqameedkan soo qaban qaabiyay. Waa aad naga farxiseen. Allaah ha idin ka farxiyo. Aamiin.
FG: Sawirka waxa aan ka soo qaatay Puntlandpost.net
W/Q: Maxamed
Cabdirisaaq Saciid “Samiik”
Qoraa iyo aqoon
baadhe Soomaaliyeed
Boosaaso, Buntilaan,
Soomaaliya
Carte, Feebarweri 17, 2016
Haddii aad akhriday mudane/marwo, waa aan jeclaan lahaa aragtidaada in aad i la wadaagto oo faalladaada halkan ku hoos qortid. Mahadsanid.
ReplyDeleteJazakallahu kheyr adna waad naga farxisee Allah hakaa Farxiyo if iyo aakhiraba samiik
ReplyDelete