Aniga oo
hoteel fadhiya, dhalada shidan aan daawanayn bal se waraaqo akhrintooda ku
mashquulsan, ayaa uu nin jaallahay ahi degdeg meeshii u soo galay, oo hadalkan
yidhi: “SNTV inoo geeya, barnaamij yaab leh ayaa ku jira aan daawanno e’.” Si
aan u la arko barnaamijka uu sheegayo, ayaa aan codkayga kiisa ku xoojiyay, waa
na la geeyay. Dabadeed waa aan daawaday. Sidee u arkay dokumentariga iyo xogta
ku jirta?
Ugu horrayntii,
dokumentarigu magaciisu waxa uu ahaa “Dilaaga Weriyaha”. Waxa soo
diyaariyay, soosaare iyo tebiye na ka ahaa, Cabdicasiis
Maxamuud Guuleed “Afrika”. “Waa kuma Xasan Xanafi?" Iyo “Waa maxay sirta ka
dambaysa dilalka weriyayaasha?”ayaa uu barnaamijku baadhis u galay, xogihii uu
soo uruuriyay na soo bandhigay.
Marka aynnu
eegno sida loo diyaariyo dokumentariyada, dabadeed dhuganno sidan kan loo
diyaariyay, waxa uu lee yahay labo ceebood oo dhaawac badan u keenaya: hab
diyaarintiisa oo isku dhexyaac iyo farsamo xumo ka muuqato iyo qaab tebinta
xogta oo aan aad u dhisnayn, habaysnayn, oo farshaxannaysnayn. Bal se sidiisa
kale, waa mid wanaagsan, oo uu weriye Afrika itaalkiisa, aad uga shaqeeyay,
kana jawaabay labadii weyddimood ee dokumentarigu jawaabta u doonay. Xogta ku
jirta markii aan akhris guud ku sameeyay iyo markii aan ku kaabay macluumaadka
aan hayo iyo waaya’aragnimadayda, waxa ii soo baxday afar dhaliilood iyo arrin
dheeraad ah oo aan gadaal ka sheegi doono mooyaan e’, inta kale in ay waadax
tahay.
Tan iyo
aas’aaskii Alshabaab (2006) waxa ay Soomaaliya ku dileen weriyayaal aad iyo aad
u badan, kuwaas oo ay siyaabo isku mid ah u dileen; koox u qaabbilsan
dilalkooda ayaa ka soo shaqayn jirtay raadinta xogaha, diyaarinta shirqoollada
iyo maamulka iyo fulinta dilka. Kooxdaas oo hoos iman jirtay mid ka mid ah
maktabadaha sagaalka ah ee Alshabaab, lagu na magacaabo Maktabadda Warbaahinta, ayaa uu Xasan
Xaaji Xanafi Xaaji Cabdisalaan madaxdeeda ka mid ahaa.
Xasan Xanafi
waxa uu ku dhashay, ku barbaaray, wax ku bartay, oo uu weriye caan ah ka noqday
magaalada Muqdisho, caasimadda ummadda Soomaaliyeed. Waxa uu ka shaqayn jiray codtebiyayaasha
gudaha; waxa uu muddo badan u shaqaynayay idaacaddii Qur’aanka Kariimka (IQK)
oo ka mid ahayd, idaacadihii ay Alshabaab bililiqaysteen! Waxa dad badan oo
reer Muqdisho ah ku xusuusan doonaan barnaamijkii “Nasashada Jimcaha”, ee uu
fiidnimada Jimcaha soo tebin jiray. Isaga oo weriye ah, ayaa uu si toos ah ugu
biiray, uga na mid noqday, dhaqdhaqaaqa Salafiya Jihaadiya (Alshabaab),
2007dii.
Waxa uu Xasan
Xanafi sheegay, Aadan Xaashi Ceyrow IHUN, oo ka mid ahaa saraakiishii ugu
sarraysay ee Alshabaab, in uu ku tashkiiliyay kuna dhiirri geliyay ka mid
noqoshada iyo u shaqaynta kooxda Alshabaab. Ka dib, waxa uu bilaabay Xasan in
uu si dadban u la shaqeeyo isaga oo weriye ah. Waxa uu mas’uul uga ahaa
Maktabka Warbaahinta Alshabaab, qaybta qaabbilsan ‘xidhiidhka warbaahinta
madaxa bannaan iyo warbaahinta ururka’.
Noloshiisa in
badan oo ka mid ah waxa uu ku soo qaatay dhagridda iyo shirqoolidda ummadda
Soomaaliyeed. Si gaar ah waxa uu mas’uul uga ahaa dilalka weriyayaasha, kuwaas
oo uu maalin ba mid sahansan jiray, ugu dambaynna dili jiray! Waxa uu, si toos
ah, u la kulmi jiray saraakiisha ugu sarraysa ee Alshabaab (Ee xilligiisii),
sida: Axmed Godane, Aadan Ceyrow iyo Ibraahin Afgaani—kuwaas oo siyaabo kala duduwan
loo dilay; Ilaahay ha u naxriisto. Waxa uu mas’uul ka ahaa dilalka weriyayaal
badan oo caan ah, oo ka shaqayn jiray warbaahinta Muqdisho, sii ba Hoon-Afriik
iyo Shabeelle, oo ay kooxdu cadaawad gaamurtay iyo ciil fogaaday u haysay. Waxa
ka mid ahaa: Mahad Axmed Cilmi, Cali Iimaan, Saciid Tahliil Axmed, IQK—Dhammaantood
Ilaahay ha u naxriisto.
Sababta loo
dilayo weriyayaasha Soomaaliyeed ee ummaddooda u shaqaynaya ayaa uu ku
macneeyay labo sababood oo isla falgalaya: Ta kowaad, Alshabaab in ay gaalnimo
ugu xukuman yihiin weriyayaasha iyo codbaahiyayaasha ay ka shaqo galaan, isla
markaa na mid mid loo khaarajinayo; Ta labaad, Alshabaab waxa ay doonaysaa in
ay maamusho warbaahinta iyo weriyayaasha madaxa bannaan, isla markaanna ku
khasabto wax ay raalli ka yihiin in ay bulshada u gudbiyaan, oo siyaasaddooda ku
shaqeeyaan. Si warfidiyeenka iyo warbaahinta loogu khasbo in ay u hoggaansamaan
Alshabaab, waxa kooxdaasi ay adeegsatay wax loo yaqaan “Cabsi gelin” oo ah: in
la dilo weriyayaasha, si kuwa kale ugu quus qaataan (Dilku waa dariiqa ugu dhow
ugu na saamaynta badan ee wax loo cabsi geliyo – aragtida Alshabaab)! Sidaa
awgeed, maadaama dhammaantood u xukuman yihiin, dhiiggooda iyo maalkoodu na
xalaal u yahay, waxa qudha ee ay ka fekeraan waa sida loo kala horumarinayo dilalka
weriyayaasha iyo bililiqaysiga warbaahinta!
Waxa laga
yaabbaa dad badan in ay layaab ku noqoto silsiladda dheer ee habaysan, ee
bilowga iyo dhammaadka leh, ee dilalka weriyayaashu maraan! Waa run, qofkii aan
xog’ogaal ahayn, waxa uu u haystaa Alshabaab koox sahlan, oo wax iska disha wax
na iska bililiqaysata! Bal se ma oga in ay tahay shirkad sida shirkadaha
caalamka ugu wanaagsan u dhisan, wax wal ba ay maraan hannaan la yaqaanno,
shaqaalayaasheedu na isku af gartaan erayo fudud, isla mar ahaantaanna la
xisaabtan iyo dabagal badan jiro! Kolka Alshabaab ay dilayso qof keliya, dhowr
qofood ayaa siyaalo kala duwan uga qayb qaata dilkiisa, oo mid wal ba shaqadiisa
gaarka ah lee yahay, in uu ka soo dhalaalo na waajib adag tahay! Ugu horrayn,
qofku waxa uu noqdaa mid la doonayay ama mid markaa cid kale ka soo warrantay. Ka
dambe haddii aan tusaale ka bixiyo, Muqdisho na ku ekaado, qof ka tirsan
Alshabaab oo ka hawlgala xaafad ka mid ah degmada Yaaqshiid ayaa qof ka shakkinaya,
dabadeed dabagalaya, oo xogtiisa si qeexan u diyaarinaya. Xogtii waxa uu u
keenayaa amiirka degmada. Isagu na amiirka gobolka. Isagu na amiirka gobollada
Banaadir iyo Shabeellooyinka. Ilaa ay gaadho amiirka ugu sarreeya ee kooxda, oo
isagu ah maamulaha dhabta ah ee Amniyaatka. Amiirka guud ee Amniyaatka ayaa si
toos ah u soo fara dilka, isaga oo farriinta u marsiinaya saraakiisha kala
hooseeya ee Amniyaatka, oo uu ugu hooseeyo ka u jooga xaafad ka mid ah degmo.
Dabadeed, amiirkaas ayaa diyaariya shakhsiyaadkii la rabay dilkaa in ay
fuliyaan! Waa jaranjaro iska daba wareeg ah, oo leh bilow iyo dhammaad la
yaqaan!
Dokumentarigan
waxa uu daaha ka rogayaa codad sir ah oo laga qabtay Xasan Xanafi, kuwaas oo uu
ugu hanjabayay weriyayaasha, isaga oo kuwo uu dilalkooda ka shaqeeyay
geeridooda la wadaagaya, si jeesjees iyo ku digasho ah na u hadlaya, uu si
naxariis darro ah ugu sheegayay iyagu na in ay ku xigaan, oo halkii
jaallayaashoodii mareen ay marayaan! Weriyayaashaa uu caadada ka dhigtay mar
wal ba in uu u soo hanjabo wax ka mid ahaa, agaasimihii hore ee Telefishinka Qaranka
Soomaaliya, Cabdiraxmaan Yuusuf Al-Caddaala, oo waagaa ka shaqayn jiray
Raadiyow Shabeelle, tifaftire na ka ahaa. Run ahaantii, geesinnimo badan ayaa
uu Al-Caddaala muujiyay, sida aan xog ku hayo na, raggii fashiliyay Xasan
Xanafi, soo qabashadiisa na gacan ku lahaa ayaa uu ka mid ahaa! Saadaalintiisii
na waa mid rumowday, oo uu guul ka joogo maanta. Erayadii uu Xasan Xanafi kula
hadli jiray maanta dhimbiillo naareed ugu filan! Labadooda na waxa gar iyo xaq leh
Al-Caddaala oo maanta nabad ku jooga Xamar.
Afarta
dhaliilood ee xogta dokumentariga ku jirta, waxa ay ka kala imanayaan jihada
Xasan iyo jihada Afrika, oo mid wal ba labo dhaliilood leh. Aan ku hormaro
xogta Xasan Xanafi. Ta kowaad, xogihiisu waa ay iska hor imanayaan, sii ba kuwa
codaysan ee laga qabtay iyo kuwa uu sida tooska ah ugu warramayo weriye Afrika.
Ta labaad, kolkii uu ka warramayay dilkii Sh. Nuur Maxamed Abkey, sida uu xogta
u falkiyay isburin iyo tayo darro ayaa ka muuqata, gaar ahaan xogta sheegaysa
isaga oo ay jaalle ahaayeen, si wanaagsanna ay isku garanayeen, in uu isagu
ahaa markii ninkaas la afduubay, kii la sheekaysanayay intii uu gaadhiga ku
jiray, hadda na uu san garan ninka la hadlayaa Xasan Xanafi in uu yahay! Aan u
imaado hadda na xogta Afrika: Ta kowaad, codadka qaar faallada uu kaga
warbixinayo iyo dhegaysi ka dib isburin ayaa ku jirta (Sida codadka ay is
weydaarsadeen Cabdullaahi Kulmiye iyo Saciid Tahliil, oo aan si cad uga muuqan
shakki uu Saciid ka qabay Alshabaab in ay dilayso!); Ta labaad, agaasinka
xogtiisa mar mar waxa lagu arkayaa nidaam la’aan, taas oo weyddiin saari karta rumaynta
xogtiisa. Waxa intaas dheer, in kasta oo ay dhici karto Xasan Xanafi xilli aad
u dhawayd sigaarka in uu bartay, hadda na, sida uu u qabsaday, u shitay, u
buufiyay, oo uu gacanta ugu qabsaday, waxa ay daliil u tahay sigaarka
jiididdisa in uu san aqoon; kolka si fog loo eego bishimihiisa na, daliilkaas
ayaa ay sii xoojinaysaa. Weriyuhu, ugu yaraan, waxa ay ahayd in uu weyddiiyo
goorta uu sigaarka buufintiisa bartay, si wax loo kala ogaado. Sida oo kale,
barnaamijka in uu ku dhex sheego nambarka qolka uu ka deggan yahay xarunta, oo
noqon karta baaq uu Alshabaab u dirayo, waxa ay dhaawac weyn u gaysatay
barnaamijka iyo weriyaha laftirkiisa; waxa muuqata jarjarid, habayn, faafreeb
iyo tifaftirid badan dokumentariga in aan lagu samaynin!
Ugu
dambayntii, Xasan Xanafi waa nin xifdi iyo xusuus badan, marka la qiimeeyo sida
halaasiga ah ee uu uga warramayo dhacdooyinka dhacay: sababahoodii,
wakhtigoodii, goobahoodii iyo qorshahoodii. Sida oo kale, waa nin caqli badan
oo maskax furan, marka la dhugto sida Muqdisho oo aynnu og nahay weynaanteeda
iyo duruufaheeda uu uga noqday atoore buuxa oo “Riwaayadda
Khaarajinta Weriyayaasha” si wacan u dhiga u na dhammeeya. Waxa aan
dawladda federaalka u soo jeedinayaa caddaaladda in la hor geeyo, oo
waajibkiisa la mariyo. Cabdicasiis Afrika, run ahaantii, abaal weyn ayaa uu,
Soomaalida ku lee yahay. Halganka uu ugu jiro qaawinta iyo fashilidda
shirqoollada ay Alshabaab u maleegeen ummadda Soomaaliyeed iyo sida hagar
la’aanta ah ee uu aalaa uga faalloodo siraha kooxda, waa arrin ay tahay in si
ballaadhan loo xusuusnaado, billad lagu siiyo, ama ugu yaraan loo duceeyo
mudanaha. Sida oo kale Al-Caddaala oo geesinnimo iyo nafhur badan sameeyay, waxa
uu istaahilaa sidaas oo kale. Ammaan badan waxa leh hay’adda nabadsugidda
qaranka ee NISA iyo weli ba Warbaahinta Dawladda oo shaqo adag ka qabtay kooxda
Alshabaab. Bal se weyddiimaha la is weyddiin karo waxa ay yihiin: Mashruuca
Alshabaab wakhti intee le’eg ayaa uu sii socon doonaa? Maxaa loo dhisi la’ yahay Ciidamadii
Militariga ee Soomaaliya? Kontankan kun ee isugu jira Amisom iyo ciiidamo
Soomaaliyeed ma lix kun ayaa ay ka adkaan kari la’ yihiin? Dawladda Soomaaliya
iyo Amisom daacad ma ka yihiin ka takhallusidda Alshabaab? Shacabka aamusan
goorma ayaa loo hiilin doonaa? Reer Banaadir goorma ayaa ay garashada ka
shaqaysiin doonaan, oo damiirka nool adeegsan doonaan? Filimka Tom iyo Jerry
goorma ayaa ay shacbigu ku baraarugi doonaan?
W/Q: Maxamed
Cabdirisaaq Saciid “Samiik”
Qoraa iyo aqoon
baadhe Soomaaliyeed
Boosaaso, Buntilaan,
Soomaaliya
Lamme, Feebarweri 8, 2016
Haddii aad akhriday mudane/marwo, waa aan jeclaan lahaa aragtidaada in aad i la wadaagto oo faalladaada halkan ku hoos qortid. Mahadsanid.
ReplyDelete