Tirada Soo Booqatay

Thursday, March 3, 2016

Lammaanihii Akhriska!

“Sidee la isku guursadaa?” ayaa uu, isaga oo aad uga cabsi qabay waxa loogu warcelin doono, ayeeydii warsaday. Had iyo jeer waxa uu maqli jiray habel iyo heblaayo ayaa is guursaday. Sida oo kale dhowr aroos oo kala duwan ayaa uu ka qayb galay. Waa toban jir; aynigiis in badan ka garaad roon. Dhaqan ahaan, waa ay adag tahay ilmaha yar ee Soomaaliyeed, weyddiimaha laabtiisa gubaya in uu, waalidkiisa kula dhiirrado in uu hor dhigo. Taas waxaa sababa baqasho uu ka qabo in la canaanto ama in la dilo. “Waa maxay guur?” iyo “Sidee la isku guursadaa?” ayaa uu, si toos ah iyo si aan toos ahayn, marar badan isku weyddiiyay. Warcelin se waa u waayay! Waa sababta uu ayeeydii ugu yimid. Naxariis iyo nacfi badan oo uu ku qabo darteed ayaa uu soo naf biday. Waa uu og yahay aabbihii iyo hooyadii mid na in uu arrintaas kala hadli karin. “Marka aad weynaanto ayaa aad, maandhow, guur waxa uu yahay iyo sida la isku guursado ba garan doontaa,” sidaas ayaa ay ku qalbi qaboojisay iyada oo muunsoonaysa. Hubaal ahaantii waxa ay xaqdhowraysay gu’giisa iyo garashadiisa. Ha yeeshee, waa ay ka go’an tahay macluumaad uu ku qanco in uu masaa’ishaa u helo.

Gu’yaal badan ayaa ka soo wareegay. Ta hore si kediso ah jawaabteeda waxa uu ka helay soojeedin uu ka dhegaystay codtebiye, goor galab ah. Se gadaal ayaa uu ka ogaaday wadaadkaasi in uu Sh. Maxamed Cabdi Umal ahaa. Ta kale na waxaa si qurux badan ugu qaadaadhigay mid ka mid ah jaallayaashiisa dugsiga sare. Ladan haatan waxa uu dhammeeyay jaamacaddii. Waa shan iyo labaatan jir geedkaa le’eg oo xoog iyo xeelad isku darsaday. Lixdiisa laxaad in ay u wada dhan iyo fay yihiin waxa u dheer in uu yahay nin jamaal iyo jidh qurxoon, oo mis na maskax furan iyo go’aan fula caan ku ah. Waxa uu lee yahay dhaqammo layaab leh. Waa nin had iyo jeer qaladaadkiisa cashar ka barta. Oo had iyo jeer ka feejigan godadkii uu ku dhacay mar labaad in uu ku dhaco. Aqoonta bulshada ayaa uu ku talaxtegay. Eegga na isla jaamacaddii uu ka qalinjebiyay ka dhigaa. Waxa jirta sheeko uu marar badan ka sheekeeyo oo ku dhacday intii uu waxbarashada sare ku jiray. Taas oo noloshiisa wax weyn oo weyn ka beddeshay.

Arooryo talaado ah ayaa uu mid macallimiintiisa ka mid ahi fasalka soo galay. Waxa uu bilaabay dersigiisa in uu soojeediyo. Markii uu dhammeeyay ka dib ayaa uu ardayda wax ka codsaday. Waxa uu mid mid uga codsaday halkii uu taagnaa in uu tago oo waxa uu casharka ka fahmay naftiisa iyo ardayda la wadaago. Dhegaysi badan ka dib ayaa uu, ardayda u sheegay, in ay wax badan akhriyaan, sii ba Ladan. “Ardayeey wax badan ha la akhriyo,” ayaa uu yidhi baruhu. “Sii ba Ladanow, adigu wax badan akhri.” Aad ayaa uu u damqaday. Waxa uu iska dhaadhiciyay ka u liita ee damiinka ah in uu yahay. Jaallayaashii na marar badan weedhaa ayaa ay ku duqayn jireen. Iyaga oo ku duraya in uu ka arradan yahay dhaqanka akhriska. Feker adduun ayaa ku furmay. “Maxaa gaar ardayda lagaa ga soocay?” ayaa dunida wax la isku weyddiiyo u jiidatay. Waxa uu u dhawaaday in uu iska aamino daayac in uu yahay.

Fiidnimo ayaa uu tegay maqaaxi lagu caweeyo. Bal se ma doonayn isagu in uu caweeyo. Waxa uu u yimid meesha waa in uu neecawda qabow iyo jawiga wanaagsan ee meesha ku nasto. Dabadeed na halkaa ku fekero oo caawa go’aan ragannimo ah qaato. Koob qaxwe ah iyo biyo qabow ayaa uu dalbaday. Inta uu lugta midig ta bidix dulsaaray, gacanta midig na dhafoorka midig ku muday ayaa uu dunida gorfaynta u socdaallay. Waxa uu, si run ah, isku weyddiiyey heerkiisa ogaalka iyo garashada. Ilaa iyo muggan waxa uu yaqaanno iyo waxa uu san aqoonin. Sababaha ka dambeeya akhris la’aantiisa. Iyo haatan dabadeed, sida uu ahaanayo. La faqiddii iyo la xisaabtankii naftiisa guul weyn ayaa uu ka soo xaqiijiyay. Weligii naftiisa been u ma uu sheegin. Shir uu la qaatay na natiijo la’aan kuma dhammaan. In uu wax akhriyo, dhaliisha loo soo jeediyay na iska saxo, oo uu asaagii tacliin iyo waaya’aragnimo kula tartamo, ayaa uu go’aansaday. Si adag hoosta uga xarriiqay. Oo inta uu dhoolacaddeeyay, lacagtii shaaha iyo biyaha na bakeeriga ka hoos mariyay, yidhi: “Naf yahay akhriska waa aan kugu jirrabi.”

Qaybihii ugu dambeeyay ee jaamacadda kaalinta kowaad ayaa uu galay. Maaddo wal oo loo dhigo buug-kaashiyadii laga siiyay dhammaantood iyo kuwo dheeraad ah waa uu akhriyay. Weyddiintii la keeno ba warceliyaheeda ayaa uu ahaa. Heer ayaa uu xattaa gaadhay macallimiintiisa in uu la doodo; oo meelaha qaar kaga gar helo. Waa ay la amakageen saaxiibbadii is beddelka weyn ee ku yimid saaxiibkood. Keliya ma akhrin jirin dhiganayaasha iyo qoraallada talaxtaggiisa faaqidaya. Ee waxa uu akhrin jiray wax wal oo uu filayo dheef in uu ka korodhsanayo. Waxa uu garwaaqsaday akhrisku in uu yahay furaha horumarka iyo ilbaxnimada. In uu yahay awood qof lihi qofka kale dheer yahay. In uu yahay waxsheegga ugu wanaagsan ee xusuus iyo xifdin leh. In uu yahay quwad si muuqata u dhisaysa u na qurxinaysa dhismaha aadame ee qaybihiisa ogaalka, garashada, fekerka iyo akhlaaqda. Iyo in uu yahay diiwaanhaye ay ku kaydsan yihiin siraha nolosha guud ahaan, iyo gaar ahaan, tabaha guusha lagu raadiyo lagu na sugo. Idaylkood wacaalka, wacyiga iyo waaya’aragnimada qofka in ay durkiyaan oo dunidiisa juqraafi ahaan ballaadhiyaan, ayaa uu yaqiinsaday. Maankiisa waxa qudha ee tilmaan amareed ku baxa ee ku soo noqnoqda waa: “Wax akhri”. Waxa uu kala hufay dadkii uu yaqaannay. Intii ay isla jaanqaadi karaan ayaa uu daystay. Lacagtii uu helo ba maktabad ayaa macaashta. Si beeni ka dheer tahay ayaa uu akhriska wehel ka dhigtay. Waa uu na noolaaday in ka badan intii uu noolaan jiray.

Waxa uu galay nolol in badan ka quruxsan noloshii uu ku jiray. Awel wax cun, wax cab, wax dheh ayaa ay noloshiisu ahayd; se eegga intaa waa ay ka macne buuran tahay. Waxaa la dhihi karaa qofnimo cusub ayaa uu hantiyay ama qofnimadiisa ayaa uu cusboonaysiiyay. Waxa uu gartay xuquuqda badan ee lagu lee yahay. Xaqqa Eebbe ku lee yahay. Xaqqa naftiisu ku lee dahay. Xaqqa waalidkiisu ku lee yahay. Xaqqa bulshadiisu ku lee dahay. Xaqqa deegaankiisu ku lee yahay… Ujeeddooyinka loo abuuray ayaa uu si faham fog u fahmay. Waxa uu dhab u kala doortay labada dhabbo ee mid na jannada ku aroorta mid na naarta.  Labada waddo ee mid na guulaystayaashu qaadaan mid na guul darrayaashu. Labada jid ee mid na nafta lagu boqro mid na nafta lagu bakhtiiyo. In ay san u cuntamin ayaa uu ogaaday in uu nolosha khayaaliga ah ku casuumanaado. Dunida raad nool in uu kaga tago ayaa uu dubaaqiisa ku guntay. Waxa uu hubaa akhrisku in uu yahay ka sidan u beddelay. Ka sidan, sida uu yahay, ka dhigay in uu yahay. Iyo awooddaa lamahuraanka ah in uu u adeegsado dadkiisa in uu ku saameeyo oo ku samaaniyo.

Dedaalkaa isla jaamacaddiisii ayaa uu ka bilaabay. Ardayda maalin wal ba marka uu u soo galo iyo marka uu ka baxo akhriska ayaa uu kula dardaarmaa. Waxa uu yahay ayaa uu u kala dhigdhigaa. Naftiisa ayaa uu uga soo amaahdaa tusaalooyin cad cad oo ku dayasho mudan. Waxa uu ku soo celceliyaa weedh beryihii dambe halkudheg u noqotay: “Akhrisku waa ka qaangaadhidda nolosha aan kuu qalmin. Sida oo kale weedh murtiyeed kale ayaa uu ku macne iftiimiyaa qiimaha akhriska: “Akhrisku waa garowsiga sarraynta garashadaada.” Saddex sannadood ka dib waxa ay sheeko wadaag noqdeen Xamda, oo ardaydiisa ka mid ahayd. Sidiisii oo kale ayaa ay akhriska aad u necbayd. Waa sababta uu ilgaar ah ugu eegay, oo dhankeeda dedaal badan ku bixiyay. “Ardayeey wax badan ha la akhriyo,” ayaa uu yidhi maalin isaga oo xiisadda gunaanadayay. “Sii ba Xamdaay, adigu wax badan akhri.” Waa odhaahdii saamaynta badan ku yeelatay, ee ahaanshihiisa hagaag toosisay. Waxa uu tookadan u adeegsaday Xamda in ay saamayso, oo jiritaankeeda ugubayso. Sidii ay ka dhigtay ayaa uu la rabaa iyana in ay ka dhigto. Intaa kaga ma uu hadhin sidii macallinkiisu intaa ugu gaabsaday e, kulammo badan ayaa uu keligeed la qaatay, si nolosheeda gaar ahaaneed wax badan uga ogaado, oo dunideeda u kobciyo.

Si buuxda ayaa ay isugu afgarteen in ay is guursadaan. Lacagihii uu jaamacadda ka qaadan jiray oo qaarkood uu ganacsi ku furtay waxa ay u saamaxeen guri Fillo ah in uu dhisto. Waa guri dhex ka dhis ah. Shan qol, saddex musqul oo mid qolka hurdada ku taallo, labo jiko, barando yar iyo daarad weyn oo afarta bayni jiho ba u fidsan ayaa uu ka kooban yahay. Soo doon gabadhii. Reerkoodii na si sharaf leh u siiye. Maalmo ayaa tegay. Ka dib labo toddobaad. Maalin Isniin ah ayaa uu dhacay arooskoodu. Dad badan oo isugu jiray jaallayaashood, barayaashood iyo waalidiintood ayaa isugu yimidday. Ma uu ahayn aroos laga heesay laga na niikiyay. Ee waxa uu ahaa aroos duco oo si qofeed iyo si wadareed ba loogu duceeyay in ay isku waaraan. Oo ay ubad barakaysan isku dhalaan. Hoygoodu na noqdo mid Soomaaliyeed oo danaha qowmiyadda laga ga fekero.

Qol ka mid ah qolalka gurigu ka kooban yahay waxa loogu talo galay oo qudha in wax lagu akhristo. Waaberiga kolka uu kadinka ka baxo fiidnimadii ayaa uu ku soo laabtaa. Iyadu na maalintii oo dhan ilaa galabnimada hawsha guriga iyo hawlaheeda gaarka ah ayaa ay ku mashquushaa. Dabadeed fiidnimadii ayaa ay qolkaa isugu yimaaddaan. Laga bilaabo toddobada fiidnimo ilaa sagaalka caweysinimo ayaa ay wax akhriyaan. Maalin wal ba hal buug ayaa ay akhriyaan. “Hal dhigane .. Hal maalin”, halkudheggaa ayaa ay ku shaqeeyaan. Mid na ba mid gaar ah ma akhriyo; hal mid ayaa ay wada akhriyaan. Saacadda tobnaad ayaa ay gudagalaan dood aqooneed ay ku gorfaynayaan dhiganihii ay akhriyeen. Mid wal ba soojeedintiisa ayaa uu si cilmiyaysan oo uruursan u soo bandhigaa. Dabadeed waxa ay soo wada saaraan aqoonmurtiyeed qodobbaynaya wixii ay isla garteen. Waa sidaa noloshoodu. Sidaa qiimiga badan. Sidaa maanta qoysaska Soomaaliyeed badankood laga la’ yahay. Si wadajir ah, ayaa ay maalin Jimce ah, goor galab ah, guriga uu deggan yahay bare sare Ibraahin booqasho ay ku lahaayeen tegeen. Waxa uu, si gaar ah Xamda saygeedu, in badan uga mahadceliyey macallinkiisa sidii uu akhriska u jeclaysiiyay. Isagu na waxa uu uga mahadceliyay sidii uu afadiisa u jeclaysiiyay. Sawir xusuuseed ayaa ay wada galeen saddexdoodu, iyo dhigane kolkaa ustaadku qolka ku akhriyayay.

Si aan qiyaas lahayn ayaa uu qof wal ba akhriska u jecel yahay. Waa ay isku dhiirri geliyaan oo ku tartamaan. Waa ay isugu faanaan oo isku xujeeyaan. Deriskooda, xigtadooda iyo saaxiibbadooda ba waxa ay naanays uga dhigeen: “Lammaanihii akhriska”. Ixtiraamka, qaddarinta, wanaagga iyo karaamaynta mid ba midka kale u hayo reer Soomaaliyeed oo ay dhextaallo ma jiro ama waa naadir! Wakhtigakan Xamda waxa ay lee dahay uur siddeed bilood ah. Waxa ay shalay galab ka wada fekereen sidii ilmahoodaa u noqon lahaa ilmo wax akhriya, oo dunida akhriska buqcad weyn uga dhisan tahay. Sida oo kale waxa ay isku diyaarinayaan, in ay iska caawiyaan na go’aan ku gaadheen, sidii ay wax u qori lahaayeen, oo xogta ay hayaan ummaddooda la wadaagi lahaayeen. Waxa ay tiigsanayaan in ay tilmaanta heerkan ay joogaan uga gudbaan tilmaanta kale ee ka sii qaalisan: “Lammaanihii qoraalka”.











W/Q: Maxamed Cabdirisaaq Saciid “Samiik”
Qoraa iyo aqoon baadhe Soomaaliyeed
Boosaaso, Buntilaan, Soomaaliya
Uguux, Maarso 3, 2016

1 comment:

  1. Haddii aad akhriday mudane/marwo, waa aan jeclaan lahaa aragtidaada in aad i la wadaagto oo faalladaada halkan ku hoos qortid. Mahadsanid.

    ReplyDelete