Tirada Soo Booqatay

Saturday, July 23, 2016

Aniga iyo Jaalle Asli


Tan iyo intii aan sheekadeeda maqlay aad baa aan u xiiseenayay la kulankeeda. Ma “xiisayn” oo qudh ah?! Waxa aan Eebbe ka baryi jiray inta aan dhiman mar uun indhahaygu in ay arkaan, afkaygu na haasaawe badan la yeesho. Ducadii waa uu aqbalay Eebbe. Arooryo suubban ayaa ay ahayd, aniga na ii ahayd, arootii ay timid Hooyada Labaad ee Soomaaliya: Boosaaso. Keligeed safarka ku ma ay ahayn, ee jaallayaal badan oo rag iyo dumar ahaa ayaa la socday. In kasta oo dhammidood wada caashaqsanaa, se jacaylka aan iyada u qabay sankuneefle aan u qabay ma jirin! Dhammaantood, ka dib markii aan isa salaamnay, laabta is gelinnay, waxoogaa kaftannay, meel noo dhawayd na sharaab qabow ka cabnay, waxa aan u soo galbiyay gurigayga, gaar ahaan qolka akhriska. Maanta ayaa aan sheeko dheer wada qaadannay Asli. Maxaa aad ka taqaannaa Asli?!
  
  Asli waa inan eegga waaya’aragad iyo aqoonley ah. Aad iyo aad u faraxsan, u na fiiro dheer. Oo la talinta dadka iyo kaalmaynta gabdhaha dhibaataysan aad iyo aad u danaysa. Haatan waxa ay dhammaysay waxbarashada sare iyada oo ku baramoostay dhibco aad u sarreeya. Waxa ay na nolol la samaysay nin wacan oo ay sifo xalaal ah isku guursadeen, kaas oo ay u dhashay wiil iyo gabadh, haatan na rejo fiican laga qabo ilmo saddexaad caloosha in uu ku jiro. Si wal ba xaalka Asli wakhtigan ha wanaagsanaado e, waxa dhab ahaantii jira dhibaatooyin badan oo ay nolosha ka soo aragtay, kuwaas oo mustaqbalkeeda qofnimo dhaawacyo badan u geystay!
  
  Yaraannimadii waxa ay ahayd gabadh waalidkeed aad u kolkooliyay, inta uu ku indhakuushay weli ba ku ataxiyaadsaday. Ubadka ay Aw Jaamac iyo Cambaro isku dhaleen iyada ayaa ay ugu jeclaayeen, dadku na ugu jeclaayeen. Jacaylkaas xadhko goostay ayaa sababay xorriyad furan in la siiyo—taas oo ay ka heshay fursad weyn oo meesha ay doonto ku aadi kartay, amminta ay doonta na aadi kartay. Waa gabadh Banaadir oo janno ah inta ay ku dhalatay, qoys barwaaqo ah na Eebbe ka beeray, xubin wal ba barartay, oo gebigeedu babbaay iyo batiiq soconaya noqotay! Geestaad ka dhugato ba dhaymadu waa ay ku barakoobaysay! Quruxdaa waxa u raacay akhlaaq sarraysay oo runtii qayb weyn ka qaadatay jacaylka badan ee qoyskeedu iyo bulshadeedu u hayaan. Ma ay noqon qof si xun uga faa’iidaysta kalgacalka loo qabay, iyo madaxbannaanida lagu darajeeyay; ha se ahaato e, bani’aadam iyo xume la ma kala baajin karo e, saaxiibteed Canab oo shaydaanku u soo maray, ayaa shirqool halis ah u dhigtay. Waa shirqoolkaas ka ay ka dhalan doonaan dhacdooyinka aan caadiga ahayn ee ay muddo badan ku casuumanaan doonto.
  
  Qofku iska ma xumaado ilaa xumuhu qalbigiisa soo gargaraaco, dabadeed ka furo, iska na celin kari waayo. Sida oo kale shaydaanku qalbi ku cusub xumo si degdeg ah u la ma soo doonto, jeer uu la jaallo u na sheego samaan aan tiro lahayn in uu u sido. Shaydaanku na marar badan waxa uu wakiishaa shaydaan muuqaal aadame leh, kaas oo qofka ku qanciya bayaankii uu wadaadkiisu u soo dhiibay, ka na kaalmeeya sidii uu u dhaqan gelin lahaa. Iyada, shaydaanku, waxa uu u soo wakiishay Canab oo ay isku dugsi ahaayeen, aad iyo aad na isugu wacnaayeen. Waxa ka qarsoonaa in ay ahayd naag muqayyilad iyo sigaarjiide ah oo aan habeen qudh ah nafteeda iyo sharafteeda ka fekerin; dhanka kale na dhillo iyo fataalad weyn ah, taqaana na xirfadaha looga baahan yahay qofka hawlahaas ku fooggan. Naagtaas, Canab, ayaa iyada oo doonaysay taksi geeya degmada Hodan oo ay degganayd, waxa ay si kediso ah isku arkeen baabuur ay ku dhex jireen Cali, oo saaxiibkeed hore ahaa, iyo Caddaawe, oo saaxiibkiis ahaa. Kaftan iyo is warraysi guud ka dib, labadoodu waxa ay Canab ka codsadeen in ay jaalle kale lugta ku soo darsato, oo ay u casuuman yihiin. Hawraarsan dabadeed, waxa goortii ay ballantu soo dhawayd u tagtay Asli, matoorkii geyn lahaa dhankaa iyo Masiibadii Weynayd na ku rakibtay, oo dhar inta ay ku jaftay hor hoggaamisay. Gaadhigii ayaa ay afartoodii wada raaceen. Labo labo ayaa loo fadhiistay!
  
  Caddaawe si wal oo uu nin weyn u yahay, ama xaas iyo ubad badan u lee yahay, ka ma aannu weynaanin ilbidhiqsi qudh ah hablaha edaabta leh ee aan waaya’aragga ahayn ee gacmaha ragga sumaysan ka badbaaday, in uu cudureeyo. Iyaga ayaa uu ugu jecel yahay, shahaado sare na ka sitaa, sidii uu u bikro jabin lahaa, dunida madowga iyo murugada badan na ugu dhex sii dayn lahaa! Waa sida uu la maaggan yahay Asli. Waa sida uu kolkii Canab u sheegtay in ay Asli ahayn naag la gedo ah oo taqaan na balwada iyo ragga sida loo shaadh iyo shahwad miiro, inta uu foosha ka qoslay ku yidhi: “Anigu waxaan ka helaa gabdhaha masaakiinta ah oo aamuska badan bal adigu gacantayda ku soo hubso aad aragtid sida aan u aqaan sida gabdhaha ugub loo godlee" (Bog. 9). Wax la soo warwareego ba gurigii Cali ayaa la yimid, oo labo labo loo fadhiistay. Ma ay oga Asli dhibta keli ah ee dhibaatooyinka badan dhaxalsiin doontaa in ay caawa u bilaaban doonto! Wacnaan lahaydaa iyada oo jaallaheed talasoojeedintii ay u soo bandhigtay ku gacan saydha! Fiicnaan lahaydaa iyada oo uu Caddaawe iska cafiyo! Hagaagsanaan lahaydaa iyada oo tushuush kale guriga ka dhex dhaco! Isaga oo adeegsanaya waaya’aragnimadiisa ballaadhan ayaa uu jacayl been-been ah u dhisay, mustaqbal mala’awaal ah na daawadsiiyay, oo iyada oo ku faraxsan dhalanteedkaa oo dheelmatay ka gaadhsiisayay istiin iyo galmo degdeg ah, dabadeed na sidii caagad casiirkii ku jiray la laacay oo kale inta ay fududaatay, miyirkii u soo laabtay—isagu na sii macasalameeyay iyada iyo jaallayaashii kale ba! Ax . . . . Xanuun badanaa!
  
  Illeen waa gaashaanti yar oo adduun-araggeedu aad u hooseeyo e, uurkii ay qaaday ayaa ay mooday xanuun dabiici ah oo maalmo dabadeed ka caafimaadi doonto! Oo sow kuwa waalidkeed iyagu na sidaa mooday ee duco iyo niyad-qaboojin badan isugu daray! Falkii ay fashay waxa uu kaga tegay feker, walbahaar, iyo xanaaq joogto ah! Oo gabadhani miyaa aan ay ahayn Aslidii babbaayga iyo batiiqa ahayd ee xubin wal ba dhiiqaysay? Oo sowtan qalashay ee gebigeed ba qolof nool noqotay! Qoftan Cusbitaalka Digfeer waalidkeed u la cararayo ma Asli baa? Oo toloow inanta yar maxaa ku dhacay? Digtoorku waxa uu sheegayo ma run baa? Baadhitaanku “uur in ay lee dahay” miyaa uu xaqiijiyay? Bal ha la hubsado! Waa xaqiiq miyaa sidaa?! Adduunoow xaalkaa ba’! Adduun nin noolow maxaa aragti kuu laaban! Cimrigaagoo dheeraadaa geel dhalayuu ku tusaa! Ma inantii xishoodka iyo dhowrsoonaanta badnayd ayaa uu “uur” labo bilood iyo badh ah ku soo baxay?! Ma inantii reer dhan ku indhakuulanayay ayaa ilmo “wacal” ah qaaday?! Ma ina Aw Jaamac ayaa “Waadhka Haweenka” la jiifiyay?! Adduunoow xaalkaa ba’! Ma Asli baa qofta yaabban ee natiijada ka naxsan ee digtoor Jimcaale ku leh, “Dotoore ha u sheegin waalidkey iyo dadkoo dhan in aan uur leeyahay” (Bog. 17)?! Ma hooyo Cambaraa ta ku calaacalaysa, “Alla gablamayeey!!! Alla gablamayeey!!! In ay saqiirtaa la ii qaatay” (Bog. 21)?! Ma Aw Jaamac baa ninka sarajoogga ka dhacay ee jugtu madaxa ka gaadhay ee ka dib markii uu miiraabay ku tiraabay, “Alleylehe wax kastaba aan fishee weligey cindigeyga ma gelin Asli baa ceeb kuu soo jiidaysa!! Adduunow magacaa ba’, tanina ma ii dambeysay?!” (Bog. 23)?! Ma Aslidii la jeclaa baa ta la dayriyey ee sidii qof dhintay laga samray?! Asliyeey maxaa ku fududeeyay waa aad ba fiiro dheerayd e?!
  
  Muddo badan ayaa ay ku noolayd cusbitaalkaas, ka hor umuliso Faadumo intii aan ay gurigeeda geynin—halkaas oo ilaa foosheedii ay ku noolayd. Wax ka yar saddex maalmood ayaa, midabkeedii awel qayirmay iyo jidhkeedii awel qalalay badweynta fool xumada si wacan ugu dhex dabbaasheenilaa ay Asli soo baxday Asli kale oo aan la ba garanaynin! Dhibaatooyin farabadan ayaa isugu yimid: reerkeedii oo dayriyay oo cuntadii, cabbitaankii, lacagtii, iyo hadalkii wanaagsanaa ee ay u keeni jireen ka goostay; bukaankii iyo kalkaalisooyinkii cusbitaalka ugu timid oo kolkii ay ogaadeen in ay ilmo garac ah siddo si ba’an u colaadiyay, caloosheeda na cudurro badan ku beeray; bulshadii ay ku soo noqotay oo afxumo aan dhammaad lahayn ku casuumay, ka na soo qaaday qof dhintay oo aan qiime iyo qaddarin lahayn, waajib na tahay in la takooro oo la tuuro; iyo, nafteedii oo kulansiisay mawjadaha murugada iyo gantaallada garwaaqsiga. Mashaqooyinkii ay Asli la kulantay waxa ay sawir naxdin iyo amakaag leh ka bixinayaan sida bulshadeennu ugu darran tahay gabadh rag ay xumeeyeen oo mar qudh ah geftay, iyo, sida dambiga ciqaabtiisa loo mariyo keliya gabadha, ee aan ay raggu dhibic murugo ah iyo ilbidhiqsi takoor ah la kulmin!! Intaa waxa dheer, waxa ay digniin buuxda u tahay gabdhaha Soomaaliyeed ee sebankan nool, in ay iska ilaaliyaan halaagga iyo hagardaamooyinka ragga aan ay bulshadu xukumin!
  
  Is ma ay dhiibin Asli. Waxa ay la timid soo laabasho buuxda—iyada oo Eebbe Weyne ka bariday dambigii ka dhacay in uu ka cafiyo, meelkabax wanaagsan na u furo; geesinnimo midda u weyn ee uu aadame sameeyo—iyada oo ballan adag ku qaaday godkii ay ku simbiriirixatay mar kale in ay ku simbiriirixan, isla jeerkaa na nolosheeda dib u dhisto oo quudhsiga ummadda ku dhex hafan; iyo geyllan hadafaysan—iyada oo cindiga ku qortay xumaantii ay samaysay wanaag in ay ku beddesho, waaya’aragnimadii ay heshay na mustaqbal wanaaggeeda uga faa’iidaysato, oo noqoto gabadha dadka ugu aqoon, karti, iyo ayaan wanaagsan. Muddo dabadeed waxa ay noqotay, markhaati na laga wada noqday, gabadha ugu karti iyo dhowrsooni badan ee magaalada, sida oo kale na ugu garaad iyo maskax wanaagsan.
  
  Halgankii dheeraa ee ay gashay labo hadaf ayaa ugu waaweynaa marka laga yimaaddo dhowrsoonideedii iyo sumcaddeedii in ay soo ceshato: in ay dib ugu laabto waxbarashadii, iyo in ay guursato nin xalaal ah. Shakhsiyaad dhowr ah ayaa geyllankaa qaadhaan wanaagsan ku darsaday. Sida walaalkeed, Cali-Ammuur, oo hadafka hore gacan ka geystay, ahaa na qofkii ku tashkiiliyay waxbarashadeeda in ay ku noqoto iyada oo uur leh, in badan na niyadda u dejiyay, oo booskii walaaltinnimo iyo booskii waalidnimo labada ba u buuxiyay; iyo umuliso Faadumo oo hadafka labaad gacan weyn ka geysatay, ahaa na qofkii gurigeeda ku soo dhaweysay iyada oo la dayriyay, in badan na niyadda u dejisay, oo booskii xigtannimo iyo booskii bulshannimo labada ba u buuxisay. Ugu dambayn, tacab iyo shiddo badan ka dib, hadafyadeedii waa ay ku guulaysatay. Sidii wanaagsanayd ee ay u shaqaysay waxa ay ku mutaysatay in lagu abaalmariyo jaamacad in loo diro: Jaamacadda Lafoole. Intii ay rag soo shukaansatay ninkii ugu kasmo iyo karti badnaa ayaa ay xalaal ahaan isku guursadeen: Xarbi. Sida oo kale waxa ay ku guulaysatay arooskeeda in ay ka soo qaybgalaan waalidkeedtaas oo ku timid dedaalkii badnaa ee ay isku daahirisay, iyo caawintii ay hooyadeed caawisay markii jirro adag ay ku habsatay. Qisada Asli iyo haasaawaha badan ee sheekada ku dhex jira waxa ka dhex muuqda shan arrimood oo qof isku darsaday ay adag tahay: waaya’aragnimo waayuhu iyo wakhtigu bareen, aftahannimo Mawluhu ugu deeqay, falsafado casharrada nolosha ka tuujisay, hadal-caddaan dheeraanshaha dhibaatooyinku ku sidkeen, iyo go’aan qaadasho ay isku xukuntay. Waa taa Asli maanta mutacallimad ah ee bulshada ka wacyigelinaysa xumaha idaylkiis, gaar ahaan mashaqadii qabsatay. Waa taa qof wal ba la talinaysa ee bulshadii xumaysay wanaajinaysa. Waa taa nolosheedii dhistay ee wax wal ba hagaag yihiin, ku na faraxsan tahay. Asliyeey noolidaa!
  
  ≈≈≈
  
  

  Qisadaasi waxa ay ku qoran tahay dhiganaha caanka ah ee “Ayaan-Daran.” Dhiganahaas uu qoray Dr. Cabdullaahi Sheekh Xuseen “Hantiwadaag,” daabacaaddiisa labaad, waxa ii soo hadyeysay jaallahayga qaaliga ah, Nimco ina Axmed Colaad Digaale “Qorane.” Iyada, iyo safiirkayga Hargeysa ee buugaagta, Xuseen Xasan Xuseen, si gaar ah ayaa ay u mahadsan yihiin. Labadii na ba waa aan idin jecel ahay. Weligiin ma iska kiin jeclaadaa?!






















W.Q.: Maxamed Cabdirisaaq Saciid Samiik
Qoraa iyo aqoon baadhe Soomaaliyeed
Boosaaso, Buntilaan, Soomaaliya
CaseLuulyo 17, 201603:40 P.M.

1 comment:

  1. Haddii aad akhriday mudane/marwo, waa aan jeclaan lahaa aragtidaada in aad i la wadaagto oo faalladaada halkan ku hoos qortid. Mahadsanid.

    ReplyDelete