Degelka Waqooyiga
degel aan ka jecel ahay ma jiro. Sidoo kale degellada Soomaalida. Iyo guud
ahaan ba dhulka Soomaaliyeed, marka laga yimaaddo dhulka Sacuudiga oo ay ku
yaallaan muqaddaaskii ugu waaweynaa ee muslimiinta. Sannad ayaa dhammaaday oo
waayihiisii watay, mid kale ayaa bilow ah oo waayihiisa wata; waa duni
soconaysa oo dadku cammirayaan! Beryahan waxa la moodaa wakhtigu barako ba in
uu san lahayn. Tolow wax ma ka jiraan arrintaasi oo ma la ii la qabaa? Gaar
ahaan, laga soo bilaabo 2005tii wakhtigu sidii uu ahaan jiray in uu ka
dheereenayo ayaa la moodaa! Malaha saacaddii qiyaamaha ayaa soo dhow, oo
dunidan ayaa dhammaad ku sii siqaysa. Sida qoraalkaygii ugu dambeeyay, ee
shalay aan ku sagootiyay sannadkii galbaday ku dhex sheegay (Sannadkan Sii Galbanaya (2015): Milicda Dhacdooyinkii Mudnaa), waxa aan kula taliyay
ummadda iyo maamullada ba qorshe sannadeedkoodii dib in ay ugu laabtaan si ay,
waxa qabsoomay iyo waxa qabyada ah ee qabyatirka u baahan, qiimayn ugu sameeyaan,
ka hor qorshe sannadeedkooda cusub inta ay dejisan. Ma ku dhaqantay taladaa
akhriste?
Qiimayntayda qorshe
sannadeedkii 2015, xisaab ahaan markii aan u beddelay 77% ayaa aan guulaystay. Qodobbada guusha ugu weyn aan ka soo hooyay waxa
ka mida: akhriska iyo akhlaaqda. 360 dhigane oo laamaha aqoonta ku kala
abtirsada iyo sidoo kale, 8280 isugu jira maqaallo, curisyo, sheeko faneedyo
iyo qoraallo aqooneed ayaa aan akhriyay, dhuuxay, oo gorfeeyay. Qur’aanka ayaa
aan si gaar ah 12 jeer u naqtiimay xifdi ahaan, iyo hal mar tafsiir ahaan.
Haddii sannadkii 2014 aan ku sheegay in uu ii ahaa “Sannadkii
qoraalka”; 2015kii “Sannadkii
akhriska” ayaa uu ii noqday. Dhisidda iyo qaabaynta akhlaaq
wanaagsan oo bulshada qaybaheeda da’eed, xirfadeed iyo garasheed aan kula
dhaqmayo ayaa aan, sidoo kale, guulo
waaweyn ka gaaray. Waxa intaas ii raaca, dhexgalka bulshada, baadhista dhaqanka
iyo hiddaha iyo ukuurgalka xaqiiq ogaansho ee isirka Soomaaliyeed sooyaalkiisa
ayaa aan, mar kale, guulo waaweyn ka soo hooyay.
Labadii qodob ee
aan ku guul darraystay waxa ay kala ahaayeen halka aan ka istaagayo
dhacdooyinka siyaasadeed ee dalka ka socda oo weli manhaj sal leh ka yeellan
iyo, weli oo aan si dhab ah u fahmin “qodobbada
rasmiga” ah ee Soomaali midnimadeeda lagu soo celin karo, isla
jeerkaa na suuragal ka dhigaya yagleelidda dawladnimo hagaagsan oo isirka
Soomaaliyeed raalli ka wada yahay. Waxa intaas ii raaca, weli in aan hindisin
fikir siyaasadeed (political ideology) Soomaalida isku soo dhawayn kara oo is
faham iyo aragti guud dhalin karta; iyo manhajkayga oo ay ku jirtay 24 qoraal
in aan faafiyo oo bulshada u soo bandhigo; keliya 13 qoraal ayaa gacantayda ka
baxay sannadkii galbaday.
Xusuustayda sannadkii
galbaday (2015) kii ka sii horreeyay (2014) guulihii waaweynaa ee aan gaadhay waxa
ka mid ahaa: in aan ka caafimaaday xanuunka waallida aabbihii ah ee “Qabyaaladda”
loo yaqaan oo aan muddo tabcaan la ahaa; in aan dejistay manhaj akhris, manhaj
falsafadeed, manhaj qoraal iyo manhaj nafeed; iyo in aan samaystay dhaqan ku
suntan akhrs-qoraal, dhaqan wanaag iyo in aan isku diyaariyay aragtiyo, aydiyoolajiyado
iyo afkaarro in aan xambaari karo, aqoonayn karo, faafin karo, oo ummaddayda ka
dhaadhicin karo. In aan ahay qof wax akhriya, wax qora, manhaj leh, ujeeddo ka
duula, mabda’ wax ku dhisa, oo nin aragtiyeed ah; waa guusha ugu weyn ee
isirkaygu ku faanayo.
Ugu dambayntii, wixii
qabyada iga noqday iyo qodobbo kale oo cusub waxa ay qayb ka yihiin qorshe
sanadeedkaygan. Mahad dhammaanteed waxa ay u sugnaatay Allaah SWT. Isku xidhkiisa, baryadiisa iyo tawfiiqdiisa
oo ay ku lammaan tahay kartidayda iyo dedaalkayga ayaa sabab u ahaa guulahaa
waaweyn. Arrimaha Soomaalida, haatan iyo wixii ka dambeeya, waxa aan ku eegi
doonaa diirad tii hore ka sarraysa iyo ujeeddo tii hore ka ballaadhan. Waa
waaya’aragnimo cusub oo aan korodhsaday sannadkii galbaday. Waxa aan dib u
furfuri doonaa siyaasaddayda oo aan aqbalsiin doonaa waaqica nololeed iyo
waayaha bulsheed ee reer tolkay. Waxa aan ogaaday Soomaalida in aan isku wadin
oo aan kala wado; waxa aan ogaaday Soomaalida horumar in aan u soo wadin oo
dibudhac u soo wado; waxa aan ogaaday aqoon darro badan godad badan in ay iga
hayso; waxa aan ogaaday guri dundunsan dhan wal ba ba in aan ku nool ahay, oo
dundunsanaantaa qayb ku lee yahay; waxa ii bidhaamaya iftiin arkiddiisu dirqi
tahay oo lagu arki karo aqoon badan, daacadnimo lillaahi ah iyo falsafad
gundheer. Gefafkaas oo dhan ayaa aan isku dayi doonaa sannadkan in aan saxo.
Gobannimada runta ahi waa in uu qofku jaahilnimadiisa weyn qirto oo dhabbaha
toosan badhtanka ka maro.
Soomaaliya oo dalalka horumaray ka mid ah iyo Soomaalida oo tusaale wanaagsan bulshada caalamka u noqota; iyo aniga oo aqoontayda, waaya’aragnimadayda iyo adduun araggayga kor u qaada, isla jeerkaanna wixii qabyo ahaa qabyatiro, gefafkii hore hagaajiyo, guulihii aan gaadhay sii saldhigo, oo qodobbo cusub oo falsafadda noloshaydu u baahan tahay ku daro ayaa, intaas oo mas’alo isu geyntoodu ka mid yihiin, hadafyada qorshe sannadeedkaygan. Guullow geyllankaa igu guulee. Aamiin.
W/Q: Maxamed
Cabdirisaaq Saciid “Samiik”
Qoraa iyo aqoon
baadhe Soomaaliyeed
Boosaaso, Buntilaan,
Soomaaliya
Agaax, Jeenaweri 1, 2016
Haddii aad akhriday mudane/marwo, waa aan jeclaan lahaa aragtidaada in aad i la wadaagto oo faaladaada halkan ku hoos qortid. Mahadsanid.
ReplyDeleteAllah yaxfiid.
ReplyDeleteWalaahi maqaalkaaga waxaa u aqriyay so degan, waxaana kuugu hambalyeynayaa aragtiyahaada ku saleysan 1.aqrinta iyo qoraalka 2. Isku keenidda Soomaali weyn 3. Hadafkaaga runeyntiisa 2016.
Maa shaa allaah waxaa tahay qof aragti dheer leh.
Mas'alooyinka qaar waxaa kaa codsanaa inaad kula wadaago qaabeyntiisa sida in la abuuro jawi dowladnimo oo isku keena dhamaan soomaali weyn.
Mahadsanid
Asc wrx wbk.
DeleteSoo dhawow mudane.
Farriintaada waa aan kaaga hambalyaynayaa; dhiirrigelintaadu shidaallada hadafyo xaqiijintayda u adeegsan doono ayaa ay ka mid noqon doontaa. Waa aan soo dhawaynayaa, oo weli ba gacmo furan, niyad filan iyo laab fayow ku soo dhawaynayaa, talo iyo tusmo wixii aad igu biirinayso arday ayaa aan u ahay. Ilaahay wanaag iyo darajo badan ayaa aan kaaga rejaynahayaa.