Gabayada
Jaamac Kediye Cilmi waa ka aan ugu jecel ahay. Keliya ma jecli e’, waa ka aan ugu
dhegaysi badan ahay, isla jeerkaa na ujeeddo aan u dhegaysto. Magaciisa waxa la dhahaa
“Wacdi”. Haddii aad i weyddiiso ujeeddada gabayga, si fudud waxa aan kuugu jawaabayaa,
waa isla magaciisa! Haa, gabaygu waxa uu wacdinayaa oo wax u sheegayaa qof wal oo
afka Soomaaliga fahmi kara! Arrin haatan Muslimka badankii xisaabta ugu jirin, hubaal
ahaanna qaar ka mid ahi illaaween, ayaa uu ka hadlayaa; oo xusuusin qudha ma aha
e’, si dhab ah in aad uga fekerto oo u diyaargarowdo si naxariis, welwel iyo same
ka talin ah qalbigaaga ugu jalbeebayaa. Akhriste, bal is weyddii, goorma ayaa kugu
dambaysay, si qoto dheer oo kala dhigdhigan in aad uga fekerto noloshaada dambe?
Sow ma ogid maalin maalmaha ka mid ah geeri in ay kugu imanayso? Sow ma ogid nolol
tan (nolosha adduunyada) ka geddisan in aad geli doonto? Se nolosha adduunyo wakhti
iyo dedaal intee le’eg iyo fikir dhumucdee leh ayaa aad tahay mid u hura?
Waxa
aan isku dayi doonaa si aan badnayn oo macnaysan in aan u faalleeyo dulucda gabayga.
Gabaygan “Wacdi” waxa uu ka mid yahay gabayada uu JKCilmi ummadda Soomaaliyeed la
wadaagay kuwa ugu qiimiga iyo qaayaha badan, ee damiirka qofka si daalac ah iyo
si dadban ba u la hadla, ee xattaa damiir laawaha iyo damiir adkaha ku khasba in
uu damqado, oo noolaado! Waxa gabaygani si cuddoonaan, farshaxannimo iyo gudbin
sarraysa ku tilmaaman uga hadlayaa: weynida Eebbe; qiimaha nolosha; xusuusta geerida
iyo u diyaargarowga maalinta dambe; iyo ka shaqaynta samafalka. Haddii Soomaali
maanta wacdi iyo waano u baahan tahay, waxa aan qabaa kani in uu ugu filan yahay,
ee laga rabo in ay dhadhansadaan, si xeel dheeri ku jirto u dhuuxaan, macnayaashiisa
muuqda iyo qarsoon la soo baxaan, oo si dhammaystiran oo la hubo u dhaqan geliyaan.
Maadaama gabaygu yahay mid sidaa u culus oo dareenkiisu xusuusin iyo baaq ku midabbaysan
yihiin, waa ujeeddada aan had iyo jeer marka aan jaanis helo u dhegaysto; adiga
na waxa aan kaa codsanayaa sidayda oo kale wehel wanaagsan in uu kaaga noqdo, ku
dagmidda dhaldhalaalka iyo macmacaanka nolosha.
-
Ku
soo dhawow akhriska gabaygan cajiibka ah!
●
Allaa weyn Rabbi baa waaxidaad
wada taqaaniine
● Isagaa waduud ah aan tashiga la la wadaagayne
● Isagaa wuxuu doonaya ba cidi la waastayne
● Wax ba kama qarsoonoo qalbigu waxan hadduu yeesho
● Wixii wali ba waa u waadaxiyo waasac maalin ahe
● Alwakiilu magaciisu waa warithaan dhimane.

● Ogaada oo Wat-tiin iyo Sul-sulilat
weedha hadalkiisa.
● Wal-casriyo wal-layl iyo Ancaam ama Was-saafaat ba
● Wash’shamsi iyo Duxaa iyo Kuwwirat Waylu iyo Xaaqa
● Inta wowga laga qaaday iyo wadartu waa dhaare
● Wallihii Ilaahiyo runtii baan waatan lee nahaye
● Wacdigii iyo tafsiirkaa sidii waabarka u qorane.

● Naf wali ba wakhti bay lee dihiyo
war iyo taariikhe
● Waayaha adduunku na qalbiga waa walhinayaaye
● Wadne la ma huraan buu noqdiyo waxaan ku seegayne
● Warankii Israa’iil intaanu waajibkii gudanin
● Ama uu waddada soo hayaan wiishku nagu yeedhin
● Waysada ha dayni na tan waa layska wadayaaye.

● Walad gabana waayeel cimriya
waalid lagu faano
● Madaxweyne iyo heer wasiir ama wakiil dawlo
● Wadaad shiikha wayd caato badan wabar ka xoogaystey
● Wali iyo rasuul iyo haddaan waxar la reebaynin
● Allaa waaxid mooyiyee haddii aan cidi ba waaraynin
● Ku welwela wardiga aakhriraa layska wacayaaye.

● Inay dunidu wiig iyo bilyo tahay
waxaan dhaamin
● Taariikhdu na witiiti iska tahay walacsi kuu dhaafta
● Aynnu nahay wadaal iyo qariib weerar dabajoogo
● Malag aan wax kale qabaninoo waaga tirinaaya
● Waardiyaha ilaashada nafta na waaran baa u go’ane
● Waddaa ina sugaysiyo jidkii uu waalidkeen maraye!

● Haddaad se xoolo waafiya dhaqdiyo
aqallo waaweyn ba
● Ama aad warshado lee dihiyo waadiyiyo beero
● Ama wiilal badan lee dahayoo wax isku moodayso
● Ama reer waliid sheegatiyo wadar xigaalkaaya
● Wax ba aadan ka sidan maalkiyoo waayey noloshaadii
● Oo maro ku waydaaran baa lagu walaandaynee
● Wartii iyo xabaashaadii baa weec laguu dhigiye!

● Walaal iyo adeer iyo hadduu
wehel ku sii raacay
● Warasadaad jeclayd dhoobaday kugu wafiifaane
● Wadiiqadii lagaa keenay bay dib uga weecdaane
● Adigoo welwelayaad indhaha walac ka siisaaye
● Wadnahaa cabsiyi kaa gashaa aad wajacantaaye
● Warran bay ku odhan malagyadii labada waaxoode!

● Weji cadho leh bay kula iman
weedh adaan celine
● Wax haddaadan sii dhiganinuu madhan yahay weelkaagu
● Wanaagga iyo tawbada haddaad waayirada goyso
● Waraaqda iyo looxaagii baad wari ka qaadaaye!

● Walaahowga beentiyo dambiga lagu
wareegaayo
● Wasladahan la kala boobayiyo waqaska xaaraanta
● Wanjalaadda lagu faanayo ee waraca lays mooday
● Qofkii aan ka waantoobin oo walafka sii raacay
● Wajiguu Ilaah u la tagaa buu wari ka qaadaaye!

● Waaxyihii Jasiiriyo sidii weriyihii
Soona
● Ama niman wareegoo arliga camal ka wiideeya
● Ama qolo wadaadiyo Tabliiq aan wacdiga joojin
● Anna waanadiyo gabayadaan idiin waraabshaaye
● Haddii se aan wax lagu qaadaninoo layska waydaarto
● Wabi ooman la ma buuxiyiyo bohoshii waaheene
● Qof kastoo wanaaggii na rabay waa wahsanayaaye
● Dadka se waaxidkiyo wadarta badan labada kii waalan
● Is weyddiiya waayadan shakkigu way iska weyn yahaye
● Waajibka na ilaashada cadaab wiirsi laa jiraye!

Tixraac: [Sultan Aabir]. (2012, Maaris 4). Abwaan Jaamac Kadiye: Gabaygii Wacdi. (Gal Muuqaaleed). Laga heli karo https://www.youtube.com/watch?v=fWLRDXycCYU
FG: Sawirka waxa aan ka soo qaatay Google.com
W/Q: Maxamed
Cabdirisaaq Saciid “Samiik”
Qoraa iyo aqoon
baadhe Soomaaliyeed
Boosaaso, Buntilaan,
Soomaaliya
Agaali, Feebarweri 6, 2016
No comments:
Post a Comment