Tirada Soo Booqatay

Friday, January 29, 2016

Warqad Shacabkii Kiinyaatigu Xasuuqeen U Soo Direen MW Xasan Sh. Maxamuud!







Ka: Shacabkii Kiinyaatigu Xasuuqeen
Ku: Madaxweyne, Xasan Sh. Maxamuud







Uguux, Jeenaweri 28, 2015




Salaan sare madaxweyne,


Warka iilka noogu yimid hubaashii naga ma uu san farxin! Welwel, walaac iyo weyddiimo badan ayaa uu nagu abuuray! Waa ay nagu adkaatay in aan rumaysanno; bal se, xaqiiqadu iyada ayaa kugu khasbaysa in aad aqbasho oo madaxa u ruxdo! Ma dhab baa waxa aad samaysay, ee markii aannu maqalnay ilinta iyo murugada badan naga keenay, ee quluubtayada tiiraanyada iyo taaha qiyaas beelka ah ku abuuray?! Horta, aan kuu warranno madaxweyne.

Noocyo badan ayaa aannu isugu jirnaa: haween, odayaal, dhallinyaro iyo carruur!!! Sabab aannu fahmi karin, ayaa dhammaantayo la noo gumaaday! Mudane madaxweyne, waxa aannu ahayn dad ku noolaa xaalad u dhexaysay: rejo beel iyo niyad jab! Deegaankayagu sida aad og tahay, xaaladdiisu ilaa sannadkii galbaday ma wacnayn! Gaajo, harraad, iyo caafimaad xumo ayaa ka jirtay! Heerkii ugu xumaa ayaa ay maraysay! Waxa intaas noo dheeraa, gargaarka degdegga ah ee hay’adaha caalamka nooga yimid, nooga na iman lahaa, waxa is hor taagay, oo dhimashada in aan ku dhimanno go’aan buuxda ku gaadhay, kooxda habaaran ee Alshabaab! Noloshayadu qurux iyo deganaan waa ay ka dheerayd! Si allaale iyo si aannu u noolayn ma aannu garanayn! Ka maalintii naftiisa iyo nafaha uu mas’uulka ka yahay biyo iyo cunto u hela, habeenkii feker ayaa uu ku seexanayay, oo mararka qaar hurdada ba u diidayay!

Kiinya waxa aan is lahayn go’doonkaa dhowrka sanno idin saaran ayaa ay idin ka dul qaadaysaa, oo nabad iyo horumar ayaa ay idiin keenaysaa! Laakiin, nasiib darro, sidaas ma dhicin; ee si dhicisteeda aannu ba filayn, ayaa aannu kala kulannay! Halkii ay ahayd cadowga in ay naga difaacdo, ayaa ay annaga cadow nagu noqotay; oo gaajadii, oonkii iyo caafimaad xumadii jirtay noogu dartay, xasuuq ku talo gal ah! Gantaallo labo dhacaya ayaa ay caanamaal wal ba, quraac, qado, casho iyo biyo nooga dhigeen! Gargaarkii ay noo fidisay dhabtii waa kaas!!! Qaarkayo iyaga oo xoolahooda maalaya ayaa ay madhaafiicdaasi dhakada kaga dhaceen, oo xubin xubin u sarrifeen jidhkoodii! Qaarkayo iyaga oo waxbarasho u socda ayaa la rusheeyay, oo qoloftoodii xoolaha gaajaysan cunto ka dhigteen! Qaarkayo iyaga oo sahan ah oo nolol raadis ku jira ayaa dhexda lagu helay, oo diyaaradaha joogga hoose ku duulaya askarta saaran ku shiish barteen! Qaarkayo iyaga oo geedo hoos hurda, oo safar dheer oo ay soo galeen quustiisii ka gam’i la’ ayaa rejo looga dhigay, gantaallada ukumaysan ee xiinkoodu dhego-beelka laga dhaxlayo! … Maxaa aannu galabsannay madaxweyne? Maxaa aannu ku samaynnay Kiinya, oo sidan cadaawadu ka muuqato noo laysay? Ma noloshii yarayd ee aannu haysannay ayaa ay raalli ka noqon waayeen?! Goobaha askarta Alshabaab ay degganayeen waa ay yaqaanneen e’, maxaa ay uga soo baqeen, oo ay annaga noo soo raadsadeen?! ... 

Madhaafiicdii in ay nagu dhaceen ayaa aannu hubnay; laakiin, in aan u dhimannay waxa aan yaqiinsannay iilka markii na la dhigay!!! Qaarkayo toddobaadyo ayaa ay dhulka warnaayeen, oo bahaluhu ka dhergeen. Qaarkayo la ma dhaqin, kafanna la ma gelin, ee fayras magaclaawe ah goobtaas in uu ka qarxo, ayaa ay walaalo u hilibdamqaday ka baqeen, oo godad yar yar u qodeen, kuna rideen, oo ciid dusha kaga buuxiyeen! Soomaali in aannu ahayn ayaa aannu rumaysnayn. Dawlad aan federaal ahayn in aannu lahayn ayaa aannu rumaysnayn. Madaxweyne weligii Soomaaliya ka bixin, xaaladda tolkiisa xog’ogaal u ah, gargaarka Soomaalida in badan ka soo shaqeeyay, oo dadkiisa jecel in aannu haysannay ayaa aannu rumaysnayn. Gardarrada iyo gaboodfallada ay Kiinya nagu waday in uu ka hadli doono, cod dheer dunida ugu sheegi doono, tallaabo sharci ah ka qaadi doono, oo noo halgami doono, ayaa aannu rumaysnayn. Marka aan dhimanno, in uu guddi noo magacaabayo, aas qaran noo samaynayo, oo Calanka Jamhuuriyadda maalmo hoos loo dhigayo, ayaa aannu rumaysnayn. Dad aan nolosha kaga soo tagnay, in uu noloshooda badbaadin doono, ayaa aannu rumaysnayn … Bal se, wax wal ba waxa ay is beddeleen, kolkii aan dhimannay, ee qabriga aaminaad madhan aannu ugu tagnay! Xaqiiqada waxa noo soo tebiyay walaalahayaga Soomaaliyeed, ee damiirka diineed iyo dareenka waddaniyeed ku jiro, ee geesiyiinta iyo geyllamayaasha ah! Ilaahay ha barakeeyo. Aamiin.

Markii la noo sheegay in aad naga xumaan wayday, dhimashada na loo gaystay ka hadli wayday, si kore iyo si hoose ba, isla markaanna kuwii na dilay, nolosha nagu ololiyay, ee nagu jeesjeesay, dad aan dawlad ka dambayn wixii lagu samayn jiray nagu sameeyay, aad u tacyiyayn iyo u ducayn ciiddooda ugu tagtay, oo weli ba aad u rukuucday; waxa aan si dhab ah u rumaysannay, Kiinya bilaash in ay noo xasuuqin, ee ay ogayd, dad bilaa dawlad ah, oo loo ma ooyaan ah in aannu ahayn, oo sidii ay doonto ka yeeli karto! Wixii ay Keenyaatigu noo gaysteen, waxa naga ga darnaaday, naga ga xumaaday, naga ga welwel iyo walaac batay, falka aad samaysay!! Madaxweyne diintii, dadkii iyo dalkii aad u dhaaratay, xaggee ku illlowday? Soomaali ma nihin miyaa? Muslimiin ma nihin miyaa? Dalkan na lagu addoonsaday, ee hilibyadayadii la daqiiqiyay, Soomaaliya ma ahayn miyaa? Madaxweyne, yaa aad u dhaaratay? Yaa aad madaxweyne u tahay? Ma Soomaali mise Kiinyaati? Madaxweyne, garashadaadu ma waxa ay ku siisay, dhiiggii Soomaaliyeed ee ayda cidlada ah ku qubtay, in aad ka aamusto, oo iska indho tirto; dhiiggii Kiinyaatiga ee xeryahooda lagu daadiyay na aad af dhawaaqdii dhawaaqdo, ka xumaato, oo weli ba aad u rukuucdo, adiga oo dunida tusaya: in aad ka xun tahay, oo in badan ka xun tahay?! Annaga dhiiggayagii yaa ka xumaanaya, oo dunida tusaya?! Ma Uhuuru Kinyaata? Ma Alshabaab? Ma Itoobiya? Ma IGAD? Madaxweyne, taariikhdii, geesinnimadii, iyo gobannimadii Soomaaliyeed  meeday? Ma sidan ayaa ay xaqiiqadaadu ahayd, madaxweyne? Ma aannu filayn runtii!

Gunaanadkii, annaga hadda madaxweyne noo ma tihid, oo waa aannu dhimannay, kaaga ma na baahnin kaalmo; ee waxa aan kaa codsanaynaa, oo weli ba waajib iyo xaq ku saaran ah, walaalahayagii na la duruufta ahaa, ee weli duqaynta Kiinya ku socoto, in aad u hadasho, u diirnaxdo, oo Ilaahay baa badbaadiye ah e’, itaal meel ku geeyo ba aad badbaadiso. Madaxweyne, Soomaali maanta in nool iyo in dhimatay ba waa ay run arkaan shakhsiyaddaada dhabta ah, taas oo ah: dadkii Ilaahay kaa la xisaabtamayay, ee Maalinta Dambe ku weyddiinayay, ee xilku kaa saarnaa in aad dharaar cad dhabarka u jeedisay, oo cadowgii Eebbe iyo kii Soomaalida hiil iyo jacayl siisay, oo u ilmaysay, u na murugootay!!! Qiyaamaha ayaa aannu ku haysannaa, oo Ilaahay SWT hortiisa kaaga ashkatayn doonaa; Ilaahay na waa caddaalad iyo samafal badane. Doorashadaadii waa lagu khasaaray! Wax se khasaare weyn u sugnaan doonaa Soomaalida mar kale naf ku moodda, oo ku doorata!!! Magacaagii iyo martabaddaadii haddii aad ku cayaartay madaxweyne, badbaadi magaca iyo martabadda Soomaalida, maalmaha kooban ee muddaxileedkaagii kaaga hadhsan! Madaxweyne, ha hilmaamin, madaxweynihii Jamhuuriyadda Soomaaliya in aad tahay! Allihii awoodda badnaayow, shacabka Gedo ee labada cadow ku dhex nool u naxriiso, oo badbaadi. Aamiin.




Madaxweyne, is ilaali,



Qabuuraha Gedo, Jubbalaan, Soomaaliya.
















2 comments:

  1. Haddii aad akhriday mudane/marwo, waa aan jeclaan lahaa aragtidaada in aad i la wadaagto oo faaladaada halkan ku hoos qortid. Mahadsanid.

    ReplyDelete
  2. waa qoraal waxyaabo farabadan tilmaamaya. indhahana u jeexaxaya kuwa caalku ka fuulay indhaha iyo maskaxda ba.

    ReplyDelete