- “Siyaasigan dhulkeeniyo dalkii gaalada u dhiibay
- Waxmadhawrsadahan miidhanee dhinac na eegaynin
- Dhan loo dayo ba nimankaa bulshada dhaawaca u geystay;
- Waa waxaan dheg xumo diidinoon ceeb ka dhiidhiyine
- Dharaartii kasta ba eel hor laa looga dhacayaaye
- Nin ba macallinkii wax u dhigay dhalan wadaagaane
- Isticmaarkii naga dhoofayiyo gaalkii baa dhalaye!”
· M/Gabay: “Waxmadhawrsade!”—W.C.: Gabyaa Gama’diid
Ummadaha dunida ku dhaqan
waxa ay ku kala duwan yihiin siyaalaha ay u la dhaqmaan geesiyaashooda iyo
geyllamayaashooda. Qaar ayaa wanaajiya, taallo heer qaran ah u sameeya, oo
sooyaalkooda manhajka waxbarashada ku dara; halka qaar kale na ay xumeeyaan, si
heer hoose ah na u aasaan, oo sooyaalkooda siyaasadeeyaan. Reerka Soomaaliyeed
ee Geeska Afrikada Bari ku nool, waxa ay dhaqanwadaag la yihiin qoladaa dambe,
oo ay u arkaan in ay si wanaagsan(!) u maamuuseen haldoorradoodii qiimaha iyo
qaayaha badnaa! Tagtada Soomaalida lagu ma hayo iyaga oo halyeeyayaashoodii iyo
halgamayaashoodii, nolol ahaan, darajo ku tolay, oo maamuus ummadeed oo
sarreeya u sameeyay! Beryo dambe, waa waagii ay Soomaalidu qaramooday e, xattaa
kuwo heer qaran maamuuskooda la gaadhsiiyay, qabiillooyin biro qabyaaladeed ku
boodboodaya ayaa halkaas ka soo dejiyay oo heer qabiil ku soo celiyay! Maanta,
Soomaalida, haddii qof wal ba aad weyddiiso halyeeyada Soomaaliyeed waa kuwee,
illeen ummad wal ba halyeeyo ayaa ay lee dahay e, waxa ay u badan tahay in
aannu qof na kuu sheegin, ama ku cidwadaag yihiin kuu sheego! Mid kale isla
weyddintaa haddii aad warsato, warcelin ka duwan tii hore ee aad haysay ayaa uu
kugu jalbeebayaa! Taasi waa sabab ka mid ah sababihii burburka Soomaalida
iyo qarannimada Soomaalida ba. Waayo, waa ummad aan lahayn mudanayaal iyo
marwooyin ay si bulsheed u maamuusaan! Waxa aan ujeedaa: waa ummad aan lahayn wax
ay wadaagaan oo si wadajir ah ugu tasbiixsadaan!
Cabdiwaaxid ina Cali
Gama’diid waxa uu dhalasho ahaan ka soo jeedaa shacabkaas weli aan si run
ah u qaramoobin, nin weli baa na adeerkii darajada halyey ku tolay, qol gudihii
na uu ku xuso, weli na maankiisu baayirin! In kasta oo uu yahay nin dhallinyaro
ah, xaasley ah, oo ku fooggan nolol wanaajinta reerkiisa iyo dhisme
ballaadhinta goob nololeedkiisa, hadda na, mar na ba ka ma aannu caajisin wax-u-sheegga tolkiisa qaayibay, sarraynta shisheeyaha iyo u hoggaansanka
danihiisa istiraatiijiyadeed. Tabtii cabqarigii weynaa ee Ustaad Sayyid M. C.
Xasan (I.H.U.N.) ayaa uu isku dayaa tix ahaan in uu ku baraarujiyo, had ba qallafsanaanta
noloshooda iyo garasho dhoohanaantooda ku tuso, ku na dhiirri geliyo heeryada
gumaysiga ee cimri-dheeraatay in ay iska qaadaan. Dedaalkaa joogtada ah iyo
gabayadiisa dan iyo dareen ka hadalka ah, ku ma aannu helin wax xurmo iyo
xaqdhowr ah—Oo maxaa uu ugu helayaa, ma Soomaali baa ay wax iska beddeleen garashadeedii,
dareenkeedii, fekerkeedii, iyo dhaqankeedii?! Wax wal ba ha lagu sameeyo e, waa
caado jirtay (iminka na jirta) in same ka hadle wal ba iyo is beddel doone wal ba
cadaab karkaraysa la muquuransiiyo e, waxa uu naftiisa ballan adag oo weyn kaga
qaaday in aan ay ka tanaasulin aragtiyadeeda, iilka ha ba la dhigo e!
Wax ba yaa aannu dhaqaale
iyo awood haynin e, waxa uu hayaa niyad iyo awood qalbiyeed oo wax loo dhigaa
aan ay jirin! Taasi waa ta ku tamar gelisa, itaalkiisu ha ba yaraado e, eray maanseedkiisu
in aannu ku xadgudbin casharrada ku dawinan qalbigiisa, isla jeerkaa na iyaga
oo firfircoon faruuryihiisa ka soo baxaan, si dareenkoodu iyo awooddoodu ba
qalbiga qofka Soomaaliga ee qabyaaladdu weli xoogga ugu taliso kaga gargariiriyaan,
kaga na naxsadaan ceebaha iyo cadaawadaha ku dhex galgalanaya! Diiradda kolka
uu saaray xanuunada ay la luudayso bulshadiisu, waxa uu arkay in ay ugu waaweyn
yihiin afar arrimood: aqoon darro diineed iyo dhaqaneed; qabyaalad la
siyaasadeeyay; kal aaminbax weynaaday; iyo faragelin xididaysatay! Isla
diiraddaasi, baadhis kale oo ay ku samaysay abuurayaasha ugu waaweyn ee
fayrasyadaasi, waxa ay soo qabatay siyaasiyiinta, wadaaddada, iyo ganacsatada.
Sidaa awgeed ayaa uu wacad ku maray, mas madaxa ayaa laga dilaa e, bulshada
taagta darran ee tiihaysa in uu la safto, oo nimankaa uu siyaasigu ugu tunka
weyn yahay gantaallo qaaradeed roob kaga dhigo! Si fiican waxa gantaalladaa
looga dhex arki karaa, isla jeerkaa na dhumucdooda iyo dhismahooda layaabka leh
lagu anfariiri karaa, tixaha: “Waxmadhawrsade,”
“Boqol Doofaar,”
iyo “Cirir.”
Riwaayadaha siyaasadeed ee
Beesha Gaaladu Soomaalida dayaysan u allifto, iyo siyaasiyiintii la doonayay in
ay danta bulshada u dhididaan, ee hubaashii darxumaynta bulshada u dhididay, ayaa
uu aad iyo aad uga gilgishay, dareenkiisa na ku guubaabisay in aannu gabban, ee
seefta afbadanta ah ee cadowga ummadda Soomaaliyeed ilko caddayn iyo qalbi
adayg ku waajaho! Waa halkaa halka ay Gama’diid iyo doofaarrada iyo
dayuusyada degellada Soomaalida ka taliyaa ay isku qoonsadeen, dhaar na ugu
mareen qaaf wal ba oo afkiisa ka soo baxa qolka ugu qadhmuunka badan ee
jeelasha waxgaradka lagu cadaabo hoy in looga dhigi doono! Ka hor tixdiisii
“Dardaaran”
ayaa uu soojeedimo dhowr ah ku caddeeyay isaga iyo siyaasiga Soomaaliyeed nacaybka
weyn ee u dhexeeya. Soo if bixiddii tixdaas, oo ku faraxday ku na digatay
Kiinyaatiga Soomaalida naarta Sawaaxiliga ka waraabin jiray (eegga na ka
waraabiya), jabkii gaadhay xarun ganacsiyeedkoodii Westigeyt, ka dib markii
rag rag ahi cashar taariikheed la ma illaawaan ahi u dhigeen, waxa ay nimankaa
diirka Soomaaliyeed leh, bal se matoorkoodu Galbeedka yahay heleen marmarsiinyo
ay, gabyaaga ku xidhi karaan, sida oo kale na lacago badan kaga heli karaan
ragga ay awrkiraalaha u yihiin.
Xadhiga Gama’diid halkaas
ayaa uu ka bilaabmay. Isla Hargeysadan oo uu caawa ku xidhan yahay ayaa lagu
xidhay! Waxa ay beeshiisa Ciidagale iyo rag kale oo wanaagsan ba dhexda u
xidheen ka sii daynta haldoorkan dheemanka ah waraabayaasha halyey-cunka ah. Tijaabadaasi
ma ay guul darraysan; aad iyo aad ayaa ay Soomaalidu u soo dhawaysay
tallaabadaas dhanka caddaaladda iyo xorriyadda loo qaaday. Tolow Soomaalilaan
maxaa ay ku xidhay gabyaaga illeen iyada ma uu dhaliilin e—xattaa dhaliil jirta
oo cad?! Walaalaheenna Kiinyaatiga ah maxaa aad jabkooda ugu faraxday ayaa loo
xidhay! Laakiin boqollaalka Soomaalida ah ee Kiinya deggan ee nafahooda iyo
maalkooda dawladda Uhuuru Kinyaata ku xadgudbayso, iyo gumaadka ay u geysanayso
bulshada Soomaaliyeed ee koonfurta deggan, cid ka hadlaysa oo u diirnaxaysaa ma
ay jirto! Maxaa looga hadlayaa sow argagaxiso khatar ku ah amniga Kiinya
iyo Geeska Afrika ma aha?! Kol haddii ay
Soomaali yihiin, iskood u shaqaysanayaan oo ganacsi firfircoon lee yihiin; ama
ay se Alshabaab la jidh yihiin oo waxa ay Kiinyaatiga ku sameeyaan iyaga laga
aargoosanayo, sow argagaxiso dhab ah ma aha?! Oo taasi sow ma aha tii
mudane Xasan Sheekh Maxamuud ku khasabtay dadkiisii la gumaaday ee maydkoodii
bahalladu cuneen in aannu u tacsiyayn, bal se ciidamadii lagu shahiiday inta uu
uga daba tegay dalkoodii, u madax-foorariyay—illeen sida kale haddii uu samayn
lahaa waxa uu noqon lahaa madaxweyne argagaxiso ah e?! Waxa Cabiwaaaxid
loo aqoonsaday argagaxiso ka dib markii uu la saftay bulshadiisa,
farxaddooda na kala qayb galay tix sida qoryaha casriga ah ee darandoorriga u
dhaca u dhacaysay!
Mar kale ayaa tixmaalkaa
isla gabaygaa laftirkiisa Buntilaan gudaheeda loogu xidhay. Isla kiiskii
Soomaalilaan iyo caqliyaddii lagu dhisay ayaa loo cuskaday xadhigiisa—illeen
doofaar meel uu joogo ba waa doofaar uun e! Markan, in ka badan bulshadii ka
cadhootay xadhigiisii hore ayaa ka cadhooday! Hal-abuurrada reer Buntilaan,
gude iyo dibad ba, qof wal ba dareenkiisa awooddii uu ku cabbiri karayay ayaa
uu ku cabbiray, isaga oo dawlad-goboleedka Buntilaan ka codsaday afmaalka
xorriyaddiisa in ay u soo celiyaan. Tabta oo kale hal-abuurro reer Waqooyi ah
ayaa xadgudubka muwaaddinkan lagu la kacay ka gabyay—weli ba si aad ah!
Siyaasigu intaas wax ba kuma sii daayo e, waxa magaalada Hargeysa ee caasimadda
gobolka Waqooyi-galbeed ka yimid wefdi ballaadhan oo duubab ah, uu na hoggaaminayay
suldaanka beesha Ciidagale, ah na, sida oo kale, suldaanka guud ee beelweynta
Sheekh Isxaaq, suldaan Maxamed suldaan Cabdulqaadir, kuwaas oo gorgortan iyo gardhigasho
ka dib ku guulaystay ujeeddadoodiii, si dirqi ah oo mucjiso-u-eke ah na
Cabdiwaaxid kala baxsaday gacanta saraakiil ma-naxayaal ahaa oo toogashadiisa tabaabushaynayay!
Muddo ka dib waa tii wargeys-gaaleed
Faransiiska ka soo baxa (oo magiciisu yahay: Charlo
Hebdo) uu aflagaaddeeyay Suubbanaheen na Qaaliga ah ee Maxamed
(NI.N.K.H.A.) Arrintaas, oo dalkaas ku soo noqnoqatay, waa tii ay Muslimiintu
aad iyo aad uga cadhoodeen, walaalo ka mid ahi na jawaab waafi ah oo habboon ka
bixiyeen. Weerarkii cajiibka ahaa ee dhacay Nofeembar 13, 2015, waxa uu
Cabdiwaaxid—oo looga bartay in uu ka gabyo falcelisyada nool ee
Muslimiintu gaalada ku karbaashaan si ay u baraan dadnimadooda iyo in ay
yihiin, duul ilaashan kara mabaadiidooda iyo danahooda—curiyay tix dareenka
Soomaaliyeed dhaqaajisay, oo uu magac uga dhigay: “Isha Cali U
Fiirsada!” Durba
ninkii gaalkalkaalka ahaa markii uu dhegaystay waxa uu degdeg u amray argagaxisadan
bulshada ku jirta in la xidho, oo weli ba xabsiga damiin iyo wax kale ba looga
sii dayn, muddo dheer na halkaa maxbuus ku ahaado! Bulshadu falkaa aad ayaa ay
uga xumaatay, laakiin ma ay laha awood ay wax ku beddelaan oo ku wanaajiyaan! Yablas
xoog leh ayaa dadkeenna ka soo yeedhaya ilaa iyo aminka, maadaama ay
yoolyoolnimo yaab leh ku sugan yihiin; ha se ahaato e, ma jiro (ama waa naadir)
rag yididdiilo badan qaba oo ay ka go’an tahay bulshadooda in ay ka samatabixiyaan
aafooyinka kala jaadka ah ee ku habsaday!
Arrin aan aad u la yaabbay
baa jirta! Gama’diid oo lix bilood ku xidhan gurigii uu ku barbaaray, ku
weynaaday, ee uu ku guursaday, ilaa iyo hadda beeshiisa Ciidagale ee labadii
jeer ba badbaadisay, isku day-yo badan oo muhiim ah oo ay inankooda dhurwaayaasha
kaga celinayaan ma ay samaynin! Ilaa iyo eegga ma aan fahmin sababta ay awoodo
badan iyo beeso badan ugu qarashgaraynayeen sii dayntiisa kolalkii hore, muggan
na dedaal caaqibo leh u la iman waayeen, la na moodaa in ay daaleen, oo hadal niyeedkoodu
yahay: “Adeerow adiga ayaa is xidhay e, mar wal ba ku ma badbaadin karno e,
halkaagaa ku jir—sidaa iyo kulanti dambe!” Weyddiimuhu waxa ay yihiin: Ma
isaga ayaa is xidhay mise xaq uu sheegay ayaa lagu xidhay?! Ma guul darrooyinka
gaalada gaadhay ee lagu farxay ayaa dambi ah, mise muwaaddin xuquuq iyo
waajibaad leh oo aan wax ba geysan ku xadgudubkiisa ayaa dambi ah?! Ma geyllame
arrin uu guntiga u adkaystay caqabadihii uu kala kulmay oo badnaaday baa khaladka
leh, mise cadowga hadh iyo habeen aan daalayn ee halyeeyada iftiin iyo mugdi
in uu ku qasho doonaya ayaa khaladka leh? Si kasta ba xaaladdu ha noqoto e,
gooshu ba waa ay garataa dhasheeda lagu gar darroonayo in ay jeer wal ba
difaacdo e, waa in ay Ciidagale mar wal ba is garab taagaan geyllamahaa xorta
ah, dabin wal ba oo loo dhigo iyo god wal ba oo lagu tuuro na waa in ay kala
soo baxaan—illeen maanta geyiga Soomaaliyeed dawlad Soomaaliyeed oo
madaxbannaan oo muwaaddiniinteeda sinnaan, caddaalad, iyo xorriyad ku dhaqaysaa
ma jirto e! Waxa aan xaaladda uu haatan mudanahaasi ku sugan yahay u arkaa, mid
ay beeshiisu mas’uul ka tahay, maadaama ay dhiiggoodii uga raalli noqdeen
qol madow in uu waagu ugu baryo, gudcurku na ugu soo galo! “Tol waa hal la
qalay,” ayaa ay Soomaalidu ku maahmaahdaa e, Ciidagale intiisa
gobannimadu weli ku dambayso, waxaa waajib ku ah, in ay u gurmadaan Gama’diid,
oo gunnimada lagu khasbayo uga gargaaraan! Haddii kale waxa uu noqon doonaa: geesi
jifadiisii gumeeyeen!
Mid kale oo iya na layaab
leh ayaa jirta! Dhallinyaradii wanaagsanaa ee reer Waqooyiga ahaa ee shalay
Buntilaan u gabyayay, maanta maxaa aamusiyay oo afka ka sharooteeyay, oo
illawsiiyay walaalkooda dulman u hiilintiisa?! Ma waxa ay ka baqayaan haddii ay
ka hadlaan gaboodfalka lagu la kacay in iyaga na laga daba geeyo?! Mise shalay
jibbo iyo hilib-damqasho ayaa ay ka ahayd o, maanta waa nin tolkii u xidhan,
iyagu na sidaa u garteen?! Si kasta ba ha ka ahaaato e, waa weyddiin weyn oo
garaadkooda saaran: Maxaa shalay idin ka hadalsiiyay oo maanta na idin af
tiray?! “Jidh qalaad waa dhul qalaad,” ayaa ay
Soomaalidu ku maahmaahdaa e, in Cabdiwaaxid dhulkii uu garanayay lagu gumeeyo,
sidii cadowgu doono na u la dhaqmo, waa xujo iyo yaab!!!
Hadalkayga waxa aan ku soo
gebagebaynayaa, dardaaran iyo duco. Geyllamayaasha la midka ah ina Cali Gama’diid
waxa aan lee yahay: Soomaalidu waxa ay ku maahmaahdaa, “Dabkii daashka
kaa guba digniin baad ka qaadataa,” e, dhacdadaa jaallaheen na
ku dhacday waa ay innagu wada dhacday; sidaa daraaddeed, waa mid ay tahay in
aynnu isku si uga soo horjeedsanno, u na halganno sidii awood, af, iyo qalbi ba
walaalkeen ugu hiilin lahayn. Halkudhegyadeennu waa in ay noqdaan: “Darajaynta Gama’diid waa darajaynta garaadleyda xorta ah,”
iyo “Midaynta dareenka buuniyada waa midaynta
dareenka bulshada.” Innaga ayaa xaq u leh in aynnu wax
hoggaamino e, horta aynnu cududdeen na dhisno, isu damqashadu na sees weyn ha u
noqoto. Xaqiiqdii, maanta, qoyskeenna maalin uu inooga baahi badan yahay
ma ay jirto! Xaalad damdaguugnimo ah ayaa ay dhan wal ba kaga sugan yihiin! Camiilladaas
gaaladu soo carbisay carcaraaf ayaa ay inoo geysatay; sidaa aawadeed,
cidhibtirkooda waa in aynnu iska caawinno, oo muuqaaalkooda carceerinno. Gaaladu
waxa ay doonayaan in ay na mooradduugaan, siyaasigu na waa kalkaaliyaha weyn ee
kabasiibnimadeena u adeegsanayaan! Sidaa awgeed, hal-abuurradeennu waa in ay u
hawshoodaan sidii bulshadan hawammareennadooda haybo badan hantiyiddooda u
halgamayaan yur looga odhan lahaa, oo hilibkeeda bisil loo basrin lahaa! Ilaahay
(S.W.T.) waxa aan uga baryayaa geesigaa in uu ka sii daayo gunta uu u xidhan
yahay, sida ugu dhakhsaha badan, sida ugu roon—aamiin. Haddii aad aan wax ba
tari karin af iyo addin ba, walaal qalbiga uga ducee, oo salaad wal ba
dhexdeeda ugu ducee—intaasi waa waxtar weyn e.
(Qoraalkan oo aan isla
bishii la xidhay qoray, waa aan jeclaan lahaa in aad akhrido
.. kan iminka na waa qormadii labaad oo aan xadhigiisa ka qoro.)
W.Q.: Maxamed Cabdirisaaq Saciid “Samiik”
Qoraa iyo aqoon baadhe Soomaaliyeed
Boosaaso, Buntilaan, Soomaaliya
Lamme, Mey 23, 2016
Lamme, Mey 23, 2016
Haddii aad akhriday mudane/marwo, waa aan jeclaan lahaa aragtidaada in aad i la wadaagto oo faalladaada halkan ku hoos qortid. Mahadsanid.
ReplyDelete