Ku: Muqdisho. caasimadda Jamhuuriyadda Soomaaliya
Agaali, Jeenaweri 23, 2016
Salaan sare
caasimaddaydii qaaliga ahaydeey,
Muqdishooy,
haddii caasimadaha kale marka la arbusho dunidu dhawaaqdo, adigu dunida kama
mid tihid, oo ma lihid saaxiibbo diineed iyo siyaasadeed, oo xanuunkaaga si
weyn uga murugooda! Waa aad og tahay markii Baariis oo dhiggaaga ah la
weeraray, qayladii dunida oo dhan ka baxday, iyo xattaa dawladaha muslimiinta
cabsi awgeed, kaalmo maaliyadeed iyo macnawiyeed in ay reer Baariis siiyeen!!!
Adigu madi ayaa aad tahay! “Dadnimo ayaa darajo ka horraysa.”
Muqdishooy,
caalam dhan ayaa aad ka nooshahay, oo caasimad u tahay! Hubaashii dadkaagu
badankii kuma necba, ee xaqiiqdii waa ay ku jecel yihiin, kugu faanaan, oo
agtooda qaddarin iyo maamuus badan ka lee dahay. Qofafka dullaysan, habaaran,
ee dhuuniraaca ah mooyaan e’, ummaddu inteeda kale waa ay caafimaad qabtaa, oo
nimcooyinkaaga in ku casuuman, iyo in naawilaysa ba isugu jiraan. Laakiin ...
Laakiin,
dadkaagu tayo ma leh, oo xiniinyihii ayaa laga siibay! Runtii waa halka lagaa
ga soo dhacay!!! Cabsi badan oo badan ayaa feedhaha loo geliyay, oo dabadeed,
lagu aabudhay! Waa sababta, fool xumada lagu gu samaynayo uga damqan la’
yihiin, ee ay nolosha dullinnimadu iyo darxumadu ku wada dhan yihiin u
qaayibeen!!! Tani ma aha, markii kuugu horreysay ee noloshaada; sidoo kale na
ma noqon doonto, markii kugu dambaysay. Xamareey ha illaawin sooyaalkaaga!
Shalay dad baa wax kaa dhigay, ciiddaada cammiray, oo fooqaq dhaadheer kaa dul
dhisay, oo beero indhuhu ku doogsadaan, calooshu na midhahooda caashaqaan, kaa
dul beeray.
Waa seban iyo
xaaladdii e’, waa duni habaaran iyo araggeed e’, mid uun maanka ku hay..
Halyeeyadii kugu dhaadan jiray, ee qalbiyadooda iyo indhahooda buuxisay, weli
ma dhiman, ma na dhammaan! Haa, waa ay nool yihiin. Maalin baa, si aan la
qiyaasi karin, qashinka iyo qaab darrada kaa muuqda kaa dhaqi doonaan, oo
bilicdii iyo qiyamkii aad lahayd kuu soo celin doonaan. Alla maxaa aad
maalintaa farxi doontaa! Oo aad adiga oo ilmaynaya dhihi doontaa: “Baariis duni
baa ay heshay, bal se anigu dadkaygii baa aan helay! Alla qiime badanaa
ubadkaygu, oo jacayl miidhanaa!” Qooryoomidda inshaa Allaah waa aad ka bixi
doontaa. “Inan iyo ninkii aabbihii dilay way is moog yihiin.”
Gunaanadkii,
habeen hore qaraxyadii ciiddaada laga fuliyay, ee dadkaagii qaar ay ku dhinteen,
qaar ay ku dhaawacmeen, qaar kale na ay argagax iyo murugo la hoydeen, ilaa iyo
wakhtigakanna la nool yihiin, dhabtii aad iyo aad baa aan uga xun ahay! Haa,
waa sidaas! Haa, waa aan hubaa mar na ba sidaas anigu in aan aan samayn lahayn!
Waayo? Jacaylka aan kuu hayo ayaa aan mar na ba fal xumadaas aqbali karin!!!
Waa xaqiiq dunidu in ay rabto, in aad tirtiranto, oo ma-jiraan noqoto; laakiin,
aniga iyo inta ku jecel ee weli dareenka diineed iyo damiirka waddaniyeed ku
jiro, dhagartaas ma yeelaynno. Run ahaantii waa aannu ka dagaallami, oo
sharaftaada badbaadin. Ilaahay waxa aan kaaga baryayaa hooyooy, in aad
noolaato, oo nolol uu Ilaahay raalli ka yahay ku noolaato. Muqdishooy horay u
soco, waa lagaa dambeeyaaye.
Muqdishooy guulayso.
Boosaaso, Buntilaan, Soomaaliya.
Haddii aad akhriday mudane/marwo, waa aan jeclaan lahaa aragtidaada in aad i la wadaagto oo faaladaada halkan ku hoos qortid. Mahadsanid.
ReplyDelete