Tirada Soo Booqatay

Thursday, January 28, 2016

Aragtidayda Go’aankii Madasha


Shirar laga ga arrinsanayay nooca doorasho ee dalka ka dhici karta ayaa badhtamihii iyo dabayaaqadii sannadkii hore (2015), iyo ilaa shalay ka dhacayay magaalooyinka Muqdisho, Garoowe iyo Kismaayo. Shirkii ugu dambeeyay ee shalay caasimadda ka dhacay, waxa laga soo saaray go’aan, ay dawladda federaalka iyo dhammaan dowlad gobolleedyada Soomaaliyeed, marka laga reebo Buntilaan, ay heshiis ku ahaayeen, isla markaanna Beesha Caalamku si buuxda taageeradeeda u caddaysay, in ay Soomaalida kala shaqaynayso dhaqangelinta go’aankan masiiriga ah na sheegtay. Ra’iisul wasaare Cumar Cabdirashiid Cali Sharmaarke oo shirka guddoominayay,  ayaa warfidiyeenka u sheegay, nooca doorasho ee lagu soo xuli doono aqalka hoose in ay noqon doonto hannaanka beelaha (4.5); aqalka sare na lagu soo xuli doono hannaanka gobolaysiga, iyada oo maamullada Buntilaan iyo Soomaalilaan, si gaar ah loogu sharfay, mid wal ba maamullada kale saddex xubnood in ay dheeraadaan. Hadda ba, Soomaalidu siyaallo kala duduwan ayaa ay uga falceliyeen go’aankaas, xalay lagu gaadhay magaalada Muqdisho, caasimadda Jamhuuriyadda Soomaaliya. Halkan waxa aan kaga hadlayaa aragtidayda go’aankii madasha.

Nidaamka 4.5 ayaa ay Soomaalidu ku soo dhaqmaysay tan iyo labadii kun. Kolka dib loogu laabto doorashadiisii iyo aqbalkiisii, Soomaalidu waxa ay rumaysnayd 4.5 xaq in aysan ahayn, ee xal tahay. Hubaashii ma jirin hannaan aan kaas ahayn oo wakhtigaas fududayn lahaa Soomaalidu in ay heshiiso, oo dawlad ay dhisato; sidaas ayaa 4.5 xal u noqday. Bal se, ka dib qaadashadiisii, Soomaalidu iyada oo ku baraarugsan, oo si wacan u fahamsan caddaalad xumada aragtidaa ku jirta, iyo sida ay u dhaawacayso midnimada iyo wadajirka qowmiyadda Soomaaliyeed, tan iyo labadii kun waxa ay halgan u soo galeen helitaanka nidaam kale, oo kan looga guuro, kaas oo ummadda xaq iyo xal, labada ba u ah. Nasiib darro, la ma helin nidaam labadaas astaamood si weyn looga dhex arki karo. Bal se, walaalaha qaar ayaa soojeediyay maanta ka dib in wax lagu qaybsado hannaanka deegaanka, iyada oo loo laabanayo deegaannadii dawladdii Jaalle MSBarre aqoonsanayd. Waxa keliya ee la raadinayo waa helitaanka nidaam aan ka hor imanayn shuruucda qoran, aan abuurayn qalalaase siyaasadeed iyo xasillooni darro amni, oo aan wax u dhimayn wadajirka iyo midnimada reerka Soomaaliyeed.

Hadda ba, xaqiiqadu waxa ay tahay labada hannaan ba—4.5 iyo Deegaanka—mid na ba xaq in uu san ahayn, xal na ahayn, kelidii! Aragtidayda siyaasadeed ee qaabka doorasho ee Soomaaliya ka dhici karta waxa ay ahayd, sidatan. Iyada oo la eegayo xaaladda siyaasadeed, amni, dhaqaale iyo fikir ee dalku ku jiro; iyada oo la qiimanayo duruufaha jira ee ay muhiimka tahay in la ixtiraamo; iyo iyada oo laga duulayo xeerarka qoran, labada hannaan ba mid na ba in aan la diidin, ee la wada qaato, si la isugu soo dhaweeyo Soomaalida kala danaha ah, ee loollanka danuhu ka dhexeeyo, isla markaanna la badbaadiyo mustaqbalka iyo masiirka qaran ee ummaddan. Run ahaantii waxa ii muuqatay labada nidaam haddii mid ka mid ah si buuxda loo qaato, dalku fawdo iyo dibudhac weyn in uu gelayo. Natiijada ka soo baxday shirkii xalay waxa ay waafaqsan tahay aragtidayda siyaasadeed, ee ku baaqaysay labada ba in la wada qaato, tanaasul in la la yimaaddo, oo laga heshiiyo sida loo soo xulayo labada aqal. Sidaa daraaddeed, taageero badan ayaa aan go’aankaas siinayaa; waxa aan u arkaa mid xal ah, oo wakhtigan la joogo iyo xaaladaha jira ba ku habboon, Go’aankaas masiiriga ah, waxa aan ku baaqayaa in la dhaqangeliyo, oo maamulka Buntilaan iyo beelaha qaadacay ba wada hadal la la furo, wax kasta na il mowduuci ah iyo maskax nabadeed lagu eego, go’aanka codka badan haysta na laga hor iman, ee beddelkeed la taageero, oo Soomaaliya aayaheeda si gaar ah looga fekero.

Ugu dambayntii, madaxweyne Cabdiweli Maxamed Cali Gaas, aad iyo aad ayaa uu ugu mahadsan yahay, aragtida reer Buntilaan madashaas in uu geeyay, codkoodii ku hadlay, oo si weyn u ixtiraamay rabitaankoodiii. Taasi waa daacadnimo wanaagsan oo in la mahadiyaa waajib tahay. Go’aanka uu qaatay, ee uu ku qaadacay go’aanka ay dawladda federaalka, dowlad gobolleedyada iyo Beesha Caalamku gaadheen, waxa uu ka turjumayaa hal-adaygnimadiisa iyo aragti yaqaannimadiisa; sidoo kale waxa ay astaan u tahay, hoggaamiyaha wanaagsan. Sida uu Gaas sheegay waxa uu talada u la laabanayaa waxgaradka reer Buntilaan, oo yeelan doona erayga ugu dambeeya, ee ay dawladda Buntilaan ku dhaqmi doonto. Bannaanbaxyada ka socda maanta guud ahaan magaalooyinka iyo deegaannada Buntilaan, soo dhawaynta waxgaradka ka imanaysa ee ku wajahan mawqifkii Gaas, iyo baaqyada ay soo saarayaan jaalliyadaha Buntilaan ee Yurub iyo Maraykan, intu ba; waxa ay daliil u yihiin madaxweyne Gaas aragti uu lee yahay madashaa in uu geyn, ee keliya turjume iyo tebiye uu ahaa dadkiisa. Xaqiiqada aan og ahay se waxa ay tahay, Buntilaan Soomaaliya in ay ka hadhi doonin, oo si wal ba oo ay u aragto codkeeda in aan la ixtiraamin, hadda na, waa 'Hooyadii Soomaaliya', mar na ba ma oggolaanayso Soomaaliya meel cidlo ah in ay uga tagto! Sidaa awgeed, maalmaha soo socda, waxa Buntilaan laga fili karaa in ay si wanaagsan u soo dhawayso go’aankii Xamar, kana qayb qaadato dhaqan-fulintiisa. Guul ayaa aan u arkaa ummadda Soomaaliyeed u soo hoyatay, go’aankii madasha wadatashiga qaran, xalay lagu gaadhay. Waxa aan ku baaqayaa in si degdeg ah loo sharciyeeyo, hawshiisa na la gude galo. 













W/Q: Maxamed Cabdirisaaq Saciid “Samiik”
Qoraa iyo aqoon baadhe Soomaaliyeed
Boosaaso, Buntilaan, Soomaaliya
Uguux, Jeenaweri 28, 2016

1 comment:

  1. Haddii aad akhriday mudane/marwo, waa aan jeclaan lahaa aragtidaada in aad i la wadaagto oo faaladaada halkan ku hoos qortid. Mahadsanid.

    ReplyDelete