Diinteenna islaamku waxa ay
lee dahay albaab laga soo galo iyo albaab laga baxo. Run ahaantii, aad iyo aad
ayaa ay diintu u fududaysay in la soo galo, si taas ka duwan ayaa ay se u
adkaysay qofka muslimka ah diinta in laga saaro. Soo gelitaankeeda keliya qofka
waxa looga baahan yahay ku dhawaaqista saxda ah ee labada shahaado, iyo
rumayntooda xaqiiqda ah ee qalbiga oo ay ku dhan yihiin garashada guud ahaan
iyo gaar ahaan macaanidooda iyo waajibaadkooda. Haddii uu qofkaasi ‘dhawaaqaas’
la yimaaddo waxa aan u tixgelinaynaa oo u aqoonsanaynaa in uu muslim yahay.
Maalintaa uu soo islaamay ayaa ay u bilaabanayaan gudashada waajibaadka
sharciga ah, had ba inta uu ka garanayo masaa’ilka diineed, iyada oo laga
doonayo aqoonta diinta in uu barto, si uu ujeeddooyinkeeda ugu dhaqmo.
Habkaa ayaa diinta lagu soo
galaa oo uu gaalku muslim ku noqdaa. Xuquuq ayaa ay diintu siisaa oo ay ugu
weyn yihiin ilaalinta iyo dhowridda naftiisa, maalkiisa iyo sharaftiisa. Waxa
loo la dhaqmayaa si toos ah hab dhaqanka qofka muslimka loo la dhaqmo. Labada
doonis, sida aynnu og nahay doonista kowniga ah, waxa soo hoos gala wax wal ba,
awaamiirta qorshaysan ee dhacaya na ma aha kuwo baaqanaya, ee waa kuwo goortii
iyo goobtii la doonay ku dhacaya; labadaas tilmaamood ayaa ay kaga geddisan tahay
doonista sharciga/diiniga ah. Hadda ba, Alle kownkan u ma qorshayn muslimiin oo
keliya in ay joogaan oo cammiraan, ee ujeeddooyin iyo xikam waaweyn ayaa uu
abuurtisteeda ka dan lahaa. Abuurka kuwa isaga iyo xukunkiisa rumaysan iyo
sidaa caksigeeda waa ujeeddo ka mid ah ujeeddooyinka Ilaahay. Waxa halkaa ka
bilowda loollanka xaqqa iyo baaddilka oo ay kala hoggaaminayaan Ilaahay iyo
addoomadiisa iyo Ibliis iyo addoomadiisa. Tan iyo dhammaadka dunida waa loollan
soconaya sida ku cad ballanta ay kala dhigteen Allaah SWT iyo Ibliis naclad ha
ku taallee.
Sidaa daraaddeed,
aqbalayaasha farriinta samaawiga ah waa kuwa aqbalay xukunka Eebbe oo raallida
buuxa ku noqday. Xukunkaas wixii khilaafsan waa wax baalmarsan xukunkii
sharciga ahaa; sidaa awgeed, waxa xaqiiqadoodu noqonaysaa xukun gaalnimo.
Gaalnimada ayaa qudheedu u qaybsanta labo qaybood oo kala ah: gaalnimo weyn iyo
gaalnimo yar. Ta hore darajo ahaan waxa looga baxaa diinta, isla markaa na
ilaahay waxa uu ugu bishaareeyay shaqadiisii in ay burayso oo uu naarta ku
waarayo (Albayyinah: 6). Laakiin, ta kale xadkaas ma gaadhsiis na, keliya waa
amuuro ku soo arooray tilmaanta gaalnimada, bal se ku dhacoodu xukun ahaan
diinta laga ga baxayn oo dambi weyn lagu gelayo. Si mawduuca ina hor yaalla si
fudud uga jawaabno, waxa aynnu ku ekaanaynaa gaalnimada weyn.
Siyaalaha ay ku iman karto
gaalnimada weyn waa ay badan yihiin, bal se shan amuurood sinna ba iyo
tilmaanna ba kama bannaan baxayaan. Ta hore waxa ay ku timaaddaa wejiga beenta
iyo been’abuurka iyada oo waxa la beeninayo tahay wax sharci ah. Tusaale ahaan
waxa ay noqon kartaa aayad ama xadiis sugan beenintiisa, ama Ilaahay ama
nabigiisa in lagu been’abuurto, ama in la beeniyo malaa’igta iyo soo bixitaanka
dambe iyo amuuraha waaweyn ee ku lifaaqan … Mid ka mid ah hababkaas waxa loogu
tegi karaa aayadda 33aad ee suuradda Al-Ancaam. Ta xigta waxa ay ku timaaddaa
wejiga isla weynida iyo kibirka iyada oo waxa la iska weyneynayo oo laga
kibrayo tahay wax sharci ah. Tusaalaha ugu fudud ee maaddadaa waa tii uu ku dhacay
gaalka dunida ugu weyn (Ibliis) ka dib, amarkii uu Rabbigii faray markii uu
diiday sababo labadaas cunsur ku abtirsanaya awgood (Albaqra: 34). Ta saddexaad
waxa ay ku timaaddaa weji khatar ah, oo ah: in qalbigiisa iyo dhegihiisa kala
dagaallamo maqalka diinta iyo wixii duulduul ugu yimaadda u gudubka qalbigiisa,
isla markaa na go’aansado in uu ka jeesto barashada iyo ku dhaqanka diinta guud
ahaan, isaga oo u arkaya wax aan habboonayn oo maandaalis ah (akhri tafsiirka
aayadaha suuradda Daaha ugu dambeeya ). Ta afraad waxa ay ku timaaddaa wejiga
shakkiga, oo qofku isaga oo rumaysan xaqqa hadda na qalbigiisa ay dhex fadhido
bambo weyn oo shakki loo yaqaan, taas oo uu mid ama qaar ka mid ah amuuraha
rumaynta u baahan run ahaanshahooda ka shakkisan yahay. Inta badan amuurahaasi
waxa ay ku waareegaan kuwa caqligu door ku lahayn garashadooda (Alkahfi:
35-38). Ta ugu dambaysa waxa ay ku timaaddaa wejiga labo wejiilaynta; waxa uu
qofku daahir ahaan falaa astaamaha muslinnimadiisa lagu xaqiiqsan karo, bal se
waxa u qarsoon gaalnimo (An-nisaa: 145). Waa kuwaa shanta khaanadood ee
gaalnimada weyn ku xaroodaan.
Hadda ba, mas’alo in aynnu
gaalnimo xukun ahaan siinno hal xeer oo qudha ayaa ay inooga baahan tahay.
Xeerkaasi waxa weeye sharciga in aynnu uga soo helno daliil qumman oo dhisan oo
sheegaya in waxaasi gaalnimo yihiin. Haddii aynnu daliilkaas helno waxa aynnu
si fudud u xukumi karnaa waxaas in ay gaalnimo yihiin. Si shaygaas xukunkiisu
‘gaalnimo’ u noqdo na waa in la helaa ‘sababtii’ gaalnimadaas caddaynaysay.
Tusaale ahaan, Ilaahay SWT waxa uu inagu waajibiyay qisaas, isaga oo inoo
sheegay in ay inoo tahay “nolol” (Albaqra: 178), bal ka warran qofka ku hadla:
“wax qisaas la dhaho ma jiraan, ee waa “xasuuq””? Ma shakki baa kaaga jira
hadalkaas xukunkii sharciga iyo hadalkii Eebbe in uu lid ku yahay oo ay ka
dhismi karaan xukun iyo hadal kii Eebbe khilaafsan? Maya. Waatahay. Hadda ba,
waxa aynnu lee nahay hadalkaasi waa gaalnimo. Sidee ayaa uu ku noqday? Waxa uu
ka hor imanayaa aayaddaas kor ku xusan ee uu ilaahay waajib inooga dhigay,
xikmadda ku jirta na inoogu sheegay “nolol” in ay tahay. Sidaa awgeed,
hadalkaasi waa gaalnimo cad oo sharciga si toos ah u khilaafsan. Sababtu na waa
“diidmo” la diiday xukunka Alle, oo macnaheedu noqonayo: Ilaahow xukunkaagu na
ma qabto, nolosha casriga ah na ma waafaqayo, oo waa xukun garasho yari iyo
faham xumo ku dhisan!!! Sida uu hadalkaasi gaalnimo xukunkiisu u noqday, ma uga
dhalan kartaa hadlihiii (qofkii yidhi) isna gaal in uu noqdo? Jawaabtu waa haa
iyo maya; bal se, waxa ay ku wareegaysaa baadhis. Maxaa jira?
Saddex qaaciido waa in
aynnu fahamno iyo arrin ka horraysa. Arrintu waxa weeye naxwe ahaan iyo abuur
ahaan ba falka iyo faacilku waa ay kala duwan yihiin. Waxa aan uga jeedaa qofka
iyo waxa uu samaynayo waa ay kala geddisan yihiin. Qaaciiddada kowaad,
gaalnimada duuban waa ay ka duwan tahay gaalnimada qeexan. In aad tidhaahdo
waxaas iyo waxaas waa gaalnimo iyo hebel iyo hebel waa gaalo kala duwanaansho
weyn ayaa u dhexeeya. Ugu horrayntii, qofka inta aan la aadin oo la xukumin
waxa waajib sharci ah, marka hore, in la xukumo waxa uu ku hadlay ama uu falay.
Haddii ay waxaas gaalnimo noqon waayaan, jawaabta soo baxaysa waa in wixii uu
ku hadlay ama uu falay gaalnimo ahayn. Ma i la socotaa? Haddii ay waxaas
gaalnimo noqdaan oo hawshii aan soo dhiraandhirinnay la mariyo, waxa aynnu
gaadhnay xaqiijin weyn oo noqonaysa tallaabadii kowaad oo ah, in aynnu diin
ahaan sugnay odhaahdaas ama falkaas xukunkiisa diineed gaalnimo in uu yahay.
Intaa ka dib, ayaa aynnu hadda ba, u imanaynaa qofkii sidaas ku tiraabay ama ku
dhaqmay; sidii aynnu u soo hubinnay xaaladda mas’alada ayaa aynnu haatanna u
hubinaynaa xaaladda qofka. Qaaciiddada labaad, gaal ma noqonayo qof wal ba oo
muslim ah oo wax gaalnimo ah sameeya. Maadaama uu gaalnimo sameeyay sidaas ayaa
uu si toos ah gaal ku noqonayaa, waa faham Khawaarijtu la yimaaddeen oo Ahlu
Sunnuhu ku khilaafeen. Waxa la baadhayaa, la hubinayaa, oo la dersayaa qofkaas
muslimka ah, iyada oo laga duulayo qaaciiddada saddexaad oo ah: qofka
iimaankiisu kalsooni ku sugmo shakki lagu ma burinayo, maxaa ku kellifay
gaalnimada uu ku kacay? Miyaa lagu khasbay? Ma aqoon darraa ka haysa? Ma faham
xumo ayaa u gaysay? Ma khalad si kama ah uga dhacay baa?… Maxaa walaalkaas
muslimka ah gaalnimada ku bixiyay?
Waa in la raadiyo sababta
ka hor xukunka. Si aynnu u ogaanno waa in la sameeyo wejiyada baadhis ee furan
ee arrintaa xaqiijinteeda lagu soo ogaan karo. Waxa ka mid ah haddii uu nool
yahay in la la hadlo, oo la weyddiiyo waxa uu ku hadlay ama uu falay waxa uu uga
jeeday? Ogaanshaha gaalnimadooda? Iyo wixii la mid ah. Tusaale ahaan, waxa inoo
soo baxday fahamku in uu ku qalloocday, ee niyaddiisu ay aad u wanaagsanayd oo
gaalnimo samee mar na ba is lahayn. Waa in loo saxaa fahamka. Haddii uu qaato
oo aqbalo, fahamkiisii khaldanaa na ka laabto waa Ilaahay mahaddiis. Xukunku
waxa uu ka dambeeyaa oo uu ku wareegaa cilladda. Kol haddii cilladda la
baabbi’iyo xukun ma jirayo weeye xaalku. Haddii uu diido oo fahamkiisii
sumaysnaa ku adkaysto, oo la la doodo oo xujjada lagu oogo, ciddii aqoon
diineed leh oo hawshaa mas’uuliyaddeeda qaadi karta ayaa xukumaysa. Iminka
weeye marka qofkii la xukumay oo waxa la sameeyay ‘gaalayn qofeed’; halka
markii hore la sameeyay ‘gaalayn mas’alo’. Ta dambe aad baa ay u fudud dahay oo
keliya, waa in la ogaado mas’aladaas sharciga in ay khilaafsan tahay oo
gaalnimo xukunkeedu yahay. Laakiin ta hore, baadhistaa ka dib, waxa
bilaabanaysa baadhis kale oo ku saabsan sawirka xaqiiqo ee xaaladda qofka oo u
baahan daraasayn iyo hubsasho ku xidhan aqoon sugan iyo caddaaalad miisaaman.
Walaalkii farxadda awgeed
yidhi: “Ilaahayow adigu na addoonkaygii baa aad tahay, anigu na Ilaahaagii baa
aan ahay”, dhabtii shakki kuma jiro gaalnimo cad in uu ku hadlay; laakiin, ma
gaal ayaa uu noqday? Maya, maxaa uu u noqon waayay? Carrabka ayaa ka khaldamay
ee hadalka sidaas u ma wadin, waxa na sababtay farxaddii weynayd ee qalbigiisa
buuxisay!!! Shakhsigii cadhooday, ee garashadiisu xidhantay oo gaadhay heer
waxa uu ku hadlayo aannu ba fahamsanayn haddii uu ilaahay aflagaaddeeyo sow
gaalnimo bannaanka taalla kuma hadlin? Ma gaal baa? May, xaaladda uu ku jiray
marka baadhis lagu sameeyo waxa la soo ogaanaya in uu miyirdoorsoomay oo
garashadu ka maqnayd. Waa in la ogaadaa wax kasta oo gaalnimo ah qofkii ku kaca
ama la yimaadda isla markii ba gaal in uu san noqonayn, ee baadhis lee yahay.
Ilaahay iyo Rasuulkiisu na waa ay mamnuuceen axkaamta in lagu degdego, sii ba
gaalnimada. Ku degdegiddeeda oo qudha ayaa ah, dambi weyn oo aad iyo aad u
weyn. Haddii qof lagu yidhaahdo waxa aad ku hadashay ama fashay waa gaalnimo,
macnuhu dhabtii ma aha isagu na gaal in uu yahay. Isagu waa mas’alo, waxa uu ku
hadlay ama uu falay na waa mas’alo kale. Arrimuhu waa ay kala duwan yihiin,
mas’alo wal ba na baabkeeda ayaa la geeyaa oo lagu bisleeyaa. Sida diinta irrid
laga soo galo u lee dahay ayaa ay sidoo kale irrid laga baxo na hubaashii u lee
dahay. Waxyaalaha laga ga baxo dhiganayaal badan ayaa laga qoray oo halkudheg
looga dhigay: “Buriyayaasha islaamka”. Gaalnimadu na waxa ay noqon kartaa mid
lagu hadlay, ama fal ahaan loo sameeyay, ama la aaminay. Qofku waxa uu gaal
noqon karaa marka cudurdaarrada uu kaga baxsan karo laga soo xidhxidho oo buur
aad u dheer dhakadeeda la saaro. Laakiin inta cudurdaar loo heli karo gaal mar
na ba ma noqon karo. Waayo? Cudurdaar baa uu haystaa oo xukunka gaashaan uga
ah.
Ugu dambayntii, mas’alada
gaalaysiintu waa mid ka mid ah mas’alooyinka ugu adag ee diinteenna. Waa
mas’alo xattaa culayska ay lee dahay darteed culimadii salafka ee waaweynaa ka
cabsoon jireen, aad iyo aad uga biqi jireen. In aad qof xukunto wax fudud oo
fudud ma aha. Waa arrin ogaallo iyo baadhisyo badan u baahan. Magacyada ayaa
loo qaybiyaa labo: magacyo tilmaan garasho ku saabsan iyo magacyo tilmaan xukun
dabada ku haya. Maxamed iyo Caasha waa magacyo qofka loo bixiyay, ujeeddada
looga gol lee yahay na tahay in lagu garto oo lagu aqoonsado. Xattaa haddii
labo Maxamed guri wada deggen yihiin waa in loo bixiyo naanaysyo lagu kala
saaro, sida Maxamed yare iyo Maxamed weyne. Laakiin, magacyada xukunka dabada
ku haya waa ay ka duwan yihiin kuwaas. Waxa ka dhismaya xukunno diineed oo ku
xidhmaya nolosha adduunyo iyo nolosha aakhiro. Waxa lagu daraaseeyaa baabka loo
yaqaan “Magacyada iyo Axkaamta” oo culimadeennu dhiganayaal badan ka qoreen. Waxa
aan ku soo celcelinayaa oo carrabka ku adkaynayaa, gaalnimo wal ba oo la la
yimaadddo qofka la yimid gaal kuma noqonayo. Sidaas oo kale, haddii aaminaadda,
hadalka ama dhaqanka qofka la xukumo macnaheedu ma ahan isaga in la xukumay, oo
xukunku shakhsiyaddiisa ku dhacayo.
W/Q: Maxamed
Cabdirisaaq Saciid “Samiik”
Qoraa iyo aqoon
baadhe Soomaaliyeed
Boosaaso, Buntilaan,
Soomaaliya
Lamme, Jeenaweri 11, 2016
No comments:
Post a Comment