Aroornimadii
dorraad, kolkii aan lebbistay ayaa aan si degdeg ah guriga uga baxay, ballan
aan la lahaa jaalle igu qaali ah darteed. Aniga oo iska daawanaya doon raran oo
dekadda ku soo xidhanaysa, ayaa uu jaallahay, “Salaadda Casar ka dib,
goorsheegtu marka ay tahay saddex saac iyo badh, Hoolka Jaamacadda Muqdisho
waxa laga jeedin doonaa soojeedin, ay kasooqaybgalayaasha la wadaagi doonaan
Lammaanihii Jacaylka—Sheekh
Axmed Jowhari, iyo Sheekhad Hibo Cumar Geelle,” warkaa
farxadda badan igu jalbeebay, inta uu bog ka diiwaan gashan Faysbuugga ka
akhristay! Run ahaantii aad iyo aad baa aan u farxay! Sababta aan ugu farxay
imaatinkooda iyo soojeedintooda waxa lagu sharrixi karaa, ogaal aan ogaa sida
ay isugu direen aqoontooda iyo waaya’aragnimadooda in ay ku badbaadiyaan
qoysaska Soomaaliyeed ee aan tiirarka adag ku dhisnayn, qarka na u saaran
burbur; iyo, sida ay da’ yarta uga kaalmeeyaan samaynta guur ujeeddaysan, kaa
oo marjiciyad adag iyo xeerar nolosha fududeeya leh. Waa kaalin innaga
bannaanayd, oo hubaashii, cid ku dedaasha aynnu u baahnayn. Duhurnimadii markii
aan guriga imid, qadeeyay na, waxa naftayda oo indha-guduudsi u baahnayd ku
wargeliyay: hurdada in ay san ku daahin, si farxaddaa weyni ay san ii seegin.
Nasiib
wanaag, wakhti fiican ayaa aan toosay, oo inta aan is diyaariyay taksi ku
booday, ku na tukaday masjid u dhow jaamacadda. Waa aan ku aqaannay naftayda,
ixtiraamidda rabitaannadayda, iyo ka baqa cadhadayda ciqaabta badan! Saddexdii
iyo badhkii, wakhtigii ballanta, oo daqiiqad aan ka soo hor dhacnay, waxa aan
soo istaagnay kadinka hore ee jaamacadda, aniga iyo jaallahay. Salaan aan ku
jalbeebnay waardiyaasha jaamacadda, oo aniga si gaar ah ii yaqaannay, afartii
sanno ee aan jaamacadda ku jiray na saaxiibbo wanaagsan ahayn ka dib, waxa aan
gudaha u galnay dhismaha jaamacadda, annaga oo beegsannay jihada hoolka, si aan
kuraasta ugu horraysa la nooga buuxin! Buuxin?! Maxaa la buuxiyaa sow kuwa wada
bannaan, ee labo qof oo qudh ahi labo kursi ku fadhido! Waa aan naxay, naxdin
naxdinteedii! Mar dambe ayaa aan soo baraarugay. Qof aan arkaynin ayaa codkiisa
dhegtayda ku soo diray. Hubaashii waxa uu uga dan lahaa, sida aan filayo,
xusuusin—ka dib markii uu arkay in aan ka xanaaqay wax ay Soomaalidu “caadi”
u taqaanno. Caadi la idinku cadaab! “Mudane, is deji! Waa caado Soomaaliyeed
oo qarriban tani . . . tan aad ka xanaaqsan tahay, ee damiirkaagu qaadan
waayay! Wakhtiga ballanta oo la ixtiraami waayo, iyo dhacdooyinka sidan u
muhiimsan oo la qiimayn waayo, waa aafo bulsho oo u baahan in loo aqoonsado:
masiibo bulsho!” Sidii biyo qabow oo la igu shubay camal, waa aan nafisay,
erayadaasi markii ay u gudbeen maankayga, wadnahayga na ku qanciyay. Shantii
iyo rubuc ayaa si rasmi ah xafladda loo bilaabay!
Hal
mar ayaa sacabka la is la helay, aad na looga dhac-dhac siiyay, markii ay
hoolka soo galeen martidii la sugayay. Ustaad Burhaan, oo ahaa barahaygii
maaddada “Administrative Law,” ayaa noqday xidhiidhiyaha xafladda. Aayado
Qur’aan ah oo waafaqsan mawduuca la isugu yimid markii xafladda lagu furay,
waxa loo yeedhay guddoomiyaha Jaamacadda Muqdisho, laanteeda Buntilaan,
barasare Cabdullaahi Sheekh Xasan, si uu magaca jaamacadda martida ugu soo
dhaweeyo, xafladda na u furo. Guddoomiyuhu, waxa uu sheegay lammaanahani in ay
soo mareen gobollo badan oo safarkooda ka soo bilaabeen Muqdisho, caasimadda
J.Soomaaliya, ujeeddadoodu na tahay sidii ay waxtar ugu darsan lahaayeen
badbaadinta iyo barwaaqaynta qoysaska Soomaaliyeed. Intaa ka dib na waxa uu ku
soo dhaweeyay Jaamacadda Muqdisho, isaga oo uga mahad iyo farax celiyay
imaatinkooda halkan.
Dabadeed
waxa loo wacay mudane Maxamed Yuusuf Jaamac “Tigey,” Guddoomiyihii hore ee
Gobolka Mudug, wakhtigan na ah guddoomiyaha shirkadda dalxiiska ee Magool, ah
na xubin firfircoon oo bulshada rayidka ka tirsan, kaa oo dhiirri geliya
maalgashiga dadka iyo degelka, adkaynta nabadgelyada iyo kaladambaynta, iyo
horumarinta waxbarashada iyo cayaaraha, oo martida la socday. Arrimo farabadan
ayaa uu mudane Tigey ka hadlay. Waxaa na ugu muhiimsanaa ka qayb qaadashada
dedaalka loogu jiro dibudhiska cusbitaalkii Gaalkacyo oo qaraxii bishan
21keedii magaaladaa ka dhacay saamayn weyn u geystay—isaga
oo ku dheeraaday muhiimadda uu Buntilaan gaar ahaan iyo Soomaaliya guud ahaan u
lahaa, sheegay na maalin wal ba in uu dawayn jiray bukaan Soomaaliyeed oo kor u
dhaafaya “kun qof”; badbaadinta dalka Soomaaliya—isaga
oo sheegay in hoggaamiyayaasha sebankan halka tilmaan ee ay wadaagaan in ay tahay
“calool aan buuxsamin,” sidaa aawadeed ay waajib tahay jiilka tacliinleyda ahi
aayaha ummaddan iyo geyigan in uu badbaadiyo; iyo, xidiidhka qoyska iyo qaranka
ka dhexeeya—isaga oo sheegay sida ay u kala horreeyaan in ay isugu
xidhan yihiin, oo qoysku lee yahay “muhiimadda ugu weyn.”
Tigey
ka dib, marwo ka socotay Wasaaradda Haweenka Iyo Arrimaha Qoyska ayaa
mekrafoonka lagu soo dhaweeyay. “Maanta in aan helno Lammaanihii Jacaylka,
waxa ay tahay farxad weyn, aad baa aan u soo dhawaynayaa,” ayaa ay dareenka
dhegaystayaasha iyo daawadayaasha ku soo jeedisay ka dib, arrimihii badnaa ee
Md. Tigey ka hadlay, gaar ahaan dhacdadii argagaxa badnayd ee Gaalkacyo ka
dhacday, taa oo dadka qiiro badan gelisay. “Anigu, waxa aan ka mid ahay
dadkii jacaylka ka tanaasulay! Laakiin, maanta, saxansaxadii jacaylka ayaa ii soo
uraysa,” ayaa ay Marwo Shamis Mahad Bulxan ku kaftantay. Aad baa loo
qoslay, loo na sacabbiyay. Bilowgii jacayl ka warranku na halkaa ayaa uu ka
bilowday!
Ustaad
Burhaan, daadiyihii barnaamijka, waxa uu markan codlaliyaha ku soo dhaweeyay
martidii culuslayd ee la sugayay, hadalkooda na loo xiisay. Sh. Axmed Jowhari
ayaa hadalka ku hor maray. Waxa uu mahad badan u celiyay Jaamacadda Muqdisho oo
kulankan qabsoomiddiisa suurtagelisay, dadkii Benderqaasim ku soo dhaweeyay
gaar ahaan, iyo dadkii ka dambeeyay socdaalkoodu Buntilaan in uu gaadho, iyo
mudanayaasha iyo marwooyinka wakhtigooda qaaliga ah u soo huray dhegaysiga iyo
dhuuxidda soojeedintooda. Mahadnaq ka dib, waxa uu ku wareejiyay codgudbiyaha
lammaanihiisa nolosha iyo jacaylka, Hibo C. Geelle, si ay hadalka u furfurto,
hordhac wanaagsan na uga bixiso ujeeddada safarkooda iyo farriinta ay sidaan.
“Aniga
iyo Axmed lammaane is qaba, is jecel, ubadkooda na korsada, oo nolosha qoysaska
Soomaaliyeed in ay badbaadiyaan doonaya ayaa aan nahay,” ayaa
ay ku ujeeddo furfuratay. Dabadeed waxa ay ku dheeraatay ahmiyadda socodkooda,
iyada oo sheegtay sababta ay Ingiriiska uga yimaaddeen in ay tahay, doonis ay
doonayaan cilmigooda iyo khibraddooda xaasnimo oo laabatan sanno gaadhaysa in
ay ku biiriyaan reeraha Soomaaliyeed, si ay noloshoodu u barwaaqoodo, si uu
qaranku na u barakoobo. Iyo, ujeeddadaasi, in ay tahay ujeeddada lagu dhisay
hay’adda “Happy Marriage
Academy.” Waxaa kale oo ay xustay in labadoodu ba barayaal yihiin, ay
na jeceshay in sidaa loo arko, si loo kala faa’iidaysto. Iyada oo la kaftamaysa
dadweynaha waxa ay tidhi: “Yaa aan la moodin dad dhallinyaro iska dhigaya in
aan nahay. Ma aha sidaa! Annagu dad waaweyn ayaa aan nahay. Dad idin laa le’eg
ayaa aan dhalnay . . . . Muhiimaddu waa in aynnu wanaagsanaanno si nolosha
qoysaskeen na u wanaajinno.”
Ka
hor intii aan ay kasooqaybgalayaasha daawadsiin soojeedintii ay ugu talo
galeen, waxa ay ku jalbeebeen weyddiimo dhowr ah, oo ay dan weyn ka lahaayeen.
Weyddiimahaa waxaa ka mid ahaa: “Imisa qof oo guursaday ayaa hoolkan jooga?” .
. “Imisa qof oo guurdoon ah ayaa hoolkan ku sugan?” . . “Imisa qof oo
xiddiglayaal ah oo hal haween ka badan guursaday ayaa hoolkan fadhida?”
Dhammaan weyddiimahaa ay soo bandhigeen, warcelimahoodu gacantaagid ayaa ay
ahaayeen. Waxa ay aad iyo aad, iyo aad iyo aad ugu farxeen, toban qof oo
lammaane ah oo xafladda isku soo raacay, taa oo ay qireen in ay Boosaaso tahay
magaalo jacayl, sidaa si la mid ah magaalooyinkii ay soo arkeen in ay san ku
arag. Aad baa qiimayntaa iyo guushaa dadweynihii ugu farxeen—iyaga
oo farxaddooda ku muujiyay qosol badan iyo sacab badan oo ay wada adeegsadeen!
Sida oo kale waxa mar kale aad loo qoslay, markii dadka guurdoonka ah laga
codsaday gacantooda in ay kor u taagaan, in ay hablihii kor u taagi waayeen,
taa oo loo wada arkay in aan ay doonayn ragga guurdoonka ahi in ay arkaan!
Kaftan iyo is xifaalayn ka dib, waxa la gudagalay soojeedintii, oo lagu
baranayay labo iyo toban qodob oo lafdhabar u ah guurka wanaagsan. In kasta oo
aan ay si qoto dheer qodob wal ba u gorfaynin, hadda na faham guud ayaa ay mid
wal ba ka bixiyeen. Qoddobadii ugu muhiimsanaa waxaa ka mid ah: fahamka
ujeeddooyinka iyo xikmadaha guurka, muhiimadda ay lee dahay ogaanshaha qofka
sooyaalkiisa iyo barbaarnimadiisa, wacnaanta badan ee ku jirta si wax-ku-ool ah
xidhiidh u samaynta iyo isu gar dhigashada, qaab maammulka habboon ee
dhaqaalaha, hab maaraynta saxsan ee iskahorimaadka, iyo is dhiirri gelinta iyo
xoojinta ruuxda qoyska.
Soojeedintii
ka dib, waxa bulshada loo oggolaaday weyddiimaha, talooyinka, iyo codsiyada ay
qabaan si xor ah in ay u soo bandhigaan. Dad farabadan ayaa jaaniskaa helay—oo
aan anigu ka mid ahay. Waxa aan lammaanaha hor dhigay codsigan: “. . . . Waxa
aan ka mid ahay dadka difaaca, u ol’olaleeya, ka na hadla mawduuca ‘akhriska.’
Waxa aan qabaa aragti nafsi ah oo akhriska iyo jacaylka xidhiidhinaysa. Waxa
aan, Sh. Axmed, iyo walaashay Hibo ka codsanayaa, in ay noo sheegaan, na
baraan, oo casharrada ku daraan, sida akhrisku uga qayb qaadan karo
deganaanshaha, waaritaanka, is fahamka, iyo is jacaylka lammaanayaasha.”
Dabadeed, markii fursaddaa la joojiyay, waxa ay isku dayeen iyaga oo ku
xisaabtamayay wakhtiga oo gabaabsi ahaa, wixii ay ka jawaabi karaan in ay ka
jawaabaan. “Maxamedoow . . . akhrisku waa quudkayaga! Sheekh aniga iyo Axmed
talo fiican na siiyay waxa uu nagu yidhi: ‘Labo shay weligiin ha ka tegina: in
aad buug hal meel ku wada akhrisataan, iyo in aad salaatul-laylka hal meel ku
wada tukataan.’ Sidaa daraaddeed, akhrisku waa muhiim; jacaylkayagu na waa u
quud! Waxa aan nahay ummaddii qiraa’ada. Mahadsanid,” ayaa ay Marwo Hibo codsigaygii kaga dareen celisay. Si gaar ah na, waxa ay labadoodu
ii gu sheegeen, arrintaa in ay ku baraarugsan yihiin, oo ay ku ba badhaadheen—iyo in ay casharradooda ku soo dari doonaan.
Gebagebadii,
murtiyadii aan labadooda ka dheefay waxa ka mid ahaa, haddii aan Hibo ku hor
maro: “I fur-i fur ka ma dhigna i fur, ee waxa ay ka dhigan tahay i faham-i
faham,” “Jacaylku sidiisa waa wax quud u baahan—quud
maalin wal ba ah,” iyo “Marka aynnu wada hadalno waa aynnu is fahmaynaa. Marka
aynnu is fahamno na waa aynnu wada noolaanaynaa. Marka aynnu wada noolaanno na
waa aan is jeclaanaynaa.” Kuwa Sh. Jowhari na waxa ka mid ahaa: “Haddii aad
rabto magac iyo maamuus in aad hesho, dhaqaalaha ugu roonow afadaada,” “Si aad
aadame u fahamto, faham noloshiisa iyo falsafaddiisa,” iyo “Yaa dallaaqu,
dallaqnaaka—Furriinoow, waa aan ku furnay.”
Waxa
aan doonayn in aan illaawo arrin gebagebadii la tusaaleeyay. Ustaad Burhaan
ayaa dadweynaha weyddiiyay: “Kulankan qabsoomiddiisa ma codtebiyayaasha ayaa
aad ka dhegaysateen, mise Faysbuugga ayaa aad ka akhrisateen?" Toban qof wax ka
yar ayaa gacanta u taagay ta hore—halka boqollaalkii kale na ay gacanta u taageen ta dambe. Waa tusaale nool oo muujinaya awoodda Warbaahinta Bulshada—si
gaar ah awoodda Faysbuugga. Waxa aan ku dardaarmayaa awooddaa si togan in looga
faa’iidaysto.
Xafladdii
waxa ay dhammaatay iyada oo dadkii is jeclaa isa sii jeclaadeen, dadkii la’aa
wax ay jeclaadaan na, sida aniga oo kale, jacaylkii uu u bishaareeyay, ku na
yidhi: “Dookhaaga waa aad heli e, ducada uun ha ka bakhaylin!”
W.Q.:
Maxamed Cabdirisaaq Saciid “Samiik”
Qoraa
iyo aqoon baadhe Soomaaliyeed
Boosaaso,
Bari, Soomaaliya
Carte,
Ogos 31, 2016—11:45 G.D.
Haddii aad akhriday mudane/marwo, waa aan jeclaan lahaa aragtidaada in aad i la wadaagto oo faalladaada halkan ku hoos qortid. Mahadsanid.
ReplyDeleteAxmed Jawhari maxuu ka aaminsanyahay in Gabadh labaad la guursado. Ma weydiisay Su'aashaas. Jacaylka Soomaalidda iyo ka muslimku ba waxa uu dhammaadaa marka gabadha la la guursado, iyadoo shuruudihii waafaqsan diinta.
ReplyDeleteSo koobid ama summary aan caadi ahyn baad ka diyaarisey thanks walal
ReplyDelete