Tirada Soo Booqatay

Tuesday, February 23, 2016

Waa Kuma Abwaan?

Cudurrada tiro badanta ah ee reerkeenna ku dhacay waxa ka mid ah, cudur halis badan, oo lagu magacaabo, “daraja-doon”! Yar iyo weyn, sida loo badan yahay, waxa lagu jiraa geyllan aan bilow iyo dhammaad lahayn; sida oo kale na aan miisaan iyo minqiyaas lahayn, oo darajo uun lagu doonayo! La isma weyddiinayo waddooyinka loo marayo halgankaas xalaal iyo xaaraan ka ay yihiin! Keliya hadafku waa uun darajo hel! “Dadku ba, badankood, mid wal ba darajo ayaa uu isku tolay, ama lagu tolay e, maxaa adiga doqon kaa dhigay, oo asaagaa kaa reebay?!” ayaa lagu wada fekerayaa! Waxa aan maqli jiray, “Bisadda iyo jiirka aragti ayaa ka dhexaysa”, ama “Nin iyo hantidii aragti baa ka dhexaysa”; waaqiceenna maanta ee arrinta aynnu ka hadlaynnaa waxa weeye, “Badi bulshadeen na iyo darajo aragti baa ka dhexaysa”! Magacyo-darajeedyada caanka ah, isla markaa na qiimaha badan leh ayaa sidii neef qalan oo Habar Dugaag oo dhami ay kala jiidjiidanayaan loo kala boobayaa!!! Madaxweyne, Ra’iisul Wasaare, Wasiir, Xildhibaan, Guddoomiye, Barafisoor, Diktoor, Mufakkir, Qoraa, Aqoon yahan, Aqoon baadhe, Ogaal yahan, Filasoof, Abwaan, Maanso yahan, Murti dhaadhi, Xeel dheere, indheergarad, Gorfeeye, Siyaasi, Garaad, Ugaas, Suldaan, Wadaad, Weriye … intaas iyo in kale oo aan sheegin ba maanta waa kuwo qiimihii ay lahaayeen gef weyn laga galay! Mid ka mid ah magacyadaa qiimiga badan, ee dadka aadka ugu gaajaysan in ay wax noqdaan meelahaa ku macne dilaan, ayaa aynnu faallo habboon ka bixinaynaa. Waa erayga macnaha ballaadhan leh ee “Abwaan”.  Maxaa darajo aan dheel dheel lagu hanan karin si dhib yar loo sheegtay?!

Siyaabaha eray loo tirtiro waxa ka mid ah: macnihiisa in la beddelo! Eray leh macne dhab ah oo afku iyo dadku u yaqaan ayaa beri dambe, si ku talo gal ah mid macmal ah oo qof ama cido gaar ahi bixiyeen lagu dhejiyaa, dabadeed na la la kaashadaa awood warbaahineed iyo afmiishaarro maalin wal ba shaqadoodu tahay, garashada bulshada ee eraygaa in ay tashwiish kaga furaan, oo macnahooda suuqgeeyaan! Badanaa haddii ay iska caabbin bulsho la kulmin damacoodaa waa uu hirgalaa; dadku na fasirkooda ayaa ay xaqiiq biyo kama dhibcaan ah moodaan, kuna dhaqmaan. Tusaale ahaan, erayga ‘Maanso’ oo macnihiisa runta ahi yahay wax wal oo la tiriyo, la taxo, la qaafiyadeeyo, habdhac iyo dheellitirnaan leh ayaa beryo dhawayd macne kaas ka duwan loo adeegsaday! Waxa lagu macneeyay, bad ka mid ah badaha maansada, oo ‘Jiifto’ loo yaqaan (Badaha kale giddigood waa laga saaray Diiwaanka Maansada)! Sida oo kale erayga ‘Suugaan’ oo macne ballaadhan leh ayaa ay dad ku sharxeen ku na soo koobeen keliya, ‘Maanso’! Ma oga Maansadu in ay tahay laan ka mid ah laamaha Suugaanta! Hal-abuurka sheekada, teeda gaaban iyo teeda dheer ba, in ay ka mid ah tahay Diiwaanka Suugaanta ma ay oga! …!!! Ilaa heer ayaa ay bulshadeennu—badankoodu—marayaan in qof wal oo wax tiriyaa tixdiisa ‘Gabay’ lagu sheego, iyada oo laga yaabo in ay Geeraar tahay, ama Buraanbur, ama Saar, ama Masafo, …! Aqoon darro badan oo Afka iyo Suugaanta ku saabsan ayaa jirta!

Shalay, dadkeennii hore, iyo maanta, dadkeenna haatan, labo macne oo aad u kala duwan ayaa ay u kala yaqaanniin isla eraygan, ‘Abwaan’! Waxa aan shakki ku jirin dadkeennii hore sidii ay u yaqaanneen in ay sax tahay. “Asalku mar wal ba isaga ayaa sugan.” Hadda ba, waa sababahee, kuwa mas’uulka ka ah, macnahan dambe iyo faafiddiisa? Sida aan baadhis ku helay, macnahan cusubi, waxa uu, si qumman, ugu dherersamayaa intii ay Soomaalidu reer magaalooday, iyo ka dib markii ay dawladoobeen, ee ay yeesheen warbaahin afkooda ku hadasha iyo jiritaan qowmiyad dunidu aqoonsan tahay. Ilaa iyo maalintii miyiga laga soo hayaamay, iyo ilaa iyo maalintii la dawladoobay, iyo ilaa iyo maantadan qoyan; warbaahinta Soomaalidu inta ay waxtartay afkeenna in le’eg ama ka badan ayaa ay waxyeelaysay! Waxyeelooyinka ugu waaweyn ee ay u gaysatay Af Soomaaliga waxa ka mid ah: macne doorinta erayga iyo ku gefidda naxwaha erayga. Sida qiyaastu sheegayso, xilligaas ayaa ay dad baahi weyn u qaba in ay abwaanno noqdaan, oo magac-darajeedkaas cindiga ka caashaqay; ama dad kaleeto oo aan si dhab ah u garanayn macnihiisa runta ahi, ay macnahaas leexsan adeegsigiisa mariyeen warbaahinta, dabadeed sidaas bulshadu ku heshay ogaanshahan ugubka ah, dhaqan na gelisay! Si kasta ba xaal ha noqdo e, maanta qofkii labo tuduc miisaan ahaan isku toostoosiya, murti badan ha ku xareedeeyo e, abwaan in loogu yeedho, haddii uu labo tuduc oo kale na ku daro abwaan weyn loo caleemasaaro, waxa ka mas’uul ah, dadkii eraygaa nuxurkiisa nijaaseeyay iyo warbaahintii tabnaantoodaa ku taageertay! Ilaa iyo maanta khaladkaasi waa uu jiraa!

Abwaan, maxaa ay Qaamuusyada Soomaaliyeed ku qeexeen? Marka dhammaantood akhris guud lagu sameeyo, gaar ahaan na qaamuuska ay wada qoreen Cabdalla Cumar Maansuur iyo Annarita Puglielli, waxa ay siiyeen saddex ujeeddo, dhafdhaf ahaan. Ta kowaad, waa sida haatan bulshadeennu yar iyo weyn u yaqaanniin, ee ah: “Waa qof hal-abuur suugaaneed leh oo wax curiya, ha ba kala duwanaadaan noocyada curinta e’.” Ta labaad, “Waa buug ama buugaag taxane ah, oo laamaha aqoonta oo dhammi ku jiraan.” Ta saddexaad, u na dambaysa, “Waa qof garasho, aqoon iyo waaya’aragnimo dheeraad ah leh.” Ta hore waa ta aynnu ka dayrinayno, ee aynnu lee nahay waa tu la abuuray, oo danaysan! Ta labaad iyo ta saddexaad se waxa ay mid wal ba wax gaar ah ka sheegaysaa macnaha ballaadhan ee eraygan la wada jantay, ‘Abwaan’.

Abwaan, dadkeennii hore, waxa ay u yaqaanneen: “Qof si ahaantiisu garasho badan iyo maskax furan Eebbe ugu deeqay, isla markaa na aqoon iyo faham wanaagsan u leh saddexda aqoomood ee muhiimka ah (Aqoonta diinta; aqoonta Soomaalida; iyo aqoonta dunida), kaas oo xaajooyinka adag xal u heliddooda loo ga maarmi waayo, had iyo jeer na laga barto weedho murtiyaysan, oo gadaashii bulshadu ku maahmaahdo ama ku halqabsato.” Qofkaasi, lab iyo dheddig ka uu ahaado ba, waxa uu ahaa qof weyn. Waayo; barashada iyo fahamka saddexdaas cilmi iyo ku xeel dheeraanshahoodu, waxa ay u baahan tahay, wakhti badan oo badan. Kama uu duwanayn, hubaashii, maktabad dhan oo khaanadaheedii iyo malaayiinkii dhiganayaal ee ku kaydsanaa ba la qofeeyay, isla jeerkaa na la la hadlayo, iyadu na hadlaysa, oo xikmado nool nool eray eray iyo weedh weedh ba dadka ku jalbeebinaysa! Waxa uu, si aan ka weecweecad lahayn, u ahaa Qaamuus. Waa sababta Qaamuusyada Af Soomaaligu erayga ‘Abwaan’ macnahaa u siiyeen. Sida oo kale, waa sababta erayada ‘Dictionary’ iyo ‘قاموس’ lagu Af Soomaaliyeeyay ‘Abwaan’. Maadaama uu yahay qof jaalle u ah garasho iyo aqoon badan, iyo waaya’aragnimo dheeraad ah, isla sida oo kale waa sababta Qaamuusyada Af Soomaaligu erayga ‘Abwaan’ macnahaas u siiyeen.

Waxa aan, mala’awaali karaa, maanta, haddii Soomaalida afti ku saabsan qeexidda erayga ‘Abwaan’ laga qaadi lahaa, sagaashan iyo sagaal boqolkii ba waxa ay ku qeexi lahaayeen, “Abwaan, waa qofka wax curiya, ee maanso tiriya; sida oo kale na riwaayad curiya.”Layaabka weynidiisa layaab ka weynayn waxa ah, in xattaa maanso yahannaddii waaweynaa ee Soomaaliyeed ee qarnigii tegay iyo kuwa qarnigan ba, badidoodu, sidaas u yaqaanniin! Bal se, had iyo jeer bulshadu qallooca isku ma wada raacdo; waxa horay iyo haatan jira, maanso yahanno iyagu qeexidda runta ah ee erayga ‘Abwaan’ yaqaannay/yaqaanna, ummadda na ka codsaday/codsada in aan magacaas loogu yeedhin! Tusaale waxa aynnu u soo qaadan karnaa, boqorkii gabayga iyo murtida ee Soomaalida, ee qaybtii dambe ee qarnigii tegay, ilaa iyo eegga, ustaad Cabdullaahi Macallin Axmed Cismaan “Dhoodaan” (IHUN), oo isagu ku baraarugsanaa eraygan ulajeeddada dhaladka ah ee loo adeegsaday, in badan na Soomaalida ka codsaday “Abwaan’ in aan loogu yeedhin. Muuqaalbaahiyaha caanka ah ee Hoonkaybal ayaa warraysi ay ka qaadeen uu sidaas ku sheegay. Mar uu qeexayay na (Abwaan) waxa uu yidhi:

“… Abwaan ninkii la dhihi jiray, nin sheekeeya ma ahayn! Nin hal-abuur sameeya na ma ahayn—ayaamahan ay dadku 'Suugaan' yidhaahdaan; Suugaan ma aha e 'Hal-abuur' ayaa la dhihi jiray! Hal-abuurradaas kala geddisan nin sameeya na ma ahayn! Laakiin, wixii adkaada, ee la garan waayo, ayaa meel fog isaga oo jooga loo raadsan jiray furaheeda [Furdaaminteeda]. Kolkaas ayaa inta loo warramo, ayaa arrintii loogu socday, ee looga maarmi waayay baa loo sheegi jiray. Haddii  su’aalo meelahaa ay kaga dhuumato [meelo uu doonayay in uu wax ka ogaado], waa uu su’aali waa na loo jawaabi. Kolkaa ayaa uu hadal yar oo gaaban, ayaa uu macne ballaadhan ku koobi jiray! Taas ayaa had iyo goor waxa ay noqon jirtay inta badan: maahmaah iyo halkudhegyo. Abwaan kaas ayaa la dhihi jiray! Ninkii noocaa ahaa! ...” (Halkan ka daawo muuqaalkaas)

Hadda ba, magac-darajeed uu isla jeclaan waayay, in badan na in lagu sheego diiday, kuwo ka dayn waayay na markii dambe uu yidhi ‘Qaryaan’ igu yeedha, gabyaagii iyo filasoofkii weynaa, iyo boqorkii gabayga iyo murtida, iyo ustaadkii ‘Maansaynta Maahmaahda’ iyo ‘Gabay-ku-maahmaaha’, garaad sare Dhoodaan (IHUN); waa fool xumo weyn iyo wax dhabtii laga faano in uu wiil yari ama gabadh yari oo maansadiisu/deedu weli curdin tahay, iyada oo aan sharraxaddaa ba loo isticmaalin, raalli ku noqdo/oto abwaan/ad in loogu yeedho! Bulshadu, iyada ayaa aqoonsata, isla jeerkaa na maamuusta, halyeygeeda iyo haldoorkeeda. Darajadaas aadka u sarraysa, shakhsiyaadkii gaadhay, ogaalkayga haddii aan qaar ka magacaabo, waxa ka mid ah: Sayyid Maxamed Cabdalle Xasan (IHUN), Cabdullaahi Suldaan ‘Timacadde’ (IHUN), Cabdullaahi Macallin Axmed Cismaan “Dhoodaan" (IHUN), Cismaan Yuusuf Cali "Keenadiid" (IHUN), Axmed Ismaaciil Diiriye "Qaasim" (IHUN), Axmed Sh. Jaamac (IHUN), Dr. Cumar Cismaan Raabi (IHUN), Maxamed Ibraahin Warsame “Hadraawi”(IHI), Maxamed Cabdullaahi Ciise "Singub” (IHI), IQKB.

Ugu dambayntii, Soomaalidu waxa ay lahayd (Haatanna lee dahay) labo mufti oo labadu ba bulshadu si gaar ah u sharfi jirtay. Waxa ay kala ahaayeen muftiga diinta oo ‘Wadaad’ loo yaqaannay, iyo muftiga dhaqanka oo ‘Abwaan’ loo yaqaannay. Abwaanku, waxa uu ahaa qof kulansaday shan maaddooyin oo muhiim ah: aqoon iyo faham badan oo uu u lahaa diinta islaamka, iyo ummadda uu ku abtirsado hiddaheeda, dhaqankeeda, sooyaalkeeda, juqraafigeeda, aqoomaheeda, afkeeda iyo suugaanteeda; waaya’aragnimo badan oo uu u lahaa gu’yaal badan oo uu soo noolaa dhacdooyinkii dhacay, is beddelladii waayaha bulsheed iyo hab nololeedka, iyo mahadhooyinkii waaweynaa ee qormay; garasho buuxda oo uu u lahaa sooyaallo badan oo bulsheed iyo deegaameed, iyo ogaallo badan oo khuseeya wixii isaga ka horreeyay; Awood saadaalineed oo uu u lahaa si heer sare ah in uu kaga faalloodo timaaddada iyo wixii ku saabsan; Iyo hal-abuurnimo murtiyeed oo u badnaa maahmaahyo, halkudhegyo iyo halqabsiyo uu curiyay, gadaashii na caanbaxay, oo bulshadu adeegsatay. Qofkaa sidaas ah, ee cilmiyadaa badan laabta uga wada qoran yihiin, ayaa ‘Abwaan’, dhab ahaantii, loo yaqaannay! Waxa suuragal ah, abwaankaasi beryo dambe hibo maanso curineed oo ku duugnayd in ay soo if baxdo, oo dabadeed noqdo ‘Abwaan maansooda’; ama maanso yahan uu gadaal u xuub siibto ‘Abwaan’, ka dib markii uu aqoomahaa hantiyay. Hadal iyo nuxurkii, waxa aan maanso yahannada sebankan ummaddeennan aqoon darradu ku badan tahay u maansooda mid mid uga codsanayaa, bal waajib ah, in ay ka fogaadaan, in ay isku magacaabaan ama madaxa u ruxaan kolka bulshadu ku magacawdo, magac-darajeedkaas qaaliga ah. Wixii aad jeclaato naftaa loo jirrabaa!


FG: Erayadan gaagaaban sidan ayaa aan ka wadaa. IHUN (Ilaahay Ha U Naxriisto). IHI (Ilaahay Ha Ilaaliyo). IQKB (Iyo Qaar Kaloo Badan). 













W/Q: Maxamed Cabdirisaaq Saciid “Samiik”
Qoraa iyo aqoon baadhe Soomaaliyeed
Boosaaso, Buntilaan, Soomaaliya
      Sade, Feebarweri 23, 2016




Sunday, February 21, 2016

Bal Muu Runta Ii Sheego!

Annagu si madax bannaan isu ma aannu baran. Goor fiidnimo ah, xilligii guga lagu jiro, cirku na daruuraysan yahay, oo saansaan roobaad ay muuqato, ayaa hooyaday qolkayga igu soo gashay, ka dib markii aan u idmay. Is warraysi guud iyo kaftan aan sidaas u sii badnayn ka dib, ayaa ay hooyaday waxoogaa aamustay! Shakki ayaa uu aamuskaasi i geliyay! Si mugdi aan ku jirin, waxa aan maleeyay ama is tusay, hooyo caawa in ay ii gu timid, ii sheegidda arrin weyn, oo malaha noqon karta, arrin guur! Waayo, maalmahan waxa ay ammaanaysay qofnimadayda; waxa ay ii ga sheekaynaysay hablo aan isku da’ nahay oo la guursaday; sida oo kale, waxa ay ii hogatusaalaynaysay wanaagga guurka iyo sida ay ugu farxi lahayd, haddii aan sideeda oo kale hooyo noqon lahaa! “Hooyo, caawa maxaa innagu cusub?”, ayaa aan kaga nixiyay, iyada oo sidii u aamusan, oo feker ku maqan! Waxa aan doonayay, maya e’ aad u doonayay, waxa ay maamaday iga qarinayso, in aan si cad u ogaado.

“Hooyo … Inantaydii quruxda badnaydeey, wax ba ma jiraan! Ilaahay ayaa aynnu ka magan galnay shaydaan iyo sharkiisa. Hooyo, waa sidaa aad dareentay e‘, caawa arrin ayaa aan kuu la socdaa. Arrin wanaagsan, soojireen ah, oo waalidkaagu raalli kaaga yahay weeye. ‘Gabadhi ama god ha kaaga jirto, ama gunti rageed’ ayaa ay bulshadeennu ku maahmaahdaa….” Intaa markii ay i tidhi ayaa culays i fuulay, oo naxdin aan garan la’aa meel ay ii ga ga timid, hagoog la ii ga ga dhigay! Gebigaygu ba si kale ayaa aan noqay! Inta ay i dhugatay, kor iyo hoos iga ilbuuxsatay, ayaa ay kursigii iga soo hor jeeday ka soo kacday, kii aan ku fadhiyay ee weynaa ayaa ay dhankayga midig kaga fadhiisatay, oo gacanteeda bidix garabkayga inta ay ku soo qabatay, hadalkeedii sii wadatay:

“Alla inantaydu hagaagsanaa! Xishoodka aniga ayaa kugu dhalay hooyo. Gabadh aan xishoon ma gabadh baa? Deriskeenna iyo macallimiinta dugsiga ba waa ay kugu ammaanaan xishoodkaaga. Hooyo, sow ma ogid gabdhihii kula gu’a ahaa haatan rag in ay xaasas u yihiin?! Ina Cali Maxamed iyo ina Warfaa Guuleed sow asaagaa ma aha? Sow hooyooyin maanta ma aha? Ma in aad guumays noqoto, oo gurigan ku habroodo, ayaa aad doonaysaa? Bal quruxdaadan eeg! Bal wanaagga badan ee lagu gu sheego ama lagu gu tuhmo day! Hooyo, waxa aan kula jecel ahay mustaqbal wanaagsan. Bishaaaro weyn ayaa aan kuu hayaa hooyo macaan. Aabbahaa shalay waxa u yimid nin wadaad ah, ganacsade ah, akhyaar ah, oo in aad xaaskiisa noqoto aabbahaa weyddiistay. Bal in uun ma qiyaasi kartaa ninkaasi ninka uu yahay? Bal isku day?!”

Cabbaar ayaa aan maskaxdayda ka shaqaysiiyay. Durba waa aan gartay ka uu yahay! Waa aan fahmay in uu yahay macallinkaygii Carabiga iyo Tarbiyada ee dugsiga! In dhawaale ba waxa ii ga muuqday dareen ah: in uu i doonayo. Xattaa maalin ayaa uu igu la kaftamay, “Xafsa, de gabadh weyn baa aad tahay iminka e’, maxaa aad u guursan weyday?!” Bal se, isma aan dareensiin in aan garanayo; waxa aan ugu jawaabay hooyaday, “May. Ma qiyaasi karo! Hooyo, waa ayo na?” Inta ay qososhay, ayaa ay i tidhi, “Allow qof aan wax ba ogayn ha cadaabin! Innaga ma dheera hooyo. Waa macallinkaaga Carabiga iyo Tarbiyada, ee deriska na la ah; masjidka xaafadda na soojeediye ka ah. Waa macallin Faarax.”

Tan iyo bilooyin hore ba waa aan jeclaa in aan guursado. Waayo, waxa igu batay, oo sidii daad oodda jabsaday igu noqday, weyddiin aalaa ba jaallayaashayda dugsiga iyo deriska meeshii aan ku kalanno ba, mar wal ba igu weyddiinayeen, oo ahayd: “Xafso, arooskaaga aan ka soo qayb galno e’, goorma ayaa aad guursan doontaa?” Anigu na jawaab u ma haynin weyddiintaa; hadda na, mar wal ba mid la i weyddiiyo ayaa ay ahayd! Sida oo kale, marka aan arko hablihii ila da’da ahaa oo la qabo, waxa aan is weyddiin jiray, marar badanna ka fekeri jiray, “Tolow adigu na goorma ayaa aad hooyo noqon doontaa, oo guri kuu gaar ah boqorad ka noqon doontaa?” Talo ayaa reer ku dhismaa e’, codsigii waalidkay waa aan aqbalay, feker iyo faaqidaad badan ka dib. Saddex maalmood markii aan macallinkayga gurigayaga ku wada kulannay, si tifaftiran na uga wada hadalnay guurkayaga, ugu dambayntii, waa aannu is fahamnay. Maalin afraaddii meherka ayaa dhacay. Shan maalmood ka dib na waa aannu aqal galnay. Kow iyo labaatan jir baa aan ku guursaday.

Waa nin dhallinyaro ah, oo labaatan iyo afar sanno jir ah. Dheer, oo qaarka sare u weyn. Wejigiisu shuban yahay, oo san qoran, bishimo iyo dhego dhexdhexaada leh. Gadh aan badnayn bal se yuuban leh. Oo dhumuc weyn, jidh wanaagsan, socod heer sare ah, iyo cod macaan leh. Weligii naag aan aniga ahayn ma uu guursan! Dhawaan ayaa uu waxbarasho uga yimid dalka Sacuudi Careebiya. Waxa uu haatanna ka shaqeeyaa, mid ka mid ah, dugsiyada ugu waaweyn ee magaaladan, Garoowe. Waxa uu igu soo dhaweeyay farxad iyo wanaag badan. Waxa uu ii la dhaqmaa sida ugu wanaagsan ee qof bani’aadan ah loo la dhaqmo. In kasta oo uu san ahayn nin Roomaansiya, hadda na, si furfuran oo ilaa xad xushmad iyo kalgacal ka muuqato, ayaa uu igu soo dhaweeyaa. Ul iyo diirkeed ayaa aannu noqonnay!

Saddex nin weligaa ma gaadhid ayaa ay Soomaalidu ku maahmaahdaa. Waxa ka mid ahaa, “Nin kaa naag fiican weligaa ma gaadhid!” Si ninkaygu uga duwanaado nimanka kale, waxa aan dedaal dheer u galay, had iyo jeer, in aan ka farxiyo, wanaaggiisa ka shaqeeyo, oo raalliya u noqdo. Haatan oo guurkayagu toban sanno ka soo wareegay, oo aan shan carruur ah, saddex wiil iyo labo gabadhood u dhalay, weli labo iskujoog oo uu lee yahay, oo wasakh ahi, katabaanka kuma wada kulmin! Weli gurigiisa cid aannu isagu raalli ka ahayn ma keenin! Dhegtiisu ‘haye’ mooyaan e’, ‘maya’ ma maqal! Indhihiisu wax quruxsan oo ay ka jeesanayn mooyaan e’, weli wax fool xun ma ay arkin! Wixii dhaliil aan lee yahay ee uu ii sheego, isla markii ba waa aan sixi jiray! Hadalkaygu weligay hadalkiisa kama uu sare maarin! Isaga oo aan wax ba ii dirsan ayaa aan wejigiisa iyo indhihiisa akhristaa, dabadeed, wixii uu qalbiga ka doonayay soo hor dhigaa! Isagu na intaas iyo ka badan ayaa uu ii qaban jiray, ama i tari jiray. Laakiin, in muddo ah ba, is beddel ayaa xaajigayga ku yimid! Mid weyn oo sii weynaanaya!

Biilku waa sidiisii oo wax ba kama dhimin. Wax wal ba oo aan weyddiisto na haddii uu hayo waa uu i siiyaa, haddii kale ‘ma hayo’ ayaa uu dhahaa. I ma caayo; i ma na dilo. Anigu na adeeggii aan u qaban jiray, itaalkayga in aan sii kordhiyo mooyaan e’, weli ma uu yaraan. Bal se waxa aan ka waayay daryeelkii iyo xanaanadii aan ka bartay! Waxa uu guriga iman jiray fiidnimadii, si uu carruurtiisa u cayaarsiiyo, annagu na u wada cayaarno. Hadda tobannada ama kow iyo tobannada ayaa uu yimaaddaa! Maalin wal ba oo jimce ah, waxa aan isku raaci jirnay aalaa ba xaafadda qoykayaga, si aan u soo wada salaanno aabbahay (Soddogiisa), hooyaday (Soddohdiisa) iyo walaalahay (Seediyaashiisa). In dhawayd ba booqashadaasi ma ay dhicin; keligay uun ayaa taga! Furfurnaantii, bashaashnimadii, dhoolacaddayntii, qalbi samiddii, sheekadii badnayd iyo deganaanshiyihii ba waxa aad mooddaa, maalin ba maalinta ku xigta, in ay sii yaraanayaan, ama yaraadeen ba! Isaga oo aan xiise badan, nafsiyad wanaagsan iyo kalgacal ballaadhan ii haynnin, ayaa aannu isu galmoonnaa! Gurigii uu ku raaxaysan jiray, iminka araggiisa ayaa ba dhiba, oo cudur ku noqday! Maskaxdiisu meel kale ayaa ay la haysataa, oo ay ku maqan tahay! Waa muuq jooge, maan maqane!

Dhaqdhaqaaqiisa si fiican ayaa aan u la socdaa! In ay wax ku soo kordheen oo arrini ay jirto waa aan dareensan ahay. Intaa waxa aan hoosta ka dhahaa: Odaygaaga maxaa daaray? Maxaa ku soo kordhay? Maxaa sidan u beddelay? Sidee wax u jiraan? Yaab!!! Kol wal oo ay naftaydu igu cadaadiso xaajigaaga warso, jawaab aan is beddelin, macne na ii samaynin, ayaa uu igu jalbeebaa, “Wax ba ma jiraan xaajiyo. Adaa wax is tusay oo si aan jirin wax jira ka dhigay! Anigu anigii aad taqaannay baa aan ahay! Is deji!”

Aniga oo yaabban, walbahaar iyo la nool walaac aan kala go’ lahayn, ayaa ay inan aan saaxiibbo nahay, goor galab ahi guriga ii gu timid. Cabbaar haddii aan reeraha iyo iska warraysannay xaaladdooda, arrin qaadanwaa iyo filanwaa igu noqotay, ayaa ay ii sheegtay, oo caddaymo na u keentay! Ma anaa garan in ay wax jiraan! Ma anaa fahmin in uu wax iga qarinayo! Ma anaa qiyaasin heerka is beddelkiisu gaadhay! Tan iyo sannadkii hore, oo ahayd xilligii is beddelku ku dhacay, waxa uu safarro is xigxigay ugu bixi jiray magaalada Gaalkacyo. Waxa uu i dhihi jiray, “Afar bilood oo khuruuj ah ayaa aan baxayaa, ee Xafsay walaalo, sidaas u la soco.” Labo jeer oo min afar bilood ah iyo hal mar oo afartan casho ah ayaa uu baxay! Ma anaa ba is lahaa danta uu Gaalkacyo u gaadhay, waa in uu reer labaad halkaa ku sameeyo, oo mar ba booqasho la huwinayo ‘shaadhka Khuruujka’ ku ambabaxo?! Waxa aan islahaa arrin diineed oo wanaag badan ku jiro ayaa uu u baxay e’! Tanna ma ii laabnayd! “Aadmi la aragyaa ba, dhib la arag!”

“Beeni raad ma leh”, ayaa ay Soomaalidu ku maahmaahdaa. Isma lahayn wadaadkaaga ayaa been kuu sheegaya; been intaas le’eg! Isma lahayn wadaadkaaga ayaa la dhuuman doona, reer labaad, oo adduunka ku soo biiri doona! Isma lahayn xaajigaaga ayaa kaa qarinaya arrin sidaas u weyn, oo talo iyo gorfayn badan u baahnayd! Isma lahayn caalimkii had iyo jeer masjidka ka hadli jiray, ee dadka beenta iyo been-abuurka uga digi jiray, aniga na marar badan i dhihi jiray ‘beenta waa lagu naar galaa’, ayaa Tabliiqa iyo Diinta Islaamka ku been-abuuranaya! Tolow maxaa sidaas ugu wacan? Ma waxa uu is lahaa, waa ay masayri doontaa, oo kuu oggolaan mayso in aad minyaro guursato? Taasi haddii ay dhacdo, ma waa aan weligeed naag masayri jirin, oo la masayrtiri jirin?! Maxaa xaajiga beentaa sidaa u miisaanka culus ku kellifay? Maxaa uu ii khayaameeyay oo wanaagga soo kordhay ii gu sheegi waayay? Ma arrinkii uu ku kacay ayaa xumaa, oo sidaas ayaa uu ii gu sheegi waayay? Mise aniga ayaa qof xun ahaa, oo sidaas ayaa la ii ga ga qariyay? Ma waa aannu ogayn Soomaalidu in ay ku maahmaahdo, “Khayr wax kaa ma dhimee, shar u toog hay”? Markii uu i lahaa ‘Wax ba ma jiraan xaajiyo’ miyaa uu Rabbigii abuurtay ka baqayn? Bal inta uu haatan i maslaxayo, khaladaadkiisii qiranayo, raalli gelin i weyddiisanayo, i xaalmarinayo, oo madaxa iga dhunkanayo; bal muu runta ii sheego! Bal muu runta ii sheego!





  




W/Q: Maxamed Cabdirisaaq Saciid “Samiik”
Qoraa iyo aqoon baadhe Soomaaliyeed
Boosaaso, Buntilaan, Soomaaliya
Case, Feebarweri 21, 2016


Wednesday, February 17, 2016

Faallayn Barnaamij: Kal Dhaqameedkii Labaad Ee Jaamacadda Bariga Afrika

Subax khamiis ahayd, Feebarweri 11, 2016, ayaa aan siddeeddii subaxnimo tegay Jaamacadda Bariga Afrika. Kal dhaqameedkii labaad ee jaamacaddu soo qabanqaabisay ayaa maalinnimadaas, si toos ah, loo bilaabay. Halkudheggiisu waxa uu ahaa, “Waa hubaal, in aad hal-abuure tahay.” Waxa ay ahayd subax wanaagsan. Dad aad u badan ayaa, hoolka Sh. Cabdiqaadir Maxamed Cabdulle, oo bandhig dhaqameedku ka dhacayay, isugu yimidday. Waxa, si xoog badan, loo xiiseenayay abwaan iyo qoraa Axmed Faarax Cali “Idaajaa”, oo ka mid ahaa shakhsiyaadkii sida gaarka ah loo soo casuumay. Waxa, sida oo kale, martida ka mid ahaa rag badan oo u badnaa maanso yahanno iyo qorayaal, oo ay ka mid ahaayeen: maanso yahan Cabdiqaadir Cabdi Shube, maanso yahan Suufi Aw Cali Axmed, maanso yahan Maxamuud Saciid, maanso yahan Cabdullaahi Cawad “Cawdgale”, qoraa Raage Bile Maxamuud iyo qoraa Cabdirisaaq Ismaaciil Xaashi “Cirro”. Hadda ba, sidee u arkay bandhig dhaqameedka iyo barnaamijyadii la soo bandhigay?

Sida qorshuhu ahaa, waxa ay ahayd barnaamijku in uu bilowdo siddeedda subaxnimo, bal se, sida waayadan dambe caadada noqotay—in aan la ilaalin wakhtiga ballanta, ee goobta la yimaaddo saacado ka dib—waxa la bilaabay tobankii subaxnimo! Ka dib Qur’aan ku furfuriddii munaasabadda, iyo erayadii kala geddisnaa ee la siiyay qaybaha bulshada, waxa guddigii soo qaban qaabiyay guda galeen sheegista maalmaha uu kal dhaqameedku soconayo, iyo jadwalka barnaamijyada lagu soo bandhigi doono. Run ahaantii, shacabka wejiyadooda waxa ka muuqatay, farxad iyo khushuuc badan. Waxa ay ahaayeen, kuwo u soo diyaar garoobay maalmahaas in ay goobjoog ka noqdaan, waxa bandhigga lagu soo bandhigi doono. Ka faa’iidaystaan hal-abuurrada aqoomaha kala duduwan ee ay bulshada la wadaagi doonaan. Iyo, in ay wax badan ka fahmaan nolosha dadkoodii hore. Qaybaha kala duwan ee bulshada—culimo, nabaddoonno, macallimiin, arday, waalid, haween, warbaahin, suugaan yahanno, qorayaal iyo ururro bulsheed—ayaa ka soo qayb galay. Reer Boosaaso u ma ay kala hadhin ka qaybgalka maalmaha hiddaha iyo dhaqanka!

Si guud marka loo qiimeeyo barnaamijka, waxa uu lee yahay dhowr dhaliilood, oo ahayd walaaluhu in ay ka digtoonaadaan, ka hor bilaabiddii xafladda. Ta hore, qaab agaasinka bandhigga, fulinta qorshayaasha degsan iyo ka faa’iidaysiga wakhtiga si ku talo gal la’aan ah u soo baxa, waxa ka muuqatay karti darro iyo maamul xumo. Ta xigta, barnaamijku waxa uu yeeshay xidhiidhiyayaal badan oo aan loo baahnayn. Ta u dambaysa, waaya’aragnimo la’aan iyo farshaxan yari ayaa ka muuqatay hawl-fududeeyayaashii ka qayb qaadanayay hirgelinta iyo habaynta xafladda. Dhanka bulshada, iyagu na waxa ay lahaayeen labo dhaliilood oo waaweyn: buuq iyo sawaxan ay sameenayeen mar marka qaar iyo u hoggaansan la’aanta nidaamka xafladda. Dhaliilahaas ka dambow; waxa ay ka mid ahayd, intii aan arkayay munaasabad sidan oo kale ah, kuwii ugu wanaagsanaa, ugu na waxtar iyo saamayn badnaa. Sida aan qiyaasayo, dhaliilahaas waxa keenay, wakhti wanaagsan oo qabanqaabayaashu helin, maadaama wakhtiga la go’aansaday kal dhaqameedkan in la sameeyo, sidaa u sii fogayn; iyo awoodihii loo baahnaa oo aan si wanaagsan u dhammaystirnayn. Celcelis ahaan, wax wal ba sidii loo qorsheeyay ayaa ay u qabsoomeen.

Xiisaha loo hayay hiddaha iyo dhaqanka waxa aad ka garan kartaa labo arrimood. Ta kowaad, ku talo galku waxa uu ahaa saddex maalmood in ay socoto; bal se maalmo kale oo dheeri ah ayaa lagu daray! Ta labaad, ka soo qayb galayaashu aad iyo aad ayaa ay u badnaayeen, maalin wal ba na tiradoodu kor in ay aaddo mooyaan e’ hoos u ma ay dhacayn! Waxa lagu soo bandhigay agabyo farabadan oo isugu jiray: agabyadii ay Soomaalidu wax ku cuni jirtay, ku cabbi jirtay, ku seexan jirtay; iyo farshaxanno kala duduwan oo macnayaal badan xambaarsanaa. Taasi waxa ay daawadayaasha siisay kalsooni buuxda oo sheegaysa: Soomaalidu in ay gaadhay isku fillaansho dhan wal ba ah! Maadaama Soomaalidu lahayd hal-abuur ballaadhan, oo u saamaxay wax wal ba oo xidhiidh la leh nolosha in ay jaadgooni ka samaystaan, waxa ay gaadhay, xaqiiq ahaan, isku fillaansho buuxda; muddadii burburka iyo qaranjabka haddii, mala’awaal ahaan, Soomaalidu ilaa iyo maanta nabad iyo dawlad haysan lahayd, waxa ay noqon lahayd ummad ka soocan ummadaha dunida, oo tusaale iyo toosiye u noqda dunida oo idil!

Maskaxmaalladu waxa ay dadka ku jalbeebiyeen soojeedimo badan oo ku saabsanaa hiddaha iyo dhaqanka Soomaalida, hodantinnimada Af Soomaaliga iyo ahmiyadda uu qoraalku lee yahay. Axmed Faarax Cali “Idaajaa” oo ka hadlayay ahmiyadda qoraalka, ayaa waxa aan ka qoray weedh murtiyeed farriin iyo macne weyn sidday, oo sidan u dhignayd: “In qoraalku ahmiyad lee yahay, waxa aad ku ogaanaysaa, wixii aan ku waynay qoraal la'aanta!” In wax badan oo aynnu lahayn maanta la haynin, ama dadyow iyo dawlado kale isa siiyeen oo sheegtaan, ama dadyow iyo dawlado kale marti uga nahay, inta ba, waxa ay ina dareensiinayaan, oo si falsafadaysan inoo barayaan, faa’iidada uu lee yahay qoraalku! Waxyaalihii barnaamijka lagu soo bandhigay waxa ka mid ahaa, riwaayad gaaban oo farriinta ay sidday ahayd: dhulka iyo dhaqanka in lagu dhaarto oo la dhaqdo; iyo cayaar dhaqameedyo kala cayn cayn ah. Sida oo kale, waxa lagu soo bandhigay tartan suugaaneed heer sare ah, oo loo qabtay dhallinyaro; hubaashii, waxa ay soo bandhigeen suugaan miisaan iyo murti ahaan ba cuddoon. Qoraa Idaajaa, isaga oo ka falcelinaya dhallinyartaa iyo maansooyinkii ay ku tartameen, waxa uu sheegay, in uu maansada Soomaaliyeed u tacsiyeeyay waa hore, ka dib markii uu arkay xaaladdeeda dhabta ah iyo in ay jirin cid soo noolaynaysa oo xaqqeedii siinaysa; bal se dhallinyaradani ay ku abuureen rejo iyo niyadsami weyn, oo uu haatan rumaysan yahay: Maansada Soomaaliyeed mustaqbal wanaagsan in ay lee dahay! Taasi aniga waxa ay i soo xusuusisay qoraaga Soomaaliyeed, Maanmaal Buureed Gurxan, oo isagu arrintaa sannado hore ku baraarugay, soo na saara qoraallo taxane ah, oo uu magac uga dhigay: “Hal-abuurkii Soomaaliyeed Weli Ma Dhiman”, oo ku soo baxa mareegta weyn ee Maskaxmaal.com.

Waxa ay dhallinyarada ku booriyeen in ay wax bartaan. In ay aqoonta ay lee yihiin u gudbiyaan bulshada. Hiddahooda, dhaqankooda iyo sooyaalkooda barasho iyo faham wanaagsan u yeeshaan. Qabyaaladda iyo tahriibka ka fogaadaan, dadka na uga digaan. Oo ay wax qoraan. Mar kale Idaajaa, isaga oo u tilmaamaya jaamiciyiinta qoraalka iyo muhiimaddisa ayaa uu sheegay, wakhtigan in ay waajib tahay in wax la qoro, oo qof wali ba wixii uu yaqaanno ummadda qoraal uga ga tago. “Wixii aad qortaa muhiim ah”, ayaa uu talasoojeedintiisii ku soo gebagebeeyay. Waa na halkii uu filasoof iyo maanso yahan Cabdi Sinimoo IHUN ka lahaa: “Wixii la qoraa quruumo hadhee / Muxuu hadal qiime lee yahay!” Dhanka suugaanta, waxa uu dhallinyarada kula dardaarmay, maansooyinkii raggii hore na daliil uga keenay, in ay maansadooda ka dhigaan mid aan dheerayn, si loo xifdiyo; isla markaan na halmuceed leh, si loo halqabsado. Waxa uu jaamacadda iyo dhallinyartii ka soo qayb galay ka codsaday, in ay baadhis ku sameeyaan, sababta ay Soomaalidu u tahay ummad murti badan hal-abuurtay, se aan ku dhaqmin!

Waxa xusid mudan, in maalin labaaddii bandhigga, salaaddii makhrib markii la soo tukaday, arrin aan habboonayn madasha ka dhacday! Ardaydu, iyaga oo aad u tiro badan, waxa ay dooneen si degdeg ah in ay ku galaan hoolka; askartu na waxa waajib ku ahayd qof wal in la baadho, si amniga meesha loo sugo. Halkaas waxa ka yimidday isku dhac sababay askartu rasaas nool nool in ay adeegsato! Dhacdadaasi waa mid soo noqnoqota—ma aha Boosaaso oo keliya; waa guud ahaan magaalooyinka Soomaalida! Waa muhiim arrintaas oo kale in si feejigan looga digtoonaado, oo adeegsiga qoriga ay ka dhacayaan xabbadaha wax dilaa, askarta laga qaado. Waxa, in badan oo badan, si gaar ahaaneed isku weyddiiyaa: goorta Soomaalidu ay baran doonto sharciga iyo sharciga dhowristiisa?!

Waxyaalihii igu la yaabka badnaa waxa ka mid ahaa: Jaamacadda Bariga Afrika sida ay u soo qaban qaabisay kal dhaqameedkan oo kii hore ka casrisan—iyada oo aynnu og nahay dawlad mooyaan e’ urur madax bannaan hawshan oo kale in uu san ka bixi karin; hadda na, Jaamacaddu waxa ay muujisay dedaal iyo karti dheeraad ah, taas oo goobjoogayaashii iyo martidii ba ay wada qireen; gabdho aftahanno ah, dadka hortooda iyaga oo geesinnimo iyo kalsooni badan ka muuqato ka soo hor jeediyay maansooyin dhisan, oo qaarkood jawaab u ahaa maqaawiirta maansooyinkii ay dadka la hor yimaaddeen; dad faraxsan, aad u la dhacsan sida ay wax u socdaan, oo qiiro waddaniyadeed awgeed qaarkood ooyay, qaarkood na ku sigtay in ay ilmeeyaan; iyo agabyadii kala duwanaa iyo farshaxammadii hooyooyinku soo sameeyeen! Intaas oo dhan oo la isku daray, waxa ay qalbigayga kaga tegeen raad iyo saamayn weyn! In kasta oo aan ooyin, se aad iyo aad ayaa aan u qiirooday!

Ugu dambayntii, dadka wejiyadooda waxa laga akhrisan karayay farxad iyo qanacsanaan badan! Waxa ay uga dhignayd sidii oo ay mar labaad dhasheen! Qof wali ba waxa uu ku baraarugay—kii horay u ogaa iyo kii maalmihii dhaqanka ogaaday ba—Soomaalidu ilbaxnimo iyo sooyaal weyn in ay lee dahay! In loo tashaday, oo sidan ay tahay eegga, qorshe waayo badan laga fekeray in ay ahayd! Waxa uu qof wal ba, maalmihii maamuuska badnaa (Feebarweri 11 -16) ka dib, irridda ka baxay isaga oo ay maankiisa ka guuxayaan: Ma dhab baa, kal dhaqameedkii labaad ee Jaamacadda Bariga Afrika, waa uu dhammaaday?! Alla! Goorma ayaa ay Soomaalidu heshiin doontaa, oo dawlad ay heshiis ku yihiin dhisan doonaan?! Goorma ayaa ay halyeeyadeedii iyo hal-abuurkeedii ba xushmadayn doontaa?! Tolow ma waxa aan dhimanayaa iyada oo ay tiihan weli ku jirto ummaddaydu?! Aniga na, intaas waxa ii dheeraa: Soomaalidu goorma ayaa ay baran doonaan nidaamka iyo u hoggaansamiddiisa?!

Hambalyo weyn ayaa aan u dirayaa Jaamacadda Bariga Afrika, martidii dalalka fog fog iyo gobollada dalka nooga timid, iyo gaar ahaan, guddigii bandhig dhaqameedkan soo qaban qaabiyay. Waa aad naga farxiseen. Allaah ha idin ka farxiyo. Aamiin. 



FG: Sawirka waxa aan ka soo qaatay Puntlandpost.net













  
W/Q: Maxamed Cabdirisaaq Saciid “Samiik”
Qoraa iyo aqoon baadhe Soomaaliyeed
Boosaaso, Buntilaan, Soomaaliya
   Carte, Feebarweri 17, 2016

Sunday, February 14, 2016

Gabay: “Gobannimada Hoygeeda” — W/C: Cabdiwaaxid Cali Gama’diid

Had iyo jeer, dhaqanka suugaanta caalamiga ayaa ay ka mid tahay, kolka hal-abuurku la kulmo arrin maankiisa ka weyn, ama se dibirrooti ah, in uu ka gabyo oo gobannimada u dhowaado. In sidaa la sameeyo, waa wax wanaagsan oo qofka na maamuus iyo muujin dheeraad ah uu, ka dib gabaygiisa, ku helayo. Suugaanta Soomaalida aad ayaa ay uga buuxdaa. Tiro ma leh inta gabay ee gabyaa tiriyay, kaas oo ujeeddadiisu ku saabsan tahay ammaan uu ujeedinayo deegaan ama hayb gaar ah, ka dib dhacdo qaadanwaa iyo aqbalwaa ku noqotay. Gabyaa Cabdiwaaxid Cali Gama’diid, sida la wada ogsoon yahay, waxa uu arrin isaga u gaar ahayd ka guul gaadhiddeeda uu u yimiddey deegaanka uduga, ama Waqooyi Bari ee Jamhuuriyadda Soomaaliya. Dhacdo uu san filayn, cindigiisa na ku soo dhicin, ayaa ka qabsatay safarkiisii. Lix bilood iyo googo’ ayaa uu u xidhnaa dawlad goboleedka Buntilaan!

In kasta oo xidhitaanka hal-abuurkaas iyo kiiska jaban ee lagu soo eedeeyay badi hal-abuurrada Soomaaliyeed ka cadhoodeen, waxa jirta arrin iyana bogaadin iyo hambalyo u baahan. Si sharaf iyo maamuus ku dhan tahay ayaa loo la dhaqmay muddadii uu jeelka ku jiray. Isagu na arrintaas waa uu caddeeyay waa na uu sugay. Taasi waa gobannimo isaga loo sameeyay. Tu kale oo taa ka sii ballaadhan ayaa iyana xusid iyo xusuusin mudan. Waxaa Buntilaan ujeeddo ‘siidayn’ ah u yimid, wafdi uu hoggaaminayay suldaanka guud ee beelweynta Sh. Isxaaq, Suldaan Maxamed Suldaan Cabdiqaadir. Runtii, si xurmad iyo xushmad leh ayaa loo qaabilay wafdiga, isla markaanna hadal iyo isutanaasul ka dib, ujeeddadoodii loo hirgeliyay. Dhaqanka marti qaabilaadda iyo sooryo hagaagsan u samaynta waa mid Soomaalidu wada lee dahay; waa na mid reer Buntilaan ay aad ugu caan yihiin; wax se taa ka sii miisaan culusayd, arrinta safarka kolka miisaanka siyaasadda iyo garashada waaqica la saaro, ma ahayn arrin dhayal dhayal iyo afgobaadsi lagu dhammayn karayay!!! Suldaanka iyo wafdigiisu na waa ay qireen wanaaggii loo sameeyay. Taasi na waa gobannimo kale oo beesha Majeerteen, oo laylisa dhaqan-siyaasadeedka Buntilaan, beesha Ciidagale iyo guud ahaan Isaaq u sameeyeen.

Dhacdadaasi waxa ay muujisay xidhiidhka qotada dheer ee isirka Soomaaliyeed ka dhexeeya, iyo sida siyaasiyiintu aafada hor taagan midnimada Soomaalida iyo dib u dhiska qarannimadoodii u yihiin. Waxa la oddorosi karaa in ay yeelan karto saamayn ballaadhan oo labada maammul iyo labada beelood ah. Iyo sida oo kale, waddo cusub in ay u furto Soomaalida kale. Cabdiwaaxid Cali Gama’diid, isaga oo arrimahaasi maankiisa ka guuxayaan, waxa la qummanaatay, ama se waajib akhlaaqiya iyo dhaqan gabyaa ku ahayd, dhacdadaa in uu ka gabyo oo aragtidiisa bulshada la wadaago. Waxa na uu curiyay tix gabay ah, qaafiyaddu tahay “G”, oo ka kooban konton iyo lix meeris oo cajiib ah! Magaceedu waa: ‘Gobannimada hoygeeda’. Judh’dha ba isaga oo dareensiinaya ilma adeerradii iyo bulshada guud ahaan, ayaa uu soo gudbiyay kaftan uu kula kaftamay haybta uu gabaygu ku socdo: Majeerteen. Xafladdii ugu dambaysay, ahayd na tii lagu soo sagootiyay, ayaa uu kula kaftamay: “Nimay gobi xidhay hadda na sii daysay baa aan ahay!” 

Ujeeddada gabaygu waa ammaan. Waxa na xuddintiisu tahay muujinta iyo sugidda tixraac iyo aragtidiisa ka dib, gobannimada beesha Majeerteen. Sida aad ka dhadhansan doonto gabayga meerisyadiisa, saddex “D” oo ninka ragga ah gaar ahaan, iyo beesha guud ahaan lagu ammaano, ayaa uu ku ammaanayaa Majeerteen: dood, deeqsinnimo iyo dagaal. Waxa gabaygu u dhigan yahay saddex heer; waa na sidii gabay Soomaaligii hore ahaan jiray: arar, ubuc iyo gebagebo. Waxa la is weyddiin karaa sababta gabyaagu qoys qudha u ammaanay, oo Harti oo samaystay maammulkan u ammaani waayay, ama se maammulka laftirkiisa? Jawaabtu ma aha mid aad u fog! Sida aan kor ku soo xusay, dhaqanka suugaanta Soomaalida ayaa sidaas u dhignaa. Sida oo kale, Gama’diid siyaasad lagu ma sii daynin, ee dhaqan ayaa lagu sii daayay. Sababtaas, ayaa gabyaaga ku xambaartay gabay siyaasadeed in uu ka fogaado, oo gabay dhaqameed u leexdo. Sharaftu na sidaas ayaa ay isaga, beeshiisa iyo raggii hawshooda dhammeeyay ba ugu jirtay. Arrinta kale ee iyana baraarujinta u baahan ayaa ah, Majeerteen gobannimadooda waa mid hortiis rag badan qireen.

Gunaanadkii, waxa halkan hoose aan ku soo gudbinayaa gabaygiisa oo qoraal ah. Waxa aan ka qoray muuqaalka dabarkiisa aan idin la wadaagay. Ibtilada beryahan soo korodhay ayaa ah, qof aan wax ba ka aqoon Miisaanka Maansada in uu Laaxinjire maansada ku shirrabo, dabadeed, halkaa ka dhaliyo natiijo!!! Laaxinjire, laftirkiisa oo qabyo ah iyo isaga qudhiisa oo dood ka taagan tahay ka sakow, Miisaanka Maansada waa xisaab weligeed jirtay, oo hab iyo hannaan la raaco lahayd. Waxa iga xusuusin ah, meerisyada waxa aan ku qorayaa hab dhigaalkayga. Gabayganna sababta aan idin la wadaagayo waa saddex amuurood. Ta kowaad, Gama’diid oo soo cusboonaysiiyay arrin haatan dhaqankeenna ka sii baxaysa. Ta labaad, wakhtiga uu soo baxay iyo saamaynta togan ee uu reebay. Iyo ta u dambaysa, hab curinta tuducyada oo ah gabaygii ugu wanaagsanaa inta aan ka hayo gabayadiisa. Ku soo dhowaada gabaygii “Gobannimada hoygeeda”.


FG: Sawirka gabyaaga waxa aan ka soo qaatay Google.com

OG: Gabyaagu—Gama’diid—haatan waxa uu u xidhan yahay maamulka Soomaalilaan; waxa lagu xidhay gabay kale oo la dhaho “Isha Cali U Fiirsada”, oo uu ku taageeray dhacdadii Faransiiska ka dhacday, Noofembar 13, 2015. Ilaahay SWT xadhiga sharci darrada ah ha ka sii daayo. Aamiin.
_________________________________________________________________________________


v     Waayadan ba waataanan gelin gabay arartiiye
v     Goortaan se maagaan ciyoon gole ka fuulaaye
v     Anoon godallo eeg’eegayn baan idin garwaaqsiine!


v     Gabaygiyo murtidu waa waxaan duunyo goyn karine
v     Waa hibo in gaari heshoo Guulle bixiyaaye
v     Waxaan ahay abwaan gaasabbaxay oo garoomo ahe
v     Geyiga ba nin laga naadiyoo gaadhay baan ahaye
v     Waxaan ahay nimaad garanaysaan gebi ahaantiinu!


v     Affarley laysu geegeeyay bay golaha keenaane
v     Geeddadayda waxa jiifa waan laga gayoonayne!


v     Maahmaahda guunka ah sidii la iska soo gaadhay
v     Gaalleef nin haystoo margaday kaasi waa gocore
v     Nin gadh leh na hadduu bi’iyo wuu garasho liitaaye
v     Waxaan uga gol lee yahay ninkii doora baa garane!


v     Gobaysane halkii aad gaadaweyn geeridii Maxamed
v     Gu’gii caano weyn iyo raggii GUBA ka maansooday
v     Gama’diid markii uu dhintay iyo geesigii Muxummed
v     Taariikhdaa nin garanayoo guurtiyaan ahaye!


v     Gadhcaddaagu siduu ii warramay aman ka soo gaadhay
v     Majeerteenku waa niman gob iyo duul garaad badane
v     Waa boqortooyo gun iyo saldanad aad u gado weyne
v     Waa niman Ilaahay galladay geeskastay tahaye!


v     Inta geelu dheer yahay lo’diyo gaabanow adhiga
v     Intaasay khaldiga guud mareen lays ma gaasiro e’!


v     Abwaannada wax baa laga guntaa yaad galoof noqone
v     Soomaalida ninkii guur damcow yaanad gees marine
v     Meel uu gugu ku dhacay baan og ahay geedo qariyeene
v     Haddii aad dhabeel gaariyiyo golole doonayso
v     Waa inuu hiyiga kaa galaa guri Majeerteene
v     Am ba gooshkan waxaan maagan ahay inaan ka gaataaye!


v     Waa niman martida gooman iyo gacalka ba u roone
v     Gool bay u loogaan nimaan gaajo weyn qabine
v     Gasiinka iyo xeedhyaha gingiman daribta geedaysan
v     Galxood iyo karuur iyo lis iyo gocay dhanaankeeda
v     Waa nimanaan sooryada gobeed cidi ku gaadhayne!


v     Waa nimanaan gaajada ba maqal geelu na u dhalaye
v     Garta iyo markay xaajadiyo geed ka hadal joogto
v     Gar-talawga maantuu magaan gebidhacalaynaayo
v     Ee arrintu na gungumo yeelatee la isku gacan qaado
v     God dhaw iyo anaa goynaya iyo guux markay dhaliso
v     Dar baa xubinka gawgawdha oon goosan weligoode
v     Godka hadalka waa niman heloo cidi ku gaadhayne!


v     Gaal iyo islaam uumiyahan dunida guud jooga
v     Qolo wali ba dhaqan gooniyay gaar u lee dahaye
v     Soomaalidu dagaal laysku go’o kama gaboobaane
v     Guluf iyo col maantay tagto gaydha ololayso
v     Gildhigaankiyo maantuu qarxee galowgu dhiilaabo
v     Gigta ugu horraysuu fuluhu galaw ka siiyaaye
v     Giiryaalahaa laga helaa sidigta gooraane
v     Majeerteenka waa lagu gubtaa geyllan dirireede!


v     Guutuu ninkoodu u dhigmaa goobta lays helee
v     Goray laga ma meersado intuu gabanka noolyeey e'


v     Waxaan hadal ku soo goynayaa ama ku soo gaabshay
v     Anigoon gadaaf iyo afxumo qolo na gaadhsiinin
v     Soomaalida markaan kala guree gees wal ba u eegay
v     Gobannimada hoygeedu waa guri Majeerteene!



Tixraac: [Wiil Xiriiro]. (2015, Luulyo 13). ABWAAN CABDI WAAXID GAMADIID GABAY MAJEERTEEN OO FULL AH. (Gal Muuqaaleed). Laga heli karo: https://www.youtube.com/watch?v=JGnCXj7LR90 


_________________________________________________________________










W/Q: Maxamed Cabdirisaaq Saciid “Samiik”
Qoraa iyo aqoon baadhe Soomaaliyeed
Boosaaso, Buntilaan, Soomaaliya
    Case, Feebarweri 14, 2016