Tirada Soo Booqatay

Friday, January 29, 2016

Warqad Shacabkii Kiinyaatigu Xasuuqeen U Soo Direen MW Xasan Sh. Maxamuud!







Ka: Shacabkii Kiinyaatigu Xasuuqeen
Ku: Madaxweyne, Xasan Sh. Maxamuud







Uguux, Jeenaweri 28, 2015




Salaan sare madaxweyne,


Warka iilka noogu yimid hubaashii naga ma uu san farxin! Welwel, walaac iyo weyddiimo badan ayaa uu nagu abuuray! Waa ay nagu adkaatay in aan rumaysanno; bal se, xaqiiqadu iyada ayaa kugu khasbaysa in aad aqbasho oo madaxa u ruxdo! Ma dhab baa waxa aad samaysay, ee markii aannu maqalnay ilinta iyo murugada badan naga keenay, ee quluubtayada tiiraanyada iyo taaha qiyaas beelka ah ku abuuray?! Horta, aan kuu warranno madaxweyne.

Noocyo badan ayaa aannu isugu jirnaa: haween, odayaal, dhallinyaro iyo carruur!!! Sabab aannu fahmi karin, ayaa dhammaantayo la noo gumaaday! Mudane madaxweyne, waxa aannu ahayn dad ku noolaa xaalad u dhexaysay: rejo beel iyo niyad jab! Deegaankayagu sida aad og tahay, xaaladdiisu ilaa sannadkii galbaday ma wacnayn! Gaajo, harraad, iyo caafimaad xumo ayaa ka jirtay! Heerkii ugu xumaa ayaa ay maraysay! Waxa intaas noo dheeraa, gargaarka degdegga ah ee hay’adaha caalamka nooga yimid, nooga na iman lahaa, waxa is hor taagay, oo dhimashada in aan ku dhimanno go’aan buuxda ku gaadhay, kooxda habaaran ee Alshabaab! Noloshayadu qurux iyo deganaan waa ay ka dheerayd! Si allaale iyo si aannu u noolayn ma aannu garanayn! Ka maalintii naftiisa iyo nafaha uu mas’uulka ka yahay biyo iyo cunto u hela, habeenkii feker ayaa uu ku seexanayay, oo mararka qaar hurdada ba u diidayay!

Kiinya waxa aan is lahayn go’doonkaa dhowrka sanno idin saaran ayaa ay idin ka dul qaadaysaa, oo nabad iyo horumar ayaa ay idiin keenaysaa! Laakiin, nasiib darro, sidaas ma dhicin; ee si dhicisteeda aannu ba filayn, ayaa aannu kala kulannay! Halkii ay ahayd cadowga in ay naga difaacdo, ayaa ay annaga cadow nagu noqotay; oo gaajadii, oonkii iyo caafimaad xumadii jirtay noogu dartay, xasuuq ku talo gal ah! Gantaallo labo dhacaya ayaa ay caanamaal wal ba, quraac, qado, casho iyo biyo nooga dhigeen! Gargaarkii ay noo fidisay dhabtii waa kaas!!! Qaarkayo iyaga oo xoolahooda maalaya ayaa ay madhaafiicdaasi dhakada kaga dhaceen, oo xubin xubin u sarrifeen jidhkoodii! Qaarkayo iyaga oo waxbarasho u socda ayaa la rusheeyay, oo qoloftoodii xoolaha gaajaysan cunto ka dhigteen! Qaarkayo iyaga oo sahan ah oo nolol raadis ku jira ayaa dhexda lagu helay, oo diyaaradaha joogga hoose ku duulaya askarta saaran ku shiish barteen! Qaarkayo iyaga oo geedo hoos hurda, oo safar dheer oo ay soo galeen quustiisii ka gam’i la’ ayaa rejo looga dhigay, gantaallada ukumaysan ee xiinkoodu dhego-beelka laga dhaxlayo! … Maxaa aannu galabsannay madaxweyne? Maxaa aannu ku samaynnay Kiinya, oo sidan cadaawadu ka muuqato noo laysay? Ma noloshii yarayd ee aannu haysannay ayaa ay raalli ka noqon waayeen?! Goobaha askarta Alshabaab ay degganayeen waa ay yaqaanneen e’, maxaa ay uga soo baqeen, oo ay annaga noo soo raadsadeen?! ... 

Madhaafiicdii in ay nagu dhaceen ayaa aannu hubnay; laakiin, in aan u dhimannay waxa aan yaqiinsannay iilka markii na la dhigay!!! Qaarkayo toddobaadyo ayaa ay dhulka warnaayeen, oo bahaluhu ka dhergeen. Qaarkayo la ma dhaqin, kafanna la ma gelin, ee fayras magaclaawe ah goobtaas in uu ka qarxo, ayaa ay walaalo u hilibdamqaday ka baqeen, oo godad yar yar u qodeen, kuna rideen, oo ciid dusha kaga buuxiyeen! Soomaali in aannu ahayn ayaa aannu rumaysnayn. Dawlad aan federaal ahayn in aannu lahayn ayaa aannu rumaysnayn. Madaxweyne weligii Soomaaliya ka bixin, xaaladda tolkiisa xog’ogaal u ah, gargaarka Soomaalida in badan ka soo shaqeeyay, oo dadkiisa jecel in aannu haysannay ayaa aannu rumaysnayn. Gardarrada iyo gaboodfallada ay Kiinya nagu waday in uu ka hadli doono, cod dheer dunida ugu sheegi doono, tallaabo sharci ah ka qaadi doono, oo noo halgami doono, ayaa aannu rumaysnayn. Marka aan dhimanno, in uu guddi noo magacaabayo, aas qaran noo samaynayo, oo Calanka Jamhuuriyadda maalmo hoos loo dhigayo, ayaa aannu rumaysnayn. Dad aan nolosha kaga soo tagnay, in uu noloshooda badbaadin doono, ayaa aannu rumaysnayn … Bal se, wax wal ba waxa ay is beddeleen, kolkii aan dhimannay, ee qabriga aaminaad madhan aannu ugu tagnay! Xaqiiqada waxa noo soo tebiyay walaalahayaga Soomaaliyeed, ee damiirka diineed iyo dareenka waddaniyeed ku jiro, ee geesiyiinta iyo geyllamayaasha ah! Ilaahay ha barakeeyo. Aamiin.

Markii la noo sheegay in aad naga xumaan wayday, dhimashada na loo gaystay ka hadli wayday, si kore iyo si hoose ba, isla markaanna kuwii na dilay, nolosha nagu ololiyay, ee nagu jeesjeesay, dad aan dawlad ka dambayn wixii lagu samayn jiray nagu sameeyay, aad u tacyiyayn iyo u ducayn ciiddooda ugu tagtay, oo weli ba aad u rukuucday; waxa aan si dhab ah u rumaysannay, Kiinya bilaash in ay noo xasuuqin, ee ay ogayd, dad bilaa dawlad ah, oo loo ma ooyaan ah in aannu ahayn, oo sidii ay doonto ka yeeli karto! Wixii ay Keenyaatigu noo gaysteen, waxa naga ga darnaaday, naga ga xumaaday, naga ga welwel iyo walaac batay, falka aad samaysay!! Madaxweyne diintii, dadkii iyo dalkii aad u dhaaratay, xaggee ku illlowday? Soomaali ma nihin miyaa? Muslimiin ma nihin miyaa? Dalkan na lagu addoonsaday, ee hilibyadayadii la daqiiqiyay, Soomaaliya ma ahayn miyaa? Madaxweyne, yaa aad u dhaaratay? Yaa aad madaxweyne u tahay? Ma Soomaali mise Kiinyaati? Madaxweyne, garashadaadu ma waxa ay ku siisay, dhiiggii Soomaaliyeed ee ayda cidlada ah ku qubtay, in aad ka aamusto, oo iska indho tirto; dhiiggii Kiinyaatiga ee xeryahooda lagu daadiyay na aad af dhawaaqdii dhawaaqdo, ka xumaato, oo weli ba aad u rukuucdo, adiga oo dunida tusaya: in aad ka xun tahay, oo in badan ka xun tahay?! Annaga dhiiggayagii yaa ka xumaanaya, oo dunida tusaya?! Ma Uhuuru Kinyaata? Ma Alshabaab? Ma Itoobiya? Ma IGAD? Madaxweyne, taariikhdii, geesinnimadii, iyo gobannimadii Soomaaliyeed  meeday? Ma sidan ayaa ay xaqiiqadaadu ahayd, madaxweyne? Ma aannu filayn runtii!

Gunaanadkii, annaga hadda madaxweyne noo ma tihid, oo waa aannu dhimannay, kaaga ma na baahnin kaalmo; ee waxa aan kaa codsanaynaa, oo weli ba waajib iyo xaq ku saaran ah, walaalahayagii na la duruufta ahaa, ee weli duqaynta Kiinya ku socoto, in aad u hadasho, u diirnaxdo, oo Ilaahay baa badbaadiye ah e’, itaal meel ku geeyo ba aad badbaadiso. Madaxweyne, Soomaali maanta in nool iyo in dhimatay ba waa ay run arkaan shakhsiyaddaada dhabta ah, taas oo ah: dadkii Ilaahay kaa la xisaabtamayay, ee Maalinta Dambe ku weyddiinayay, ee xilku kaa saarnaa in aad dharaar cad dhabarka u jeedisay, oo cadowgii Eebbe iyo kii Soomaalida hiil iyo jacayl siisay, oo u ilmaysay, u na murugootay!!! Qiyaamaha ayaa aannu ku haysannaa, oo Ilaahay SWT hortiisa kaaga ashkatayn doonaa; Ilaahay na waa caddaalad iyo samafal badane. Doorashadaadii waa lagu khasaaray! Wax se khasaare weyn u sugnaan doonaa Soomaalida mar kale naf ku moodda, oo ku doorata!!! Magacaagii iyo martabaddaadii haddii aad ku cayaartay madaxweyne, badbaadi magaca iyo martabadda Soomaalida, maalmaha kooban ee muddaxileedkaagii kaaga hadhsan! Madaxweyne, ha hilmaamin, madaxweynihii Jamhuuriyadda Soomaaliya in aad tahay! Allihii awoodda badnaayow, shacabka Gedo ee labada cadow ku dhex nool u naxriiso, oo badbaadi. Aamiin.




Madaxweyne, is ilaali,



Qabuuraha Gedo, Jubbalaan, Soomaaliya.
















Thursday, January 28, 2016

Aragtidayda Go’aankii Madasha


Shirar laga ga arrinsanayay nooca doorasho ee dalka ka dhici karta ayaa badhtamihii iyo dabayaaqadii sannadkii hore (2015), iyo ilaa shalay ka dhacayay magaalooyinka Muqdisho, Garoowe iyo Kismaayo. Shirkii ugu dambeeyay ee shalay caasimadda ka dhacay, waxa laga soo saaray go’aan, ay dawladda federaalka iyo dhammaan dowlad gobolleedyada Soomaaliyeed, marka laga reebo Buntilaan, ay heshiis ku ahaayeen, isla markaanna Beesha Caalamku si buuxda taageeradeeda u caddaysay, in ay Soomaalida kala shaqaynayso dhaqangelinta go’aankan masiiriga ah na sheegtay. Ra’iisul wasaare Cumar Cabdirashiid Cali Sharmaarke oo shirka guddoominayay,  ayaa warfidiyeenka u sheegay, nooca doorasho ee lagu soo xuli doono aqalka hoose in ay noqon doonto hannaanka beelaha (4.5); aqalka sare na lagu soo xuli doono hannaanka gobolaysiga, iyada oo maamullada Buntilaan iyo Soomaalilaan, si gaar ah loogu sharfay, mid wal ba maamullada kale saddex xubnood in ay dheeraadaan. Hadda ba, Soomaalidu siyaallo kala duduwan ayaa ay uga falceliyeen go’aankaas, xalay lagu gaadhay magaalada Muqdisho, caasimadda Jamhuuriyadda Soomaaliya. Halkan waxa aan kaga hadlayaa aragtidayda go’aankii madasha.

Nidaamka 4.5 ayaa ay Soomaalidu ku soo dhaqmaysay tan iyo labadii kun. Kolka dib loogu laabto doorashadiisii iyo aqbalkiisii, Soomaalidu waxa ay rumaysnayd 4.5 xaq in aysan ahayn, ee xal tahay. Hubaashii ma jirin hannaan aan kaas ahayn oo wakhtigaas fududayn lahaa Soomaalidu in ay heshiiso, oo dawlad ay dhisato; sidaas ayaa 4.5 xal u noqday. Bal se, ka dib qaadashadiisii, Soomaalidu iyada oo ku baraarugsan, oo si wacan u fahamsan caddaalad xumada aragtidaa ku jirta, iyo sida ay u dhaawacayso midnimada iyo wadajirka qowmiyadda Soomaaliyeed, tan iyo labadii kun waxa ay halgan u soo galeen helitaanka nidaam kale, oo kan looga guuro, kaas oo ummadda xaq iyo xal, labada ba u ah. Nasiib darro, la ma helin nidaam labadaas astaamood si weyn looga dhex arki karo. Bal se, walaalaha qaar ayaa soojeediyay maanta ka dib in wax lagu qaybsado hannaanka deegaanka, iyada oo loo laabanayo deegaannadii dawladdii Jaalle MSBarre aqoonsanayd. Waxa keliya ee la raadinayo waa helitaanka nidaam aan ka hor imanayn shuruucda qoran, aan abuurayn qalalaase siyaasadeed iyo xasillooni darro amni, oo aan wax u dhimayn wadajirka iyo midnimada reerka Soomaaliyeed.

Hadda ba, xaqiiqadu waxa ay tahay labada hannaan ba—4.5 iyo Deegaanka—mid na ba xaq in uu san ahayn, xal na ahayn, kelidii! Aragtidayda siyaasadeed ee qaabka doorasho ee Soomaaliya ka dhici karta waxa ay ahayd, sidatan. Iyada oo la eegayo xaaladda siyaasadeed, amni, dhaqaale iyo fikir ee dalku ku jiro; iyada oo la qiimanayo duruufaha jira ee ay muhiimka tahay in la ixtiraamo; iyo iyada oo laga duulayo xeerarka qoran, labada hannaan ba mid na ba in aan la diidin, ee la wada qaato, si la isugu soo dhaweeyo Soomaalida kala danaha ah, ee loollanka danuhu ka dhexeeyo, isla markaanna la badbaadiyo mustaqbalka iyo masiirka qaran ee ummaddan. Run ahaantii waxa ii muuqatay labada nidaam haddii mid ka mid ah si buuxda loo qaato, dalku fawdo iyo dibudhac weyn in uu gelayo. Natiijada ka soo baxday shirkii xalay waxa ay waafaqsan tahay aragtidayda siyaasadeed, ee ku baaqaysay labada ba in la wada qaato, tanaasul in la la yimaaddo, oo laga heshiiyo sida loo soo xulayo labada aqal. Sidaa daraaddeed, taageero badan ayaa aan go’aankaas siinayaa; waxa aan u arkaa mid xal ah, oo wakhtigan la joogo iyo xaaladaha jira ba ku habboon, Go’aankaas masiiriga ah, waxa aan ku baaqayaa in la dhaqangeliyo, oo maamulka Buntilaan iyo beelaha qaadacay ba wada hadal la la furo, wax kasta na il mowduuci ah iyo maskax nabadeed lagu eego, go’aanka codka badan haysta na laga hor iman, ee beddelkeed la taageero, oo Soomaaliya aayaheeda si gaar ah looga fekero.

Ugu dambayntii, madaxweyne Cabdiweli Maxamed Cali Gaas, aad iyo aad ayaa uu ugu mahadsan yahay, aragtida reer Buntilaan madashaas in uu geeyay, codkoodii ku hadlay, oo si weyn u ixtiraamay rabitaankoodiii. Taasi waa daacadnimo wanaagsan oo in la mahadiyaa waajib tahay. Go’aanka uu qaatay, ee uu ku qaadacay go’aanka ay dawladda federaalka, dowlad gobolleedyada iyo Beesha Caalamku gaadheen, waxa uu ka turjumayaa hal-adaygnimadiisa iyo aragti yaqaannimadiisa; sidoo kale waxa ay astaan u tahay, hoggaamiyaha wanaagsan. Sida uu Gaas sheegay waxa uu talada u la laabanayaa waxgaradka reer Buntilaan, oo yeelan doona erayga ugu dambeeya, ee ay dawladda Buntilaan ku dhaqmi doonto. Bannaanbaxyada ka socda maanta guud ahaan magaalooyinka iyo deegaannada Buntilaan, soo dhawaynta waxgaradka ka imanaysa ee ku wajahan mawqifkii Gaas, iyo baaqyada ay soo saarayaan jaalliyadaha Buntilaan ee Yurub iyo Maraykan, intu ba; waxa ay daliil u yihiin madaxweyne Gaas aragti uu lee yahay madashaa in uu geyn, ee keliya turjume iyo tebiye uu ahaa dadkiisa. Xaqiiqada aan og ahay se waxa ay tahay, Buntilaan Soomaaliya in ay ka hadhi doonin, oo si wal ba oo ay u aragto codkeeda in aan la ixtiraamin, hadda na, waa 'Hooyadii Soomaaliya', mar na ba ma oggolaanayso Soomaaliya meel cidlo ah in ay uga tagto! Sidaa awgeed, maalmaha soo socda, waxa Buntilaan laga fili karaa in ay si wanaagsan u soo dhawayso go’aankii Xamar, kana qayb qaadato dhaqan-fulintiisa. Guul ayaa aan u arkaa ummadda Soomaaliyeed u soo hoyatay, go’aankii madasha wadatashiga qaran, xalay lagu gaadhay. Waxa aan ku baaqayaa in si degdeg ah loo sharciyeeyo, hawshiisa na la gude galo. 













W/Q: Maxamed Cabdirisaaq Saciid “Samiik”
Qoraa iyo aqoon baadhe Soomaaliyeed
Boosaaso, Buntilaan, Soomaaliya
Uguux, Jeenaweri 28, 2016

Goormuu Muwaaddinka Soomaaliyeed Qiime Beelay?!


Xoog ku soo galkii Kiinya waxa xigay xasuuq badan oo galaaftay dad iyo duunyo aan tiro sax ah laga hayn! Shicaarkii Kiinya ee ahaa, “Soomaaliya waxa aan u nimid in aan badbaadinno bulshada rayidka ah”, xaqiiqadiisu waxa ay noqotay, “Soomaaliya waxa aan u nimid in aan gumaadno bulshada rayidka ah”! Dawladda federaalka, Amisom, iyo Beesha Caalamku waa ay arkayaan waxa ay samaynayso dawladda Kiinya, hadda na, afkii ayaa sharooto lagu dhejiyay, oo hadal ba waa gam! Beesha Mareexaan, qaar ka tirsan xildhibaannada federaalka, hay’adda culimada Soomaaliyeed, iyo waxgarad badan waxa ay soo saareen warsaxaafadeedyo iyo baaqyo ay kaga dalbanayaan madaxweyne Xasan Sh. Maxamuud, tallaabo sharciga waafaqsan Kiinya in laga qaado, oo dawladdu si dhab ah uga hadasho laynta dadkeeda iyo duunyadeeda lagu wado, mis na lagu been abuuranayo; hadda na, ilaa iyo aminka dawladda federaalku dheg jalaq u ma siinin, dhawaaqaas codka dheer ku baxaya, ee qaybaha kala duwan ee bulshada ka imanaya! Bulshadu waa ay yaabban tahay, in badan!!! Afkii baa juuq gabay!

Ujeeddooyinka ugu waaweyn ee Kiinya Soomaaliya u soo gashay waxa lagu macnayn karaa: raalli gelinta quwadaha waaweyn, iyada oo ku kaalmaynaysa mashruucooda in badan lagu qariyo danahooda siyaasadeed, dhaqaaleed iyo awoodeed, loo na yaqaan: “La Dagaalanka Argagaxisada”, iyada oo Kiinya laga abuurayo argagaxiso, si bulshadaas loo tuso cadow nabadda iyo horumarka u diidan in ay lee yihiin, Soomaalidu na cadowgaas yihiin; in ganacsiga iyo dhaqaalaha Soomaalidu ku lee yihiin dalkooda la abuuro duruufo oggolaanaya in ay la wareegaan, oo hantiyaan; iyo in berriga iyo badda Soomaaliya qaybtooda ka helaan, oo ka mid noqdaan waddamada safka hore ugu jira wax ka helidda qarannimada Soomaaliyeed ee miiska qalliinka saaran! Hadda ba, ma jirto ujeeddo nabadeed iyo horumarineed oo ay Kiinya Soomaaliya u timid! Waa taas xaqiiqada sida qorraxda u cad, ee maalin ba maalinta ka sii dambaysa iftiinkeedu sii baahayo! “Run iyo ilko ba waa la caddeeyaa.”

Iyada ayaa isku doon doonatay Alshabaab, si Alshabaab ay dhibaatooyin uga gaystaan dalkooda, dabadeed ay ka aargoostaan Soomaalida ka mid ah qowmiyadaha deggan Kiinya (Soomaalida Waqooyi Bari), Soomaalida siyaalaha kala duduwan ugu nool dalkeeda, iyo Soomaalida Jamhuuriyadda Soomaaliya ku nool!!! Waxan oo dhan waa qorshayaal sannadooyin soo socday, maaliyado iyo macnayaal badan ku baxeen, oo laga dhalaalinayo arrimo waaweyn oo aan si degdeg ah loo fahmi karin! In kasta oo markii dambe si tuugnimo ah loo sharciyeeyay gardarradii ay Kiinya Soomaaliya ku soo gashay, hadda na, maxaa ay Soomaalidu ka dhaxleen Kiinya, oo ku xusuusan doonaan? “Ninkii timir beera/ Iyo ninkii tiin talaala ba/ Taariikhdu way qoraysaa – murtimaal Cabdiqaadir Xirs Yamyam IHUN.”

Tan iyo markii ay ciidamadoodu ka soo tallaabeen xudduuddooda, waxa si lama filaan ah Soomaalida ugu bilowday cadaab hor leh, oo ugu darsamay cadaabyadii ka jiray dalka, ee kala nooc nooca ahaa! Dawladda Kiinya waxa ay daahfurtay oo iminka akhriyaysaa bogaggii ugu horreeyay ee diiwaankeeda madowga badan, ee “Xasuuqa Soomaalida”, cutubkiisa: “Dagaalka Cir-dhuleedka”. Dhaqangelinta cutubkaas waxa ay ka bilowday deegaannada loo yaqaan Jubbalaan, ee ay ka arrimiso dawlad goboleedka Jubbalaan, ee uu madaxweyne ka yahay, Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe). In kasta oo duqaymaha iyo gumaadka Kiinya ay deegaannadaas ku cabbir go’an yihiin, hadda na, isla gobolladaas ayaa ay maalin ba mid ku tijaabinaysaa, iyada oo ku soo dhuumanaysa dagaal in ay kula jirto Alshabaab, oo ay iyaga bartilmaameed ka dhiganayaan, bal se been iyo khuraafo weyn noqotay ugu dambayn!

Soo gelitaankii Kiinya waxa laga faa’iiday weerar cir-dhuleed ah oo ay ku qaaddo magaalooyin, degmooyin iyo tuulooyin ka tirsan gobolladaas, oo ay si ku talo gal ah u xasuuqdo shacab Soomaaliyeed oo xoolaraacato ah, isla markaanna wax xidhiidh ah aan la lahayn Alshabaab! Mar wal ba oo ay Alshabaab ka aargoosato Kiinya; Kiinya waxa ay dagaal indhala’aan ah ku qaaddaa maatada iyo maxasta Soomaaliyeed iyo weli ba xoolaha oo ay u xisaabiso Alshabaab in ay cunto ka dhigtaan, ama ka tirsan yihiin ba! Waxa ay naf seejiyaan, oo iilka u diraan odayaal, haween iyo carruur badan oo Soomaaliyeed, kuwaas oo iyaga oo jooga baadiyahooda iyo tuulooyinkooda diyaaradaha dagaalka ee Kiinya ay cirka uga soo ridaan bombooyin iyo gantaallo, ay si joogto ah, uga ga dhigaan quraac, qado iyo casho! Boqollaal Soomaaliyeed oo gaajaysan, deegaanka abaartu iyo gargaar yaridu ku mataanoobeen ku nool, ayaa arsaaq looga dhigay madhaafiic culculus oo si degdeg ah ciddii ay ku dhacdo ba qalajinaysa, qolof ahaanna dhulka degdeg ugu tuuraysa!!! Qoysas Soomaaliyeed oo xoolahooda waraabsanayay, carruur malcaamado u socday oo gacanta looxyo ku haysta, reer miyi sahan ku jira oo jid dheer haya, iyo kurayo bannaan cidlo ah jooga oo xoolaha wardaariyaynaya, ayaa ay Kiinya garatay in ay layso, oo askarteeda aan wax ba iska celin karin, aargudasho uga dhigto! “Dagaal nin aan aqoon baa ku orda!”

Qowmiyadda Soomaaliyeed waxa ay ka dhaxashay xasuuq iyo xanaaq badan! Qof wal oo dareen diineed iyo damiir waddaniyadeed leh, aad iyo aad ayaa uu uga gubtay, uga gilgishay, gardarrada iyo gaboodfallada ay Kiinya ka waddo Soomaaliya! Boobka ay Kiinya ku hayso bad-berriga Soomaalida, iyo gumaadka aan loo aabbe yeelayn ee hadh iyo habeen gargaar degdeg ah dhibbanayaasha looga dhigay, waxa ay xusuusta Soomaalida ku reebi doonaan nabarro madmadow, oo mid wal ba Kiinya ay lacnadayso, u na sheegayso, cududdii Soomaalida in aysan dhiman, ee maalin uun laga xisaabin doono halaagga iyo hagardaamada caanamaal wal ba gaysanayaan! Waxa qof wal ba oo Soomaaliyeed ka cadhaysan yahay, rayidka sida ku talo galka ah loo dilayo iyo weli ba ma-yeedhaanka la dabargoynayo! Kiinya waxa ay Soomaalida la damacsan tahay, oo si cad uga muuqata qorshayaasheeda istiraatiijiyadeed, xoolaha nool ee hodanka ay ku yihiin bulshadeennu in ay ka dhigto wax rawaxay iyo wax argagax daraaddii isku shuba, oo marti u noqda, xeryaha xoolaha lagu xanaaneeyo ee dalkeeda ku yaalla; iyo bulshada sida loo gumaadayo in ugu dambayntii aqbalaan Kiinya in ay u hoggaansamaan, oo si aan ka feker lahayn, gobolkaasi ugu biiro waxa muddooyinkii u dambeeyay dawladda Kiinya ku mashquulsanayd, oo ah, samaynta: Midowga Kiinya! Bulshada Soomaaliyeed oo ka badbaadday sidii la la damacsanaa shan iyo labaatan sanno ka hor, ayaa lagu baraarugay jiritaanka Soomaali nool, oo dhaqan; sidaa daraaddeed, mashruuca ay Kiinya Soomaaliya ka waddo, waa dhammaystirka qabyada ku jirta xeerka ah: Cidhibtirka Qofka Soomaaliyeed (CQS)!

Weerarkii ay Alshabaab ka gaysatay deegaanka Ceel-cadde badhtamihii bishan, Jeenaweri 15, 2016, waxa ay ciidamada Kiinya ka dileen askartii ugu badnayd ee kaga dhimatay ciidda Soomaaliya, kuwaas oo tiradoodu boqol sare u dhaaftay!!! Fulaynnimada iyo cabsida weyn ee ciidankooda ku jirta, ee had iyo jeer sas aan guurayn ay ilbidhiqsi wal ba ku casuuman yihiin, waxa ay sababtay kol wal ba oo ay Alshabaab is arkaan, in ay dhabarka jeediyaan, oo qoriga, lebbis-ciidameedka iyo aqoonsiga ka cararaan, oo dabeeto dhabarka laga wada toogto! Maxaa ay Soomaaliya u soo galaysay haddii aysan lahayn awood ay ku joogi karto, ku dhex dagaallami karto, oo ciidankeeda kaga badbaadin karto khatar wal ba oo soo food saarta? Ma sidaas ayaa ay dawlad dhan oo weligeed burburin ku tahay? 10ka wiil ee Alshabaab haddii ay u babac dhigayaan, isla jeerkaa na ka guulaysanayaan, boqollaalka askar, ee sida wanaagsan loo qalabeeyay; maxaa ay Kiinya kaga mid tahay Amisom, oo ku soo kordhin kartaa hawlaha nabadaynta iyo xasilinta dalka Soomaaliya? …

Soomaalidu waxa ay ku maahmaahdaa “Ninkii tiisa daryeelaa tu kale ku dara”, amnigii iyo xasilloonidii gudaheeda ayaa ay la yaabban tahay, oo weerarkii Westigayt muujiyay karti yaraanta iyo aqoon darrada haysata hay’adaheeda amniga ku shuqul leh; maxaa ay Soomaaliya tari kartaa, oo u keeni kartaa? Keedii wax ma u qabato, oo albaabbada iyo daaqadaha furan awdo? Ka dib weerarkaas Ceel-cadde, ee ay Soomaalidu sida weyn ugu farxeen, murugo iyo xanaaq badan oo hayay ka baabbi’iyay, waxa ay Kiinya kaga jawaabtay duqaymo cireed iyo dagaal dhuleed oo ilaa iyo eegga socda, oo waxa ku dhimanaya oo ku dhaawacmaya dad birimagaydo ah iyo xoolo ma-yeedhaan ahi yihiin! Waxa aan garan waayay, oo aan is weyddiiyey: Xoolaha ay laynayaan ma Alshabaab baa?! Mise waa ay qashaan oo cunto ayaa ay ka dhigtaan ayaa loo laynayaa?! Xogaha sugan ee la helayo waxa ka mid ah, Kiinya keliya in ay duqayso meelaha rayidku ku badan yihiin, oo aysan isku doon doonan, weerar na ka geysan, goobaha ay Alshabaab ku sugan yihiin!!! Taasi miyaa aysan fulaynnimo ahayn?! Miyaa ay ahayn calaamad sheegaysa waxa ay ka wadaan gobolka Gedo aargoosi in uu yahay?! Maxaa ay u bartilmaameedsanayaan rayidka ay shalay lahaayeen, badbaadintooda ayaa aannu u soo galnay dalka?! Mise nin dhimasho doon ah, oo qalabaysan waa laga baqayaa aaditaankiisa, bal se, miskiin gaajaysan oo nolol doon ah waa la dilayaa, miyaa xaalku? Waa maxay danta ugu jirta Kiinya laynta Soomaalida iyo xaalufinta xoolaheeda, aan ka ahayn, in ay si dhab ah uga mid noqotay fuliyayaasha mashruuca weyn e’ CQS?

Weligeed qowmiyadda Soomaaliyeed ma ay helin siyaasi shisheeyaha ka difaaca, oo ay si dhab ah, halyey ugu aqoonsadaan, marka laga reebo madaxweynihii kacaanka, Jaalle Maxamed Siyaad Barre IHUN iyo hoggaamiyihii USC, Maxamed Faarax Caydiid IHUN. Sababtu si kasta ba ha noqoto e’, tan iyo barashadiisii siyaasiga Soomaaliyeed waxa uu ahaa dabadhilif weyn oo u adeega gaalada, isla mar ahaantaanna gumeeya garashada ummaddiisa, oo nabarro waaweyn oo taariikhda gala, kaga taga! Shaqada keliya ee uu ka adag yahay waa ku farxidda iyo ka dul geeraarka meydka walaalihii, iyo ka xumaanshaha iyo ka dul tacsiyaynta meydka shisheeyaha! Madaxweyne Xasan Sh. Maxamuud waxa uu xumaan wadaag la yahay raggii ka horreeyay ee taariikhdu xustay! Shaqadii qaran ee ahayd in uu furo, oo goobjoog ka noqdo shirka madasha wadatashiga qaran ee Muqdisho, waxa uu ka qalbi jeclaystay, raggiisii hore in uu san ka hadhin, oo murugada iyo baroorta la soo qaybsado Kiinyaatiga cabaadaya ee ciidamadoodii Soomaalidu ku shahiiday, bartay na dalkan rag in uu lee yahay, oo ay ilaashanayaan! Waxa layaab ah, boqollaalka uu madaxweynaha u yahay ee tan iyo muddo Kiinya baska aakhiro saaraysay mar na ba in uu san ka hadal, ka xumaan, oo waajibkii lagu lahaa gudanin; hadda na, mar wal ba oo ay Soomaalidu adkaysan waydo, is difaacda na dareen murugo ah muujiyo, oo weli ba ciiddooda tago isaga oo qaranka Soomaaliyeed metelaya, si uu ugu soo tacsiyeeyo, oo meydkooda ugu soo duceeyo! Ugu soo duceeyo!!! Duco? Ducooy xaal qaado! “Dhar aanad lahayn dhaxan kaa ma cesho.”

Meydka Soomaalidu ma loo ma ooyaan baa? Bani’aadam ma aha, oo xattaa ‘waa aan ka xun nahay’ oo keliya, ma dambi baa? Goorma ayaa uu muwaaddinka Soomaaliyeed sidan u karaamo beelay, oo dugaagu uga sharaf batay? Goorma ayaa uu muwaaddinka Kiinyaatiga ahi Soomaalida ka helay martabaddan iyo maamuuskan heerka sare leh? Xasan Sh. Maxamuud maanta waxa loo soo dhaweeyay si heer sare ah, sida ay sheegeen madaxda Kiinya; ma in meydkooda uu u duceeyo, iyaga na dhafoorka ka dhunkado, oo raalli gelin u diro ayaa ay heer sare u soo dhawayntoodu daarnayd? Ka Soomaaliga ahi, ee weli ba muslimka ahi, isagu duco ma leh miyaa? Iska daa, aas qaran in loo sameeyo e’, kuwa maalin wal ba iyaga oo nool la ololinayo ‘war ka daaya’ ma jirto miyaa? Xasan Sh. Maxamuud goorma ayaa uu damiirkii bani’aadannimo iyo garashadii xalanayd ka haajireen? Sidee ayaa uu ugu faraxsan yahay walaalladii oo ay dileen, dilkooda in uu ka hadal, wax kale ba iskaa daa o’, mis na cadowgii dilay walaalladii tacsiyayn iyo ducayn ugu tago dalkooda? Maxaa ka si’ ah mudanaha? Tani Soomaalida ma u dambaysay? Xasanna garashadiisu ma sidan baa ay noqotay?! “Aadmi la aragyaa ba, dhib la arag!”

Ugu dambayntii, Xasan Sh. Maxamuud waxa uu darajo iyo guul u arkaa ka aamusidda xasuuqa ummadda uu madaxweynaha u yahay Kiinya hadh iyo habeen ku hayso, halka uu xumaan iyo gef laga galay siyaasadda Soomaaliya u arko iska caabbinta aan tamarta lahayn ee Soomaalidu kaga jawaabayso weerarrada halista badan, ee dad iyo dugaag wax ba aan ka reebayn, ee Kiinya ay waddo! Maanta waxa farxad ah in Soomaalida meel wal ba oo ay joogaan ay taabatay xanuunka lagu hayo qayb jidhkooda ka mid ah, oo uga baahan hiil iyo hoo macnaysan. Sidoo kale waxa farxad ah in ay beenowday si toos ah, shicaarkii Kiinya ee ahaa, “Soomaaliya waxa aan u nimid in aan badbaadinno bulshada rayidka ah”! Magaca Alshabaab in loo adeegsado laynta bulshada rayidka ah iyo waxyeelaynta qarannimadeenna, waxa eeddeeda kowaad iska leh Alshabaab, oo ah urur habaaran oo ay tahay Soomaalidu in ay ka tashato, si wadar ah, oo go’aan uga gaadho. Dawladda Soomaaliya haddii ay wax u qaban waydo shacabkaas lagu soo gardarrooday, ha ogaato kalsoonidii shacabku in aysan jirayn, sidaas na ku noqonayn, kuna sii ahaanayn, madaxda ummadda Soomaaliyeed! Shacabka Soomaaliyeed ilmadu ha ka daadato, madaxweynahoodu na cadowgooda ha u sujuudo, ma ceeb ka weyn ayaa aad garanaysaa, oo maankaagu xusuustaa?! Ha loo sheego madaxweyne Xasan, dhacdada uu maanta sameeyay taariikhda in ay u gashay, oo bogagga lagu kaydiyo laga ga na faalloodo xumaha, lagu daray! Soomaaliya waxa ka muuqata sawirkii Andulus! Waxa ka muuqata sheekadii saddexda dibi iyo libaaxa! Sidoo kale waxa iyana maalin dhow muuqan doonta wejiga xaqiiqiga ah ee Amisom. Waxa aan ku baaqayaa jihaad ka dhan ah Kiinya, oo qof wal ba itaal meel uu dhigo ba looga baahan yahay, in uu ka qayb qaato.

Ilaahay ha u naxriisto walaalaheenna gaaladu sida gardarrada ah u gumaadayso.  Aamiin.


Saturday, January 23, 2016

Warqad Ku Socota Muqdisho









Ka: Maxamed Cabdirisaaq Saciid “Samiik”
Ku: Muqdisho. caasimadda Jamhuuriyadda Soomaaliya

                                                                                                                     




Agaali, Jeenaweri 23, 2016






Salaan sare caasimaddaydii qaaliga ahaydeey,


Muqdishooy, haddii caasimadaha kale marka la arbusho dunidu dhawaaqdo, adigu dunida kama mid tihid, oo ma lihid saaxiibbo diineed iyo siyaasadeed, oo xanuunkaaga si weyn uga murugooda! Waa aad og tahay markii Baariis oo dhiggaaga ah la weeraray, qayladii dunida oo dhan ka baxday, iyo xattaa dawladaha muslimiinta cabsi awgeed, kaalmo maaliyadeed iyo macnawiyeed in ay reer Baariis siiyeen!!! Adigu madi ayaa aad tahay! “Dadnimo ayaa darajo ka horraysa.”

Muqdishooy, caalam dhan ayaa aad ka nooshahay, oo caasimad u tahay! Hubaashii dadkaagu badankii kuma necba, ee xaqiiqdii waa ay ku jecel yihiin, kugu faanaan, oo agtooda qaddarin iyo maamuus badan ka lee dahay. Qofafka dullaysan, habaaran, ee dhuuniraaca ah mooyaan e’, ummaddu inteeda kale waa ay caafimaad qabtaa, oo nimcooyinkaaga in ku casuuman, iyo in naawilaysa ba isugu jiraan. Laakiin ...

Laakiin, dadkaagu tayo ma leh, oo xiniinyihii ayaa laga siibay! Runtii waa halka lagaa ga soo dhacay!!! Cabsi badan oo badan ayaa feedhaha loo geliyay, oo dabadeed, lagu aabudhay! Waa sababta, fool xumada lagu gu samaynayo uga damqan la’ yihiin, ee ay nolosha dullinnimadu iyo darxumadu ku wada dhan yihiin u qaayibeen!!! Tani ma aha, markii kuugu horreysay ee noloshaada; sidoo kale na ma noqon doonto, markii kugu dambaysay. Xamareey ha illaawin sooyaalkaaga! Shalay dad baa wax kaa dhigay, ciiddaada cammiray, oo fooqaq dhaadheer kaa dul dhisay, oo beero indhuhu ku doogsadaan, calooshu na midhahooda caashaqaan, kaa dul beeray.

Waa seban iyo xaaladdii e’, waa duni habaaran iyo araggeed e’, mid uun maanka ku hay.. Halyeeyadii kugu dhaadan jiray, ee qalbiyadooda iyo indhahooda buuxisay, weli ma dhiman, ma na dhammaan! Haa, waa ay nool yihiin. Maalin baa, si aan la qiyaasi karin, qashinka iyo qaab darrada kaa muuqda kaa dhaqi doonaan, oo bilicdii iyo qiyamkii aad lahayd kuu soo celin doonaan. Alla maxaa aad maalintaa farxi doontaa! Oo aad adiga oo ilmaynaya dhihi doontaa: “Baariis duni baa ay heshay, bal se anigu dadkaygii baa aan helay! Alla qiime badanaa ubadkaygu, oo jacayl miidhanaa!” Qooryoomidda inshaa Allaah waa aad ka bixi doontaa. “Inan iyo ninkii aabbihii dilay way is moog yihiin.”


Gunaanadkii, habeen hore qaraxyadii ciiddaada laga fuliyay, ee dadkaagii qaar ay ku dhinteen, qaar ay ku dhaawacmeen, qaar kale na ay argagax iyo murugo la hoydeen, ilaa iyo wakhtigakanna la nool yihiin, dhabtii aad iyo aad baa aan uga xun ahay! Haa, waa sidaas! Haa, waa aan hubaa mar na ba sidaas anigu in aan aan samayn lahayn! Waayo? Jacaylka aan kuu hayo ayaa aan mar na ba fal xumadaas aqbali karin!!! Waa xaqiiq dunidu in ay rabto, in aad tirtiranto, oo ma-jiraan noqoto; laakiin, aniga iyo inta ku jecel ee weli dareenka diineed iyo damiirka waddaniyeed ku jiro, dhagartaas ma yeelaynno. Run ahaantii waa aannu ka dagaallami, oo sharaftaada badbaadin. Ilaahay waxa aan kaaga baryayaa hooyooy, in aad noolaato, oo nolol uu Ilaahay raalli ka yahay ku noolaato. Muqdishooy horay u soco, waa lagaa dambeeyaaye.












Muqdishooy guulayso.



Boosaaso, Buntilaan, Soomaaliya. 

Muqdisho: Hooyadii Qaraxyada!!!


Sawirkan ma ujeedaa? Bal si fiican u dhugo, oo uga il buuxso? Khadka cas dadka ku jira aad ugu daymasho dheerow. Sawirkan macnihiisa ma fahmi kartaa? Inna ba ma garan kartaa dareenka uu ka turjumayo waxa uu yahay? Bal feker, oo mala’awaal, dhacdada sawirka! Maxaa kuu baxay? Wax sidee ah?

Waa natiijo ka mid ah, weerarkii fulaynnimada ahaa, ee habeen hore makhaayadaha caanka ah, ee Liido Sea Food, iyo Beach Café, kooxda Alshabaab ay ka fulisay! Dhacdadaasi, waxa ay noqotay mid aad u saamayn badan, oo quluubta ummadda Soomaaliyeed aad u gilgishay, taas oo ilaa hadda murugadeeda, dad ay koomo ugu jiraan, dad kale na naxdintii iyo argagaxii weli la nool yihiin!!! Dadka argagaxaas la nool, ee weli xusuustooda ka daawanaya, si toos ah, halaaggii halkaas ka dhacay waxa ka mid ah, Cabdifataax, wiilka sawirkan ka muuqda, qaybta khadka casi ku wareegsan yahay! Waa muwaaddin Soomaaliyeed oo dhibbane ah! Waxa uu la nool yahay mashaqo weyn, oo aynnaan qiyaasi karin innagu. Kaba soo qaad, mushaqadii ugu weynayd, ee qof bani’aadam ah ku dhacda, in ay tahay.

Saddex ka mid ah walaaladii, oo labo gabdhood iyo wiil isugu jira, oo weli ba, gabdhahaasi mid ka mid ah ay uur lahayd, ayaa qaraxyadii goobtaa ka dhacay ku geeriyooday!!! Niciima, Fardowsa iyo Cabdiqani, caawa waa ay inaga hooseeyaan! Sida aynnu ujeedno, waxa uu hubsanayaa, oo uu aqoonsanayaa, wejiyada walaalihii. Tolow ma run baa, oo qofkan maydka ah ee dhulka waran, ma walaashaa baa? Sidaas ayaa uu u fekerayaa, marka uu walaashii marada saaran, qaybta wejiga ka fayday! Waa sababta uu walaalkeen, Cabdifataax, dhab ahaantii la murugoonayo! Waa sababta ay ilmadu xoog uga timid, ee midabkiisu u qayirmay! Waa sababta aan anigu la ooyayo, ee igu khasabtay, maqaalkan kooban, in aan ku eego arrimo muhiima, oo mudan in wax la iska weyddiiyo. Akhriste, bal suurayso oo qiyaas, dhacdadaasi haddii ay kugu dhici lahayd adiga, sida dareenkaagu uu noqon lahaa, iyo caalamka aad ehelkiisa ka mid noqon lahayd caynkiisa!!! Ma fekertay? Natiijo caynkee ah baa kuu soo baxday?

Doontii Soomaaliya markii ay badda gunteeda hoose fadhiisatay, dadkii saarnaa iyo alaabihii ay sidday ba wax ka badbaaday ma jirin! Haddii ay wax ka badbaadeenna, waa farokutiris! Muqdisho, caasimaddeenna qaaliga ah, waxa ay ka mid noqotay, oo ay ilaa iminka calanka u siddaa, magaalooyinka Soomaaliyeed ee burburkii Soomaaliya ka dhacay, saamaynta ugu weyn u gaystay, ee ilaa iyo aminka lagu jahwareersan yahay, furdaaminta xeeladaha xaaladdaa laga ga saari lahaa. Muqdisho, waa magaalo nasiib darran, oo ayaankeed in badan ka hadhay! Magaalo ahaanteedu u ma xuma, oo shakki la’aan waa boqoraddii Afrika; ee muuqaallada nololeed ee ka jira ayaa sidaas foosha xun ka dhigay, haddii aan wax laga beddeli na, meel ka sii xun ku summadayn doona! Waa magaalo dulman, oo shan iyo labaatankii sanno ee ugu dambeeyay cimrigeeda, si weyn u marti gelisay, jaambiyoonka weyn ee qaraxyada halaagga badan wata, ee ay bil iyo sannad ba ku tartamaan shabakado kala ujeeddooyin ah, oo koobka ay tiigsanayaan magaciisu yahay: “Cidhibtirka Qofka Soomaaliyeed (CQS)”!

Ururradaas kala aragtida, siyaasadda, danta iyo xeeladaha ah, bal se mid wal ba uu u ordayo, hantiyidda koobkaas weyn ee qaaliga ah, ee malaayiinka doolar ku qiimaysan, waxa ay Soomaaliya guud ahaan, Xamar gaar ahaan, ka dhigeen wacdaro layaab leh, oo dunidu ay daawadayaal ka tahay, Soomaalidu na siidhwalayaal ka tahay! Diiwaanno sooyaaleed ayaa laga samayn karaa, iyo weli ba filimmo in badan aadamuhu daawado, dhacdooyinka mucjisada ah, ee mid wal baa in lagu xusuusto qalinka ku duugay! Reer Muqdisho, waxa ay ku dhex nool yihiin god afkiisu yar yahay, calooshiisu weyn tahay, oo masas madaxyo waaweyn hoy u ah, oo ay ku dagaallamayaan! Maalin ba qof ahaan iyo wadar ahaan, mid ka mid ah masaskaas qaniinyadiisa, ayaa ay u dhintaan, ama se u dhaawacmaan! Dhibaatada jirtaa waxa ay tahay, xayawaannadaas waxa ay doonayaan iyo cidda soo dirsatay, weli si cilmiyeed loo ma gorfayn, oo indho Soomaaliyeed lagu ma baadhin!

Dalkani cudurka loo yaqaan ‘qaranjabka’ marka uu haleelay, ee sidii gaadhi bool bool u kala daatay, waxa fursado dheeman ah helay, kooxo dhuumalaysi ku jiray, ama waagii dambe madaxa la soo baxay, iyo kooxo jabkaas ka dib yimid geyiga, oo duni sharci iyo la xisaabtan ka jirin ka fushaday/ka fushada, ujeeddooyinkooda macnayaasha badan. Dhanka kale, bulshada oo lagu sheegi karo mid itaal daran, oo baahi badan qabta, ayaa shabakadahaasi siyaalo kala duduwan baahiyadaa uga faa’iidaysteen, oo shacabkii laga dhigay, wan weyn oo nin ba si u quudiyo, danta laga lee yahay oo qudha na tahay ku dagaalamidda, ciddii wankaas calfan lahayd, ee caloosheeda ku hubsan lahayd!!! Waa bartaas; barta loollanka shaatiyada badan ee Soomaaliya ka jira ku xididaysan yahay. Waxa is dagaalaya, ee isu muuqda, waa atoorayaasha riwaayadda cajiibka ah, ee “MA DHAMMAATO”; bal se, sida filimaanta lagu yaqaanno, cidda dhimanaysa, dhaawacmaysa, ee dhibaataysan, waa bulshada, oo ah masrixii lagu jilayay riwaayadda. Sheekada Muqdisho ka socota, halkaas ayaa ay ka abuurmaysaa, xaqiiq iyo garasho ahaan ba, dhismaheedu. “Biyo meel godan bay isugu tagaan.”

Haligayaasha Xamar ka hawlgala waxa ay adeegsanayaan, shicaarro kala duduwan, oo diin, waddaniyad iyo fikir u laabanaya, iyo xirfado aad u tayo iyo tiigsi sarreeya, oo ay ka muuqdaan farshaxannimo heer sare ah, oo cuddoon. Si loo cidhibtiro qof Soomaali ah, waxa ay u baahan tahay farsamooyin wax-ku-ool ah iyo rag carbisan oo guulo ka soo hoyn kara, shaqooyinka loo dirsado. Weyddiimaha ugu waaweyn ee ay tahay in aan is weyddiino waxa ka mid ah: Maxaa Soomaalida loo laynayaa? Ciddee laynaysa? Yaa ay u shaqaynayaan? Dalkan yaa loo wadaa in uu la wareego, oo dadkiisa keensado? Ma jiraan sababo macnaynaya xidhiidhka togan ama taban ee ka dhexeeya shabakadahaas? Soomaalida Mashruuca Cidhibtirka soo qaatay, waa maxay danahoodu? Intee in le’eg ayaa gumaadka rayidka lagu hayo sii socon doonaa, iyo boobka keysaha muuqda iyo qarsoon? Waa ayo cidda Soomaalida, gaar ahaan reer Muqdisho, nabadda u diidan? Waa ayo cidda Maxaakiimtii Islaamiga oo lix bilood nabad dunidu keeni wayday keentay ololiyay, ee wanaaggoodii baasiin ku qabtay? Waa ayo cidda qabqablayaashii gacanta siinaysay, ee markii dambe na si siyaasadaysan qaarkood u soo saaray? Waa ayo cidda ka dambaysa, ee runta ah, falalka amni darro ee caasimadda ka dhaca, habeen iyo maalin ba? Caalamkii mushkiladdii Burcadbadeedda Soomaalida xaliyey, ee weli ba hub iyo rag ku socodsiiyay qorshahoodii, haddii ay mushkiladda Alshabaab u aqoonsadeen “Mushkilad Caalamiya”, maxaa ay sagaal sanno oo dhan weli kooxdaasi u tahay mid jirta, nool, oo shaqadeedii si fiican u qabsanaysa? Dawladda Soomaaliya iyo kooxdan xidhiidh noocee ah baa ka dhexeeya? Sidoo kale maamullada siyaasadeed ee dalkeena? Run ma ka tahay Beesha Caalamku Soomaaliya in ay nabad iyo kala dambayn hesho, oo ummaddu mar uun, tiihan dabadheeraaday ka baxdo? Maxaa Muqdisho oo qudha loo bartilmaameedsanayaa, oo degelladii kale la is kaga dhaafay? Amisom yaa dalka keenay? Baahidee iyo sharcigee ayaa ay ku yimaaddeen? Xasuuqa ay maatada ku hayaan yaa ka mas’uul ah? Intee in le’eg ayaa ay dalkeenna sii joogi doonaan? Ciidan Soomaaliyeed oo tayaysan maxaa loo dhisi la’ yahay? Yaa hortaagan? Maxaa ay ku diidayaan? Labo iyo labaatanka kun ee Amisom, oo lagu daray tobannaanka kun ee ciidamada Soomaalida, ma lix kun oo kala firidhsan, oo Alshaabaab ah, ayaa ay ka adkaan kari waayeen? …

Runtii waa weyddiimo aan si dhab ah looga jawaabi karin, ama la doonayn haatan in laga jawaabo. Abaabulka qorshaysan ee caasimadda ka socda, ee maalin wal ba, xubno bulshada ka mid ah, oo qaali ah ku dhintaan, waa aan ku garaadsaday; maanta oo aan shahaaddadii labaad ee jaamacadda diyaarinayo na, waa anigan is weyddiinaya, ee aan u soo bandhigayo bulshada, si ay ugu yaraan isu weyddiiyaan, ama ciddii jawaabaha saxda ah haysaa, bulshada u la wadaagaan. Arrinta ugu weyn ee aragagaxa badani waxa ay tahay, dadka Soomaaliyeed guud ahaan, bulshada reer Muqdisho gaar ahaan, waa ay xukuman yihiin! Waxa ay ku xukuman yihiin dil; naarta dunida madax madax in ay ugu dhacaan, qof iyo wadar ahaan, oo aysan istaahilin ifka in ay sii joogaan, oo ayaamo neecawda qabow macaansadaan! Taa waxa ka argagax badan, arrintaas in aysan ogayn ama, weli ay ku baraarugin, reer tolkay! Qaraxyada Xamar ee sida roobka uga da’aya waa Ciqaab Wadareed laga dan lee yahay, qorshaha dhimashada in lagu soo dhaweeyo maadaama, quus laga muujiyay tirada wakhti ee ay qaadanayso, dhimashada qof qof!

Xamar waa ay buuxdaa, hadda na, waa ay aamusan tahay! Waxa aad mooddaa astaanta aamusnaanta in la wada aqbalay, ama ugu yaraan dan loo arkay. Taasi na waa midhihii argagaxa joogtada ah, ee sanooyin badan laga shaqaynayay! Sababta ugu weyn waxa lagu macnayn karaa, kalsooni xumo heerkii ugu sarraysay gaadhay, oo dawladda iyo u dhexaysa shacabka, iyo sidoo kale, shacabka laftirkiisa! Dhibaatada ugu weyn ee la soo deristay aqoon baadhayaasha iyo xog raadiyayaasha waxa weeye, in ay adag tahay sida loo helayo sheekada Xamar cidda si runta ah u haysa, ee uga faalloon karta; iyo weli ba, sida helitaan ka dib, dadkaasi ay ugu kalsoonaan karaan xogaha ay bixinayaan in aysan uga imaanin dhibaato, amnigooda iyo noloshooda waxyeelaynaysa. Runtii waa dareen jira, oo in la garawsado ay tahay, xog bixiyayaashu in aysan si qumman u kala garan karin, xogaha ay hayaan cidda ay tahay in ay la wadaagaan, ama la wadaagin! Waayo? Waxa ay kaaga warramayaan, shaatiyaal badan oo dad loogu soo dhuuntay, ka dib markii ay warrameenna, isla habeenkii cir iyo dhul meel la geeyay la garanayn; laga ga samray dhimasho! Shaatiyadaas waxa ka mid ahaa, shaatiga aqoon baadhista! Aqoon yahanno ayaa rumaysan, shaatiga ugu badan ee rag badan eersadeen, in uu yahay.

Haddii shalay madaxda la dilayay, maanta waa rayidka! Dilalka qorshaysan ee lagu qorifuray samafalayaasha, lagu na xijiyay dhakhaatiirta, lagu saddexeeyay saraakiisha, dabadeed, culimada iyo siyaasiyiinta laga dabageeyay, ee tan iyo burburkii socotay; waxa maanta liiskaas lagu daray, bulshada rayidka ah, ee aan wax ba galabsan, wax na ka ogayn cayaaraha socda, ee halista badan! Haddii shalay xarumaha dawladda iyo la qarxin jiray xarumaha hay’adaha shisheeye, maanta waxa la qarxiyaa goobaha ganacsi iyo goobaha bulshadu ku kala war qaadato! Qarxiska ku socda iskuullada, hoteellada, jaamacadaha, makhaayadaha, iyo masaajiddada macnayaal badan ayaa uu lee yahay. Waxa ka mid ah, dhallinyarada dalka gudihiisa wax ku baranaysa in la hammijabiyo, oo tahriib iyo xagjir, ka ay dooranayaan lagu kala daro; iyo koox wal ba oo wax og ama goob wal ba oo xog muhiim ahi ka dhex muuqato in la xannibo; la baabbi’iyo. Mar wal ba oo aan soo xusuusto Muqdisho, sawirka ugu horreeya ee maankayga ku soo dhaca, waa qarax iyo saamayn nafeed iyo hantiyeed oo uu gaystay. Sawirkaas, maankayga ilaa yaraantaydii, ayaa uu ku jiray. Waa sababta aan Muqdisho, ugu yeedho: “Hooyadii Qaraxyada!”. Maalin wal ba waxa ay foolataa qarax halaag badan sababa! Qaraxyada aan xusuusto, marka aan degan ahay iyo marka aan mashquulsan ahay ba, waxa ka mid ah: Qaraxii Shaamow, Qaraxii Santaraal, Qaraxii AlJasiira, Qaraxii Saxafi, Qaraxii SYL, Qaraxyadii Madaxtooyada, Qaraxii Wasaaradda Hargaha iyo Saamaha, Qaraxii Wasaaradda Hiddaha iyo Tacliinta Sare, Qaraxii Makka Al Mukarrama, Qaraxii Saxafi, Qaraxii Weheliye, Qaraxii Village, Qaraxii Maxkamadda, Qaraxii Jubba, IQB. Qaraxyada Liido na waxa ay bahwadaag la yihiin kuwaas faraha badan! Waa qarax cusub oo xusuusta maankayga ku talaalmay!

Sannad wal ba dhammaadkiisa waxa aan qoraa maqaal aan ku eego, dhacdooyinka ugu waaweyn ee sannadkaas lagu xusuusan karo. Waxa la yaab leh, oo fajac mudan, sannad wal ba dhacdooyinka ay Muqdisho qoraalladayda xusuusta ku lee dahay, in ay xume ka warramayaan, iyo gaar ahaan, dilal iyo dhimasho in ay ka muuqdaan. Bal i la arag qoraalkan: “Sannadkan Sii Galbanaya (2014): Milicsiga Dhacdooyinkii Mudnaa”; bal sidoo kale, kanna i la arag: “Sannadkan Sii Galbanaya (2015): MilicsigaDhacdooyinkii Mudnaa”, maxaa kaaga baxay?! Dadka Muqdisho waxa ay noqdeen kalluun badweyn ku jira, oo dawlado kala mashruucyo iyo qorshayaal ahi, si bilaa sharci ah, u jariifayaan! Aamusnaantu haddii ay tahay dhaqan Xamar loogu yimaaddo, sida haatan hawluhu ay u socdaan, waxa soo baxaysa natiijo ah, aamusnaanta lafirkeeda in la cadaabi doono, oo dadka laga hadalsiin doono. Sidaa awgeed, haddii ay reer Muqdisho xaaladdooda si diinaysan iyo falsafadaysan u beddeli waayaan, ha ogaadaan dhagxaanta naarta ah ee firirradoodu dab lafaha burburinaya ka dhashaan, in quraac, qado iyo casho looga dhigayo, weli ba meel fog looga keenayn! Boqollaalka qof ee dulmiga isku bahaystay, ma laha awoodda ay ku hareerayn karaan, garaadka iyo doonista ummadda, haddii aysan kumannaanka qof damacoodaa waallida ah ka oggolaan. Haddii fursaddaas loo oggolaado, Muqdisho waa ay ka gudbaysaa "Hooyadii Qaraxyada", oo waxa ay noqon doontaa "Hooyadii Qubuurayaasha"!

Aan ku soo gebagebeeyo maqaalkayga, nabadi ma dhawa inta nabad-diidayaashaasi ay ka itaal iyo feker roon yihiin nabad-doonayaasha aamusan, ee cabsida isku illaaway! Maalinka cabsidaas la iska faydo, ee fulaynnimada ceel dheer lagu hubsado, ayaa si run ah loo hubaa, shabakadahaasi in ay fashilmi doonaan, oo bulshadu nolol ay weligood ku raaxaysan doonaan, heli doonaan. Arrintaas geyllan iyo kacdoon kama maaranto. Waxa loo baahan yahay halyeeyo dhallinyaro iyo waayeelo isugu jira, oo guntiga xidha, oo nafahooda u sadaqeeya taariikhda cusub ee Soomaaliya; si ummaddu gobannimo iyo barwaaqo ugu noolaato gadaashood. La ma moodo in aynnu nahay, dadkii is beddel samaynta laga sugayay, ee xaaladda ummaddooda beddeli lahaa! Malaha waxa aynnu sugaynaa quruumo qarsoon oo inoo gargaara, oo nolosheenna qurxiya! Taasi in aysan suuragal ahayn, oo ay dhacayn, ayaa aan hubaa, adigu na hubtaa. Hadda ba, maxaa inoo dan ah? Ma fadhiga in aynnu sii macaansanno, iyo fadhikudirirka? Mise in aynnu kacaan muuqda, oo wax beddela hirgelino, dalka iyo dadka ba badbaadinno? Aniga ta dambe ayaa ay dhabtii i la tahay, ii cuntanta, oo qarannimadeennu dhegta igu sheegaysaa, si hoos hoos ah. Innaga oo ka duulayna xikmadaheenna miisaanka culus, ee ay ka mid yihiin: “Waa aan baahan ahay bakhti loo ma cuno”; “Haddii aad dhimanayso dhereerka waa la iska duwaa”, “Col hortii baa la hub samaystaa”, iyo “Haddaad dhimato geeridu mar bay nolosha dhaantaa” aynnu diinteennii iyo dhaqankeennii ka tagnay, soo ceshanno, oo shuruudaha jiritaanka ummaddeenna ilaalinno. Aynnu ku dagaal galno halkudheggan: “Ama nolol, Ama Geeri”, oo oggolaanno in aynnu rogmanno, si jiilasheenna dambe ay u raaxaystaan. Haa, ay u raaxaystaan. Adigu ma nolol baa aad haysataa?!

Bal hooyadan Soomaaliyeed, ee miskiinta ah, iyada iyo wiilkeeda maxaa ay galabsadeen, oo dhiiggooda loo bannaystay? Ma daawan karnaa xaaladdan? Anigu maya. Adigu na? Alshabaab qabiil ma aha, ee waa aydiyoolajiyad e’, aynnu culimo iyo caamo ba iska kaashanno, dabargoyntooda; iyaga iyo shabakadaha kale ee muuqda, ama qarsoon, waa cadowgeenna nolosha iyo dawladnimada. Walaalihii hawada furan u yimid Liido, ee laydha macaan in ay ku raaxaystaan galabnimadii guryahooda uga soo baxay, ee farxaddii ay raadinayeen murugo looga dhigay, waa farriin la ina siiyay oo ay tahay, in aan ka falcelinno. Hantida ka burburtay bulshada, gaar ahaan labadii makhaayadood, ee Liido Sea Food iyo Beach Café, waa la heli karaa e’, walaalihii farxad-doonka ahaa, ee iilka la dhigay, ma la heli doonaa?! Ma la heli doonaa?! Yaa?

✔ Gobonnimo sun baa kaa xigtoo lays ma siin karo e’
            
✔ Waa Sarac ku baxa dhiig rag oo lagu Sadqeeyaaye

-       Geylame, gabyaa iyo geesi: Xaaji Aadan Axmed “Afqallooc” IHUN


Ilaahay wanaag iyo darajo badan ha siiyo ciidamadii cadowga la xisaabtamay, ee ku guulaystay hawgalkii ay qaadeen. Ilaahay ha u naxriisto intii dhimatay. Qoysaskoodii samir iyo iimaan ha ka siiyo. Inta dhaawacantay na caafimaad degdeg ah ha siiyo. Cadowgeenna na ha jabiyo. Aamiin. Aamiin. Aamiin. 

FG: Sawirrada waxa aan ka soo xigtay Faysbuugga. 














W/Q: Maxamed Cabdirisaaq Saciid “Samiik”
Qoraa iyo aqoon baadhe Soomaaliyeed
Boosaaso, Buntilaan, Soomaaliya
Agaali, Jeenaweri 23, 2016