Tirada Soo Booqatay

Wednesday, December 23, 2015

Laacibkii Lawaayay!!!

Qofku waxa uu san aqoonin waa u cadow. Sidoo kale, xiise badan barashadeeda haddii uu ka galo aad ayaa uu ugu dhibaatoodaa. Cabdiqani waxa uu jecel yahay isla markaanna feker iyo dedaal badan ku bixiyaa barashada kubbadda cagta iyo cayaartoy wanaagsan noqoshadeeda. Hase ahaatee, xiisahaa aadka u badani ilaa iyo eegga kuma guulaysan. Dhibaato badan ayaa ka qabsatay gaadhitaanka iyo xaqiijinta hammigiisa. Dhiirrigelintu waa shidaalka ugu weyn ee qofka ku haga garashada toobiyaha dhow ee san ee geeya waddada guusha isla jeerkaas na ku kaalmaysa halabsiga helitaanka himilada loo halgamay. Dabeecadda nolosha iyo sunanka kowniga ah ayaa, caqabadaha guusha ka horreeya, ee qorshe, istiraatiijiyad, aragi iyo hammi sare ku marid la’aanteedu soo xidhxidha rejadii la qabay iyo waayihii la filanayay, ay dhabtii ka mid tahay. Hubaashii yoolkiisii ma aannu gaadhin. Caqabado badan ayaa arrintaas sabab u ahaa. Tani waa caqabaddii ugu dambaysay ee Cabdiqani la kulmay. Waa na tii quusisay ee geyllankii uu muddo soo waday in uu halkeedaa ku dhaafo sababtay.

Garoon ka mid ah garoomada casriga ah ee roogga lagu goglay ayaa uu yimid isaga iyo koox uu u dheeli jiray. Habeenkaa kooxdiisu koox aad u adag ayaa ay la cayaarayeen. Waa koox ay xafiiltamaan oo kulankii kan ka horreeyay saddex gool uga ga soo adkaadeen. Cayaar adag oo la wada sugayay ayaa ay ahayd. Sidaa awgeed, daawadayaal badan ayaa wakhtigooda qaaliga ah u soo huray. Waa goob boos aad ka fadhiisato aadan heli karin. Waa goob sawaxanka iyo qaylada ka jirta aadan malayn karin. Dhisme ahaan waa meel weyn oo dhererkeedu 45 mitir yahay. Ballaceedu na 20 mitir. Oo qaybo kala duduwan leh sida: qayb lagu jimicsado (GYM), qayb meherad ah oo biyaha, buskutka, iwm lagu gado iyo qayb lagu cayaaro. Ma ahan garoon weyn. Waa garoon kooban oo naadi wal ba toddoba cayaartoy laga rabo, kuwaas oo mid ka mid ahi goolhaye yahay. Qaybta cayaarta waxa dhan wal ba kaga wareegsan biro dhaadheer iyo shabagyo isa sudhsudhan, kuwaas oo banooniga ka ilaalinaya laaditaan ka dib xerada in ay ka baxdo. Nalka shidan ma ahan mid shirkadi lee dahay; ee waa mid ku shaqeeya soolar oo ifkiisu na aad u awood badan yahay. Saacaddu waa siddeeddii habeennimo oo gow ah.

Kooxdu waxa ay isugu jirtaa xiddigo cayaarta kubbadda cagtu xirfaddooda tahay iyo qaar aan aqoon bal se siyaabo kale looga faa’iidaysto; tusaale ahaan, naadiga dhanka dhaqaallaha in ay ka kaabaan. Kolka ay is dacaayadaynayaan oo qoladaa hore qolada dambe ceebahooda ay ka warramayaan, waxa ay ku dhahaan “nuur kubbadeed ayaa idin maray’. Isagu waxa uu ka mid ahaa qoladaa dambe ee dacaayaddaasi ku socoto. Qiso layaab leh ayaa habeenkaa halkaas ka dhacday.

Shirqool ayaa la maleegay! Naadiga gudihiisa waxa ka jiray loollan indhawayd ba. Tababbare cusub ayaa naadiga qabsaday ka dib, kii hore kolkii la caydhiyey, arrimo musuq oo lagu helay darteed. Is faham-waa ku saabsan maammulka naadiga, xulidda cayaartoyda wanaagsan  iyo sare u qaadista alamiitada iyo kulammada tababbarka ayaa dhex maray macallinka cusub iyo qaar ka tirsan cayaartoyda kooxda, oo xooggoodu danaha kale kuwii lagu watay ee isagu uu ka midka ahaa ah. Isku dhacaasi waxa cirka u sii shareeray tartan kooxdu geli rabtay oo aad u soo dhawaa, kaas oo u baahnaa in loo qalab iyo sahay qaato. Kooxda amardiiddada samaysay waxa horboodayay oo wax wal ba ka caawinayay Cabdiqani. Baruhu aad ayaa uu u dhibsaday xaaladda naadigu ku jiro iyo ardaygan culayska uu ku hayo u diyaargarowga tartanka 12-ka caanamaal ka dhiman yihiin iyo horumarka guud ee kooxdu higsanayso. Dabadeed, waxa uu goostay maleegidda shirqool khatar ah oo uu kaga saarayo guud ahaan ba talada iyo cayaarta kooxda ba.

Macallinku waxa uu isku dubbaritay cayaartoyda kale oo aad uga badnaa kuwaa falaagowday.  Waxa na cayaar kulul caawa la lee yihiin koox ay si fog u xifaaltamaan koobka la qaban doono na ku guulaysigiisa kuwa loo sii saadaalinayo yihiin.  Sababtaas ayaa garoonka taarabuun aad u badan isugu yimaaddeen. Sababtaas ayaa naadiyaashii kale cayaartoydoodii, maamulkoodii iyo tababbarayaashoodii ugu dhannaayeen madasha. Sababtaas ayaa habeenkaa jawigiisu aad iyo aad u shidnaa oo xamaasadda, oorida, sacabka, buuqa, qaylada iyo qosolka baxayaa aadan ka sheekayn karin. Labadii kooxood garoonka waa ay soo galeen iyaga oo kala sita maaliyadaha buluugga iyo casaanka. Kooxda macallin Xuseen wato waxa ay sitaan maaliyadda hore.

Sacab aad u xooggan oo in badan labo dhacayay ayaa garoonka ka socda. Labadii kooxood na waa ay isa salaameen oo ay is hab siiyeen. Iminka siidhwalaha ayaa badhtamaha taagan oo u yeedhaya labada kabtan, isaga oo kala hadlaya jawiga cayaarta iyo in la ilaaliyo shuruucda iyo  hannaan socodka cayaarta. Cabdiqani iyo rag kale waxa ay ku fadhiyaan kursiga kaydka waxa na ay diyaar u yihiin kolka loo baahdo garoonka in ay soo galaan. Cayaartii waa ay bilaabatay. Macallin Xuseen Cabdiqaadir Siciid “Laba-suule” si dadweynaha iyo dhammaan ka soo qayb galayaasha daawashada kulankan u tusiyo xaqiiqada Cabdiqani, waxa uu qorsheeyay farsamo aad u khatar badan. Waxa uu rabaa bulshada in uu ku dhex ceebeeyo oo waxa uu yahay baro, si uu u quusto, u rejo dhigo, oo naadiga hawlihiisa faraha kala baxo. Nafta ayaa uu u keenay oo waa uu ka hadhsan iyo shaqaysan waayay.

Kolka kooxda gool laga dhaliyo waa in uu aad u xanaaqaa, cabbaar gacmahiisa madaxiisa dul saaraa, oo cayaartoyda aad u canaantaa. Dabadeed, Cabdiqani oo halkan fadhiya waa in uu si kor ah magaciisa ugu dhawaaqaa oo dhahaa “CABDIQANI SOO KAC. CABDIQANI SOO KAC OO SOO OROD. CABDIQANI SOO GAL CAYAARTA IWM”. Dabadeed, waa in taarabuunku dhammaantii moodaan xiddig weyn oo cayaarta wax ka beddeli kara, goolka lagu lee yahay naadigiisa soo bareejeen kara, goolal kale u saari kara, oo guul kaga hoyan doona is aragan. Dabadeed, waa in magaciisa aad loogu dhawaaqaa oo daawadayaashu na doorkooda weyn ka qaataan magac ku dhawaaqiddiisa iyo dhiirrigelintiisa. Sidaa ayaa loo qaabeeyay filimkii lagu  shirqooli lahaa isla mar ahaantaanna laga ga saari lahaa bahda naadiga.

Sidii ayaa dhacday. Gool ayaa laga dhaliyay naadiga, kaas oo  ku yimid khalad goolhayaha oo ragga mishinka aad u fulinayay ka mid ahaa sameeyay. Dabadeed, tababbaruhu sidii uu awel u qorshaysnayd ayaa uu fulinteeda ku dhaqaaqay. Kolkii funaanadda naadiga loo soo tuuray ee uu gashaday, dabadeed xagga irridda laga galo garoonka u jihaystay isaga oo tartiib tartiib u soconaya, ee nambarka gadaal garamada kaga qornaa na 10 ahaa; waxa la moodayay laacib jookar ah, xiddig ah, dheeman ah, oo xariif ah. Dadka qaar dhawaaqii xoogga lahaa ee ka soo yeedhay taarabuunka ee ay ku dhiirrigelinayeen iyo magaciisii aadka loogu dhawaaqay waxaa ba ay moodeen Siidaan ama Roonaaldiinyo midkood oo Soomaaliya qarsoodi ku soo galay!

Xamaasaddu iyada ayaa wax wal ba ka weyn. Iyada ayaa gebigeed ba dareemmadaada oo idil beddelaysa. Iyada ayaa malaha qofnimo cusub iyo karti daahsoonayd kugu casuumaysa. Waa sidaas. Haa, waa sidaas dhabtii. Ninkii jaahilka ahaa, ee is ogaa kubbadda in uu san aqoon oo maalin maalin kooxdu dhexdooda cayaarayaan mooyaanee weligiis cayaar loo dhacayo naadi kale aan dheelin, waa kaa garoonkii sii gelaya ee sidii laacib kubbad yaqaan ah is xariifinaya. Waa kaa soo atooraynaya, wax balaayo ka dhacay la moodo, oo ugu yaraan Siidaan in uu u qaab eg yahay la malayn karo.

Laacibiintii gudaha waa kuwaa ku orday saaxiibkood ee garabka garabka u saaray, booskii uu ka cayaari lahaa na u tilmaamay, oo weli ba kabtankii kooxdu kabtannimadii ku wareejiyay!!! Waa kaa dhan wal ba eegay, aad u farxay, oo isu haysta Santiyaago Baarnabuu in uu caawa ka cayaarayo oo Riyaal Madrid kabtan u yahay! Waa kaa farta fiiqaya ee jaalayashii ku leh inaga adkeeya cayaarta oo qof walbow labo iska dhig! Haa, oo xattaa kuwa ay la dheelayaan ayaa aad uga baqaya oo u haysta dhiggooda laacib culus in uu u soo galay. Waa kuwaa iyagu na is eeg’eegay ee mid ba mid baraarujiyay. Laadkii ugu horreeyay ayaa difaaca shanta u taagani isaga oo weerar ahi u tuuray. Layaab! Lugihiisa dhexdooda ayaa ay ka dhex baxday. Shakki ayaa durba bilowday. Hase ahaatee gef dhacay ayaa loo qaatay. Tii labaad ayaa saaxiibkiisa dhexda ka dheelayay kubbad wareegaysa oo qurux badan xabadkiisa ku qiyaasay. Laakiin, nasiib darro, gacanta ayaa uu ku qabsaday! Waa la is fiirfiiriyay oo weyddiimo ayaa qof wal ba is weyddiiyay ama ka uu yaqaanno weyddiiyay. Laacibkan maanta ma ka jiiftaa? Maxaa ka si’ ah? Kubbadda ma yaqaanno miyaa? iyo weyddiimo kale ayaa la isku jalbeebay. Kubbaddii saddexaad ayaa difaaca naadiga uu la cayaarayo si kama ah u siiyeen, iyada oo boodboodaysa oo xoog leh. Halkii laga sugayay in uu baabacada ku maammulo ayaa uu laf dheerta la aaday oo xariiqa dhanka bidix ee dheer ka baxday!!!

Wax la dareen wax na la faham. Nin la soo khalday oo la soo shirqoolay in uu yahay la faham. Daawadayaashii mid ka mid ah ayaa kor u yidhi “NINKA MIYAAN LAGA NAXAYNIN?!” Aad ayaa loo qoslay weedh-weyddiineedkaa kolka ay si buuxda afkiisa uga soo baxday. Siidhigii ayaa la yeedhiyay. Waa nasashadii. Cabbaar ka dib garoonka ayaa lagu laaban doonaa si loo cayaaro qaybta labaad. Intii aan la soo laaban dadweynuhu waxa ay si badan u lafagureen qaab cayaareedkii labada kooxood ay soo bandhigeen. Waxa ay isku raaceeen kooxda dharka buluugga ku cayaaraysa in laga cayaar wanaagsan yahay iyo ninka nambarka 10ka wata in uu dheeraad kooxda ku yahay. Waxa ay saadaaliyeen haddii aan la beddelin goolal kale in laga dhalin doono kooxda.  Garoonka waa lagu soo laabtay dhexdhexaadiyuhu na qaybtii labaad ee cayaarta waa uu bilaabay. Cabdiqani la ma beddelin. Waayo? Qorshaha loo dhigay ayaa ahaa mid sidaa u qaabaysan, xaqiiqadiisa dadka in la baro. Kubbaddu mar wal ba oo ay u imanaysay waa uu gargariiyay, cagta tobannaan jeer qaadayay, oo mar wal ba khaldayay. Haa, ma jirto hal mar oo uu saxay. Hal mar oo uu saaxiibkii baas wanaagsan siiyay. Waa ay ku dhacaysay kana soo laabanaysay! Sidii daawadayaashu saadaaliyeen saddex gool oo kale ayaa naadiga laga dhaliyay. Cayaartu afar gool iyo ebar ayaa ay ku soo gebagebowday.


Xamaasadda haddii uu la dagaallami karo hubaashii waa uu la dagaallami lahaa. Waayo? Xaqiiqo uu ogsoonaa ayaa ay khuraafo uga dhigtay! Shahaado uu qaadan ama darajo uu san gaadhin ayaa ay maankiisa ku hal-abuurtay! Wax uu ahayn ayaa ay ahaansiisay! Dabadeed, runta iyo beenta runtaa guulaysata e’ waa kaas caawa yaabban! Waa kaas bulshadu yar iyo weyn wada baratay! Waa kaas naadiyaashii kale, laacibiintoodii iyo macallimiintoodii wada barteen! Waa kaas si allaale iyo si uu garoonka uga baxo ama fadeexada isaga maydho ama isha dadweynaha isaga duwo garan la’! Waa kaas gacantiisu wajiga saaran tahay mar marka qaar na duuf aan jirin iska tiraya! Waa kaas socod aan fadhiyin bilaabay oo mar wal ba oo uu talaabo qaado buumaha hagaajisanaya! Waa kaas sidii tuug reero u dhacay, la qabtay, oo la wada arkay dhulka ku dhaygagay oo hal mar yaa shimbir kaa dhiga aad duushidee is leh! Waa kaas ilintu ku soo joogsatay! Waa kaas xanaaq iyo uurxumo la ooyay! Waa kaas maalin dambe iyo kubbad dambe ka dhaartay! Waa kaas go’aansaday naadigaas iyo afaaro dambe oo uu lee yahay wakhti in uu is kaga lumin! Waa kaas macallin Xuseen iyo taageerayaashiisii oo aad u faraxsan dhoolacaddaynayaan. Waa kuwaas bulshadii laacibkii ay sugayeen waayay!





Mahadsanid akhriste. 

Ilaahay wanaag iyo darajo badan ayaa aan kaaga rejaynahayaa. 





Saturday, December 19, 2015

Jawaabaha Labo Weyddiimood Oo Igu Soo Noqnoqda

Geedka kolka la abuurayo tacab badan ayaa la geliyaa. Dheefooyinkiisa iyo dhibaatooyinkiisa waa had ba sida tacabkaas loo tayeeyay iyo sidii kol wal ba looga tooghayn dhowaa. Saani u abuurku saani u bixid marka uu horseedo, waa marka dheefuhu hirgalaan. Wax ka dhigan bani’aadamka. Ujeeddo dhal kolka lagu dhalo oo feker dhalan lagu tarbiyeeyo; waxa soo baxa qof macnaysan oo fikiraya. Sida midhaha loo malabsado ayaa xogta maankiisa ku daabacan  loo mabsuudaa. Qof wal oo heerkaa gaadha waa qof wal oo xaqiiqsanaya guushiisa. Waa sida weyddiimaha qofkaa la weyddiiyaa aalaa ku abuurmaan. Waa isla sida, kolkii akhris, baadhis,  qiimayn iyo hubsiimo habboon weyddiimaha aalaa jaalayaashay i warsadaan, ee aan ahayn qoraalladayda kuwa ay kaga dareen celiyaan; labadan weyddiimood u noqdeen kuwo had iyo jeer soo noqnoqda oo joogto la ii weyddiiyo; in badan oo wakhti, erayo iyo feker ah na iga qaata. Sababtaas, waxa aan go’aansaday qoraalkan in aan idin kaga diyaariyo, si culayska ay igu hayaan aan isaga fudaydiyo; oo walaalka dambe ee i weyddiiya qoraalkan akhriskiisa u diro.

Weyddiinta kowaad:  Samiik, weligaa dhigane ma qortay; haddii aadan qorinna talada ma kugu jirtaa in aad qorto?

Dhigane weligay ma qorin. Sababaha aan u qori waayey ma kuu sheegaa, akhriste? I la soco waayahay. Dhawr arrimood oo isa saaran ayaa u sabab ah. Aan kala qaadno oo mid wal ba ba gaarkeeda u calaamadinno. Arrinta kowaad, kolka aad doonto in aad guursato waxa aad kala dooranaysaa ka aad noqon; aabbe wacan ama aabbe xun. Marka aad guursanayso ka hor, waa in aad soo barataa fiqhiga guurka, sow ma aha? Ka dib na, waa in aad shaqaysataa oo aad u diyaar garowdaa mas’uulliyaddan aad qaadayso, sow ma aha? Marka aad guursatid adiga oo diintaadu dhisan tahay, dhaqaalle reer lagu yagleeli karo haysta, awooddaada jidheed, ruuxi iyo maskaxeed xooggan tahay, oo aad lee dahay awooddii diyaar garowga iyo daadihaynta; waxa aad tahay aabbe wacan. Haa, markaa ayaa uu guursadaa qofka wanaagsan ee fikiraya. Dhiganaha ayaa sidaa ka dhigan. Ugu horrayn, marka dhigane aad qortid adiga oo aqoon wanaagsan u leh aqoonta qoraalka, afkaaga guud ahaan, suugaantiisa iyo dhigaalkiisa gaar ahaan, iyo mawduuca aad wax ka qorayso; sidoo kale na, awood xooggan oo maskaxeed iyo weli ba fikirreed lee dahay, awood dhaqaalle oo kugu filan haysato, oo aad lee dahay awoodda diyaar garowga iyo daadihaynta; waxa aad tahay qoraa wacan. Haa, markaa ayaa uu dhigane qoraa qoraaga wanaagsan ee fikiraya. Haa, ilmaha sidaa hore ku dhasha iyo dhiganaha sidaa dambe ku soo baxa, labada ba, waa loo hiiliyay, aayatiinkooda la wanaajiyay, oo waddadaa ay ku yimaaddeen waa waddo gobannimaysan.

‘Ilmahaagu mar ayaa uu hiil kaaga baahan yahay’, ayaa ay Soomaalidu halqabsi odhaaheed u lee dahay. Tolow waa markee? Waa marka hooyadii xaawalay oo dhan ka baadigoobayso oo u xulayso, si qof nool oo noloshiisu u naqshadaysan tahay uga dhigto. Mar kale ayaa iyana jirta; nasiib darro, lama wada ogsoona. Waa marka mustaqbalkiisa aad u maammusho ka hor inta aad u doorin hooyadii. Hadda ba, qorayaasha iyana waxa halhays u ah: ‘Buuggaaga mar ayaa uu hiil kaaga baahan yahay’. Tolow waa markee? Waa marka qalinkiisa qalimmada kale oo dhan ka gaar yeesho oo aad muunadayso, si buug nool oo noloshiisu u naqshadaysan tahay uga dhigto. Haddii ilmahaagu noqdo mid diifaysan, dullaysan, oo daryeel xumo sida ay u dhan tahay isaga ku dhan tahay; ka warran? Sow adduun iyo aakhiro inta ba, dhabtii, kuma ceebaysanid? Bal ka warran dhiganahaagu haddii sidaa oo kale uu noqdo?

Guurku degdeg iyo danaysi gaar ah u ma baahna. Waa arrin diineed oo tixgelinteeda iyo u diyaar garowgeeda u baahan. Dhiganuhu na waa wax ilaa aakhiro kula socon doona. Sow ma aadan maqal: kalmad aad kaftan u tidhi ayaa naarta kugu tuurta toddobaatan sanno masaafo socodeed dhan? Bal ka warran dhiganahaagu haddii kun kalmadood oo sidaa ahi ku qoran yihiin? Markaa, ma guulaysatay oo qoraa ayaa aad noqotay; mise waa aad guuldarraysatay oo naftaada naar ayaa aad u qortay? Qalinku waa mas’uulliyad; wax lagu fududaan karo ma aha. Weli ba waa uu ka sii xag jiraa hadalka. Xattaa hadalku haddii uu yahay mid duuban si uu san u faafin ayaa uu qoraalku u faafaa. Sidaa awgeed, qoraaga muslimka ah, waxa la gudboon in uu san ku khatalmin arrintaa, oo dhaldhalaalka adduun ee soo dhawaynta dhiganihiisa, gardaadintiisa iyo qoraa hebel in uu yahay ku kadsoomin; ee is weyddiiyo: waxan aad qortay Allaah SWT raalli ma ka yahay, oo keligaa ayaa aad dhimanaysaaye, aakhiro wax wax kuu taraya ma yihiin?

Maanta waa aynnu la soconnaa qorayaashii muslimiinta ee hore iyo sida dhiganayaashoodii Allaah SWT barako ugu yeellay. Haddii aan sii iftiimiyo arrintaa; maanta, guri qof muslim ah lee yahay laga waayi maayo: Riyaadu Saalixiin, Al-Arbaciin Annawawiyah, Bukhaari, Muslim,  Xisnul Muslim, Safiinatu Najaa iwm, sow ma aha? Waa dhiganayaasha loogu akhriska iyo daraasaynta badan yahay ee loo badin karo qof wal oo muslim ahi in uu haysto ama wax ka marsaday. Waa in uu is weyddiiyaa qoraaga muslimka ahi, mar wal oo la akhriyo Arbaciinka, imisa wanaag iyo darajo ah ayaa uu helayaa Imaam Nawawi? Kolka qofku uu dhinto saddex waxyaallood oo camalkiisa loogu daro waxa ka mid ah: aqoon bani’aadamku dheefsado oo uu ka tegay. Hagaag. Ka warran aqoon bani’aadamka gaalaysiinaysa, ama bidcaynaysa, ama waalli ku abuuraysa, ama xad ka bax iyo dhaqan xumo faafinaysa, haddii aad qorto? Runtii in aan dhigane qoro aad ayaa ay u fudud dahay; bal se, aakhiro qoraa ayaa aan ahay in aan eedo oo taa awgeed naarta la ii geliyo ayaa aan ka baqayaa. Raggaa hore ayaa aan ku dayanayaa oo tuse iyo hage ii ah. Dhallintan ordaysa ee buugaagta madhan la yaacaysa, ee cudur caan noqo la dhaho la wareersan; waa aan ka hammi ballaadhan ahay oo ka higsi fog ahay. Ujeeddada aan u nool ahay iyo shaqooyinka bani’aadamku iga sugayo ayaa aan saani u garan og ahay.

Arrinta labaad, qofka bani’aadamku wakhti ayaa uu dhashaa wakhti kale na waa uu dhintaa. Labadooda dhererka masaafo iyo dedaalka qofeed ayaa xukuma dhumuca aqooneed iyo karti ee qofkaas lahaado. Sidaa maaraynteedu, hubsiimo wakhtiyeed iyo helitaan dhiirrasho ayaa ayaa ay u baahan tahay. Waa tahay. Labo sanno oo keliya ayaa aan ku jiraa suuqa qalinka iyo qoraalka, ama bahda qalinleyda. Maalin wal ba wax igu cusub oo farsamo iyo farshaxannimo ah ayaa maankaygu curiyaa ama aan helaa. Kolka dhacdadaa ka duulo, afar jeer oo hab qoraalkayga beddelay ku daro, baahida aqooneed iyo farshaxanneed ee maktabaddeennu u baahan tahay ku sii xoojiyo, maankaygu na illawsanayn qoraa wacan oo sare in aan noqdo; waa in aan badiyaa hubsiimada, oo aan iska jaahil tiraa dhiirrashada qowmamada, sumcad xumida iyo cuduraynta bulshada natiijo ahaan laga dhaxlayo.

Arrinta saddexaad, gaadhigaagu dhowr magaalo haddii uu u kala goosho, mid wal ba na faa’iido ku haysto, kala xulashadooda ayaa feker doorasho u baahan. Dhibaato fikireed ayaa ay la timaaddaa kala doorashadaasi. Wax ka dhigan aniga. In ka badan shan xuddumo ayaa aan wax ka qoraa. Diinta, bulshada, siyaasadda, suugaanta, sooyaalka, sheeko faneedda iwm; ayaa ka mid ah. Waa tahay. Xuddunta uu ku saabsanaan doono dhiganahayga kowaad, waxa uu iga ga baahan yahay maalgelin xoogeed oo fikir ah iyo garasho waaya’aragnimo oo miyir togan ku yimidday. Iyo;

Arrinta afraad, mashquul aad u badan oo waxbarasho, akhris iyo baadhis isugu jira ayaa ii oggolaan la’ ku dhiirrashada aniga oo aqoontayda, waaya’aragnimadayda, kartidayda iyo wakhtigayga og; qoridda dhigane. Ugu dambayntii, haddii Eebbe oggolaado, talada waa ay igu jirtaa dhigane iyo dhiganayaal ba soo saariddooda. Muhiimaddu waxa weeye, kuwo ka duwan kuwa haatan oo aad uga dhaliil yar uga na mug iyo farshaxannimo weyn in aan soo saaro.

Weyddiinta labaad:  Samiik,  ma guursatay; haddii aadan guursanna talada ma kugu jirtaa in aad guursato?

Gabadh weligay ma guursan. Sababaha aan u guursan waayey na ma badna. Sheegistooda haddii aad jeceshahay na waa aan kuu sheegayaa, ee ma i la socon kartaa uun? Fahmay in aad danaynayso oo doonayso. Hagaag. Hana iga hor marin hana iga dib dhicin. Aan kuu qodobbeeyo. Kow, guurku waa arrin cibaado ah oo xeerar iyo akhlaaqiyaat leh, oo barasho, faham iyo dhaqan gelin u baahan. Labo, guurku waa arrin dhaqan oo u laabanaysa bulshada ahaanshaheeda, sii ba hidde-dhaqankeeda. Saddex, guurku waa arrin bulsho oo saamayn togan iyo taban ba koboca tiro iyo tayo ee bulshadaa ku leh. Afar, guurku waa arrin nololeed oo u laabanaysa lammaanayaasha is doortay iyo danay’yayaashooda; iyo shan, guurku waa arrin qofeed oo qofka caafimaadkiisa, aqoontiisa, dhaqaallihiisa, dhaqankiisa iyo doonistiisa u laabanaysa. Shantaa arrimood lahaanshahooda iyo fulintooda waxa ay u baahan yihiin feker, wakhti, dedaal iyo dulqaad.

Lahaanshahooda ayaa sabab u ah guur yagleelid; halka lahaansho la’aantood na sabab u tahay guur ka baaqsi. Hadda ba, xaalkaygu waa ka dambe. Halgan ayaa aan weli ku jiraa. Guushu na ma foga. Anigu ma doonayo jidh in aan guursado; ee waxa aan doonayaa ruux in aan guursado. Anigu qof keligii in aan guursado ma doonayo; ee waxa aan doonayaa labo qabiil xidhiidh togan in aan u hindiso oo u horseedo. Anigu ma doonayo xaaskayga nolol aan u qalmin in aan ku xanaaneeyo; ee waxa aan doonayaa boqorad muslimad ah oo Soomaali ah in aan ka dhigo. Anigu ma doonayo ilmo dayacan, darxumo ku kora, oo dowddar soo baxa   aabbe in aan u noqdo; ee waxa aan doonayaa ilmo fekeraya, farsamooyin falkin kara, oo isaga oo muslim ah oo Soomaali ah dunida wax na ku kordhin kara wax na ka dhimi kara aabbe in aan u noqdo. Qoys xorriyad ku noolaada, xushmad isu muujiya, oo Eebbe iyo abuurralaydiisa ka xishooda ayaa aan doonayaa madaxweyne in aan ka noqdo. Ugu dambayntii, arrimahaas, hubaashii, dedaal badan iyo dadnimo dheeraad ah ayaa ay doonayaan. Anigu waa aan aqaan waxa aan u baahan ahay iyo waxa la iga ga baahan yahay. Guushu ma foga; se geyllanku waa weli.


Gebagebo. Geedka mar midho uu san lahayn baa jirtay. Mar wax qoriddu dhibaato i la ahaan jirin baa jirtay. Tacab abuureed, risiq samada ka yimidday iyo wakhti ka dib, midho ayaa uu yeeshaa. Maanta midho ayaa uu lee yahay geedku. Waxa aan ku dagaallamaa farshaxan iyo tayo. Mar faras in la gato lagu hammiyi jiray ayaa jirtay; sii ba fardafuulka foolaadka ah. In aan guursado maanta waa mid aan ku hamminayo. Hanaqaadka ubadka wanaag ayaa loo fishaa. Cadceeddu inta ay baalka dhigan waa aan rejayn doonaa maalin aniga oo aabbe ah in aan is arko. Musaafirku meeshii 100 km u jirta waa uu u sii niyaystaa gaadhitaankeeda, oo ka guul gaadhiddeeda na waa uu u sii halgamaa. Dhigane iyo dhiganayaal qoriddii iyo gabadh guursigeed waa aan u niyaystay gaadhitaankooda, ka guul gaadhiddooda na jeerkan maanta ah waa aan u halgamayaa. Safarku duco kama maarmo; wax garad na wax loo ma sheego. 




Mahadsanid akhriste. 

Ilaahay wanaag iyo darajo badan ayaa aan kaaga rejaynahayaa. 

Wednesday, December 9, 2015

Madaxweyne Axmed Madoobe: "AF Soomaali Ha Lagu Wada Hadlo"

Gaalka dil gartiisa na sii, ayaa ay Soomaalidu ku maahmaadaa.

Siyaasiga Soomaaliyeed, walow uu doofaar iyo dayuus yahay, aadannimada iyo garashada kama wada bixin. Run ahaantii, aad iyo aad ayaa aan ugu farxay, u jiriricooday, oo qalbiga uga duceeyay Eebbe in uu soo hanuuniyo ka dib, markii,  mudane Axmed Maxamed Islaam “Axmed Madoobe”, madaxweynaha dawlad goboleedka Jubbalaan, madal qaran oo masiir ummadeed laga ga hadlayay arrin wanaagsan ka dhex sheegay.

Sida aynnu wada og nahay, 21kii Janaayo ee isla sanadkan, munaasabad lagu weyneynayay maalinta afka hooyo, waxa uu madaxweyne Xasan Sh. Maxamuud kaga hadlay arrin aad iyo aad ay u soo dhoweeyeen qowmiyadda Soomaaliyeed. Waxa uu sheegay maalintaa, maanta laga bilaabo hay’adaha dawladda iyo waaxyadoodu ba afka ay ku wada xidhiidhi doonaan in uu noqon doono afkooda hooyo: af Soomaali. Dadkii maalintaa aadka u farxay, qalbigoodu nolol dareemay, oo arrintaa aad ugu bogay ayaa aan ka mid ahaa. Xaqiiq ahaantii go’aan iyo soojeedin wanaagsan oo baahi badan loo qabay ayaa ay ahayd. Hase ahaatee, nasiib darro, sida siyaasigeenna caadada u ah, bishimaha waa ay ka hadlaan qalbiga na waa ay ka diidaan!

Iska daa in uu dhaqangalo ee, shirarka gudaha jamhuuriyadda ka qabsooma ayaa af Ingiriisi laga ga hadlaa! Waa shirarka masiirka ummadda laga ga hadlo ee ujeeddada looga gol lee yahay tahay, go’aaminta jihada siyaasadda iyo suuraynta filashadeeda! Kuwii u dambeeyay oo laga ga hadlayay sida habboon ee doorasho xor iyo xalaal ah bulshadu na ku qanacsan tahay geyiga uga dhici karto, afka soojeedimuhu iyo faallooyinku ku baxayeen waxa uu ahaa af Ingiriisi! Madaxda maamullada siyaasadeed iyo hoggaamiyaha qaranku ba, mid kastaa ba, jeebka bidix/midig ayaa uu, warqad af Ingiriisi ku qoran kala soo dhex baxayay, oo dabadeed inta uu is hor dhigo codaynayay!

Shirkii ka dhacay shalay caasimadda, ee laga ga arrinsanayay qaabka iyo sifada ay u dhacayso doorashadu, sidii kuwii ka horreeyay ayaa lagu waday af Ingiriisi in lagu sheekaysto oo ruux wal baa warqado A4 ahi miiska soo saarto. Diid ama ha diidin, isaga oo madaxweyne Axmed Madoobe murtidaas ka duulaya, sidii la damacsanaa na aad u saluugsan, geesinnimo ayaa uu iska baadhbaadhay ama uu sameeyay. Goobta dhexdeeda ayaa uu eray xaq ah ka sheegay. Waxa uu ganafka ku dhuftay af aan ahayn af Soomaali in lagu wada hadlo iyada oo gudaha dalka la joogo, isla mar ahaantaanna ka soo qaybgalayaasha badankoodu madax iyo shacab yihiin, waxa laga hadlayo na aayaha siyaasadeed ee shacabka Soomaaliyeed yihiin.

“Shir baan fadhinnaa halkan ah. Waxa laga ga hadlayaa arrinta Soomaaliya. Mas’uuliyiintii Soomaalida oo dhan way ka hadlaysaa. Waxaan aad uga xumahay inaan kulligeena af Ingiriisi lagu hadlo, oo Soomaaligii (af Soomaaligii) laga tago! Arrintaa yaan loo qaadanin Axmed Ingilishka ma yaqaanno. Waan hubaa haddaan hadda soo qorto waan akhriyi karaa. Laakiin waxa yaalaa wuxuu yahay, waxaad arkaysaa maanta xafiisyadii dawladda iyo shaqadii socotay iyo hadalkii gudaha iyo dibadda ba kulli in Ingilish la isticmaalayo! Taas macnaheedu wuxuu keenayaa in uu tasaawulaat (weyddiimo) ay yimaaddaan: war waddankani muxuu ku jiraa, xaaladda uu yahay se maxay tahay?! Waxaan mar labaad iyo saddexaad rabaa inaan codsado, mas’uuliyiinta Soomaalida ah, inta TV (muuqbaahiye) ee taagan CNN kuma jiro, BBC kuma jirto, Jayniis kuma jiro, Jarmal kuma jiro, Faranji kuma jiro; waa Soomaali. Waxa dhegaysanayaa na waa Soomaali. Nin baa aniga hadda khudbadayda (soojeedintayda) turjumaya , Af ingiriisi buu ku turjumayaa; dhammaan safiirada iyo saaxiibbadayo dhegahay ugu wada jiraan. Shayga asalki waxa weeye in Ingilishka loogu turjumo; Soomaaligu na noqdo waxa meesha ka baxaya. “

Hadalkaa macaan, qalbigu ku raaxaysanayo, dareentaabadka iyo xaqiiq ka hadalka ah, ayaa uu, Madoobe, madaxweynaha Jubbalaan madashaas ka yidhi. Si codkarnimo ah, geesinnimo ka buuxdo, oo aragti Soomaaliyeed hadlayso ayaa uu aragtidiisa u dhiibtay. Hubaashii waa sunne wacan oo uu soo cusboonaysiiyay. Taasi waa geesinnimo iyo gobannimo weyn oo uu mudanuhu sameeyay iyo hiil uu u hiiliyay afkeenna hooyo. Calool adayg waa ilaahay wehelkii.  Afkaaga caano iyo malab lagu qabay. Maashaa Allaah. Intaa keliya kuma ekaan e’, waa uu dhaqan geliyay aragtidiisii. Maashaa Allaah. Sidoo kale madax kale ayaa dhaqan geliyay oo uu Cabdikariin Guuleed, madaxweynaha Galmudug, ka mid yahay. Sunnadaa wanaagsan ee uu cusboonaysiiyay waa talaabo horumarineed oo wax ku ool ah oo  dhanka waddaniyadda, diinta iyo garashada loo qaaday. Arrintaas aad ayaa uu ugu mahadsan yahay. Mahaddu kama iman xaqiiqada falka ee xaaladda falka ayaa ay ka timid. Kuwo la mid ah in uu soo nooleeyo ayaa aan la jeclaan lahaa.


Mahadsanid, Axmed Madoobe. 

Dilalka Saraakiisha Iyo Sababaha Ku Lammaan

Saraakiil kala magacyo iyo darajo duwan ayaa gobollo kala geddisan oo jamhuuriyadda ka mid ah lagu dilay. Dhacdooyinkan layaabka iyo argagaxa lihi waxa ay ka soo cusboonaadeen degelka Soomaalilaan; waxa na ay u soo gudbeen degelka Buntilaan. Sida la filahayo na ilaa koonfurta ayaa ay duufaantaasi gaadhi doontaa. Saraakiishaasi Alshabaab ma ay dilin; unugyada kala dalalka iyo danaha duwan ee sirdoonka ah na ma ay dilin; iyagu na isma ay dilin; ee ilaaladoodii khaaska ahayd iyo ciidammo ka amar qaata ayaa iftiinka nolosha dhaafiyay, aakhira na ku hubsaday. Weyddiinta weyn ee in laga jawaabaa, aragti bulsho tahay, waxa weeye: Maxaa saraakiisha loo laynayaa? Aniga oo xog’ogaalnimadayda kaashanaya—dilal dhacay iyo natiijo-baadhistoodii—waxa aan isku dayayaa ka jawaabidda habboon ee weyddiintaas. Dabadeed, waxa aan soo jeedin doonaa qodobbo aan u arkahayo dawo mushkiladdaas in ay u yihiin.

Dhowr amuurood ayaa falalkaas fool xumada la ciirciiraya sababay:

Arrinta kowaad waxa ay xidhiidh la lee dahay qaab dhismeedka siyaasadeed iyo hannaanka askariyaynta ee maamullada Soomaaliya ka jira. Idaylkood waa maamullo dan iyo duruuf ku yimid, isla markaanna shaqada ugu weyn ee ay hayaan “kumeelgaadh” tahay. In kasta oo ay nabad, xasillooni iyo horumar la yimaaddeen, hadda na, dhibaatooyin badan ayaa laga la kulmay ama kuwo jiray ayaa ay muuqaal kale u dooriyeen.  Maamulladaas, sida aynnu la wada soconno, waxa samaystay reero oodwadaag ah oo danahooda qabiileed iyo damacooda siyaasadeed ku ilaashada. Qaab dhismeedkaas qabiilku kaalinta weyn ku lee yahay sidoo kale waxa ay kaalin weyn ku yeelatay burburka iyo dhaawaca ummadeed ee maamulladaas iyo madaxdoodu bulshada ku hayaan. Sida reer wali ba reeraha kale uga maalgashi badan yahay ayaa uu uga ciidamo iyo jagooyin badan yahay.

Tusaale ahaan, Buntilaan, iyada oo beelaha Harti ay wada dhisteen, hadda na, saamiqaybsiga xileed ee xag wal ba iyo kala yeelashada boosaska muhiimka ah beeluhu u ma kala sinna. Mid ka mid ah, doodaha ugu waaweyn ee arrintaas looga jawaabi karo, waxa ay noqon kartaa in reeruhu kala maalgashi badan yihiin. Haddii ay xaalad sidaas tahay na, natiijada soo baxaysa ayaa noqonaysa, ciidamo maamuleed (Ciidamo Buntilaan) in ay jirin, ee ciidamo qabiileed jiraan. Waxa qudha ee kala beddelan waa askarta oo markoodii hore maryacalas ahayd oo direes ciidameed loo geliyay! Sidaas weeye Soomaalilaan. Waa sidaas maamullada kale ee jamhuuriyadda Soomaaliya ka jira. Waa sidaas xaqiiqada amuurtan.

Hannaanka askariyaynta waa mid ka duulahaya aragtidaas! Xeerarka keliya ee askariga lagu xidhaa waa in uu qori reerkooda ka soo qaato iyo qof la yaqaanno oo ay odaywadaag yihiin warqad caddayn ah in uu kala yimaaddo! Markaas ayaa liiska ciidamada lagu daraa oo sidaas askari dawladeed ku noqdaa! Dabagal lagu sameeyo sooyaalka askariga waa mid aan sinna ba meesha ugu jirin. In uu askari noqday ayaa ah guusha ugu weyn ee la gaadhay, maadaama xilli colaadeed lagu jiro, isla markaanna ciidamo iyo hub la isugu faano! Kol haddii uu qorigu isagu lee yahay ama inaadeerkii ka soo amaahday, reerkooda na meesha u joogo; xaqiiqdii shaqada lagu sugayo waa shaqadii geeljiruhu tolkooda uga fadhiyeen! Intaa waxa u sii dheer xuquuqda askarigu lee yahay ee ay ka mid yihiin: tababbar askareed, casharro qaanuuneed, mushahaar joogtaysan, daryeel caafimaad iyo qiimayn muddeed inta ba ma wada helo ama wax aan la sheegi karin ayaa ka soo gaadha. Taas na waxa ugu wacan maamul xumada jirta iyo kartida hoggaamiyayaasha oo aad iyo aad u liidata.

Siyaasi wal ba oo degellada yimaadda waxa uu la yimaaddaa siyaasad u gooni ah oo uu kolkaas dhaqan gelinteeda bilaabo. Kolka uu jagadaas banneeyo siyaasadaasi kama dambayso; waayo, siyaasiga ka dambeeya tu u gaar ah ayaa uu wataa oo isna markiisa socodsiiyaa. Falsafaddaas ayaa ay ku socotaa hoggaaminta maamullada Soomaaliya ka hanaqaaday burburkii iyo qaran-jabkii ka dib! Hadda ba, maamul nin wal ba oo yimaadda qorshayaashii iyo hawlihii socday ee dhammaystirka u baahnaa ka weecanayo oo kuwo kale bilaabayo, isla markaanna musuq iyo maarayn xumo u dheer tahay; ma noqon karaa hoggaamiye guulaysta oo degelkiisa iyo dadkiisa horumar iyo barwaaqo u horseeda? Dibuhabaynta iyo dawladaynta ciidamada Buntilaan waa qorshe soo bilowday sanadkii 2003; ilaa iyo maanta na waa uu socdaa wax ba kama hirgalaan. Aragtida siyaasadeed haddii aan la beddelinna tan iyo qiyaamaha dhabbahaas ayaa lagu socon doonaa!

Hadda ba, askari reernimo aaminsan, oo wixii uu dilo iyo dilkiisa reerkiisu ka xaalayaan; mis na laylis ciidameed soo qaadan, sharci waxa uu yahay aqoon ama la barin, caafimaadka jidhkiisa iyo dhimirkiisa la caddayn karin, siddeed ama sagaal bilood mushahaar iyo gunno mid na ba rag, toban sanno halkii uu joogay aan ka dallicin, oo intaas na musuqmaasuq iyo laaluush ku soo kifaaxay; waxa keliya ee uu yaqaannaa na tahay qabiil, xoogkudhacsi iyo qori, ma la dhihi karaa waa askari? Hubaashii jawaabtu waa maya. Eeddaas waxa ay korka ka saaran tahay madaxda maamullada Soomaaliyeed. Waxa ay la iman waayeen aragti siyaasadeed oo ay ku beddelaan wacyiga ummaddooda, isla markaanna garaadkooda iyo aqoontooda ku kobciyaan. Sidoo kale na deegaanka iyo dadka ku horumariyaan oo jidka barwaaqo-sooranka toobiyaha siyaasadeed u duwaan. Qalabaynta askariga waxa ka horraysa kana weyn kala baridda kala duwanaanshaha maryacalas reereed iyo askari dawladeed.

Saraakiil dhowr ah oo dhintay geeridooda waxa sabab u ahaa beenta siyaasigeenna lagu yaqaanno. Askari sagaal bilood indhihiisa saarin mushahaar iyo wax u eg toonna, isla jeerkaa na ah aabbe hooyo xaammilo ah iyo tiro ubad oo arday ah ka mas’uula, jeerka uu madaxweynihii ka maqlo isaga oo codgudbiyayaasha & muuqaalbaahiyayaasha ka leh: mushahaarka ciidamada waa aan bixinnaa; mushahaar nagu baaqda ma jiraan, maxaa uu sameeyaa? Sow taliyihiisii in uu tuhmo ma aha? Haddii uu tuhmay oo xaqqiisa weyddiiyay, sarkaalkii na “ma hayo” mar wal ba lee yahay, madaxweynihii iyo wasiirkii maaliyadda na waa aan bixinnay meel wal ba ka lee yihiin, dhankee baa uu aaminaa oo rumaystaa?  Maxaa uu sameeyaa? Hadda ba Xanaaqa askariga iyo dhaqanka saraakiisha lagu yaqaanno yaa u kala gar qaadaya? Saraakiil kale waxa ay eersadeen aqoontooda, kartidooda iyo sharci yaqaannimadooda. Isku day ay isku dayeen in ay wax ka beddelaan hannaanka ciidanka, oo ugu yaraan ciidan isku dhaf ah oo kala reero ah, isla markaa na amar sarkaal ku shaqeeya xeryaha tababbarada na la geeyo helitaankooda ayaa ay nafahooda u waayeen? Hadda ba, askariga xeerka qabiilka ku shaqaynaya iyo sarkaalka xeerka dawladeed ku shaqaynaya yaa uu kala garniqi doona?

Arrinta labaad waa maamul xumada madaxda ciidanka. Kolka uu askari ka soo tegay xaaskiisii oo laga yaabbo fool in ay tahay ama muddadii ummusha ku jirto, ubadkiisa na qaar dugsiyada sare ku jiraan oo lacag bileedkii iyo tii buugaagta ba laga sugayo, isagu na baahiyaysan yahay, oo indhihiisa oo shan ah taliyihiisu xaqqiisa ka cuno isaga oo marmarsiinyo beenaad allifanaya ama u itaal sheeganaya; maxaa uu sameeyaa?  Haddii uu dulqaato sidaa na dhaqan u noqoto sarkaalka, maxaa uu sameeyaa? Maxaa uu sameeyaa???  Nin shantaada kaa reebin sharci kaa ma reebo, isaga oo murtidaa caanka ah dhaqan gelinaya, sow ma aha xaqqiisa in uu dhacsado oo ragannimadiisa ku gaaloobin?

Arrinta saddexaad, u na dambaysa, waa dhaqan xumada askarta. Askari aynnu soo aragnay sida uu dawladda ku soo galay iyo in aan la garaaddhaqin oo la dhaqan doorin, oo qaarkood dibjirro, mooryaan, gacankudhiiglayaal iyo bukaan yihiin, maxaa laga filan karaa? Ma laga filan karaa in ay sharciga dhowraan? La ma ba soo barin e’ sidee looga fishaa! Askari isagu ba dambiile iyo daalim ah oo in sharciga iyo garsoorka la horgeeyo waajibkiisa ahayd, ka warran haddii uu sharcigii noqdo mu’minna isku yaqaan? Saraakiisha qaar la dilay waxa dilay askar dhiigyacab iyo dhiigmiirad ahaa (horay dad u soo laayay) oo sarkaalka ka waayay wax ay uga barteen kii isaga ka horreeyay: boob iyo baad!  

Maxaa loo soo qaban la’yahay gacankudhiiglayaasha?

Labo sababood ayaa ugu weyn. Ta hore waa nidaamka siyaasiga ah ee qabiilka salka ku haya oo gacankudhiiglaha u la dhaqmaya sifo dawladnimada ka baxsan. Haddii ay soo qabata na awood ay ku sii hayso oo isaga amnigiisa ku damaanad qaadi karto lahayn. Kama hadlayo dilaaga  reer aan awood badan lahayn ka dhashay oo sharciga isaga lagu dabbiqi karo. Ta labaad na waxa lagu macnayn karaa ciidanka oo nafahooda u baqanaya. Maxaa yeelay, gacankudhiigle hadda nin soo dilay oo weli dhiiggii qoyan yahay dabacararkiisu iyo soo qabashadiisu labo khatarood oo is huwan ayaa ku lammaan. Midda hore, dilaagu waa uu is difaacayaa waa na u fudud dahay cid wal ba oo amnigiisa ku soo duusha sidii oo kale in uu u dilo. Waa kee askariga raba in uu maalaayacni ku dhinto? Midda xigta na, kol haddii uu is difaacayo oo rasaas nool adeegsanayo, ciidanku waxa ay ku khasban yihiin in ay is difaacaan oo naftooda badbaadiyaan; haddii ay ka kari waayaan in uu is dhiibo oo iyagii ba rasaas oodda kaga qaado, haddii ay xabbadeeyaan oo uu dhinto ama dhaawacmo ninkii xabbadaa lahaa reerkiisa ayaa loo raacanayaa arrintaas. Askariga sidaas ogi reerkiisa ma mag ayaa uu u soo jiidayaa isagu na ma gacankudhiigle ayaa uu noqonayaa?

Intaas oo amuurood ayaa loo aanayn karaa dilalka saraakiisha. Waa ayna dhici kartaa jiritaanka kuwo kale. Inta aan ka hadlay waa inta aan xogtooda hayo. Hadda ba, mushkiladdan sidii tusbax xadhiga laga jaray noqotay dawadeeda maxaa ay tahay? Waa maxay xalka ugu wanaagsan ee lagu cilaajin karo?

Xalka mushkiladdan:

Aragti ahaantayda, ka hor inta aan tixin dhowr qodob oo aan u arko dawada mas’aladan, waxa aan ku baaqi lahaa maamul wal ba guddi heer sare in uu u saaro baadhista kiiskan, gorfayntiisa iyo soo bandhigidda natiijooyinkii baadhista. Halkaa ayaa ay ka soo bixi kartaa jawaabta dhabta ah, caqligalka ah, ee caafimaadka bulshadu ku jirto.  Dhowrkan qodobbood laga ma maarmaan ayaa aan u arkaa dhaqan gelintooda.

  •  Dib- u-akhrin, dib-u-qiimayn iyo dib-u-habayn in lagu sameeyo saddex meelood: hab dhismeedka maamullada; istiraatiijiyadda qorshayaasha; iyo aragtida siyaasadda.

  • Askarigu xuquuq iyo xurmo ayaa uu dawladda ku lee yahay. Waa in dawladdu sida ugu habboon askariga xuquuqdiisa iyo xurmadiisa u siisaa.

  • Dawladdu waa in ay falkaas xeer degdega ka dejisaa. Askarigii falkaas ku kaca waa in sida ugu degdega badan loo soo qabtaa, loo maxkamadeeyaa, xukunka na lagu fuliyaa.

Ugu dambayntii, saraakiisha dhimatay Allaah SWT ha u naxriisto. Jannadiisa ha ku martiqaado. Oo eheladoodii, xaasaskoodii iyo ubadkoodii dulqaad iyo iimaan ha ka siiyo.  Aamiin.





Sunday, November 29, 2015

Baaq Nabadeed: Reer Mudugoow Nabadda Ogaada



        

 “Garbaduub haddii loo xidhood gaadh na ka ahaato
 Gacantii nin lihi goynayaa waa gumudantaaye
    Nin walaalkii geed ugu jiraa geesi noqon waaye!”

-          Gabyaa, geyllame iyo geesi: Ustaad Cabdillaahi Timacadde IHUN



Masiibooyinka ugu waaweyn ee ummad ku dhaca waxa ka mid ah, dhiiggeeda in ay xalaashato iyo ku dhicitaanka dambiyada waaweyn agtooda caado dhaqammeed in ay ka noqoto! Ummad ummadahaa ka mid ah ayaa xaaladdaas horay iyo haatan ku sugan; Soomaalida. Waxa aan ka soo jeedaa ummad aad mooddo garaadkeedu in uu sii yaraanayo mooyaane, sarrayn ba in laga xaaraantinnimeeyay! Gadaal u socodka iyo god ku dhammaadka ilbaxnimo u yaqaanna. Oo kii wanaag u sheeggaa ba ka abaal dhacaya! Waa bulsho shalay wixii dhacay aan ku cibro qaadanayn, oo xaaladdoodu u eg tahay xaaladihii umamkii Ilaahay halaagay.

“Dadkani gaalo na ma aha/ muslin diinla na ma aha”

-          Gabyaa, geyllame iyo geesi: Ustaad Jaamac Kediye Cilmi

Aad ayaa aan uga damqadaa marka aan arko, reer tolkay oo garaadkoodu siiyay in ay is xasuuqaan oo xabaalaha buuxiyaan. Maxaa aan uga damqan waayay; sow qof damiir iyo dadnimo leh ma ahi? Waxa xanuunka aan dareemayo aad igu sii kiciya, marka aan dhab waayaha nololeed ee qowmiyaddayda si wal u dhugto, oo aan arko xaalad ilmo kulul iga keenta. Ilmo aan joogsi lahayn! iyaga oo la tacaalaya saamayntii tabnayd ee burburkii iyo qaran-jabkii dawladnimo u gaystay, isla jeerkaas na cadowgooda diineed iyo isireed u tashi ka dib maalin ba qorshayaashooda qayb fulinayaan; waa ayaan darro, caqli xumo iyo quus weyn iyagu in ay is cunayaan, oo is tiro iyo tayo yaraynayaan! Waa middaas midda aan maalmahan la seexan kari waayay. Waa middaas midda, akhriste, adiga na aan rabo isku dareen in aynnu ka noqonno. Xaqiiqdii reer tolkay waxa la moodaa in ay sakhraansan yihiin oo dawo damiirka dhinta ama se baabb’isa lagu muday!

        “Nin ragay dardaaran u tahaye doqon waa mooge
      Danbi weeye Kufriga aad u dabcaysaane
        Marka hore dabkuu idin ka dhigi dumar sidiisiiye



         Mugga xiga dalkuu idin ku odhan duunyo dhaafsada e’
         Mugga xiga na daabaqadda wuu idin dareensiine”

-          Gabyaa, geyllame iyo geesi: Ustaas Sayyid M. Cabdillaahi IHUN

24sanno ayaa aynnu qaxaynay, barakacaynay, baabba’aynay, oo dullinnimo iyo dacdarro ku noolayn. Halaaggii iyo hooggii gacmaheenna ku kasbannay, ee qarannimadeenii eeday; ayaa aynnu, maanta na doonaynaa rejada yar ee jirta in aynnu ku bakhtiinno! Waa layaab aad u weyn iyo wax aan la innaga filayn sinna ba!!! Sow, walaale, maanta la inooga ma baahnayn in aynnu ka fekerno: sababihii burburka iyo qaranjabka dhaliyay? Sababihii midnimadeennii luntay keenay? Sababihii innaga oo hal ummad ah; hal diin, hal dhaqan, hal af, hal isir, hal sooyaal iyo hal deegaan leh isku kaaya diray oo aynnu shalay u dagaalannay maanta na weli u dagaalamaynno? Sidii aynnu u xalin lahayn xumaantii shalay dhacday isla mar ahaantaanna uga fekeri lahayn timaaddada iyo sida mustaqbalkeena u wanaajin lahayn? Waa doqonnimo iyo dadnimo yari sow ma aha, godkii shalay aynnu ku wada dhammaanay maanta na in aynnu ku wada dhammaanno? Qabyaaladdii shalay aynnu isku xasuuqnay haatanna isku xasuuqno? Oo sooyaalka sanadihii madoobaa casharro iyo cibarro waaya’aragnimo inoo noqda aynnaan sinna ba uga korodhsan!!!

“Adimaadoo joogtiyo salaad timid abaarteeda
Ashahaada goortaan maqliyo iyo weli ba eedaanka
Anaa is idhi dadkan waa islaam ehlu tawxiide;
Mis na idhi axaadiista iyo wacdigu kuma arooraane!
Mar is idhi arkaantii bay hayaan agabsigeediiye;
Mis na idhi waxaan uurka jirin bay akhriyayaane!
Mar is idhi Asmaa lagu dejoo loo akaakubaye;
Mis na idhi inkaarahay galeen baa ku oogsadaye!
Mar is idhi axdiga way gayaan in ay ilaashaane;
Mis na idhi ma aamini kartidee yay ku aayirine!
Mar is idhi aqoon kama madhnee waa indheergarade;
Mis na idhi wax ba ba may oga way ambanayaane!
Mar is idhi kulli ba waa is ku oday ehel walaaloode;
Mis na is idhi ajnabi kulmay uruuris weeyaane!
Mar is idhi dadkan amarku helay juuq ba ha u odhane;
Mis na idhi wax laga aamuso kuma ag joogaane!
Mar is idhi abuurtii iyo sinjigaa ku oggolaysiine;
Mis na idhi ag joogoodakan waa Allaa I badaye!”

-          Gabyaa, geyllame iyo geesi: Ustaad Jaamac Kediye Cilmi

Waxa aan u malaynayay qowmiyadda Soomaaliyeed aqoon sare in ay u lee dahay burburka ummad ku dhaca iyo dhaxalka uu reebo; isla markaanna dadka dunidu ka baran karaan waaya’aragnimada ay u lee yihiin maaddadaas. Wax se ii muuqata weli heerkaas in aynnaan gaadhin. Waa wax la la yaabbo! Shaqaaqada ka soo cusboonaatay magaalada Gaalkacyo, caasimadda gobolka Mudug, waa mid runtii bulshada Soomaaliyeed wada taabatay.  Waa mid murugo iyo mashaqo badan xambaarsan. Waa mid laga wada naxay oo aad looga xanaaqay. Dhab ahaantii, waa mid aan loo baahnayn oo imaatinkeedu fajaciso iyo fool xumo aad u weynayd ahayd. Gaalkacyo waxa ay ka mid tahay magaalooyinkii aad ugu naafoobay dhaawac tiro beel dhan wal ba ka ah na ka soo gaadhay colaadihii sokeeye ee dalkeenna ka dhacay sagaashamaadkii. Waa magaalo ay degaan dad Soomaali ah oo muslimiin ah; dad walaalo ah oo xidid iyo xigaal leh; dad isku dan iyo duruuf ah; oo nabad ku wada noolaanshaheeda cid wal ba dan ugu jirto. Saaxiibtinnimada waa la dooran karaa, bal se derisnimada la ma dooran karo. Wanaag iyo is karaamayn in lagu derisoobo wax dhaanta iyo wax ka dheef badan mid na ba ma jirto. Aad ayaa aan ugu mahadinahayaa, labadii mudane ee markii magaaladaas (Gaalkacyo) gacan-ku-haynteeda iyo lahaanshaheeda lagu diriray, heshiis ku wada noolaansho ah ka gaadhay. Cabdillaahi Yuusuf Axmed iyo Maxamed Faarax Caydiid, labada ba Ilaahay ha u naxriisto.

 “Dakanadiyo dhiiladii horiyo dirirtaan soo dhaafnay
Dura waxii la soo maray dad weli doonayaa jira e’
Darsi umaysan noqon daanadiyo duulankii hore
Dambiyadii shalay doonayaan door labaad kale
Diin ruux ka been sheegaya damac hubaalaysan
Isku duubni ruux diidanoo beelnimo u duuban.
Dibindaabyadii hore mid fali weli dariiqeeda
Mid uun dooni duul wada dhashay diradireyntooda
Deegaanka Soomaaliyeed deyr ku kala oodi
Miyaa ruux damiirliyo dal jire weli ku doodaaya”

-          Hal-abuur: Ustaad Cabdiraxiin Hilowle Galayr


Waxa aan nasteexo iyo baaq u dirayaa maammulada qaybta weyn ka ah fitnadan, isimada iyo guud ahaan shacabka. Walaalayal Ilaahay SWT waa uu xaaraantinnimeeyay dhiig qof bani’aadam ah sharci darro dhulka korkiisa in lagu daadiyo. Diinta iyo dhaqankeenna suubban ayaa ah maraajicda aynnu u laabanno oo xalaasha iyo xaaraanta, samaanta iyo xumaanta, xaqqa yo baadilka, akhlaaqda iyo hab dhaqanka wanaagsan, ilbaxnimada iyo horumarka, iyo fikirka iyo aragtida ka qaadanno. Walaalayaal diinteennu waa diin nabadeed, waa diin naxariiseed, waa diin nololeed. Ummad muslimiin ahi qoryo in ay isku qaataan oo xabbad is waydaarsadaan sharci ahaan waa xaaraan. Dagaalkaasi na waa dagaal fitno ah. Ilaahay iyo ergaygiisu na waa nooga digeen arrintaas; ciddii sidaas samaysa na waa ahlu naar – Ilaahay ha inaga badbaadiye. Siyaasiyiinta, waxa aan ugu baaqayaa Ilaahay SWT in ay ka baqaan. Bulshada ay u taliyaan danahooda nololeed in ay ka shaqeeyaan oo horumar iyo higsi  badhaadhe leh u horseedaan. Oo fitnaddan hurudda ee ay tooshka ku ifinayaan si degdeg ah u joojiyaan. Isimada iyo waxgaradka labada beelood iyo deegaamood, waxa aan ugu baaqayaa fadhiga in ay ka kacaan oo nabad iyo negaansho sidii loo heli lahaa ay falowgeeda qabtaan. Oo wadajir iyo wanaag wax kasta oo jira ku dhammeeyaan. Shacabka, waxa aan ugu baaqayaa hadallada nuxuusta ah dhegaha in aysan u dhigin, ee dardaarankii suubbanahooda qaataan kana fogaadaan ka qayb galka fitnada socota.

          "Xaajada god-raaca leh haddii loo gabbala eego
Sida ay u kala geysan tahay way gun dheer tahaye
Kol haddaan garaad laga la hadhin galabba sheeggeeda
Inta maanku gaajeysan-yahay guuli waa weliye"

 
-          Gabyaa, geyllame iyo geesi: Ustaad Maxamed I. Warsame “Hadraawi”

Gebagebadii, dhammaan dadkii dhintay Allaah SWT ha u naxriisto. Kuwii dhaawacmay na caafimaad degdega ha siiyo. Walaalahaa is diriray na bogooda burcad ha isu mariyo. Oo arrintaas mid aan soo noqon ha ka dhigo. Aamiin. Aamiin. Aamiin.

“Rabiyoow hanuuni dadkayga
Hibo noogu yeel sharcigaaga
Ifka haybadiisa islaamka
Hilinkiisa uun nagu toosi
kal danbe na jannada hooskeeda
Hadhaceeda uun nagu waari”

-          Hal-abuur: Ustaad Cali Sh. Maxamed “Ileeye”






Monday, November 23, 2015

Tukaha Boosaaso Jooga Waa Mid Cajiib Ah!!!

Tukaha Boosaaso jooga waa mid cajiib ah! Tolow sidan uu yahay xaggii na na ma ka sidaas baa?  Mooyi! Galab ayaa aan suuqa u soo baxay aniga oo madaxu i xanuunayo. Maya, i ma xanuunayn ee xaraarad shaah baa i haysay. Nin aygaradnimadiisu sarrayso ayaa aan kula ballansanaa mid ka mid ah hoteellada magaalada. Hubaashii waa ka aan u badan ahay fadhigiisa. Shaah ayaa aannu u yeedhannay muuqbaahiye hortayada ka shidnaa na indhaha ayaa aan ku toosinnay. Dhakadayada waxa ka soo lusha laamo geed oo caleen badan lagu arsaaqay. Dabadayada ayaa ay xididkiisu ku aasan tahay. Waa aan ba ku tiirsan ahay jirriddiisa adag. Tuke ayaa qayladiisa wax ka daawan kari waynay. Mar geedka ayaa uu fuulayaa mar na dhalada ayaa uu ku dul fadhiisanayaa! Waa hooyo ubadkeeda ku korsata geedka dushiisa, meel laamuhu iska galaan oo bac madow ay u dhigtay, oo fiiro dheer u leh dadka halkan ku shaaha dhaqdhaqooqooda. Tiraabtaas waxa aan ka maqlay mid ka mid ah dadkii ii dhowaa. Anigu ma weyddiin ee jaallahay baa weyddiiyay, xayawaankan qaaqaaqda haya waxa baas ee halkan keenay iyo shaqada uu hayo?

Dokumentari ku saabsan bahallada hoose ee danwadaagga ku ah laynta xayawaanaadka ay ka itaal roon yihiin iyo cidhibtirka aadamaha ayaa aannu ka daawanaynaa National Geographic. Nin feedho waaweyn, diir cas, koofiyad buluug ah gashan, oo kursi dhalo ah ku fadhiya ka na mid ah bahaldilayaasha ugu waaweyn ee dunida ayaa arrimo noolayashaa dhaqammadooda ku saabsan laga waraysanayaa. Cayayaanka intooda sunta leh iyo maaddada suneed ee ku jirta kolkii uu ka jawaabi lahaa, ayaa tukihii baas weerar cireed soo qaaday, xadhigii ku istaagay, oo hal mar dam tidhi shaashaddii ninka feedhaha weyni ka hadlayay. Intaa kuma uu hakan e’, shaah-gadihii oo bir dhowr bakeeri oo shaah ah ku jiraan sida ayaa dharbaaxo tukeed aan la dhayalsan karin bac kaga siiyay. Birtii waa ay dhacday. Bakeeriyadii wax ba ma noqon, se shaahii ku jiray ciidda ayaa cabtay. Degdeg badanaa sidii ay u nuugtay! Waa ciid Boosaaso iyo xaalkeed e’, qorraxda ayaa nafta ka jartay oo qoyaan ba u diiday. Iyada oo ninkii sidii shaydaan aan la aqoon oo cirkasoodhac ahi dardaray u jahwareersan yahay ayaa, inantii hoteelka nadiifin jirtay samada kaga soo haaday oo afkiisa qoran ee xooggan dhag kaga siiyay. “AAA!” uun ayaa ka soo hadhay. Cabbaar ka dib na waxa ay noo sheegtay meeshii in ay dhiigayso! Tukuhu afkiisa dhagax in uu ka daran yahay baa aan ogaaday!

Waa aan shakkiyay. Waxa aan wax iska weyddiiyay sababta labadooda u weeraray annaga na nooga qalleeyay! Ma wax baa ay ku sameeyeen mise waa daandaansi tuke? ayaa maankaygu is weyddiiyay. Baadhis ayaa aan u dhaqaaqay. Nin oday ah oo ragga meesha mar wal ba isugu nimaadno wax na ku wada daawanno ah ayaa weyddiintaydii hordhigay. Dabadeed waa uu ii warramay. “Tukahani waa dheddig. Ubad ayaa u saaran geedkaa gadaashaada ka taagan. Inta badan bisad ayaa weerar ku soo qaada. Had iyo jeer digtooni ayaa uu qabaa, oo dhaqdhaqaaq wal ba, mid xayawaan iyo mid bani’aadam, si wanaagsan ayaa uu u la socdaa. Dulmi ayaa loo gaystay. Mid dhashii Ilma Aadan ka mid ah oo shaadh cas sitay ayaa dhagax weyn halkaa ilmihiisu ku jiraan ku tuuray; dabadeed labo ayaa ka dhintay! Ninkii gaadhi ayaa uu koray markii ba. Laakiin tukihii kama hadhin ninkii, oo gaadhiga samadiisa ayaa uu ka ilaashanayay. Ma is heleen mise ma is helin; wallaahi ma ogi. Waayo? Ninkii ma aan arag. Iminka, shaadh cas ba qofkii sita isagii ayaa uu ba moodahayaa. Waa sababta inanka iyo inanta ku dilay. Waa na sababta aniga, adiga iyo in badan oo meesha joogna duqayntiisa uga badbaadnay. Waa na sababta ay eersan doonaan cid wal ba oo kobtan timaadda oo dhar-midabeedkaas huwan.”

Yaab weynaa! Ma tuke dagaallamaya, bani’aadamka dharbaaxaynaya oo dakhraya, oo weli ba dhiig kaga keenaya ayaa aan u soo joogay! Maqaaxidii heer waxa la gaadhay shaaha nin kale oo meesha joogay dadka in uu ka gado. Waayo? Inanku waa shaqaalle oo gurigiisii ma joogin, shaadh uu ka uu gashan yahay ee bartilmaameedka noqday ku beddesha na ma haysanin. Waxa ay noogu darnayd markii salaaddii makhrib la eedaamay ee masjidka u dareernay ayaa, wiilkii na raacay; waa ka isaga oo xawaaraynaya isagii toos u abbaaray. Waa ka uu is difaacay gabankii oo gacmaha mar ba dhan u walaliyay. Annagii na hiil bani’aadam ayaa aannu samaynnay oo tukihii waa aannu isugu tagnay maadaama uu na la bah ahayn. Salaaddii ma in aan miyirqab iyo khushuuc ku tukaday baa aad mooday? Dhacdooyinkiisii iyo sheekadii layaabka ahayd ee la ii ga ga sheekeeyay ayaa mar wal ba sidii filim maskaxdayda ku soo dhacaysay. Amuur kale oo taas ka la yaab badan ayaa jirta, ee iyana ma kuu sheegaa? Halkan tukaha la ma dilo, magtiisu na waa mag nin oo tulud ka dhimannayn. In ay run tahay iyo lidkeeda mooyiyee, waxa la yidhi beel degan deegaankan ayaa sheegata bahalkaas in uu ka tirsan yahay oo dhiig iyo dhaqan wadaagaan. Dilkiisa na dil qof iyaga ka mid ah in uu yahay. Oo xattaa aargoosiga galaan. Waxa aan xusuusan ahay dhacdo xilligii Cabdillaahi Yuusuf dhacday oo askari tuke toogtay isaga na mid saaxiibkii ahi toogtay!!!! Tukihii iyo askarigii iyaga oo meyd ah ayaa la wada duugay. Sababta dilka saaxiibkii gacankudhiiglihii waxa uu ku sababeeyay dilka tukihii. Gartii gar’adag tu aan ka dhicin ayaa labadii beelood dhex martay! Tukihiinnu waa sidee akhriste