Geedka kolka la
abuurayo tacab badan ayaa la geliyaa. Dheefooyinkiisa iyo dhibaatooyinkiisa waa
had ba sida tacabkaas loo tayeeyay iyo sidii kol wal ba looga tooghayn dhowaa.
Saani u abuurku saani u bixid marka uu horseedo, waa marka dheefuhu hirgalaan.
Wax ka dhigan bani’aadamka. Ujeeddo dhal kolka lagu dhalo oo feker dhalan lagu
tarbiyeeyo; waxa soo baxa qof macnaysan oo fikiraya. Sida midhaha loo malabsado
ayaa xogta maankiisa ku daabacan loo
mabsuudaa. Qof wal oo heerkaa gaadha waa qof wal oo xaqiiqsanaya guushiisa. Waa
sida weyddiimaha qofkaa la weyddiiyaa aalaa ku abuurmaan. Waa isla sida, kolkii
akhris, baadhis, qiimayn iyo hubsiimo
habboon weyddiimaha aalaa jaalayaashay i warsadaan, ee aan ahayn qoraalladayda
kuwa ay kaga dareen celiyaan; labadan weyddiimood u noqdeen kuwo had iyo jeer
soo noqnoqda oo joogto la ii weyddiiyo; in badan oo wakhti, erayo iyo feker ah
na iga qaata. Sababtaas, waxa aan go’aansaday qoraalkan in aan idin kaga
diyaariyo, si culayska ay igu hayaan aan isaga fudaydiyo; oo walaalka dambe ee
i weyddiiya qoraalkan akhriskiisa u diro.
Weyddiinta kowaad: Samiik, weligaa dhigane ma qortay; haddii aadan qorinna talada ma kugu jirtaa in aad qorto?
Dhigane weligay ma
qorin. Sababaha aan u qori waayey ma kuu sheegaa, akhriste? I la soco waayahay.
Dhawr arrimood oo isa saaran ayaa u sabab ah. Aan kala qaadno oo mid wal ba ba
gaarkeeda u calaamadinno. Arrinta kowaad, kolka aad doonto in aad guursato waxa
aad kala dooranaysaa ka aad noqon; aabbe wacan ama aabbe xun. Marka aad
guursanayso ka hor, waa in aad soo barataa fiqhiga guurka, sow ma aha? Ka dib
na, waa in aad shaqaysataa oo aad u diyaar garowdaa mas’uulliyaddan aad
qaadayso, sow ma aha? Marka aad guursatid adiga oo diintaadu dhisan tahay,
dhaqaalle reer lagu yagleeli karo haysta, awooddaada jidheed, ruuxi iyo
maskaxeed xooggan tahay, oo aad lee dahay awooddii diyaar garowga iyo
daadihaynta; waxa aad tahay aabbe wacan. Haa, markaa ayaa uu guursadaa qofka
wanaagsan ee fikiraya. Dhiganaha ayaa sidaa ka dhigan. Ugu horrayn, marka
dhigane aad qortid adiga oo aqoon wanaagsan u leh aqoonta qoraalka, afkaaga
guud ahaan, suugaantiisa iyo dhigaalkiisa gaar ahaan, iyo mawduuca aad wax ka
qorayso; sidoo kale na, awood xooggan oo maskaxeed iyo weli ba fikirreed lee
dahay, awood dhaqaalle oo kugu filan haysato, oo aad lee dahay awoodda diyaar
garowga iyo daadihaynta; waxa aad tahay qoraa wacan. Haa, markaa ayaa uu
dhigane qoraa qoraaga wanaagsan ee fikiraya. Haa, ilmaha sidaa hore ku dhasha
iyo dhiganaha sidaa dambe ku soo baxa, labada ba, waa loo hiiliyay,
aayatiinkooda la wanaajiyay, oo waddadaa ay ku yimaaddeen waa waddo
gobannimaysan.
‘Ilmahaagu mar ayaa
uu hiil kaaga baahan yahay’, ayaa ay Soomaalidu halqabsi odhaaheed u lee dahay.
Tolow waa markee? Waa marka hooyadii xaawalay oo dhan ka baadigoobayso oo u
xulayso, si qof nool oo noloshiisu u naqshadaysan tahay uga dhigto. Mar kale
ayaa iyana jirta; nasiib darro, lama wada ogsoona. Waa marka mustaqbalkiisa aad
u maammusho ka hor inta aad u doorin hooyadii. Hadda ba, qorayaasha iyana waxa
halhays u ah: ‘Buuggaaga mar ayaa uu hiil kaaga baahan yahay’. Tolow waa
markee? Waa marka qalinkiisa qalimmada kale oo dhan ka gaar yeesho oo aad
muunadayso, si buug nool oo noloshiisu u naqshadaysan tahay uga dhigto. Haddii
ilmahaagu noqdo mid diifaysan, dullaysan, oo daryeel xumo sida ay u dhan tahay
isaga ku dhan tahay; ka warran? Sow adduun iyo aakhiro inta ba, dhabtii, kuma
ceebaysanid? Bal ka warran dhiganahaagu haddii sidaa oo kale uu noqdo?
Guurku degdeg iyo
danaysi gaar ah u ma baahna. Waa arrin diineed oo tixgelinteeda iyo u diyaar
garowgeeda u baahan. Dhiganuhu na waa wax ilaa aakhiro kula socon doona. Sow ma
aadan maqal: kalmad aad kaftan u tidhi ayaa naarta kugu tuurta toddobaatan
sanno masaafo socodeed dhan? Bal ka warran dhiganahaagu haddii kun kalmadood oo
sidaa ahi ku qoran yihiin? Markaa, ma guulaysatay oo qoraa ayaa aad noqotay;
mise waa aad guuldarraysatay oo naftaada naar ayaa aad u qortay? Qalinku waa
mas’uulliyad; wax lagu fududaan karo ma aha. Weli ba waa uu ka sii xag jiraa
hadalka. Xattaa hadalku haddii uu yahay mid duuban si uu san u faafin ayaa uu qoraalku
u faafaa. Sidaa awgeed, qoraaga muslimka ah, waxa la gudboon in uu san ku
khatalmin arrintaa, oo dhaldhalaalka adduun ee soo dhawaynta dhiganihiisa,
gardaadintiisa iyo qoraa hebel in uu yahay ku kadsoomin; ee is weyddiiyo: waxan
aad qortay Allaah SWT raalli ma ka yahay, oo keligaa ayaa aad dhimanaysaaye,
aakhiro wax wax kuu taraya ma yihiin?
Maanta waa aynnu la
soconnaa qorayaashii muslimiinta ee hore iyo sida dhiganayaashoodii Allaah SWT
barako ugu yeellay. Haddii aan sii iftiimiyo arrintaa; maanta, guri qof muslim
ah lee yahay laga waayi maayo: Riyaadu Saalixiin, Al-Arbaciin Annawawiyah,
Bukhaari, Muslim, Xisnul Muslim,
Safiinatu Najaa iwm, sow ma aha? Waa dhiganayaasha loogu akhriska iyo
daraasaynta badan yahay ee loo badin karo qof wal oo muslim ahi in uu haysto
ama wax ka marsaday. Waa in uu is weyddiiyaa qoraaga muslimka ahi, mar wal oo
la akhriyo Arbaciinka, imisa wanaag iyo darajo ah ayaa uu helayaa Imaam Nawawi?
Kolka qofku uu dhinto saddex waxyaallood oo camalkiisa loogu daro waxa ka mid ah:
aqoon bani’aadamku dheefsado oo uu ka tegay. Hagaag. Ka warran aqoon
bani’aadamka gaalaysiinaysa, ama bidcaynaysa, ama waalli ku abuuraysa, ama xad
ka bax iyo dhaqan xumo faafinaysa, haddii aad qorto? Runtii in aan dhigane qoro
aad ayaa ay u fudud dahay; bal se, aakhiro qoraa ayaa aan ahay in aan eedo oo
taa awgeed naarta la ii geliyo ayaa aan ka baqayaa. Raggaa hore ayaa aan ku
dayanayaa oo tuse iyo hage ii ah. Dhallintan ordaysa ee buugaagta madhan la
yaacaysa, ee cudur caan noqo la dhaho la wareersan; waa aan ka hammi ballaadhan
ahay oo ka higsi fog ahay. Ujeeddada aan u nool ahay iyo shaqooyinka
bani’aadamku iga sugayo ayaa aan saani u garan og ahay.
Arrinta labaad,
qofka bani’aadamku wakhti ayaa uu dhashaa wakhti kale na waa uu dhintaa.
Labadooda dhererka masaafo iyo dedaalka qofeed ayaa xukuma dhumuca aqooneed iyo
karti ee qofkaas lahaado. Sidaa maaraynteedu, hubsiimo wakhtiyeed iyo helitaan
dhiirrasho ayaa ayaa ay u baahan tahay. Waa tahay. Labo sanno oo keliya ayaa
aan ku jiraa suuqa qalinka iyo qoraalka, ama bahda qalinleyda. Maalin wal ba
wax igu cusub oo farsamo iyo farshaxannimo ah ayaa maankaygu curiyaa ama aan
helaa. Kolka dhacdadaa ka duulo, afar jeer oo hab qoraalkayga beddelay ku daro,
baahida aqooneed iyo farshaxanneed ee maktabaddeennu u baahan tahay ku sii
xoojiyo, maankaygu na illawsanayn qoraa wacan oo sare in aan noqdo; waa in aan
badiyaa hubsiimada, oo aan iska jaahil tiraa dhiirrashada qowmamada, sumcad
xumida iyo cuduraynta bulshada natiijo ahaan laga dhaxlayo.
Arrinta saddexaad,
gaadhigaagu dhowr magaalo haddii uu u kala goosho, mid wal ba na faa’iido ku
haysto, kala xulashadooda ayaa feker doorasho u baahan. Dhibaato fikireed ayaa
ay la timaaddaa kala doorashadaasi. Wax ka dhigan aniga. In ka badan shan
xuddumo ayaa aan wax ka qoraa. Diinta, bulshada, siyaasadda, suugaanta,
sooyaalka, sheeko faneedda iwm; ayaa ka mid ah. Waa tahay. Xuddunta uu ku
saabsanaan doono dhiganahayga kowaad, waxa uu iga ga baahan yahay maalgelin
xoogeed oo fikir ah iyo garasho waaya’aragnimo oo miyir togan ku yimidday. Iyo;
Arrinta afraad,
mashquul aad u badan oo waxbarasho, akhris iyo baadhis isugu jira ayaa ii
oggolaan la’ ku dhiirrashada aniga oo aqoontayda, waaya’aragnimadayda,
kartidayda iyo wakhtigayga og; qoridda dhigane. Ugu dambayntii, haddii Eebbe
oggolaado, talada waa ay igu jirtaa dhigane iyo dhiganayaal ba soo saariddooda.
Muhiimaddu waxa weeye, kuwo ka duwan kuwa haatan oo aad uga dhaliil yar uga na
mug iyo farshaxannimo weyn in aan soo saaro.
Weyddiinta labaad: Samiik, ma guursatay; haddii aadan guursanna talada ma kugu jirtaa in aad guursato?
Gabadh weligay ma
guursan. Sababaha aan u guursan waayey na ma badna. Sheegistooda haddii aad
jeceshahay na waa aan kuu sheegayaa, ee ma i la socon kartaa uun? Fahmay in aad
danaynayso oo doonayso. Hagaag. Hana iga hor marin hana iga dib dhicin. Aan kuu
qodobbeeyo. Kow, guurku waa arrin cibaado ah oo xeerar iyo akhlaaqiyaat leh, oo
barasho, faham iyo dhaqan gelin u baahan. Labo, guurku waa arrin dhaqan oo u
laabanaysa bulshada ahaanshaheeda, sii ba hidde-dhaqankeeda. Saddex, guurku waa
arrin bulsho oo saamayn togan iyo taban ba koboca tiro iyo tayo ee bulshadaa ku
leh. Afar, guurku waa arrin nololeed oo u laabanaysa lammaanayaasha is doortay
iyo danay’yayaashooda; iyo shan, guurku waa arrin qofeed oo qofka caafimaadkiisa,
aqoontiisa, dhaqaallihiisa, dhaqankiisa iyo doonistiisa u laabanaysa. Shantaa
arrimood lahaanshahooda iyo fulintooda waxa ay u baahan yihiin feker, wakhti,
dedaal iyo dulqaad.
Lahaanshahooda ayaa
sabab u ah guur yagleelid; halka lahaansho la’aantood na sabab u tahay guur ka
baaqsi. Hadda ba, xaalkaygu waa ka dambe. Halgan ayaa aan weli ku jiraa. Guushu
na ma foga. Anigu ma doonayo jidh in aan guursado; ee waxa aan doonayaa ruux in
aan guursado. Anigu qof keligii in aan guursado ma doonayo; ee waxa aan doonayaa
labo qabiil xidhiidh togan in aan u hindiso oo u horseedo. Anigu ma doonayo
xaaskayga nolol aan u qalmin in aan ku xanaaneeyo; ee waxa aan doonayaa boqorad
muslimad ah oo Soomaali ah in aan ka dhigo. Anigu ma doonayo ilmo dayacan,
darxumo ku kora, oo dowddar soo baxa
aabbe in aan u noqdo; ee waxa aan doonayaa ilmo fekeraya, farsamooyin
falkin kara, oo isaga oo muslim ah oo Soomaali ah dunida wax na ku kordhin kara
wax na ka dhimi kara aabbe in aan u noqdo. Qoys xorriyad ku noolaada, xushmad
isu muujiya, oo Eebbe iyo abuurralaydiisa ka xishooda ayaa aan doonayaa
madaxweyne in aan ka noqdo. Ugu dambayntii, arrimahaas, hubaashii, dedaal badan
iyo dadnimo dheeraad ah ayaa ay doonayaan. Anigu waa aan aqaan waxa aan u
baahan ahay iyo waxa la iga ga baahan yahay. Guushu ma foga; se geyllanku waa
weli.
Gebagebo. Geedka
mar midho uu san lahayn baa jirtay. Mar wax qoriddu dhibaato i la ahaan jirin
baa jirtay. Tacab abuureed, risiq samada ka yimidday iyo wakhti ka dib, midho
ayaa uu yeeshaa. Maanta midho ayaa uu lee yahay geedku. Waxa aan ku dagaallamaa
farshaxan iyo tayo. Mar faras in la gato lagu hammiyi jiray ayaa jirtay; sii ba
fardafuulka foolaadka ah. In aan guursado maanta waa mid aan ku hamminayo.
Hanaqaadka ubadka wanaag ayaa loo fishaa. Cadceeddu inta ay baalka dhigan waa
aan rejayn doonaa maalin aniga oo aabbe ah in aan is arko. Musaafirku meeshii
100 km u jirta waa uu u sii niyaystaa gaadhitaankeeda, oo ka guul gaadhiddeeda
na waa uu u sii halgamaa. Dhigane iyo dhiganayaal qoriddii iyo gabadh guursigeed
waa aan u niyaystay gaadhitaankooda, ka guul gaadhiddooda na jeerkan maanta ah
waa aan u halgamayaa. Safarku duco kama maarmo; wax garad na wax loo ma sheego.
Mahadsanid akhriste.
Ilaahay wanaag iyo darajo badan ayaa aan kaaga rejaynahayaa.
Haddii aad akhriday mudane/marwo, waa aan jeclaan lahaa aragtidaada in aad i la wadaagto oo faaladaada halkan ku hoos qortid. Mahadsanid.
ReplyDeleteMaxamedow waan akhriyay, La yaab lehe dadka wax akhrinta ku caajizo ayaan ahay weliba anoo jecel balse kaada goor aan dhameeyay garan maayo, sadar weliba waa cashar gooni ah, war celin waafi ah ayaad siisay qof walba oo ku weydiiyay iyo inta ku weydiin doonta amaba ku weydiin rabtay oo aan anigu ku jiri lahaa, haddaba dadkii ku weydiin lahaa -1 dheh, halkaa kasii wad halganka mowhibada iyo garaadka Eebbe ku siiyay inaad bulshada ugu adeegto waa mahadnaqa ugu ballaaran, Mahadsanid
ReplyDelete