Tukaha Boosaaso jooga waa mid cajiib ah! Tolow sidan uu yahay xaggii na na ma ka sidaas baa? Mooyi! Galab ayaa aan suuqa u soo baxay aniga oo madaxu i xanuunayo. Maya, i ma xanuunayn ee xaraarad shaah baa i haysay. Nin aygaradnimadiisu sarrayso ayaa aan kula ballansanaa mid ka mid ah hoteellada magaalada. Hubaashii waa ka aan u badan ahay fadhigiisa. Shaah ayaa aannu u yeedhannay muuqbaahiye hortayada ka shidnaa na indhaha ayaa aan ku toosinnay. Dhakadayada waxa ka soo lusha laamo geed oo caleen badan lagu arsaaqay. Dabadayada ayaa ay xididkiisu ku aasan tahay. Waa aan ba ku tiirsan ahay jirriddiisa adag. Tuke ayaa qayladiisa wax ka daawan kari waynay. Mar geedka ayaa uu fuulayaa mar na dhalada ayaa uu ku dul fadhiisanayaa! Waa hooyo ubadkeeda ku korsata geedka dushiisa, meel laamuhu iska galaan oo bac madow ay u dhigtay, oo fiiro dheer u leh dadka halkan ku shaaha dhaqdhaqooqooda. Tiraabtaas waxa aan ka maqlay mid ka mid ah dadkii ii dhowaa. Anigu ma weyddiin ee jaallahay baa weyddiiyay, xayawaankan qaaqaaqda haya waxa baas ee halkan keenay iyo shaqada uu hayo?
Dokumentari ku saabsan bahallada hoose ee danwadaagga ku ah laynta xayawaanaadka ay ka itaal roon yihiin iyo cidhibtirka aadamaha ayaa aannu ka daawanaynaa National Geographic. Nin feedho waaweyn, diir cas, koofiyad buluug ah gashan, oo kursi dhalo ah ku fadhiya ka na mid ah bahaldilayaasha ugu waaweyn ee dunida ayaa arrimo noolayashaa dhaqammadooda ku saabsan laga waraysanayaa. Cayayaanka intooda sunta leh iyo maaddada suneed ee ku jirta kolkii uu ka jawaabi lahaa, ayaa tukihii baas weerar cireed soo qaaday, xadhigii ku istaagay, oo hal mar dam tidhi shaashaddii ninka feedhaha weyni ka hadlayay. Intaa kuma uu hakan e’, shaah-gadihii oo bir dhowr bakeeri oo shaah ah ku jiraan sida ayaa dharbaaxo tukeed aan la dhayalsan karin bac kaga siiyay. Birtii waa ay dhacday. Bakeeriyadii wax ba ma noqon, se shaahii ku jiray ciidda ayaa cabtay. Degdeg badanaa sidii ay u nuugtay! Waa ciid Boosaaso iyo xaalkeed e’, qorraxda ayaa nafta ka jartay oo qoyaan ba u diiday. Iyada oo ninkii sidii shaydaan aan la aqoon oo cirkasoodhac ahi dardaray u jahwareersan yahay ayaa, inantii hoteelka nadiifin jirtay samada kaga soo haaday oo afkiisa qoran ee xooggan dhag kaga siiyay. “AAA!” uun ayaa ka soo hadhay. Cabbaar ka dib na waxa ay noo sheegtay meeshii in ay dhiigayso! Tukuhu afkiisa dhagax in uu ka daran yahay baa aan ogaaday!
Waa aan shakkiyay. Waxa aan wax iska weyddiiyay sababta labadooda u weeraray annaga na nooga qalleeyay! Ma wax baa ay ku sameeyeen mise waa daandaansi tuke? ayaa maankaygu is weyddiiyay. Baadhis ayaa aan u dhaqaaqay. Nin oday ah oo ragga meesha mar wal ba isugu nimaadno wax na ku wada daawanno ah ayaa weyddiintaydii hordhigay. Dabadeed waa uu ii warramay. “Tukahani waa dheddig. Ubad ayaa u saaran geedkaa gadaashaada ka taagan. Inta badan bisad ayaa weerar ku soo qaada. Had iyo jeer digtooni ayaa uu qabaa, oo dhaqdhaqaaq wal ba, mid xayawaan iyo mid bani’aadam, si wanaagsan ayaa uu u la socdaa. Dulmi ayaa loo gaystay. Mid dhashii Ilma Aadan ka mid ah oo shaadh cas sitay ayaa dhagax weyn halkaa ilmihiisu ku jiraan ku tuuray; dabadeed labo ayaa ka dhintay! Ninkii gaadhi ayaa uu koray markii ba. Laakiin tukihii kama hadhin ninkii, oo gaadhiga samadiisa ayaa uu ka ilaashanayay. Ma is heleen mise ma is helin; wallaahi ma ogi. Waayo? Ninkii ma aan arag. Iminka, shaadh cas ba qofkii sita isagii ayaa uu ba moodahayaa. Waa sababta inanka iyo inanta ku dilay. Waa na sababta aniga, adiga iyo in badan oo meesha joogna duqayntiisa uga badbaadnay. Waa na sababta ay eersan doonaan cid wal ba oo kobtan timaadda oo dhar-midabeedkaas huwan.”

Yaab weynaa! Ma tuke dagaallamaya, bani’aadamka dharbaaxaynaya oo dakhraya, oo weli ba dhiig kaga keenaya ayaa aan u soo joogay! Maqaaxidii heer waxa la gaadhay shaaha nin kale oo meesha joogay dadka in uu ka gado. Waayo? Inanku waa shaqaalle oo gurigiisii ma joogin, shaadh uu ka uu gashan yahay ee bartilmaameedka noqday ku beddesha na ma haysanin. Waxa ay noogu darnayd markii salaaddii makhrib la eedaamay ee masjidka u dareernay ayaa, wiilkii na raacay; waa ka isaga oo xawaaraynaya isagii toos u abbaaray. Waa ka uu is difaacay gabankii oo gacmaha mar ba dhan u walaliyay. Annagii na hiil bani’aadam ayaa aannu samaynnay oo tukihii waa aannu isugu tagnay maadaama uu na la bah ahayn. Salaaddii ma in aan miyirqab iyo khushuuc ku tukaday baa aad mooday? Dhacdooyinkiisii iyo sheekadii layaabka ahayd ee la ii ga ga sheekeeyay ayaa mar wal ba sidii filim maskaxdayda ku soo dhacaysay. Amuur kale oo taas ka la yaab badan ayaa jirta, ee iyana ma kuu sheegaa? Halkan tukaha la ma dilo, magtiisu na waa mag nin oo tulud ka dhimannayn. In ay run tahay iyo lidkeeda mooyiyee, waxa la yidhi beel degan deegaankan ayaa sheegata bahalkaas in uu ka tirsan yahay oo dhiig iyo dhaqan wadaagaan. Dilkiisa na dil qof iyaga ka mid ah in uu yahay. Oo xattaa aargoosiga galaan. Waxa aan xusuusan ahay dhacdo xilligii Cabdillaahi Yuusuf dhacday oo askari tuke toogtay isaga na mid saaxiibkii ahi toogtay!!!! Tukihii iyo askarigii iyaga oo meyd ah ayaa la wada duugay. Sababta dilka saaxiibkii gacankudhiiglihii waxa uu ku sababeeyay dilka tukihii. Gartii gar’adag tu aan ka dhicin ayaa labadii beelood dhex martay! Tukihiinnu waa sidee akhriste?
Haddii akhriste sheekadan akhrisatay, faaladaadu waa muhiim si aan kuu la wadaagno fekerkaaga gaarka ah. Soo dhawow.
ReplyDelete