Tirada Soo Booqatay

Wednesday, December 23, 2015

Laacibkii Lawaayay!!!

Qofku waxa uu san aqoonin waa u cadow. Sidoo kale, xiise badan barashadeeda haddii uu ka galo aad ayaa uu ugu dhibaatoodaa. Cabdiqani waxa uu jecel yahay isla markaanna feker iyo dedaal badan ku bixiyaa barashada kubbadda cagta iyo cayaartoy wanaagsan noqoshadeeda. Hase ahaatee, xiisahaa aadka u badani ilaa iyo eegga kuma guulaysan. Dhibaato badan ayaa ka qabsatay gaadhitaanka iyo xaqiijinta hammigiisa. Dhiirrigelintu waa shidaalka ugu weyn ee qofka ku haga garashada toobiyaha dhow ee san ee geeya waddada guusha isla jeerkaas na ku kaalmaysa halabsiga helitaanka himilada loo halgamay. Dabeecadda nolosha iyo sunanka kowniga ah ayaa, caqabadaha guusha ka horreeya, ee qorshe, istiraatiijiyad, aragi iyo hammi sare ku marid la’aanteedu soo xidhxidha rejadii la qabay iyo waayihii la filanayay, ay dhabtii ka mid tahay. Hubaashii yoolkiisii ma aannu gaadhin. Caqabado badan ayaa arrintaas sabab u ahaa. Tani waa caqabaddii ugu dambaysay ee Cabdiqani la kulmay. Waa na tii quusisay ee geyllankii uu muddo soo waday in uu halkeedaa ku dhaafo sababtay.

Garoon ka mid ah garoomada casriga ah ee roogga lagu goglay ayaa uu yimid isaga iyo koox uu u dheeli jiray. Habeenkaa kooxdiisu koox aad u adag ayaa ay la cayaarayeen. Waa koox ay xafiiltamaan oo kulankii kan ka horreeyay saddex gool uga ga soo adkaadeen. Cayaar adag oo la wada sugayay ayaa ay ahayd. Sidaa awgeed, daawadayaal badan ayaa wakhtigooda qaaliga ah u soo huray. Waa goob boos aad ka fadhiisato aadan heli karin. Waa goob sawaxanka iyo qaylada ka jirta aadan malayn karin. Dhisme ahaan waa meel weyn oo dhererkeedu 45 mitir yahay. Ballaceedu na 20 mitir. Oo qaybo kala duduwan leh sida: qayb lagu jimicsado (GYM), qayb meherad ah oo biyaha, buskutka, iwm lagu gado iyo qayb lagu cayaaro. Ma ahan garoon weyn. Waa garoon kooban oo naadi wal ba toddoba cayaartoy laga rabo, kuwaas oo mid ka mid ahi goolhaye yahay. Qaybta cayaarta waxa dhan wal ba kaga wareegsan biro dhaadheer iyo shabagyo isa sudhsudhan, kuwaas oo banooniga ka ilaalinaya laaditaan ka dib xerada in ay ka baxdo. Nalka shidan ma ahan mid shirkadi lee dahay; ee waa mid ku shaqeeya soolar oo ifkiisu na aad u awood badan yahay. Saacaddu waa siddeeddii habeennimo oo gow ah.

Kooxdu waxa ay isugu jirtaa xiddigo cayaarta kubbadda cagtu xirfaddooda tahay iyo qaar aan aqoon bal se siyaabo kale looga faa’iidaysto; tusaale ahaan, naadiga dhanka dhaqaallaha in ay ka kaabaan. Kolka ay is dacaayadaynayaan oo qoladaa hore qolada dambe ceebahooda ay ka warramayaan, waxa ay ku dhahaan “nuur kubbadeed ayaa idin maray’. Isagu waxa uu ka mid ahaa qoladaa dambe ee dacaayaddaasi ku socoto. Qiso layaab leh ayaa habeenkaa halkaas ka dhacday.

Shirqool ayaa la maleegay! Naadiga gudihiisa waxa ka jiray loollan indhawayd ba. Tababbare cusub ayaa naadiga qabsaday ka dib, kii hore kolkii la caydhiyey, arrimo musuq oo lagu helay darteed. Is faham-waa ku saabsan maammulka naadiga, xulidda cayaartoyda wanaagsan  iyo sare u qaadista alamiitada iyo kulammada tababbarka ayaa dhex maray macallinka cusub iyo qaar ka tirsan cayaartoyda kooxda, oo xooggoodu danaha kale kuwii lagu watay ee isagu uu ka midka ahaa ah. Isku dhacaasi waxa cirka u sii shareeray tartan kooxdu geli rabtay oo aad u soo dhawaa, kaas oo u baahnaa in loo qalab iyo sahay qaato. Kooxda amardiiddada samaysay waxa horboodayay oo wax wal ba ka caawinayay Cabdiqani. Baruhu aad ayaa uu u dhibsaday xaaladda naadigu ku jiro iyo ardaygan culayska uu ku hayo u diyaargarowga tartanka 12-ka caanamaal ka dhiman yihiin iyo horumarka guud ee kooxdu higsanayso. Dabadeed, waxa uu goostay maleegidda shirqool khatar ah oo uu kaga saarayo guud ahaan ba talada iyo cayaarta kooxda ba.

Macallinku waxa uu isku dubbaritay cayaartoyda kale oo aad uga badnaa kuwaa falaagowday.  Waxa na cayaar kulul caawa la lee yihiin koox ay si fog u xifaaltamaan koobka la qaban doono na ku guulaysigiisa kuwa loo sii saadaalinayo yihiin.  Sababtaas ayaa garoonka taarabuun aad u badan isugu yimaaddeen. Sababtaas ayaa naadiyaashii kale cayaartoydoodii, maamulkoodii iyo tababbarayaashoodii ugu dhannaayeen madasha. Sababtaas ayaa habeenkaa jawigiisu aad iyo aad u shidnaa oo xamaasadda, oorida, sacabka, buuqa, qaylada iyo qosolka baxayaa aadan ka sheekayn karin. Labadii kooxood garoonka waa ay soo galeen iyaga oo kala sita maaliyadaha buluugga iyo casaanka. Kooxda macallin Xuseen wato waxa ay sitaan maaliyadda hore.

Sacab aad u xooggan oo in badan labo dhacayay ayaa garoonka ka socda. Labadii kooxood na waa ay isa salaameen oo ay is hab siiyeen. Iminka siidhwalaha ayaa badhtamaha taagan oo u yeedhaya labada kabtan, isaga oo kala hadlaya jawiga cayaarta iyo in la ilaaliyo shuruucda iyo  hannaan socodka cayaarta. Cabdiqani iyo rag kale waxa ay ku fadhiyaan kursiga kaydka waxa na ay diyaar u yihiin kolka loo baahdo garoonka in ay soo galaan. Cayaartii waa ay bilaabatay. Macallin Xuseen Cabdiqaadir Siciid “Laba-suule” si dadweynaha iyo dhammaan ka soo qayb galayaasha daawashada kulankan u tusiyo xaqiiqada Cabdiqani, waxa uu qorsheeyay farsamo aad u khatar badan. Waxa uu rabaa bulshada in uu ku dhex ceebeeyo oo waxa uu yahay baro, si uu u quusto, u rejo dhigo, oo naadiga hawlihiisa faraha kala baxo. Nafta ayaa uu u keenay oo waa uu ka hadhsan iyo shaqaysan waayay.

Kolka kooxda gool laga dhaliyo waa in uu aad u xanaaqaa, cabbaar gacmahiisa madaxiisa dul saaraa, oo cayaartoyda aad u canaantaa. Dabadeed, Cabdiqani oo halkan fadhiya waa in uu si kor ah magaciisa ugu dhawaaqaa oo dhahaa “CABDIQANI SOO KAC. CABDIQANI SOO KAC OO SOO OROD. CABDIQANI SOO GAL CAYAARTA IWM”. Dabadeed, waa in taarabuunku dhammaantii moodaan xiddig weyn oo cayaarta wax ka beddeli kara, goolka lagu lee yahay naadigiisa soo bareejeen kara, goolal kale u saari kara, oo guul kaga hoyan doona is aragan. Dabadeed, waa in magaciisa aad loogu dhawaaqaa oo daawadayaashu na doorkooda weyn ka qaataan magac ku dhawaaqiddiisa iyo dhiirrigelintiisa. Sidaa ayaa loo qaabeeyay filimkii lagu  shirqooli lahaa isla mar ahaantaanna laga ga saari lahaa bahda naadiga.

Sidii ayaa dhacday. Gool ayaa laga dhaliyay naadiga, kaas oo  ku yimid khalad goolhayaha oo ragga mishinka aad u fulinayay ka mid ahaa sameeyay. Dabadeed, tababbaruhu sidii uu awel u qorshaysnayd ayaa uu fulinteeda ku dhaqaaqay. Kolkii funaanadda naadiga loo soo tuuray ee uu gashaday, dabadeed xagga irridda laga galo garoonka u jihaystay isaga oo tartiib tartiib u soconaya, ee nambarka gadaal garamada kaga qornaa na 10 ahaa; waxa la moodayay laacib jookar ah, xiddig ah, dheeman ah, oo xariif ah. Dadka qaar dhawaaqii xoogga lahaa ee ka soo yeedhay taarabuunka ee ay ku dhiirrigelinayeen iyo magaciisii aadka loogu dhawaaqay waxaa ba ay moodeen Siidaan ama Roonaaldiinyo midkood oo Soomaaliya qarsoodi ku soo galay!

Xamaasaddu iyada ayaa wax wal ba ka weyn. Iyada ayaa gebigeed ba dareemmadaada oo idil beddelaysa. Iyada ayaa malaha qofnimo cusub iyo karti daahsoonayd kugu casuumaysa. Waa sidaas. Haa, waa sidaas dhabtii. Ninkii jaahilka ahaa, ee is ogaa kubbadda in uu san aqoon oo maalin maalin kooxdu dhexdooda cayaarayaan mooyaanee weligiis cayaar loo dhacayo naadi kale aan dheelin, waa kaa garoonkii sii gelaya ee sidii laacib kubbad yaqaan ah is xariifinaya. Waa kaa soo atooraynaya, wax balaayo ka dhacay la moodo, oo ugu yaraan Siidaan in uu u qaab eg yahay la malayn karo.

Laacibiintii gudaha waa kuwaa ku orday saaxiibkood ee garabka garabka u saaray, booskii uu ka cayaari lahaa na u tilmaamay, oo weli ba kabtankii kooxdu kabtannimadii ku wareejiyay!!! Waa kaa dhan wal ba eegay, aad u farxay, oo isu haysta Santiyaago Baarnabuu in uu caawa ka cayaarayo oo Riyaal Madrid kabtan u yahay! Waa kaa farta fiiqaya ee jaalayashii ku leh inaga adkeeya cayaarta oo qof walbow labo iska dhig! Haa, oo xattaa kuwa ay la dheelayaan ayaa aad uga baqaya oo u haysta dhiggooda laacib culus in uu u soo galay. Waa kuwaa iyagu na is eeg’eegay ee mid ba mid baraarujiyay. Laadkii ugu horreeyay ayaa difaaca shanta u taagani isaga oo weerar ahi u tuuray. Layaab! Lugihiisa dhexdooda ayaa ay ka dhex baxday. Shakki ayaa durba bilowday. Hase ahaatee gef dhacay ayaa loo qaatay. Tii labaad ayaa saaxiibkiisa dhexda ka dheelayay kubbad wareegaysa oo qurux badan xabadkiisa ku qiyaasay. Laakiin, nasiib darro, gacanta ayaa uu ku qabsaday! Waa la is fiirfiiriyay oo weyddiimo ayaa qof wal ba is weyddiiyay ama ka uu yaqaanno weyddiiyay. Laacibkan maanta ma ka jiiftaa? Maxaa ka si’ ah? Kubbadda ma yaqaanno miyaa? iyo weyddiimo kale ayaa la isku jalbeebay. Kubbaddii saddexaad ayaa difaaca naadiga uu la cayaarayo si kama ah u siiyeen, iyada oo boodboodaysa oo xoog leh. Halkii laga sugayay in uu baabacada ku maammulo ayaa uu laf dheerta la aaday oo xariiqa dhanka bidix ee dheer ka baxday!!!

Wax la dareen wax na la faham. Nin la soo khalday oo la soo shirqoolay in uu yahay la faham. Daawadayaashii mid ka mid ah ayaa kor u yidhi “NINKA MIYAAN LAGA NAXAYNIN?!” Aad ayaa loo qoslay weedh-weyddiineedkaa kolka ay si buuxda afkiisa uga soo baxday. Siidhigii ayaa la yeedhiyay. Waa nasashadii. Cabbaar ka dib garoonka ayaa lagu laaban doonaa si loo cayaaro qaybta labaad. Intii aan la soo laaban dadweynuhu waxa ay si badan u lafagureen qaab cayaareedkii labada kooxood ay soo bandhigeen. Waxa ay isku raaceeen kooxda dharka buluugga ku cayaaraysa in laga cayaar wanaagsan yahay iyo ninka nambarka 10ka wata in uu dheeraad kooxda ku yahay. Waxa ay saadaaliyeen haddii aan la beddelin goolal kale in laga dhalin doono kooxda.  Garoonka waa lagu soo laabtay dhexdhexaadiyuhu na qaybtii labaad ee cayaarta waa uu bilaabay. Cabdiqani la ma beddelin. Waayo? Qorshaha loo dhigay ayaa ahaa mid sidaa u qaabaysan, xaqiiqadiisa dadka in la baro. Kubbaddu mar wal ba oo ay u imanaysay waa uu gargariiyay, cagta tobannaan jeer qaadayay, oo mar wal ba khaldayay. Haa, ma jirto hal mar oo uu saxay. Hal mar oo uu saaxiibkii baas wanaagsan siiyay. Waa ay ku dhacaysay kana soo laabanaysay! Sidii daawadayaashu saadaaliyeen saddex gool oo kale ayaa naadiga laga dhaliyay. Cayaartu afar gool iyo ebar ayaa ay ku soo gebagebowday.


Xamaasadda haddii uu la dagaallami karo hubaashii waa uu la dagaallami lahaa. Waayo? Xaqiiqo uu ogsoonaa ayaa ay khuraafo uga dhigtay! Shahaado uu qaadan ama darajo uu san gaadhin ayaa ay maankiisa ku hal-abuurtay! Wax uu ahayn ayaa ay ahaansiisay! Dabadeed, runta iyo beenta runtaa guulaysata e’ waa kaas caawa yaabban! Waa kaas bulshadu yar iyo weyn wada baratay! Waa kaas naadiyaashii kale, laacibiintoodii iyo macallimiintoodii wada barteen! Waa kaas si allaale iyo si uu garoonka uga baxo ama fadeexada isaga maydho ama isha dadweynaha isaga duwo garan la’! Waa kaas gacantiisu wajiga saaran tahay mar marka qaar na duuf aan jirin iska tiraya! Waa kaas socod aan fadhiyin bilaabay oo mar wal ba oo uu talaabo qaado buumaha hagaajisanaya! Waa kaas sidii tuug reero u dhacay, la qabtay, oo la wada arkay dhulka ku dhaygagay oo hal mar yaa shimbir kaa dhiga aad duushidee is leh! Waa kaas ilintu ku soo joogsatay! Waa kaas xanaaq iyo uurxumo la ooyay! Waa kaas maalin dambe iyo kubbad dambe ka dhaartay! Waa kaas go’aansaday naadigaas iyo afaaro dambe oo uu lee yahay wakhti in uu is kaga lumin! Waa kaas macallin Xuseen iyo taageerayaashiisii oo aad u faraxsan dhoolacaddaynayaan. Waa kuwaas bulshadii laacibkii ay sugayeen waayay!





Mahadsanid akhriste. 

Ilaahay wanaag iyo darajo badan ayaa aan kaaga rejaynahayaa. 





1 comment:

  1. Haddii aad akhriday mudane/marwo, waa aan jeclaan lahaa aragtidaada in aad i la wadaagto oo faaladaada halkan ku hoos qortid. Mahadsanid.

    ReplyDelete