“Garbaduub haddii loo xidhood gaadh na ka ahaato
Gacantii nin lihi goynayaa waa gumudantaaye
Nin walaalkii geed ugu jiraa geesi noqon waaye!”
- Gabyaa,
geyllame iyo geesi: Ustaad Cabdillaahi Timacadde IHUN
Masiibooyinka ugu waaweyn ee ummad ku dhaca waxa ka mid ah, dhiiggeeda in ay xalaashato iyo ku dhicitaanka dambiyada waaweyn agtooda caado dhaqammeed in ay ka noqoto! Ummad ummadahaa ka mid ah ayaa xaaladdaas horay iyo haatan ku sugan; Soomaalida. Waxa aan ka soo jeedaa ummad aad mooddo garaadkeedu in uu sii yaraanayo mooyaane, sarrayn ba in laga xaaraantinnimeeyay! Gadaal u socodka iyo god ku dhammaadka ilbaxnimo u yaqaanna. Oo kii wanaag u sheeggaa ba ka abaal dhacaya! Waa bulsho shalay wixii dhacay aan ku cibro qaadanayn, oo xaaladdoodu u eg tahay xaaladihii umamkii Ilaahay halaagay.
“Dadkani gaalo na ma aha/ muslin
diinla na ma aha”
- Gabyaa,
geyllame iyo geesi: Ustaad Jaamac Kediye Cilmi
Aad ayaa aan uga damqadaa marka
aan arko, reer tolkay oo garaadkoodu siiyay in ay is xasuuqaan oo xabaalaha
buuxiyaan. Maxaa aan uga damqan waayay; sow qof damiir iyo dadnimo leh ma ahi?
Waxa xanuunka aan dareemayo aad igu sii kiciya, marka aan dhab waayaha nololeed
ee qowmiyaddayda si wal u dhugto, oo aan arko xaalad ilmo kulul iga keenta.
Ilmo aan joogsi lahayn! iyaga oo la tacaalaya saamayntii tabnayd ee burburkii
iyo qaran-jabkii dawladnimo u gaystay, isla jeerkaas na cadowgooda diineed iyo
isireed u tashi ka dib maalin ba qorshayaashooda qayb fulinayaan; waa ayaan
darro, caqli xumo iyo quus weyn iyagu in ay is cunayaan, oo is tiro iyo tayo
yaraynayaan! Waa middaas midda aan maalmahan la seexan kari waayay. Waa middaas
midda, akhriste, adiga na aan rabo isku dareen in aynnu ka noqonno. Xaqiiqdii
reer tolkay waxa la moodaa in ay sakhraansan yihiin oo dawo damiirka dhinta ama
se baabb’isa lagu muday!
“Nin ragay dardaaran u tahaye doqon waa mooge
Danbi weeye Kufriga aad u dabcaysaane
Marka hore dabkuu idin ka dhigi dumar sidiisiiye
Mugga xiga dalkuu idin ku odhan duunyo dhaafsada e’
Mugga xiga na daabaqadda wuu idin dareensiine”
Danbi weeye Kufriga aad u dabcaysaane
Marka hore dabkuu idin ka dhigi dumar sidiisiiye
Mugga xiga dalkuu idin ku odhan duunyo dhaafsada e’
Mugga xiga na daabaqadda wuu idin dareensiine”
- Gabyaa,
geyllame iyo geesi: Ustaas Sayyid M. Cabdillaahi IHUN
24sanno ayaa aynnu qaxaynay,
barakacaynay, baabba’aynay, oo dullinnimo iyo dacdarro ku noolayn. Halaaggii
iyo hooggii gacmaheenna ku kasbannay, ee qarannimadeenii eeday; ayaa aynnu,
maanta na doonaynaa rejada yar ee jirta in aynnu ku bakhtiinno! Waa layaab aad
u weyn iyo wax aan la innaga filayn sinna ba!!! Sow, walaale, maanta la inooga
ma baahnayn in aynnu ka fekerno: sababihii burburka iyo qaranjabka dhaliyay?
Sababihii midnimadeennii luntay keenay? Sababihii innaga oo hal ummad ah; hal
diin, hal dhaqan, hal af, hal isir, hal sooyaal iyo hal deegaan leh isku kaaya
diray oo aynnu shalay u dagaalannay maanta na weli u dagaalamaynno? Sidii aynnu
u xalin lahayn xumaantii shalay dhacday isla mar ahaantaanna uga fekeri lahayn
timaaddada iyo sida mustaqbalkeena u wanaajin lahayn? Waa doqonnimo iyo dadnimo
yari sow ma aha, godkii shalay aynnu ku wada dhammaanay maanta na in aynnu ku
wada dhammaanno? Qabyaaladdii shalay aynnu isku xasuuqnay haatanna isku
xasuuqno? Oo sooyaalka sanadihii madoobaa casharro iyo cibarro waaya’aragnimo inoo
noqda aynnaan sinna ba uga korodhsan!!!
“Adimaadoo joogtiyo salaad timid
abaarteeda
Ashahaada goortaan maqliyo iyo weli ba eedaanka
Anaa is idhi dadkan waa islaam ehlu tawxiide;
Mis na idhi axaadiista iyo wacdigu kuma arooraane!
Mar is idhi arkaantii bay hayaan agabsigeediiye;
Mis na idhi waxaan uurka jirin bay akhriyayaane!
Mar is idhi Asmaa lagu dejoo loo akaakubaye;
Mis na idhi inkaarahay galeen baa ku oogsadaye!
Mar is idhi axdiga way gayaan in ay ilaashaane;
Mis na idhi ma aamini kartidee yay ku aayirine!
Mar is idhi aqoon kama madhnee waa indheergarade;
Mis na idhi wax ba ba may oga way ambanayaane!
Mar is idhi kulli ba waa is ku oday ehel walaaloode;
Mis na is idhi ajnabi kulmay uruuris weeyaane!
Mar is idhi dadkan amarku helay juuq ba ha u odhane;
Mis na idhi wax laga aamuso kuma ag joogaane!
Mar is idhi abuurtii iyo sinjigaa ku oggolaysiine;
Mis na idhi ag joogoodakan waa Allaa I badaye!”

Waxa aan u malaynayay qowmiyadda Soomaaliyeed
aqoon sare in ay u lee dahay burburka ummad ku dhaca iyo dhaxalka uu reebo;
isla markaanna dadka dunidu ka baran karaan waaya’aragnimada ay u lee yihiin
maaddadaas. Wax se ii muuqata weli heerkaas in aynnaan gaadhin. Waa wax la la
yaabbo! Shaqaaqada ka soo cusboonaatay magaalada Gaalkacyo, caasimadda gobolka
Mudug, waa mid runtii bulshada Soomaaliyeed wada taabatay. Waa mid
murugo iyo mashaqo badan xambaarsan. Waa mid laga wada naxay oo aad looga
xanaaqay. Dhab ahaantii, waa mid aan loo baahnayn oo imaatinkeedu fajaciso iyo
fool xumo aad u weynayd ahayd. Gaalkacyo waxa ay ka mid tahay magaalooyinkii
aad ugu naafoobay dhaawac tiro beel dhan wal ba ka ah na ka soo gaadhay
colaadihii sokeeye ee dalkeenna ka dhacay sagaashamaadkii. Waa magaalo ay degaan
dad Soomaali ah oo muslimiin ah; dad walaalo ah oo xidid iyo xigaal leh; dad
isku dan iyo duruuf ah; oo nabad ku wada noolaanshaheeda cid wal ba dan ugu
jirto. Saaxiibtinnimada waa la dooran karaa, bal se derisnimada la ma dooran
karo. Wanaag iyo is karaamayn in lagu derisoobo wax dhaanta iyo wax ka dheef
badan mid na ba ma jirto. Aad ayaa aan ugu mahadinahayaa, labadii mudane ee
markii magaaladaas (Gaalkacyo) gacan-ku-haynteeda iyo lahaanshaheeda lagu
diriray, heshiis ku wada noolaansho ah ka gaadhay. Cabdillaahi Yuusuf Axmed iyo
Maxamed Faarax Caydiid, labada ba Ilaahay ha u naxriisto.
“Dakanadiyo dhiiladii
horiyo dirirtaan soo dhaafnay
Dura waxii la soo maray dad weli doonayaa jira e’
Darsi umaysan noqon daanadiyo duulankii hore
Dambiyadii shalay doonayaan door labaad kale
Diin ruux ka been sheegaya damac hubaalaysan
Isku duubni ruux diidanoo beelnimo u duuban.
Dibindaabyadii hore mid fali weli dariiqeeda
Mid uun dooni duul wada dhashay diradireyntooda
Deegaanka Soomaaliyeed deyr ku kala oodi
Miyaa ruux damiirliyo dal jire weli ku doodaaya”

- Hal-abuur:
Ustaad Cabdiraxiin Hilowle Galayr
Waxa aan nasteexo iyo baaq u
dirayaa maammulada qaybta weyn ka ah fitnadan, isimada iyo guud ahaan shacabka.
Walaalayal Ilaahay SWT waa uu xaaraantinnimeeyay dhiig qof bani’aadam ah sharci
darro dhulka korkiisa in lagu daadiyo. Diinta iyo dhaqankeenna suubban ayaa ah
maraajicda aynnu u laabanno oo xalaasha iyo xaaraanta, samaanta iyo xumaanta,
xaqqa yo baadilka, akhlaaqda iyo hab dhaqanka wanaagsan, ilbaxnimada iyo
horumarka, iyo fikirka iyo aragtida ka qaadanno. Walaalayaal diinteennu waa
diin nabadeed, waa diin naxariiseed, waa diin nololeed. Ummad muslimiin ahi
qoryo in ay isku qaataan oo xabbad is waydaarsadaan sharci ahaan waa xaaraan. Dagaalkaasi
na waa dagaal fitno ah. Ilaahay iyo ergaygiisu na waa nooga digeen arrintaas;
ciddii sidaas samaysa na waa ahlu naar – Ilaahay ha inaga badbaadiye.
Siyaasiyiinta, waxa aan ugu baaqayaa Ilaahay SWT in ay ka baqaan. Bulshada ay u
taliyaan danahooda nololeed in ay ka shaqeeyaan oo horumar iyo
higsi badhaadhe leh u horseedaan. Oo fitnaddan hurudda ee ay tooshka
ku ifinayaan si degdeg ah u joojiyaan. Isimada iyo waxgaradka labada beelood
iyo deegaamood, waxa aan ugu baaqayaa fadhiga in ay ka kacaan oo nabad iyo
negaansho sidii loo heli lahaa ay falowgeeda qabtaan. Oo wadajir iyo wanaag wax
kasta oo jira ku dhammeeyaan. Shacabka, waxa aan ugu baaqayaa hadallada
nuxuusta ah dhegaha in aysan u dhigin, ee dardaarankii suubbanahooda qaataan
kana fogaadaan ka qayb galka fitnada socota.
"Xaajada god-raaca leh haddii loo gabbala eego
Sida ay u kala geysan tahay way gun dheer tahaye
Kol haddaan garaad laga la hadhin galabba sheeggeeda
Inta maanku gaajeysan-yahay guuli waa weliye"
Sida ay u kala geysan tahay way gun dheer tahaye
Kol haddaan garaad laga la hadhin galabba sheeggeeda
Inta maanku gaajeysan-yahay guuli waa weliye"
- Gabyaa,
geyllame iyo geesi: Ustaad Maxamed I. Warsame “Hadraawi”
Gebagebadii, dhammaan dadkii
dhintay Allaah SWT ha u naxriisto. Kuwii dhaawacmay na caafimaad degdega ha
siiyo. Walaalahaa is diriray na bogooda burcad ha isu mariyo. Oo arrintaas mid
aan soo noqon ha ka dhigo. Aamiin. Aamiin. Aamiin.
“Rabiyoow hanuuni dadkayga
Hibo noogu yeel sharcigaaga
Ifka haybadiisa islaamka
Hilinkiisa uun nagu toosi
kal danbe na jannada hooskeeda
Hadhaceeda uun nagu waari”
Hibo noogu yeel sharcigaaga
Ifka haybadiisa islaamka
Hilinkiisa uun nagu toosi
kal danbe na jannada hooskeeda
Hadhaceeda uun nagu waari”
- Hal-abuur:
Ustaad Cali Sh. Maxamed “Ileeye”
No comments:
Post a Comment