Gaalka dil gartiisa na
sii, ayaa ay Soomaalidu ku maahmaadaa.
Siyaasiga Soomaaliyeed,
walow uu doofaar iyo dayuus yahay, aadannimada iyo garashada kama wada bixin.
Run ahaantii, aad iyo aad ayaa aan ugu farxay, u jiriricooday, oo qalbiga uga
duceeyay Eebbe in uu soo hanuuniyo ka dib, markii, mudane Axmed Maxamed Islaam “Axmed Madoobe”,
madaxweynaha dawlad goboleedka Jubbalaan, madal qaran oo masiir ummadeed laga
ga hadlayay arrin wanaagsan ka dhex sheegay.
Sida aynnu wada og nahay,
21kii Janaayo ee isla sanadkan, munaasabad lagu weyneynayay maalinta afka
hooyo, waxa uu madaxweyne Xasan Sh. Maxamuud kaga hadlay arrin aad iyo aad ay u
soo dhoweeyeen qowmiyadda Soomaaliyeed. Waxa uu sheegay maalintaa, maanta laga
bilaabo hay’adaha dawladda iyo waaxyadoodu ba afka ay ku wada xidhiidhi doonaan
in uu noqon doono afkooda hooyo: af Soomaali. Dadkii maalintaa aadka u farxay, qalbigoodu
nolol dareemay, oo arrintaa aad ugu bogay ayaa aan ka mid ahaa. Xaqiiq ahaantii
go’aan iyo soojeedin wanaagsan oo baahi badan loo qabay ayaa ay ahayd. Hase ahaatee,
nasiib darro, sida siyaasigeenna caadada u ah, bishimaha waa ay ka hadlaan
qalbiga na waa ay ka diidaan!
Iska daa in uu dhaqangalo
ee, shirarka gudaha jamhuuriyadda ka qabsooma ayaa af Ingiriisi laga ga hadlaa!
Waa shirarka masiirka ummadda laga ga hadlo ee ujeeddada looga gol lee yahay
tahay, go’aaminta jihada siyaasadda iyo suuraynta filashadeeda! Kuwii u
dambeeyay oo laga ga hadlayay sida habboon ee doorasho xor iyo xalaal ah
bulshadu na ku qanacsan tahay geyiga uga dhici karto, afka soojeedimuhu iyo
faallooyinku ku baxayeen waxa uu ahaa af Ingiriisi! Madaxda maamullada
siyaasadeed iyo hoggaamiyaha qaranku ba, mid kastaa ba, jeebka bidix/midig ayaa
uu, warqad af Ingiriisi ku qoran kala
soo dhex baxayay, oo dabadeed inta uu is hor dhigo codaynayay!
Shirkii ka dhacay shalay
caasimadda, ee laga ga arrinsanayay qaabka iyo sifada ay u dhacayso doorashadu,
sidii kuwii ka horreeyay ayaa lagu waday af Ingiriisi in lagu sheekaysto oo
ruux wal baa warqado A4 ahi miiska soo saarto. Diid ama ha diidin, isaga oo
madaxweyne Axmed Madoobe murtidaas ka duulaya, sidii la damacsanaa na aad u
saluugsan, geesinnimo ayaa uu iska baadhbaadhay ama uu sameeyay. Goobta
dhexdeeda ayaa uu eray xaq ah ka sheegay. Waxa uu ganafka ku dhuftay af aan
ahayn af Soomaali in lagu wada hadlo iyada oo gudaha dalka la joogo, isla mar
ahaantaanna ka soo qaybgalayaasha badankoodu madax iyo shacab yihiin, waxa laga
hadlayo na aayaha siyaasadeed ee shacabka Soomaaliyeed yihiin.
“Shir baan fadhinnaa
halkan ah. Waxa laga ga hadlayaa arrinta Soomaaliya. Mas’uuliyiintii Soomaalida
oo dhan way ka hadlaysaa. Waxaan aad uga xumahay inaan kulligeena af Ingiriisi lagu
hadlo, oo Soomaaligii (af Soomaaligii) laga tago! Arrintaa yaan loo qaadanin Axmed
Ingilishka ma yaqaanno. Waan hubaa haddaan hadda soo qorto waan akhriyi karaa. Laakiin
waxa yaalaa wuxuu yahay, waxaad arkaysaa maanta xafiisyadii dawladda iyo
shaqadii socotay iyo hadalkii gudaha iyo dibadda ba kulli in Ingilish la
isticmaalayo! Taas macnaheedu wuxuu
keenayaa in uu tasaawulaat (weyddiimo) ay yimaaddaan: war waddankani muxuu ku
jiraa, xaaladda uu yahay se maxay tahay?! Waxaan mar labaad iyo saddexaad rabaa
inaan codsado, mas’uuliyiinta Soomaalida ah, inta TV (muuqbaahiye) ee taagan
CNN kuma jiro, BBC kuma jirto, Jayniis kuma jiro, Jarmal kuma jiro, Faranji
kuma jiro; waa Soomaali. Waxa dhegaysanayaa na waa Soomaali. Nin baa aniga
hadda khudbadayda (soojeedintayda) turjumaya , Af ingiriisi buu ku turjumayaa;
dhammaan safiirada iyo saaxiibbadayo dhegahay ugu wada jiraan. Shayga asalki waxa
weeye in Ingilishka loogu turjumo; Soomaaligu na noqdo waxa meesha ka baxaya. “
Hadalkaa macaan, qalbigu
ku raaxaysanayo, dareentaabadka iyo xaqiiq ka hadalka ah, ayaa uu, Madoobe,
madaxweynaha Jubbalaan madashaas ka yidhi. Si codkarnimo ah, geesinnimo ka
buuxdo, oo aragti Soomaaliyeed hadlayso ayaa uu aragtidiisa u dhiibtay. Hubaashii
waa sunne wacan oo uu soo cusboonaysiiyay. Taasi waa geesinnimo iyo gobannimo
weyn oo uu mudanuhu sameeyay iyo hiil uu u hiiliyay afkeenna hooyo. Calool adayg
waa ilaahay wehelkii. Afkaaga caano iyo
malab lagu qabay. Maashaa Allaah. Intaa keliya kuma ekaan e’, waa uu dhaqan
geliyay aragtidiisii. Maashaa Allaah. Sidoo kale madax kale ayaa dhaqan geliyay
oo uu Cabdikariin Guuleed, madaxweynaha Galmudug, ka mid yahay. Sunnadaa
wanaagsan ee uu cusboonaysiiyay waa talaabo horumarineed oo wax ku ool ah oo dhanka waddaniyadda, diinta iyo garashada loo
qaaday. Arrintaas aad ayaa uu ugu mahadsan yahay. Mahaddu kama iman xaqiiqada
falka ee xaaladda falka ayaa ay ka timid. Kuwo la mid ah in uu soo nooleeyo
ayaa aan la jeclaan lahaa.
Mahadsanid, Axmed Madoobe.
No comments:
Post a Comment