Saraakiil kala magacyo iyo
darajo duwan ayaa gobollo kala geddisan oo jamhuuriyadda ka mid ah lagu dilay.
Dhacdooyinkan layaabka iyo argagaxa lihi waxa ay ka soo cusboonaadeen degelka
Soomaalilaan; waxa na ay u soo gudbeen degelka Buntilaan. Sida la filahayo na
ilaa koonfurta ayaa ay duufaantaasi gaadhi doontaa. Saraakiishaasi Alshabaab ma
ay dilin; unugyada kala dalalka iyo danaha duwan ee sirdoonka ah na ma ay
dilin; iyagu na isma ay dilin; ee ilaaladoodii khaaska ahayd iyo ciidammo ka
amar qaata ayaa iftiinka nolosha dhaafiyay, aakhira na ku hubsaday. Weyddiinta
weyn ee in laga jawaabaa, aragti bulsho tahay, waxa weeye: Maxaa saraakiisha
loo laynayaa? Aniga oo xog’ogaalnimadayda kaashanaya—dilal dhacay iyo
natiijo-baadhistoodii—waxa aan isku dayayaa ka jawaabidda habboon ee
weyddiintaas. Dabadeed, waxa aan soo jeedin doonaa qodobbo aan u arkahayo dawo
mushkiladdaas in ay u yihiin.
Dhowr amuurood ayaa falalkaas fool xumada la ciirciiraya sababay:
Arrinta kowaad waxa ay xidhiidh la lee dahay qaab dhismeedka
siyaasadeed iyo hannaanka askariyaynta ee maamullada Soomaaliya ka jira.
Idaylkood waa maamullo dan iyo duruuf ku yimid, isla markaanna shaqada ugu weyn
ee ay hayaan “kumeelgaadh” tahay. In kasta oo ay nabad, xasillooni iyo horumar
la yimaaddeen, hadda na, dhibaatooyin badan ayaa laga la kulmay ama kuwo jiray
ayaa ay muuqaal kale u dooriyeen. Maamulladaas, sida aynnu la wada
soconno, waxa samaystay reero oodwadaag ah oo danahooda qabiileed iyo damacooda
siyaasadeed ku ilaashada. Qaab dhismeedkaas qabiilku kaalinta weyn ku lee yahay
sidoo kale waxa ay kaalin weyn ku yeelatay burburka iyo dhaawaca ummadeed ee
maamulladaas iyo madaxdoodu bulshada ku hayaan. Sida reer wali ba reeraha kale
uga maalgashi badan yahay ayaa uu uga ciidamo iyo jagooyin badan yahay.
Tusaale ahaan, Buntilaan, iyada oo beelaha Harti ay wada dhisteen,
hadda na, saamiqaybsiga xileed ee xag wal ba iyo kala yeelashada boosaska
muhiimka ah beeluhu u ma kala sinna. Mid ka mid ah, doodaha ugu waaweyn ee
arrintaas looga jawaabi karo, waxa ay noqon kartaa in reeruhu kala maalgashi
badan yihiin. Haddii ay xaalad sidaas tahay na, natiijada soo baxaysa ayaa
noqonaysa, ciidamo maamuleed (Ciidamo Buntilaan) in ay jirin, ee ciidamo
qabiileed jiraan. Waxa qudha ee kala beddelan waa askarta oo markoodii hore
maryacalas ahayd oo direes ciidameed loo geliyay! Sidaas weeye Soomaalilaan.
Waa sidaas maamullada kale ee jamhuuriyadda Soomaaliya ka jira. Waa sidaas
xaqiiqada amuurtan.
Hannaanka askariyaynta waa mid ka duulahaya aragtidaas!
Xeerarka keliya ee askariga lagu xidhaa waa in uu qori reerkooda ka soo qaato
iyo qof la yaqaanno oo ay odaywadaag yihiin warqad caddayn ah in uu kala
yimaaddo! Markaas ayaa liiska ciidamada lagu daraa oo sidaas askari dawladeed
ku noqdaa! Dabagal lagu sameeyo sooyaalka askariga waa mid aan sinna ba meesha
ugu jirin. In uu askari noqday ayaa ah guusha ugu weyn ee la gaadhay, maadaama
xilli colaadeed lagu jiro, isla markaanna ciidamo iyo hub la isugu faano! Kol
haddii uu qorigu isagu lee yahay ama inaadeerkii ka soo amaahday, reerkooda na
meesha u joogo; xaqiiqdii shaqada lagu sugayo waa shaqadii geeljiruhu tolkooda
uga fadhiyeen! Intaa waxa u sii dheer xuquuqda askarigu lee yahay ee ay ka mid
yihiin: tababbar askareed, casharro qaanuuneed, mushahaar joogtaysan, daryeel caafimaad
iyo qiimayn muddeed inta ba ma wada helo ama wax aan la sheegi karin ayaa ka
soo gaadha. Taas na waxa ugu wacan maamul xumada jirta iyo kartida
hoggaamiyayaasha oo aad iyo aad u liidata.
Siyaasi wal ba oo degellada yimaadda waxa uu la yimaaddaa siyaasad
u gooni ah oo uu kolkaas dhaqan gelinteeda bilaabo. Kolka uu jagadaas banneeyo
siyaasadaasi kama dambayso; waayo, siyaasiga ka dambeeya tu u gaar ah ayaa uu
wataa oo isna markiisa socodsiiyaa. Falsafaddaas ayaa ay ku socotaa hoggaaminta
maamullada Soomaaliya ka hanaqaaday burburkii iyo qaran-jabkii ka dib! Hadda
ba, maamul nin wal ba oo yimaadda qorshayaashii iyo hawlihii socday ee
dhammaystirka u baahnaa ka weecanayo oo kuwo kale bilaabayo, isla markaanna
musuq iyo maarayn xumo u dheer tahay; ma noqon karaa hoggaamiye guulaysta oo
degelkiisa iyo dadkiisa horumar iyo barwaaqo u horseeda? Dibuhabaynta iyo
dawladaynta ciidamada Buntilaan waa qorshe soo bilowday sanadkii 2003; ilaa iyo
maanta na waa uu socdaa wax ba kama hirgalaan. Aragtida siyaasadeed haddii aan
la beddelinna tan iyo qiyaamaha dhabbahaas ayaa lagu socon doonaa!
Hadda ba, askari reernimo aaminsan, oo wixii uu dilo iyo dilkiisa
reerkiisu ka xaalayaan; mis na laylis ciidameed soo qaadan, sharci waxa uu
yahay aqoon ama la barin, caafimaadka jidhkiisa iyo dhimirkiisa la caddayn
karin, siddeed ama sagaal bilood mushahaar iyo gunno mid na ba rag, toban sanno
halkii uu joogay aan ka dallicin, oo intaas na musuqmaasuq iyo laaluush ku soo
kifaaxay; waxa keliya ee uu yaqaannaa na tahay qabiil, xoogkudhacsi iyo qori,
ma la dhihi karaa waa askari? Hubaashii jawaabtu waa maya. Eeddaas waxa ay
korka ka saaran tahay madaxda maamullada Soomaaliyeed. Waxa ay la iman waayeen
aragti siyaasadeed oo ay ku beddelaan wacyiga ummaddooda, isla markaanna
garaadkooda iyo aqoontooda ku kobciyaan. Sidoo kale na deegaanka iyo dadka ku
horumariyaan oo jidka barwaaqo-sooranka toobiyaha siyaasadeed u duwaan.
Qalabaynta askariga waxa ka horraysa kana weyn kala baridda kala duwanaanshaha
maryacalas reereed iyo askari dawladeed.
Saraakiil dhowr ah oo dhintay geeridooda waxa sabab u ahaa beenta
siyaasigeenna lagu yaqaanno. Askari sagaal bilood indhihiisa saarin mushahaar
iyo wax u eg toonna, isla jeerkaa na ah aabbe hooyo xaammilo ah iyo tiro ubad
oo arday ah ka mas’uula, jeerka uu madaxweynihii ka maqlo isaga oo
codgudbiyayaasha & muuqaalbaahiyayaasha ka leh: mushahaarka ciidamada waa
aan bixinnaa; mushahaar nagu baaqda ma jiraan, maxaa uu sameeyaa? Sow
taliyihiisii in uu tuhmo ma aha? Haddii uu tuhmay oo xaqqiisa weyddiiyay, sarkaalkii
na “ma hayo” mar wal ba lee yahay, madaxweynihii iyo wasiirkii maaliyadda na
waa aan bixinnay meel wal ba ka lee yihiin, dhankee baa uu aaminaa oo
rumaystaa? Maxaa uu sameeyaa? Hadda ba Xanaaqa askariga iyo dhaqanka
saraakiisha lagu yaqaanno yaa u kala gar qaadaya? Saraakiil kale waxa ay
eersadeen aqoontooda, kartidooda iyo sharci yaqaannimadooda. Isku day ay isku
dayeen in ay wax ka beddelaan hannaanka ciidanka, oo ugu yaraan ciidan isku
dhaf ah oo kala reero ah, isla markaa na amar sarkaal ku shaqeeya xeryaha
tababbarada na la geeyo helitaankooda ayaa ay nafahooda u waayeen? Hadda ba,
askariga xeerka qabiilka ku shaqaynaya iyo sarkaalka xeerka dawladeed ku
shaqaynaya yaa uu kala garniqi doona?
Arrinta labaad waa maamul xumada madaxda ciidanka. Kolka uu askari
ka soo tegay xaaskiisii oo laga yaabbo fool in ay tahay ama muddadii ummusha ku
jirto, ubadkiisa na qaar dugsiyada sare ku jiraan oo lacag bileedkii iyo tii
buugaagta ba laga sugayo, isagu na baahiyaysan yahay, oo indhihiisa oo shan ah
taliyihiisu xaqqiisa ka cuno isaga oo marmarsiinyo beenaad allifanaya ama u
itaal sheeganaya; maxaa uu sameeyaa? Haddii uu dulqaato sidaa na
dhaqan u noqoto sarkaalka, maxaa uu sameeyaa? Maxaa uu sameeyaa??? Nin
shantaada kaa reebin sharci kaa ma reebo, isaga oo murtidaa caanka ah dhaqan
gelinaya, sow ma aha xaqqiisa in uu dhacsado oo ragannimadiisa ku gaaloobin?
Arrinta saddexaad, u na dambaysa, waa dhaqan xumada askarta.
Askari aynnu soo aragnay sida uu dawladda ku soo galay iyo in aan la
garaaddhaqin oo la dhaqan doorin, oo qaarkood dibjirro, mooryaan,
gacankudhiiglayaal iyo bukaan yihiin, maxaa laga filan karaa? Ma laga filan
karaa in ay sharciga dhowraan? La ma ba soo barin e’ sidee looga fishaa! Askari
isagu ba dambiile iyo daalim ah oo in sharciga iyo garsoorka la horgeeyo
waajibkiisa ahayd, ka warran haddii uu sharcigii noqdo mu’minna isku yaqaan?
Saraakiisha qaar la dilay waxa dilay askar dhiigyacab iyo dhiigmiirad ahaa
(horay dad u soo laayay) oo sarkaalka ka waayay wax ay uga barteen kii isaga ka
horreeyay: boob iyo baad!
Maxaa loo soo qaban la’yahay gacankudhiiglayaasha?
Labo sababood ayaa ugu weyn. Ta hore waa nidaamka siyaasiga ah ee
qabiilka salka ku haya oo gacankudhiiglaha u la dhaqmaya sifo dawladnimada ka
baxsan. Haddii ay soo qabata na awood ay ku sii hayso oo isaga amnigiisa ku
damaanad qaadi karto lahayn. Kama hadlayo dilaaga reer aan awood
badan lahayn ka dhashay oo sharciga isaga lagu dabbiqi karo. Ta labaad na waxa
lagu macnayn karaa ciidanka oo nafahooda u baqanaya. Maxaa yeelay, gacankudhiigle
hadda nin soo dilay oo weli dhiiggii qoyan yahay dabacararkiisu iyo soo
qabashadiisu labo khatarood oo is huwan ayaa ku lammaan. Midda hore, dilaagu
waa uu is difaacayaa waa na u fudud dahay cid wal ba oo amnigiisa ku soo duusha
sidii oo kale in uu u dilo. Waa kee askariga raba in uu maalaayacni ku dhinto?
Midda xigta na, kol haddii uu is difaacayo oo rasaas nool adeegsanayo, ciidanku
waxa ay ku khasban yihiin in ay is difaacaan oo naftooda badbaadiyaan; haddii
ay ka kari waayaan in uu is dhiibo oo iyagii ba rasaas oodda kaga qaado, haddii
ay xabbadeeyaan oo uu dhinto ama dhaawacmo ninkii xabbadaa lahaa reerkiisa ayaa
loo raacanayaa arrintaas. Askariga sidaas ogi reerkiisa ma mag ayaa uu u soo
jiidayaa isagu na ma gacankudhiigle ayaa uu noqonayaa?
Intaas oo amuurood ayaa loo aanayn karaa dilalka saraakiisha. Waa
ayna dhici kartaa jiritaanka kuwo kale. Inta aan ka hadlay waa inta aan
xogtooda hayo. Hadda ba, mushkiladdan sidii tusbax xadhiga laga jaray noqotay
dawadeeda maxaa ay tahay? Waa maxay xalka ugu wanaagsan ee lagu cilaajin karo?
Xalka mushkiladdan:
Aragti ahaantayda, ka hor inta aan tixin dhowr qodob oo aan u arko
dawada mas’aladan, waxa aan ku baaqi lahaa maamul wal ba guddi heer sare in uu
u saaro baadhista kiiskan, gorfayntiisa iyo soo bandhigidda natiijooyinkii
baadhista. Halkaa ayaa ay ka soo bixi kartaa jawaabta dhabta ah, caqligalka ah,
ee caafimaadka bulshadu ku jirto. Dhowrkan qodobbood laga ma
maarmaan ayaa aan u arkaa dhaqan gelintooda.
- Dib- u-akhrin,
dib-u-qiimayn iyo dib-u-habayn in lagu sameeyo saddex meelood: hab
dhismeedka maamullada; istiraatiijiyadda qorshayaasha; iyo aragtida
siyaasadda.
- Askarigu xuquuq
iyo xurmo ayaa uu dawladda ku lee yahay. Waa in dawladdu sida ugu habboon
askariga xuquuqdiisa iyo xurmadiisa u siisaa.
- Dawladdu waa in ay falkaas xeer degdega ka dejisaa. Askarigii falkaas ku kaca waa in sida ugu degdega badan loo soo qabtaa, loo maxkamadeeyaa, xukunka na lagu fuliyaa.
Ugu dambayntii, saraakiisha dhimatay Allaah SWT ha u naxriisto.
Jannadiisa ha ku martiqaado. Oo eheladoodii, xaasaskoodii iyo ubadkoodii
dulqaad iyo iimaan ha ka siiyo. Aamiin.
Haddii aad akhriday mudane/marwo, waa aan jeclaan lahaa aragtidaada in aad i la wadaagto oo faaladaada halkan ku hoos qortid. Mahadsanid.
ReplyDelete