Qofku
waxa uu san aqoonin waa u cadow. Sidoo kale, xiise badan barashadeeda haddii uu
ka galo aad ayaa uu ugu dhibaatoodaa. Cabdiqani waxa uu jecel yahay isla
markaanna feker iyo dedaal badan ku bixiyaa barashada kubbadda cagta iyo
cayaartoy wanaagsan noqoshadeeda. Hase ahaatee, xiisahaa aadka u badani ilaa
iyo eegga kuma guulaysan. Dhibaato badan ayaa ka qabsatay gaadhitaanka iyo
xaqiijinta hammigiisa. Dhiirrigelintu waa shidaalka ugu weyn ee qofka ku haga
garashada toobiyaha dhow ee san ee geeya waddada guusha isla jeerkaas na ku
kaalmaysa halabsiga helitaanka himilada loo halgamay. Dabeecadda nolosha iyo
sunanka kowniga ah ayaa, caqabadaha guusha ka horreeya, ee qorshe,
istiraatiijiyad, aragi iyo hammi sare ku marid la’aanteedu soo xidhxidha
rejadii la qabay iyo waayihii la filanayay, ay dhabtii ka mid tahay. Hubaashii
yoolkiisii ma aannu gaadhin. Caqabado badan ayaa arrintaas sabab u ahaa. Tani
waa caqabaddii ugu dambaysay ee Cabdiqani la kulmay. Waa na tii quusisay ee
geyllankii uu muddo soo waday in uu halkeedaa ku dhaafo sababtay.
Garoon
ka mid ah garoomada casriga ah ee roogga lagu goglay ayaa uu yimid isaga iyo
koox uu u dheeli jiray. Habeenkaa kooxdiisu koox aad u adag ayaa ay la
cayaarayeen. Waa koox ay xafiiltamaan oo kulankii kan ka horreeyay saddex gool
uga ga soo adkaadeen. Cayaar adag oo la wada sugayay ayaa ay ahayd. Sidaa
awgeed, daawadayaal badan ayaa wakhtigooda qaaliga ah u soo huray. Waa goob
boos aad ka fadhiisato aadan heli karin. Waa goob sawaxanka iyo qaylada ka
jirta aadan malayn karin. Dhisme ahaan waa meel weyn oo dhererkeedu 45 mitir
yahay. Ballaceedu na 20 mitir. Oo qaybo kala duduwan leh sida: qayb lagu
jimicsado (GYM), qayb meherad ah oo biyaha, buskutka, iwm lagu gado iyo qayb
lagu cayaaro. Ma ahan garoon weyn. Waa garoon kooban oo naadi wal ba toddoba
cayaartoy laga rabo, kuwaas oo mid ka mid ahi goolhaye yahay. Qaybta cayaarta
waxa dhan wal ba kaga wareegsan biro dhaadheer iyo shabagyo isa sudhsudhan,
kuwaas oo banooniga ka ilaalinaya laaditaan ka dib xerada in ay ka baxdo. Nalka
shidan ma ahan mid shirkadi lee dahay; ee waa mid ku shaqeeya soolar oo ifkiisu
na aad u awood badan yahay. Saacaddu waa siddeeddii habeennimo oo gow ah.
Kooxdu
waxa ay isugu jirtaa xiddigo cayaarta kubbadda cagtu xirfaddooda tahay iyo qaar
aan aqoon bal se siyaabo kale looga faa’iidaysto; tusaale ahaan, naadiga dhanka
dhaqaallaha in ay ka kaabaan. Kolka ay is dacaayadaynayaan oo qoladaa hore
qolada dambe ceebahooda ay ka warramayaan, waxa ay ku dhahaan “nuur kubbadeed
ayaa idin maray’. Isagu waxa uu ka mid ahaa qoladaa dambe ee dacaayaddaasi ku
socoto. Qiso layaab leh ayaa habeenkaa halkaas ka dhacday.
Shirqool
ayaa la maleegay! Naadiga gudihiisa waxa ka jiray loollan indhawayd ba.
Tababbare cusub ayaa naadiga qabsaday ka dib, kii hore kolkii la caydhiyey,
arrimo musuq oo lagu helay darteed. Is faham-waa ku saabsan maammulka naadiga,
xulidda cayaartoyda wanaagsan iyo sare u
qaadista alamiitada iyo kulammada tababbarka ayaa dhex maray macallinka cusub
iyo qaar ka tirsan cayaartoyda kooxda, oo xooggoodu danaha kale kuwii lagu
watay ee isagu uu ka midka ahaa ah. Isku dhacaasi waxa cirka u sii shareeray
tartan kooxdu geli rabtay oo aad u soo dhawaa, kaas oo u baahnaa in loo qalab
iyo sahay qaato. Kooxda amardiiddada samaysay waxa horboodayay oo wax wal ba ka
caawinayay Cabdiqani. Baruhu aad ayaa uu u dhibsaday xaaladda naadigu ku jiro
iyo ardaygan culayska uu ku hayo u diyaargarowga tartanka 12-ka caanamaal ka
dhiman yihiin iyo horumarka guud ee kooxdu higsanayso. Dabadeed, waxa uu
goostay maleegidda shirqool khatar ah oo uu kaga saarayo guud ahaan ba talada
iyo cayaarta kooxda ba.
Macallinku
waxa uu isku dubbaritay cayaartoyda kale oo aad uga badnaa kuwaa
falaagowday. Waxa na cayaar kulul caawa
la lee yihiin koox ay si fog u xifaaltamaan koobka la qaban doono na ku
guulaysigiisa kuwa loo sii saadaalinayo yihiin.
Sababtaas ayaa garoonka taarabuun aad u badan isugu yimaaddeen. Sababtaas ayaa naadiyaashii kale cayaartoydoodii, maamulkoodii iyo
tababbarayaashoodii ugu dhannaayeen madasha. Sababtaas ayaa habeenkaa jawigiisu aad
iyo aad u shidnaa oo xamaasadda, oorida, sacabka, buuqa, qaylada iyo qosolka
baxayaa aadan ka sheekayn karin. Labadii kooxood garoonka waa ay soo galeen
iyaga oo kala sita maaliyadaha buluugga iyo casaanka. Kooxda macallin Xuseen
wato waxa ay sitaan maaliyadda hore.
Sacab
aad u xooggan oo in badan labo dhacayay ayaa garoonka ka socda. Labadii kooxood
na waa ay isa salaameen oo ay is hab siiyeen. Iminka siidhwalaha ayaa
badhtamaha taagan oo u yeedhaya labada kabtan, isaga oo kala hadlaya jawiga cayaarta
iyo in la ilaaliyo shuruucda iyo hannaan
socodka cayaarta. Cabdiqani iyo rag kale waxa ay ku fadhiyaan kursiga kaydka
waxa na ay diyaar u yihiin kolka loo baahdo garoonka in ay soo galaan.
Cayaartii waa ay bilaabatay. Macallin
Xuseen Cabdiqaadir Siciid “Laba-suule” si dadweynaha iyo dhammaan ka soo qayb
galayaasha daawashada kulankan u tusiyo xaqiiqada Cabdiqani, waxa uu qorsheeyay
farsamo aad u khatar badan. Waxa uu rabaa bulshada in uu ku dhex ceebeeyo oo
waxa uu yahay baro, si uu u quusto, u rejo dhigo, oo naadiga hawlihiisa faraha
kala baxo. Nafta ayaa uu u keenay oo waa uu ka hadhsan iyo shaqaysan waayay.
Kolka
kooxda gool laga dhaliyo waa in uu aad u xanaaqaa, cabbaar gacmahiisa madaxiisa
dul saaraa, oo cayaartoyda aad u canaantaa. Dabadeed, Cabdiqani oo halkan
fadhiya waa in uu si kor ah magaciisa ugu dhawaaqaa oo dhahaa “CABDIQANI SOO
KAC. CABDIQANI SOO KAC OO SOO OROD. CABDIQANI SOO GAL CAYAARTA IWM”. Dabadeed,
waa in taarabuunku dhammaantii moodaan xiddig weyn oo cayaarta wax ka beddeli kara,
goolka lagu lee yahay naadigiisa soo bareejeen kara, goolal kale u saari kara,
oo guul kaga hoyan doona is aragan. Dabadeed, waa in magaciisa aad loogu
dhawaaqaa oo daawadayaashu na doorkooda weyn ka qaataan magac ku dhawaaqiddiisa
iyo dhiirrigelintiisa. Sidaa ayaa loo qaabeeyay filimkii lagu shirqooli lahaa isla mar ahaantaanna laga ga
saari lahaa bahda naadiga.
Sidii
ayaa dhacday. Gool ayaa laga dhaliyay naadiga, kaas oo ku yimid khalad goolhayaha oo ragga mishinka
aad u fulinayay ka mid ahaa sameeyay. Dabadeed, tababbaruhu sidii uu awel u
qorshaysnayd ayaa uu fulinteeda ku dhaqaaqay. Kolkii funaanadda naadiga loo soo
tuuray ee uu gashaday, dabadeed xagga irridda laga galo garoonka u jihaystay
isaga oo tartiib tartiib u soconaya, ee nambarka gadaal garamada kaga qornaa na
10 ahaa; waxa la moodayay laacib jookar ah, xiddig ah, dheeman ah, oo xariif
ah. Dadka qaar dhawaaqii xoogga lahaa ee ka soo yeedhay taarabuunka ee ay ku
dhiirrigelinayeen iyo magaciisii aadka loogu dhawaaqay waxaa ba ay moodeen Siidaan
ama Roonaaldiinyo midkood oo Soomaaliya qarsoodi ku soo galay!
Xamaasaddu
iyada ayaa wax wal ba ka weyn. Iyada ayaa gebigeed ba dareemmadaada oo idil
beddelaysa. Iyada ayaa malaha qofnimo cusub iyo karti daahsoonayd kugu
casuumaysa. Waa sidaas. Haa, waa sidaas dhabtii. Ninkii jaahilka ahaa, ee is
ogaa kubbadda in uu san aqoon oo maalin maalin kooxdu dhexdooda cayaarayaan
mooyaanee weligiis cayaar loo dhacayo naadi kale aan dheelin, waa kaa garoonkii
sii gelaya ee sidii laacib kubbad yaqaan ah is xariifinaya. Waa kaa soo
atooraynaya, wax balaayo ka dhacay la moodo, oo ugu yaraan Siidaan in uu u qaab
eg yahay la malayn karo.
Laacibiintii
gudaha waa kuwaa ku orday saaxiibkood ee garabka garabka u saaray, booskii uu
ka cayaari lahaa na u tilmaamay, oo weli ba kabtankii kooxdu kabtannimadii ku
wareejiyay!!! Waa kaa dhan wal ba eegay, aad u farxay, oo isu haysta Santiyaago
Baarnabuu in uu caawa ka cayaarayo oo Riyaal Madrid kabtan u yahay! Waa kaa
farta fiiqaya ee jaalayashii ku leh inaga adkeeya cayaarta oo qof walbow labo
iska dhig! Haa, oo xattaa kuwa ay la dheelayaan ayaa aad uga baqaya oo u haysta
dhiggooda laacib culus in uu u soo galay. Waa kuwaa iyagu na is eeg’eegay ee
mid ba mid baraarujiyay. Laadkii ugu horreeyay ayaa difaaca shanta u taagani isaga
oo weerar ahi u tuuray. Layaab! Lugihiisa dhexdooda ayaa ay ka dhex baxday.
Shakki ayaa durba bilowday. Hase ahaatee gef dhacay ayaa loo qaatay. Tii labaad
ayaa saaxiibkiisa dhexda ka dheelayay kubbad wareegaysa oo qurux badan
xabadkiisa ku qiyaasay. Laakiin, nasiib darro, gacanta ayaa uu ku qabsaday! Waa
la is fiirfiiriyay oo weyddiimo ayaa qof wal ba is weyddiiyay ama ka uu
yaqaanno weyddiiyay. Laacibkan maanta ma ka jiiftaa? Maxaa ka si’ ah? Kubbadda
ma yaqaanno miyaa? iyo weyddiimo kale ayaa la isku jalbeebay. Kubbaddii
saddexaad ayaa difaaca naadiga uu la cayaarayo si kama ah u siiyeen, iyada oo
boodboodaysa oo xoog leh. Halkii laga sugayay in uu baabacada ku maammulo ayaa
uu laf dheerta la aaday oo xariiqa dhanka bidix ee dheer ka baxday!!!
Wax la
dareen wax na la faham. Nin la soo khalday oo la soo shirqoolay in uu yahay la
faham. Daawadayaashii mid ka mid ah ayaa kor u yidhi “NINKA MIYAAN LAGA
NAXAYNIN?!” Aad ayaa loo qoslay weedh-weyddiineedkaa kolka ay si buuxda afkiisa
uga soo baxday. Siidhigii ayaa la yeedhiyay. Waa nasashadii. Cabbaar ka dib
garoonka ayaa lagu laaban doonaa si loo cayaaro qaybta labaad. Intii aan la soo
laaban dadweynuhu waxa ay si badan u lafagureen qaab cayaareedkii labada
kooxood ay soo bandhigeen. Waxa ay isku raaceeen kooxda dharka buluugga ku
cayaaraysa in laga cayaar wanaagsan yahay iyo ninka nambarka 10ka wata in uu
dheeraad kooxda ku yahay. Waxa ay saadaaliyeen haddii aan la beddelin goolal
kale in laga dhalin doono kooxda. Garoonka
waa lagu soo laabtay dhexdhexaadiyuhu na qaybtii labaad ee cayaarta waa uu
bilaabay. Cabdiqani la ma beddelin. Waayo? Qorshaha loo dhigay ayaa ahaa mid
sidaa u qaabaysan, xaqiiqadiisa dadka in la baro. Kubbaddu mar wal ba oo ay u
imanaysay waa uu gargariiyay, cagta tobannaan jeer qaadayay, oo mar wal ba
khaldayay. Haa, ma jirto hal mar oo uu saxay. Hal mar oo uu saaxiibkii baas
wanaagsan siiyay. Waa ay ku dhacaysay kana soo laabanaysay! Sidii daawadayaashu
saadaaliyeen saddex gool oo kale ayaa naadiga laga dhaliyay. Cayaartu afar gool
iyo ebar ayaa ay ku soo gebagebowday.
Xamaasadda
haddii uu la dagaallami karo hubaashii waa uu la dagaallami lahaa. Waayo?
Xaqiiqo uu ogsoonaa ayaa ay khuraafo uga dhigtay! Shahaado uu qaadan ama darajo
uu san gaadhin ayaa ay maankiisa ku hal-abuurtay! Wax uu ahayn ayaa ay
ahaansiisay! Dabadeed, runta iyo beenta runtaa guulaysata e’ waa kaas caawa
yaabban! Waa kaas bulshadu yar iyo weyn wada baratay! Waa kaas naadiyaashii
kale, laacibiintoodii iyo macallimiintoodii wada barteen! Waa kaas si allaale
iyo si uu garoonka uga baxo ama fadeexada isaga maydho ama isha dadweynaha
isaga duwo garan la’! Waa kaas gacantiisu wajiga saaran tahay mar marka qaar na
duuf aan jirin iska tiraya! Waa kaas socod aan fadhiyin bilaabay oo mar wal ba
oo uu talaabo qaado buumaha hagaajisanaya! Waa kaas sidii tuug reero u dhacay,
la qabtay, oo la wada arkay dhulka ku dhaygagay oo hal mar yaa shimbir kaa
dhiga aad duushidee is leh! Waa kaas ilintu ku soo joogsatay! Waa kaas xanaaq
iyo uurxumo la ooyay! Waa kaas maalin dambe iyo kubbad dambe ka dhaartay! Waa
kaas go’aansaday naadigaas iyo afaaro dambe oo uu lee yahay wakhti in uu is
kaga lumin! Waa kaas macallin Xuseen iyo taageerayaashiisii oo aad u faraxsan
dhoolacaddaynayaan. Waa kuwaas bulshadii laacibkii ay sugayeen waayay!
Mahadsanid akhriste.
Ilaahay wanaag iyo darajo badan ayaa aan kaaga rejaynahayaa.