Waxa ay ahayd
maanta. Lixdii iyo shan daqiiqo ee aroornimo. Waxa aan soo galay carwo uu
maammule ka yahay mudane aan aad isugu dheer nahay. Socodka waxaa igu
wehelinayay dhigane qaali ah oo magaciisu yahay “The Language Instinct: How
the Mind Creates Language.” Waxaa qoray qoraa is na qaali ah. Istiifen
Binka.
Aniga oo
xarragoonaya ayaa aan jaallahay gacanta u taagay, afka na ka i idhi “assalaamu
calaykum wa raxmatullaahi wa barakaatuh.” Gacan naxariis badan oo qalbiga soo
diray daacad looga marakacayo ayaa uu tayda gashaday, afka na ka yidhi
“wa calaykumas-salaam wa raxmatullaahi wa barakaatuh.” Intaa dabadeed kursi ii
dhowaa ayaa aan dabada la helay. Waxoogaa neef ah ayaa aan qaatay. Deganaan ka
dib si firfircooni ku jirto ayaa aan isku warraysannay.
Warraysigii ka dib
ayaa aan doonay meheradda in aan ka baxo. Waxa ii qorshaynayd goob aan wax ku
akhriyo tegisteeda. Waa Hoteel Gacayte. Laakiin si degdeg ah u ma bixin.
Maxaa wacay, toban daqiiqo oo aan ku bixiyo buug wal fiirfiirintii iyo faham
ka qaadashadii ayaa aan qaddimtay. Haa. Halka aan tegi doono ayaa ay ahayd
falkaa in aan ku suubiyo. Sidaa darteed waa aan khaldamay. Tobankaa
midhidhood ka dib ayaa aan hawl kale galay. Warqad ay saaxiibtii Hindiya uga
soo dirtay ayaa uu akhrinteeda igu sharfay. Akhrintaa ku foogganaanteed ayaa dhacdo
sin na iga fajacisay, si kale na iga farxisay dhacday.
Qof dumar ah ayaa
meesha gudaheeda soo gashay. Gartay. Waa hooyo Soomaaliyeed oo muruqmaal ah oo
nolol-maalmeedkeeda nadiifinta halkakan kala soo baxda. Da’deedu qiyaastay waa
konton iyo dheeraad. Inta aan ka aqaan waa haweenay dhowrsoon. Waa haweenay
karti badan. Waa haweenay akhlaaq leh. Waxa aan is dareensiiyay waajib in ay
nagu tahay in aan baxno si ay shaqadeeda u gudato. Tuducyadii ugu dambeeyay ee
warqadda aniga oo maraya ayaa aan go’aansaday bannaanka in aan ku dhammaysto.
Waa aan sare kacay. Intii aan warqadda isku laabin ayaa ay dhegahaygu hadalkan
maqleen.
“Lacagtan bacda ku
jirta waa shan boqol oo kun. Gabadhaydii ayaa shalay la guursaday. Waa qayb ka
mid ah sooryadii aan guddoonnay. Waxa aan kuugu keenay jaallayaasha halkan soo
geli doona wixii ay gaadho sharaab in aad ku siiso. Iyagu na taa beddelkeeda
gabadhayda in ay ii gu soo duceeyaan.”
Intii ay erayadaa ku
dhawaaqaysay labo shaqo ayaa aan si isku mid ah u qabanayay. Dhegahaygu
hadalkeeda ayaa ay si fiican u dhegaysanayeen; maskaxdaydu na muuqaallada
hadalkeedaa ka soo durdurayo ayaa ay daahfuraysay. Waxa fajaciso weyn igu
noqotay gobannimada ay samaysay! Gobannimada ay samaysay hooyada degelkakan soo
nabad iyo nolol bidday! Gobannimada ay samaysay hooyada la tacaalaysa korinta
toddoba ubad ah oo magaalo wax kasta qaali yihiin ku nool! Gobannimada ay
samaysay hooyada gabowgu weerar ba’an ku hayo isla jeerkaa na caafimaadkeedu
wanaagsanayn! Gobannimada ay samaysay hooyada wakhtigii qabowga ahaa ee
carruurtu duumada iyo shuban-biyoodka la ildarnaan jireen maalmo tirsan ka
xigo! Gobannimada ay samaysay hooyada gabadheeda la guursaday nafaqo iyo kolkoolin
badan u baahan tahay! Fajaciso weynaa! “Eebbaa ku dilaya e, maxaa aad
hooyooy gob tahay!!!”
Badweyntaa
fajacisada aniga oo dhex dabbaalanaya ayaa ay dabayl naxariiseed garaadkayga
martay. Ummaddani si kasta ha u burburto e, weli waa ay dhaqan tahay! Dunteedii
wanaagsanayd weli ma ay duugoobin! Waa taa hooyadaa miskiinta ah ee baahideeda
iyo baahida qoyskeeda la galgalanaysa weli garashadeedu dhiman. Adkaa waxa ay
garatay iyada oo nolosheedu gubanayso! Qof sii geeryoonaya ku adkaa qof uu
jecel yahay hadyad in uu guddoonsiiyo! Oo ma xilli hadyadeed baa! Oo tani ma
xilli garashaa! Intaa ka dib waxa aan adkaysan kari waayay ilintayda in aan
xakameeyo. Keli ah ilmo kulul iga ma iman e, sidii dhallaanka ayaa aan u ooyay!
Waxa aan ka war
helay labadoodii oo dareenkayga qabowjinaya. Jeclaan lahaa in ay i daayaan si
aan u nafiso . . si mucjisadaa farxadda ii ga dhex muuqatay ku casuumanaado!
Tan oo kale miyaa la isku diiddaa! Waxa aan ku baraarugay jaallahaygii oo
muwaaddinaddaa sharfan hadalkeedii ka dareen celiyay. “Mahadsanid hooyo. Waa
wanaag soo kordhay. Waa wanaag wanaaggaa ku sii kordhisay. Aqbal. Sidaa waa aan
yeelayaa. Aniga, jaallahay, iyo qof kasta oo farxaddani gaadho na waa uu soo
ducayn doonaa. Eebbe Weyne guurkaa ha barakeeyo. Lammaanahaa na kuwii is
jeclaada, is ixtiraama, nolol ay raalli isaga yihiin ku noolaada, oo ubad
dadkan iyo dalkan u aayo aabbo iyo hooyo u noqda, Alle ha ka yeelo. Aamiin.”
Aniga ayaa uu hadalku igu soo wareegay.
“Hooyo . . hooyadii
iga qiiraysiisaay ee maalinnimadaydii samaysaay! Waa aan garan karaa
shakhsiyaddaadu in ay dheeman tahay oo dhisan tahay. Waxaa kale oo aan garan
karaa noloshii dhibka badnayd ee gu’yaashii dambe jaalka la ahayd in ay san
dhaawac weyn iyo mid yar ba u geysan garashadaadii iyo gobannimadaadii firka
ahayd. Waxaa saddexaad oo kale oo aan garan karaa gabadhaadu in ay gob iyo
fariid tahay maadaama aad labada ba adigu ku dhashay ku na dhaqday.
Dareenkaygaa ka dambow, aan kuugu bishaareeyo in aan noqon doono qofkii
kowaad ee sooryadani gaadho ee sharaabka ugu horreeya isla halkan ku cabba.
Taasi waa falcelintaydii kowaad; ma na noqon doonto, idamka Eebbe, taydii u
dambaysay. Ugu dambayn, reerkaa Soomaaliyeed ee taariikhda Soomaalida ku soo
biiray, jeerka kowaad waxa aan lee yahay “baarakallaahu lakumaa wa baaraka
calaykumaa wa jamaca baynakumaa bikhayr”; jeerka labaad na waxa aan Eebbe uga
baryayaa wanaag iyo darajo oo dhan, tan iyo daarta dambe labada ba.”
Mahadcelin hooyo oo
qalbiyadayadii ilmaynayay ka sii ilmaysiiyay ka dib, annaga oo dhexda is
haysan na ayaa aan bannaanka u baxnay. Ka dib markii aan istaagnay, ayaa aan
gacaliyahaygii ku soo jeestay, oo hadalkan ku idhi. “Ha moodin arrinteennu
duco uun in ay ku ekaanayso jaalle! Gobannimada horteen na lagu sameeyay, ee
wadnayaasheennu ka maqsuudeen, mid dheeraad ah waa in aan kaga dareen celinnaa.
Taasi waa waajib diineed iyo waajib qowmiyadeed, sida ay u kala horreeyaan. Ma i fahamtay jaallahaygii aan
jeclaayow? Waa aan kaa sii tegayaa eegga e, nin weyn oo dhaqan oo nabad haysta
wixii laga filan karay sii diyaari. (Warqadda na akhriskeeda ma wada dhammayn e, marka aan dhammeeyo ha inoo ahaato.)”
Waxa aan goobtii ka
dhaqaaqay aniga oo ku soo celcelinaya hawraartan. “Eebbaa ku dilaya e, maxaa
aad hooyooy gob tahay!!!”
W.Q.: Maxamed Cabdirisaaq Saciid “Samiik”
Qoraa iyo aqoon baadhe Soomaaliyeed
Boosaaso, Bari, Soomaaliya
Case, Sebteembar 25, 2016—11: 00 G.D.
Haddii aad akhriday mudane/marwo, waa aan jeclaan lahaa aragtidaada in aad i la wadaagto oo faalladaada halkan ku hoos qortid. Mahadsanid.
ReplyDeleteAllahu-Akbar!! waa dareen gobonnimo iyo qaninnimo qalbiga ahi ku dheehantahay, waxay ahayd hooyo ruuxdeedu nooshahay aminsana sida uu eebbe u qaybiyey hanti iyo haynba. garanaysna inta ku hareeraysan waxay ka mudanyihiin iyada oo iska dhaafaysa baahida gurigeega taala iyo nolosha guud ahaan. illahay ha barkeeyo hooyadaa sharfta badan. walaal Maxamed si dareen leh oo naga dhigaysa inaan goobtaa ku sugnahay ayad noola wadaagtay. illaahay miisaanka xasnaadka ha kuugu daro.
ReplyDelete