Tirada Soo Booqatay

Sunday, August 21, 2016

Kul Kul Baa Lagu Jabiyaa!

Magaalada Boosaaso iyo magaalooyinka la cimilada ahi, waa kuwo dabeecad ahaan kulul, oo aalaa bilaha kulaylku ugu darran yahay laga xagaabaxo. Bulshada ku nool degmadaa waxa ay, u qaybsamaan ama loo qaybiyaa, marka laga hadlayo siyaalaha ay kulka u la dhaqmaan, labo qaybood: kulqabad iyo kulqawad. Qolada hore waa kuwo kulku dhibay, se sannado badan u dhabar-adaygay, oo ugu dambayntii fahmay sirta lagu la noolaado dhibaatooyinka kulku la yimaaddo. Qolada dambe se mar wal ba oo hawadu is beddesho oo qabowgii galbado waxa ay, si degdeg ah, u xidhxidhaan boorsooyinkooda, dabadeed na u jihaystaan degaannada kale ee ay qabowga bidayaan, Labada kooxood, sababaha midi ay u xagaajoogayso, midda kale na ay u xagaabaxayso, waxaa ka mid ah: waaya’aragnimada nololeed ee ay is dheer yihiin. Waa na qodobka qormadeennu soo bandhigi doonto iyada oo isku dayi doonta dhib haatan dunida ka jirta xalkeeda in ay soo dhawayso—ama ay sheegto ba.

Labadaa qolo aad baa ay u kala waaya’aragsan yihiin. Dhabtii waa waaya’aragnimo weyn oo soo ifbaxda isla amminta uu kulaylku booqasho rasmi ah ku yimaaddo hawada magaalada. Sida ay qolo wali ba u la halganto ayaa aynnu, hubaal ahaantii, ka garan karnaa kala khibrad badnidooda ku waajahan la qabsiga nolosha kulaylka. Kooxda kowaad kulaylka kul baa ay ka horgeeyaan—oo waxa ay ku salaamaan biyo kulul, sharaab kulul, shaah kulul, iyo anfaco kulul; kooxda labaad se kulaylka qabow baa ay ka horgeeyaan—oo waa sida hore caksigeeda. Labadooda falcelin ta hore ayaa natiijo wanaagsan la timaadda. Markii ba nafis gudaha ah, dhidid-joojin, iyo jawi la qabsi ayaa ay soo dedejisaa. Halka ta dambe qabow kumeelgaadh ah la soo oroddo, se daqiiqado yar gudahood la waayo, oo qofkii uu ku casuumanaado dhidid badan oo oogadiisa dareera kaas o, dharkiisa qooya, dhulka na dhibicdhibicleeya. Farsamo xumadooda ayaa markaa ku khasabta cagaha in ay wax ka dayaan oo degdeg magaalada uga baxaan—iyaga oo rafaadsan.

Falsafaddaa, “kul kul baa lagu jabiyaa,” nuxurkeeda aqooneed iyo garaadeed, dhab ahaantii aad baa ay uga xeel dheer tahay waaya’aragnimada Reer Bariga muddada badan kulka la noolaa heleen, ee ay xaqiiq ogaadeen: kulka waxa qudh ah ee ka adkaan karaa kul in uu yahay. Aragtida ay qormadani soo bandhigaysaa waa in ay, si falsafadaysan ugu doodayso, si cid ama koox looga adkaado (ama looga takhalluso ba), waa in laga horgeeyaa cid ama koox ay dabeecad ahaan isku mid yihiin, se feker ahaan kala duwan yihiin. Si aynnu arrintaa u ogaal iftiiminno, waxa aan tusaale u soo qaadanaynaa ururrooyinka Salafiga ah ee jihaada, ee maanta dhib badan dunida ku haya, weli se loo maaro la’ yahay sidii lagu cidhibtiri lahaa. Alshabaab, oo kooxahaa naga la joogta, ayaa aynnu si gaar ah diiradda u saaraynaa.

Alshabaab waa awood fikir-ciidan-hubaysan oo tan iyo 2006dii laga adkaan la’ yahay, mar ba marka ka dambeeya na halisteedu ay sii xoogganaanayso. Sababaha looga gacan sarrayn la’ yahay waa ay badan yihiin. Oo waxaa ba ka mid ah, ugu na horraysa, si run ah in aan loo doonayn in la la diriro—waxaa ba laga dhiganayaa mashruuc lagu dul macaasho. Se waxaa hubaal ah, haddii lagu midoobo in la tirtiro oo huwan qalabbaysan la dagaal geliyo, in aan weligeed laga guulaysanayn. Sababta ugu weyn ee taa keenaysa na waa in aan ba la fahamsanayn dhismaha Alshabaab—sida ay Alshabaab u samaysan tahay u na shaqagasho. Kooxdaa labo dhagax oo waaweyn ayaa ay jirridda ku haysaa: dhagaxa kowaad oo ah “aydhiyoolajiyadda” ay rumaysan tahay ee ay u geyllamayso hirgelinteeda, taa oo culimada, mufakkiriinta, iyo madaxda sarsare ee dhaqdhaqaaqu ay aqoonaynteeda, taageero u helkeeda, iyo borobogaandadeeda mas’uul ka yihiin; iyo, dhagaxa labaad oo ah “awoodda millateri” ee caalamiyaysan ee ay u samaysatay sidii ay aydhiyoolajiyaddaa u dhaqangelin lahayd, dalka na ugu xukumi lahayd, taa oo saraakiisha sarsare ee ciidammadu ay abaabulkeeda, iskudubbaridkeeda, iyo hawlgelinteeda mas’uul ka tahay. Labadaa dhagaxyood ka hore ayaa dheemankooda weyn ah—ama si kale madaxa ay Alshabaab ka noolaan karto ama ka dhiman karto waa “aydhiyoolajiyaddaas.” Si wal oo garabka hubaysan ee Alshabaab looga takhalluso macnaheedu ma aha Alshabaab nolosha dunida in laga saaray. Sida ay san saa u ahayn na waa in ay san ahayn jabhad hal dhagax ku fadhida.

Hadda ba, si dhaqdhaqaaqaa si dhab ah looga libinaysto, waxa loo baahan yahay awood sidooda oo kale u dhisan, u na habaysan, se ka fekrad duwan. Awooddaa, ayaa si weyn loo hubaa, haddii taageero macnawiyeed iyo mid maaliyadeed ba lagu gardaadiyo in ay, wakhti gaaban awooddaa fikir ahaan iyo millateri ahaan ba xididdada u siibi doonto, oo guul la hubo oo loo riyaaqo dhalin doonto. Sidaa daraaddeed, halkaa magaca qormadeennu yahay, “Kul kul baa lagu jabiyaa,” ayaa aynnu uun ku beddelanaynaa, “Alshabaab Alshabaab baa lagu jabiyaa!” Dabadeed, sidii Reer Barigii kulkii ka guulaystay ayaa aynnu innagu na, tabtooda oo kale Alshabaab ka guulaysan doonnaa.



≈≈≈



Tabtaa Alshabaab oo kale, falsafaddani, waxa ay soo jeedinaysaa, sida kor ku xusan ba, wax wal ba wax u dhigma oo liddi ku ah in laga hor keeno si loo fashiliyo. Tusaale ahaan, jabhad jabhad ayaa lagu buriyaa; wadaad wadaad baa lagu aamusiyaa; cilmibaadhis cilmibaadhis baa lagu gorfeeyaa; fikrad fikrad baa lagu dilaa, I.W.M.





























W.Q.: Maxamed Cabdirisaaq Saciid Samiik
Qoraa iyo aqoon baadhe Soomaaliyeed
Boosaaso, Bari, Soomaaliya
Agaalli, Ogos 20, 2016—11:55 G.D.


No comments:

Post a Comment