Tirada Soo Booqatay

Tuesday, May 3, 2016

Warqad Ku Socota Sh. Aadan Cabdiraxmaan Warsame “Aadan-Sunne”



Lamme, Mey 2, 2016








Gacaliyahayga qaaliga ah,
Sh. Aadan Cabdiraxmaan Warsame “Aadan-Sunne”





v  Xaqsoorka haddaad ka ooyday
v  Dilkiyo xukunkii qarqooshka
v  Xaagaanka maxaad u tuurtay?!

v  Haddaad xannibnaanta diidday
v  Afkaaga xidh oo car juuq dhe
v  Maxaad u xabaashay Haatuf?!

v  Xiniinyaha duul la siibo
v  Xeerkii hangashtay ahayde
v  Xilliga Muslimiintu jiifto
v  Guryaha xaas loogu daato
v  Xabsigan yaa soo jideeyay?!”

-          M/Saar (2) : “Xays-Waqooyi” — Cali Sh. Maxamed Cabdi “Ileeye”




Asc wrx wbk.






Waxa aan u ilmaynayaa si aan weligay u ilmaynin! Dhibco buurbuuran oo kulul ayaa indhahayga ka imanaya! Waxa ay sabab u noqdeen shaadhkii iyo macawistii aan gashanaa, iyo dhiganihii aan akhrinayay ba in ay qoyaan, aniga oo aan is ogayn! Waa aan garan karaa goortii ay bilaabatay ilmadaas—waa markii alankaygu uu dhawaaqay, ka dib walaalkii i soo wacay ii sheegay, sidii ka baxsanayd Islaamnimada, aadannimada, iyo dawladnimada, ee ay xalay kugu la kaceen calooshood-u-shaqaystayaasha shahaado-la-dirirka ah ee, RRU loo yaqaanno; bal se goorta ay joogsan doonto ma garanayo! Haa, wallaahi ma garanayo!!! Aad baa aan u xanaaqsan ahay! Aad baa aan u welwelsan ahay! Aad baa aan u qandhaysan ahay! Oo aad baa aan u tiiraanyaysan ahay! Wadnuhu waxa uu samaynayaa gargariir iyo gargaraacid aan xisaab iyo xudduud toonna lahayn! Wax wal ba haddii carrabkayga la dhadhansiiyo waxa ay ii dhadhami doonaan qadhaadh; xattaa malabka iyo timirta. Salaaddii Subax in aan tukaday uun baa aan hubaa; wax aan akhriyay iyo xaalad aan ku sugnaa ba moogane ayaa aan ka ahay! Waa iga tabtaa hubaashii!!!

Walaalkaygii iyo wadaadkaygii aan jeclaayow, ma filayo warqaddan in ay kugu soo gaadhi doonto, kuna akhriyi doonto meesha aad hadda ku sugan tahay; wax se aan niyaysanayaa in aad akhrisan doonto, oo xuruufteedu qaab kale kuu soo gaadhi doonto—qaab kale oo aan laftirkaygu fahmi karin!

Haa, waxa aynnu nahay Muslimiin loo diiddan yahay Eebbahooda in ay addeecaan oo raalli geliyaan! Haa, waxa aynnu nahay Soomaali loo diiddan yahay dhaqankooda suubban iyo fariidnimadooda sarraysa in ay adduunkan la joogaan! Haa, waxa aynnu nahay Culimo loo diiddan yahay erayga xaqqa iyo garashada ah si xor ah oo xikmadaysan in ay dadweynaha u gaadhsiiyaan! Haa, waxa aynnu nahayWaxgarad loo diiddan yahay Soomaalida iyo Muslimiinta gunnimada ay qaayibeen in aan ka saarno oo gobannimadoodii u soo celinno! Haa, waxa aynnu nahay Waaqiciyiin loo diiddan yahay xogaha ay dunida ka hayaan in ay faafiyan! Haa, waxa aynnu nahay Geesiyiin loo diiddan yahay in ay noolaadaan! . . . 

Cadaabta aan maanta maraynno waa mid aan kasbannay! Waa natiijadii go’aankeenna! Sow go’aan adag kuma aynnaan gaadhin Eebbaheenna si xor ah oo kalsooni ah in aan u caabudno? Sow go’aan adag kuma aynnaan gaadhin isirkeenna wacan ee dheemanka ah, sooyaalkiisa, hidde-dhaqankiisa, afkiisa iyo suugaantiisa, iyo aragtiyadiisa in aan ku faanno, dunida na ugu faanno? Sow go’aan adag kuma aynnaan gaadhin dhibaatooyinka diineed, bulsheed, degaaneed, fekereed, akhlaaqeed, iyo nafsiyadeed ee maanta Muslimiintu la tacaalayaan in aan jawaab u raadinno? Sow go’aan adag kuma aynnaan gaadhin dibudhaca jira ee dhan wal ba in aan ka tallaabsanno oo horumar dhab ah oo taabbagal ah xaqiijinno? Sow qorshayaasheenna ugu waaweyn ee maanta ma aha in aan Muslimiinta cudud iyo caqli ba midaynno; in aan soo celinno Khilaafadii ay Galbeedku ka takhalluseen; in aan dib boodhka uga jafno Ilbaxnimadii Islaamka (oo ah tii dunida barakaysay, maanta na barakadeeda loo ooman yahay); iyo in aan doorkii hoggaaminta ee siyaasadda dunida ku soo noqonno? Intaa oo dhan warcelinahoodu “Haa” haddii ay yihiin, waxaa kale oo “Haa” ah cadaabta aan maraynno qaadashada iyo ku qanacsanaanta go’aammadaa halista ah natiijadooda in ay tahay! Ha se ahaato e, waa kasbasho iyo natiijo ay ka dambeeyaan midho macaan iyo janno aan wax la siistaa aan ay jirin!

Gaaladu waxa ay doonayaan go’aankeennaa in aan ka laabanno, bal se waxa aan lee nahay, “Muslimku waa geesi!” Gaaladu waxa ay doonayaan kol haddii aan ka laaban waynnay in ay na ololiyaan si aan isu dhiibno, bal se waxa aan lee nahay, “Muslimku is ma dhiibo!” Gaaladu waxa ay doonayaan, ka dib markii aan is dhiibi waynnay, in ay nagu qanciyaan dhimasho iyo nolol in aan kala dooranno, bal se waxa aan lee nahay, “Geeridu mar baa ay nolosha dhaantaa!” Xaqiiqdii, waa hubaal in aan ka xun ahay sidii waxashnimada, foolxumada, iyo xayawaannimada ahayd ee saqdhexe adiga, afadaada, iyo carruurtaada oo hurda (iyo weli ba deriska) loo argagaxiyay, albaabka la isku dayay xoog xoog in lagu jabiyo, isla markaanna lagu xidhay; dhanka kale se waxa aan qirsan ahay in aad iga fiican tahay, iga geesisan tahay, oo iga nasiib badan tahay! Maxaa ka fiican in laguu xidho, “Waxa aad ummadda u sheegaysaa wanaag"?! Maxaa ka qiimi badan in laguu ciqaabo, “Waxa aad ku dhiirrataa xaqqa caddayntiisa iyo ku doodiddiisa"?! Yaa ka nasiib badan addoon waxa loo la colloobay loo na cadaabayo keliya ay tahay, “Waxa aad tahay Muslim baraarugsan oo xal doon ah"?!

Kow u ma tihid, Muslim loo dhibaateeyay, ummaddiisa oo dullinnimo iyo darxumo aqbashay, ama la aqbalsiinayo in uu ka dagaallamo! Nabigeennii udgoonaa, sharfoonaa, ee macaanaa (N.I.N.K.H.A.) ayaa la caayay, laga daba shaqeeyay, la dilay, oo lagu digtay! Culimmadii ugu waaweynayd ee ummaddan ayaa dariiqaa martay! Saxaabadii ayaa martay! Taabiciintii ayaa martay! Taabicu Taabiciintii aya martay! Oo ilaa sebankan culimada qalbigoodu iyo maankoodu nool yahay ayaa maraya! Muslimka waa u dhaqan mawaaqifta uu qaato in uu ku macangegnaado oo uu ku mintido, wixii la doonaa ha lagu sameeyo e! Ma xusuusataa buunigii weynaa ee Axmed Binu Xambal (I.H.U.N.) iyo caddaynta “Qur’aanku in aannu makhluuq ahayn” dhibtii uu u maray?! Ma xusuusataa Ibnu Taymiya (I.H.U.N.) iyo “iftiiminta caqiiddada saxeexa ah” ee Ahlu Sunna Wal Jamaaca qaxarkii uu u soo maray! Ma xusuusataa Sh. Maxamed Binu Cabdulwahhaab (I.H.U.N.) iyo “cusboonaynta towxiidka” silicii uu u soo maray?! Ma xusuusataa Sh. Xasan Al-Bannaa (I.H.U.N.) iyo “wanaajinta ummadda iyo horumarinta aqoontooda iyo fekerkooda” ciqaabtii uu u soo maray?! Ma xusuusataa Sh. Nuuradiin Cali Colow (I.H.U.N.) iyo “u keliyaynta Eebbe cibaaddada dhammaanteed” baabbi’ii uu u soo maray?! Ma xusuusataa Sh. Maxamed Macalin Xasan (I.H.U.N.) iyo “is waafajinta sharraxaadda Qur’aanka iyo waaqica nolol ee bulshada” halaaggii uu u soo maray?! Oo ma xusuusataa Sh. Maxamed Axmed Rooble “Boqolsoon”  iyo “difaaca Sunnada” hagardaamooyinkii uu u soo maray?!     

Waxa aan sheekhaygii aan jeclaayow ku lee yahay: dulqaado. Jidka aad ku safraysaa waa uu qodxo iyo qashin badan yahay; waa uu isbaaro iyo isu xoog sheegad badan yahay; waa uu shayaadiin iyo shar badan yahay; oo waa uu xasarad iyo xumaan badan yahay! Waxaa lagaaga baahan yahay Alle ka yaab; waxaa lagaaga baahan yahay in aad si run ah u ogaato in aad imtixaaman tahay (waa tijaabo ka mid ah tijaabooyinka uu Eebbe mariyo halgamaaga Muslimka ah, si waxa uu u halgamayaa run iyo been ka ay ka tahay u caddaato); waxa lagaaga baahan yahay qaddarka Eebbe idaylkiisa, wanaaggiisa iyo xumihiisa, in aad ku kalsoonaato; oo waxa lagaaga baahan yahay isla xabsiga gudihiisa in aad ka sii waddo dedaalladaada, oo maalmahaa aad ku jirto hal-abuurto falsafado dacwada lagu socodsiin karo, waddooyin dhowdhow oo lagu guulaysan karo, iyo tabooyin gaalada iyo cawaankooda looga adkaan karo. Haddii aynnu farriimo sidayaal nahay, farriintu goor iyo goob gaar ah ma leh; meeshii iyo wakhtigii aan joognaa waxa aynnu la joognaa iyada!

Jaallahaygiiyow, Qaadirku ujeeddooyin ayaa uu dunidan abuurkeeda iyo aadamaha hoggaaminteeda loo dhiibay ba ka lee yahay. Xeerar ayaa Eebbe u sugnaaday, aan la beddeli karin, aanna duugoobi karin. Wax wal baa sidii uu u qorsheeyay ayaa ay u dhacayaan. Isagu qaddarkiisa ayaa uu lee yahay; annagu na qorshahayaga ayaa aannu lee nahay. Walaal niyaddaada wanaag u sheeg. Ogow dhibta aad maraysaa marka la barbardhigo dhibihii culimadii Muslimiintu mareen boqollay ahaan hal in aan ay uga dhigmaynin! Xanuunka lagu dhadhansiinayo uga faa’iidayso in aad ku ad’adkaato, ku sii qanacdo go’aankaaga, filasoof ku noqoto, oo maankaaga ka hindisto xirfado iyo xeelado badan oo lagu horumarin karo Baraaruga Islaamka iyo guushiisa. Ilaahay (S.W.T.) hiilkiisa asbaab ayaa uu ku xidhay, ee asbaabtaas la imow. Hadafkeenna ugu weyn ha noqdo in aynnu Eebbe u hiilinno—Eebbe na waa u hiiliyaha hiiliyayaashiisa. Cid wal ba oo weyn Eebbe ayaa ka weyn; sidaa daraaddeed, aynnu quluubteenna, niyaddeenna, carrabkeenna, falalkeenna, iyo fekerkeenna daahirinno, qurxinno, oo nidaaminno.

Ugu dambayntii, saddex arrimood aan kugu bishaareeyo. Waa ta kowaad e, waxa aad tahay indheergarad Rabbaani ah oo aqoontiisa, garashadiisa, iyo aftahammadiisa uga faa’iidaystay wanaajinta nolosha bulshadiisa iyo uga warranka debinnada halista ah ee loo dhigay (loo na dhigayo). Waa ta labaad e, haddii aad aragto daaci sidaada oo kale ah oo xidhitaanku caado u noqotay, waxa ay caddaynaysaa dacwaddiisu in ay saamayn, awood, iyo tayo lee dahay, loo na adkaysan kari waayay. Waa ta saddexaad e, culays iyo mashaqo wal ba waxaa ka dambeeya fudayd iyo mahadin; sidaa awgeed, maalmaha madow ee qadhaadh waxa ay hordhac u yihiin maalmo cagaaran oo macaan. Soomaalidu ma aha cadowgeenna; waa iyaga duulka aan u geyllamaynno ee “maxaa gunnimada ay aqbaleen uga saaraysaan” la noo ciqaabayo. Cidda aan is haynno waa gaalada waaweyn ee dunida fasahaadinaysa iyo gaalaraacyada Soomaaliyeed ee dabadhilifka iyo dabadhoonka u ah! Kuwaa waxa aynnu ugu maahmaahaynaa, “Xabaalo-qode xabaashiisaa la qodaa! Inshaa Allaah, dacwaddu waa ay guulaysan doontaa—cadaadiska iyo cunaqabaynta waa ay ku sii cududaysataa kuna caanamaashaa! Duruufaheenna Casiiska uun baa og—oo waxa aynnu lee nahay “Xaal Allaa og”; ee waxa aynnu ka tuugaynnaa, “Xaq aan xoog wadani ma soo xero galo,” ayaa ay ummaddeennu ku maahmaahdaa e, xooggaas  in uu noo soo dedajiyo. “Xaajo geed lihi yey geed wal ba kugu dilin,” ayaa aynnu ku maahmaahnaa e, garteennu munaasabad iyo meel u gaar ah baa ay lee dahay e, Eebbe ha ina gaadhsiiyo—Aamiin.

Waa aad soo bixi doontaa—Idamka Eebbe.





§  “Markay noloshu ii gu ciirsantee ii cuntami waydo
§  Iyo caawadaan ladanahayee farax ku ciidaayo
§  Cabdilqaadir u ma qayshadoo sheekh ma caabudo e
§  In kastaan cisyaan falo shirkiga waan ka cararaaye.


§  Had ba waxaan la coogcoogayee curaya awrkayga
§  Samiic iyo Caliim baad tahayoo waad i calool garane
§  Maanta na catowgaygu waa cabasho waayeele.


§  Cutubkaa caddeeyayee haddaan si cayyimo xaalka
§  Cisigiyo awooddaada iyo caadilnimadaada 
§  Cibaarooyin kala gooniyaan kuu cuskanayaaye.


§  Meeshiyo Cuthmaaniya markii cagaha loo laabay
§  Casarkii gumaysigu qabsaday Caalamka Islaamka
§  Calmaaniga camiilka ah mudday soo carbinayeene!


§  Khilaafadii markay caaridee calanka loo dhiibtay
§  Muslimiinta sidii loo caddibay loo na kala caydhshay
§  Ee Culimadoodii tukaha lagu cashaysiiyay
§  Carcaraafka iyo faalladiyo ciilka nagu raagay
§  Cidhiidhigaa na haystiyo adaan calowga moogayne.


§  Sidii xeeryo soor lagu cammiray col isku soo gaadhay
§  Cishadii la yidhi: "Waxayduun noqon caysh la kala boobo."
§  Calaamooyinkii maanta waa sida cadceeddaase!


§  Annakoo Camuuddiyo ka badan cawska iyo duurka
§  Geerida markay ka cabsatayee maalka la ciseeyay
§  Ceebtii Rasuulkii ka digay caadi loo aragye!


§  Intaa dunida lagu ciidayee lagu caweynaayo
§  Cusri lagu ma waaroo adduun gelin ba waa cayne
§  Cisigiyo dulligu ways xigaan laba cadceedoode!


§  Mar uun buu islaamkii carjabay nuurka soo celinne
§  Mar uun bay caqiiddada runta ahi dhab u cusboonaane
§  Markaasaa Yuhuudiga cantaray caynka loo jariye!"


                          M/Gabay: “Ceel U ma Qodna” — Gabyaa Axmed Colaad Digaale “Qorane”












Gacaliyahaaga qaaliga ah,
Maxamed Samiik





2 comments:

  1. Haddii aad akhriday mudane/marwo, waa aan jeclaan lahaa aragtidaada in aad i la wadaagto oo faalladaada halkan ku hoos qortid. Mahadsanid.

    ReplyDelete
  2. Si cad umaan fahmin ujeedada ka danbaysa xadhiga wadaadka lkn timir lafbaa ku jirta

    ReplyDelete