Tirada Soo Booqatay

Tuesday, May 24, 2016

Gama’diid: Geesi Lagu Gar-darroonayo!!!

  • “Siyaasigan dhulkeeniyo dalkii gaalada u dhiibay
  • Waxmadhawrsadahan miidhanee dhinac na eegaynin
  • Dhan loo dayo ba nimankaa bulshada dhaawaca u geystay;
  • Waa waxaan dheg xumo diidinoon ceeb ka dhiidhiyine
  • Dharaartii kasta ba eel hor laa looga dhacayaaye
  • Nin ba macallinkii wax u dhigay dhalan wadaagaane
  • Isticmaarkii naga dhoofayiyo gaalkii baa dhalaye!”
   · M/Gabay: “Waxmadhawrsade!”—W.C.: Gabyaa Gama’diid

Ummadaha dunida ku dhaqan waxa ay ku kala duwan yihiin siyaalaha ay u la dhaqmaan geesiyaashooda iyo geyllamayaashooda. Qaar ayaa wanaajiya, taallo heer qaran ah u sameeya, oo sooyaalkooda manhajka waxbarashada ku dara; halka qaar kale na ay xumeeyaan, si heer hoose ah na u aasaan, oo sooyaalkooda siyaasadeeyaan. Reerka Soomaaliyeed ee Geeska Afrikada Bari ku nool, waxa ay dhaqanwadaag la yihiin qoladaa dambe, oo ay u arkaan in ay si wanaagsan(!) u maamuuseen haldoorradoodii qiimaha iyo qaayaha badnaa! Tagtada Soomaalida lagu ma hayo iyaga oo halyeeyayaashoodii iyo halgamayaashoodii, nolol ahaan, darajo ku tolay, oo maamuus ummadeed oo sarreeya u sameeyay! Beryo dambe, waa waagii ay Soomaalidu qaramooday e, xattaa kuwo heer qaran maamuuskooda la gaadhsiiyay, qabiillooyin biro qabyaaladeed ku boodboodaya ayaa halkaas ka soo dejiyay oo heer qabiil ku soo celiyay! Maanta, Soomaalida, haddii qof wal ba aad weyddiiso halyeeyada Soomaaliyeed waa kuwee, illeen ummad wal ba halyeeyo ayaa ay lee dahay e, waxa ay u badan tahay in aannu qof na kuu sheegin, ama ku cidwadaag yihiin kuu sheego! Mid kale isla weyddintaa haddii aad warsato, warcelin ka duwan tii hore ee aad haysay ayaa uu kugu jalbeebayaa! Taasi waa sabab ka mid ah sababihii burburka Soomaalida iyo qarannimada Soomaalida ba. Waayo, waa ummad aan lahayn mudanayaal iyo marwooyin ay si bulsheed u maamuusaan! Waxa aan ujeedaa: waa ummad aan lahayn wax ay wadaagaan oo si wadajir ah ugu tasbiixsadaan!

Cabdiwaaxid ina Cali Gama’diid waxa uu dhalasho ahaan ka soo jeedaa shacabkaas weli aan si run ah u qaramoobin, nin weli baa na adeerkii darajada halyey ku tolay, qol gudihii na uu ku xuso, weli na maankiisu baayirin! In kasta oo uu yahay nin dhallinyaro ah, xaasley ah, oo ku fooggan nolol wanaajinta reerkiisa iyo dhisme ballaadhinta goob nololeedkiisa, hadda na, mar na ba ka ma aannu caajisin wax-u-sheegga tolkiisa qaayibay, sarraynta shisheeyaha iyo u hoggaansanka danihiisa istiraatiijiyadeed. Tabtii cabqarigii weynaa ee Ustaad Sayyid M. C. Xasan (I.H.U.N.) ayaa uu isku dayaa tix ahaan in uu ku baraarujiyo, had ba qallafsanaanta noloshooda iyo garasho dhoohanaantooda ku tuso, ku na dhiirri geliyo heeryada gumaysiga ee cimri-dheeraatay in ay iska qaadaan. Dedaalkaa joogtada ah iyo gabayadiisa dan iyo dareen ka hadalka ah, ku ma aannu helin wax xurmo iyo xaqdhowr ah—Oo maxaa uu ugu helayaa, ma Soomaali baa ay wax iska beddeleen garashadeedii, dareenkeedii, fekerkeedii, iyo dhaqankeedii?! Wax wal ba ha lagu sameeyo e, waa caado jirtay (iminka na jirta) in same ka hadle wal ba iyo is beddel doone wal ba cadaab karkaraysa la muquuransiiyo e, waxa uu naftiisa ballan adag oo weyn kaga qaaday in aan ay ka tanaasulin aragtiyadeeda, iilka ha ba la dhigo e!

Wax ba yaa aannu dhaqaale iyo awood haynin e, waxa uu hayaa niyad iyo awood qalbiyeed oo wax loo dhigaa aan ay jirin! Taasi waa ta ku tamar gelisa, itaalkiisu ha ba yaraado e, eray maanseedkiisu in aannu ku xadgudbin casharrada ku dawinan qalbigiisa, isla jeerkaa na iyaga oo firfircoon faruuryihiisa ka soo baxaan, si dareenkoodu iyo awooddoodu ba qalbiga qofka Soomaaliga ee qabyaaladdu weli xoogga ugu taliso kaga gargariiriyaan, kaga na naxsadaan ceebaha iyo cadaawadaha ku dhex galgalanaya! Diiradda kolka uu saaray xanuunada ay la luudayso bulshadiisu, waxa uu arkay in ay ugu waaweyn yihiin afar arrimood: aqoon darro diineed iyo dhaqaneed; qabyaalad la siyaasadeeyay; kal aaminbax weynaaday; iyo faragelin xididaysatay! Isla diiraddaasi, baadhis kale oo ay ku samaysay abuurayaasha ugu waaweyn ee fayrasyadaasi, waxa ay soo qabatay siyaasiyiinta, wadaaddada, iyo ganacsatada. Sidaa awgeed ayaa uu wacad ku maray, mas madaxa ayaa laga dilaa e, bulshada taagta darran ee tiihaysa in uu la safto, oo nimankaa uu siyaasigu ugu tunka weyn yahay gantaallo qaaradeed roob kaga dhigo! Si fiican waxa gantaalladaa looga dhex arki karaa, isla jeerkaa na dhumucdooda iyo dhismahooda layaabka leh lagu anfariiri karaa, tixaha: “Waxmadhawrsade,” “Boqol Doofaar,” iyo “Cirir.”

Riwaayadaha siyaasadeed ee Beesha Gaaladu Soomaalida dayaysan u allifto, iyo siyaasiyiintii la doonayay in ay danta bulshada u dhididaan, ee hubaashii darxumaynta bulshada u dhididay, ayaa uu aad iyo aad uga gilgishay, dareenkiisa na ku guubaabisay in aannu gabban, ee seefta afbadanta ah ee cadowga ummadda Soomaaliyeed ilko caddayn iyo qalbi adayg ku waajaho! Waa halkaa halka ay Gama’diid iyo doofaarrada iyo dayuusyada degellada Soomaalida ka taliyaa ay isku qoonsadeen, dhaar na ugu mareen qaaf wal ba oo afkiisa ka soo baxa qolka ugu qadhmuunka badan ee jeelasha waxgaradka lagu cadaabo hoy in looga dhigi doono! Ka hor tixdiisii “Dardaaran” ayaa uu soojeedimo dhowr ah ku caddeeyay isaga iyo siyaasiga Soomaaliyeed nacaybka weyn ee u dhexeeya. Soo if bixiddii tixdaas, oo ku faraxday ku na digatay Kiinyaatiga Soomaalida naarta Sawaaxiliga ka waraabin jiray (eegga na ka waraabiya), jabkii gaadhay xarun ganacsiyeedkoodii Westigeyt, ka dib markii rag rag ahi cashar taariikheed la ma illaawaan ahi u dhigeen, waxa ay nimankaa diirka Soomaaliyeed leh, bal se matoorkoodu Galbeedka yahay heleen marmarsiinyo ay, gabyaaga ku xidhi karaan, sida oo kale na lacago badan kaga heli karaan ragga ay awrkiraalaha u yihiin.

Xadhiga Gama’diid halkaas ayaa uu ka bilaabmay. Isla Hargeysadan oo uu caawa ku xidhan yahay ayaa lagu xidhay! Waxa ay beeshiisa Ciidagale iyo rag kale oo wanaagsan ba dhexda u xidheen ka sii daynta haldoorkan dheemanka ah waraabayaasha halyey-cunka ah. Tijaabadaasi ma ay guul darraysan; aad iyo aad ayaa ay Soomaalidu u soo dhawaysay tallaabadaas dhanka caddaaladda iyo xorriyadda loo qaaday. Tolow Soomaalilaan maxaa ay ku xidhay gabyaaga illeen iyada ma uu dhaliilin e—xattaa dhaliil jirta oo cad?! Walaalaheenna Kiinyaatiga ah maxaa aad jabkooda ugu faraxday ayaa loo xidhay! Laakiin boqollaalka Soomaalida ah ee Kiinya deggan ee nafahooda iyo maalkooda dawladda Uhuuru Kinyaata ku xadgudbayso, iyo gumaadka ay u geysanayso bulshada Soomaaliyeed ee koonfurta deggan, cid ka hadlaysa oo u diirnaxaysaa ma ay jirto! Maxaa looga hadlayaa sow argagaxiso khatar ku ah amniga Kiinya iyo Geeska Afrika ma aha?!  Kol haddii ay Soomaali yihiin, iskood u shaqaysanayaan oo ganacsi firfircoon lee yihiin; ama ay se Alshabaab la jidh yihiin oo waxa ay Kiinyaatiga ku sameeyaan iyaga laga aargoosanayo, sow argagaxiso dhab ah ma aha?! Oo taasi sow ma aha tii mudane Xasan Sheekh Maxamuud ku khasabtay dadkiisii la gumaaday ee maydkoodii bahalladu cuneen in aannu u tacsiyayn, bal se ciidamadii lagu shahiiday inta uu uga daba tegay dalkoodii, u madax-foorariyay—illeen sida kale haddii uu samayn lahaa waxa uu noqon lahaa madaxweyne argagaxiso ah e?! Waxa Cabiwaaaxid loo aqoonsaday argagaxiso ka dib markii uu la saftay bulshadiisa, farxaddooda na kala qayb galay tix sida qoryaha casriga ah ee darandoorriga u dhaca u dhacaysay!

Mar kale ayaa tixmaalkaa isla gabaygaa laftirkiisa Buntilaan gudaheeda loogu xidhay. Isla kiiskii Soomaalilaan iyo caqliyaddii lagu dhisay ayaa loo cuskaday xadhigiisa—illeen doofaar meel uu joogo ba waa doofaar uun e! Markan, in ka badan bulshadii ka cadhootay xadhigiisii hore ayaa ka cadhooday! Hal-abuurrada reer Buntilaan, gude iyo dibad ba, qof wal ba dareenkiisa awooddii uu ku cabbiri karayay ayaa uu ku cabbiray, isaga oo dawlad-goboleedka Buntilaan ka codsaday afmaalka xorriyaddiisa in ay u soo celiyaan. Tabta oo kale hal-abuurro reer Waqooyi ah ayaa xadgudubka muwaaddinkan lagu la kacay ka gabyay—weli ba si aad ah! Siyaasigu intaas wax ba kuma sii daayo e, waxa magaalada Hargeysa ee caasimadda gobolka Waqooyi-galbeed ka yimid wefdi ballaadhan oo duubab ah, uu na hoggaaminayay suldaanka beesha Ciidagale, ah na, sida oo kale, suldaanka guud ee beelweynta Sheekh Isxaaq, suldaan Maxamed suldaan Cabdulqaadir, kuwaas oo gorgortan iyo gardhigasho ka dib ku guulaystay ujeeddadoodiii, si dirqi ah oo mucjiso-u-eke ah na Cabdiwaaxid kala baxsaday gacanta saraakiil ma-naxayaal ahaa oo toogashadiisa tabaabushaynayay!

Muddo ka dib waa tii wargeys-gaaleed Faransiiska ka soo baxa (oo magiciisu yahay: Charlo Hebdo) uu aflagaaddeeyay Suubbanaheen na Qaaliga ah ee Maxamed (NI.N.K.H.A.) Arrintaas, oo dalkaas ku soo noqnoqatay, waa tii ay Muslimiintu aad iyo aad uga cadhoodeen, walaalo ka mid ahi na jawaab waafi ah oo habboon ka bixiyeen. Weerarkii cajiibka ahaa ee dhacay Nofeembar 13, 2015, waxa uu Cabdiwaaxid—oo looga bartay in uu ka gabyo falcelisyada nool ee Muslimiintu gaalada ku karbaashaan si ay u baraan dadnimadooda iyo in ay yihiin, duul ilaashan kara mabaadiidooda iyo danahooda—curiyay tix dareenka Soomaaliyeed dhaqaajisay, oo uu magac uga dhigay: “Isha Cali U Fiirsada!” Durba ninkii gaalkalkaalka ahaa markii uu dhegaystay waxa uu degdeg u amray argagaxisadan bulshada ku jirta in la xidho, oo weli ba xabsiga damiin iyo wax kale ba looga sii dayn, muddo dheer na halkaa maxbuus ku ahaado! Bulshadu falkaa aad ayaa ay uga xumaatay, laakiin ma ay laha awood ay wax ku beddelaan oo ku wanaajiyaan! Yablas xoog leh ayaa dadkeenna ka soo yeedhaya ilaa iyo aminka, maadaama ay yoolyoolnimo yaab leh ku sugan yihiin; ha se ahaato e, ma jiro (ama waa naadir) rag yididdiilo badan qaba oo ay ka go’an tahay bulshadooda in ay ka samatabixiyaan aafooyinka kala jaadka ah ee ku habsaday!

Arrin aan aad u la yaabbay baa jirta! Gama’diid oo lix bilood ku xidhan gurigii uu ku barbaaray, ku weynaaday, ee uu ku guursaday, ilaa iyo hadda beeshiisa Ciidagale ee labadii jeer ba badbaadisay, isku day-yo badan oo muhiim ah oo ay inankooda dhurwaayaasha kaga celinayaan ma ay samaynin! Ilaa iyo eegga ma aan fahmin sababta ay awoodo badan iyo beeso badan ugu qarashgaraynayeen sii dayntiisa kolalkii hore, muggan na dedaal caaqibo leh u la iman waayeen, la na moodaa in ay daaleen, oo hadal niyeedkoodu yahay: “Adeerow adiga ayaa is xidhay e, mar wal ba ku ma badbaadin karno e, halkaagaa ku jir—sidaa iyo kulanti dambe!” Weyddiimuhu waxa ay yihiin: Ma isaga ayaa is xidhay mise xaq uu sheegay ayaa lagu xidhay?! Ma guul darrooyinka gaalada gaadhay ee lagu farxay ayaa dambi ah, mise muwaaddin xuquuq iyo waajibaad leh oo aan wax ba geysan ku xadgudubkiisa ayaa dambi ah?! Ma geyllame arrin uu guntiga u adkaystay caqabadihii uu kala kulmay oo badnaaday baa khaladka leh, mise cadowga hadh iyo habeen aan daalayn ee halyeeyada iftiin iyo mugdi in uu ku qasho doonaya ayaa khaladka leh? Si kasta ba xaaladdu ha noqoto e, gooshu ba waa ay garataa dhasheeda lagu gar darroonayo in ay jeer wal ba difaacdo e, waa in ay Ciidagale mar wal ba is garab taagaan geyllamahaa xorta ah, dabin wal ba oo loo dhigo iyo god wal ba oo lagu tuuro na waa in ay kala soo baxaan—illeen maanta geyiga Soomaaliyeed dawlad Soomaaliyeed oo madaxbannaan oo muwaaddiniinteeda sinnaan, caddaalad, iyo xorriyad ku dhaqaysaa ma jirto e! Waxa aan xaaladda uu haatan mudanahaasi ku sugan yahay u arkaa, mid ay beeshiisu mas’uul ka tahay, maadaama ay dhiiggoodii uga raalli noqdeen qol madow in uu waagu ugu baryo, gudcurku na ugu soo galo! “Tol waa hal la qalay,” ayaa ay Soomaalidu ku maahmaahdaa e, Ciidagale intiisa gobannimadu weli ku dambayso, waxaa waajib ku ah, in ay u gurmadaan Gama’diid, oo gunnimada lagu khasbayo uga gargaaraan! Haddii kale waxa uu noqon doonaa: geesi jifadiisii gumeeyeen!

Mid kale oo iya na layaab leh ayaa jirta! Dhallinyaradii wanaagsanaa ee reer Waqooyiga ahaa ee shalay Buntilaan u gabyayay, maanta maxaa aamusiyay oo afka ka sharooteeyay, oo illawsiiyay walaalkooda dulman u hiilintiisa?! Ma waxa ay ka baqayaan haddii ay ka hadlaan gaboodfalka lagu la kacay in iyaga na laga daba geeyo?! Mise shalay jibbo iyo hilib-damqasho ayaa ay ka ahayd o, maanta waa nin tolkii u xidhan, iyagu na sidaa u garteen?! Si kasta ba ha ka ahaaato e, waa weyddiin weyn oo garaadkooda saaran: Maxaa shalay idin ka hadalsiiyay oo maanta na idin af tiray?! “Jidh qalaad waa dhul qalaad,” ayaa ay Soomaalidu ku maahmaahdaa e, in Cabdiwaaxid dhulkii uu garanayay lagu gumeeyo, sidii cadowgu doono na u la dhaqmo, waa xujo iyo yaab!!!

Hadalkayga waxa aan ku soo gebagebaynayaa, dardaaran iyo duco. Geyllamayaasha la midka ah ina Cali Gama’diid waxa aan lee yahay: Soomaalidu waxa ay ku maahmaahdaa, “Dabkii daashka kaa guba digniin baad ka qaadataa,” e, dhacdadaa jaallaheen na ku dhacday waa ay innagu wada dhacday; sidaa daraaddeed, waa mid ay tahay in aynnu isku si uga soo horjeedsanno, u na halganno sidii awood, af, iyo qalbi ba walaalkeen ugu hiilin lahayn. Halkudhegyadeennu waa in ay noqdaan: “Darajaynta Gama’diid waa darajaynta garaadleyda xorta ah,” iyo “Midaynta dareenka buuniyada waa midaynta dareenka bulshada.” Innaga ayaa xaq u leh in aynnu wax hoggaamino e, horta aynnu cududdeen na dhisno, isu damqashadu na sees weyn ha u noqoto. Xaqiiqdii, maanta, qoyskeenna maalin uu inooga baahi badan yahay ma ay jirto! Xaalad damdaguugnimo ah ayaa ay dhan wal ba kaga sugan yihiin! Camiilladaas gaaladu soo carbisay carcaraaf ayaa ay inoo geysatay; sidaa aawadeed, cidhibtirkooda waa in aynnu iska caawinno, oo muuqaaalkooda carceerinno. Gaaladu waxa ay doonayaan in ay na mooradduugaan, siyaasigu na waa kalkaaliyaha weyn ee kabasiibnimadeena u adeegsanayaan! Sidaa awgeed, hal-abuurradeennu waa in ay u hawshoodaan sidii bulshadan hawammareennadooda haybo badan hantiyiddooda u halgamayaan yur looga odhan lahaa, oo hilibkeeda bisil loo basrin lahaa! Ilaahay (S.W.T.) waxa aan uga baryayaa geesigaa in uu ka sii daayo gunta uu u xidhan yahay, sida ugu dhakhsaha badan, sida ugu roon—aamiin. Haddii aad aan wax ba tari karin af iyo addin ba, walaal qalbiga uga ducee, oo salaad wal ba dhexdeeda ugu ducee—intaasi waa waxtar weyn e.

(Qoraalkan oo aan isla bishii la xidhay qoray, waa aan jeclaan lahaa in aad akhrido .. kan iminka na waa qormadii labaad oo aan xadhigiisa ka qoro.)

























W.Q.: Maxamed Cabdirisaaq Saciid “Samiik”
Qoraa iyo aqoon baadhe Soomaaliyeed
Boosaaso, Buntilaan, Soomaaliya
Lamme, Mey 23, 2016

Wednesday, May 11, 2016

Dheefaha Akhriska

Cabdullaahi waa bare maaddada af Soomaaliga ka dhiga Dugsiga Qorraxey. Waa mid ka mid ah dugsiyada ugu tayada darran ee magaalada. Aalaa ardada dugsigan waa kuwo aan lahayn aqoon iyo ogaal badan. Sidaa daraaddeed ayaa tirada dhigataa aad uga yar tahay tirada dugsiyada kale dhigata. Macallinku muddo ku siman lix bilood ayaa uu magaaladan joogaa, Qorraxey na ka hawlgalaa. Baadhis badan ka dib, waxa uu ogaaday dibudhaca ugu weyn ee Qorraxey ka socon la’ dahay in ay tahay, ardada oo aan lagu dhiirri gelin akhriska. Ogaanshaha arrintaas dabadeed, waxa uu isku diyaariyay cilladdaa in uu dilo; bal se waxa uu dedaalkiisa la sugayay munaasabad weyn oo uu ku ibafuro. Maanta ayaa uu u arkaa fursaddaasi in ay hor timid. Waayo, sannad-dugsiyeed cusub oo carcartiisa qaba ayaa dugsiga u bilaabanaya. Waxa uu maammulaha ka codsaday soojeedimaha maammulka iyo macallimiinta lagu qoray tiisa in loogu horraysiiyo. Waa laga aqbalay. Isagu na aad ayaa uu u hambalyeeyay mudanaha.

Hoolka dugsiga waa la isugu yimid: arday, macallimiin, iyo waalidiin ba. Geelle, oo ka mid ah ardada Dugsiga Sare Fasalkiisa Labaad, ayaa lagu soo dhaweeyay mekrafoonka, si uu xafladda aayado Qur’aanka Kariimka ah ugu furo. Dabadeed waxaa xigay maammulaha oo soojeedintiisa dib u dhigtay, keliya ardada ku soo dhaweeyay dugsiga iyo sannad-dugsiyeedka cusub, xafladda na si rasmi ah u furay. Bare Cabdullaahi ayaa kursigii uu ku fadhiyay sare uga kacay, ka dib markii xidhiidhiyuhu uu magaciisa ku dhawaaqay, sheegay na soojeedinta kowaad in uu lee yahay. Si xarrago leh ayaa uu u soo socday, isaga oo suudh buluug ah iyo tay cagaaran gashan, gacanta midig na ku sita waraaqo waxa ku qoran aan la arki karin. Tan iyo intii uu soo socday ilaa iyo markii uu goob-ka-hadalka tegay, ardada na si toos ah u soo abbaaray, sacab xoog leh ayaa ay ardadu isla helayeen, kuna soo dhawaynayeen. Markii uu codlaliyaha haleelay, cabbaar ayaa uu aamusay oo dhegihiisu jeclaysteen, maqalka dhawaqaas xooggan ee aan kala dhacaynin!

“Waa aad mahadsan tihiin,” ayaa uu yidhi isaga oo dhoolacaddaynaya oo labada gacmood kor u taagaya, isla jeerkaa na is dhaafdhaafinaya, ugu dambaynna gacanta midig soo reebay, oo shanta farood iyo calaacasha hareeraha u dhaqdhaqaajinaya! “Aad iyo aad baa aad u mahadsan tihiin. Run ahaantii ma qiyaasi kartaan sida aan u faraxsan ahay! Waxa aan idin lee yahay: idaylkiin waa aan idin jecel ahay. Ku soo dhawaada sannad cusub, casharro cusub, iyo jawi cusub!”

Soo dhawayntaas ka dib, waxa uu doonay ardada in uu ka qosliyo, si uu dareenkooda iyo maankooda u soo jeediyo, u na hantiyo. “Idinku na waa aad cusub tihiin sow ma aha?! Loo ma baahna ardadii sannadkii hore, ee waxa loo baahan yahay ardada sannadkan! Laftirkaygu macallinkii shalay ma ahi, ee sidii hore waa aan ka duwan ahay—sidaas u la socda!” Ardadu aad baa ay u qoslayeen markii uu barahooda la kaftamayay! Xattaa macallimiinta iyo waalidka qudhooda ayaa qosolkaas wax ku darsaday! Laftirkiisu waa uu ilkacaddaynayay markii uu kaftamayay!

Waa sidii uu doonayay e, kol haddii uu si ruuxi ah madashii u maammulay, waxa uu degdeg u bilaabay soojeedintiisii:

“Mar kale mahadsanidiin. Soojeedintaydu waxa ay ku saabsan tahay qodob aad muhiim u ah. Waa dheefaha akhriska. Maxaa aad ka og tihiin faa’iidooyinka tirabeelka ah ee ku jira akhriska? Yaa weligii wax akhriyay? Waa hubaal faa’iidooyinkaa waa uu hantiyay qofkii akhriska dhaqan ka dhigtay ee manhaj nololeedkiisa ku darsaday.
Ugu horrayntii, ardayeey, amarkii kowaad ee Suubbanaheenna la faray waxa uu ahaa in uu wax akhriyo—taas waxa ay inoo caddaynaysaa sida shareecadeennu u dhiirri gelisay akhriska, maadaama wixii kowaad ee la is amray ay ahayd “Iqra—Akhri,” sida ku cad Suuradda Al-Calaq. Diinteennu waa mid qofka Muslimka u diyaarinaysa in uu noqdo hoggaamiye dunida saamayn iyo xusuus kaga taga. Si taasi hirgal u noqoto qodobbada ugu waaweyn ee hoggaamiyaha laga doonayo waxaa ka mid ah: aqoon. Sidaa daraaddeed, haddii barashada afka (ama afafka) ay tahay furaha cilmiga, waxa darajadaa la wadaaga akhriska—oo labadoodu ba waa waddooyin loo maro kasbashada aqoonta. Sida ka Soomaali ahaan la innagu naanayso “Ummaddii Maansada” ayaa, sida oo kale, Mulimiinta na lagu naanaysaa “Ummaddii Akhriska.” Siyaalaha shay qiimihiisa loo barto waxaa ka mid ah, ugu na cuddoon, shaqooyinkiisa iyo waxtarkiisa in aad barato. Hadda ba, maanta, waxa aynnu wax aad u kooban ka dhihi doonnaa dheefaha akhriska, innaga oo ujeeddadeennu tahay akhrisku waxa uu yahay iyo waxa uu qofka taro in aynnu baranno oo garwaaqsanno. Maadaama wakhtiga aan haysto yar yahay, toban qodob ayaa aan ku koobsanayaa. Waxa aan idin ka codsanayaa in aad dhegihii na, dareemmadii na, iyo maankii na i amaahisaan, oo qodobbada aan soo wado aad u faham iyo garasho dhuuxdaan. Taasi waa iga codsi; waayo waxa aan doonayaa in aan wada soconno oo wakhtiga ka faa’iidaysanno.
“Ka hor qodobbada—akhrisku waa akhrinta erayada qoran, ee macnayaasha iyo ujeeddooyinka leh, isla jeerkaa na codaysan. Hadda ba qeexiddaa aan uga gudbo qodobbadii aynnu u soconnay.  
“Qodobka kowaad, akhrisku waxa uu ka mid yahay, hormuud na u yahay, ilaha kala duwan ee aqoonta laga helo. Waa isha ugu habboon wakhti ahaan, nafsiyad ahaan, iyo marxalad ahaan, ee aad aqoon ku heli karto, kuna xasillin karto. Aqoontaasi waxa ay noqon kartaa mid aad u yeelato Ilaahay (S.W.T.) iyo farriintiisa xaqqa ah; mid aad u yeelato Nabiyaashii uu soo diray, gaar ahaan Nabigeennii Sayyidka ahaa ee Maxamed (N.I.N.K.H.A.); mid aad u yeelato ardadii uu Suubbanaheennu gacantiisa ku tarbiyeeyay (I.R.H.K.W.N.); iyo mid aad u yeelato dedaalladii ay tan iyo qarniyaal badan Culimadii Islaamku samaynayeen (haatanna samaynayaan). Sida oo kale waxa ay noqon kartaa mid aad u yeelato meeraha aad ku dhex nooshahay guudkiisa, gaar ahaan goobta aad kaga sugan tahay. Haddii aad akhriste noqoto waxa aad ahaanaysaa qof wax badan ka yaqaanna laamaha cilmiga—cilmigaas oo ahaan kara mid xagga Eebbe ka yimid, ama mid xagga Aadamaha ka yimid—oo badownnimadu u jirto inta ay samadu iyo dhulku isu jiraan! Barte, waxa aan ku lee yahay: wax akhri si aad aqoon yahan u noqotid.
“Qodobka labaad, akhrisku waxa uu ka mid yahay, hormuud na u yahay, ilaha kala duwan ee waaya’aragnimada laga helo. Adiga oo da’ yar ayaa waxa aad, si fudud, u akhriyaysaa, dhigane uu qoraagii qoray ku soo gudbiyay, waaya’aragnimo uu hantiyay soddon sannadood (ama ka badan) oo uu noolaa. Ma aha wax fudud muddadaas oo dhan waaya’araganimadii uu kasbaday mudanahaas in aad dhowr saacadood oo keliya ku akhrido! Waxaa dhici karta mushkilado aad la noolayd jawaabahoodii in aad si dhib yar u hesho! Waxaa dhici karta, sida oo kale, kuwo waalidkaa ama jaallayaashaa la nool yihiin in aad ka kaalmayso ka bixitaankooda! Waaya’aragnimada, labo siyaalood oo qudha ayaa lagu kasbadaa: in aad gu’yaal badan ifka ku noolaato oo wax badan u soo joogto; iyo in aad jaalle la noqoto dad xog’ogaal ah ama xog’ogaalnimadoodii qoray. Sidaa daraaddeed adiga oo toban jir ah ayaa aad ahaanaysaa ruux kun sanno ama dhowr kun oo sanno jira! Da’daadii ma ay weynaanin; waxaa se weynaaday ogaalkaagii iyo adduun-araggaagii! Barte, waxa aan ku lee yahay: wax akhri si aad waaya’arag u noqotid. 
“Qodobka saddexaad, akhrisku waxa uu ku barayaa sida loo fekero, ee garaadka looga shaqaysiiyo. Waxaa maankaaga soo booqonaya malaayiin aragtiyadood iyo falsafadood; muggii wacaaleed ee ku kaydsanayd mug ka badan ayaa ku kordhaya. Taas ayaa keenaysa in aad wax is weyddiiso. Is weyddiinta ayaa na hooyo u ah fekerka. Mar wal ba oo aad fekerto waa mar wal ba oo maskaxdaadu awood ahaan xoogganaato, caafimaad ahaan wanaagsanaato, dedaal ahaan firfircoonaato, oo shaqo ahaan guulaysato. Fekerka oo bata waxa uu soo dedejiyaa guusha. Waa na halkaa halka ay ku saaxiibeen akhriska iyo guushu. Garaadkaagu waxa uu le’eg yahay inta uu fekerkaagu le’eg yahay. Had ba inta uu fekerkaagu weyn yahay ama yar yahay ayaa uu garaadkaagu weyn yahay ama yar yahay. Barte, waxa aan ku lee yahay: wax akhri si aad mufakkir u noqotid. 
“Qodobka afraad, akhrisku waxa uu ku barayaa erayo, hawraarro, halqabsiyo, maansooyin, iyo odhaahyo kugu cusub, kuwaas oo qaamuuskaaga ku soo biiraya, kaa na dhigaya qof hadalkiisu/qoraalkiisu yahay mid naxwi ah, hodan ah, oo balaaqi ah. Eray wal ba waxa uu cuskan yahay feker. Sidaa aawadeed barashada waxyaalahaas waxa ay kaalin weyn ka qaadanayaan kobcinta aqoonta aad afkaaga hooyo (ama afafka kale ba) u lee dahay, iyo sida oo kale, tayaynta falsafadaysan ee hab fekerkaaga. Eray wal oo aad aan haynin marka aad is barataan, hubaashii, feker kaa maqnaa ayaa aad wada sheekaysanaysaan. Ruux afkiisa (ama afafka kale ee uu barto) heer wanaagsan barashadiisa ka gaadhay ayaa aad noqonaysaa. Barte, waxa aan ku lee yahay: wax akhri si aad af-yaqaan u noqotid. 
“Qodobka shanaad, akhrisku waxa uu kaa caawinayaa barashada sida wax loo qoro, iyo sida qoraalka loo qurxiyo. Marka aad akhriska muddo fiican jaalle la noqotid, aad akhrido dhiganayaal iyo qoraallo kala qormooyin iyo qorayaal ah, maankaaga waxa uu noqonayaa mid xogo badan haya; sidaa darteed waxa uu raadinayaa si xogahaas ay u noqdaan kuwa amni ah oo kuwa kale ee soo socdaa khadka ka saarin, siyaalo uu ku sugo oo jiritaankooda ku xaqiijiyo. Hadda ba wax qoriddu waa awoodda ugu cajiibsan ugu na horumarsan ee maanta macluumaadka dhimasho degdeg ah laga ga badbaadiyo! Malaha, xikmaddaasi, waa ba tii uu ka maansoonayay murtidhaadhigeennii weynaa ee Cabdi Sinimoo (I.H.U.N.), markii uu lahaa: “Wixii la qoraa quruumo hadhee / Muxuu hadal qiimo lee yahay?!” Waxa aad qortay sida ay san u noqonayn wax lumaya, ayaa isla sida oo kale, ay san u noqonayn wax maankaaga ka baxaya! Akhriskaaga badan ayaa sabab u noqonaya in uu qoraalkaagu ahaado mid qaabaysan oo quruxsan; in uu noqdo mid xiisaysan oo xikmadaysan; iyo in uu ahaado mid dhisan oo dhumucsan. Barte, waxa aan ku lee yahay: wax akhri si aad qoraa u noqotid. 
“Qodobka lixaad, akhrisku waxa uu kaa caawinayaa garwaaqsiga hibooyinkaaga. Qof wal ba oo abuuran waxa uu lee yahay awoodo uu Guulle ugu deeqay. Helitaanka hibooyinkaas ma fududa! Waxaa dhacda in la arko qof hibooyin leh oo hadda na tan iyo intii uu noolaa aan soo bandhigin—iyada oo ay sababtu tahay in uu san ogaanin ba in uu hibooyin lahaa! Sow deeqihiisii kuma ay dhex bakhtiyin?! Hadda ba, akhriska, sida la ogaaday, waxa uu ka mid yahay shaybaarrada ugu casrisan ee uu, qof kastaa ba, naftiisa marin karo. Sida mashiinka amniga lagu sugo marka uu bir shaybaarayo u dhawaaqo ayaa, si la mid ah, marka uu hibooyinka qarsoon shaybaarayo u dhawaaqayaa. Sidaa daraaddeed akhrisku waa dhaqdhaqaajiye weyn oo awoodaheenna aadameed ee aynnu hakrannay bannaanka soo dhigaya; sida oo kale na inna la garabjooga farshaxan ku tayayntooda, sumcad ku helkooda, iyo meel ku gaadhiddooda. Barte, waxa aan ku lee yahay: wax akhri si aad hal-abuure u noqotid.  
“Qodobka toddobaad, akhrisku waxa uu sabab u noqdaa ilbaxnimadeenna. Qof na uurka hooyadii ilbax kuma ahayn! Innaga oo taa ka duulayna, waxa aynnu lee nahay: ilbaxnimadu waa dhaqan la yeesho oo la horumariyo. Akhriska badan ee joogtada ah waxa uu kuu shidaa cajallado badan oo mid wal baa wax gaar ah ka faalloonayso. Mid ayaa ku saabsan sooyaalkii aadamaha ee tan iyo abuurkiisii ilaa iyo ilbaxnimadiisii. Mid kale ayaa ku saabsan diimaha iyo dhaqammada badan ee uu kala caqiidaysan yahay ee kala duduwan. Mid kale ayaa ku saabsan goobaha kala geddisan ee uu ku nool yahay. Mid kale ayaa ku saabsan falsafadaha nololeed ee uu ku fooggan yahay . . . Sidaa awgeed adiga oo aan ka bixin bu’da aad adduunyada kaga nooshahay ayaa aad tahay ilbax wax badan ka og, kana fahamsan, xuddumahaas aan ka soo hadlay. Xikmadda tidhaahda, “Qof aan beddelan bar nololeedkiisa waa jiir haan ku weynaaday,” haddii la heli karo wax burinaya ama beenin kara, akhriska mooyaan e, wax kale loo ma hayo! Ilbax yahanka wanaagsan waa ka u warhaya ummadihii dunida soo maray xaaladahoodii, kuwa nool xaaladahooda, isla jeerkaanna labadooda ba isla falgelin kara, oo dunida faa’iidooyin uga soo saari kara! Barte, waxa aan ku lee yahay: wax akhri si aad ilbax u noqotid. 
“Qodobka siddeedaad, akhrisku waxa uu sabab u noqdaa dhowrsoonaanteenna iyo codkarnimadeenna. Akhriska sooyaalka dadka wanaagsan waxa aan ka baran karnaa wanaag aad iyo aad u badan. Taasi waxa ay sabab u noqon kartaa ahaanshaha dad dhowrsan, leh qiyam akhlaaqeed oo sare, ku tilmaansan sifooyinka la mahadiyo ee la majeerto, noqda horseed lagu daydo. Sida oo kale akhriska sheekooyinka iyo guud ahaan qoraallada haasaawuhu ku jiraan, waxa aan ka baran karnaa sida loo sheekeeyo, sheekada na loo maammulo. Haddii horay loo yidhi, “Noqo dhegayste wacan, si aad sheekeeye wacan u noqoto,” waxa ka daba timid murti odhanaysa, “Noqo akhriste wacan, si aad sheekeeye wacan u noqoto.” Barte, waxa aan ku lee yahay: wax akhri si aad wanaagsane u noqotid. 
 “Qodobka sagaalaad, akhrisku waxa uu innaga dhigayaa gorfeeyayaal. Akhris badnidu waxa ay ina siinaysaa awood, xujaj, iyo kalsooni aan isaga daafacno aragtiyada, mabaadiida, iyo falsafadaha lunsan, kuwaas oo toobiyaha san innaga weecinaya, innaga na dhigaya dad habowsan. Sidaa daraaddeed waxa aynnu yeelanaynaa awoodda hufidda iyo kala shaandhaynta xogaha, kuwaas oo aynnu u kala saaraynno kuwo bisil iyo kuwo qaydhiin ah. Keliya maankeenna waxa aynnu u oggolaanaynaa oo ku casuumaynaa wixii nool ee badbaado ah—wixii dhintay ee burbur ah raalli ayaa ay innaga ahaanayaan! Waayo, horumarkeenna iyo socodsiiinta horumarkeenna caqabad weyn ayaa ay ku noqonayaan! Halkaa waa halka akhriska iyo fariidnimadu isku salaamaan, kuna saaxiibaan.  Barte, waxa aan ku lee yahay: wax akhri si aad gorfeeye u noqotid.
“Qodobka tobnaad, ugu na dambeeya qodobbadeenna, akhrisku waxa uu innaga dhigayaa filasoofyo. Filasoofnimada runta ahi waxa ay ka bilaabataa in aad ogaato qaddarka aqoontaada, garashadaada, adduun-araggaaga, mala’awaalkaaga, hindisahaaga, iyo ilbaxnimadaada, dabadeed aad gasho baadhitaan dheer oo xaqiiqo raadin ah, kaas oo wejiyo iyo marxalado badan leh. Sidaa daraaddeed, mar wal oo aad akhrido wax aad aqoon darro kaga sugan tahay, waa mar wal oo aad ogaato heerka ogaalkaaga nafeed. Hoggaamiyihii weynaa ee Cumar Binu Cabdulcasiis (I.R.H.K.N.) xikmadihiisii waxaa ka mid ahaa, “Ilaahay (S.W.T.) ha u naxriisto shakhsi gartay qaddarka naftiisa.” Sokraat, oo bani’aadmigu u qiray in uu ahaa Garaadkii Falaasifadii Hore ee Dunida, xikmadihiisii isna waxaa ka mid ahaa, “Murtida qudha ee dhabta ahi waxa ay tahay qirashada in aad aan wax ba garanaynin!”Barte, waxa aan ku lee yahay: wax akhri si aad filasoof u noqotid. 
“Gebagebadii, waa idinkaa dhegaysanayay dheefihii layaabka lahaa ee uu akhrisku lahaa. Waa idinkaa xaqiiqsaday in ay yihiin faa’iidooyin waaweyn oo qofka aadamiga ahi aannu ka maarmi karin. Iyada oo, wakhtiga aan haystay oo kooban fursaddu ii oggolaan wayday wixii aan ka sheegi lahaa dheefaha akhriska ee farahabadan in aan idin ku jalbeebiyo, hadda na, waxa ay i la tahay in aan idiin kaga sheegay wax door ah oo dareenkii na dhaqaajin kara. Hadalkayga waxa aan ku soo xidhayaa labo xigasho oo xusuusteenna in ay ku soo noqnoqdaan loo baahan yahay. Noloshu waa labo: mid xaqiiq ah iyo mid khayaal ah. Nin Toomas Jeferson la dhaho, isaga oo cabbiraya jacaylka uu u qabo akhriska iyo gaar ahaan akhriska buugaagta waxa uu yidhi, “Ma kari karo in aan noolaado dhiganayaal la’aan!” Naag iya na la dhaho Maargeret Fulla, iyada oo qeexaysay xidhiidhka akhriska iyo xukunka ka dhexeeya waxa ay tidhi, “Akhristaha maanta waa hoggaamiyaha berrito!” Wakhtiga ayaa i haya e, waar sow ma doonaysaan dugsigeennu magaalada caan in uu ka noqdo oo aad hoggaamiyayaal noqotaan? Waar sow ma doonaysaan waxsoosaar aqoonaysan oo hirgal ah in aad yeelataan? Waar sow ma doonaysaan liibaanta adduunyo iyo liibaanta aakhiro in aad heshaan? Waar sow ma doonaysaan noloshiinna in aad macaanaysaan oo rabitaankii na ku noolaataan? Waar sow ma doonaysaan Jannatul Firdowsa in aad gashaan? Waa aan ku faraxsan ahay codka buuxda ee aad “HAA” ku wada tidhaahdeen. Hadda ba, ardayeey, ballanteennu waxa ay tahay in aad wax akhridaan; in aad akhriska dhaqan gelisaan; iyo in aad akhriska joogtaysaan. Sow sidaas ma aha?! Sow sidaas ma aha?! Sow sidaas ma aha?! Kor u qaada “Haa”-da de! Saaka wax ba la ma soo cunin miyaa?! Hadda ba ha la idin ka arko is beddel run ah.  Is beddel dhab ah!“
Inta uu waraaqihiisii isku laalaabay ayaa uu surwaalkiisa jeebkiisa midig geliyay, dabadeed kursigii uu ka soo kacay ku noqday, iyada oo intaas oo dhan ay sacabbinayeen ardadu, jawiga goobtu na noqday mid xamaasaddiisu cirka isku shareertay oo, qofkii joogay mooyaan e, qofkii kale aan looga warrami karin!

Maalinkaasi maalin sooyaali ah ayaa uu ahaa! Maxaa yeelay, waxa uu ahaa maalin si run ah oo qurux badan loo iftiimiyay waxtarka badan ee akhrisku lee yahay. Maalintaa ka hor, maaddadaa si caaqibo leh looga ma hadlin, marka laga tago macallimiin aan laftirkoodu wax ba ka fahamsanayn qiimaha iyo qaayaha akhriska, oo ardada wax aan cilmiyaysnayn la hor iman jiray, kuna caajisin jiray! Bal se soojeedintaasi, waxa ay noqotay mid wax-ku-ool ah, oo si weyn wax uga beddeshay dhaqankii dugsiga iyo ardadiisa laga bartay. Ardadii waxa ay noqdeen kuwo jacayl weyn u qaaday akhriska! Waxa ay na bilaabeen in ay wax akhriyaan. Waxa uu, bare Cabdullaahi, ka codsaday maamulka dugsiga maktabad ardada in loo sameeyo, maaddooyinka loo dhigo qaab dhigistooda in wax laga beddelo oo ardada laga qayb geliyo fahamka casharrada iyo faallo ka celintooda, oo toddobaad wal ba imtixaan laga ga qaado wixii la baray. Si hagaagsan ayaa looga aqbalay codsiyadaas. Hal sanno ka dib, Dugiga Qorraxey waxa uu noqday dugsiga kaalinta kowaad kaga jira magaalada dhanka tayada waxbarashada iyo dhanka tayada ardada. Labo sanno ka dib na waxa uu ka mid noqday dugsiyada ugu waxbarasho iyo arday wanaagsan ee guud ahaan dalka. Waxa uu faracyo badan ka samaystay magaalooyinka waaweyn ee waddanka. Goob wal ba waa mid cammiran oo hadda na la sii cammirayo! Haatanna waxa uu u geyllamayaa guud ahaan Geeska Afrika in uu ka tilmaannaado! Macallin Cabdullaahi guulahaas waaweyn oo dhan waxa uu ku helay abaalmarinno badan oo qaali ah oo uu aad iyo aad ugu farxay! Waxaa na uu noqday shakhsiyad saamayn badan leh—iyo shakhsiyad goobaha tacliinta aad looga qaddariyo, oo bulshadu wadartooda iyo waaxidkooda ba samaan iyo sarrayn badan u hayaan!





















W.Q.: Maxamed Cabdirisaaq Saciid “Samiik”
Qoraa iyo aqoon baadhe Soomaaliyeed
Boosaaso, Buntilaan, Soomaaliya
Carte, Mey 11, 2016



Saturday, May 7, 2016

Gabay: “Toogasho” — W/C: Cabdishakuur Qorane Cali “Af-Magaaxshe”

Feebarweri 23, 2012 waxa dalka Ingiriiska lagu qabtay shir heerkiisu sarreeyay, kaas oo ay ka soo qayb galeen tiro dalal ah oo konton ka badan iyo ururro caalami ah, isla jeerkaa na laga ga hadlayay arrimaha Soomaaliya. Warmurtiyeedkii shirkaas ka soo baxay waxaa ka mid ahaa, qodob sheegayay Soomaaliya iyo Soomaalilaan wadahadallo siyaasadeed oo Beesha Caalamku taageerayso in ay isugu yimaaddaan, si ay isu la qeexaan mustaqbalkooda. Iyada oo qodobkaa laga duulayo ayaa, labada dhinac ba, tiro dhowr jeer ahi waddamo kala duduwan isugu yimaaddeen, iyaga oo wada doodaya, oo mid wal baa aragtidiisa difaacanayo. Haddii shirarkaas badan natiijo uun ka soo baxeen, hubaashii, natiijooyinka ka soo baxay waa wakhti lumis, dhaqaale burburin, iyo baabb’inta rejada malaayiin Soomaali ahi ka qabto mar kale isirkoodu in uu midoobo oo dawladnimo adag yagleelo. Soomaali badan ayaa cadho iyo caloolyow ka muujisay shirarkaa bilaa natiijada ah—ama natiijo in ay ka soo baxaan aan loogu ba talo gelin!

Dareenkaa siyaasiga ah ee jira siyaalo kala geddisan ayaa ay muwaaddiintu u cabbireen. Mid qoraal ku cabbira, mid maanso ku cabbira, iyo mid hadal caadi ah ku cabbira ba. Hadda ba, tixdan “Toogasho” waxa ay ka mid tahay, suugaanta siyaasiga ah ee waaqican, ee si toos ah u abbaaraysa mas’alo ka mid ah mas’alooyinka waaweyn ee waxkadhihidda iyo waxhufidda u baahan. Hal-abuuraha gabaygan lihi, waxa uu ku soo gudbinayaa aragtidiisa iyo dareenkiisa ku waajahan arrintaa aynnu kor uga soo faalloonay, ee guud ahaan isirka Soomaaliyeeed, wada saluugsan yahay. Saluuggaasi na waxa uu figta ugu sarraysa gaadhay markii, Maarso 03, 2015, shirarkii muddada soo socday ba is afgaranwaa ku dhammaadeen, oo labadii jiho mid ba midka kale ku eedeeyay, qabsoomi la’aanta shirka (Shirkii Turkiga ee shirarka ugu dambeeyay) in ay sabab u ahaayeen! Bilo ka dib dhacdadaa, Luulyo 20, 2015, ayaa ay tixdani soo baxday.

Cabdishakuur Afmagaaxshe waxa uu, aad iyo aad, uga xun yahay dhowr qodob oo isaga uu u arko, in ay khaldan yihiin. Waa ta kowaad e, waxa uu diiddan yahay, iyada oo laga hadlayo masiirka qowmiyadda Soomaaliyeed, in dalal shisheeye lagu shiro. Taa beddelkeeda ayaa uu jeclaan lahaa—labada magaalo (Muqdisho iyo Hargeysa) mid uun in lagu shiro. Waa ta labaad e, waxa uu dhaliilsan yahay dawladda Soomaaliya, isaga oo ku dhaliilaya falalka iyo odhaahyada ay samaynayso, ee Soomaalilaan oo awel wax tirsanaysay sii fogayn kara, arrintana ka dhigi kara mid iyada oo xal leh xal loo waayo. Taa rogaalkeeda ayaa uu jeclaan lahaa—Soomaalilaan wixii wanaag ah oo ay qabsatay in loo qiro, horumarka ay samaysay wixii lagu darsan karo lagu darsado, tabashooyinka ay qabta na si Islaameed iyo Soomaaliyeed looga wada hadlo, iyada oo la is jecel yahay oo aan la is dulminayn. Waa ta saddexaad e, waxa uu sugayaa in Soomaalilaan qudheedhu sababihii ay Soomaaliya, siyaasad ahaan, uga soo guurtay in ay san ka badbaadin, oo cudurradii shalay Soomaaliya ku dhacay ay maanta Soomaalilaanna ku dhaceen. Taas caksigeeda ayaa uu jeclaan lahaa—helitaanka Soomaalilaan oo ka caafimaad qabta cudurradii shalay Soomaaliya necbaysiiyay. Waa ta afraad e, waxa uu aad uga xun yahay halaagga reerka Soomaaliyeed ku habsaday, ee qolo ba edeg calaamadsatay, iyo sida aan loo qaddarinayn shalay wixii la ahaa, isla markaanna tagtada laga baranayn casharro iyo cibarro wax-ku-ool ah. Taas lidkeeda ayaa uu jeclaan lahaa—Soomaalidu in ay tashato, midowdo, tiihan ay ku jirto ka baxdo, oo qarannimo xooggan sidii shalay samaysato. Waa gabay waxsheeg iyo hogatusaalayn ku ujeeddaysan oo layaabbooyin badan soo gudbinaya. Waa gabay miisaan ahaan iyo murti ahaan ba heer sarreeya.

Waa kan gabaygii oo codaysan iyo meerisyadii oo qoran:



______________________________________________________________________________________________________________








v   Wadataabadkaygani ka weyn tuhunka maangaabe
v   Waa gabay turxaan bixin ahoo idin tusaalayne
v   Tuduc weli ba meel kore ayuu toogan keligiiye
v   Taabud gabay ninkii aan ahayn garasho toolmoon leh
v   Wuu ku tebin garaadkiyo aqligu tixaha qaarkoode
v   Yeyn kula taraarine la soco waan tallaabsadaye!

v   Tagsi iyo haddaad tooxsi iyo tamanni doonayso
v   Nin weli ba tusmada uu dhigtuu tacab ku gaadhaaye
v   Tagrifalidda waa laga jiraa togoshadaadiiye
v   Hanka ruux tamiis lihi hadduu taabbo geli waayo
v   Halka ay ka talan-taaliduu dib u tixraacaaye
v   Tallan iyo dedaal bayska dhala nolosha toolmoone
v   Tarbiyada naftaadaa u weyn guul la tiigsado e!

v   Ruux hadduu tallaabsado Alle na saarto taladiisa
v   Si un buu utaabaa wixii uu shintiriyaaye
v   Bishan toomanaysiyo gugaa toddobku hooraayo
v   Tahankiyo ujeeddada nin lihi kala takooraayo
v   Tacabbirka humaagow wallee tooyashada laasheey!

v   Anigoonan taabicin kolla ba kala tafniidkeeda
v   Oo wadar ku taamiyo in ay dib isu toomayso
v   Oo jecel tabtii ay ahayd toban in ay dhaafto
v   Sida loo tadaawilahayaa taranta beenayne!

v   Walaalkaa hadduu kaa tirsaday tacaddi loo geystay
v   Tegi maysidee joogtan iyo amar ku taaglayntu
v   Wada jirkan tasoobay illeen sii tagoog jabine
v   Dhulkeedey ku toosnayd haddii lays turxaan bixine
v   Maxaa talada Soomaliyeed Turkiga loo geeyay?!

v   Haddii uu iskii ruux tashado ama is taamyeelo
v   Taageero kaa mudan in aad badhi tunkaartaaye
v   Su'aal taalla weeye intaad dib u tajriibayso
v   Tagoogaha miyaa laga jabshaa tukubid liiciisa?!

v   Citiraafka anigaa tirtiray kuu na tabar sheegtay
v   Tirtirsiinyo un bay u tahay ruuxii tawsqaba e
v   Halkay shalay ka talantaalidaad tafaha haysaane
v   Odhaahdaada taban mooganey togani baw roone
v   Tantoomada ka daa meel bugtaad toorri sii geline!

v   Dhanka kale tixraacaye haddaan idin tusaaleeyo
v   Qof hadduu caddaaladda tuhmoo tu uga soo guuray
v   Ase tiisii uu ula tagoo tababbarkii raaco
v   Oo warankii lugu taagay uu qoom ku tarar gooyo
v   Oo ha taahin uu dhaho iya na tacajjab soo ma aha?!

v   Sarbeeb tebinahaygii haddaan talaxtag miisaamo
v   Loox iyo tawaad iyo argeed midi ba tuur fuulay
v   Kii loo tusmeeyiyo macallin kala talaal goostay
v   Ardaynimadaa teelteeshay ee turun-turroonaysa
v   Sida ay u kala tuuran tahay lagu tacliin waaye
v   Fahmo taam ah tiirarkaa shanta ah kor u ma taagaane!

v   Dhalashadan tolkeed lagu diree cadawga tuugaysa
v   Walaalahan is turuq gooynayee laysu todhinaayo
v   Jahooyinkan la kala tiirsadee nini ba teed sheegtay
v   Waa sida tumaal aan isagu tolan kabtiisiiye
v   Tuke iyo wallee kuray yaraw dhagax u toog hayse!

v   Tax-taxaashka beenta ah naftii looga turi waayo
v   Ee hadda na tawaawaca u nugul waa tabtaan nahaye
v   Halkaad tiigsanaysee fog iyo talo xumaantaada
v   Ficil lagu tarraxo baa riyada lagu tis qaadshaaye
v   Garashadan tasawdaay wallee baaqay tacabkaagu!

v   Soomaalidu tareen jabay ayay wada dul taalaaye
v   Dhaayuhu waxay togan hadday eegmo tebin waydo
v   Toore iyo dariiq baa jiriyo tubo la qaadaaye
v   Taar-taar ba waa buu ahaa dawlad tiir adage
v   Taariikhda duruus uugu filan kii tilmaansada e
v   Kuwaan tegin hadda na jooginee taagan baw darane!

v   Sida loogu tafo xayto bay tabar u dhiiqdaaye
v   Sooyaalkan tuludaystay een laga tallaabaynin
v   Waa waxa taftaafee nolosha tawsahaa badaye

Tiiraanyo un ku nooleey wallee talo adduun seegtey!!!





______________________________________________________________________________________________________________




























W/Q: Maxamed Cabdirisaaq Saciid “Samiik”
Qoraa iyo aqoon baadhe Soomaaliyeed
Boosaaso, Buntilaan, Soomaaliya
Agaali, Mey 7, 2016