Garoowe waxa
lagu saxeexay, shalaytoole, heshiis dhexmaray Buntilaan iyo dawladda
federaalka. Heshiiskaa sidii aan u arkay ayaa aan si cad halkan kaga faalloon
doonaa. Maadaama arrintu siyaasad u laabanayso, si siyaasadaysan ayaa aan u
hadli doonaa. Waxaa na isku dayi doonaa hadal uruursan oo macnaysan in aan idin
la wadaago.
Ugu horrayntii, qoraal magacbixintiisu ahayd "Aragtidayda Go'aankii Madasha" waxa aan ku caddeeyay taageerada aan u hayo hannaanka 4.5. Labo sababood ba maanta, nidaamkaas, laga ma gudbi karo. Waa ta hore e, ma jiro hannaan diyaar ah oo heshiis lagu yahay in uu beddelo hannaankaas, isla jeerkaa na xal iyo xaq ah. Waa ta labaad e, maamullada siyaasadeed ee dalka ka jira marka laga reebo Buntilaan, dawladda federaalka iyo Beesha Caalamku waxa ay ku heshiiyeen mar labaad in la soo celiyo, oo doorashada 2016 lagu galo. Cidda keliya ee qaadacday waxa ay ahayd Buntilaan. Sida ku cad qormadaas, waxa aan soojeediyay feker siyaasadeed ahaa labada hannaanba—hannaanka 4.5 iyo hannaanka degaanka—in la wada qaato; iyo in Buntilaan iyo beelaha kale ee diiddan wadahadal la la furo, la na qanciyo, Aragtidii ka soo baxday Madasha Wadatashiga Qaran, markii ay taariikhdu ahayd Jeenaweri 27 ee sannadkan, waxa ay waafaqsanayd aragtidayda siyaasiga ah ee jihaynta siyaasadda doorashada ee 2016.
Iyada oo
dawladda federaalku ay ka duulayso talooyinkii faraha badnaa ee loo soo
jeediyay, waxa ay socdaal rasmi ah ku timid Garoowe, si ay Buntilaan ugu
qanciso in ay aqbasho codka badan, ee ay san Soomaaliyadii ay danteeda hooyada
u ahayd meel cidlo ah uga ga dhaqaaqin. Maalmihii ugu dambeeyay oo Garoowe
wadahadal xasaasi ah ka socday, waxa shalay lagu gaadhay heshiish lagu sheegay,
in uu yahay, “heshiis taariikhi” ah. Hadda ba, waxa aynnu isku
dayaynaa heshiiskaas aragti guud in aan ka bixinno, oddoros siyaasadeed in
aynnu samaynno iyo in aynnu ogaanno, Buntilaan shalay iyo maanta ka ay
saxsanayd.
Ka hor inta
aynnu faallada u gelin labo arrimood aynnu isla fahamno. Ta kowaad, Buntilaan
hannaanka ay aqbashay waxa ay ku diiddaysay arrin ay ku xabeebsatay oo ahayd: in uu caddalaad
ahayn oo wakhtigan ku habboonayn. Ta labaad Buntilaan arrinta
qudha ee ay ku aqbali karaysay waxa ay ahayd: in uu caddaalad
noqdo oo wakhtigan ku habboonaado. Buntilaan, waxa ay dedaal
siyaasadeed iyo dhaqaaleed u gashay sidii nidaamkaas looga takhallusi lahaa. Waxa
ay abaabushay qabiilladeeda oo ay in badan ka dhaadhicisay xaaraantinnimada
aqbalka hannaanka 4.5, iyo qabiillo kale oo Soomaaliyeed. Waxa ay ballan adag
kaga qaaday dadkeeda mar na ba in ay san ka filan in ay u hoggaansamaan
go’aankii Madasha Wadatashiga Qaran ka soo baxay. Hadda ba, waxa aan heshiiska
ka faa’iidaysanaynaa qodobbadan soo socda:
1)
Ugu horrayn, dawlad goboleedka
Buntilaan waxa ay khayaamaysay oo dambi weyn ka gashay shacabkeeda. Wixii ay
ugu dhaaratay ee malaayiinka jeer ugu soo celcelisay ayaa ay saacado kooban ku
beenisay! Iyada oo aan talada ku soo celin waxgaradkii markii hore laga tala
geliyay arrinka, isla jeerkaa na macnayn siyaasadeed oo la aqbali saro samaynin,
ayaa ay siyaasiyiintu keligood wax lagu sheegay “heshiis taariikhi” ah (bal se
“heshiis shirqool” ah) gashay!
2)
Dhammaan qodobbadii lagu
heshiiyay, markii aan si wanaagsan u akhriyay, dhan wal ba ka dhugtay, waxa aan
ka dhex fahmay arrimahan:
v Qodobbada inta ugu badan ma aha qodobbo cusub ama qodobbo guul
weyn Buntilaan u ah. Waa kuwo ku jiray heshiisyadii hore ee la wada galay, ee
fashilka ku dhammaaday. Kuwo khuseeya jihaynta doorashada 2016 oo Buntilaan aan
gooni u ahayn, ee ay dawlad gobolleedyada kale kala siman tahay. Kuwo
calaamadinaya hab doorashada iyo farsamada doorashada. Iyo kuwo ‘ammuuro
xuquuqi’ ah oo dastuurka Soomaaliya iyo dastuurkeedu ba siinayo ka dhigtay
guulo waaweyn oo ay dawladda federaalka ka faramaroojisay!
v Qodobbada heshiiska ku jira waa kuwo aan faa’iido u lahayn
maamulka, ama se aan fuli karin sharci ahaan iyo siyaasad ahaan labada ba.
Beelihii ku bahoobay Buntilaan 1998dii maanta kuma wada dhamma maamulka. Sidaa
awgeed, Buntilaan in awood loo siiyo in ay xubnayaasha beelahaa kaga qayb
galaya labada aqal iyadu soo ansaxiso, oo uu madaxweyne Gaas yeesho saxeexa ugu
dambeeya, waa qodobka la dhihi karo waa guusha Buntilaan marka arrinta dhan
laga eego; dhan kale na marka laga eego waa qodob la dhihi karo waxa uu khilaaf
siyaasadeed iyo dhaqaneed ka dhex bilaabayaa isla degelka gudihiisa, kaas, oo
runtii, lagu tilmaami karo guul darro loo badheedhay. Si xaqiiqi ah oo waaqici
ah haddii loo hadlo, Buntilaan, haddii ay jirto waxa ay federaalka kaga
beddelatay hannaanka 4.5, waa in ay u xoog sheegato beelo ay aaminsan tahay in
ay u xoog sheegan karto. Bal se, waxa mar wal ba hubaal ah, cid la khasbi karo
maanta in ay san jirin; hannaanka qabiilaysigu na xorriyad buuxda ayaa uu siinayaa
qabiil wal ba dantiisa iyo qorshihiisa.
v Heshiisyadii hore ee ay wada galeen Buntilaan iyo dawladda
federaalku dhammaantood waa ay fashilmeen. Xattaa heshiiskii lagu go’aamiyay
4.5 in aannu soo laaban 2016-ka, oo Beesha Caalamku damaanad ka ahayd, isla
iyada ayaa soo celisay, oo haatan in la dhaqan geliyo maal iyo muruq u
adeegsanaysa. Sidaa awgeed, 4.5 in aannu soo noqon 2020-ka, waxa ay ka mid
ahayd heshiisyadii Madasha Wadatashiga; in uu soo noqon doono iyo in kale na ma
aha wax si weyn loo hubo oo lagu doodi karo. Ha se ahaato e, iyada oo
heshiisyadii hore ee Beesha Caalamku damaanad qaaday sidoodii u wada fulin—ama wada
fashilmeen—, sidee ayaa uu heshiis ay IGAD damaanad qaaday u fuli karaa?! Maxaa
tallaabo ah oo ay IGAD ka qaadi kartaa haddii xukumadda Fiilla Soomaaliya oo
ballan-burin dhaqankeeda ugu weyn yahay ay heshiiskaa jabiso? Ka hor dhicii
heshiiska ee mudane Xasan (oo weli ba qodobbada muhiimka ah astaan weyddiineed
geliyay!) sow daliil weyn u ma aha in aan la isku hallayn karin Xasan iyo
dawladdiisa?! Midda kale, heshiisyadii IGAD ee ay hore damaanad uga ahayd, sida
kii Jubbalaan iyo dawladda federaalka, sidii uu u dhignaa miyaa loo fuliyay?!
3)
Labadaa qodob innaga oo ka
duulayna, Buntilaan waxa ay ku sheegtay heshiis, marka hore heshiis ma aha.
Marka labaad na waxa ay ku sheegtay “heshiish taariikhi” ah ma aha sidaas, ee
waa “heshiis shirqool” ah. Marka saddexaad na, waxa is afgaradkaasi xoojinayaa
tuhun jiray oo ahaa, in uu Gaas qayb ka ahaa soo celinta nidaamka 4.5, isla
markaa na oggolaa maamulkiisu, ee keliya shacabka Buntilaan ee aan wax ba ogayn
loo jilayay riwaayad siyaasadeed danaysan. Marka afraad na is afgaradkaasi ma
aha mid si dhab ah u dhaqan geli kara, ama loo fulin karo—ee xaqiiqdii waa mid
uun danta laga lee yahay tahay, in dadweynaha Soomaaliyeed lagu akhriyo war
sheegaya, in Buntilaan la qanciyay, tahay na awood aan la jiidhi karin oo aad u
xoog badan!
Gebagebadii,
labo arrimood waa ay inoo cad yihiin. Ta kowaad, “Afow yeelkaa, uurow Allaa ku
og,” ayaa ay Soomaalidu ku maahmaahdaa e, Buntilaan mar hore ayaa ay qaadatay
hannaanka qabiilaysiga, ee ol’olihii weynaa keliya waxa uu ahaa awood lagu
jahwareerinayay garashada dadka Buntilaan, isla markaanna gobannimadooda lagu
addoonsanayay! Ta labaad, “Allow nimaan wax ogayn ha cadaabin,” ayaa ay
Soomaalidu ku maahmaahdaa e, shacabka Buntilaan haddii ay ku baraarugeen maanta
(oo si dhab ah u fahmeen shirqoolka madaxweynahoodu u maleegay), tolow sidee
iyo habkee ayaa ay kaga falcelin doonaan mu’aamarada Garoowe lagu hindisay?! Shacabkii,
maalmaha badan quluubtooda loo dhaadhacay ee xog wasakhaysan laga ga shubay, ee
“No 4.5” halkudhegga looga dhigay, tolow sidee maanta looga dhaadhicin karaa
halkudheggan cusub, “Yes 4.5”?! Waxgaradkii, maalmaha badan la wacyi gelinayay,
waxa loo diiday hannaanka 4.5 loo kala dhigdhigayay, ee maanta, aan laga tala
gelin go’aanka la qaatay, loo na kala dhigdhigin waxa lagu qaatay, tolow sidee fekraddooda
loo beddeli karaa, oo maankooda loo wareejin karaa?! Buntilaan shalay iyo
maanta kee baa ay saxan tahay?! Kee baa ay wanaag doonaysay? Haddii ay shalay
lahayd 4.5 kuma jirto Maslaxadda Soomaaliyeed, sidee baa ay ku ogaatay maanta
in ay ku jirto Maslaxadda Soomaaliyeed?! Oo shalay maxaa ay sidaa ugu arki
wayday?! Axmed Madoobe iyo Cabdiweli Gaas waxa ay isu jiraan inta ay samada iyo
dhulku isu jiraan! Ninna dadkiisa run ayaa uu u sheegay; ninna dadkiisa been
ayaa uu u sheegay! Eebbow hal mar Haa iyo Maya ha naga wada yeedhsiin!
Aan faaqidaadayda
ku soo xidho, “Barasho horteed ha i nicin,” ayaa ay Soomaalidu ku maahmaahdaa e, shacabka Buntilaan waa uu
bartay madaxweyne Gaas dhaqankiisa labo wajiilnimada ah. In ay nacaan iyo in
kale waa weyddiin hor taalla oo halxidhaale ku ah!
W/Q: Maxamed Cabdirisaaq Saciid “Samiik”
Qoraa iyo aqoon baadhe Soomaaliyeed
Boosaaso, Buntilaan, Soomaaliya
Lamme, Abriil 4, 2016
Haddii aad akhriday mudane/marwo, waa aan jeclaan lahaa aragtidaada in aad i la wadaagto oo faalladaada halkan ku hoos qortid. Mahadsanid.
ReplyDelete