Soomaalidii hore, ogaal badan ayaa ay u lahaayeen qabiil iyo qabyaalad waxa ay kala yihiin, mar na ba isku ma aan ay khaldi jirin. Mas’aladan oo qudh ah ma ahan e, tobannaan la mid ah oo dadka maanta nooli ay madaxa isu geliyaan, ayaa ay iyagu kala saari jireen, oo mid wal ba godkeeda gelin jireen. Jeerkii aan baadhay ilaha suuragalka ah ee ay ka imanayaan jahwareerka xad’dhaafka ah ee ku jira bulshadeen na, waxa aan ogaaday ku na qancay, labadan meelood in ay yihiin: burburkii iyo baabba’ii aadka u baaxadda weynaa ee ku dhacay isirka Soomaaliyeed, dhan kasta na kaga dhacay; iyo, ujeeddooyinkii badnaa ee gurracnaa ee la gashaday diinta, dhaqanka, iyo waxbarashada. Soomaali fasahaadka haysta maanta, oo ay ka mid tahay, miisaannadii wax lagu hubin jiray, iyo halbeegyadii wax lagu qiyaasi jiray, in ay ka hallaabeen, labadaa ceel ayaa ay ku arooraan, hubaashii. Furintan weeye furinta ay ka dhalatay, fikradda xun ee ku dhisan fahamxumada diineed iyo fasiraadxumada waaqiceed, ee qabiil iyo qabyaalad isku tolaysa, ku murmaysa qabiilku in uu yahay abuuraha iyo hooyada qabyaaladda, ku na xabeebsanaysa xabbadda ugu midhabixin roon ee lagu dili karo qabyaaladda in ay tahay ta lagu dili karo qabiilka . .!! Qormadaydani, waxa ay ku ujeeddaysan tahay, si caddaan ah in ay u kala qeexdo labadaa ummuurood, ka na bixiso garasho wanaagsan oo cid kastaa ba ay ka garaabi karto.
Qabiilku, qeexitaan ahaan, waa koox reero ah oo ku midoobay oday la yaqaanno (ama la aaminsan yahay) oo laga soo tafiirmay, oo dunta ugu weyn ee isku xidhaa isku na haysaa ay tahay abtirsiinyo, wadaaga dhalasho, dhul, dhaqan, af, iyo sooyaal, leh na nidaam nololeed oo dhan oo leh qaybihiisa bulsho, dhaqaale, siyaasad, garsoor, iyo hoggaan, oo si joogto ah u la jaanqaada isbeddellada nolosha iyo degaanka. Kolka la eego sida uu u dhisan yahay, oo ah qaab-dhismeed leh bilow iyo dhammaad, waxaa lagu suurayn karaa dugsi dhan oo leh hoygiisa, ardadiisa, xeerarkiisa, manhajkiisa, maammulkiisa, barayaashiisa, iyo waalidkiisa. Ama, dawlad dhan oo leh dalkeeda, dadkeeda, dastuurkeeda, golayaasheeda, iyo astaanteeda. Buuniyaasha qaar ka mid ahi, waxa ay ku doodaan, qabiilku in uu yahay dawlad yar oo kale—oo halka dawladdu ay midayso bulsho badan oo kala qabiillo ah, ku na midayso danguud oo ay wada ilaashadaan, ayaa qabiilku na mideeyaa reero badan oo kala jilibbo ah, ku na mideeyaa duq’guud oo ay wada ilaashadaan. Sidaa darteed, baa ay dhahaan, qabiilku, waa caymis buuxa oo si hubaal ah u badbaadinaya dadka uu mideeyo nafahooda, sharaftooda, maalkooda, tarankooda, iyo fikirkooda—waa na ilaaliyaha ugu weyn ugu na dambeeya ee difaacaya jiritaankooda iyo qiimigooda.
Muslimiin ahaan, si kalsooni ah, waxa aan u rumaysan nahay, Eebbe Weyne in aannu abuurin shay, haddii se uu abuuro shay in ay jirto xikmad ka dambaysa abuurta shaygaa, taa oo suuragal ah labada ba in aan fahamno iyo in aan fahmi waynno. Waxa aynnu og nahay, oo Qur’aanka ku haynnaa, aadame kasta ba in uu ka soo jeedo oo ku abtirsado shacab iyo qabiil . . maxaa ay tahay, hadda ba, murtida ka dambaysa abuurka shacab iyo qabiil? Taa innaga oo ka warcelinteeda gelin wakhti, fikir, iyo dedaal badan, oo aan kaga iman hilimmo kala duwan oo aan ku eegin muraayado kala geddisan, waxaa ba noo hawl fududeeyay oo jawaabta si buuxda oo banyaal ah noo siiyay isla Allihii labadaa jiritaan abuuray. Aayadda 13aad, ee Suuradda 49aad ee Qur’aanka, waxa uu Eebbe ku yidhi: «Waar dadoow . . waxa aan idin ka abuurnay lab iyo dheddig, waxa aan na idin ka dhignay shacabbo iyo qabiillo si aad isugu ‘aqoonsataan’—dhab ahaantii, Alle agtiisa kii na idin ku karaamo badan waa kii na idin ku Allayaqaansan . . dhab ahaantii, Alle na, waa Alle ogaalbadane ah oo ogaalbadnidiisa xeeldheere ku ah.» Labo maaddo, ayaa innaga oo isku koobayna mawduuceen na, aayaddaa weyn ka faa’iidaysan karnaa.
Maaddada kowaad: Labadaa jiritaan waa jiritaanno ka yimid xagga Alle, oo Ilaahi ah, ku na macnaysan xikmad Ilaahi ah. Xikmaddaasi qudh ah waxa ay tahay, maadaama uu si cad u ogaa aadamuhu in uu tarmi doono, gaadhi na doono balaayiin, si uu isku garto oo dabadeed isku xidhiidhiyo, isugu na xidhmo oo u samaysto xeerar kala xakameeya mis na bud’dhig u noqda horumarka iyo guusha noloshooda, lagamamaarmaan in ay tahay in loo sameeyo summado tixraacyadaa oo dhan fududeeya. Hubaashii, taasi, waa murti weyn oo bani’aadamku na uu dheegay. Tusaale haddii aan u keenno dheegashada insaanka, waxaa aynnu og nahay, reer miyigeennu xoolahooda in ay summadiyaan, oo xattaa sabankan lagu jiro oo ah “Sabankii Caalamiyaynta,” farsamadii in ay beddeleen qaarkood oo xoolahooda ku dulqoraan telefoonnadooda. Caynka oo kale, waxa aynnu og nahay, reer magaalkeennu wax wal ba in ay u sameeyeen baadisooc, oo tusaale ahaan, dugsi wal ba uu lee yahay lebbis gaar u ah, jaamacad wal ba ay lee dahay astaan gaar u ah, oo guri wal ba uu lee yahay tiro gaar u ah. Waxaa oo dhan, wax kale loo ma samayn, aan ahayn oo keli ah “tilmaan aqoonsi.” Ilaahay na, shacabka iyo qabiilka wax kale u ma samayn, aan ahayn oo keli ah “tilmaan aqoonsi.” Isaga ayaa na iska leh tusaalaha sare. Halkaa, ayaa ay na ku jirtaa ujeeddada iyo garashada saxda ah ee ay tahay in la qaato, dabadeed na ay tahay in la dhaqangeliyo.
Shakhsi kasta oo innaga mid ahi waxa uu lee yahay, run ahaantii, jiritaanno afar ah. Mid kasta ba waxa uu ku ujeeddaysan yahay nooc gaar ah. Waxa uu na lee yahay nuxur gaar ah. Naftayda aan u qaato tusaale. Kow, waxa aan ahay bani’aadam. In aan aan ahayn geel, ama buur, ama jin, ee aan ahay bani’aadam, waa sifo macnaynaysa “nooca abuurkayga.” Labo, waxa aan ahay Muslim. In aan aan ahayn Kiristaan, ama Yuhuudi, ama Majuusi, ee aan ahay Muslim, waa sifo macnaynaysa “nooca caqiidadayda.” Saddex, waxa aan ahay Soomaali. In aan aan ahayn Huutuu, ama Tigree, ama Carab, ee aan ahay Soomaali, waa sifo macnaynaysa “nooca shacabkayga.” Afar, waxa aan ahay Jaamac Siyaad. In aan aan ahayn Cumar Maxamuud, ama Muuse Carre, ama Maxamed Muuse, ee aan ahay Jaamac Siyaad, waa sifo macnaynaysa “nooca qabiilkayga.” Adigu na, tabtaa oo kale ayaa aad tahay—oo jiritaannadaa afarta ah ayaa aad lee dahay. Jiritaannadaa aan soo qodobbaynnay, hadda ba, waxa ay noo sheegayaan oo qudh ah wax ku saabsan ahaanshahayaga, bal se noo ma sheegayaan wax ku saabsan lahaanshahayaga. Tabta oo kale, murtida qudh ah ee loo sameeyay ee ay u abuuran yihiin na, waa sawrac uun.. Waa garashadaa bes.
Maaddada labaad: Jiritaannadaasi waxa ay lee yihiin aqoonsi iyo qiime guud, ee ma laha xukun iyo qiime gaar ah. Taasi waxa ay macnaheedu tahay, qofku wixii uu Eebbe u gartay ee uu u dooray, ee aan laga la tashan isla jeerkaa na aannu diiddi karin, in aan ay u samaynaynin macne qofeed, u na keenaynin sharaf qofeed. Bal se, taa rogaalkeeda, qofka waxa macnaynaya ee siinaya karaamada ay tahay waxa uu rumeeyo, ee dabadeed na uu dhaqangeliyo. Ruuxii wax wanaagsan aamina, kolkaa na fala, run ahaantii, waxa uu la yimid shaqo uu ku ammaanan yahay, oo qurxisay qofnimadiisa, kobcisay na karaamadiisa. Ruuxa kale na waa sida kale. Sidaa aawadeed, ayaa uu Eebbe Weyne noo sheegay, noo na caddeeyay, arrintan muhiimka ah, isaga oo nagu la hadlay carrabka Nabigiisii Udgoonaa: «Ilaahay (S.W.T.) ma eegayo [ma xukumayo] muuqaalkiina iyo maalkiina, laakiin waxa uu eegayaa [uu xukumayaa] wadnihiina iyo waxqabadkiina (Bukhaari iyo Muslim ayaa soo saaray xadiiskan, waxaa na laga wariyay Abuu Hurayra).» Sirtu waxa ay ku jirtaa halkaa. Boqorka Weyn macne la ma leh in aad tahay Soomaali ama in aad tahay Oromo, ama in aad tahay Daarood ama in aad tahay Madhibaan; maxaa wacay, inta ba isaga ayaa kaa dhigay—midkood na Jannada iyo raalli-ahaanshaha Eebbe ku heli maysid. Ee waxa aad jannada iyo raalli-ahaanshaha Eebbe ku helaysaa adigu waxa aad iska dhigto—darajada aad ka gaadho iimaanka iyo kalsoonida Alle, iyo shaqooyinka suubban ee aad kala timaaddo qalbiga, afka, iyo addimada.
Iskudarka labadaa maaddo, waxa aan soo ogaannay, qabiilka iyo shacabku in aan ay ahayn wax ka yimid caqliga aadamaha, ama abuurka dabeecadda, ee ay yihiin wax ka yimid doonista Alle, oo leh xikmad qeexan oo aadamaha laftirkiisu uu ka faa’iidaystay. Kol haddii uu Alle sameeyay, waxa aan qiraynnaa in ay yihiin wax wanaagsan, maadaama Alle uu yahay Alle wanaagsan, jecel yahay na wanaagga. Sida oo kale, waxa aan soo ogaannay, sarraynta iyo sharaftu in aan ay ku jirin wixii uu kaa yeelay Alle, ee ay ku jirto waxa aad iska yeesho adigu. Bartan ayaa aan kolkaa ka fahmaynnaa, falsafadda weyn ee loo sameeyay qabiilka ee ah in la isku garto, in ay ka dhalanayso ujeeddooyin cayyiman, oo noqonaya isticmaalkeeda saxda ah, kuwaa oo ay shareecadu si faahfaahsan u qaadaadhigtay. Ujeedooyinkaa waxaa ka mid ah, qofku in uu ku xidhiidhiyo qaraabadiisa. Waa shaqo aad u wanaagsan, qaraabaxidhiidhintu, oo lagu kasbado cimri dheer, arsaaqad badan, iyo raalli-ahaanshaha Eebbe, waajib na ku ah qof wal ba oo Muslim ah—oo haddii uu la iman waayo, mutaysanaya intaa ka soo horjeedkooda. Hadda ba, xaqiiqadu waxa ay tahay, qabiil la’aantii, in aad aan baran karin xigtadaada, ha ba dambayso in aad xidhiidhiso e. Sababtaa darteed, ayaa uu Suubbanaheennii Udgoonaa nagu dhiirrigeliyay, in aan baranno qabiilka, si aan u xidhiidhinno qaraabadayada: «Nasabyadii na waxa aad ka barataan wax aad ku xidhiidhisaan qaraabadiina . . . (Tirmidi, Xaakim, iyo Imaam Axmed, ayaa soo saaray xadiiskan, waxaa na laga wariyay Abuu Hurayra).» Isla markaa ayaa aan gudan karnaa, waajibka kale ee ku yimid aayadda 214aad, ee Suuradda 26aad ee Qur’aanka, ee ah: «U dig xigtadaada kuu dhow . . !!»
Waxaa kale oo ka mid ah, qabiilku in uu yahay geed ay ka farcamaan axkaam dhowr ah oo diineed, oo isaga la’aantii aan ba la gudan karin, ha ba yaraato e. Tusaale ahaan, guurka iyo dhaxalka. Gabdhaha guurkoodu kuu bannaan yahay, iyo gabdhaha guurkoodu aannu kuu bannaanayn, ma aad aan garan karteen haddii aannu jirin qabiil. Waxaa na la arki lahaa qof guursaday habayartii, ama eeddadii, ama gabadha uu u yahay adeerka. Jeerka oo kale, ruux dhintay oo ka tegay maal badan, cidda maalkaa dhaxli karta, iyo cidda maalkaa aan dhaxli karin, ma aad aan garan karteen haddii aannu jirin qabiil. Waxaa na la arki lahaa saaxiib, ama macallin, ama xidid dhaxlay maalkaa. Sidaa sababteed, ayaa ay shareecadu u sharaftay qabiilka, waa na ujeeddo ka mid ah ujeeddooyinka waaweyn ee shanta ah ee ay u timid in ay ilaaliso, oo tan iyo qiyaamaha jirsiiso. Bal, waxaa la isla qirsan yahay, Muslim iyo Gaal ba, qabiil la’aantii, noloshu ba in ay fasahaadi lahayd dhinac kasta ba, oo fawdadu noqon lahayd “xad’dhaaf xad’dhaafta” . . !! Kuwan ayaa ah, xaqiiq ahaantii, ujeeddooyinka wanaagsan ee loo jideeyay qabiilka, ee ku macnaysan falsafadda garashada, ee ah, in la isku xidhiidhiyo, in la isku kaalmeeyo, in la isku guursado, iyo in la isku dhaxlo. Xadkaa toolmoon, ee tusmaysan, ayaa uu Alle u dhigay, adeegsiga suubban ee qabiilka. Waa na mid lagu khasban yahay in aan laga tallaabin.
Hadda ba, haddii aan fahamnay qabiil waxa uu yahay, cidda samaysay, ujeeddada ay u samaysay, iyo faa’iidada uu lee yahay, maxaa ay tahay qabyaaladi . . ?! Si kooban, se leh macne weyn, waxa aynnu odhanaynnaa, qabyaaladdu waa jaad ka mid ah xagjirnimada, taa oo uu qofku xagjir ku noqonayo reerkiisa. Si fidsan na, waa fikir iyo dhaqan wada socda, oo uu qofku marka hore si run ah u aaminayo qabiilkiisu in uu lee yahay sarraynta iyo sharafta dhammaantood macne kasta oo ay lee yihiin erayadaasi—marka dambe na si daacad ah u dabbaqayo fikirkaa oo reerkiisa u doonayo xaq iyo xuquuq aan ay lahayn, taa oo keensanaysa reer kale xaq iyo xuquuq uu lahaa in laga dhaco. Sidaa darteed, waa aydhiyoolajiyad qofka u gasha si tartiib-tartiib ah, se kolka dambe la tagta heer fog oo aan lahayn waxkaqabasho—inta badan na waxa ay ka dhalataa fawdada, oo meel ay ka jirto nidaam fiican oo dadkiisa siinaya madaxbannaani, caddaalad, sinnaan, talawadaag, deganaansho, xasillooni, nabad, iyo jacayl run ah ka ma dhalato. Taariikh ahaan, Ibliiskii la nacladay, ayaa ugu horreeyay cid sinjigiisa ku dhegta oo caqiido ka dhigata, isaga oo u arkay maadaama laga abuuray naar, Nabi Aadam na laga abuuray dhoobo, in uu ka sarreeyo ka na sharaf badan yahay; sidaa awgeed na, ay tahay gef weyn amarka Alle ee ah in uu u sujuudo Aadamka ka liita. Waa kii lahaa, markii uu Guulle weyddiiyay sababta uu ugu sujuudi waayay Aadamka uu ku abuuray gacantiisa: « . . . aniga ayaa ka wanaagsan isaga: aniga waxa aad iga abuurtay naar, isaga na waxa aad ka abuurtay dhoobo . . !! (38:76).» Falsafadda uu Ibliis u sameeyay qabyaaladda, keli ah waa in la isku dulmiyo, taa oo ka dhalanaysa dadka midaysan in la kala qaybiyo, qiime kasta oo jira in la qiimatiro, iyo arlada gebigeeda ba in laga dhigo naar holcaysa oo cid kasta oo ku dhacdaa ay dhimato, si ugu dambayn naarta weyn ee dambe loo wada galo, halkaa na uu isagu ka noqdo Madaxweynaha Jahannama . . !!
Tabtaa garashadeed, qabyaaladdu wax kale ma ahan, ee keli ah waa aragti halaag ah oo uu hal’abuuray Ibliis, kaa oo doonaya maadaama uu Aabbaheen ka cilmi batay, lagu na xujjeeyay in uu u sujuudo uu na diidday, in uu dhashiisii kaga aargoosto, kala qoqobo oo qaar ba si ugu sheekeeyo, oo falsafaddii qabiilka ee ahayd ha la isku garto u dooriyo ha la isku qiimeeyo—taa oo ay ka dhalanayso isku jeclaada, isku na naca; isku gobeeya, isku na gumeeya; iyo, isku weyneeya, isku na yareeya. Arrimahaa oo dhan na, waxa ay lid ku yihiin xididdada iyo tiirarka iimaanka, guud ahaan ujeeddooyinka iyo mabaadiida Islaamka, iyo falsafaddii uu Alle ka lahaa qabiilka; sidaa ayaa ay qabyaaladdu ku noqotay xaaraan, xukun ahaan, sharcigu na ka cabbiray qudhun, qofka laga helo na lagu shaambadeeyay xarwawaal (doorshaanka afkiisa iyo sankiisa ku riixa xaarka uu duuduubay, si uu u geliyo godka uu sahansaday, dabadeed na uu u cuno) . . !! Aydhiyoolajiyaddaa halkudhegyadeeda halista ah waxaa ka mid ah: U gargaar walaalkaa gar iyo gardarro ba; Hiilkaygu iyo hoogaygu waa haybtayda; Jambalkaaga iyo jilibkaaga waa lagu jiraa; Xaq iyo xaqdarro ba xigtadayda; iyo, Anigu tolkay ayaa aan la tilmaan ahay—haddii ay hanuunaan waa aan la hanuunayaa; haddii kale oo ay hallaabaan na waa aan la hallaabayaa. Qabyaaladdu waa qabiilkudheg, la mid ah noocyada kale ee tacassubku uu ku jiro, sida: mad’habkudheg, kooxkudheg, iyo qofkudheg.
Hadal iyo nuxurkii, qabiil iyo qabyaalad, waa labo shay oo aad u kala duwan, aad na u kala fog, xaqiiqdii. Qodobka kowaad, asal ahaan, qabiilka waxaa abuuray Alle, waxa uu na u abuuray falsafad ah in la isku garto, taa oo ujeeddooyinkeedu yihiin: in la isku xidhiidhiyo, in la isku kaalmeeyo, in la isku guursado, iyo in la isku dhaxlo. Laakiin, qabyaaladda waxa abuuray Ibliis, waxa uu na u abuuray falsafad ah in la isku gardarroodo, taa oo ujeeddooyinkeedu yihiin: in la isku aflagaaddeeyo, in la isku naco, in la isku diriro, iyo in la isku dhammeeyo. Qodobka labaad, xukun ahaan, qabiilku waa wax fiican, oo qiimigiisa ay xustay diintu, dhiirrigelisay in la barto, isla jeerkaa na ka mid ah ujeeddooyinkii shanta ahaa ee ay u timid shareecadu in ay dhawrto, oo ay waariso. Laakiin, qabyaaladdu waa wax xun, oo qadhmuunkeeda ay xustay diintu, fartay in laga dheeraado, isla jeerkaa na ka mid ah dhaqammada wax dumiya ee bulsho hore u socotay dib u celisa, oo hankeeda iyo mooraalkeeda wiiqda. Qodobka saddexaad, Soomaali ahaan, qabiilku waa wixii na badbaadiyay horay, ee jiritaankeennii iyo dhaxalkeennii ilaaliyay, gumaystayaashii naga xoogga iyo xoolaha badnaa na naga celiyay oo u diidday in ay si buuxda noo kala furfuraan; burburkii ka dib na, waa wixii na badbaadiyay, ee dadkeennii dalka ka baxay ku kellifay in ay biilaan dadkii ay kaga soo tegeen dalka. Laakiin, qabyaaladdu, waa wixii na darxumaynayay shalay, ee sababayay isticmaarku muddo in ay ku sugnaadaan geyigayaga, waa na wixii burburiyay qarankeennii iyo qawmiyaddeennii weynayd; burburkii ka dib na, waa wixii na sii dullaynayay, ee gacanhoorsiga iyo kabaqaadka na baray, wixii noo soo hadhay na ku dulqoray “waa iib” . . !! Sidaa daraaddeed, qabiilku waa dugsi; qabyaaladdu na waa dumis. Waa gef aad u weyn, runtii, labadaa mas’alo ee aan is khusayn, asal ahaan iyo xukun ahaan, iyo waaqic ahaan ba, in la mataaneeyo oo la dhaho, waa isku mid, iyo la ma kala saari karo . . !! Qofkii mataaneeya oo mideeya, waxa uu ka dhigan yahay, qof mataaneeyay oo mideeyay Ilaahay iyo Ibliis, wacnaanta iyo xumaanta, iyo faa’iidada iyo khasaaraha . . . !!!
W.Q.: Jaalle Maxamed Cabdirisaaq Saciid “Samiik”
Qoraa iyo aqoonbaadhe Soomaaliyeed
Boosaaso, Bari, Soomaaliya
Lamme, Maarso 13, 2017—11: 30 G.D.