Tirada Soo Booqatay

Monday, February 20, 2017

Ma Ku Baraa Jaallahayga Qaaliga Ah . . ?!

Miyaa uu jiraa adduunyadan shakhsi noolaan kara saaxiib la’aan? Miyaa uu se jiraa ruux dafiri kara xaqiiqada sheegta: Saaxiibka wanaagsan waa dheeman qaali ah? Haddii ay warcelinnadaadu yihiin “maya,” waxa aan kuu qirayaa in aad tahay qof baraarugsanhaaheey! . . qof ku baraarugsan jaallihiisa fiican kaalin weyn oo shariif ah in uu ka qaadan karo guushiisa, horumarkiisa, iyo liibaantiisa, dhan kasta ba. Haa, waa dhab taasi; waa aad baraarugsan tahay, akhriste. Hadda ba, haddii aad lee dahay jaalle sidaa ah, sow kaa ma mudna in aad ku faanto oo barto bulshadaada . . . illeen nimcada oo la tiraabtiraabo waa nooc ka mid ah mahadda iyo abaalcelinta e? Mise, waxa aad tahay bakhayl xun o, keligaa in aad faraxdo oo libinaysato ayaa aad jeceshahay, dadka kale na ka qadaan galladahaa?! Maya, maya, ma aan ahi axadka leh tilmaantaa xun haddii aad tidhi, hubaashii, waxa aad lee dahay gobannimo qofeed; taa jiritaankeed, ayaa aan doonayaa caawa in aan ku baro jaallaha ugu qaalisan guud ahaan jaallayaashayda . . kaalinta kowaad qofka ii gu jira! Miyaa aad garanaysaa, ama se qiyaasi kartaa, cid uu yahay, iyo hayb uu galo toona? Maya, maya, ma aan garanayo ma na qiyaasi karo haddii aad tidhi, runtii, waxa aad tahay runlow. Aniga ayaa ku baraya si fiican na kuu baraya, mar dhow. Bal se ka hor inta aan aan ku barin, mid aan kuu sheego, jaalle: Waxa aan ka dabuubqaadanayaa qaaciidada tidhaahda: Shay waxa lagu qiimeeyaa waxtarkiisa; sidaa daraaddeed, waxa aan doonayaa in aan kula wadaago qodobbo dhowr ah, oo dhabtii, si weyn uga maragkacaya qiimigiisa. Bal is deji, fahamka soojeedi, malaggii fiqhiga na siraad, oo qiimee saaxiibkay!
B.  Degaan dadkiisu aan aqoon dhaqanka “ma garanayo” iyo dhaqanka “dhegaysiwanaagga,” ayaa aan ku dhashay, ku na barbaaray. Sidaa dhaqankaygu iyada oo uu yahay, oo aan aaminsan ahay cid iga cilmi badan iga na aragti dheer ifka in aan ay ku noolayn (oo ahay: Sheekhul-kulli), ayaa aan si hagaagsan isku barannay mudane fiican oo garashadiisu gob tahay, akhlaaqdiisu na weyn tahay. Saaxiibkay, waxa uu i baray in aan waxmagarad ahay se xaqiiqadaa dafirsan ahay, isaga oo i soo hordhigay wacaallo iyo ogaallo ciiddaa ka badan oo dunidayda nololeed aan ku jirin. Mar kale, waxa uu i baray, ka dib kolkii uu i edbiyay ee uu iga yeedhsiiyay “si toos ah ayaa aan u garwaaqsan ahay in aan ahay ma-yaqaan.” in falalka wanaagsan ee ay lee yihiin dadka wanaagsan ay ka mid tahay, “in ay hadalka yareeyaan, dhegaysiga na badiyaan.” Dabadeed na, geyllan badan waxa aan u galay sidii aan u kobcin lahaa kasmadayda iyo akhlaaqdayda, iyo sidii aan u noqon lahaa “tusaalaha kowaad ee samaanta.” Jaallahay, waxa aan u arkay cirsankayeedh uu ii soo diray Allaha Weyn, xilli aan u baahnaa labada ba badbaado nafeed iyo horumarin nafeed, xaqiiqdii. Alla jaallahay qiime badanaa . . !!
T.  Xilligii akhriska aan bilaabay, wax ma qori jirin, iska ba daa in aan noqdo qoraa e. Waayihii dambe ee aan akhriska joogteeyay, hannaaneeyay na, waxa uu si kalsooni ay ku jirto ii gu sheegay, in aan isku dayi karo in aan wax qori karo, qalbigayga na ay ku kaydsan tahay xogo fiican oo aan u kaashan karo qoraalsamaynta. Taa anigu u ma aan aan arag oo qudh ah talo uu i siiyay jaallahay, ee sida oo kale waxa aan u arkay bilow aqoonsi ah oo daaran abaalmarin mudnaan iyo tusmo badan huwan. Waa aan ku dhaqaaqay taladaa; Mey 11, 2013, mareegaha Soomaalida waxaa lagu faafiyay qoraalkii kowaad ee aan qoray. Markii aan arkay qoraalkaygaa, ee cabbaar aan dhugtay sawirkaygii saarnaa iyo magacaygii ku saxeexnaa, xaqiiqdii, farxad baa aan la ilmeeyay, qof kasta oo aan aqaannay oo aan heli karay na waa aan la wadaagay, farxad darteed! Saaxiibkay, aad baa uu u bogaadiyay dedaalkayga, waxaa uu na igu yidhi weedh farxaddaydii sii labajibbaartay dhan, hammi hor leh na igu beertay dhan kale: Waxa aad noqon doontaa qoraa weyn! Waxa aan ku fikiri jiray, goorma ayaa aad sida Afrax, Aw Jaamac, Ibnu Qayyim, iyo Joorj Oorweel oo kale noqon doontaa, oo waxsoosaar maskaxeed yeelan doontaa. Waxa ay, raggaasi, ahaayeen raggii aan akhrin jiray hal’abuurkooda berigaa. Nafhurid badan ayaa uu ii sameeyay jaallahay, si joogto ah na waxa uu igu la wadaagi jiray fikirro badan oo aan wax ka qori karo, iyo farshaxanno badan oo aan qoraalkayga ku tayayn karo. Halkaa ayaa ay, dhabtii, ka timid jacaylka weyn ee aan jecel ahay jaallahay iyo qoraalka, iyo jacaylka weyn ee aan jecel ahay bulshadayda in aan baro jeclaysiiyo na akhriska iyo qoraalka. Alla jaallahay qiime badanaa . . !!
J.  Maalin Agaalli ah, goor caweys ah, jawigu qabow yahay, oo tirsigu yahay Okt. 13, 2012, ayaa aniga oo booqasho kedis ah ku tegay degelka caanka ah ee Somalitalk,” waxa aan ku arkay ka na akhristay maqaal magacbixintiisu aad iyo aad ii soo jiidatay, farriintiisu na aad iyo aad ii raadaysay. Hibo La Hilmaansan Yahay,” ayaa uu ahaa cinwaankiisuwaxaa na qoray aqoonyahanka weyn ee Soomaaliyeed, Dr. Saadiq Eenow. Fiidkaa ka hor, waxa aan ahaa qof aan ka faa’iidaysan jirin wakhtigiisa, oo in badan ku fasahaada ku na lumiya codtebiye joogid, laandhuu cayaarid, suuq wareegid, kubbad dheelid, iyo haasaawe tegid. Sidii cunug yar oo taagan wabi jiinkiisa oo yaxaas horor ahi si degdeg ahi u dafay, ayaa awood aan aan garanaynin qolkaygii iga saartay oo badda jiinkeeda i fadhiisisay. Fikir dheer ayaa ay dabadeed ii dirtay, ugu dambayn na go’aan ragannimo ah waxa aan ku gaadhay nimcadii uu Boqorku i siiyay ee aan ku gaaloobay in aan garwaaqsado oo ka faa’iidaysto, samaysto na jadwal maalineed oo si run ah aan u dhaqangeliyo (si wakhtigayga aan uga faa’iidaysto oo aan u samaysto maarayn wakhti). Bartan weeye barta ay ka timid qorshaha aan ku badhaadhay ee ah siddeed saacadood ayaan kasta in aan wax akhriyoka na dhalatay halkudheggayga caanka ah: Hal dhigane . . Hal maalin! Sida oo kale, waa barta ay ka timid halganka ugub ee aan ugu jiro in aan gaadho horumar dhinac kasta ah, si aan u xaqiijiyo iskufillaansho dhinac kasta ah. Alla jaallahay qiime badanaa . . !!
X.  Fikirkaygu iyo adduun’araggaygu waxa uu ku koobnaa beeshayda iyo degaankayga. Sootoosiddayda ilaa seexadkayga waxa qudh ah ee aan ka fikiri jiray waxa ay ahayd danta Dhulbahante iyo horumarka Gobolka Sool. Heerkaa iyada oo uu joogo fikirkaygu, ayaa uu jaallahay i baray labo nin oo wadaaddo ah si, filasoofyo na ah si kale, oo lagu kala magacaabo mufakkir Cusmaan Raabi iyo mufakkir Maalik binu Nabi. Raabi waxa uu durkiyay degaankayga: waxa uu iga soo kaxeeyay Gobolka Sool oo waxa uu i keenay Jamhuuriyadda Soomaaliya, dabadeed na taa qudhdheeda ayaa uu iga sii waday oo waxa uu i geeyay Dhulweynaha Soomaalida (Geeska Afrika). Maalik is na waxa uu ballaadhiyay dantayda: waxa uu iga soo kaxeeyay danta Dhulbahante oo waxa uu i keenay danta Muslimiinta, dabadeed na taa laftirkeeda ayaa uu iga sii waday oo waxa uu i geeyay danta aadamaha (Danta Kawnka). Si wadajir ah na, labadoodu, waxa ay kaalmo weyn ka geysteen badinta iyo tayaynta garashadayda, iyaga oo i baray baadhis aan ku hakanin ku na qotadheeraanin mushkiladaha ay baadhayso sababaha dhaliyay iyo tiirarka haya in ay noqonayso baadhistaasi mid guuldarraysata. Waxa ay i bareen, jeer kale, qiimaha uu lee yahay erayga la dhaho “fikir,’ iyaga oo hoosta ka xarriiqay sababta ugu weyn ee ay Muslimiintuoo ay kow ka tahay Soomaaliduu aragxun tahay u na fasahaad badan tahay in ay tahay shaqagabka ay ku sameeyeen eraygaa dheemanka ah. Godkani waa godka ay ka timid danaynta iyo hilowga badan ee aan u hayo dunida fikirka, u na noqday qof si ilbidhiqsi ah ugu hawllan u fikirka iyo ka fikirka ummaddiisa, iyo akhrinta daraasadaha gaareeya caalamkaa cajabta badan leh. Alla jaallahaygu qiime badanaa . . !!
Kh.  Hiddaha iyo dhaqanka Soomaalida waxa aan ku arkaynnaa maaddo shacni badan leh oo ay ku baraarugeen Soomaalidu waa hore: waa sahanka. Kolka bulsho ay rabto aag ay degganayd in ay ka guurto abaar ama colaad ka jirta darteed, iska ma ay san guuri jirin oo “hortay dhaqaaq” xaaladdoodu ma aan ay ahayn e, waxa ay samayn jirtay sahan qaadan jiray maalmo badan iyo daraasado badan, loo na diri jiray mudane kasmo badan iyo waaya’aragnimo badan lahaa. Arrintaa aniga oo og se si cilmi ah aan aan ugu baraarugsanayn waxtarkeeda, ayaa uu jaallahay gacanta i qabtay oo dalxiis igu geeyay meere magaciisu yahay “aqoonbaadhis.” Halkaa wax badan oo badan ayaa aan ku soo arkay, ka na dheefay. Tusaale ahaan, waxa aan labada ba si fikri ah iyo si fal ah u soo bartay, in diyaaradda aqoonbaadhis lagu magacaabaa ay ka duusho labo garoon oo heer caalami ah: (1) garoon lagu magacaabo “Garoonka Caalamiga ah ee SHEEGE,” oo diyaaradda ka kacdaa ay tahay ujeeddadeedu dhibaato jirtay, jirta, ama ifafaalaheedu muuqdo in ay soo sawirto, soo na ogaato sababaha runta ah ee dhaliyay (ama dhalinaya), qodobbada jirsiiyay (ama jirsiinaya), iyo hababka habboon ee lagu xalliyay (ama lagu xallin karo); iyo (2) garoon kale oo lagu magacaabo “Garoonka Caalamiga ah ee IFTIIMIYE,” oo diyaaradda ka kacdaa ay tahay ujeeddadeedu fursad jirtay, jirta, ama ifafaalaheedu muuqdo in ay soo sawirto, soo na daahfurto sababaha runta ah ee abuuray (ama abuuraya), qodobbada suurageliyay (ama suuragelinaya), iyo hababka habboon ee looga faa’iidaystay (ama looga faa’iidaysan karo). Labo diyaaradood oo kasta oo labadaa garoon ka kala duula waxa ay isku arkaan maqaaxi lagu magacaabo “sahan baadhiseed”oo ay ka wada qadeeyaan, illowse cunnooyin kala duwan ay ka dalbadaan. Taasi, kolkaa, waxa ay i bartay muhiimadda badan ee ay lee dahay sahansamayntu. Waa na sababta macnawiga ah ee keentay inta aan aan dhigane qorin oo ummaddayda buug ku soo kordhin, in taa ka hor maqaallo, curisyo, sheekafaneedyo, iyo baadhisyo badan qoro, si aan qalinka iyo qoraalka ugu tababbarto si hadhow aan u qoro kitaab qiime iyo tayo badan leh. Waa isla sababta macnawiga ah ee keentay inta aan aan guur samaynin oo ummaddayda qoys ku soo kordhin, in taa ka hor wax badan ka barto caalamka haweenka, aqoonta maammulka qoyska, fanniga wasmada, iyo cilminafsiga gaarka u ah gabadha Soomaaliyeed, si aan akhriska iyo baadhista ugu tababbarto si hadhow aan u yagleelo qoys qiime iyo tayo badan leh. Alle jaallahay qiime badanaa . . !!
Kuwaasi, waa ummuuro shan ah, oo ka mid ah dheefaha tirabeelka ah ee saaxiibkayga aan jecel ahay ee magaciisu yahay “akhris,” ciddiisu na tahay “af,” aan ka korodhsaday. Jaallahay, aan xog lagamamaarmaan ah kaa siiyo e, ma aha qof oggol in ay bartaan cid ama dhaqdhaqaaq gaar ah, ee dhabtii waa qof oggol in ay bartaan cid ama dhaqdhaqaaq kasta, xeer la’aan! Ma yaqaan, tabta oo kale, nacaybka iyo seeflaboodnimadaee, taa beddelkeeda, waxa uu yaqaannaa jacaylka iyo dulqaadka. Waa mudane, barbaariye, iyo taageere bashaash iyo daacad ah, diyaar na u ah mid wal oo soo martiya in uu ku qaabilo weji furfuran, qalbi faraxsan, iyo niyad filanuu na dhiso shakhsiyaddiisa iyo dhaqankiisa, ka dhigo hal’abuur iyo mufakkir weyn, fahamsiiyo qiimaha wakhtiga iyo firaaqada, kobciyo fikirkiisa iyo adduun’araggiisa, oo ugu dambaynlaakiin ma aha tii u dambaysay eguddoonsiiyo furaha guusha. Waa uu ku hodminayaa ku na tayaynayaa saaxiibkay, ilaa heerka u sarreeya mid wal ba. Sidaa daraaddeed, waxa aan kugu la talinayaa, si dhakhso ah in aad uga war doonto, oo aad u la tagto ujeeddo san iyo wadne saliim ah. [Jaallahay waa aniga ku baray e, kaa na codsaday in aad qiimayso e, bal ka warran?! . . . . Sidee u aragtaa?!]







W.Q.: Jaalle Maxamed Cabdirisaaq Saciid Samiik
Qoraa iyo aqoonbaadhe Soomaaliyeed
Boosaaso, Bari, Soomaaliya
Lamme, Feebarweri 20, 2017—01: 00 G.H.

2 comments:

  1. Haddii aad akhriday mudane/marwo, waa aan jeclaan lahaa aragtidaada in aad i la wadaagto oo faalladaada halkan ku hoos qortid. Mahadsanid.

    ReplyDelete
  2. Maa shaa allaah waan akhriyay walal maxamed samiik, waa qormo dhaxal gal ah, qiimo weynna xambaarsan, si xalladay sanna aad u soo bandhig tay.
    Waxa kaliya, oo aan mulaaxado ahaan kuugu soo gudbin lahaa isticmaalka erayga qayaxan (wasmad), oo aysan ahayn marki kowaad een ku arko adiga oo adeegsanaya, mar wax lagaa waydiiyay na, runta jawaabtaadu waxa ay ahayd in aad rabto in aad dadka barto eray bixina saxda ah, ee soomaalida u dajisay xidhiidh lamaanaha, balse waxaa kaa hoos baxday in qu'aanka kariimka uu tibaaxay xidhiidhkaas, ma uu san adeegsan eray bixin ta saxda ee carbeed, ee waxa uu adeegsaday qaab mara-ku dad ah, ama sarbeeb ah, sidoo kale suubanuhu SCW markuu barayay asxaabta RC waxa uu adeegsaday qaab maldahan oo aad u asluubaysan.
    Waxaan jeclaan lahaa in aadan mar dambe adeegsan, waayo waxaan ku jiraa dadkaa aadka u akhriya, wax soorkaaga aqooneed!
    Waad mahadsan tahay walal

    ReplyDelete