Tirada Soo Booqatay

Tuesday, March 14, 2017

Qabiil Iyo Qabyaalad: Ma Isku Mid Baa . . ?!

Soomaalidii hore, ogaal badan ayaa ay u lahaayeen qabiil iyo qabyaalad waxa ay kala yihiin, mar na ba isku ma aan ay khaldi jirin. Mas’aladan oo qudh ah ma ahan e, tobannaan la mid ah oo dadka maanta nooli ay madaxa isu geliyaan, ayaa ay iyagu kala saari jireen, oo mid wal ba godkeeda gelin jireen. Jeerkii aan baadhay ilaha suuragalka ah ee ay ka imanayaan jahwareerka xad’dhaafka ah ee ku jira bulshadeen na, waxa aan ogaaday ku na qancay, labadan meelood in ay yihiin: burburkii iyo baabba’ii aadka u baaxadda weynaa ee ku dhacay isirka Soomaaliyeed, dhan kasta na kaga dhacay; iyo, ujeeddooyinkii badnaa ee gurracnaa ee la gashaday diinta, dhaqanka, iyo waxbarashada. Soomaali fasahaadka haysta maanta, oo ay ka mid tahay, miisaannadii wax lagu hubin jiray, iyo halbeegyadii wax lagu qiyaasi jiray, in ay ka hallaabeen, labadaa ceel ayaa ay ku arooraan, hubaashii. Furintan weeye furinta ay ka dhalatay, fikradda xun ee ku dhisan fahamxumada diineed iyo fasiraadxumada waaqiceed, ee qabiil iyo qabyaalad isku tolaysa, ku murmaysa qabiilku in uu yahay abuuraha iyo hooyada qabyaaladda, ku na xabeebsanaysa xabbadda ugu midhabixin roon ee lagu dili karo qabyaaladda in ay tahay ta lagu dili karo qabiilka . .!! Qormadaydani, waxa ay ku ujeeddaysan tahay, si caddaan ah in ay u kala qeexdo labadaa ummuurood, ka na bixiso garasho wanaagsan oo cid kastaa ba ay ka garaabi karto.
Qabiilku, qeexitaan ahaan, waa koox reero ah oo ku midoobay oday la yaqaanno (ama la aaminsan yahay) oo laga soo tafiirmay, oo dunta ugu weyn ee isku xidhaa isku na haysaa ay tahay abtirsiinyo, wadaaga dhalasho, dhul, dhaqan, af, iyo sooyaal, leh na nidaam nololeed oo dhan oo leh qaybihiisa bulsho, dhaqaale, siyaasad, garsoor, iyo hoggaan, oo si joogto ah u la jaanqaada isbeddellada nolosha iyo degaanka. Kolka la eego sida uu u dhisan yahay, oo ah qaab-dhismeed leh bilow iyo dhammaad, waxaa lagu suurayn karaa dugsi dhan oo leh hoygiisa, ardadiisa, xeerarkiisa, manhajkiisa, maammulkiisa, barayaashiisa, iyo waalidkiisa. Ama, dawlad dhan oo leh dalkeeda, dadkeeda, dastuurkeeda, golayaasheeda, iyo astaanteeda. Buuniyaasha qaar ka mid ahi, waxa ay ku doodaan, qabiilku in uu yahay dawlad yar oo kale—oo halka dawladdu ay midayso bulsho badan oo kala qabiillo ah, ku na midayso danguud oo ay wada ilaashadaan, ayaa qabiilku na mideeyaa reero badan oo kala jilibbo ah, ku na mideeyaa duq’guud oo ay wada ilaashadaan. Sidaa darteed, baa ay dhahaan, qabiilku, waa caymis buuxa oo si hubaal ah u badbaadinaya dadka uu mideeyo nafahooda, sharaftooda, maalkooda, tarankooda, iyo fikirkooda—waa na ilaaliyaha ugu weyn ugu na dambeeya ee difaacaya jiritaankooda iyo qiimigooda.  
Muslimiin ahaan, si kalsooni ah, waxa aan u rumaysan nahay, Eebbe Weyne in aannu abuurin shay, haddii se uu abuuro shay in ay jirto xikmad ka dambaysa abuurta shaygaa, taa oo suuragal ah labada ba in aan fahamno iyo in aan fahmi waynno. Waxa aynnu og nahay, oo Qur’aanka ku haynnaa, aadame kasta ba in uu ka soo jeedo oo ku abtirsado shacab iyo qabiil . . maxaa ay tahay, hadda ba, murtida ka dambaysa abuurka shacab iyo qabiil? Taa innaga oo ka warcelinteeda gelin wakhti, fikir, iyo dedaal badan, oo aan kaga iman hilimmo kala duwan oo aan ku eegin muraayado kala geddisan, waxaa ba noo hawl fududeeyay oo jawaabta si buuxda oo banyaal ah noo siiyay isla Allihii labadaa jiritaan abuuray. Aayadda 13aad, ee Suuradda 49aad ee Qur’aanka, waxa uu Eebbe ku yidhi: «Waar dadoow . . waxa aan idin ka abuurnay lab iyo dheddig, waxa aan na idin ka dhignay shacabbo iyo qabiillo si aad isugu ‘aqoonsataan’—dhab ahaantii, Alle agtiisa kii na idin ku karaamo badan waa kii na idin ku Allayaqaansan . . dhab ahaantii, Alle na, waa Alle ogaalbadane ah oo ogaalbadnidiisa xeeldheere ku ah.» Labo maaddo, ayaa innaga oo isku koobayna mawduuceen na, aayaddaa weyn ka faa’iidaysan karnaa.
Maaddada kowaad: Labadaa jiritaan waa jiritaanno ka yimid xagga Alle, oo Ilaahi ah, ku na macnaysan xikmad Ilaahi ah. Xikmaddaasi qudh ah waxa ay tahay, maadaama uu si cad u ogaa aadamuhu in uu tarmi doono, gaadhi na doono balaayiin, si uu isku garto oo dabadeed isku xidhiidhiyo, isugu na xidhmo oo u samaysto xeerar kala xakameeya mis na bud’dhig u noqda horumarka iyo guusha noloshooda, lagamamaarmaan in ay tahay in loo sameeyo summado tixraacyadaa oo dhan fududeeya. Hubaashii, taasi, waa murti weyn oo bani’aadamku na uu dheegay. Tusaale haddii aan u keenno dheegashada insaanka, waxaa aynnu og nahay, reer miyigeennu xoolahooda in ay summadiyaan, oo xattaa sabankan lagu jiro oo ah “Sabankii Caalamiyaynta,” farsamadii in ay beddeleen qaarkood oo xoolahooda ku dulqoraan telefoonnadooda. Caynka oo kale, waxa aynnu og nahay, reer magaalkeennu wax wal ba in ay u sameeyeen baadisooc, oo tusaale ahaan, dugsi wal ba uu lee yahay lebbis gaar u ah, jaamacad wal ba ay lee dahay astaan gaar u ah, oo guri wal ba uu lee yahay tiro gaar u ah. Waxaa oo dhan, wax kale loo ma samayn, aan ahayn oo keli ah “tilmaan aqoonsi.” Ilaahay na, shacabka iyo qabiilka wax kale u ma samayn, aan ahayn oo keli ah “tilmaan aqoonsi.” Isaga ayaa na iska leh tusaalaha sare. Halkaa, ayaa ay na ku jirtaa ujeeddada iyo garashada saxda ah ee ay tahay in la qaato, dabadeed na ay tahay in la dhaqangeliyo.
Shakhsi kasta oo innaga mid ahi waxa uu lee yahay, run ahaantii, jiritaanno afar ah. Mid kasta ba waxa uu ku ujeeddaysan yahay nooc gaar ah. Waxa uu na lee yahay nuxur gaar ah. Naftayda aan u qaato tusaale. Kow, waxa aan ahay bani’aadam. In aan aan ahayn geel, ama buur, ama jin, ee aan ahay bani’aadam, waa sifo macnaynaysa “nooca abuurkayga.” Labo, waxa aan ahay Muslim. In aan aan ahayn Kiristaan, ama Yuhuudi, ama Majuusi, ee aan ahay Muslim, waa sifo macnaynaysa “nooca caqiidadayda.” Saddex, waxa aan ahay Soomaali. In aan aan ahayn Huutuu, ama Tigree, ama Carab, ee aan ahay Soomaali, waa sifo macnaynaysa “nooca shacabkayga.” Afar, waxa aan ahay Jaamac Siyaad. In aan aan ahayn Cumar Maxamuud, ama Muuse Carre, ama Maxamed Muuse, ee aan ahay Jaamac Siyaad, waa sifo macnaynaysa “nooca qabiilkayga.” Adigu na, tabtaa oo kale ayaa aad tahay—oo jiritaannadaa afarta ah ayaa aad lee dahay. Jiritaannadaa aan soo qodobbaynnay, hadda ba, waxa ay noo sheegayaan oo qudh ah wax ku saabsan ahaanshahayaga, bal se noo ma sheegayaan wax ku saabsan lahaanshahayaga. Tabta oo kale, murtida qudh ah ee loo sameeyay ee ay u abuuran yihiin na, waa sawrac uun.. Waa garashadaa bes. 
Maaddada labaad: Jiritaannadaasi waxa ay lee yihiin aqoonsi iyo qiime guud, ee ma laha xukun iyo qiime gaar ah. Taasi waxa ay macnaheedu tahay, qofku wixii uu Eebbe u gartay ee uu u dooray, ee aan laga la tashan isla jeerkaa na aannu diiddi karin, in aan ay u samaynaynin macne qofeed, u na keenaynin sharaf qofeed. Bal se, taa rogaalkeeda, qofka waxa macnaynaya ee siinaya karaamada ay tahay waxa uu rumeeyo, ee dabadeed na uu dhaqangeliyo. Ruuxii wax wanaagsan aamina, kolkaa na fala, run ahaantii, waxa uu la yimid shaqo uu ku ammaanan yahay, oo qurxisay qofnimadiisa, kobcisay na karaamadiisa. Ruuxa kale na waa sida kale. Sidaa aawadeed, ayaa uu Eebbe Weyne noo sheegay, noo na caddeeyay, arrintan muhiimka ah, isaga oo nagu la hadlay carrabka Nabigiisii Udgoonaa: «Ilaahay (S.W.T.) ma eegayo [ma xukumayo] muuqaalkiina iyo maalkiina, laakiin waxa uu eegayaa [uu xukumayaa] wadnihiina iyo waxqabadkiina (Bukhaari iyo Muslim ayaa soo saaray xadiiskan, waxaa na laga wariyay Abuu Hurayra).» Sirtu waxa ay ku jirtaa halkaa. Boqorka Weyn macne la ma leh in aad tahay Soomaali ama in aad tahay Oromo, ama in aad tahay Daarood ama in aad tahay Madhibaan; maxaa wacay, inta ba isaga ayaa kaa dhigay—midkood na Jannada iyo raalli-ahaanshaha Eebbe ku heli maysid. Ee waxa aad jannada iyo raalli-ahaanshaha Eebbe ku helaysaa adigu waxa aad iska dhigto—darajada aad ka gaadho iimaanka iyo kalsoonida Alle, iyo shaqooyinka suubban ee aad kala timaaddo qalbiga, afka, iyo addimada.
Iskudarka labadaa maaddo, waxa aan soo ogaannay, qabiilka iyo shacabku in aan ay ahayn wax ka yimid caqliga aadamaha, ama abuurka dabeecadda, ee ay yihiin wax ka yimid doonista Alle, oo leh xikmad qeexan oo aadamaha laftirkiisu uu ka faa’iidaystay. Kol haddii uu Alle sameeyay, waxa aan qiraynnaa in ay yihiin wax wanaagsan, maadaama Alle uu yahay Alle wanaagsan, jecel yahay na wanaagga. Sida oo kale, waxa aan soo ogaannay, sarraynta iyo sharaftu in aan ay ku jirin wixii uu kaa yeelay Alle, ee ay ku jirto waxa aad iska yeesho adigu. Bartan ayaa aan kolkaa ka fahmaynnaa, falsafadda weyn ee loo sameeyay qabiilka ee ah in la isku garto, in ay ka dhalanayso ujeeddooyin cayyiman, oo noqonaya isticmaalkeeda saxda ah, kuwaa oo ay shareecadu si faahfaahsan u qaadaadhigtay. Ujeedooyinkaa waxaa ka mid ah, qofku in uu ku xidhiidhiyo qaraabadiisa. Waa shaqo aad u wanaagsan, qaraabaxidhiidhintu, oo lagu kasbado cimri dheer, arsaaqad badan, iyo raalli-ahaanshaha Eebbe, waajib na ku ah qof wal ba oo Muslim ah—oo haddii uu la iman waayo, mutaysanaya intaa ka soo horjeedkooda. Hadda ba, xaqiiqadu waxa ay tahay, qabiil la’aantii, in aad aan baran karin xigtadaada, ha ba dambayso in aad xidhiidhiso e. Sababtaa darteed, ayaa uu Suubbanaheennii Udgoonaa nagu dhiirrigeliyay, in aan baranno qabiilka, si aan u xidhiidhinno qaraabadayada: «Nasabyadii na waxa aad ka barataan wax aad ku xidhiidhisaan qaraabadiina . . . (Tirmidi, Xaakim, iyo Imaam Axmed, ayaa soo saaray xadiiskan, waxaa na laga wariyay Abuu Hurayra).» Isla markaa ayaa aan gudan karnaa, waajibka kale ee ku yimid aayadda 214aad, ee Suuradda 26aad ee Qur’aanka, ee ah: «U dig xigtadaada kuu dhow . . !!»
Waxaa kale oo ka mid ah, qabiilku in uu yahay geed ay ka farcamaan axkaam dhowr ah oo diineed, oo isaga la’aantii aan ba la gudan karin, ha ba yaraato e. Tusaale ahaan, guurka iyo dhaxalka. Gabdhaha guurkoodu kuu bannaan yahay, iyo gabdhaha guurkoodu aannu kuu bannaanayn, ma aad aan garan karteen haddii aannu jirin qabiil. Waxaa na la arki lahaa qof guursaday habayartii, ama eeddadii, ama gabadha uu u yahay adeerka. Jeerka oo kale, ruux dhintay oo ka tegay maal badan, cidda maalkaa dhaxli karta, iyo cidda maalkaa aan dhaxli karin, ma aad aan garan karteen haddii aannu jirin qabiil. Waxaa na la arki lahaa saaxiib, ama macallin, ama xidid dhaxlay maalkaa. Sidaa sababteed, ayaa ay shareecadu u sharaftay qabiilka, waa na ujeeddo ka mid ah ujeeddooyinka waaweyn ee shanta ah ee ay u timid in ay ilaaliso, oo tan iyo qiyaamaha jirsiiso. Bal, waxaa la isla qirsan yahay, Muslim iyo Gaal ba, qabiil la’aantii, noloshu ba in ay fasahaadi lahayd dhinac kasta ba, oo fawdadu noqon lahayd “xad’dhaaf xad’dhaafta” . . !! Kuwan ayaa ah, xaqiiq ahaantii, ujeeddooyinka wanaagsan ee loo jideeyay qabiilka, ee ku macnaysan falsafadda garashada, ee ah, in la isku xidhiidhiyo, in la isku kaalmeeyo, in la isku guursado, iyo in la isku dhaxlo. Xadkaa toolmoon, ee tusmaysan, ayaa uu Alle u dhigay, adeegsiga suubban ee qabiilka. Waa na mid lagu khasban yahay in aan laga tallaabin.
Hadda ba, haddii aan fahamnay qabiil waxa uu yahay, cidda samaysay, ujeeddada ay u samaysay, iyo faa’iidada uu lee yahay, maxaa ay tahay qabyaaladi . . ?! Si kooban, se leh macne weyn, waxa aynnu odhanaynnaa, qabyaaladdu waa jaad ka mid ah xagjirnimada, taa oo uu qofku xagjir ku noqonayo reerkiisa. Si fidsan na, waa fikir iyo dhaqan wada socda, oo uu qofku marka hore si run ah u aaminayo qabiilkiisu in uu lee yahay sarraynta iyo sharafta dhammaantood macne kasta oo ay lee yihiin erayadaasi—marka dambe na si daacad ah u dabbaqayo fikirkaa oo reerkiisa u doonayo xaq iyo xuquuq aan ay lahayn, taa oo keensanaysa reer kale xaq iyo xuquuq uu lahaa in laga dhaco. Sidaa darteed, waa aydhiyoolajiyad qofka u gasha si tartiib-tartiib ah, se kolka dambe la tagta heer fog oo aan lahayn waxkaqabashointa badan na waxa ay ka dhalataa fawdada, oo meel ay ka jirto nidaam fiican oo dadkiisa siinaya madaxbannaani, caddaalad, sinnaan, talawadaag, deganaansho, xasillooni, nabad, iyo jacayl run ah ka ma dhalato. Taariikh ahaan, Ibliiskii la nacladay, ayaa ugu horreeyay cid sinjigiisa ku dhegta oo caqiido ka dhigata, isaga oo u arkay maadaama laga abuuray naar, Nabi Aadam na laga abuuray dhoobo, in uu ka sarreeyo ka na sharaf badan yahay; sidaa awgeed na, ay tahay gef weyn amarka Alle ee ah in uu u sujuudo Aadamka ka liita. Waa kii lahaa, markii uu Guulle weyddiiyay sababta uu ugu sujuudi waayay Aadamka uu ku abuuray gacantiisa: « . . . aniga ayaa ka wanaagsan isaga: aniga waxa aad iga abuurtay naar, isaga na waxa aad ka abuurtay dhoobo . . !! (38:76).» Falsafadda uu Ibliis u sameeyay qabyaaladda, keli ah waa in la isku dulmiyo, taa oo ka dhalanaysa dadka midaysan in la kala qaybiyo, qiime kasta oo jira in la qiimatiro, iyo arlada gebigeeda ba in laga dhigo naar holcaysa oo cid kasta oo ku dhacdaa ay dhimato, si ugu dambayn naarta weyn ee dambe loo wada galo, halkaa na uu isagu ka noqdo Madaxweynaha Jahannama . . !!
Tabtaa garashadeed, qabyaaladdu wax kale ma ahan, ee keli ah waa aragti halaag ah oo uu hal’abuuray Ibliis, kaa oo doonaya maadaama uu Aabbaheen ka cilmi batay, lagu na xujjeeyay in uu u sujuudo uu na diidday, in uu dhashiisii kaga aargoosto, kala qoqobo oo qaar ba si ugu sheekeeyo, oo falsafaddii qabiilka ee ahayd ha la isku garto u dooriyo ha la isku qiimeeyo—taa oo ay ka dhalanayso isku jeclaada, isku na naca; isku gobeeya, isku na gumeeya; iyo, isku weyneeya, isku na yareeya. Arrimahaa oo dhan na, waxa ay lid ku yihiin xididdada iyo tiirarka iimaanka, guud ahaan ujeeddooyinka iyo mabaadiida Islaamka, iyo falsafaddii uu Alle ka lahaa qabiilka; sidaa ayaa ay qabyaaladdu ku noqotay xaaraan, xukun ahaan, sharcigu na ka cabbiray qudhun, qofka laga helo na lagu shaambadeeyay xarwawaal (doorshaanka afkiisa iyo sankiisa ku riixa xaarka uu duuduubay, si uu u geliyo godka uu sahansaday, dabadeed na uu u cuno) . . !! Aydhiyoolajiyaddaa halkudhegyadeeda halista ah waxaa ka mid ah: U gargaar walaalkaa gar iyo gardarro ba; Hiilkaygu iyo hoogaygu waa haybtayda; Jambalkaaga iyo jilibkaaga waa lagu jiraa; Xaq iyo xaqdarro ba xigtadayda; iyo, Anigu tolkay ayaa aan la tilmaan ahay—haddii ay hanuunaan waa aan la hanuunayaa; haddii kale oo ay hallaabaan na waa aan la hallaabayaa. Qabyaaladdu waa qabiilkudheg, la mid ah noocyada kale ee tacassubku uu ku jiro, sida: mad’habkudheg, kooxkudheg, iyo qofkudheg.  
Hadal iyo nuxurkii, qabiil iyo qabyaalad, waa labo shay oo aad u kala duwan, aad na u kala fog, xaqiiqdii. Qodobka kowaad, asal ahaan, qabiilka waxaa abuuray Alle, waxa uu na u abuuray falsafad ah in la isku garto, taa oo ujeeddooyinkeedu yihiin: in la isku xidhiidhiyo, in la isku kaalmeeyo, in la isku guursado, iyo in la isku dhaxlo. Laakiin, qabyaaladda waxa abuuray Ibliis, waxa uu na u abuuray falsafad ah in la isku gardarroodo, taa oo ujeeddooyinkeedu yihiin: in la isku aflagaaddeeyo, in la isku naco, in la isku diriro, iyo in la isku dhammeeyo. Qodobka labaad, xukun ahaan, qabiilku waa wax fiican, oo qiimigiisa ay xustay diintu, dhiirrigelisay in la barto, isla jeerkaa na ka mid ah ujeeddooyinkii shanta ahaa ee ay u timid shareecadu in ay dhawrto, oo ay waariso. Laakiin, qabyaaladdu waa wax xun, oo qadhmuunkeeda ay xustay diintu, fartay in laga dheeraado, isla jeerkaa na ka mid ah dhaqammada wax dumiya ee bulsho hore u socotay dib u celisa, oo hankeeda iyo mooraalkeeda wiiqda. Qodobka saddexaad, Soomaali ahaan, qabiilku waa wixii na badbaadiyay horay, ee jiritaankeennii iyo dhaxalkeennii ilaaliyay, gumaystayaashii naga xoogga iyo xoolaha badnaa na naga celiyay oo u diidday in ay si buuxda noo kala furfuraan; burburkii ka dib na, waa wixii na badbaadiyay, ee dadkeennii dalka ka baxay ku kellifay in ay biilaan dadkii ay kaga soo tegeen dalka. Laakiin, qabyaaladdu, waa wixii na darxumaynayay shalay, ee sababayay isticmaarku muddo in ay ku sugnaadaan geyigayaga, waa na wixii burburiyay qarankeennii iyo qawmiyaddeennii weynayd; burburkii ka dib na, waa wixii na sii dullaynayay, ee gacanhoorsiga iyo kabaqaadka na baray, wixii noo soo hadhay na ku dulqoray “waa iib” . . !! Sidaa daraaddeed, qabiilku waa dugsi; qabyaaladdu na waa dumis. Waa gef aad u weyn, runtii, labadaa mas’alo ee aan is khusayn, asal ahaan iyo xukun ahaan, iyo waaqic ahaan ba, in la mataaneeyo oo la dhaho, waa isku mid, iyo la ma kala saari karo . . !! Qofkii mataaneeya oo mideeya, waxa uu ka dhigan yahay, qof mataaneeyay oo mideeyay Ilaahay iyo Ibliis, wacnaanta iyo xumaanta, iyo faa’iidada iyo khasaaraha . . . !!!







W.Q.: Jaalle Maxamed Cabdirisaaq Saciid Samiik
Qoraa iyo aqoonbaadhe Soomaaliyeed
Boosaaso, Bari, Soomaaliya
Lamme, Maarso 13, 2017—11: 30 G.D.

Monday, February 20, 2017

Ma Ku Baraa Jaallahayga Qaaliga Ah . . ?!

Miyaa uu jiraa adduunyadan shakhsi noolaan kara saaxiib la’aan? Miyaa uu se jiraa ruux dafiri kara xaqiiqada sheegta: Saaxiibka wanaagsan waa dheeman qaali ah? Haddii ay warcelinnadaadu yihiin “maya,” waxa aan kuu qirayaa in aad tahay qof baraarugsanhaaheey! . . qof ku baraarugsan jaallihiisa fiican kaalin weyn oo shariif ah in uu ka qaadan karo guushiisa, horumarkiisa, iyo liibaantiisa, dhan kasta ba. Haa, waa dhab taasi; waa aad baraarugsan tahay, akhriste. Hadda ba, haddii aad lee dahay jaalle sidaa ah, sow kaa ma mudna in aad ku faanto oo barto bulshadaada . . . illeen nimcada oo la tiraabtiraabo waa nooc ka mid ah mahadda iyo abaalcelinta e? Mise, waxa aad tahay bakhayl xun o, keligaa in aad faraxdo oo libinaysato ayaa aad jeceshahay, dadka kale na ka qadaan galladahaa?! Maya, maya, ma aan ahi axadka leh tilmaantaa xun haddii aad tidhi, hubaashii, waxa aad lee dahay gobannimo qofeed; taa jiritaankeed, ayaa aan doonayaa caawa in aan ku baro jaallaha ugu qaalisan guud ahaan jaallayaashayda . . kaalinta kowaad qofka ii gu jira! Miyaa aad garanaysaa, ama se qiyaasi kartaa, cid uu yahay, iyo hayb uu galo toona? Maya, maya, ma aan garanayo ma na qiyaasi karo haddii aad tidhi, runtii, waxa aad tahay runlow. Aniga ayaa ku baraya si fiican na kuu baraya, mar dhow. Bal se ka hor inta aan aan ku barin, mid aan kuu sheego, jaalle: Waxa aan ka dabuubqaadanayaa qaaciidada tidhaahda: Shay waxa lagu qiimeeyaa waxtarkiisa; sidaa daraaddeed, waxa aan doonayaa in aan kula wadaago qodobbo dhowr ah, oo dhabtii, si weyn uga maragkacaya qiimigiisa. Bal is deji, fahamka soojeedi, malaggii fiqhiga na siraad, oo qiimee saaxiibkay!
B.  Degaan dadkiisu aan aqoon dhaqanka “ma garanayo” iyo dhaqanka “dhegaysiwanaagga,” ayaa aan ku dhashay, ku na barbaaray. Sidaa dhaqankaygu iyada oo uu yahay, oo aan aaminsan ahay cid iga cilmi badan iga na aragti dheer ifka in aan ay ku noolayn (oo ahay: Sheekhul-kulli), ayaa aan si hagaagsan isku barannay mudane fiican oo garashadiisu gob tahay, akhlaaqdiisu na weyn tahay. Saaxiibkay, waxa uu i baray in aan waxmagarad ahay se xaqiiqadaa dafirsan ahay, isaga oo i soo hordhigay wacaallo iyo ogaallo ciiddaa ka badan oo dunidayda nololeed aan ku jirin. Mar kale, waxa uu i baray, ka dib kolkii uu i edbiyay ee uu iga yeedhsiiyay “si toos ah ayaa aan u garwaaqsan ahay in aan ahay ma-yaqaan.” in falalka wanaagsan ee ay lee yihiin dadka wanaagsan ay ka mid tahay, “in ay hadalka yareeyaan, dhegaysiga na badiyaan.” Dabadeed na, geyllan badan waxa aan u galay sidii aan u kobcin lahaa kasmadayda iyo akhlaaqdayda, iyo sidii aan u noqon lahaa “tusaalaha kowaad ee samaanta.” Jaallahay, waxa aan u arkay cirsankayeedh uu ii soo diray Allaha Weyn, xilli aan u baahnaa labada ba badbaado nafeed iyo horumarin nafeed, xaqiiqdii. Alla jaallahay qiime badanaa . . !!
T.  Xilligii akhriska aan bilaabay, wax ma qori jirin, iska ba daa in aan noqdo qoraa e. Waayihii dambe ee aan akhriska joogteeyay, hannaaneeyay na, waxa uu si kalsooni ay ku jirto ii gu sheegay, in aan isku dayi karo in aan wax qori karo, qalbigayga na ay ku kaydsan tahay xogo fiican oo aan u kaashan karo qoraalsamaynta. Taa anigu u ma aan aan arag oo qudh ah talo uu i siiyay jaallahay, ee sida oo kale waxa aan u arkay bilow aqoonsi ah oo daaran abaalmarin mudnaan iyo tusmo badan huwan. Waa aan ku dhaqaaqay taladaa; Mey 11, 2013, mareegaha Soomaalida waxaa lagu faafiyay qoraalkii kowaad ee aan qoray. Markii aan arkay qoraalkaygaa, ee cabbaar aan dhugtay sawirkaygii saarnaa iyo magacaygii ku saxeexnaa, xaqiiqdii, farxad baa aan la ilmeeyay, qof kasta oo aan aqaannay oo aan heli karay na waa aan la wadaagay, farxad darteed! Saaxiibkay, aad baa uu u bogaadiyay dedaalkayga, waxaa uu na igu yidhi weedh farxaddaydii sii labajibbaartay dhan, hammi hor leh na igu beertay dhan kale: Waxa aad noqon doontaa qoraa weyn! Waxa aan ku fikiri jiray, goorma ayaa aad sida Afrax, Aw Jaamac, Ibnu Qayyim, iyo Joorj Oorweel oo kale noqon doontaa, oo waxsoosaar maskaxeed yeelan doontaa. Waxa ay, raggaasi, ahaayeen raggii aan akhrin jiray hal’abuurkooda berigaa. Nafhurid badan ayaa uu ii sameeyay jaallahay, si joogto ah na waxa uu igu la wadaagi jiray fikirro badan oo aan wax ka qori karo, iyo farshaxanno badan oo aan qoraalkayga ku tayayn karo. Halkaa ayaa ay, dhabtii, ka timid jacaylka weyn ee aan jecel ahay jaallahay iyo qoraalka, iyo jacaylka weyn ee aan jecel ahay bulshadayda in aan baro jeclaysiiyo na akhriska iyo qoraalka. Alla jaallahay qiime badanaa . . !!
J.  Maalin Agaalli ah, goor caweys ah, jawigu qabow yahay, oo tirsigu yahay Okt. 13, 2012, ayaa aniga oo booqasho kedis ah ku tegay degelka caanka ah ee Somalitalk,” waxa aan ku arkay ka na akhristay maqaal magacbixintiisu aad iyo aad ii soo jiidatay, farriintiisu na aad iyo aad ii raadaysay. Hibo La Hilmaansan Yahay,” ayaa uu ahaa cinwaankiisuwaxaa na qoray aqoonyahanka weyn ee Soomaaliyeed, Dr. Saadiq Eenow. Fiidkaa ka hor, waxa aan ahaa qof aan ka faa’iidaysan jirin wakhtigiisa, oo in badan ku fasahaada ku na lumiya codtebiye joogid, laandhuu cayaarid, suuq wareegid, kubbad dheelid, iyo haasaawe tegid. Sidii cunug yar oo taagan wabi jiinkiisa oo yaxaas horor ahi si degdeg ahi u dafay, ayaa awood aan aan garanaynin qolkaygii iga saartay oo badda jiinkeeda i fadhiisisay. Fikir dheer ayaa ay dabadeed ii dirtay, ugu dambayn na go’aan ragannimo ah waxa aan ku gaadhay nimcadii uu Boqorku i siiyay ee aan ku gaaloobay in aan garwaaqsado oo ka faa’iidaysto, samaysto na jadwal maalineed oo si run ah aan u dhaqangeliyo (si wakhtigayga aan uga faa’iidaysto oo aan u samaysto maarayn wakhti). Bartan weeye barta ay ka timid qorshaha aan ku badhaadhay ee ah siddeed saacadood ayaan kasta in aan wax akhriyoka na dhalatay halkudheggayga caanka ah: Hal dhigane . . Hal maalin! Sida oo kale, waa barta ay ka timid halganka ugub ee aan ugu jiro in aan gaadho horumar dhinac kasta ah, si aan u xaqiijiyo iskufillaansho dhinac kasta ah. Alla jaallahay qiime badanaa . . !!
X.  Fikirkaygu iyo adduun’araggaygu waxa uu ku koobnaa beeshayda iyo degaankayga. Sootoosiddayda ilaa seexadkayga waxa qudh ah ee aan ka fikiri jiray waxa ay ahayd danta Dhulbahante iyo horumarka Gobolka Sool. Heerkaa iyada oo uu joogo fikirkaygu, ayaa uu jaallahay i baray labo nin oo wadaaddo ah si, filasoofyo na ah si kale, oo lagu kala magacaabo mufakkir Cusmaan Raabi iyo mufakkir Maalik binu Nabi. Raabi waxa uu durkiyay degaankayga: waxa uu iga soo kaxeeyay Gobolka Sool oo waxa uu i keenay Jamhuuriyadda Soomaaliya, dabadeed na taa qudhdheeda ayaa uu iga sii waday oo waxa uu i geeyay Dhulweynaha Soomaalida (Geeska Afrika). Maalik is na waxa uu ballaadhiyay dantayda: waxa uu iga soo kaxeeyay danta Dhulbahante oo waxa uu i keenay danta Muslimiinta, dabadeed na taa laftirkeeda ayaa uu iga sii waday oo waxa uu i geeyay danta aadamaha (Danta Kawnka). Si wadajir ah na, labadoodu, waxa ay kaalmo weyn ka geysteen badinta iyo tayaynta garashadayda, iyaga oo i baray baadhis aan ku hakanin ku na qotadheeraanin mushkiladaha ay baadhayso sababaha dhaliyay iyo tiirarka haya in ay noqonayso baadhistaasi mid guuldarraysata. Waxa ay i bareen, jeer kale, qiimaha uu lee yahay erayga la dhaho “fikir,’ iyaga oo hoosta ka xarriiqay sababta ugu weyn ee ay Muslimiintuoo ay kow ka tahay Soomaaliduu aragxun tahay u na fasahaad badan tahay in ay tahay shaqagabka ay ku sameeyeen eraygaa dheemanka ah. Godkani waa godka ay ka timid danaynta iyo hilowga badan ee aan u hayo dunida fikirka, u na noqday qof si ilbidhiqsi ah ugu hawllan u fikirka iyo ka fikirka ummaddiisa, iyo akhrinta daraasadaha gaareeya caalamkaa cajabta badan leh. Alla jaallahaygu qiime badanaa . . !!
Kh.  Hiddaha iyo dhaqanka Soomaalida waxa aan ku arkaynnaa maaddo shacni badan leh oo ay ku baraarugeen Soomaalidu waa hore: waa sahanka. Kolka bulsho ay rabto aag ay degganayd in ay ka guurto abaar ama colaad ka jirta darteed, iska ma ay san guuri jirin oo “hortay dhaqaaq” xaaladdoodu ma aan ay ahayn e, waxa ay samayn jirtay sahan qaadan jiray maalmo badan iyo daraasado badan, loo na diri jiray mudane kasmo badan iyo waaya’aragnimo badan lahaa. Arrintaa aniga oo og se si cilmi ah aan aan ugu baraarugsanayn waxtarkeeda, ayaa uu jaallahay gacanta i qabtay oo dalxiis igu geeyay meere magaciisu yahay “aqoonbaadhis.” Halkaa wax badan oo badan ayaa aan ku soo arkay, ka na dheefay. Tusaale ahaan, waxa aan labada ba si fikri ah iyo si fal ah u soo bartay, in diyaaradda aqoonbaadhis lagu magacaabaa ay ka duusho labo garoon oo heer caalami ah: (1) garoon lagu magacaabo “Garoonka Caalamiga ah ee SHEEGE,” oo diyaaradda ka kacdaa ay tahay ujeeddadeedu dhibaato jirtay, jirta, ama ifafaalaheedu muuqdo in ay soo sawirto, soo na ogaato sababaha runta ah ee dhaliyay (ama dhalinaya), qodobbada jirsiiyay (ama jirsiinaya), iyo hababka habboon ee lagu xalliyay (ama lagu xallin karo); iyo (2) garoon kale oo lagu magacaabo “Garoonka Caalamiga ah ee IFTIIMIYE,” oo diyaaradda ka kacdaa ay tahay ujeeddadeedu fursad jirtay, jirta, ama ifafaalaheedu muuqdo in ay soo sawirto, soo na daahfurto sababaha runta ah ee abuuray (ama abuuraya), qodobbada suurageliyay (ama suuragelinaya), iyo hababka habboon ee looga faa’iidaystay (ama looga faa’iidaysan karo). Labo diyaaradood oo kasta oo labadaa garoon ka kala duula waxa ay isku arkaan maqaaxi lagu magacaabo “sahan baadhiseed”oo ay ka wada qadeeyaan, illowse cunnooyin kala duwan ay ka dalbadaan. Taasi, kolkaa, waxa ay i bartay muhiimadda badan ee ay lee dahay sahansamayntu. Waa na sababta macnawiga ah ee keentay inta aan aan dhigane qorin oo ummaddayda buug ku soo kordhin, in taa ka hor maqaallo, curisyo, sheekafaneedyo, iyo baadhisyo badan qoro, si aan qalinka iyo qoraalka ugu tababbarto si hadhow aan u qoro kitaab qiime iyo tayo badan leh. Waa isla sababta macnawiga ah ee keentay inta aan aan guur samaynin oo ummaddayda qoys ku soo kordhin, in taa ka hor wax badan ka barto caalamka haweenka, aqoonta maammulka qoyska, fanniga wasmada, iyo cilminafsiga gaarka u ah gabadha Soomaaliyeed, si aan akhriska iyo baadhista ugu tababbarto si hadhow aan u yagleelo qoys qiime iyo tayo badan leh. Alle jaallahay qiime badanaa . . !!
Kuwaasi, waa ummuuro shan ah, oo ka mid ah dheefaha tirabeelka ah ee saaxiibkayga aan jecel ahay ee magaciisu yahay “akhris,” ciddiisu na tahay “af,” aan ka korodhsaday. Jaallahay, aan xog lagamamaarmaan ah kaa siiyo e, ma aha qof oggol in ay bartaan cid ama dhaqdhaqaaq gaar ah, ee dhabtii waa qof oggol in ay bartaan cid ama dhaqdhaqaaq kasta, xeer la’aan! Ma yaqaan, tabta oo kale, nacaybka iyo seeflaboodnimadaee, taa beddelkeeda, waxa uu yaqaannaa jacaylka iyo dulqaadka. Waa mudane, barbaariye, iyo taageere bashaash iyo daacad ah, diyaar na u ah mid wal oo soo martiya in uu ku qaabilo weji furfuran, qalbi faraxsan, iyo niyad filanuu na dhiso shakhsiyaddiisa iyo dhaqankiisa, ka dhigo hal’abuur iyo mufakkir weyn, fahamsiiyo qiimaha wakhtiga iyo firaaqada, kobciyo fikirkiisa iyo adduun’araggiisa, oo ugu dambaynlaakiin ma aha tii u dambaysay eguddoonsiiyo furaha guusha. Waa uu ku hodminayaa ku na tayaynayaa saaxiibkay, ilaa heerka u sarreeya mid wal ba. Sidaa daraaddeed, waxa aan kugu la talinayaa, si dhakhso ah in aad uga war doonto, oo aad u la tagto ujeeddo san iyo wadne saliim ah. [Jaallahay waa aniga ku baray e, kaa na codsaday in aad qiimayso e, bal ka warran?! . . . . Sidee u aragtaa?!]







W.Q.: Jaalle Maxamed Cabdirisaaq Saciid Samiik
Qoraa iyo aqoonbaadhe Soomaaliyeed
Boosaaso, Bari, Soomaaliya
Lamme, Feebarweri 20, 2017—01: 00 G.H.