Tirada Soo Booqatay

Saturday, December 17, 2016

Muhiimadda Akhrinta Iyo Xifdiga Qur’aanka

Shaqooyinka ugu wanaagsan ee Eebbe Weyne loogu dhawaado isla jeerkaa na lagu kasbado ammaan, wanaag, iyo darajo badan waxaa ka mid ah oo kaalinta kowaad ku jira xifdiga hadalkiisa sarraynta badan leh. Dabci ahaan aadamuhu si uu noloshiisa u fududeeyo u na horumariyo waxa uu baadidoonaa oo si fiican u qabtaa wax wal ba oo arrintaa ka kaalmayn kara. Waa sababta maansooyinka, halkudhegyada, halhaysyada, odhaahyada, xigashooyinka, xeerarka, iyo tusaalayaasha wanaagsan u xifdiyaan, qalbiga ugu qortaan, u daliishadaan, oo noloshooda ugu sharraxdaan. Haddii hadalka caadiga ah ee bani’aadamku ku hadlay muhiimaddaa iyo weynaantaa cajiibka ah lee yahay, maxaa ka wanaagsan oo ka qiime badan hadalkii uu ku hadlay Casiiska Korreeya ee dunidan iyo iyaga ba abuuray?! Hubaashii jawaabta saxda ahi ee caqliga fikirayaayi celinayo waxa ay noqonaysaa sidatan: “Wax hadalkaa ka qaalisan oo uga mudan in la qaybo xaqiiqadii ma ay jirto.” Sidaa haddii aan isla fahamnay, waxa aan dhab ahaantii hadda na ogaanaynaa hadalkaa mudnaanta xifdigiisa in ay adillo badan ku soo arooreen, kuwaa oo ina tusinaya wacnaanta badan ee ku jirta qaybiddiisa, iyo dheefaha badan ee xigtadiisu dheer yihiin guud ahaan bahda Mulimiinta. Halkan waxa aan ku soo gudbin doonnaa qaar ka mid ah tusiyaashaa, innaga oo uga dan leh Muslimiinta haatan ee qalbixidhanku ku dhacay in ay ku baraarugaan, ogaadaan na mas’aladani in ay ilaa xad yaraysanayaan, oo aan ay garasho xattaa dhexdhexaad ahi fahamkeeda u lahayn.
Waxaa ku soo arooray ahmiyado badan akhrinta iyo qaybidda Qur’aanka kuwaa oo cid wal ba ba (oo xattaa aan Muslim ahayn) si fudud uga garaabi karto ahmiyadnimadooda. Mar kowaadkii, xaraf wal oo ka mid ahi waxa lagu helayaa darajo toban xiddigood oo wanaag ah oo xisaabtooda uu Mawle la gaar yahay. Xadiis uu ibnu Mascuud (I.H.K.R.N.) Nabi Maxamed (N.N.K.H.A.) ka werinayo ayaa ajarkaa badan ee in lagu degdego oo lagu tartamo tahay inoo sheegaya. “Qofkii xaraf ka mid ah Kitaabka Eebbe akhriya waxa u sugnaatay wanaag . . wanaaggaa oo ahaaday toban xiddigood . . . idin ma lihi alif’laam’miiim waa xaraf qudh ah, wax se aan idin lee yahay alifku waa xaraf, laamku waa xaraf, miimku na waa xaraf (Bukhaari, Taariikhul Kabiir, 1/216).” Sida ay isku raacsan yihiin badanka culimada waaweyn ee xadiiska, erayga “xaraf” ee xadiiskaa ku jira waxa looga jeedaa xuruufta alif’b’da, ee looga ma jeedo xarafkii eraybixinta ahaa ee u dhigmay “eray” ee agtooda layaqaanka ka ah culimada fanniga naxwaha ku talaxtegay. Waxaa kale oo xusuus mudan in culimada Muslimiiintu isku raacsan yihiin akhrinta iyo xifdiga Qur’aanka in ay tahay cibaado weyn oo fadli badan leh, taa oo addoonkii si ikhlaas ah u sameeyaa akoonkiisa buuxin karta, si weyn na uga farxin karta. Kol haddii ay cibaado Raxmaanka loogu dhawaanayo oo darajo lagu helayo tahay, waxaa in la is weyddiiyo ama weyddiin in laga keeno ba khalad noqonaysa, maxaa Qur’aanka loo akhrinayaa ama xifdigiisa loo dhiirri gelinayaa. Haddii xarafkii keli ah tobankaa xiddigood lee yahay, bal aayadda Qur’aanka ugu yar imisa xiddigood ayaa ay yeelan kartaa? Sida oo kale aayadda dhexdhexaadka ah? Sida oo kale aayadda Qur’aanka ugu dheer? Sida oo kale akhriska bog, maqro, xisbi, jus, iyo suurad?!
Mar labaadkii, xifdisanaha Qur’aanka xifdisan ee axkaamtiisa sida fiican u garanaya u na sugay, waxa uu lee yahay darajo adduuneed iyo mid aakhireed oo cid isku dhererin kartaa hubaashii aan ay jirin. Si aynnu arrintaa u caddaynno oo tusaalayaasheeda na u keenno, waxa aynnu jeerka kowaad lee nahay asaagii waxa uu kaga hormarayaa imaamnimada, teeda salaadda iyo teeda madaxtinnimada labada ba. Abii Mascuud al-Ansaari (I.H.K.R.N.) waxa uu xabiibkeena weyn ka wariyay xadiis qiime badan oo noo tilmaamaya sida imaamnimada loo kala lee yahay oo Ehlu Qur’aanka adduunka loogu faddilay. “Dadka ha hoggaamiyaan kuwooda Qur’aanka ugu yaqaan. Haddii ay Qur’aanka isku mid noqdaan, kooda sunnada badiya. Haddii ay sunnada isku mid noqdaan, kooda soo hor hijrooday. Haddii ay hijrada isku mid noqdaan, kooda weyn . . . (Muslim, 673).” Qaariga Qur’aanka yaqaan na ee sida wanaagsan u akhrinaya ayaa xaq u leh imaamnimada, xattaa haddii uu yahay aqoongaab fannigaa uun ku kooban, masjidka uu jooga na la joogaan aqoondheeryo badan oo magac weyn leh! Sida aad adigu iyo guud ahaan aadamuhu wada garan karaan, imaamnimadu waa mas’alo adag oo si adag loogu diriro oo wax wal oo wanaagsan iyo wax wal oo xun ba loo huro. Halka qudh ah ee ay dhacdo in ay oggolaadaan gaban aad u gu’ yar oo aad u magac iyo mustawe yar in uu hoggaamiyo, ku dabafaylaan iyaga oo raalli ka ah, oo boqorro, taajiriin, culimo, macallimiin, iyo mufakkiriin ahi, waa markan xaqiiqdii. Mar kale ma ay jirto! Darajadaa iyo booskaa sare waxaa gaadhsiiyay waa Qur’aanka uu erayadiisa xifdiyay, akhrintiisa na xariif ku noqday! Ma ay jirto wax kale oo gaadhsiiyay oo imaamnimadiisa ansaxiyay! Tabtan oo kale, ayaa haddii madaxtinnimada u tartamaan ama isku qabsadaan labo mudane oo si wal ba isku ceshan kara bal se Qur’aanka xifdigiisa iyo akhriskiisa ku kala mudan, waxaa madaxtinnimada lagu soo dhawaynayaa oo Kursiga Qaranka lagu sharfayaa kii Qur’aanka xifdisanaa ee qaariga wacan ahaa. Macnahaa waxaa ay culimadu ka fahmeen xadiiskaa, xadiisyo kale, iyo ishaarooyin dhowr ah, oo aynnu eegga halkan ku wada qori karin.
Jeerka labaad na waxa aynnu lee nahay asaagii waxa uu kaga hormarayaa darajada jannada. Akhriyaagu waxa uu lee yahay xaalad gaar u ah oo cid la gashaa aan ay diintu tiraabin. Haddii aynnu soo garannay darajadiisa adduunyada, oo aynnu soo ogaannay sharaf badan in uu lee yahay, sharaftaasi waxa ay buuxsamaysaa marka uu Alle agtiisa yimaaddo, oo jannada galo. Si uu Ilaahay (S.W.T.) dadka hadalkiisa bartay ee sugay u karaameeyo, dadka Ehlu Jannada na u tuso sharafta weyn ee ay lee yihiin, waxaa Nabi Maxamed (N.N.K.H.A.) ka sugnaaday xadiiskan: “Qiyaamaha qofkii Qur’aanka qaybay waxaa lagu odhan doonaa, akhri Qur’aanka—oo sidii kolkii aad dunida joogtay u akhrin jirtay oo kale u akhri—, darajada booskaaga jannada waa mid ku dhammaanaysa aayadda ugu dambaysa ee akhriskaaga (waxaa soo saaray Imaam Axmed, Tirmidi, iyo abuu Daa’uud . . waxaa na saxeexiyay xadiis yahan Albaani).” Xadiiiskaasi waxa uu inoo faa’iidaynayaa, kow, macnaha erayga “akhris” ee halkaa ku yimid in looga jeedo “xifdin”; labo, qof ba qofkii uu ka xifdin badnaa in uu jannada dhexdeeda kaga darajo sarreeyo, maadaama jannadu darajaad lee dahay; iyo, saddex, qofkaasi in uu jannada dhexdeeda darajo ba darajo uga sii baxo waxa qudh ah ee sababay in ay tahay, kolkii uu adduunyada joogay muhiimaddii uu siiyay Qur’aanka xifdigiisa. Haddii ba qofkii toban aayadood uun yaqaannay uu toban jeer kor u sii baxayo, maxaa aad xaqiiqadii u malaynaysaa, akhriste, kii aayadaha Qur’aanka oo dhan yaqaannay?! Sow 6236 jeer kor u dallacmi maayo oo darajada ugu sarraysa gaadhi maayo?! Cajiib . . !!
Mar saddexaadkii, wanaagga badan ee xaafidku lee yahay waxaa ka mid ah in uu qiyaamaha rafiiq la noqonayo malaa’ikta baarriyiinta ah ee barakaysan. Xadiis ay hooyadeen qaali, Caa’isha ina Abuubakar (I.L.R.H.K.N.), ka werisay aabbaheen qaali, Maxamed ina Cabdullaahi (N.N.K.H.A.), waxa uu yidhi suubbanuhu: “Shakhsigii Qur’aanka akhrinaya isaga oo akhrinta xariif ku ah waxa uu la jaalle noqonayaa malaa’ikta baarriyiinta ah ee barakaysan . . . (Bukhaari, 4653; Muslim, 798).” Kaasi haddii uu yahay xaafidkii tajwiidyaqaanka ahaa, kii isagu carrabkiisu culuslaa, ee akhriska iyo xifdigu ku adkaayeen, waxa uu suubbanuhu noogu sheegay isla xadiiskaa in uu lee yahay labo ajar—ajar dedaalkiisii ah, iyo ajar dhibkii uu la kulmay ah. Xadiiskaasi waxa aan ka faa’iiidaysanaynaa, xattaa haddii akhrinta iyo xifdiga Qur’aanka qaarkeen dhibaato badan kala kulmaan, in ay dhibaatadaa uga harin hawshaa wanaagsan, ee ay geesinnimo iyo geyllan badan muujiyaan, si ay labadaa ajar u helaan, labadaa oo Aakhiro wax badan u goynaysa hubaashii. Sida oo kale waxa aynnu ka faa’iidaysanaynaa wax cudurdaar ah Maalinta Dambe in aan loo haynin qofkii ku andacooda in aannu Qur’aanka baran sabab kasta oo uu sheego. Suubbanuhu isaga oo ka hadlaya fadliga ay lee dahay goob Qur’aan lagu akhriyaa waxa uu yidhi: “Dad guri ka mid ah Guryaha Guulle ku ma kulmaan iyaga oo doonaya Kitaabka Kariimka in ay akhriyaan, iyo in ay daraaseeyaan ba, illaa haddii ay sidaa sameeyaan, waxaa ku soo degaysa deganaansho, waxaa daboolaysa naxariista Eebbe, waxaa waardiyaynaysa Malaa’ikta, waxaa na agtiisa ku xusaya Eebbe Weyne (waxaa soo saaray Muslim, abuu Daa’uud, Tirmidi, Nisaa’i, ibnu Maajah, ibnu Xambal, I.Q.K.).” Xadiiskaasi waxa uu noo faa’iidaynayaa xattaa qof in uu kulankaa goobjoog ka noqdo oo hawshiisu dhegaysi uun ku koobnaato, in aannu xattaa ka qadaynin deganaanshahaa, naxariistaa, waardiyayntaa, iyo xusitaankaa Eebbe. Bal ka warran kuwii akhrinayay ee daraasaynayay?! Cajiib . . !!
Mar afraadkii, waxaa jira xadiis haddii aynnu maqalno oo macnihiisa fahmno inoogu filan waano iyo waxsheeg ku saabsan, iyo muhiimad iyo adkayn ku saabsan, xifdiga iyo akhriska Qur’aanka. Rasuulku waxa uu inooga digay qof Mu’min ah oo hadda na qalbigiisa aan wax Qur’aan la dhahaa aannu ku jirin. Xadiis uu ibnu Cabbaas (I.H.K.R.N.) Nabiga ka wariyay waxa uu Mustafe (N.N.K.H.A.) yidhi: “Ruuxii aan qalbigiisa wax Qur’aan ahi aannu ku jirin waxa uu la mid yahay guri kharaab ah (Imaam Tirmidi—xasan-saxeex). Waa tusaale nool oo ina dareensiinaya innagu na amraya Qur’aanka qalbigeen na in aan ku weelaynno—sida aan ugu weelayn karo na waa uun in aan akhrinno oo xifdinno. Sida aynnu og nahay, guri kharaab ah waxaa ku nool dad kharaab ah iyo xayawaanno halis ah oo dilaa ah. Tabtaa oo kale, qofka aan qalbigiisu Qur’aan ku jirin waxaa qalbigiisa ku nool fitan iyo fasahaad badan iyo xanuunno nafsi ah oo xumaraadiye ah. Sida oo kale xadiis kale oo is na muhiimaddaa weyn dhiirri gelinaya oo uu weriyay abuu Umaama waxa uu Axmed (N.N.K.H.A.) lee yahay: “Akhriya Qur’aanka; waxa uu Maalinta Qiyaamaha imaanayaa isaga oo u shafeeco qaadaya jaallayaashii (Muslim, 804).” Qur’aanku keli ah waxa uu u shafeeco u qaadi doonaa, isaga oo wefdi ah oo suuradaha al-Baqra iyo al-Cimraan hor kacayaan, dadkii uu wakhtiga iyo dedaalka badan ka qaatay ee uu fadhiga, hurdada, haasaawaha, socodka, iyo raaxada dhalanteedka ah seejiyay, ee isaga uun jeclaa, akhrintiisa iyo xifdigiisa na ku raaxaysanayay.
Dhan kale, haddii aynnu u nimaadno garashada caadiga ah iyo dabciga nololeed ee aadamaha, waxaa aynnu heli karnaa sababo maangal ah oo akhriska iyo xifdiga Qur’aanka innagu dhiirri gelinaya. Sababta kowaad, waxa ay macallinka Qur’aanka ka caawinaysaa ardadiisu in ay macallinnimadiisa aqoonsadaan. Baadhisyada cilminafsiga ee majaalka tarbiyada waxa ay caddeeyeen xidhiidhka layaabka leh ee qanaacada iyo kalsoonida ka dhexeeya. Kol wal oo qanaacadu badato waa kol wal oo kalsoonidu kobocdo. Dhaqan ahaan aadamuhu waxa uu mahadiyaa oo soo dhaweeyaa qof wal oo waxa uu dhigayo yaqaan oo qaybsan, kaa oo aan u baahnayn mar wal in uu dhigane is hor dhigo, oo wax ka yeedhiyo. Tabtaa oo kale ayaa ardada yaryari, iyo waalidkood ba, macallinka Qur’aanka ee Qur’aanka yaqaan ee xifdisan, ee kolka uu rabo ardada in uu dhigo aan odhanayn “kitaabkii aaway” u qiraan ku na qancaan macallin wanaagsan oo xariif ah in uu yahay, dabadeed na siiyaan kalsoonidooda iyo danayntooda oo dhan. Sababta labaad, daaciga iyo doodaaga Muslimka ah waxa ay ka caawinaysaa in farriintiisu faafto oo saamayn yeelato. Sida aynnu garan karo, farriin wal si ay u faafto oo saamayn u yeelato, waxaa muhiim ah in ay cilmiyaysan tahay oo nuxuraysan tahay. Sidaa aawadeed, daaciga iyo doodaaga Muslimka ah cilmiyayntiisa diineed waxa ay san ka maarmaynin Qur’aan; sidaa daraaddeed, xifdisanaantiisa Qur’aanka waxa ay xaqiijinaysaa diyaargarowgiisa aqooneed, iyo suuragalnimada guulaysigiisa farriineed. Sababta saddexaad, waxa ay bulshada ka caawisaa imaamkooda in ay saxaan kolka uu qaldamo. Abuur ahaan aadamuhu waa mid hilmaan badan ama gefaf badan, sababtaa ayaa la arkaa imaam ay aayad ku dhegtay oo dhan na ba u dhaqaajin kari waayay. Cidda qudh ah ee uu imaamkaasi sixitaan ka filayo waa bulshada ku dabatukanaysa ee uu hoggaamiyaha u yahay. Ugu dambayn, waxa ay akhriyaaga ka caawisaa ummad dhan in uu baro isaga oo qalbigiisa ka baraya iyo in uu noqdo marjac kala saara ciddii wax Qur’aanka ka mid ah isku qabsata.
Gebagebadii, waxaa xusuus mudan oo in qormadan lagu gebagebeeyo ay tahay labo ammuurood. Midda kowaad waa in Qur’aanka aan maanta haysanno ee kitaabkiisu guri wal ba yaallo laga qoray quluubta dad ka mid ah dadkii wanaagsanaa ee Eebbe u fududeeyay in ay xambaaraan. Sababtii ugu weynayd ee soo dedejisay in la qoro waxa ay ahayd raggaa oo gabaabsi noqday oo wax badan oo ka mid ah dagaalladii diineed ku shahiiday, wax kale na si dabiiciyeed u geeryooday. Shakki waxa aan ku jirin haddii ay wada dhiman lahaayeen Qur’aankan aan maanta haysanno in uu la dhiman lahaa. Midda labaad, innaga Soomaali ahaan, iyo bulsho badan oo ina la mid ahi, Qur’aanku waxa uu innagu soo gaadhay dariiqa macallin-ka-qaadashada, oo kutubtu aad iyo aad iyo aad ayaa ay inoogu yaraayeen. Barayaashaa ayaa uu Eebbe ku ilhaamiyay furista madaaris waaweyn oo xer badan ka aflaxdo iyaga oo Qur’aanka laabahooda ka dhigi jiray. Macallin ba xer ayaa uu soo saaray ilaa ay ugu dambayntii xertii xerooyin badan soo saareen . . sidaa ayaa uu Qur’aanku jiilkeen na ku soo gaadhay, xaqiiqdii! Mugdi waxa aan ku jirin raggaa la’aantooda, Soomaalidu, Qur’aanku in uu soo gaadhi lahayn; haddii aannu soo gaadhi lahayn na waxaa weyddiin weyn ay ka furmi lahayd “xaqiiqada Islaamnimadooda.” Labada qolo ba waxa ay qaadhaan aad u badan ku darsadeen xifdinta Qur’aanla—waa na si ka mid ah siyaalaha aan aadamigu koobi karin ee uu Qaadirku Qur’aankiisa ku xifdiyo. Ammaan badan ayaa aan u haynnaa xifdiga Qur’aanka, haddii aan Soomaali nahay, waa na sababta keentay in aan kaga horrayno dalalka Islaamka oo dhan, xattaa Sacuudiga. Gunaanadkii, Qur’aanku waa hadalkii Alle. Wanaag iyo darajo ba intaa ayaa ugu filan dhabtii. Fadliga hadalka Eebbe hadallada kale dheer yahay waa fadliga Eebbe makhluuqaadkiisa dheer yahay. Qofka xifdiyay ee akhriskiisa wanaajiyay na waa Ehelkii Alle. Isaga na wanaag, ammaan, iyo darajo ba intaa ayaa ugu filan. Ruux ba ruuxa uu Eebbe uga dhow yahay waa ruux ba ruuxa uu ka wanaagsan yahay ka na darajo badan yahay. Dhammaanteen Eebbe ha innagu hanuuniyo akhrintiisa iyo xifdigiisa. Sida oo kale ha innaga dhigo kuwa agtiisa ugu qiimiga iyo wanaagga badan ee ah “kuwa Qur’aanka bartay dabadeed dadka sii baray (Bukhaari, Nisaa’i, Abuu Daa’uud, Tirmidi, iyo Axmed).” Aamiin.



















W.Q.: Jaalle Maxamed Cabdirisaaq Saciid Samiik
Qoraa iyo aqoonbaadhe Soomaaliyeed
Boosaaso, Bari, Soomaaliya
Agaax, Diseembar 16, 2016—01: 52 G.D.