Tirada Soo Booqatay

Thursday, April 28, 2016

Sidee U Arkay Aflagaaddadii Hawd Iyo Naqdigii Wadaaddada?


Muddo ba waa aan ka maqnaa adeegsiga Warbaahinta Bulshada. Sababta taa keentay, sida ay dad badani og yihiin, waa cillad ku timid xaruntaydii hore, ee dadku ay wada yaqaanneen. Arrimo badan oo waxkadhihis u baahnaa ayaa muddadaa i dhaafay. Ta ugu horraysay waxa ay ahayd dhallinyaradii Soomaaliyeed ee masiibadu ku timid. Taa haddii uu Eebbe idmo, aniga oo dareensan in aan laga run sheegin dhacdadaa sababaheedii iyo xalkeedii, curis ayaa aan ka qori doonaa. Ta ugu dambaysay na waxa ay ahayd Ibraahin oo mar kale, sidii lagu yaqaannay, dedaalladii uu sannadihii dambe ugu jiray duminta Islaamka iyo darajaynta Ilxaadnimada, mar kale tallaabo dhiirran qaaday, si uu xaaladda lidka ku ah uga faham qaato awooddeeda, isla markaa na raadiyo dariiqa ugu habboon ee yoolkiisa weyn geyn kara. Qoraalkan saddex amuurood ayaa uu daaran yahay: (1) in aan ku soo bandhigo aragtidayda ku aaddan shakhsigaas waxa uu yahay—aniga oo ka duulaya xogaha aan ka hayo; (2) in aan ugu mahadnaqo walaaladii sida wanaagsan ee qiimaha badan u naqdiyay; iyo (3) in aan talooyin u soo jeediyo dhallinyarada Soomaaliyeed ee odaygaas lunsan la safan.

Jiritaanka iyo joogista arladan ee cunsurka Soomaaliga ahi waa mid aan raalli laga ahayn sababo jira daraaddood. Sidaa awgeed ayaa ay, waa hore, sida sooyaalka ku cadi ay bilaabantay, dagaalka daalaca ah iyo ka dadban ee tan iyo waagaas lagu la jiro. Labo habood ayaa ummadaha sideenna oo kale ahi khariiradda looga saaraa. Midda kowaad waa xanuuno farabadan oo lagu beero nafsiyaddooda, garashadooda, fekerkooda, iyo si araggooda. Midda labaad oo taa ka natiijaqaadanaysa waa in lagu fuliyo qorshayaashii qarsoonaa ee dhaqan gelinta u baahnaa. Gumaysiga Soomaaliya oo galay wejigiisii labaad, sida aqoon yahanno badan oo sokeeye iyo shisheeye ahi ba wada qirsan yihiin, waxa uu diiradda saarayaa sidii Soomaalida loogu soo dhoofin lahaa aragtiyo iyo danooyin gaaleed, ka dib markii la hubsaday in hankoodii, garaadkoodii, iyo wadartoodii aad loo daciifiyay. Halgankaa dambe, oo hubaashii dunida aan ku cusbayn, waxa uu u baahday saddex arrimood oo muhiim ah: (1) helitaanka wadaaddo Soomaaliyeed oo weerarkaa ruuxiga ah loo adeegsado—waa na falsafadda ah “diinta kula dagaalan dadkeeda; (2) helitaanka aqoon yahanno Soomaaliyeed oo dedaal geliya minguurinta aragtiyada iyo ku qoridda erayo fudud oo la fahmi karo; iyo (3) helitaanka awood siyaasadeed oo labadaas si dhow oo aan muuqan u la shaqaysa.

Si aad u dhow ayaa aan u la socdaa, dhaqdhaqaaqyada uu Ibraahin Hawd samaynayay sannadihii u dambeeyay, ee ku wajahan doorka uu mashruucaa weyn ku lee yahay. Xogta aan helay intii aan ku guda jiray fahamka aqoontiisa, xiskiisa, fekerkiisa, sooyaalkiisa, iyo hab dhaqan-dabeecaddiiisa, waxa ii soo baxay labo maaddo oo sida qorraxda maanta ii gu cad. Maaddada hore waxa ay ka faalloonaysaa dhammaan gefafka waaweyn ee diineed ee uu galay (haatanna uu gelayo) in ay san ka ahayn aqoon darro, ee ay ka tahay caqiido faafin. Kolka aad loo miisaamo aqoonta wanaagsan ee uu af Carabiga iyo daraasadda Islaamka u lee yahay, isla markaanna si gooni ah loo qiimeeyo muddada dheer ee uu hawlahan ku jiray, lagu na daro xisaabta hab bandhigista aragtiyadiisa iyo luqadda uu u xusho, waa mid si weyn oo xaqiiqeed u caddaynaysa in aannu xaq iyo xal doon ahayn, ee uu xumaan iyo xasarad doon yahay. Maaddada labaad waxa ay faaqidaad ka dib sugaysaa labo cudur oo nafsaani ah oo uu la wareersan yahay qoraagu, tan iyo bar bilowgii geyllankiisa. Cudurka kowaad waa isaga oo Soomaali ah oo isirkiisa oo Muslimiin u badani raba in uu fahamsiiyo caqiiddadiisa Calmaaniyadda ee toobiyaha Mulxidnimada haysa, taas oo ay ku adkaatay habka uu u soo gudbin lahaa, iyo dabcan, sida uu uga falcelin lahaa doodda tiisa ka soo horjeedda. Cudurka labaad waa isaga oo mar mar ay ka xoog badiso caaddifaddiisa, isla markaanna go’aan degdeg ah ku gaadha in uu faafiyo rumayntiisa, isaga oo aan manhajaynin oo gudbinteeda wakhti iyo feker gelinin. Ugu dambayntii, waxa aan si buuxda horay iyo haatan u aaminsan ahay, Ibraahin in uu yahay: Calmaani buuxa, aad u cuqdadaysan,  xagjir ah,  oo darajada uu u socdaa na ay tahay Calmaani Mulxid ah.

Weerarka uu ku hayo diinta iyo ehelkeeda ma ahan mid sannnadkan, sannadkii tegay, iyo sannado ka horreeyay oo dhow bilowday; waa weerar uu soo waday tan iyo muddo dheer, bal se aad ugu hawl galay wixii ka dambeeyay labadii kun. Habka dumintiisu waa habka ay adeegsadeen Calmaaniyiintii hore—kuwa haatanna ay adeegsanayaan. Waa habka ka duula saddexda qaacido ee iyaga muhiimka u ah. “Culimada ceebee, si Caamada u duufsanno,” “Farriinsidaha dur, si Farriintu u dux beesho,”  iyo “Farriinta farriin ku beddel, si Aaminuhu u riddoobo,” waa falsafado dunida laga yaqaanno oo cid wal baa oo aaminaad jirta in ay ka takhallusto rabtaa, ay ku dhaqmaan, guul iyo guul darro ba kala kulmaan. Sida ay kow u ahayn Ibraahin in uu shareecada weeeraro ayaa ay san kow u ahayn dad badan oo wanaag la jecel in ay waaniyaan. Bal se dhammaantood, sida aan isla wada og nahay, waa aannu ku guul darraysannay in aannu qancinno, oo ugu yaraan aqbalsiinno in uu na la doodo. Dhaqammada uu lee yahay ayaa taas aad u diidaysa. Dhaqammadaa oo ay ka mid yihiin in uu san ahayn nin marka hore xisaabta ugu jirto in uu wanaagsanaan karo iyo in uu xumaan karo; in laga aragti duwanaan karo oo la naqdin karo; iyo in la la doodi karo oo si fiican loo burburin karo dooddiisa. Sidii aan horay u sheegay waa daaci keligii hanuunsan oo raba in uu hanuunkaa faafiyo—isaga oo dadka ka aragti duwan ka rumaysan in ay wada habowsan yihiin, hammi yar yihiin, oo hanuun u baahan yihiin!

Aflagaaddada uu u geystay Nabi Maxamed (N.I.N.K.H.A.) saddex ammuurood ayaa aynnu ka fahmi karnaa. Ammuurta kowaad waa in uu san soo bandhigin dood, ee uu soo dagaal tegay. Si dhab ah kolka la qiimeeyo qoraalka uu arrintaa ku sameeyay, waxa judhdhiiba gorfeeye wal oo fekerrada sida loo shiilo yaqaannaa fahmi karaa, in uu san ku qorin caqli degan oo miisaaman, ee uu ku qoray cadaadis qalbiyeed oo uu maamuli kari waayay. Sida uu u degdegay ee aannu qormada uga dhigin qormo-doodeed; sida uu isla markii ba u abbaaray ujeeddadiisa; sida uu xukunkiisa ugu fadhiisiin dhammaan daliillada badan(!) ee uu qaar hordhac ahaan u soo tebiyay; iyo luqadda xanafta iyo dirirtu ka buuxdo ee uu ku qoray ayaa ammuurta kowaad caddayn u ah. Ammuurta labaad waa in uu hubsiimo doon ahaa. Si loo ogaado ummad duulaan ruuxi ahi ku socdo in ay nooshahay weli iyo in kale, waxa lagu tijaabiyaa in la gano waran aad u sumaysan oo si dhakhso ah loo rido, si loo ogaado xaqiiqada “dareenka bulshada.” Amuurta saddexaad na waa in ay macne gaar ah u samaynaysay toogashadaas halista ah—taas oo haddii sida uu doonayay ahaato dhiirri gelin weyn siin lahayd (oo aragtiyooyinka kale ee gaaleed ee xerada ugu jira la soo ordi lahaa), haddii kale na ku khasbi lahayd ‘dib u gurasho xeelad feker’ wax lagu mesaali karo. Sida dambe haddii ay noqoto, badanaa Calmaaniyiintu, waxa ay la soo degdegaan qoraal xiisad-qaboojin ah, bal se loo ekaysiiyo soo laabasho buuxda—waa na sida uu Ibraahin sameeyay haatan, marar hore na uu sameeyay.  Isugee oo, aflagaaddadaa uu sameeyay waxa aan u arkaa mid uu san ku qaldamin, ee uu ku qanacsan yahay; iyo kaabad uu cagta la helay oo uga sii kori doono kaabadda ku xigta oo ah xukunno laga dhaliyo Nabinnimadii Nabi Maxamed (N.I.N.K.H.A.) ka hor. Waxa ay na walaalo badan oo doodahaygii hore aan ku baraarugin haatan ku baraarugeen, in meesha loo socdaa ay tahay Ilaahay oo Ilaahnimadiisa loo diidan yahay (Ilxaad), bal se Masjid, Wadaad, Af Carabi, Carab, Sunni, Shiico, Saxaabbo, Xadiis, Qur’aan, Nabiyo iyo Malaa’ig (oo soo socota) waxa laga dhiganayaa dhammaantood jaranjaro. (Qoraalkan ayaa aan hordhac fiican kaga bixiyay kooxaha lunsan ee innagu soo badanaya maanta.) 

Hambalyo aad u weyn waxa aan u dirayaa guud ahaan wadaaddadii iyo dadkii kale ee sida geesinnimada iyo gobannimada leh xumaantaa uga falceliyay. Gaar ahaan Sh. Cabdiqani Beder, Sh. Ibraahin Xirsi Galow, Sh. Mustafe Kaydsane, iyo Sh. Cabdirisaaq Cabdiraxmaan Xasan “Rakuub.” U hiilinta xaqqa waa waajib saaran qofka Muslimka ah. Waa hawl waajib ah oo heerar kala duwan, fiqhi ahaan, kala leh. Waa na mid ka mid ah shaqooyinka lagu mutaysto gelitaanka iyo ku waaritaanka Jannatul Firdowsa. Wanaag iyo darajo badan ayaa aan Eebbe dedaalkaa iyo dadnimadaa aad samayseen idiin kaga rejaynayaa. Doodaha Sh. Cabdiqani oo aan la dhacay, labo waxyaalood oo aan jeclaysan ayaa aan jeclaan lahaa in aan ku baraarujiyo. Ta kowaad waa adeegsiga erayga “mudane” oo aan ahayn magac-darajeed, ee magac-sharafeed ah. Qof hadh iyo habeen u taagan dullaynta Muslimiinta, duminta Islaamka, iyo darajaynta Ilxaadnimada, isla markaanna weerar cad isaga oo aqoon u leh diinta tiirarkeeda iyo sharciyadeeda ku soo qaadaya, oo qoraalladiisu qorshaysan yihiin, sinna ba u ma istaahilo in loo adeegsado wax sharaf ku xidhmaya—sharafta qofka Muslimka ahi waa diintiisa. Ta labaad waa adeegsiga luqadda daciifnimadu ka muuqato. Diin ahaan, qof wal oo la yimaadda dood adag oo xattaa Ilaahnimada Qaadirka weyddiin gelinaysa, bal se edabsan, daliilaysan, oo macnaysan, waxa loo adeegsadaa af jilicsan oo dhowrsoonaan aad u badani ka muuqato. Bal se xaaladdaa caksigeeda waa in la adeegsado luqad adag oo daliil iyo xujjo uun ka duulaysa iyo cabbir qumman.  Xaaladdan oo kale, dhacdadan oo kale, iyo ninkan oo kale ma aha kii ay waajibaysay hadalka in la debciyo oo awoodda sare laga kaaftoomo. Xaqiiqada biyakamadhibcaanka ahi waxa ay tahay, Ilaahay oo soo hanuuniya mooyaan e, ma aha Ibraahin nin aqbalaya dood wal oo qumman oo aayatiinkiisa badbaadinaysa—waayo u ma ba diyaarsana. Sidaa awgeed waajibka culimada saarani waa in ay dhallinyarada u digaan oo afkaartaas si aqoonaysan u naqdiyaan, isaga na sidii raggii la yaqaannay loo la hadli jiray loo la hadlo. Guud ahaan naqdigaasi waxa uu ahaa mid wanaagsan, munaasabaddiisii ku soo aaday, oo gobannimo weyn ka muuqatay. Sidaa awgeed ayaa aan uga kaaftoomay in aan mas'aladaa si cilmi ah u naqdiyo. 

Ugu dambayntii, markii aan aad u dhuuxay faallooyinka walaalada Ibraahin afhayeenka u ahi, waxa aan fahmay aqoon aan u lee yahay badankood saddex nooc in ay isugu jiraan. Nooca kowaad waa koox ku difaacaysa magac qabiil ama degaan. Dooddoodu kama baxsana “waar qoraagayaga noo daaya.” Nooca labaad waa dad aan aqoon badan u lahayn diinta, bal se ku khaldamay afkaartaas oo saxeex mooday.  Nooca saddexaad, u na dambeeya, waa qolo aqoon darro iyo qallafsanaan fekereed ay isku raaceen. Waa qolo la aragti ah—haddii aan ay qaarkood isaga ka geesisanayn! Si guud ahaaneed saddex talooyin ayaa aan siinayaa. Talada kowaad waa in ay Allaah (S.W.T.) ka baqaan oo masiirkooda dambe ilaashadaan. Talada labaad waa in ay diinta bartaan oo ehelkeeda ka bartaan. Talada saddexaad waa in ay aaminsanaantooda dood geliyaan haddii ay ku kalsoon yihiin, haddii kale na baadhis dib ugu noqdaan si ay kalsooni u soo samaystaan. Qoladaa dambe diyaar ayaa loo yahay goor wal ba oo ay doonaan, in aragtiyadooda la la gorfeeyo, si cilmiyaysan oo akhlaaqiyaysan.

















W/Q: Maxamed Cabdirisaaq Saciid “Samiik”
Qoraa iyo aqoon baadhe Soomaaliyeed
Boosaaso, Buntilaan, Soomaaliya
Uguux, Abriil 28, 2016

Tuesday, April 5, 2016

Buntilaan: 4.5 Qaadan Maynno Iyo Qaadannay!

Garoowe waxa lagu saxeexay, shalaytoole, heshiis dhexmaray Buntilaan iyo dawladda federaalka. Heshiiskaa sidii aan u arkay ayaa aan si cad halkan kaga faalloon doonaa. Maadaama arrintu siyaasad u laabanayso, si siyaasadaysan ayaa aan u hadli doonaa. Waxaa na isku dayi doonaa hadal uruursan oo macnaysan in aan idin la wadaago.

Ugu horrayntii, qoraal magacbixintiisu ahayd "
Aragtidayda Go'aankii Madasha" waxa aan ku caddeeyay taageerada aan u hayo hannaanka 4.5. Labo sababood ba maanta, nidaamkaas, laga ma gudbi karo. Waa ta hore e, ma jiro hannaan diyaar ah oo heshiis lagu yahay in uu beddelo hannaankaas, isla jeerkaa na xal iyo xaq ah. Waa ta labaad e, maamullada siyaasadeed ee dalka ka jira marka laga reebo Buntilaan, dawladda federaalka iyo Beesha Caalamku waxa ay ku heshiiyeen mar labaad in la soo celiyo, oo doorashada 2016 lagu galo. Cidda keliya ee qaadacday waxa ay ahayd Buntilaan. Sida ku cad qormadaas, waxa aan soojeediyay feker siyaasadeed ahaa labada hannaanba—hannaanka 4.5 iyo hannaanka degaanka—in la wada qaato; iyo in Buntilaan iyo beelaha kale ee diiddan wadahadal la la furo, la na qanciyo, Aragtidii ka soo baxday Madasha Wadatashiga Qaran, markii ay taariikhdu ahayd Jeenaweri 27 ee sannadkan, waxa ay waafaqsanayd aragtidayda siyaasiga ah ee jihaynta siyaasadda doorashada ee 2016.

Iyada oo dawladda federaalku ay ka duulayso talooyinkii faraha badnaa ee loo soo jeediyay, waxa ay socdaal rasmi ah ku timid Garoowe, si ay Buntilaan ugu qanciso in ay aqbasho codka badan, ee ay san Soomaaliyadii ay danteeda hooyada u ahayd meel cidlo ah uga ga dhaqaaqin. Maalmihii ugu dambeeyay oo Garoowe wadahadal xasaasi ah ka socday, waxa shalay lagu gaadhay heshiish lagu sheegay, in uu yahay, “heshiis taariikhi” ah. Hadda ba, waxa aynnu isku dayaynaa heshiiskaas aragti guud in aan ka bixinno, oddoros siyaasadeed in aynnu samaynno iyo in aynnu ogaanno, Buntilaan shalay iyo maanta ka ay saxsanayd.

Ka hor inta aynnu faallada u gelin labo arrimood aynnu isla fahamno. Ta kowaad, Buntilaan hannaanka ay aqbashay waxa ay ku diiddaysay arrin ay ku xabeebsatay oo ahayd: in uu caddalaad ahayn oo wakhtigan ku habboonayn. Ta labaad Buntilaan arrinta qudha ee ay ku aqbali karaysay waxa ay ahayd: in uu caddaalad noqdo oo wakhtigan ku habboonaado. Buntilaan, waxa ay dedaal siyaasadeed iyo dhaqaaleed u gashay sidii nidaamkaas looga takhallusi lahaa. Waxa ay abaabushay qabiilladeeda oo ay in badan ka dhaadhicisay xaaraantinnimada aqbalka hannaanka 4.5, iyo qabiillo kale oo Soomaaliyeed. Waxa ay ballan adag kaga qaaday dadkeeda mar na ba in ay san ka filan in ay u hoggaansamaan go’aankii Madasha Wadatashiga Qaran ka soo baxay. Hadda ba, waxa aan heshiiska ka faa’iidaysanaynaa qodobbadan soo socda:

1)                  Ugu horrayn, dawlad goboleedka Buntilaan waxa ay khayaamaysay oo dambi weyn ka gashay shacabkeeda. Wixii ay ugu dhaaratay ee malaayiinka jeer ugu soo celcelisay ayaa ay saacado kooban ku beenisay! Iyada oo aan talada ku soo celin waxgaradkii markii hore laga tala geliyay arrinka, isla jeerkaa na macnayn siyaasadeed oo la aqbali saro samaynin, ayaa ay siyaasiyiintu keligood wax lagu sheegay “heshiis taariikhi” ah (bal se “heshiis shirqool” ah) gashay!

2)                  Dhammaan qodobbadii lagu heshiiyay, markii aan si wanaagsan u akhriyay, dhan wal ba ka dhugtay, waxa aan ka dhex fahmay arrimahan:

v    Qodobbada inta ugu badan ma aha qodobbo cusub ama qodobbo guul weyn Buntilaan u ah. Waa kuwo ku jiray heshiisyadii hore ee la wada galay, ee fashilka ku dhammaaday. Kuwo khuseeya jihaynta doorashada 2016 oo Buntilaan aan gooni u ahayn, ee ay dawlad gobolleedyada kale kala siman tahay. Kuwo calaamadinaya hab doorashada iyo farsamada doorashada. Iyo kuwo ‘ammuuro xuquuqi’ ah oo dastuurka Soomaaliya iyo dastuurkeedu ba siinayo ka dhigtay guulo waaweyn oo ay dawladda federaalka ka faramaroojisay!

v    Qodobbada heshiiska ku jira waa kuwo aan faa’iido u lahayn maamulka, ama se aan fuli karin sharci ahaan iyo siyaasad ahaan labada ba. Beelihii ku bahoobay Buntilaan 1998dii maanta kuma wada dhamma maamulka. Sidaa awgeed, Buntilaan in awood loo siiyo in ay xubnayaasha beelahaa kaga qayb galaya labada aqal iyadu soo ansaxiso, oo uu madaxweyne Gaas yeesho saxeexa ugu dambeeya, waa qodobka la dhihi karo waa guusha Buntilaan marka arrinta dhan laga eego; dhan kale na marka laga eego waa qodob la dhihi karo waxa uu khilaaf siyaasadeed iyo dhaqaneed ka dhex bilaabayaa isla degelka gudihiisa, kaas, oo runtii, lagu tilmaami karo guul darro loo badheedhay. Si xaqiiqi ah oo waaqici ah haddii loo hadlo, Buntilaan, haddii ay jirto waxa ay federaalka kaga beddelatay hannaanka 4.5, waa in ay u xoog sheegato beelo ay aaminsan tahay in ay u xoog sheegan karto. Bal se, waxa mar wal ba hubaal ah, cid la khasbi karo maanta in ay san jirin; hannaanka qabiilaysigu na xorriyad buuxda ayaa uu siinayaa qabiil wal ba dantiisa iyo qorshihiisa.

v    Heshiisyadii hore ee ay wada galeen Buntilaan iyo dawladda federaalku dhammaantood waa ay fashilmeen. Xattaa heshiiskii lagu go’aamiyay 4.5 in aannu soo laaban 2016-ka, oo Beesha Caalamku damaanad ka ahayd, isla iyada ayaa soo celisay, oo haatan in la dhaqan geliyo maal iyo muruq u adeegsanaysa. Sidaa awgeed, 4.5 in aannu soo noqon 2020-ka, waxa ay ka mid ahayd heshiisyadii Madasha Wadatashiga; in uu soo noqon doono iyo in kale na ma aha wax si weyn loo hubo oo lagu doodi karo. Ha se ahaato e, iyada oo heshiisyadii hore ee Beesha Caalamku damaanad qaaday sidoodii u wada fulin—ama wada fashilmeen—, sidee ayaa uu heshiis ay IGAD damaanad qaaday u fuli karaa?! Maxaa tallaabo ah oo ay IGAD ka qaadi kartaa haddii xukumadda Fiilla Soomaaliya oo ballan-burin dhaqankeeda ugu weyn yahay ay heshiiskaa jabiso? Ka hor dhicii heshiiska ee mudane Xasan (oo weli ba qodobbada muhiimka ah astaan weyddiineed geliyay!) sow daliil weyn u ma aha in aan la isku hallayn karin Xasan iyo dawladdiisa?! Midda kale, heshiisyadii IGAD ee ay hore damaanad uga ahayd, sida kii Jubbalaan iyo dawladda federaalka, sidii uu u dhignaa miyaa loo fuliyay?!

3)                  Labadaa qodob innaga oo ka duulayna, Buntilaan waxa ay ku sheegtay heshiis, marka hore heshiis ma aha. Marka labaad na waxa ay ku sheegtay “heshiish taariikhi” ah ma aha sidaas, ee waa “heshiis shirqool” ah. Marka saddexaad na, waxa is afgaradkaasi xoojinayaa tuhun jiray oo ahaa, in uu Gaas qayb ka ahaa soo celinta nidaamka 4.5, isla markaa na oggolaa maamulkiisu, ee keliya shacabka Buntilaan ee aan wax ba ogayn loo jilayay riwaayad siyaasadeed danaysan. Marka afraad na is afgaradkaasi ma aha mid si dhab ah u dhaqan geli kara, ama loo fulin karo—ee xaqiiqdii waa mid uun danta laga lee yahay tahay, in dadweynaha Soomaaliyeed lagu akhriyo war sheegaya, in Buntilaan la qanciyay, tahay na awood aan la jiidhi karin oo aad u xoog badan!
  
 Gebagebadii, labo arrimood waa ay inoo cad yihiin. Ta kowaad, “Afow yeelkaa, uurow Allaa ku og,” ayaa ay Soomaalidu ku maahmaahdaa e, Buntilaan mar hore ayaa ay qaadatay hannaanka qabiilaysiga, ee ol’olihii weynaa keliya waxa uu ahaa awood lagu jahwareerinayay garashada dadka Buntilaan, isla markaanna gobannimadooda lagu addoonsanayay! Ta labaad, “Allow nimaan wax ogayn ha cadaabin,” ayaa ay Soomaalidu ku maahmaahdaa e, shacabka Buntilaan haddii ay ku baraarugeen maanta (oo si dhab ah u fahmeen shirqoolka madaxweynahoodu u maleegay), tolow sidee iyo habkee ayaa ay kaga falcelin doonaan mu’aamarada Garoowe lagu hindisay?! Shacabkii, maalmaha badan quluubtooda loo dhaadhacay ee xog wasakhaysan laga ga shubay, ee “No 4.5” halkudhegga looga dhigay, tolow sidee maanta looga dhaadhicin karaa halkudheggan cusub, “Yes 4.5”?! Waxgaradkii, maalmaha badan la wacyi gelinayay, waxa loo diiday hannaanka 4.5 loo kala dhigdhigayay, ee maanta, aan laga tala gelin go’aanka la qaatay, loo na kala dhigdhigin waxa lagu qaatay, tolow sidee fekraddooda loo beddeli karaa, oo maankooda loo wareejin karaa?! Buntilaan shalay iyo maanta kee baa ay saxan tahay?! Kee baa ay wanaag doonaysay? Haddii ay shalay lahayd 4.5 kuma jirto Maslaxadda Soomaaliyeed, sidee baa ay ku ogaatay maanta in ay ku jirto Maslaxadda Soomaaliyeed?! Oo shalay maxaa ay sidaa ugu arki wayday?! Axmed Madoobe iyo Cabdiweli Gaas waxa ay isu jiraan inta ay samada iyo dhulku isu jiraan! Ninna dadkiisa run ayaa uu u sheegay; ninna dadkiisa been ayaa uu u sheegay! Eebbow hal mar Haa iyo Maya ha naga wada yeedhsiin!

Aan faaqidaadayda ku soo xidho, “Barasho horteed ha i nicin,” ayaa ay Soomaalidu  ku maahmaahdaa e, shacabka Buntilaan waa uu bartay madaxweyne Gaas dhaqankiisa labo wajiilnimada ah. In ay nacaan iyo in kale waa weyddiin hor taalla oo halxidhaale ku ah!














W/Q: Maxamed Cabdirisaaq Saciid “Samiik”
Qoraa iyo aqoon baadhe Soomaaliyeed
Boosaaso, Buntilaan, Soomaaliya
Lamme, Abriil 4, 2016