“Sidee la
isku guursadaa?” ayaa uu, isaga oo aad uga cabsi qabay waxa loogu warcelin
doono, ayeeydii warsaday. Had iyo jeer waxa uu maqli jiray habel iyo heblaayo
ayaa is guursaday. Sida oo kale dhowr aroos oo kala duwan ayaa uu ka qayb
galay. Waa toban jir; aynigiis in badan ka garaad roon. Dhaqan ahaan, waa ay
adag tahay ilmaha yar ee Soomaaliyeed, weyddiimaha laabtiisa gubaya in uu,
waalidkiisa kula dhiirrado in uu hor dhigo. Taas waxaa sababa baqasho uu ka
qabo in la canaanto ama in la dilo. “Waa maxay guur?” iyo “Sidee la isku
guursadaa?” ayaa uu, si toos ah iyo si aan toos ahayn, marar badan isku weyddiiyay.
Warcelin se waa u waayay! Waa sababta uu ayeeydii ugu yimid. Naxariis iyo nacfi
badan oo uu ku qabo darteed ayaa uu soo naf biday. Waa uu og yahay aabbihii iyo
hooyadii mid na in uu arrintaas kala hadli karin. “Marka aad weynaanto ayaa
aad, maandhow, guur waxa uu yahay iyo sida la isku guursado ba garan doontaa,” sidaas
ayaa ay ku qalbi qaboojisay iyada oo muunsoonaysa. Hubaal ahaantii waxa ay
xaqdhowraysay gu’giisa iyo garashadiisa. Ha yeeshee, waa ay ka go’an tahay macluumaad
uu ku qanco in uu masaa’ishaa u helo.
Gu’yaal
badan ayaa ka soo wareegay. Ta hore si kediso ah jawaabteeda waxa uu ka helay
soojeedin uu ka dhegaystay codtebiye, goor galab ah. Se gadaal ayaa uu ka
ogaaday wadaadkaasi in uu Sh. Maxamed Cabdi Umal ahaa. Ta kale na waxaa si
qurux badan ugu qaadaadhigay mid ka mid ah jaallayaashiisa dugsiga sare. Ladan
haatan waxa uu dhammeeyay jaamacaddii. Waa shan iyo labaatan jir geedkaa le’eg
oo xoog iyo xeelad isku darsaday. Lixdiisa laxaad in ay u wada dhan iyo fay
yihiin waxa u dheer in uu yahay nin jamaal iyo jidh qurxoon, oo mis na maskax
furan iyo go’aan fula caan ku ah. Waxa uu lee yahay dhaqammo layaab leh. Waa
nin had iyo jeer qaladaadkiisa cashar ka barta. Oo had iyo jeer ka feejigan godadkii
uu ku dhacay mar labaad in uu ku dhaco. Aqoonta bulshada ayaa uu ku talaxtegay.
Eegga na isla jaamacaddii uu ka qalinjebiyay ka dhigaa. Waxa jirta sheeko uu
marar badan ka sheekeeyo oo ku dhacday intii uu waxbarashada sare ku jiray.
Taas oo noloshiisa wax weyn oo weyn ka beddeshay.
Arooryo
talaado ah ayaa uu mid macallimiintiisa ka mid ahi fasalka soo galay. Waxa uu
bilaabay dersigiisa in uu soojeediyo. Markii uu dhammeeyay ka dib ayaa uu
ardayda wax ka codsaday. Waxa uu mid mid uga codsaday halkii uu taagnaa in uu
tago oo waxa uu casharka ka fahmay naftiisa iyo ardayda la wadaago. Dhegaysi
badan ka dib ayaa uu, ardayda u sheegay, in ay wax badan akhriyaan, sii ba
Ladan. “Ardayeey wax badan ha la akhriyo,” ayaa uu yidhi baruhu. “Sii ba
Ladanow, adigu wax badan akhri.” Aad ayaa uu u damqaday. Waxa uu iska
dhaadhiciyay ka u liita ee damiinka ah in uu yahay. Jaallayaashii na marar
badan weedhaa ayaa ay ku duqayn jireen. Iyaga oo ku duraya in uu ka arradan
yahay dhaqanka akhriska. Feker adduun ayaa ku furmay. “Maxaa gaar ardayda lagaa
ga soocay?” ayaa dunida wax la isku weyddiiyo u jiidatay. Waxa uu u dhawaaday
in uu iska aamino daayac in uu yahay.
Fiidnimo
ayaa uu tegay maqaaxi lagu caweeyo. Bal se ma doonayn isagu in uu caweeyo. Waxa
uu u yimid meesha waa in uu neecawda qabow iyo jawiga wanaagsan ee meesha ku
nasto. Dabadeed na halkaa ku fekero oo caawa go’aan ragannimo ah qaato. Koob
qaxwe ah iyo biyo qabow ayaa uu dalbaday. Inta uu lugta midig ta bidix dulsaaray,
gacanta midig na dhafoorka midig ku muday ayaa uu dunida gorfaynta u socdaallay.
Waxa uu, si run ah, isku weyddiiyey heerkiisa ogaalka iyo garashada. Ilaa iyo
muggan waxa uu yaqaanno iyo waxa uu san aqoonin. Sababaha ka dambeeya akhris
la’aantiisa. Iyo haatan dabadeed, sida uu ahaanayo. La faqiddii iyo la
xisaabtankii naftiisa guul weyn ayaa uu ka soo xaqiijiyay. Weligii naftiisa
been u ma uu sheegin. Shir uu la qaatay na natiijo la’aan kuma dhammaan. In uu
wax akhriyo, dhaliisha loo soo jeediyay na iska saxo, oo uu asaagii tacliin iyo
waaya’aragnimo kula tartamo, ayaa uu go’aansaday. Si adag hoosta uga xarriiqay.
Oo inta uu dhoolacaddeeyay, lacagtii shaaha iyo biyaha na bakeeriga ka hoos
mariyay, yidhi: “Naf yahay akhriska waa aan kugu jirrabi.”
Qaybihii
ugu dambeeyay ee jaamacadda kaalinta kowaad ayaa uu galay. Maaddo wal oo loo
dhigo buug-kaashiyadii laga siiyay dhammaantood iyo kuwo dheeraad ah waa uu
akhriyay. Weyddiintii la keeno ba warceliyaheeda ayaa uu ahaa. Heer ayaa uu xattaa
gaadhay macallimiintiisa in uu la doodo; oo meelaha qaar kaga gar helo. Waa ay
la amakageen saaxiibbadii is beddelka weyn ee ku yimid saaxiibkood. Keliya ma
akhrin jirin dhiganayaasha iyo qoraallada talaxtaggiisa faaqidaya. Ee waxa uu
akhrin jiray wax wal oo uu filayo dheef in uu ka korodhsanayo. Waxa uu
garwaaqsaday akhrisku in uu yahay furaha horumarka iyo ilbaxnimada. In uu yahay
awood qof lihi qofka kale dheer yahay. In uu yahay waxsheegga ugu wanaagsan ee
xusuus iyo xifdin leh. In uu yahay quwad si muuqata u dhisaysa u na qurxinaysa
dhismaha aadame ee qaybihiisa ogaalka, garashada, fekerka iyo akhlaaqda. Iyo in
uu yahay diiwaanhaye ay ku kaydsan yihiin siraha nolosha guud ahaan, iyo gaar
ahaan, tabaha guusha lagu raadiyo lagu na sugo. Idaylkood wacaalka, wacyiga iyo
waaya’aragnimada qofka in ay durkiyaan oo dunidiisa juqraafi ahaan ballaadhiyaan,
ayaa uu yaqiinsaday. Maankiisa waxa qudha ee tilmaan amareed ku baxa ee ku soo
noqnoqda waa: “Wax akhri”. Waxa uu kala hufay dadkii uu yaqaannay. Intii ay
isla jaanqaadi karaan ayaa uu daystay. Lacagtii uu helo ba maktabad ayaa macaashta.
Si beeni ka dheer tahay ayaa uu akhriska wehel ka dhigtay. Waa uu na noolaaday
in ka badan intii uu noolaan jiray.
Waxa uu
galay nolol in badan ka quruxsan noloshii uu ku jiray. Awel wax cun, wax cab,
wax dheh ayaa ay noloshiisu ahayd; se eegga intaa waa ay ka macne buuran tahay.
Waxaa la dhihi karaa qofnimo cusub ayaa uu hantiyay ama qofnimadiisa ayaa uu
cusboonaysiiyay. Waxa uu gartay xuquuqda badan ee lagu lee yahay. Xaqqa Eebbe
ku lee yahay. Xaqqa naftiisu ku lee dahay. Xaqqa waalidkiisu ku lee yahay.
Xaqqa bulshadiisu ku lee dahay. Xaqqa deegaankiisu ku lee yahay… Ujeeddooyinka
loo abuuray ayaa uu si faham fog u fahmay. Waxa uu dhab u kala doortay labada
dhabbo ee mid na jannada ku aroorta mid na naarta. Labada waddo ee mid na guulaystayaashu qaadaan
mid na guul darrayaashu. Labada jid ee mid na nafta lagu boqro mid na nafta
lagu bakhtiiyo. In ay san u cuntamin ayaa uu ogaaday in uu nolosha khayaaliga
ah ku casuumanaado. Dunida raad nool in uu kaga tago ayaa uu dubaaqiisa ku guntay.
Waxa uu hubaa akhrisku in uu yahay ka sidan u beddelay. Ka sidan, sida uu yahay,
ka dhigay in uu yahay. Iyo awooddaa lamahuraanka ah in uu u adeegsado dadkiisa
in uu ku saameeyo oo ku samaaniyo.
Dedaalkaa
isla jaamacaddiisii ayaa uu ka bilaabay. Ardayda maalin wal ba marka uu u soo
galo iyo marka uu ka baxo akhriska ayaa uu kula dardaarmaa. Waxa uu yahay ayaa
uu u kala dhigdhigaa. Naftiisa ayaa uu uga soo amaahdaa tusaalooyin cad cad oo
ku dayasho mudan. Waxa uu ku soo celceliyaa weedh beryihii dambe halkudheg u
noqotay: “Akhrisku waa ka qaangaadhidda nolosha
aan kuu qalmin.” Sida oo kale weedh
murtiyeed kale ayaa uu ku macne iftiimiyaa qiimaha akhriska: “Akhrisku waa garowsiga sarraynta garashadaada.”
Saddex sannadood ka dib waxa ay sheeko wadaag noqdeen Xamda, oo ardaydiisa ka
mid ahayd. Sidiisii oo kale ayaa ay akhriska aad u necbayd. Waa sababta uu
ilgaar ah ugu eegay, oo dhankeeda dedaal badan ku bixiyay. “Ardayeey wax badan
ha la akhriyo,” ayaa uu yidhi maalin isaga oo xiisadda gunaanadayay. “Sii ba
Xamdaay, adigu wax badan akhri.” Waa odhaahdii saamaynta badan ku yeelatay, ee
ahaanshihiisa hagaag toosisay. Waxa uu tookadan u adeegsaday Xamda in ay
saamayso, oo jiritaankeeda ugubayso. Sidii ay ka dhigtay ayaa uu la rabaa iyana
in ay ka dhigto. Intaa kaga ma uu hadhin sidii macallinkiisu intaa ugu
gaabsaday e, kulammo badan ayaa uu keligeed la qaatay, si nolosheeda gaar
ahaaneed wax badan uga ogaado, oo dunideeda u kobciyo.
Si buuxda
ayaa ay isugu afgarteen in ay is guursadaan. Lacagihii uu jaamacadda ka qaadan
jiray oo qaarkood uu ganacsi ku furtay waxa ay u saamaxeen guri Fillo ah in uu
dhisto. Waa guri dhex ka dhis ah. Shan qol, saddex musqul oo mid qolka hurdada
ku taallo, labo jiko, barando yar iyo daarad weyn oo afarta bayni jiho ba u
fidsan ayaa uu ka kooban yahay. Soo doon gabadhii. Reerkoodii na si sharaf leh
u siiye. Maalmo ayaa tegay. Ka dib labo toddobaad. Maalin Isniin ah ayaa uu
dhacay arooskoodu. Dad badan oo isugu jiray jaallayaashood, barayaashood iyo
waalidiintood ayaa isugu yimidday. Ma uu ahayn aroos laga heesay laga na
niikiyay. Ee waxa uu ahaa aroos duco oo si qofeed iyo si wadareed ba loogu
duceeyay in ay isku waaraan. Oo ay ubad barakaysan isku dhalaan. Hoygoodu na
noqdo mid Soomaaliyeed oo danaha qowmiyadda laga ga fekero.
Qol ka mid
ah qolalka gurigu ka kooban yahay waxa loogu talo galay oo qudha in wax lagu akhristo.
Waaberiga kolka uu kadinka ka baxo fiidnimadii ayaa uu ku soo laabtaa. Iyadu na
maalintii oo dhan ilaa galabnimada hawsha guriga iyo hawlaheeda gaarka ah ayaa
ay ku mashquushaa. Dabadeed fiidnimadii ayaa ay qolkaa isugu yimaaddaan. Laga
bilaabo toddobada fiidnimo ilaa sagaalka caweysinimo ayaa ay wax akhriyaan.
Maalin wal ba hal buug ayaa ay akhriyaan. “Hal dhigane .. Hal maalin”,
halkudheggaa ayaa ay ku shaqeeyaan. Mid na ba mid gaar ah ma akhriyo; hal mid
ayaa ay wada akhriyaan. Saacadda tobnaad ayaa ay gudagalaan dood aqooneed ay ku
gorfaynayaan dhiganihii ay akhriyeen. Mid wal ba soojeedintiisa ayaa uu si cilmiyaysan
oo uruursan u soo bandhigaa. Dabadeed waxa ay soo wada saaraan aqoonmurtiyeed
qodobbaynaya wixii ay isla garteen. Waa sidaa noloshoodu. Sidaa qiimiga badan.
Sidaa maanta qoysaska Soomaaliyeed badankood laga la’ yahay. Si wadajir ah,
ayaa ay maalin Jimce ah, goor galab ah, guriga uu deggan yahay bare sare
Ibraahin booqasho ay ku lahaayeen tegeen. Waxa uu, si gaar ah Xamda saygeedu,
in badan uga mahadceliyey macallinkiisa sidii uu akhriska u jeclaysiiyay. Isagu
na waxa uu uga mahadceliyay sidii uu afadiisa u jeclaysiiyay. Sawir xusuuseed
ayaa ay wada galeen saddexdoodu, iyo dhigane kolkaa ustaadku qolka ku
akhriyayay.
Si aan
qiyaas lahayn ayaa uu qof wal ba akhriska u jecel yahay. Waa ay isku dhiirri
geliyaan oo ku tartamaan. Waa ay isugu faanaan oo isku xujeeyaan. Deriskooda,
xigtadooda iyo saaxiibbadooda ba waxa ay naanays uga dhigeen: “Lammaanihii
akhriska”.
Ixtiraamka, qaddarinta, wanaagga iyo karaamaynta mid ba midka kale u hayo reer
Soomaaliyeed oo ay dhextaallo ma jiro ama waa naadir! Wakhtigakan Xamda waxa ay
lee dahay uur siddeed bilood ah. Waxa ay shalay galab ka wada fekereen sidii
ilmahoodaa u noqon lahaa ilmo wax akhriya, oo dunida akhriska buqcad weyn uga
dhisan tahay. Sida oo kale waxa ay isku diyaarinayaan, in ay iska caawiyaan na
go’aan ku gaadheen, sidii ay wax u qori lahaayeen, oo xogta ay hayaan ummaddooda
la wadaagi lahaayeen. Waxa ay tiigsanayaan in ay tilmaanta heerkan ay joogaan
uga gudbaan tilmaanta kale ee ka sii qaalisan: “Lammaanihii qoraalka”.
W/Q: Maxamed
Cabdirisaaq Saciid “Samiik”
Qoraa iyo aqoon
baadhe Soomaaliyeed
Boosaaso,
Buntilaan, Soomaaliya
Uguux, Maarso 3, 2016