Tirada Soo Booqatay

Thursday, July 28, 2016

Sidee U Arkay Koobkii Dawlad Gobolleedyada Dalka Ee Muqdisho Ka Qabsoomay?

Shalay galab, waxa Garoonka Koonis lagu soo gebagebeeyay koob ay dawladda federaalku dhex dhigtay dawlad gobolleedyada dalka, kaas oo bilowday 15kii bishan. Cayaartii shalay oo gebagebo koobkan u ahayd ayaa ahayd, mid aad iyo aad u xamaasad iyo xiise badnayd, taas oo ay ka soo qayb galeen madaxda sare ee dalka, mas’uuliyiin ka kala socday golayaasha dawladda, safiirro metelayay dalalkooda, iyo kumannaan iyo kumannaan dadweyne ah oo qaarkood ka kala yimaaddeen magaalooyinka Kismaayo iyo Garoowe. Ugu dambayntii, cayaar adag oo la is mari waayay ka dib, waxa goolkulaad shan iyo saddex ah ku badiyay xulka Buntilaan, sidaa na ku hantay koobka, noqday na horyaalka dawlad gobolleedyada dalka. Kolka laga soo tago daawadayaashii sida tooska ah u daawanayay cayaarayahaas, waxa, sida oo kale, si toos ah iyo si toos aan ahayn ba u daawanayay kumannaan iyo kumannaan kale oo dalka gudihiisa iyo dibaddiisa ku kala sugan. Aniga oo kuwaas ka mid ahaa ayaa aan, maqaalkaygan, kaga hadli doonaa aragtidayda ku saabsan ammuurihii ugu waaweynaa ee ii bidhaamay intii aan fiirsanayay cayaarahaas. Intaa na waxaa ii dheeraanaya hambalyo aan diri doono, iyo codsiyo aan soojeedin doono. 

  Siyaabaha loo soo noolayn karo walaaltinnimadii iyo waddaniyaddii ay siyaasiyiinteennu iilka ku xabaaleen waxaa ka mid ah, kaalmaha ugu horreeya na kaga jira, abuuritaanka is jacayl iyo is lahaansho cusub. Waxaa si fiican loo og yahay in baratannada cayaaraha ee hufani kaalin aad u weyn kaga jiraan abuuritaanka jacaylkaas iyo, weli ba, naaxnaaxintiisa. Aragtidaa iyaga oo ka duulaya ayaa ay, Wasaaradda Dhallinta iyo Cayaaraha ee Soomaaliya, Xidhiidhka Kubbadda Cagta ee Soomaaliya, iyo Maammulka Gobolka Banaadir, waxa ay dowlad gobolleedyada Buntilaan, Galmudug, Jubbalaan, Koonfurgalbeed, Hiiraan/Shabeellada Dhexe, iyo gobolka Banaadir (oo maadaama uu tartanka martigelinayo ka qaybgalayaasha koobka lagu daray, ha se ahaato e tilmaan khaldan oo “dawlad goboleednimo” ah ku dheelayay!) ku martiqaadeen tartan jaadkiisu kow yahay, kaas oo ujeeddooyinka laga lahaa ay ahaayeen: is dhexgal bulsho, is barasho xirfadeed, walaalayn Soomaaliyeed, iyo muujin nabadeed. Run ahaantii annaga oo ag dalka xaaladdiisu haatan sida ay tahay, doorashooyinka ku soo waajahan, iyo abaabulka shirqoollada iyo qaraxyda ee sida maalinlaha uga dhaca caasimadda, aad baa ay u adkayd koob sidan u weyn oo u baahan dakhli badan, askar badan, iyo dulqaad badan in la qabanqaabiyo. Waxa aan si buuxda u qirayaa tallaabadaasi in ay ahayd tallaabo geesinnimo badan huwan oo ay qabanqaabiyaashu ku dhiirradeen.

Dhowr ammuurood ayaa aan ka bartay ama ii ga ga bidhaamay muddadii yarayd ee uu koobku socday. Ammuurta hore waa in Soomaalidu bislaatay, ama dheh ka daashay dagaalka iyo qaxa aan joogsiga lahayn ee noloshooda aafeeyay. Wejiyada bulshada iyo hadallada bulshada waxaa laga fahmayay dareen xoog badan oo sheegaya in ay nabad iyo horumar u baahan yihiin, degdeg na ugu baahan yihiin. Ammuurta xigtaa waa awoodda iyo saamaynta badan ee cayaaruhu lee yihiin, taas oo haddii si togan looga faa’iidaysto noqon karta, aalad fudud, macne badan, oo loo adeegsan karo samaynta deganaanshiyo iyo kala dambayn xeerar u laabanaysa, iyo doonis bulsheed oo u xusulduuban helitaanka koboc dhan kasta ah oo hoggaamin aragti iyo xeel dheeri kulansatay u laabanaysa.  Ammuurta taa xigtaa waa ilbaxnimada reer Banaadir, kuwaas oo si mas’uulnimo iyo walaaltinnimo ku jirto shacab iyo maammul ba u soo dhaweeyay walaalahoodii kale, intii ay cayaaruhu socdeen na dadnimo hufan iyo debacsanaan kalgacalnimo muujiyay. Ammuurta dambe na waa sida ay Soomaalidu kubbadda u baratay, taas oo cid wal oo kubbadda cagta aqoon iyo xirfad u lihi ay aad u la dhacsan tahay, sida xulalku u soo bandhigeen cayaaro iyo cayaartoy wanaagsan, taas oo ay tahay Xidhiidhka Kubbadda Cagta ee Soomaaliya fiiro dheer in uu u yeesho, oo cayaartoydii magaca Soomaaliya ku safan jirtay ee Banaadir uun laga xuli jiray haatan, siyaasaddaa fashilantay ee dalka ceebaysay wax weyn laga beddelo, oo degaannada kale la siiyo wakhtigooda iyo ka warhayn joogto ah.

Dhowr hambalyood ayaa aan halkan ka dirayaa. Hambalyada kowaad, u na weyn, waxa aan u dirayaa Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka ee Soomaaliya, oo isagu ahaa mas’uulkii tartankaas furay, xidhay na. Hambalyada labaad waxa aan u dirayaa Wasaaradda Dhallinyarada iyo Cayaaraha, Xidhiidhka Kubbadda Cagta ee Soomaaliya, iyo Maammulka Gobolka Banaadir, oo iyagu ahaa abaabulayaashii iyo kormeerayaashii koobkan, qurux ku furiddiisa iyo qurux ku xidhiddiisa na dedaal badan gashaday. Hambalyada saddexaad waxa aan u dirayaa dawlad gobolleedyada oo codsigii qabanqaabiyaasha aqbalay, soo na diray xul qalabaysan oo qanaacaysan. Hambalyada afraad waxa aan u dirayaa cayaartoydii koobkan ka soo qayb gashay, ee dheel wanaag iyo dhowrsoonaan wanaag muujiyay, dhaqan geliyay na ujeeddooyinkii tartankan loo qabtay. Hambalyada shanaad waxa aan u dirayaa warbaahintii kow iyo tobankii maalmood ba heegan u ahaa soo tebinta cayaaraha iyo falanqayntooda ba—si gaar ah warbaahinta Access Sports. Hambalyada lixaad waxa aan u dirayaa shakhsiyaadkii madaxabannaanaa ee soo qaadayay sawirrada qurxoon, ka na qayb qaadanayay gaadhitaanka ujeeddooyinkii koobkan loo qabtay—si gaar ah sawir qaadaha xirfadlaha ah ee Cali Cabdi Ducaale. Hambalyada ugu dambaysa waxa aan u dirayaa xulka kubbadda cagta ee Buntilaan, oo guul weyn in ay soo hooyeen ka dambow, ku guulaystay billadihii mudnaa, iyo in ay hantaan qalbiyada dadka Soomaaliyeed. 

Ugu dambayntii, waxa aan codsiyo u soojeedinayaa dawlad goboleedka Buntilaan, ganacsatada Buntilaan, iyo jaamacadaha Buntilaan ka hawgala. Dawlad goboleedka waxa aan ka codsanayaa soo dhawayn sharfan oo u qalanta xiddigaha soo guulaystay in ay ugu sameeyaan guud ahaan magaalooyinka degelka, iyo in Wasaaradda Dhallinyarada iyo Cayaaruhu ay si joogto ah oo sannadle ah u qabato Koobka Gobollada Buntilaan, xulkan na la siiyo abaalmarinno qaali ah iyo, koorsooyin lagu dhisayo xirfaddooda kubbadeed, wacyigooda kubbadeed, iyo anshaxooda kubbadeed. Ganacsatada waxa aan ka codsanayaa inta qof ee aan shaqaynin in ay shaqooyin wanaagsan oo degdeg ah siiyaan, iyo in shirkad wal ba dammaanad qaaddo koox dhan mushahaarkeeda iyo baahiyadeeda kale. Jaamacadaha na waxa aan ka codsanayaa inta qof ee diyaarka u ah waxbarasho sare in ay bilaash ku siiyaan, iyo intii kale ee aan awoodin koorsooyinka kale ee ay u baahan yihiin in ay siiyaan. Sidaa haddii la sameeyo waxa aan hubaa dhowr qodobbood oo waxtar ah in ay soo baxayaan. Qodobka kowaad waa in dhiirri gelin badan loo abuuray cayaartoyda shaqada adag qabtay, taas oo iya na dedaal badan gelin doonta cayaartoyda mustaqbalka. Qodobka labaad waa in ay dhallinyaro badan kaga badbaadayso noocyada kala duduwan ee balwadaha, ama dhaqannada casriga ah ee habowsan ee dhallinyarteennu ku dhammaadeen sida argagaxisnimada, tahriibka, iyo budhcadnimada. Qodobka saddexaad waa in dawladdu, ganacsatadu, iyo jaamacaduhu ku helayaan magac iyo maamuus badan, kaas oo aan ay illaawi doonin bulshadu, siyaalo badan na uga faa'iidaysan karaan. 

Aynnu ku wada faraxno farxaddan weyn ee dhallinteen na loo sameeyay. Aynnu ku wada faraxno sida reer Banaadir ay u diiddeen in ay is dhiibaan oo gobonnimada u doorbideen. Aynnu ku wada faraxno sida cayaarahani ay Soomaalida isu jeclaysiiyeen ee qalbiyadooda isu soo dhaweeyeen. Aynnu ku wada faraxno cayaartoydii qiimaha iyo qaayaha badnaa ee inoo soo baxay. Oo aynnu ku wada faraxno guusha walaalaheen reer Buntilaan oo koobkii ku guulaystay.


















W.Q.: Maxamed Cabdirisaaq Saciid Samiik
Qoraa iyo aqoon baadhe Soomaaliyeed
Boosaaso, Buntilaan, Soomaaliya
Carte, Luulyo 27, 2016—11:40 P.M.


Saturday, July 23, 2016

Aniga iyo Jaalle Asli


Tan iyo intii aan sheekadeeda maqlay aad baa aan u xiiseenayay la kulankeeda. Ma “xiisayn” oo qudh ah?! Waxa aan Eebbe ka baryi jiray inta aan dhiman mar uun indhahaygu in ay arkaan, afkaygu na haasaawe badan la yeesho. Ducadii waa uu aqbalay Eebbe. Arooryo suubban ayaa ay ahayd, aniga na ii ahayd, arootii ay timid Hooyada Labaad ee Soomaaliya: Boosaaso. Keligeed safarka ku ma ay ahayn, ee jaallayaal badan oo rag iyo dumar ahaa ayaa la socday. In kasta oo dhammidood wada caashaqsanaa, se jacaylka aan iyada u qabay sankuneefle aan u qabay ma jirin! Dhammaantood, ka dib markii aan isa salaamnay, laabta is gelinnay, waxoogaa kaftannay, meel noo dhawayd na sharaab qabow ka cabnay, waxa aan u soo galbiyay gurigayga, gaar ahaan qolka akhriska. Maanta ayaa aan sheeko dheer wada qaadannay Asli. Maxaa aad ka taqaannaa Asli?!
  
  Asli waa inan eegga waaya’aragad iyo aqoonley ah. Aad iyo aad u faraxsan, u na fiiro dheer. Oo la talinta dadka iyo kaalmaynta gabdhaha dhibaataysan aad iyo aad u danaysa. Haatan waxa ay dhammaysay waxbarashada sare iyada oo ku baramoostay dhibco aad u sarreeya. Waxa ay na nolol la samaysay nin wacan oo ay sifo xalaal ah isku guursadeen, kaas oo ay u dhashay wiil iyo gabadh, haatan na rejo fiican laga qabo ilmo saddexaad caloosha in uu ku jiro. Si wal ba xaalka Asli wakhtigan ha wanaagsanaado e, waxa dhab ahaantii jira dhibaatooyin badan oo ay nolosha ka soo aragtay, kuwaas oo mustaqbalkeeda qofnimo dhaawacyo badan u geystay!
  
  Yaraannimadii waxa ay ahayd gabadh waalidkeed aad u kolkooliyay, inta uu ku indhakuushay weli ba ku ataxiyaadsaday. Ubadka ay Aw Jaamac iyo Cambaro isku dhaleen iyada ayaa ay ugu jeclaayeen, dadku na ugu jeclaayeen. Jacaylkaas xadhko goostay ayaa sababay xorriyad furan in la siiyo—taas oo ay ka heshay fursad weyn oo meesha ay doonto ku aadi kartay, amminta ay doonta na aadi kartay. Waa gabadh Banaadir oo janno ah inta ay ku dhalatay, qoys barwaaqo ah na Eebbe ka beeray, xubin wal ba barartay, oo gebigeedu babbaay iyo batiiq soconaya noqotay! Geestaad ka dhugato ba dhaymadu waa ay ku barakoobaysay! Quruxdaa waxa u raacay akhlaaq sarraysay oo runtii qayb weyn ka qaadatay jacaylka badan ee qoyskeedu iyo bulshadeedu u hayaan. Ma ay noqon qof si xun uga faa’iidaysta kalgacalka loo qabay, iyo madaxbannaanida lagu darajeeyay; ha se ahaato e, bani’aadam iyo xume la ma kala baajin karo e, saaxiibteed Canab oo shaydaanku u soo maray, ayaa shirqool halis ah u dhigtay. Waa shirqoolkaas ka ay ka dhalan doonaan dhacdooyinka aan caadiga ahayn ee ay muddo badan ku casuumanaan doonto.
  
  Qofku iska ma xumaado ilaa xumuhu qalbigiisa soo gargaraaco, dabadeed ka furo, iska na celin kari waayo. Sida oo kale shaydaanku qalbi ku cusub xumo si degdeg ah u la ma soo doonto, jeer uu la jaallo u na sheego samaan aan tiro lahayn in uu u sido. Shaydaanku na marar badan waxa uu wakiishaa shaydaan muuqaal aadame leh, kaas oo qofka ku qanciya bayaankii uu wadaadkiisu u soo dhiibay, ka na kaalmeeya sidii uu u dhaqan gelin lahaa. Iyada, shaydaanku, waxa uu u soo wakiishay Canab oo ay isku dugsi ahaayeen, aad iyo aad na isugu wacnaayeen. Waxa ka qarsoonaa in ay ahayd naag muqayyilad iyo sigaarjiide ah oo aan habeen qudh ah nafteeda iyo sharafteeda ka fekerin; dhanka kale na dhillo iyo fataalad weyn ah, taqaana na xirfadaha looga baahan yahay qofka hawlahaas ku fooggan. Naagtaas, Canab, ayaa iyada oo doonaysay taksi geeya degmada Hodan oo ay degganayd, waxa ay si kediso ah isku arkeen baabuur ay ku dhex jireen Cali, oo saaxiibkeed hore ahaa, iyo Caddaawe, oo saaxiibkiis ahaa. Kaftan iyo is warraysi guud ka dib, labadoodu waxa ay Canab ka codsadeen in ay jaalle kale lugta ku soo darsato, oo ay u casuuman yihiin. Hawraarsan dabadeed, waxa goortii ay ballantu soo dhawayd u tagtay Asli, matoorkii geyn lahaa dhankaa iyo Masiibadii Weynayd na ku rakibtay, oo dhar inta ay ku jaftay hor hoggaamisay. Gaadhigii ayaa ay afartoodii wada raaceen. Labo labo ayaa loo fadhiistay!
  
  Caddaawe si wal oo uu nin weyn u yahay, ama xaas iyo ubad badan u lee yahay, ka ma aannu weynaanin ilbidhiqsi qudh ah hablaha edaabta leh ee aan waaya’aragga ahayn ee gacmaha ragga sumaysan ka badbaaday, in uu cudureeyo. Iyaga ayaa uu ugu jecel yahay, shahaado sare na ka sitaa, sidii uu u bikro jabin lahaa, dunida madowga iyo murugada badan na ugu dhex sii dayn lahaa! Waa sida uu la maaggan yahay Asli. Waa sida uu kolkii Canab u sheegtay in ay Asli ahayn naag la gedo ah oo taqaan na balwada iyo ragga sida loo shaadh iyo shahwad miiro, inta uu foosha ka qoslay ku yidhi: “Anigu waxaan ka helaa gabdhaha masaakiinta ah oo aamuska badan bal adigu gacantayda ku soo hubso aad aragtid sida aan u aqaan sida gabdhaha ugub loo godlee" (Bog. 9). Wax la soo warwareego ba gurigii Cali ayaa la yimid, oo labo labo loo fadhiistay. Ma ay oga Asli dhibta keli ah ee dhibaatooyinka badan dhaxalsiin doontaa in ay caawa u bilaaban doonto! Wacnaan lahaydaa iyada oo jaallaheed talasoojeedintii ay u soo bandhigtay ku gacan saydha! Fiicnaan lahaydaa iyada oo uu Caddaawe iska cafiyo! Hagaagsanaan lahaydaa iyada oo tushuush kale guriga ka dhex dhaco! Isaga oo adeegsanaya waaya’aragnimadiisa ballaadhan ayaa uu jacayl been-been ah u dhisay, mustaqbal mala’awaal ah na daawadsiiyay, oo iyada oo ku faraxsan dhalanteedkaa oo dheelmatay ka gaadhsiisayay istiin iyo galmo degdeg ah, dabadeed na sidii caagad casiirkii ku jiray la laacay oo kale inta ay fududaatay, miyirkii u soo laabtay—isagu na sii macasalameeyay iyada iyo jaallayaashii kale ba! Ax . . . . Xanuun badanaa!
  
  Illeen waa gaashaanti yar oo adduun-araggeedu aad u hooseeyo e, uurkii ay qaaday ayaa ay mooday xanuun dabiici ah oo maalmo dabadeed ka caafimaadi doonto! Oo sow kuwa waalidkeed iyagu na sidaa mooday ee duco iyo niyad-qaboojin badan isugu daray! Falkii ay fashay waxa uu kaga tegay feker, walbahaar, iyo xanaaq joogto ah! Oo gabadhani miyaa aan ay ahayn Aslidii babbaayga iyo batiiqa ahayd ee xubin wal ba dhiiqaysay? Oo sowtan qalashay ee gebigeed ba qolof nool noqotay! Qoftan Cusbitaalka Digfeer waalidkeed u la cararayo ma Asli baa? Oo toloow inanta yar maxaa ku dhacay? Digtoorku waxa uu sheegayo ma run baa? Baadhitaanku “uur in ay lee dahay” miyaa uu xaqiijiyay? Bal ha la hubsado! Waa xaqiiq miyaa sidaa?! Adduunoow xaalkaa ba’! Adduun nin noolow maxaa aragti kuu laaban! Cimrigaagoo dheeraadaa geel dhalayuu ku tusaa! Ma inantii xishoodka iyo dhowrsoonaanta badnayd ayaa uu “uur” labo bilood iyo badh ah ku soo baxay?! Ma inantii reer dhan ku indhakuulanayay ayaa ilmo “wacal” ah qaaday?! Ma ina Aw Jaamac ayaa “Waadhka Haweenka” la jiifiyay?! Adduunoow xaalkaa ba’! Ma Asli baa qofta yaabban ee natiijada ka naxsan ee digtoor Jimcaale ku leh, “Dotoore ha u sheegin waalidkey iyo dadkoo dhan in aan uur leeyahay” (Bog. 17)?! Ma hooyo Cambaraa ta ku calaacalaysa, “Alla gablamayeey!!! Alla gablamayeey!!! In ay saqiirtaa la ii qaatay” (Bog. 21)?! Ma Aw Jaamac baa ninka sarajoogga ka dhacay ee jugtu madaxa ka gaadhay ee ka dib markii uu miiraabay ku tiraabay, “Alleylehe wax kastaba aan fishee weligey cindigeyga ma gelin Asli baa ceeb kuu soo jiidaysa!! Adduunow magacaa ba’, tanina ma ii dambeysay?!” (Bog. 23)?! Ma Aslidii la jeclaa baa ta la dayriyey ee sidii qof dhintay laga samray?! Asliyeey maxaa ku fududeeyay waa aad ba fiiro dheerayd e?!
  
  Muddo badan ayaa ay ku noolayd cusbitaalkaas, ka hor umuliso Faadumo intii aan ay gurigeeda geynin—halkaas oo ilaa foosheedii ay ku noolayd. Wax ka yar saddex maalmood ayaa, midabkeedii awel qayirmay iyo jidhkeedii awel qalalay badweynta fool xumada si wacan ugu dhex dabbaasheenilaa ay Asli soo baxday Asli kale oo aan la ba garanaynin! Dhibaatooyin farabadan ayaa isugu yimid: reerkeedii oo dayriyay oo cuntadii, cabbitaankii, lacagtii, iyo hadalkii wanaagsanaa ee ay u keeni jireen ka goostay; bukaankii iyo kalkaalisooyinkii cusbitaalka ugu timid oo kolkii ay ogaadeen in ay ilmo garac ah siddo si ba’an u colaadiyay, caloosheeda na cudurro badan ku beeray; bulshadii ay ku soo noqotay oo afxumo aan dhammaad lahayn ku casuumay, ka na soo qaaday qof dhintay oo aan qiime iyo qaddarin lahayn, waajib na tahay in la takooro oo la tuuro; iyo, nafteedii oo kulansiisay mawjadaha murugada iyo gantaallada garwaaqsiga. Mashaqooyinkii ay Asli la kulantay waxa ay sawir naxdin iyo amakaag leh ka bixinayaan sida bulshadeennu ugu darran tahay gabadh rag ay xumeeyeen oo mar qudh ah geftay, iyo, sida dambiga ciqaabtiisa loo mariyo keliya gabadha, ee aan ay raggu dhibic murugo ah iyo ilbidhiqsi takoor ah la kulmin!! Intaa waxa dheer, waxa ay digniin buuxda u tahay gabdhaha Soomaaliyeed ee sebankan nool, in ay iska ilaaliyaan halaagga iyo hagardaamooyinka ragga aan ay bulshadu xukumin!
  
  Is ma ay dhiibin Asli. Waxa ay la timid soo laabasho buuxda—iyada oo Eebbe Weyne ka bariday dambigii ka dhacay in uu ka cafiyo, meelkabax wanaagsan na u furo; geesinnimo midda u weyn ee uu aadame sameeyo—iyada oo ballan adag ku qaaday godkii ay ku simbiriirixatay mar kale in ay ku simbiriirixan, isla jeerkaa na nolosheeda dib u dhisto oo quudhsiga ummadda ku dhex hafan; iyo geyllan hadafaysan—iyada oo cindiga ku qortay xumaantii ay samaysay wanaag in ay ku beddesho, waaya’aragnimadii ay heshay na mustaqbal wanaaggeeda uga faa’iidaysato, oo noqoto gabadha dadka ugu aqoon, karti, iyo ayaan wanaagsan. Muddo dabadeed waxa ay noqotay, markhaati na laga wada noqday, gabadha ugu karti iyo dhowrsooni badan ee magaalada, sida oo kale na ugu garaad iyo maskax wanaagsan.
  
  Halgankii dheeraa ee ay gashay labo hadaf ayaa ugu waaweynaa marka laga yimaaddo dhowrsoonideedii iyo sumcaddeedii in ay soo ceshato: in ay dib ugu laabto waxbarashadii, iyo in ay guursato nin xalaal ah. Shakhsiyaad dhowr ah ayaa geyllankaa qaadhaan wanaagsan ku darsaday. Sida walaalkeed, Cali-Ammuur, oo hadafka hore gacan ka geystay, ahaa na qofkii ku tashkiiliyay waxbarashadeeda in ay ku noqoto iyada oo uur leh, in badan na niyadda u dejiyay, oo booskii walaaltinnimo iyo booskii waalidnimo labada ba u buuxiyay; iyo umuliso Faadumo oo hadafka labaad gacan weyn ka geysatay, ahaa na qofkii gurigeeda ku soo dhaweysay iyada oo la dayriyay, in badan na niyadda u dejisay, oo booskii xigtannimo iyo booskii bulshannimo labada ba u buuxisay. Ugu dambayn, tacab iyo shiddo badan ka dib, hadafyadeedii waa ay ku guulaysatay. Sidii wanaagsanayd ee ay u shaqaysay waxa ay ku mutaysatay in lagu abaalmariyo jaamacad in loo diro: Jaamacadda Lafoole. Intii ay rag soo shukaansatay ninkii ugu kasmo iyo karti badnaa ayaa ay xalaal ahaan isku guursadeen: Xarbi. Sida oo kale waxa ay ku guulaysatay arooskeeda in ay ka soo qaybgalaan waalidkeedtaas oo ku timid dedaalkii badnaa ee ay isku daahirisay, iyo caawintii ay hooyadeed caawisay markii jirro adag ay ku habsatay. Qisada Asli iyo haasaawaha badan ee sheekada ku dhex jira waxa ka dhex muuqda shan arrimood oo qof isku darsaday ay adag tahay: waaya’aragnimo waayuhu iyo wakhtigu bareen, aftahannimo Mawluhu ugu deeqay, falsafado casharrada nolosha ka tuujisay, hadal-caddaan dheeraanshaha dhibaatooyinku ku sidkeen, iyo go’aan qaadasho ay isku xukuntay. Waa taa Asli maanta mutacallimad ah ee bulshada ka wacyigelinaysa xumaha idaylkiis, gaar ahaan mashaqadii qabsatay. Waa taa qof wal ba la talinaysa ee bulshadii xumaysay wanaajinaysa. Waa taa nolosheedii dhistay ee wax wal ba hagaag yihiin, ku na faraxsan tahay. Asliyeey noolidaa!
  
  ≈≈≈
  
  

  Qisadaasi waxa ay ku qoran tahay dhiganaha caanka ah ee “Ayaan-Daran.” Dhiganahaas uu qoray Dr. Cabdullaahi Sheekh Xuseen “Hantiwadaag,” daabacaaddiisa labaad, waxa ii soo hadyeysay jaallahayga qaaliga ah, Nimco ina Axmed Colaad Digaale “Qorane.” Iyada, iyo safiirkayga Hargeysa ee buugaagta, Xuseen Xasan Xuseen, si gaar ah ayaa ay u mahadsan yihiin. Labadii na ba waa aan idin jecel ahay. Weligiin ma iska kiin jeclaadaa?!






















W.Q.: Maxamed Cabdirisaaq Saciid Samiik
Qoraa iyo aqoon baadhe Soomaaliyeed
Boosaaso, Buntilaan, Soomaaliya
CaseLuulyo 17, 201603:40 P.M.