Feebarweri 23, 2012 waxa
dalka Ingiriiska lagu qabtay shir heerkiisu sarreeyay, kaas oo ay ka soo qayb
galeen tiro dalal ah oo konton ka badan iyo ururro caalami ah, isla jeerkaa na
laga ga hadlayay arrimaha Soomaaliya. Warmurtiyeedkii shirkaas ka soo baxay
waxaa ka mid ahaa, qodob sheegayay Soomaaliya iyo Soomaalilaan wadahadallo
siyaasadeed oo Beesha Caalamku taageerayso in ay isugu yimaaddaan, si ay isu la
qeexaan mustaqbalkooda. Iyada oo qodobkaa laga duulayo ayaa, labada dhinac ba,
tiro dhowr jeer ahi waddamo kala duduwan isugu yimaaddeen, iyaga oo wada
doodaya, oo mid wal baa aragtidiisa difaacanayo. Haddii shirarkaas badan
natiijo uun ka soo baxeen, hubaashii, natiijooyinka ka soo baxay waa wakhti
lumis, dhaqaale burburin, iyo baabb’inta rejada malaayiin Soomaali ahi ka qabto
mar kale isirkoodu in uu midoobo oo dawladnimo adag yagleelo. Soomaali badan
ayaa cadho iyo caloolyow ka muujisay shirarkaa bilaa natiijada ah—ama natiijo
in ay ka soo baxaan aan loogu ba talo gelin!
Dareenkaa siyaasiga ah ee
jira siyaalo kala geddisan ayaa ay muwaaddiintu u cabbireen. Mid qoraal ku
cabbira, mid maanso ku cabbira, iyo mid hadal caadi ah ku cabbira ba. Hadda ba,
tixdan “Toogasho” waxa ay ka mid
tahay, suugaanta siyaasiga ah ee waaqican, ee si toos ah u abbaaraysa mas’alo
ka mid ah mas’alooyinka waaweyn ee waxkadhihidda iyo waxhufidda u baahan. Hal-abuuraha
gabaygan lihi, waxa uu ku soo gudbinayaa aragtidiisa iyo dareenkiisa ku
waajahan arrintaa aynnu kor uga soo faalloonay, ee guud ahaan isirka
Soomaaliyeeed, wada saluugsan yahay. Saluuggaasi na waxa uu figta ugu sarraysa
gaadhay markii, Maarso 03, 2015, shirarkii muddada soo socday ba is afgaranwaa
ku dhammaadeen, oo labadii jiho mid ba midka kale ku eedeeyay, qabsoomi la’aanta
shirka (Shirkii Turkiga ee shirarka ugu dambeeyay) in ay sabab u ahaayeen! Bilo
ka dib dhacdadaa, Luulyo 20, 2015, ayaa ay tixdani soo baxday.
Cabdishakuur Afmagaaxshe
waxa uu, aad iyo aad, uga xun yahay dhowr qodob oo isaga uu u arko, in ay
khaldan yihiin. Waa ta kowaad e, waxa uu diiddan yahay, iyada oo laga hadlayo
masiirka qowmiyadda Soomaaliyeed, in dalal shisheeye lagu shiro. Taa beddelkeeda
ayaa uu jeclaan lahaa—labada magaalo (Muqdisho iyo Hargeysa) mid uun in lagu
shiro. Waa ta labaad e, waxa uu dhaliilsan yahay dawladda Soomaaliya, isaga oo
ku dhaliilaya falalka iyo odhaahyada ay samaynayso, ee Soomaalilaan oo awel wax
tirsanaysay sii fogayn kara, arrintana ka dhigi kara mid iyada oo xal leh xal
loo waayo. Taa rogaalkeeda ayaa uu jeclaan lahaa—Soomaalilaan wixii wanaag ah
oo ay qabsatay in loo qiro, horumarka ay samaysay wixii lagu darsan karo lagu
darsado, tabashooyinka ay qabta na si Islaameed iyo Soomaaliyeed looga wada
hadlo, iyada oo la is jecel yahay oo aan la is dulminayn. Waa ta saddexaad e, waxa
uu sugayaa in Soomaalilaan qudheedhu sababihii ay Soomaaliya, siyaasad ahaan,
uga soo guurtay in ay san ka badbaadin, oo cudurradii shalay Soomaaliya ku
dhacay ay maanta Soomaalilaanna ku dhaceen. Taas caksigeeda ayaa uu jeclaan
lahaa—helitaanka Soomaalilaan oo ka caafimaad qabta cudurradii shalay
Soomaaliya necbaysiiyay. Waa ta afraad e, waxa uu aad uga xun yahay halaagga
reerka Soomaaliyeed ku habsaday, ee qolo ba edeg calaamadsatay, iyo sida aan
loo qaddarinayn shalay wixii la ahaa, isla markaanna tagtada laga baranayn
casharro iyo cibarro wax-ku-ool ah. Taas lidkeeda ayaa uu jeclaan lahaa—Soomaalidu
in ay tashato, midowdo, tiihan ay ku jirto ka baxdo, oo qarannimo xooggan sidii
shalay samaysato. Waa gabay waxsheeg iyo hogatusaalayn ku ujeeddaysan oo
layaabbooyin badan soo gudbinaya. Waa gabay miisaan ahaan iyo murti ahaan ba
heer sarreeya.
Waa kan gabaygii
oo codaysan iyo meerisyadii oo qoran:
______________________________________________________________________________________________________________
______________________________________________________________________________________________________________
v Wadataabadkaygani ka weyn tuhunka maangaabe
v Waa gabay turxaan bixin ahoo idin tusaalayne
v Tuduc weli ba meel kore ayuu toogan keligiiye
v Taabud gabay ninkii aan ahayn garasho toolmoon leh
v Wuu ku tebin garaadkiyo aqligu tixaha qaarkoode
v Yeyn kula taraarine la soco waan tallaabsadaye!
v Tagsi iyo haddaad tooxsi iyo tamanni doonayso
v Nin weli ba tusmada uu dhigtuu tacab ku gaadhaaye
v Tagrifalidda waa laga jiraa togoshadaadiiye
v Hanka ruux tamiis lihi hadduu taabbo geli waayo
v Halka ay ka talan-taaliduu dib u tixraacaaye
v Tallan iyo dedaal bayska dhala nolosha toolmoone
v Tarbiyada naftaadaa u weyn guul la tiigsado e!
v Ruux hadduu tallaabsado Alle na saarto taladiisa
v Si un buu utaabaa wixii uu shintiriyaaye
v Bishan toomanaysiyo gugaa toddobku hooraayo
v Tahankiyo ujeeddada nin lihi kala takooraayo
v Tacabbirka humaagow wallee tooyashada laasheey!
v Anigoonan taabicin kolla ba kala tafniidkeeda
v Oo wadar ku taamiyo in ay dib isu toomayso
v Oo jecel tabtii ay ahayd toban in ay dhaafto
v Sida loo tadaawilahayaa taranta beenayne!
v Walaalkaa hadduu kaa tirsaday tacaddi loo geystay
v Tegi maysidee joogtan iyo amar ku taaglayntu
v Wada jirkan tasoobay illeen sii tagoog jabine
v Dhulkeedey ku toosnayd haddii lays turxaan bixine
v Maxaa talada Soomaliyeed Turkiga loo geeyay?!
v Haddii uu iskii ruux tashado ama is taamyeelo
v Taageero kaa mudan in aad badhi tunkaartaaye
v Su'aal taalla weeye intaad dib u tajriibayso
v Tagoogaha miyaa laga jabshaa tukubid liiciisa?!
v Citiraafka anigaa tirtiray kuu na tabar sheegtay
v Tirtirsiinyo un bay u tahay ruuxii tawsqaba e
v Halkay shalay ka talantaalidaad tafaha haysaane
v Odhaahdaada taban mooganey togani baw roone
v Tantoomada ka daa meel bugtaad toorri sii geline!
v Dhanka kale tixraacaye haddaan idin tusaaleeyo
v Qof hadduu caddaaladda tuhmoo tu uga soo guuray
v Ase tiisii uu ula tagoo tababbarkii raaco
v Oo warankii lugu taagay uu qoom ku tarar gooyo
v Oo ha taahin uu dhaho iya na tacajjab soo ma aha?!
v Sarbeeb tebinahaygii haddaan talaxtag miisaamo
v Loox iyo tawaad iyo argeed midi ba tuur fuulay
v Kii loo tusmeeyiyo macallin kala talaal goostay
v Ardaynimadaa teelteeshay ee turun-turroonaysa
v Sida ay u kala tuuran tahay lagu tacliin waaye
v Fahmo taam ah tiirarkaa shanta ah kor u ma taagaane!
v Dhalashadan tolkeed lagu diree cadawga tuugaysa
v Walaalahan is turuq gooynayee laysu todhinaayo
v Jahooyinkan la kala tiirsadee nini ba teed sheegtay
v Waa sida tumaal aan isagu tolan
kabtiisiiye
v Tuke iyo wallee kuray yaraw dhagax u toog hayse!
v Tax-taxaashka beenta ah naftii looga turi waayo
v Ee hadda na tawaawaca u nugul waa tabtaan nahaye
v Halkaad tiigsanaysee fog iyo talo xumaantaada
v Ficil lagu tarraxo baa riyada lagu tis qaadshaaye
v Garashadan tasawdaay wallee baaqay tacabkaagu!
v Soomaalidu tareen jabay ayay wada dul taalaaye
v Dhaayuhu waxay togan hadday eegmo tebin waydo
v Toore iyo dariiq baa jiriyo tubo la qaadaaye
v Taar-taar ba waa buu ahaa dawlad tiir adage
v Taariikhda duruus uugu filan kii tilmaansada e
v Kuwaan tegin hadda na jooginee taagan baw darane!
v Sida loogu tafo xayto bay tabar u dhiiqdaaye
v Sooyaalkan tuludaystay een laga tallaabaynin
v Waa waxa taftaafee nolosha tawsahaa badaye
v Tiiraanyo un ku nooleey wallee talo adduun seegtey!!!
______________________________________________________________________________________________________________
W/Q:
Maxamed Cabdirisaaq Saciid “Samiik”
Qoraa
iyo aqoon baadhe Soomaaliyeed
Boosaaso,
Buntilaan, Soomaaliya
Agaali,
Mey 7, 2016
Haddii aad akhriday mudane/marwo, waa aan jeclaan lahaa aragtidaada in aad i la wadaagto oo faalladaada halkan ku hoos qortid. Mahadsanid.
ReplyDelete