Boggayga Faysbuugga

Saturday, December 17, 2016

Muhiimadda Akhrinta Iyo Xifdiga Qur’aanka

Shaqooyinka ugu wanaagsan ee Eebbe Weyne loogu dhawaado isla jeerkaa na lagu kasbado ammaan, wanaag, iyo darajo badan waxaa ka mid ah oo kaalinta kowaad ku jira xifdiga hadalkiisa sarraynta badan leh. Dabci ahaan aadamuhu si uu noloshiisa u fududeeyo u na horumariyo waxa uu baadidoonaa oo si fiican u qabtaa wax wal ba oo arrintaa ka kaalmayn kara. Waa sababta maansooyinka, halkudhegyada, halhaysyada, odhaahyada, xigashooyinka, xeerarka, iyo tusaalayaasha wanaagsan u xifdiyaan, qalbiga ugu qortaan, u daliishadaan, oo noloshooda ugu sharraxdaan. Haddii hadalka caadiga ah ee bani’aadamku ku hadlay muhiimaddaa iyo weynaantaa cajiibka ah lee yahay, maxaa ka wanaagsan oo ka qiime badan hadalkii uu ku hadlay Casiiska Korreeya ee dunidan iyo iyaga ba abuuray?! Hubaashii jawaabta saxda ahi ee caqliga fikirayaayi celinayo waxa ay noqonaysaa sidatan: “Wax hadalkaa ka qaalisan oo uga mudan in la qaybo xaqiiqadii ma ay jirto.” Sidaa haddii aan isla fahamnay, waxa aan dhab ahaantii hadda na ogaanaynaa hadalkaa mudnaanta xifdigiisa in ay adillo badan ku soo arooreen, kuwaa oo ina tusinaya wacnaanta badan ee ku jirta qaybiddiisa, iyo dheefaha badan ee xigtadiisu dheer yihiin guud ahaan bahda Mulimiinta. Halkan waxa aan ku soo gudbin doonnaa qaar ka mid ah tusiyaashaa, innaga oo uga dan leh Muslimiinta haatan ee qalbixidhanku ku dhacay in ay ku baraarugaan, ogaadaan na mas’aladani in ay ilaa xad yaraysanayaan, oo aan ay garasho xattaa dhexdhexaad ahi fahamkeeda u lahayn.
Waxaa ku soo arooray ahmiyado badan akhrinta iyo qaybidda Qur’aanka kuwaa oo cid wal ba ba (oo xattaa aan Muslim ahayn) si fudud uga garaabi karto ahmiyadnimadooda. Mar kowaadkii, xaraf wal oo ka mid ahi waxa lagu helayaa darajo toban xiddigood oo wanaag ah oo xisaabtooda uu Mawle la gaar yahay. Xadiis uu ibnu Mascuud (I.H.K.R.N.) Nabi Maxamed (N.N.K.H.A.) ka werinayo ayaa ajarkaa badan ee in lagu degdego oo lagu tartamo tahay inoo sheegaya. “Qofkii xaraf ka mid ah Kitaabka Eebbe akhriya waxa u sugnaatay wanaag . . wanaaggaa oo ahaaday toban xiddigood . . . idin ma lihi alif’laam’miiim waa xaraf qudh ah, wax se aan idin lee yahay alifku waa xaraf, laamku waa xaraf, miimku na waa xaraf (Bukhaari, Taariikhul Kabiir, 1/216).” Sida ay isku raacsan yihiin badanka culimada waaweyn ee xadiiska, erayga “xaraf” ee xadiiskaa ku jira waxa looga jeedaa xuruufta alif’b’da, ee looga ma jeedo xarafkii eraybixinta ahaa ee u dhigmay “eray” ee agtooda layaqaanka ka ah culimada fanniga naxwaha ku talaxtegay. Waxaa kale oo xusuus mudan in culimada Muslimiiintu isku raacsan yihiin akhrinta iyo xifdiga Qur’aanka in ay tahay cibaado weyn oo fadli badan leh, taa oo addoonkii si ikhlaas ah u sameeyaa akoonkiisa buuxin karta, si weyn na uga farxin karta. Kol haddii ay cibaado Raxmaanka loogu dhawaanayo oo darajo lagu helayo tahay, waxaa in la is weyddiiyo ama weyddiin in laga keeno ba khalad noqonaysa, maxaa Qur’aanka loo akhrinayaa ama xifdigiisa loo dhiirri gelinayaa. Haddii xarafkii keli ah tobankaa xiddigood lee yahay, bal aayadda Qur’aanka ugu yar imisa xiddigood ayaa ay yeelan kartaa? Sida oo kale aayadda dhexdhexaadka ah? Sida oo kale aayadda Qur’aanka ugu dheer? Sida oo kale akhriska bog, maqro, xisbi, jus, iyo suurad?!
Mar labaadkii, xifdisanaha Qur’aanka xifdisan ee axkaamtiisa sida fiican u garanaya u na sugay, waxa uu lee yahay darajo adduuneed iyo mid aakhireed oo cid isku dhererin kartaa hubaashii aan ay jirin. Si aynnu arrintaa u caddaynno oo tusaalayaasheeda na u keenno, waxa aynnu jeerka kowaad lee nahay asaagii waxa uu kaga hormarayaa imaamnimada, teeda salaadda iyo teeda madaxtinnimada labada ba. Abii Mascuud al-Ansaari (I.H.K.R.N.) waxa uu xabiibkeena weyn ka wariyay xadiis qiime badan oo noo tilmaamaya sida imaamnimada loo kala lee yahay oo Ehlu Qur’aanka adduunka loogu faddilay. “Dadka ha hoggaamiyaan kuwooda Qur’aanka ugu yaqaan. Haddii ay Qur’aanka isku mid noqdaan, kooda sunnada badiya. Haddii ay sunnada isku mid noqdaan, kooda soo hor hijrooday. Haddii ay hijrada isku mid noqdaan, kooda weyn . . . (Muslim, 673).” Qaariga Qur’aanka yaqaan na ee sida wanaagsan u akhrinaya ayaa xaq u leh imaamnimada, xattaa haddii uu yahay aqoongaab fannigaa uun ku kooban, masjidka uu jooga na la joogaan aqoondheeryo badan oo magac weyn leh! Sida aad adigu iyo guud ahaan aadamuhu wada garan karaan, imaamnimadu waa mas’alo adag oo si adag loogu diriro oo wax wal oo wanaagsan iyo wax wal oo xun ba loo huro. Halka qudh ah ee ay dhacdo in ay oggolaadaan gaban aad u gu’ yar oo aad u magac iyo mustawe yar in uu hoggaamiyo, ku dabafaylaan iyaga oo raalli ka ah, oo boqorro, taajiriin, culimo, macallimiin, iyo mufakkiriin ahi, waa markan xaqiiqdii. Mar kale ma ay jirto! Darajadaa iyo booskaa sare waxaa gaadhsiiyay waa Qur’aanka uu erayadiisa xifdiyay, akhrintiisa na xariif ku noqday! Ma ay jirto wax kale oo gaadhsiiyay oo imaamnimadiisa ansaxiyay! Tabtan oo kale, ayaa haddii madaxtinnimada u tartamaan ama isku qabsadaan labo mudane oo si wal ba isku ceshan kara bal se Qur’aanka xifdigiisa iyo akhriskiisa ku kala mudan, waxaa madaxtinnimada lagu soo dhawaynayaa oo Kursiga Qaranka lagu sharfayaa kii Qur’aanka xifdisanaa ee qaariga wacan ahaa. Macnahaa waxaa ay culimadu ka fahmeen xadiiskaa, xadiisyo kale, iyo ishaarooyin dhowr ah, oo aynnu eegga halkan ku wada qori karin.
Jeerka labaad na waxa aynnu lee nahay asaagii waxa uu kaga hormarayaa darajada jannada. Akhriyaagu waxa uu lee yahay xaalad gaar u ah oo cid la gashaa aan ay diintu tiraabin. Haddii aynnu soo garannay darajadiisa adduunyada, oo aynnu soo ogaannay sharaf badan in uu lee yahay, sharaftaasi waxa ay buuxsamaysaa marka uu Alle agtiisa yimaaddo, oo jannada galo. Si uu Ilaahay (S.W.T.) dadka hadalkiisa bartay ee sugay u karaameeyo, dadka Ehlu Jannada na u tuso sharafta weyn ee ay lee yihiin, waxaa Nabi Maxamed (N.N.K.H.A.) ka sugnaaday xadiiskan: “Qiyaamaha qofkii Qur’aanka qaybay waxaa lagu odhan doonaa, akhri Qur’aanka—oo sidii kolkii aad dunida joogtay u akhrin jirtay oo kale u akhri—, darajada booskaaga jannada waa mid ku dhammaanaysa aayadda ugu dambaysa ee akhriskaaga (waxaa soo saaray Imaam Axmed, Tirmidi, iyo abuu Daa’uud . . waxaa na saxeexiyay xadiis yahan Albaani).” Xadiiiskaasi waxa uu inoo faa’iidaynayaa, kow, macnaha erayga “akhris” ee halkaa ku yimid in looga jeedo “xifdin”; labo, qof ba qofkii uu ka xifdin badnaa in uu jannada dhexdeeda kaga darajo sarreeyo, maadaama jannadu darajaad lee dahay; iyo, saddex, qofkaasi in uu jannada dhexdeeda darajo ba darajo uga sii baxo waxa qudh ah ee sababay in ay tahay, kolkii uu adduunyada joogay muhiimaddii uu siiyay Qur’aanka xifdigiisa. Haddii ba qofkii toban aayadood uun yaqaannay uu toban jeer kor u sii baxayo, maxaa aad xaqiiqadii u malaynaysaa, akhriste, kii aayadaha Qur’aanka oo dhan yaqaannay?! Sow 6236 jeer kor u dallacmi maayo oo darajada ugu sarraysa gaadhi maayo?! Cajiib . . !!
Mar saddexaadkii, wanaagga badan ee xaafidku lee yahay waxaa ka mid ah in uu qiyaamaha rafiiq la noqonayo malaa’ikta baarriyiinta ah ee barakaysan. Xadiis ay hooyadeen qaali, Caa’isha ina Abuubakar (I.L.R.H.K.N.), ka werisay aabbaheen qaali, Maxamed ina Cabdullaahi (N.N.K.H.A.), waxa uu yidhi suubbanuhu: “Shakhsigii Qur’aanka akhrinaya isaga oo akhrinta xariif ku ah waxa uu la jaalle noqonayaa malaa’ikta baarriyiinta ah ee barakaysan . . . (Bukhaari, 4653; Muslim, 798).” Kaasi haddii uu yahay xaafidkii tajwiidyaqaanka ahaa, kii isagu carrabkiisu culuslaa, ee akhriska iyo xifdigu ku adkaayeen, waxa uu suubbanuhu noogu sheegay isla xadiiskaa in uu lee yahay labo ajar—ajar dedaalkiisii ah, iyo ajar dhibkii uu la kulmay ah. Xadiiskaasi waxa aan ka faa’iiidaysanaynaa, xattaa haddii akhrinta iyo xifdiga Qur’aanka qaarkeen dhibaato badan kala kulmaan, in ay dhibaatadaa uga harin hawshaa wanaagsan, ee ay geesinnimo iyo geyllan badan muujiyaan, si ay labadaa ajar u helaan, labadaa oo Aakhiro wax badan u goynaysa hubaashii. Sida oo kale waxa aynnu ka faa’iidaysanaynaa wax cudurdaar ah Maalinta Dambe in aan loo haynin qofkii ku andacooda in aannu Qur’aanka baran sabab kasta oo uu sheego. Suubbanuhu isaga oo ka hadlaya fadliga ay lee dahay goob Qur’aan lagu akhriyaa waxa uu yidhi: “Dad guri ka mid ah Guryaha Guulle ku ma kulmaan iyaga oo doonaya Kitaabka Kariimka in ay akhriyaan, iyo in ay daraaseeyaan ba, illaa haddii ay sidaa sameeyaan, waxaa ku soo degaysa deganaansho, waxaa daboolaysa naxariista Eebbe, waxaa waardiyaynaysa Malaa’ikta, waxaa na agtiisa ku xusaya Eebbe Weyne (waxaa soo saaray Muslim, abuu Daa’uud, Tirmidi, Nisaa’i, ibnu Maajah, ibnu Xambal, I.Q.K.).” Xadiiskaasi waxa uu noo faa’iidaynayaa xattaa qof in uu kulankaa goobjoog ka noqdo oo hawshiisu dhegaysi uun ku koobnaato, in aannu xattaa ka qadaynin deganaanshahaa, naxariistaa, waardiyayntaa, iyo xusitaankaa Eebbe. Bal ka warran kuwii akhrinayay ee daraasaynayay?! Cajiib . . !!
Mar afraadkii, waxaa jira xadiis haddii aynnu maqalno oo macnihiisa fahmno inoogu filan waano iyo waxsheeg ku saabsan, iyo muhiimad iyo adkayn ku saabsan, xifdiga iyo akhriska Qur’aanka. Rasuulku waxa uu inooga digay qof Mu’min ah oo hadda na qalbigiisa aan wax Qur’aan la dhahaa aannu ku jirin. Xadiis uu ibnu Cabbaas (I.H.K.R.N.) Nabiga ka wariyay waxa uu Mustafe (N.N.K.H.A.) yidhi: “Ruuxii aan qalbigiisa wax Qur’aan ahi aannu ku jirin waxa uu la mid yahay guri kharaab ah (Imaam Tirmidi—xasan-saxeex). Waa tusaale nool oo ina dareensiinaya innagu na amraya Qur’aanka qalbigeen na in aan ku weelaynno—sida aan ugu weelayn karo na waa uun in aan akhrinno oo xifdinno. Sida aynnu og nahay, guri kharaab ah waxaa ku nool dad kharaab ah iyo xayawaanno halis ah oo dilaa ah. Tabtaa oo kale, qofka aan qalbigiisu Qur’aan ku jirin waxaa qalbigiisa ku nool fitan iyo fasahaad badan iyo xanuunno nafsi ah oo xumaraadiye ah. Sida oo kale xadiis kale oo is na muhiimaddaa weyn dhiirri gelinaya oo uu weriyay abuu Umaama waxa uu Axmed (N.N.K.H.A.) lee yahay: “Akhriya Qur’aanka; waxa uu Maalinta Qiyaamaha imaanayaa isaga oo u shafeeco qaadaya jaallayaashii (Muslim, 804).” Qur’aanku keli ah waxa uu u shafeeco u qaadi doonaa, isaga oo wefdi ah oo suuradaha al-Baqra iyo al-Cimraan hor kacayaan, dadkii uu wakhtiga iyo dedaalka badan ka qaatay ee uu fadhiga, hurdada, haasaawaha, socodka, iyo raaxada dhalanteedka ah seejiyay, ee isaga uun jeclaa, akhrintiisa iyo xifdigiisa na ku raaxaysanayay.
Dhan kale, haddii aynnu u nimaadno garashada caadiga ah iyo dabciga nololeed ee aadamaha, waxaa aynnu heli karnaa sababo maangal ah oo akhriska iyo xifdiga Qur’aanka innagu dhiirri gelinaya. Sababta kowaad, waxa ay macallinka Qur’aanka ka caawinaysaa ardadiisu in ay macallinnimadiisa aqoonsadaan. Baadhisyada cilminafsiga ee majaalka tarbiyada waxa ay caddeeyeen xidhiidhka layaabka leh ee qanaacada iyo kalsoonida ka dhexeeya. Kol wal oo qanaacadu badato waa kol wal oo kalsoonidu kobocdo. Dhaqan ahaan aadamuhu waxa uu mahadiyaa oo soo dhaweeyaa qof wal oo waxa uu dhigayo yaqaan oo qaybsan, kaa oo aan u baahnayn mar wal in uu dhigane is hor dhigo, oo wax ka yeedhiyo. Tabtaa oo kale ayaa ardada yaryari, iyo waalidkood ba, macallinka Qur’aanka ee Qur’aanka yaqaan ee xifdisan, ee kolka uu rabo ardada in uu dhigo aan odhanayn “kitaabkii aaway” u qiraan ku na qancaan macallin wanaagsan oo xariif ah in uu yahay, dabadeed na siiyaan kalsoonidooda iyo danayntooda oo dhan. Sababta labaad, daaciga iyo doodaaga Muslimka ah waxa ay ka caawinaysaa in farriintiisu faafto oo saamayn yeelato. Sida aynnu garan karo, farriin wal si ay u faafto oo saamayn u yeelato, waxaa muhiim ah in ay cilmiyaysan tahay oo nuxuraysan tahay. Sidaa aawadeed, daaciga iyo doodaaga Muslimka ah cilmiyayntiisa diineed waxa ay san ka maarmaynin Qur’aan; sidaa daraaddeed, xifdisanaantiisa Qur’aanka waxa ay xaqiijinaysaa diyaargarowgiisa aqooneed, iyo suuragalnimada guulaysigiisa farriineed. Sababta saddexaad, waxa ay bulshada ka caawisaa imaamkooda in ay saxaan kolka uu qaldamo. Abuur ahaan aadamuhu waa mid hilmaan badan ama gefaf badan, sababtaa ayaa la arkaa imaam ay aayad ku dhegtay oo dhan na ba u dhaqaajin kari waayay. Cidda qudh ah ee uu imaamkaasi sixitaan ka filayo waa bulshada ku dabatukanaysa ee uu hoggaamiyaha u yahay. Ugu dambayn, waxa ay akhriyaaga ka caawisaa ummad dhan in uu baro isaga oo qalbigiisa ka baraya iyo in uu noqdo marjac kala saara ciddii wax Qur’aanka ka mid ah isku qabsata.
Gebagebadii, waxaa xusuus mudan oo in qormadan lagu gebagebeeyo ay tahay labo ammuurood. Midda kowaad waa in Qur’aanka aan maanta haysanno ee kitaabkiisu guri wal ba yaallo laga qoray quluubta dad ka mid ah dadkii wanaagsanaa ee Eebbe u fududeeyay in ay xambaaraan. Sababtii ugu weynayd ee soo dedejisay in la qoro waxa ay ahayd raggaa oo gabaabsi noqday oo wax badan oo ka mid ah dagaalladii diineed ku shahiiday, wax kale na si dabiiciyeed u geeryooday. Shakki waxa aan ku jirin haddii ay wada dhiman lahaayeen Qur’aankan aan maanta haysanno in uu la dhiman lahaa. Midda labaad, innaga Soomaali ahaan, iyo bulsho badan oo ina la mid ahi, Qur’aanku waxa uu innagu soo gaadhay dariiqa macallin-ka-qaadashada, oo kutubtu aad iyo aad iyo aad ayaa ay inoogu yaraayeen. Barayaashaa ayaa uu Eebbe ku ilhaamiyay furista madaaris waaweyn oo xer badan ka aflaxdo iyaga oo Qur’aanka laabahooda ka dhigi jiray. Macallin ba xer ayaa uu soo saaray ilaa ay ugu dambayntii xertii xerooyin badan soo saareen . . sidaa ayaa uu Qur’aanku jiilkeen na ku soo gaadhay, xaqiiqdii! Mugdi waxa aan ku jirin raggaa la’aantooda, Soomaalidu, Qur’aanku in uu soo gaadhi lahayn; haddii aannu soo gaadhi lahayn na waxaa weyddiin weyn ay ka furmi lahayd “xaqiiqada Islaamnimadooda.” Labada qolo ba waxa ay qaadhaan aad u badan ku darsadeen xifdinta Qur’aanla—waa na si ka mid ah siyaalaha aan aadamigu koobi karin ee uu Qaadirku Qur’aankiisa ku xifdiyo. Ammaan badan ayaa aan u haynnaa xifdiga Qur’aanka, haddii aan Soomaali nahay, waa na sababta keentay in aan kaga horrayno dalalka Islaamka oo dhan, xattaa Sacuudiga. Gunaanadkii, Qur’aanku waa hadalkii Alle. Wanaag iyo darajo ba intaa ayaa ugu filan dhabtii. Fadliga hadalka Eebbe hadallada kale dheer yahay waa fadliga Eebbe makhluuqaadkiisa dheer yahay. Qofka xifdiyay ee akhriskiisa wanaajiyay na waa Ehelkii Alle. Isaga na wanaag, ammaan, iyo darajo ba intaa ayaa ugu filan. Ruux ba ruuxa uu Eebbe uga dhow yahay waa ruux ba ruuxa uu ka wanaagsan yahay ka na darajo badan yahay. Dhammaanteen Eebbe ha innagu hanuuniyo akhrintiisa iyo xifdigiisa. Sida oo kale ha innaga dhigo kuwa agtiisa ugu qiimiga iyo wanaagga badan ee ah “kuwa Qur’aanka bartay dabadeed dadka sii baray (Bukhaari, Nisaa’i, Abuu Daa’uud, Tirmidi, iyo Axmed).” Aamiin.



















W.Q.: Jaalle Maxamed Cabdirisaaq Saciid Samiik
Qoraa iyo aqoonbaadhe Soomaaliyeed
Boosaaso, Bari, Soomaaliya
Agaax, Diseembar 16, 2016—01: 52 G.D.



Monday, September 26, 2016

Eebbe Ayaa Ku Dilaya E, Maxaa Aad Hooyooy Gob Tahay!!!

Waxa ay ahayd maanta. Lixdii iyo shan daqiiqo ee aroornimo. Waxa aan soo galay carwo uu maammule ka yahay mudane aan aad isugu dheer nahay. Socodka waxaa igu wehelinayay dhigane qaali ah oo magaciisu yahay “The Language Instinct: How the Mind Creates Language.” Waxaa qoray qoraa is na qaali ah. Istiifen Binka.

Aniga oo xarragoonaya ayaa aan jaallahay gacanta u taagay, afka na ka i idhi “assalaamu calaykum wa raxmatullaahi wa barakaatuh.” Gacan naxariis badan oo qalbiga soo diray daacad looga marakacayo ayaa uu tayda gashaday, afka na ka yidhi “wa calaykumas-salaam wa raxmatullaahi wa barakaatuh.” Intaa dabadeed kursi ii dhowaa ayaa aan dabada la helay. Waxoogaa neef ah ayaa aan qaatay. Deganaan ka dib si firfircooni ku jirto ayaa aan isku warraysannay.

Warraysigii ka dib ayaa aan doonay meheradda in aan ka baxo. Waxa ii qorshaynayd goob aan wax ku akhriyo tegisteeda. Waa Hoteel Gacayte. Laakiin si degdeg ah u ma bixin. Maxaa wacay, toban daqiiqo oo aan ku bixiyo buug wal fiirfiirintii iyo faham ka qaadashadii ayaa aan qaddimtay. Haa. Halka aan tegi doono ayaa ay ahayd falkaa in aan ku suubiyo. Sidaa darteed waa aan khaldamay. Tobankaa midhidhood ka dib ayaa aan hawl kale galay. Warqad ay saaxiibtii Hindiya uga soo dirtay ayaa uu akhrinteeda igu sharfay. Akhrintaa ku foogganaanteed ayaa dhacdo sin na iga fajacisay, si kale na iga farxisay dhacday.

Qof dumar ah ayaa meesha gudaheeda soo gashay. Gartay. Waa hooyo Soomaaliyeed oo muruqmaal ah oo nolol-maalmeedkeeda nadiifinta halkakan kala soo baxda. Da’deedu qiyaastay waa konton iyo dheeraad. Inta aan ka aqaan waa haweenay dhowrsoon. Waa haweenay karti badan. Waa haweenay akhlaaq leh. Waxa aan is dareensiiyay waajib in ay nagu tahay in aan baxno si ay shaqadeeda u gudato. Tuducyadii ugu dambeeyay ee warqadda aniga oo maraya ayaa aan go’aansaday bannaanka in aan ku dhammaysto. Waa aan sare kacay. Intii aan warqadda isku laabin ayaa ay dhegahaygu hadalkan maqleen.

“Lacagtan bacda ku jirta waa shan boqol oo kun. Gabadhaydii ayaa shalay la guursaday. Waa qayb ka mid ah sooryadii aan guddoonnay. Waxa aan kuugu keenay jaallayaasha halkan soo geli doona wixii ay gaadho sharaab in aad ku siiso. Iyagu na taa beddelkeeda gabadhayda in ay ii gu soo duceeyaan.”

Intii ay erayadaa ku dhawaaqaysay labo shaqo ayaa aan si isku mid ah u qabanayay. Dhegahaygu hadalkeeda ayaa ay si fiican u dhegaysanayeen; maskaxdaydu na muuqaallada hadalkeedaa ka soo durdurayo ayaa ay daahfuraysay. Waxa fajaciso weyn igu noqotay gobannimada ay samaysay! Gobannimada ay samaysay hooyada degelkakan soo nabad iyo nolol bidday! Gobannimada ay samaysay hooyada la tacaalaysa korinta toddoba ubad ah oo magaalo wax kasta qaali yihiin ku nool! Gobannimada ay samaysay hooyada gabowgu weerar ba’an ku hayo isla jeerkaa na caafimaadkeedu wanaagsanayn! Gobannimada ay samaysay hooyada wakhtigii qabowga ahaa ee carruurtu duumada iyo shuban-biyoodka la ildarnaan jireen maalmo tirsan ka xigo! Gobannimada ay samaysay hooyada gabadheeda la guursaday nafaqo iyo kolkoolin badan u baahan tahay! Fajaciso weynaa! “Eebbaa ku dilaya e, maxaa aad hooyooy gob tahay!!!”

Badweyntaa fajacisada aniga oo dhex dabbaalanaya ayaa ay dabayl naxariiseed garaadkayga martay. Ummaddani si kasta ha u burburto e, weli waa ay dhaqan tahay! Dunteedii wanaagsanayd weli ma ay duugoobin! Waa taa hooyadaa miskiinta ah ee baahideeda iyo baahida qoyskeeda la galgalanaysa weli garashadeedu dhiman. Adkaa waxa ay garatay iyada oo nolosheedu gubanayso! Qof sii geeryoonaya ku adkaa qof uu jecel yahay hadyad in uu guddoonsiiyo! Oo ma xilli hadyadeed baa! Oo tani ma xilli garashaa! Intaa ka dib waxa aan adkaysan kari waayay ilintayda in aan xakameeyo. Keli ah ilmo kulul iga ma iman e, sidii dhallaanka ayaa aan u ooyay!

Waxa aan ka war helay labadoodii oo dareenkayga qabowjinaya. Jeclaan lahaa in ay i daayaan si aan u nafiso . . si mucjisadaa farxadda ii ga dhex muuqatay ku casuumanaado! Tan oo kale miyaa la isku diiddaa! Waxa aan ku baraarugay jaallahaygii oo muwaaddinaddaa sharfan hadalkeedii ka dareen celiyay. “Mahadsanid hooyo. Waa wanaag soo kordhay. Waa wanaag wanaaggaa ku sii kordhisay. Aqbal. Sidaa waa aan yeelayaa. Aniga, jaallahay, iyo qof kasta oo farxaddani gaadho na waa uu soo ducayn doonaa. Eebbe Weyne guurkaa ha barakeeyo. Lammaanahaa na kuwii is jeclaada, is ixtiraama, nolol ay raalli isaga yihiin ku noolaada, oo ubad dadkan iyo dalkan u aayo aabbo iyo hooyo u noqda, Alle ha ka yeelo. Aamiin.” Aniga ayaa uu hadalku igu soo wareegay.

“Hooyo . . hooyadii iga qiiraysiisaay ee maalinnimadaydii samaysaay! Waa aan garan karaa shakhsiyaddaadu in ay dheeman tahay oo dhisan tahay. Waxaa kale oo aan garan karaa noloshii dhibka badnayd ee gu’yaashii dambe jaalka la ahayd in ay san dhaawac weyn iyo mid yar ba u geysan garashadaadii iyo gobannimadaadii firka ahayd. Waxaa saddexaad oo kale oo aan garan karaa gabadhaadu in ay gob iyo fariid tahay maadaama aad labada ba adigu ku dhashay ku na dhaqday. Dareenkaygaa ka dambow, aan kuugu bishaareeyo in aan noqon doono qofkii kowaad ee sooryadani gaadho ee sharaabka ugu horreeya isla halkan ku cabba. Taasi waa falcelintaydii kowaad; ma na noqon doonto, idamka Eebbe, taydii u dambaysay. Ugu dambayn, reerkaa Soomaaliyeed ee taariikhda Soomaalida ku soo biiray, jeerka kowaad waxa aan lee yahay “baarakallaahu lakumaa wa baaraka calaykumaa wa jamaca baynakumaa bikhayr”; jeerka labaad na waxa aan Eebbe uga baryayaa wanaag iyo darajo oo dhan, tan iyo daarta dambe labada ba.”

Mahadcelin hooyo oo qalbiyadayadii ilmaynayay ka sii ilmaysiiyay ka dib, annaga oo dhexda is haysan na ayaa aan bannaanka u baxnay. Ka dib markii aan istaagnay, ayaa aan gacaliyahaygii ku soo jeestay, oo hadalkan ku idhi. “Ha moodin arrinteennu duco uun in ay ku ekaanayso jaalle! Gobannimada horteen na lagu sameeyay, ee wadnayaasheennu ka maqsuudeen, mid dheeraad ah waa in aan kaga dareen celinnaa. Taasi waa waajib diineed iyo waajib qowmiyadeed, sida ay u kala horreeyaan. Ma i fahamtay jaallahaygii aan jeclaayow? Waa aan kaa sii tegayaa eegga e, nin weyn oo dhaqan oo nabad haysta wixii laga filan karay sii diyaari. (Warqadda na akhriskeeda ma wada dhammayn e, marka aan dhammeeyo ha inoo ahaato.)”

Waxa aan goobtii ka dhaqaaqay aniga oo ku soo celcelinaya hawraartan. “Eebbaa ku dilaya e, maxaa aad hooyooy gob tahay!!!”






















W.Q.: Maxamed Cabdirisaaq Saciid Samiik
Qoraa iyo aqoon baadhe Soomaaliyeed
Boosaaso, Bari, Soomaaliya
Case, Sebteembar 25, 2016—11: 00 G.D.

Thursday, September 1, 2016

Jacaylkii Oo Lugaynaya Oo Reer Boosaaso Jacayl Ku Wacdiyay!!!

Aroornimadii dorraad, kolkii aan lebbistay ayaa aan si degdeg ah guriga uga baxay, ballan aan la lahaa jaalle igu qaali ah darteed. Aniga oo iska daawanaya doon raran oo dekadda ku soo xidhanaysa, ayaa uu jaallahay, “Salaadda Casar ka dib, goorsheegtu marka ay tahay saddex saac iyo badh, Hoolka Jaamacadda Muqdisho waxa laga jeedin doonaa soojeedin, ay kasooqaybgalayaasha la wadaagi doonaan Lammaanihii JacaylkaSheekh Axmed Jowhari, iyo Sheekhad Hibo Cumar Geelle,” warkaa farxadda badan igu jalbeebay, inta uu bog ka diiwaan gashan Faysbuugga ka akhristay! Run ahaantii aad iyo aad baa aan u farxay! Sababta aan ugu farxay imaatinkooda iyo soojeedintooda waxa lagu sharrixi karaa, ogaal aan ogaa sida ay isugu direen aqoontooda iyo waaya’aragnimadooda in ay ku badbaadiyaan qoysaska Soomaaliyeed ee aan tiirarka adag ku dhisnayn, qarka na u saaran burbur; iyo, sida ay da’ yarta uga kaalmeeyaan samaynta guur ujeeddaysan, kaa oo marjiciyad adag iyo xeerar nolosha fududeeya leh. Waa kaalin innaga bannaanayd, oo hubaashii, cid ku dedaasha aynnu u baahnayn. Duhurnimadii markii aan guriga imid, qadeeyay na, waxa naftayda oo indha-guduudsi u baahnayd ku wargeliyay: hurdada in ay san ku daahin, si farxaddaa weyni ay san ii seegin.

Nasiib wanaag, wakhti fiican ayaa aan toosay, oo inta aan is diyaariyay taksi ku booday, ku na tukaday masjid u dhow jaamacadda. Waa aan ku aqaannay naftayda, ixtiraamidda rabitaannadayda, iyo ka baqa cadhadayda ciqaabta badan! Saddexdii iyo badhkii, wakhtigii ballanta, oo daqiiqad aan ka soo hor dhacnay, waxa aan soo istaagnay kadinka hore ee jaamacadda, aniga iyo jaallahay. Salaan aan ku jalbeebnay waardiyaasha jaamacadda, oo aniga si gaar ah ii yaqaannay, afartii sanno ee aan jaamacadda ku jiray na saaxiibbo wanaagsan ahayn ka dib, waxa aan gudaha u galnay dhismaha jaamacadda, annaga oo beegsannay jihada hoolka, si aan kuraasta ugu horraysa la nooga buuxin! Buuxin?! Maxaa la buuxiyaa sow kuwa wada bannaan, ee labo qof oo qudh ahi labo kursi ku fadhido! Waa aan naxay, naxdin naxdinteedii! Mar dambe ayaa aan soo baraarugay. Qof aan arkaynin ayaa codkiisa dhegtayda ku soo diray. Hubaashii waxa uu uga dan lahaa, sida aan filayo, xusuusinka dib markii uu arkay in aan ka xanaaqay wax ay Soomaalidu “caadi” u taqaanno. Caadi la idinku cadaab! “Mudane, is deji! Waa caado Soomaaliyeed oo qarriban tani . . . tan aad ka xanaaqsan tahay, ee damiirkaagu qaadan waayay! Wakhtiga ballanta oo la ixtiraami waayo, iyo dhacdooyinka sidan u muhiimsan oo la qiimayn waayo, waa aafo bulsho oo u baahan in loo aqoonsado: masiibo bulsho!” Sidii biyo qabow oo la igu shubay camal, waa aan nafisay, erayadaasi markii ay u gudbeen maankayga, wadnahayga na ku qanciyay. Shantii iyo rubuc ayaa si rasmi ah xafladda loo bilaabay!

Hal mar ayaa sacabka la is la helay, aad na looga dhac-dhac siiyay, markii ay hoolka soo galeen martidii la sugayay. Ustaad Burhaan, oo ahaa barahaygii maaddada “Administrative Law,” ayaa noqday xidhiidhiyaha xafladda. Aayado Qur’aan ah oo waafaqsan mawduuca la isugu yimid markii xafladda lagu furay, waxa loo yeedhay guddoomiyaha Jaamacadda Muqdisho, laanteeda Buntilaan, barasare Cabdullaahi Sheekh Xasan, si uu magaca jaamacadda martida ugu soo dhaweeyo, xafladda na u furo. Guddoomiyuhu, waxa uu sheegay lammaanahani in ay soo mareen gobollo badan oo safarkooda ka soo bilaabeen Muqdisho, caasimadda J.Soomaaliya, ujeeddadoodu na tahay sidii ay waxtar ugu darsan lahaayeen badbaadinta iyo barwaaqaynta qoysaska Soomaaliyeed. Intaa ka dib na waxa uu ku soo dhaweeyay Jaamacadda Muqdisho, isaga oo uga mahad iyo farax celiyay imaatinkooda halkan.

Dabadeed waxa loo wacay mudane Maxamed Yuusuf Jaamac “Tigey,” Guddoomiyihii hore ee Gobolka Mudug, wakhtigan na ah guddoomiyaha shirkadda dalxiiska ee Magool, ah na xubin firfircoon oo bulshada rayidka ka tirsan, kaa oo dhiirri geliya maalgashiga dadka iyo degelka, adkaynta nabadgelyada iyo kaladambaynta, iyo horumarinta waxbarashada iyo cayaaraha, oo martida la socday. Arrimo farabadan ayaa uu mudane Tigey ka hadlay. Waxaa na ugu muhiimsanaa ka qayb qaadashada dedaalka loogu jiro dibudhiska cusbitaalkii Gaalkacyo oo qaraxii bishan 21keedii magaaladaa ka dhacay saamayn weyn u geystayisaga oo ku dheeraaday muhiimadda uu Buntilaan gaar ahaan iyo Soomaaliya guud ahaan u lahaa, sheegay na maalin wal ba in uu dawayn jiray bukaan Soomaaliyeed oo kor u dhaafaya “kun qof”; badbaadinta dalka Soomaaliyaisaga oo sheegay in hoggaamiyayaasha sebankan halka tilmaan ee ay wadaagaan in ay tahay “calool aan buuxsamin,” sidaa aawadeed ay waajib tahay jiilka tacliinleyda ahi aayaha ummaddan iyo geyigan in uu badbaadiyo; iyo, xidiidhka qoyska iyo qaranka ka dhexeeyaisaga oo sheegay sida ay u kala horreeyaan in ay isugu xidhan yihiin, oo qoysku lee yahay “muhiimadda ugu weyn.”

Tigey ka dib, marwo ka socotay Wasaaradda Haweenka Iyo Arrimaha Qoyska ayaa mekrafoonka lagu soo dhaweeyay. “Maanta in aan helno Lammaanihii Jacaylka, waxa ay tahay farxad weyn, aad baa aan u soo dhawaynayaa,” ayaa ay dareenka dhegaystayaasha iyo daawadayaasha ku soo jeedisay ka dib, arrimihii badnaa ee Md. Tigey ka hadlay, gaar ahaan dhacdadii argagaxa badnayd ee Gaalkacyo ka dhacday, taa oo dadka qiiro badan gelisay. “Anigu, waxa aan ka mid ahay dadkii jacaylka ka tanaasulay! Laakiin, maanta, saxansaxadii jacaylka ayaa ii soo uraysa,” ayaa ay Marwo Shamis Mahad Bulxan ku kaftantay. Aad baa loo qoslay, loo na sacabbiyay. Bilowgii jacayl ka warranku na halkaa ayaa uu ka bilowday!

Ustaad Burhaan, daadiyihii barnaamijka, waxa uu markan codlaliyaha ku soo dhaweeyay martidii culuslayd ee la sugayay, hadalkooda na loo xiisay. Sh. Axmed Jowhari ayaa hadalka ku hor maray. Waxa uu mahad badan u celiyay Jaamacadda Muqdisho oo kulankan qabsoomiddiisa suurtagelisay, dadkii Benderqaasim ku soo dhaweeyay gaar ahaan, iyo dadkii ka dambeeyay socdaalkoodu Buntilaan in uu gaadho, iyo mudanayaasha iyo marwooyinka wakhtigooda qaaliga ah u soo huray dhegaysiga iyo dhuuxidda soojeedintooda. Mahadnaq ka dib, waxa uu ku wareejiyay codgudbiyaha lammaanihiisa nolosha iyo jacaylka, Hibo C. Geelle, si ay hadalka u furfurto, hordhac wanaagsan na uga bixiso ujeeddada safarkooda iyo farriinta ay sidaan.

“Aniga iyo Axmed lammaane is qaba, is jecel, ubadkooda na korsada, oo nolosha qoysaska Soomaaliyeed in ay badbaadiyaan doonaya ayaa aan nahay,” ayaa ay ku ujeeddo furfuratay. Dabadeed waxa ay ku dheeraatay ahmiyadda socodkooda, iyada oo sheegtay sababta ay Ingiriiska uga yimaaddeen in ay tahay, doonis ay doonayaan cilmigooda iyo khibraddooda xaasnimo oo laabatan sanno gaadhaysa in ay ku biiriyaan reeraha Soomaaliyeed, si ay noloshoodu u barwaaqoodo, si uu qaranku na u barakoobo. Iyo, ujeeddadaasi, in ay tahay ujeeddada lagu dhisay hay’adda “Happy Marriage Academy.” Waxaa kale oo ay xustay in labadoodu ba barayaal yihiin, ay na jeceshay in sidaa loo arko, si loo kala faa’iidaysto. Iyada oo la kaftamaysa dadweynaha waxa ay tidhi: “Yaa aan la moodin dad dhallinyaro iska dhigaya in aan nahay. Ma aha sidaa! Annagu dad waaweyn ayaa aan nahay. Dad idin laa le’eg ayaa aan dhalnay . . . . Muhiimaddu waa in aynnu wanaagsanaanno si nolosha qoysaskeen na u wanaajinno.”

Ka hor intii aan ay kasooqaybgalayaasha daawadsiin soojeedintii ay ugu talo galeen, waxa ay ku jalbeebeen weyddiimo dhowr ah, oo ay dan weyn ka lahaayeen. Weyddiimahaa waxaa ka mid ahaa: “Imisa qof oo guursaday ayaa hoolkan jooga?” . . “Imisa qof oo guurdoon ah ayaa hoolkan ku sugan?” . . “Imisa qof oo xiddiglayaal ah oo hal haween ka badan guursaday ayaa hoolkan fadhida?” Dhammaan weyddiimahaa ay soo bandhigeen, warcelimahoodu gacantaagid ayaa ay ahaayeen. Waxa ay aad iyo aad, iyo aad iyo aad ugu farxeen, toban qof oo lammaane ah oo xafladda isku soo raacay, taa oo ay qireen in ay Boosaaso tahay magaalo jacayl, sidaa si la mid ah magaalooyinkii ay soo arkeen in ay san ku arag. Aad baa qiimayntaa iyo guushaa dadweynihii ugu farxeeniyaga oo farxaddooda ku muujiyay qosol badan iyo sacab badan oo ay wada adeegsadeen! Sida oo kale waxa mar kale aad loo qoslay, markii dadka guurdoonka ah laga codsaday gacantooda in ay kor u taagaan, in ay hablihii kor u taagi waayeen, taa oo loo wada arkay in aan ay doonayn ragga guurdoonka ahi in ay arkaan! Kaftan iyo is xifaalayn ka dib, waxa la gudagalay soojeedintii, oo lagu baranayay labo iyo toban qodob oo lafdhabar u ah guurka wanaagsan. In kasta oo aan ay si qoto dheer qodob wal ba u gorfaynin, hadda na faham guud ayaa ay mid wal ba ka bixiyeen. Qoddobadii ugu muhiimsanaa waxaa ka mid ah: fahamka ujeeddooyinka iyo xikmadaha guurka, muhiimadda ay lee dahay ogaanshaha qofka sooyaalkiisa iyo barbaarnimadiisa, wacnaanta badan ee ku jirta si wax-ku-ool ah xidhiidh u samaynta iyo isu gar dhigashada, qaab maammulka habboon ee dhaqaalaha, hab maaraynta saxsan ee iskahorimaadka, iyo is dhiirri gelinta iyo xoojinta ruuxda qoyska.

Soojeedintii ka dib, waxa bulshada loo oggolaaday weyddiimaha, talooyinka, iyo codsiyada ay qabaan si xor ah in ay u soo bandhigaan. Dad farabadan ayaa jaaniskaa helayoo aan anigu ka mid ahay. Waxa aan lammaanaha hor dhigay codsigan: “. . . . Waxa aan ka mid ahay dadka difaaca, u ol’olaleeya, ka na hadla mawduuca ‘akhriska.’ Waxa aan qabaa aragti nafsi ah oo akhriska iyo jacaylka xidhiidhinaysa. Waxa aan, Sh. Axmed, iyo walaashay Hibo ka codsanayaa, in ay noo sheegaan, na baraan, oo casharrada ku daraan, sida akhrisku uga qayb qaadan karo deganaanshaha, waaritaanka, is fahamka, iyo is jacaylka lammaanayaasha.” Dabadeed, markii fursaddaa la joojiyay, waxa ay isku dayeen iyaga oo ku xisaabtamayay wakhtiga oo gabaabsi ahaa, wixii ay ka jawaabi karaan in ay ka jawaabaan. “Maxamedoow . . . akhrisku waa quudkayaga! Sheekh aniga iyo Axmed talo fiican na siiyay waxa uu nagu yidhi: ‘Labo shay weligiin ha ka tegina: in aad buug hal meel ku wada akhrisataan, iyo in aad salaatul-laylka hal meel ku wada tukataan.’ Sidaa daraaddeed, akhrisku waa muhiim; jacaylkayagu na waa u quud! Waxa aan nahay ummaddii qiraa’ada. Mahadsanid,” ayaa ay Marwo Hibo codsigaygii kaga dareen celisay. Si gaar ah na, waxa ay labadoodu ii gu sheegeen, arrintaa in ay ku baraarugsan yihiin, oo ay ku ba badhaadheen—iyo in ay casharradooda ku soo dari doonaan.

Gebagebadii, murtiyadii aan labadooda ka dheefay waxa ka mid ahaa, haddii aan Hibo ku hor maro: “I fur-i fur ka ma dhigna i fur, ee waxa ay ka dhigan tahay i faham-i faham,” “Jacaylku sidiisa waa wax quud u baahanquud maalin wal ba ah,” iyo “Marka aynnu wada hadalno waa aynnu is fahmaynaa. Marka aynnu is fahamno na waa aynnu wada noolaanaynaa. Marka aynnu wada noolaanno na waa aan is jeclaanaynaa.” Kuwa Sh. Jowhari na waxa ka mid ahaa: “Haddii aad rabto magac iyo maamuus in aad hesho, dhaqaalaha ugu roonow afadaada,” “Si aad aadame u fahamto, faham noloshiisa iyo falsafaddiisa,” iyo “Yaa dallaaqu, dallaqnaakaFurriinoow, waa aan ku furnay.”

Waxa aan doonayn in aan illaawo arrin gebagebadii la tusaaleeyay. Ustaad Burhaan ayaa dadweynaha weyddiiyay: “Kulankan qabsoomiddiisa ma codtebiyayaasha ayaa aad ka dhegaysateen, mise Faysbuugga ayaa aad ka akhrisateen?" Toban qof wax ka yar ayaa gacanta u taagay ta hore—halka boqollaalkii kale na ay gacanta u taageen ta dambe. Waa tusaale nool oo muujinaya awoodda Warbaahinta Bulshadasi gaar ah awoodda Faysbuugga. Waxa aan ku dardaarmayaa awooddaa si togan in looga faa’iidaysto.

Xafladdii waxa ay dhammaatay iyada oo dadkii is jeclaa isa sii jeclaadeen, dadkii la’aa wax ay jeclaadaan na, sida aniga oo kale, jacaylkii uu u bishaareeyay, ku na yidhi: “Dookhaaga waa aad heli e, ducada uun ha ka bakhaylin!” 

























W.Q.: Maxamed Cabdirisaaq Saciid Samiik
Qoraa iyo aqoon baadhe Soomaaliyeed
Boosaaso, Bari, Soomaaliya
Carte, Ogos 31, 2016—11:45 G.D.

Sunday, August 21, 2016

Kul Kul Baa Lagu Jabiyaa!

Magaalada Boosaaso iyo magaalooyinka la cimilada ahi, waa kuwo dabeecad ahaan kulul, oo aalaa bilaha kulaylku ugu darran yahay laga xagaabaxo. Bulshada ku nool degmadaa waxa ay, u qaybsamaan ama loo qaybiyaa, marka laga hadlayo siyaalaha ay kulka u la dhaqmaan, labo qaybood: kulqabad iyo kulqawad. Qolada hore waa kuwo kulku dhibay, se sannado badan u dhabar-adaygay, oo ugu dambayntii fahmay sirta lagu la noolaado dhibaatooyinka kulku la yimaaddo. Qolada dambe se mar wal ba oo hawadu is beddesho oo qabowgii galbado waxa ay, si degdeg ah, u xidhxidhaan boorsooyinkooda, dabadeed na u jihaystaan degaannada kale ee ay qabowga bidayaan, Labada kooxood, sababaha midi ay u xagaajoogayso, midda kale na ay u xagaabaxayso, waxaa ka mid ah: waaya’aragnimada nololeed ee ay is dheer yihiin. Waa na qodobka qormadeennu soo bandhigi doonto iyada oo isku dayi doonta dhib haatan dunida ka jirta xalkeeda in ay soo dhawayso—ama ay sheegto ba.

Labadaa qolo aad baa ay u kala waaya’aragsan yihiin. Dhabtii waa waaya’aragnimo weyn oo soo ifbaxda isla amminta uu kulaylku booqasho rasmi ah ku yimaaddo hawada magaalada. Sida ay qolo wali ba u la halganto ayaa aynnu, hubaal ahaantii, ka garan karnaa kala khibrad badnidooda ku waajahan la qabsiga nolosha kulaylka. Kooxda kowaad kulaylka kul baa ay ka horgeeyaan—oo waxa ay ku salaamaan biyo kulul, sharaab kulul, shaah kulul, iyo anfaco kulul; kooxda labaad se kulaylka qabow baa ay ka horgeeyaan—oo waa sida hore caksigeeda. Labadooda falcelin ta hore ayaa natiijo wanaagsan la timaadda. Markii ba nafis gudaha ah, dhidid-joojin, iyo jawi la qabsi ayaa ay soo dedejisaa. Halka ta dambe qabow kumeelgaadh ah la soo oroddo, se daqiiqado yar gudahood la waayo, oo qofkii uu ku casuumanaado dhidid badan oo oogadiisa dareera kaas o, dharkiisa qooya, dhulka na dhibicdhibicleeya. Farsamo xumadooda ayaa markaa ku khasabta cagaha in ay wax ka dayaan oo degdeg magaalada uga baxaan—iyaga oo rafaadsan.

Falsafaddaa, “kul kul baa lagu jabiyaa,” nuxurkeeda aqooneed iyo garaadeed, dhab ahaantii aad baa ay uga xeel dheer tahay waaya’aragnimada Reer Bariga muddada badan kulka la noolaa heleen, ee ay xaqiiq ogaadeen: kulka waxa qudh ah ee ka adkaan karaa kul in uu yahay. Aragtida ay qormadani soo bandhigaysaa waa in ay, si falsafadaysan ugu doodayso, si cid ama koox looga adkaado (ama looga takhalluso ba), waa in laga horgeeyaa cid ama koox ay dabeecad ahaan isku mid yihiin, se feker ahaan kala duwan yihiin. Si aynnu arrintaa u ogaal iftiiminno, waxa aan tusaale u soo qaadanaynaa ururrooyinka Salafiga ah ee jihaada, ee maanta dhib badan dunida ku haya, weli se loo maaro la’ yahay sidii lagu cidhibtiri lahaa. Alshabaab, oo kooxahaa naga la joogta, ayaa aynnu si gaar ah diiradda u saaraynaa.

Alshabaab waa awood fikir-ciidan-hubaysan oo tan iyo 2006dii laga adkaan la’ yahay, mar ba marka ka dambeeya na halisteedu ay sii xoogganaanayso. Sababaha looga gacan sarrayn la’ yahay waa ay badan yihiin. Oo waxaa ba ka mid ah, ugu na horraysa, si run ah in aan loo doonayn in la la diriro—waxaa ba laga dhiganayaa mashruuc lagu dul macaasho. Se waxaa hubaal ah, haddii lagu midoobo in la tirtiro oo huwan qalabbaysan la dagaal geliyo, in aan weligeed laga guulaysanayn. Sababta ugu weyn ee taa keenaysa na waa in aan ba la fahamsanayn dhismaha Alshabaab—sida ay Alshabaab u samaysan tahay u na shaqagasho. Kooxdaa labo dhagax oo waaweyn ayaa ay jirridda ku haysaa: dhagaxa kowaad oo ah “aydhiyoolajiyadda” ay rumaysan tahay ee ay u geyllamayso hirgelinteeda, taa oo culimada, mufakkiriinta, iyo madaxda sarsare ee dhaqdhaqaaqu ay aqoonaynteeda, taageero u helkeeda, iyo borobogaandadeeda mas’uul ka yihiin; iyo, dhagaxa labaad oo ah “awoodda millateri” ee caalamiyaysan ee ay u samaysatay sidii ay aydhiyoolajiyaddaa u dhaqangelin lahayd, dalka na ugu xukumi lahayd, taa oo saraakiisha sarsare ee ciidammadu ay abaabulkeeda, iskudubbaridkeeda, iyo hawlgelinteeda mas’uul ka tahay. Labadaa dhagaxyood ka hore ayaa dheemankooda weyn ah—ama si kale madaxa ay Alshabaab ka noolaan karto ama ka dhiman karto waa “aydhiyoolajiyaddaas.” Si wal oo garabka hubaysan ee Alshabaab looga takhalluso macnaheedu ma aha Alshabaab nolosha dunida in laga saaray. Sida ay san saa u ahayn na waa in ay san ahayn jabhad hal dhagax ku fadhida.

Hadda ba, si dhaqdhaqaaqaa si dhab ah looga libinaysto, waxa loo baahan yahay awood sidooda oo kale u dhisan, u na habaysan, se ka fekrad duwan. Awooddaa, ayaa si weyn loo hubaa, haddii taageero macnawiyeed iyo mid maaliyadeed ba lagu gardaadiyo in ay, wakhti gaaban awooddaa fikir ahaan iyo millateri ahaan ba xididdada u siibi doonto, oo guul la hubo oo loo riyaaqo dhalin doonto. Sidaa daraaddeed, halkaa magaca qormadeennu yahay, “Kul kul baa lagu jabiyaa,” ayaa aynnu uun ku beddelanaynaa, “Alshabaab Alshabaab baa lagu jabiyaa!” Dabadeed, sidii Reer Barigii kulkii ka guulaystay ayaa aynnu innagu na, tabtooda oo kale Alshabaab ka guulaysan doonnaa.



≈≈≈



Tabtaa Alshabaab oo kale, falsafaddani, waxa ay soo jeedinaysaa, sida kor ku xusan ba, wax wal ba wax u dhigma oo liddi ku ah in laga hor keeno si loo fashiliyo. Tusaale ahaan, jabhad jabhad ayaa lagu buriyaa; wadaad wadaad baa lagu aamusiyaa; cilmibaadhis cilmibaadhis baa lagu gorfeeyaa; fikrad fikrad baa lagu dilaa, I.W.M.





























W.Q.: Maxamed Cabdirisaaq Saciid Samiik
Qoraa iyo aqoon baadhe Soomaaliyeed
Boosaaso, Bari, Soomaaliya
Agaalli, Ogos 20, 2016—11:55 G.D.


Thursday, July 28, 2016

Sidee U Arkay Koobkii Dawlad Gobolleedyada Dalka Ee Muqdisho Ka Qabsoomay?

Shalay galab, waxa Garoonka Koonis lagu soo gebagebeeyay koob ay dawladda federaalku dhex dhigtay dawlad gobolleedyada dalka, kaas oo bilowday 15kii bishan. Cayaartii shalay oo gebagebo koobkan u ahayd ayaa ahayd, mid aad iyo aad u xamaasad iyo xiise badnayd, taas oo ay ka soo qayb galeen madaxda sare ee dalka, mas’uuliyiin ka kala socday golayaasha dawladda, safiirro metelayay dalalkooda, iyo kumannaan iyo kumannaan dadweyne ah oo qaarkood ka kala yimaaddeen magaalooyinka Kismaayo iyo Garoowe. Ugu dambayntii, cayaar adag oo la is mari waayay ka dib, waxa goolkulaad shan iyo saddex ah ku badiyay xulka Buntilaan, sidaa na ku hantay koobka, noqday na horyaalka dawlad gobolleedyada dalka. Kolka laga soo tago daawadayaashii sida tooska ah u daawanayay cayaarayahaas, waxa, sida oo kale, si toos ah iyo si toos aan ahayn ba u daawanayay kumannaan iyo kumannaan kale oo dalka gudihiisa iyo dibaddiisa ku kala sugan. Aniga oo kuwaas ka mid ahaa ayaa aan, maqaalkaygan, kaga hadli doonaa aragtidayda ku saabsan ammuurihii ugu waaweynaa ee ii bidhaamay intii aan fiirsanayay cayaarahaas. Intaa na waxaa ii dheeraanaya hambalyo aan diri doono, iyo codsiyo aan soojeedin doono. 

  Siyaabaha loo soo noolayn karo walaaltinnimadii iyo waddaniyaddii ay siyaasiyiinteennu iilka ku xabaaleen waxaa ka mid ah, kaalmaha ugu horreeya na kaga jira, abuuritaanka is jacayl iyo is lahaansho cusub. Waxaa si fiican loo og yahay in baratannada cayaaraha ee hufani kaalin aad u weyn kaga jiraan abuuritaanka jacaylkaas iyo, weli ba, naaxnaaxintiisa. Aragtidaa iyaga oo ka duulaya ayaa ay, Wasaaradda Dhallinta iyo Cayaaraha ee Soomaaliya, Xidhiidhka Kubbadda Cagta ee Soomaaliya, iyo Maammulka Gobolka Banaadir, waxa ay dowlad gobolleedyada Buntilaan, Galmudug, Jubbalaan, Koonfurgalbeed, Hiiraan/Shabeellada Dhexe, iyo gobolka Banaadir (oo maadaama uu tartanka martigelinayo ka qaybgalayaasha koobka lagu daray, ha se ahaato e tilmaan khaldan oo “dawlad goboleednimo” ah ku dheelayay!) ku martiqaadeen tartan jaadkiisu kow yahay, kaas oo ujeeddooyinka laga lahaa ay ahaayeen: is dhexgal bulsho, is barasho xirfadeed, walaalayn Soomaaliyeed, iyo muujin nabadeed. Run ahaantii annaga oo ag dalka xaaladdiisu haatan sida ay tahay, doorashooyinka ku soo waajahan, iyo abaabulka shirqoollada iyo qaraxyda ee sida maalinlaha uga dhaca caasimadda, aad baa ay u adkayd koob sidan u weyn oo u baahan dakhli badan, askar badan, iyo dulqaad badan in la qabanqaabiyo. Waxa aan si buuxda u qirayaa tallaabadaasi in ay ahayd tallaabo geesinnimo badan huwan oo ay qabanqaabiyaashu ku dhiirradeen.

Dhowr ammuurood ayaa aan ka bartay ama ii ga ga bidhaamay muddadii yarayd ee uu koobku socday. Ammuurta hore waa in Soomaalidu bislaatay, ama dheh ka daashay dagaalka iyo qaxa aan joogsiga lahayn ee noloshooda aafeeyay. Wejiyada bulshada iyo hadallada bulshada waxaa laga fahmayay dareen xoog badan oo sheegaya in ay nabad iyo horumar u baahan yihiin, degdeg na ugu baahan yihiin. Ammuurta xigtaa waa awoodda iyo saamaynta badan ee cayaaruhu lee yihiin, taas oo haddii si togan looga faa’iidaysto noqon karta, aalad fudud, macne badan, oo loo adeegsan karo samaynta deganaanshiyo iyo kala dambayn xeerar u laabanaysa, iyo doonis bulsheed oo u xusulduuban helitaanka koboc dhan kasta ah oo hoggaamin aragti iyo xeel dheeri kulansatay u laabanaysa.  Ammuurta taa xigtaa waa ilbaxnimada reer Banaadir, kuwaas oo si mas’uulnimo iyo walaaltinnimo ku jirto shacab iyo maammul ba u soo dhaweeyay walaalahoodii kale, intii ay cayaaruhu socdeen na dadnimo hufan iyo debacsanaan kalgacalnimo muujiyay. Ammuurta dambe na waa sida ay Soomaalidu kubbadda u baratay, taas oo cid wal oo kubbadda cagta aqoon iyo xirfad u lihi ay aad u la dhacsan tahay, sida xulalku u soo bandhigeen cayaaro iyo cayaartoy wanaagsan, taas oo ay tahay Xidhiidhka Kubbadda Cagta ee Soomaaliya fiiro dheer in uu u yeesho, oo cayaartoydii magaca Soomaaliya ku safan jirtay ee Banaadir uun laga xuli jiray haatan, siyaasaddaa fashilantay ee dalka ceebaysay wax weyn laga beddelo, oo degaannada kale la siiyo wakhtigooda iyo ka warhayn joogto ah.

Dhowr hambalyood ayaa aan halkan ka dirayaa. Hambalyada kowaad, u na weyn, waxa aan u dirayaa Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka ee Soomaaliya, oo isagu ahaa mas’uulkii tartankaas furay, xidhay na. Hambalyada labaad waxa aan u dirayaa Wasaaradda Dhallinyarada iyo Cayaaraha, Xidhiidhka Kubbadda Cagta ee Soomaaliya, iyo Maammulka Gobolka Banaadir, oo iyagu ahaa abaabulayaashii iyo kormeerayaashii koobkan, qurux ku furiddiisa iyo qurux ku xidhiddiisa na dedaal badan gashaday. Hambalyada saddexaad waxa aan u dirayaa dawlad gobolleedyada oo codsigii qabanqaabiyaasha aqbalay, soo na diray xul qalabaysan oo qanaacaysan. Hambalyada afraad waxa aan u dirayaa cayaartoydii koobkan ka soo qayb gashay, ee dheel wanaag iyo dhowrsoonaan wanaag muujiyay, dhaqan geliyay na ujeeddooyinkii tartankan loo qabtay. Hambalyada shanaad waxa aan u dirayaa warbaahintii kow iyo tobankii maalmood ba heegan u ahaa soo tebinta cayaaraha iyo falanqayntooda ba—si gaar ah warbaahinta Access Sports. Hambalyada lixaad waxa aan u dirayaa shakhsiyaadkii madaxabannaanaa ee soo qaadayay sawirrada qurxoon, ka na qayb qaadanayay gaadhitaanka ujeeddooyinkii koobkan loo qabtay—si gaar ah sawir qaadaha xirfadlaha ah ee Cali Cabdi Ducaale. Hambalyada ugu dambaysa waxa aan u dirayaa xulka kubbadda cagta ee Buntilaan, oo guul weyn in ay soo hooyeen ka dambow, ku guulaystay billadihii mudnaa, iyo in ay hantaan qalbiyada dadka Soomaaliyeed. 

Ugu dambayntii, waxa aan codsiyo u soojeedinayaa dawlad goboleedka Buntilaan, ganacsatada Buntilaan, iyo jaamacadaha Buntilaan ka hawgala. Dawlad goboleedka waxa aan ka codsanayaa soo dhawayn sharfan oo u qalanta xiddigaha soo guulaystay in ay ugu sameeyaan guud ahaan magaalooyinka degelka, iyo in Wasaaradda Dhallinyarada iyo Cayaaruhu ay si joogto ah oo sannadle ah u qabato Koobka Gobollada Buntilaan, xulkan na la siiyo abaalmarinno qaali ah iyo, koorsooyin lagu dhisayo xirfaddooda kubbadeed, wacyigooda kubbadeed, iyo anshaxooda kubbadeed. Ganacsatada waxa aan ka codsanayaa inta qof ee aan shaqaynin in ay shaqooyin wanaagsan oo degdeg ah siiyaan, iyo in shirkad wal ba dammaanad qaaddo koox dhan mushahaarkeeda iyo baahiyadeeda kale. Jaamacadaha na waxa aan ka codsanayaa inta qof ee diyaarka u ah waxbarasho sare in ay bilaash ku siiyaan, iyo intii kale ee aan awoodin koorsooyinka kale ee ay u baahan yihiin in ay siiyaan. Sidaa haddii la sameeyo waxa aan hubaa dhowr qodobbood oo waxtar ah in ay soo baxayaan. Qodobka kowaad waa in dhiirri gelin badan loo abuuray cayaartoyda shaqada adag qabtay, taas oo iya na dedaal badan gelin doonta cayaartoyda mustaqbalka. Qodobka labaad waa in ay dhallinyaro badan kaga badbaadayso noocyada kala duduwan ee balwadaha, ama dhaqannada casriga ah ee habowsan ee dhallinyarteennu ku dhammaadeen sida argagaxisnimada, tahriibka, iyo budhcadnimada. Qodobka saddexaad waa in dawladdu, ganacsatadu, iyo jaamacaduhu ku helayaan magac iyo maamuus badan, kaas oo aan ay illaawi doonin bulshadu, siyaalo badan na uga faa'iidaysan karaan. 

Aynnu ku wada faraxno farxaddan weyn ee dhallinteen na loo sameeyay. Aynnu ku wada faraxno sida reer Banaadir ay u diiddeen in ay is dhiibaan oo gobonnimada u doorbideen. Aynnu ku wada faraxno sida cayaarahani ay Soomaalida isu jeclaysiiyeen ee qalbiyadooda isu soo dhaweeyeen. Aynnu ku wada faraxno cayaartoydii qiimaha iyo qaayaha badnaa ee inoo soo baxay. Oo aynnu ku wada faraxno guusha walaalaheen reer Buntilaan oo koobkii ku guulaystay.


















W.Q.: Maxamed Cabdirisaaq Saciid Samiik
Qoraa iyo aqoon baadhe Soomaaliyeed
Boosaaso, Buntilaan, Soomaaliya
Carte, Luulyo 27, 2016—11:40 P.M.